site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma ka cabsataa ragga?

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Ma ka cabsataa ragga?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Friday, October 27, 2000 - 02:35 pm
Haddii aad tahay gabar ka cabsata ragga, waa lagu doonayaa.
Maxaadse uga cabsataa ragga?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUXUBO

Tuesday, October 31, 2000 - 01:05 am
Aniga raga waan ka cabsadaa wax kale ma ahan ee raga waxaa laga helaa kuwo 2 maalimood eh aniga waxaan ahay qof jecel in qofka eey barato lee ku ekaaneeso oo aan meelal kale kasoo wareeganeyn.. marka qalbi jibis ma jecli... teeda kale raga qalbi in oow kku yaalo maba u maleysid qaarkooda oo waa iska soco oo kaliya... waxa kaloo jira waxa eey rabaan naag kasta eey is bartaan in eey due per due kku dhuftaan... marka raga qaarkood waa cadow ilaaheey noo abuuray in laga cabsadana xaq aa loo leeyahay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aisha

Tuesday, October 31, 2000 - 02:08 am
Hi Everyone,
To: 6512,
First of all let me ask you this, Are you a male/female?
What kind of survey are you doing?
Who's going to benefit from your survey?

Answer me those question, I'll be more than happy to help you out.

Waiting to hear from you!

Aisha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Tuesday, October 31, 2000 - 04:52 am
Muxubo

Cabsidaadu waa mid gabdheed ee maahan mid gaar. Anigu waxaan xiisaynaya mid kali kuu ah, oo dhibaato kuu keeni karta, haddii aadan daawo u helin.

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Tuesday, October 31, 2000 - 05:21 am
Aisha

Of course, Male.

E-mailing but beyond that, read the green lights.

I Myself(1st candidate) or maybe my friend.

Thank you for your interesting of helping me out.

I hope you to be the winner!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hammer

Tuesday, October 31, 2000 - 12:12 pm
#6512


What are you man,Jack the ripper,....Why are you looking for a woman who is scared of you?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Thursday, November 02, 2000 - 01:00 pm
Hammer


Don't worry too much about that!
Because you are not a female

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAMMER

Thursday, November 02, 2000 - 01:37 pm
#6512

you're damn right.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

naxariisbadan

Friday, November 03, 2000 - 02:30 am
waad salaamantahay walaal kama cabsado ragga waayo waxaan ahay qof weyn, allaah weyn oo waxid ah laakiin waanka xishoodaa waayo isku mid ma nihiin (raggo waa 100 dumarkuna 50) walaal ha dhihin ma kacabsataa ragga= allaah oo kaliya ayaa laga cabsadaa ee qof lagama cabsado

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Friday, November 03, 2000 - 09:57 am
Naxariisbadan

Naxariista Allaaha kuu siyaadiyo!

Ereyga cabsataa waa macno badan yahay, waxaase ula jeeda kii lahaa micnaha binaadiriga oo ah: xishood, sheexid, qajilid, yaxyax iwm.

Haddaba qoftan la doonayaa maahan mid dhimaneysa markey ragga aragto, ee waa mid markey niyadeeda ku soo dhacdo inay raadiso qof(nin) nolosha la qeybsato, haddana qalbigeedu u sheegayo sheeko ama hadal ka reebaya inay ku dhiirato xaaladda, in kastoo aysan cabsi ka qabin qofnimadeeda, caqligeeda, diinteeda iyo aqoonteeda kalaba, dhaqankeeda, quruxdeed, jinsiyadeeda iyo qabiilkeeda iwm.

Way badan yihiin dadka sifooyinkan leh, waxaase laga yaabaa: inaysan fursad u helin aqriska safxadaan, inaysan fahmin ujeedada iyo inay ka xishoonayaan jawaabta iyo siday u sheegi lahaayeen ilaa waa xishood ku noole.

F.G. Qasab maahan in aad meesha ka cadeysid sababta, waayo ma jiro balan qaad dhamaad ah, ee waa sheeko bilowgeed oo kaliya, in kasto furihii tahay.

Soo barya!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Iskufilan

Tuesday, November 07, 2000 - 12:53 pm
#6512

Aboowe si fiican uma garan su'aasha.
Please explain it to me clearly, then I ...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Wednesday, November 08, 2000 - 11:27 am
Iskufilan

Abaayo maxaadan garan oo kaa qarsoon?
Waxaad akhrisaa jawaabta aan siiyey
NAXARIISBADAN.

Ogeysiis guud:
Dhammaan gabdhaha da'doodu ka yartahay
21 ha iska raali ahaadeen, hadday cabsadaan
iyo haddii kalaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIINO

Wednesday, November 22, 2000 - 11:45 pm
DEAR 6512

SAXIIBOOW MARKA HORE MAXAAD NOOGU SHEEGI WEYSAY MAGACAAGA?
teeda kale ani aad ayaan uga baqaa Raga waayo ilaa hada waxaan xal u weysanahay nin aan jeclahay oo hadana aan kabaqaayo oon u sheegi karin waayo markaan is iraahdaba u sheeg waxaan arkaa ragkale oo dhahaayaa qoftii haeblaayo aheed hebel aye kuheysaa & wax yaabo kale oo aan hada halkaan ku soo shegi karin.
marka saaxiiboow waxaan kuu maleynaa in aad jawaab ii heyso meeshaan wax kabilaabi lahaa.
marka bal waxa kale oo iigu daran ayaa waxeytahay hadaan u sheego waxaan is dhahaa amuu sixun kugu jawaabaa ama amuu dadka kale kugula sheekeeys taa aad ayaan u xishood badnahay
SO I WILL APREITIAT YOU CONCERN

N.B
UMA BAAHNI DAD KALE ADIVICE KOODA AMA WAX SHEEGOODA FADLAN NO COMENTS FROM ATHER POEPLE
THNX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Friday, November 24, 2000 - 10:50 am
Shiino
Magaceygu waa caadi oo waa la sheegi karaa, waxaase doonayaa in astaantani u taagnaato inta aan ku jiro baaristan.

Adigu waxaad iga xishooneysaa wiilka waxaa weeyaan: Jaceylkiisa baa kaa batey, markaas buu kugu noqdey qof kale oo kaa soo horjeeda, oo aadan dhaafi karin.

Balse noocyada aan anigu ururiyo ama xiiseeyo waa ka duwan yahay kan. Haddaan example kaa siiyo waa sidan: waxaa jira gabdho ka xishooda ragga, oo ka cabsada in raggu ku nacaan; dhirirka, gaabnida, caatada, buurnaanta, lugaha, xabadka, caaloosha, cunto cunidda badan, jiifka badan, rag jaceylka iyo waxyaal badan oo sidaas oo kale ah.
Anniguna waxaan xiiseynayaa mid ka mid ah waxyaalahaas.

Marka haddii aad taqaanid saaxiib rag nacdey, waydii waxay ku nacdey oo u sheeg xaalkeyga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Saturday, November 25, 2000 - 07:55 am
Dear 6512

walal salaan ka dib waxaan ahay gabar kamana cabsado raga balse waan xishoodaa waxaana jecelahay inaan ka fiirsado hadalkayga, ragu ayaa waxay igu tilmaman inaan ahay naag dhagax ah oo
ku dhagan dhaqan hore mida kale walal aniga runta ayaan aad u jecelahay marka aan wiil barto su,aasha ugu horeysa oon weydiiyo waa salaada hadii uu dhaho ma tukado walal waan ka tgaa oo sheeko mama la sii wadi karo ku saabsan shukaansi,su,aasha labaad waa balwada walal runtii ma jeceli balwada lakiin waxaan isu dayaa inan ka waniyo hadaba arin ayaa lakulmay wiil balwad lahay bashash ah shantiisa waqti tukada wuxuu ila dhaqmaa sida walashiis anigana sharaf weyn ayaan u hayaa waan dhagaysta shekooyinkiisa intaan isla joogno indhaha uma dhamayn karo waana walakay saxiibkii, walal maxaad u maleyn arintaas? walal arintaa xishood miyaa? maxaadse dhihi lahayd nimanaka dhahaya dhaqankii hore ayaan haystaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Saturday, November 25, 2000 - 01:54 pm
Dagan

Walaal Daganey
Arrintaasi jaceyl iyo xishood midna maahan ee waa qadarin ka timid saxiibtinimada walaalkaa iyo sheekadiisa haasaawa leh. Runta waxay u muuqataa, haddii aad guursatid degdeg baad dib ugu soo jeesaneysaa.

Gabar ku dhagan dhaqankii hore iyo in lagu timaama dhagax iyo adeyg waa midda rag badan raadinayaan, ee la soco middaas.

Maxaa kale oo kuu raaca intaas oo aad isleedahey ninkii ku helaa wuu ku faraxsanaan doonaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, November 26, 2000 - 11:36 am
TO;6512.

ugu horeyn aad ayaad u mahadsantahay intaa ka dib,walal waxa ii weheliya gabar saxiib ah malihi ama gabdhaba walal kama helo aroosyada inaan tago walal hadii anan shaqo jirina sidii digagi ayaan sexdaa maqribkii, walal waxaa la igu yiraah walalha miyaad ka cabsataa maad baxdidi kamana baqo walahay ee ayageyba igu baxdaa shekadu walal maxaan sameyaa sideen saxiibo gabdhaa u helaa oo wanaagsan sababtoo ah wax gabdhaa ilama jogaan oo ila dhashay maxayse ragu igu sheegan dhagax nimada? mida kale walal wiilka waxaan ka shekeynaa waa shekooyin caadi ah lakiin walal ilkihiisa waa cad cad markuu qoslo qosol ayaa iqabta ama waan qoslaa waa ruux aad farxaan u ah mida kale walal guurku waa masuul aad u weyn oo waan ka baqaa ma jecli inan ku dag dago waan ka baqaa guurka gadashiisa masuul weyn ayaa ku duugan runtii waa cabsi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Sunday, November 26, 2000 - 01:22 pm
Daganey fiicnaantii baad ka badatey, waxaase u maleynayaa in aad isyeel yeeleyso, waayo sidaas qoftoo u fiican, cagabaha looma dhigeen.

Calaa kuli xaal, goorma baan ku soo wacaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, November 26, 2000 - 05:07 pm
DEAR; 6512

salaan kadib waxaan u maleyey inaa la talineysay gabdhaha cabsadee soo digan soo qaloocday taasi mama xumee sidee ayaad salaada ku tahay xirirka ALLAH subxana watacaale? sidee ayaad balwada ku tahay? mase tahay mid ku kalsoon naftiisa oo wanaaga badiya? matahay bid qadariya oo qimeeya dadka mudan qadarinta? hadaba hadaa intaas tahay isoo sii telfoonkaga ogowna inan dacad u hadlaayo kororso aqoontada aad ayaan ugu faraxsanahay fursada aan u yeeshay inaan kuu soo gudbiyo figrdayda adina aan kaa korosado midada walal waan sheqeyaa galabtii malmaha cadigaa , waxaad imaqli weekend.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Monday, November 27, 2000 - 03:38 pm
DAGAN

Laakiin waad iga sheexisey, annigu hadda ma soo qaloocan ee markii hore baan raadinayey gabar ka cabsata ragga sabab jirta owgeed. Gabdhahaase u qaatey in aan la talinayo, anna waan la taliyaa intii firadeyda ah oo daacad iga ah.
Adigase maaqaan in aad noqon doontid gabadhaas aan raadinayo, haddiise aan isla xiriirno, Annaa kuu soo bandhigi doona su'aashaas.

RAMADAAN KHAIR QABA.

Laakiin Daganey, adiga waxaad tahay dadka aan runta ka baqin, inta badan, waliba markey caroodaan ee wax kasta afkoodu karo.
Sidee ku ogaadey, ma iisheegi kartaa?

Su'aalaha aad i soo weydiisey dhammaantood waan ku gudbey(passed). Dhibkuse waa sidee loo xiriiri karaa? Anna ma doonayo in aan telefoonkey halkan ku qoro, adigana kuma oranayo ku qor kaaga?
Haddiise aad ii sheegtid furaha telefoonka dalka aad joogtid, Weekend kasta waxaa tijaabinayaa toban nabar ilaa aan kaaga ka helo. Sannad ka badan ma qaadaneyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jecayl

Tuesday, November 28, 2000 - 02:26 am
war nin yahow meesha waxbakuma heysid
inan ku oranaysa isii teleefonka ayaad waxaad leedahay sanad kadib ayaan kusoo wacaa war ninyahow aad baad iiga xanaajineysaa
hadii aadan lahayn raga nimo aad ku siisid tel.
war anagaa cidi ka baqeyne abaayo hoo tel. keyga
kani wuu ku lugoyn waqti ayuu kaa dhumin
magaceyga waa yusuf jeceyl waxaan deganahay
ingiriiska tel.004418659087
mar qura uun isoo wac deganeeeeeeeeeeeeeeeeeeey
waadna mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Tuesday, November 28, 2000 - 06:03 am
Jecayl

Saaxiib aad baad iiga qoslisey, sida qatarta ah aad darbiga uga soo boodey, ee u soo xoortey telefoonkaaga. Laakiin, yartu ma dooneyso kaliya nin iyo in la waco kaliya, ee waxey dooneysa qof aamin ah oo asna qof raadis ahaa. Adigasa waxaad sheegtey in ku timid caro la xiriirta telefoonka aan la cabsadey in aan ku soo qoro bannaankan.

Marka saaxiib, in kastoo aanan wali ka xigin wiilasha Dagan, haddana madoonayo in la beenbeeniyo ama la ajaro, gaar ahaan loo soo maro dhinaceyga. Sidaas daraadeed telefoonka ka hore, u soo bandhig gabadha shar iyo kheyr waxaad dooneysid.

Ha leys cafiyo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Friday, December 01, 2000 - 08:21 pm
dear6512,

horta hore aad ayaad umahadsantahay qimeeynta aad iqiimaysay iyo jawabahaga sareeya
intaa kadib walal su,aal ayaan qabaa oo ah maxadan tel, kada u soo sheegi weyday aniga sababta aan u sheegin waa xishood gabar nimo lakiin hadii aad ii soo sheegi lahayd waan ku soo wici lahaa kuna siin lahaa kayga hadaba waxaba ma ahan, ee don't worry, walal aniga waxaan ku noolahay maraykan magaalo la yiraah columbus ohio.
qayr ayaan kuu rajey iyo rabadaan wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Friday, December 01, 2000 - 08:33 pm
dear jacayl,

gacalka salaan qiimo leh ayaad salamantahay, kadib walal horta aad ayaad u mahadsantahay sababtoo ah waad dadaashay lakiin aboowe aniga maraykan ayaan jogaa marka sheeko ayaa noo horeysay 6512 aan is weydaarsany shekadii ayaana ilaa hada qabyo noo ah lakiin hadii aysan sheeko noo socon lahayn aniga iyo 6512 waxba ma ahateen oo shuruudaha la weydiyey 6512 ayaa lagu weydiin lahaa kadibna sidaa uga soo baxdid ayey ahaan lahay mida kale waxaad modaa inaad meel fog joogtid lodon, walal aad ayaad ufagtahay markale mahadsanid jacayl take care.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

easyM

Saturday, December 02, 2000 - 10:15 am
Dagan
waa ku salaamay abaayo, waraa gabaryahay qoftii aan raadinaayey ayaa tahay beryahan danbe maxaa yeelay, i don't date party girls no more oo waxaan bilaabay salaada waxaana rabaa qof diinta ku fiican sida aan kaa dareemayna waa ku fiicantahay,
marka ka waran hadii aan wax kaaga sheego in yar nafteeyda here it's
age: 26
height: 5,08 feet or 1.76 meter
weight: 65
good looking
nice personality
residence: holland& USA
maxaa kale oo kuu sheegaa? if ur interested in me u can email me,,,,,, comedian2hotmail.com

any sis who wanna realrelation can also contact me
peace & ramadan kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadde

Saturday, December 02, 2000 - 10:17 am
muxibo muuna beeshayee moosinkeed waa la moodayee, abaa intee joogtaa horta?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rooraye

Saturday, December 02, 2000 - 11:16 am
daganey waxaad heyso male niman kaan aad interNETKA//karaadi neyso ninkuu noqonmaayaane anaga magaaladakuladagan nasoofiiri hadiikale meeshaada hakugu taaganaato.somalidu waxay ku maah-maahdaa dharkaa dheer naxan kaamaceliyo.iimaanka isgali ee igaarka dariska ah oo laba ladoodka oo madoow oo guriga idinka soo hor jeeda dagan kawaran waa kuu kulul yahay.darisku xaq oo isku leeyahay ee ogowdaganey.waana kuu soo socdaa ee ogow dangay walaashiis magaceyga halkaan kuma sheegi karo kaagarunta ah na kumasheegi karo laakiin waxaan kuu sheegayaa lambarka gurigaaga hal kamida /456/
labarkagurigeenanawaa//648/markaila soco waxaan kugu gartay inaad adiga tahayna sheekada aad kor ku qortay oo aad naf taada uga sheesay,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Saturday, December 02, 2000 - 01:15 pm
DAGAN

Walaal Soon Wanaagsan!

Waan kaa qaadey salaanta iyo ducada qiimaha badan ee aad hawada ii soomarisey, waanad ku mahadsan tahay.

Runtii waxaan la dhacey sida dagan ee aad u soo hadleysid, waliba waxaan kuu sheegaya sida qoraalkaaga aan ka dhandhansadey, hadday kaa tahay daacad kana dhalatey maskadaada oo kaliya, in aad tahay gabar la dhaqmi karta qof kasta ama nin kasta oo macquul ah. Taasna waa nooc ka mid ah hibada Alle siiyo dadka wanaagsan.

Nov. 27, 2000, waxaan jawaabta soo raaciyey, hadal aan ugu tala galey in aan kaaga careysiiyo, balse kuma diirinba. Marka waxaan isweydiinayey, miyey faham tahay, oo caqligeeda ka batey. Mise wey carootaye, waxaa qaboojiyey jawaabtii aan siiyey Wiilkii la baxey "JACEYL".
Midday noqotaba waad ku baastey middaas.

Markii hore waxaan doonayey in aan weerer ba'an kugu qaado, oo nafta kuu keeno intaan ka ogaanayo qofnimadaada iyo qiimahaaga dhinac kasta, balse waxaad ii adeegsatay hubka ugu culus ee dili kara dadka wanaagsan ee waxgaradka ah kaliya. Hubkaasi waa daacadnimada, oo ka muuqata hadalkaaga, Ilaah baase og dadka qalbigiisa.

Dhinaca sheegida telefoonka, waxaa jira siyaabo badan oo loo sameyn karo sidii loo xiriiri lahaa, si looga badbaado ummadda sharteeda, taasna aniga ugu halee, markii aan u bislaano.
Labadeena ma noofiicna in aan degdeg isku dhaafsano telefoonka, oo waqti iska qaadno, kadibna midkeen ama labadeenaba aan kala boodno, kadibna dib u xasuusano waqtigii iyo xiriirkii naga qasaarey, amase aan colaad isku qaadno, waana middaan midda aan adduunka ugu nebcahay.
Waxaan ula jeedaa aan yara sii sheekeysano, oo isa sii barannoo.

Daganey walaaley waxaan kaaga digayaa in aadan meeshan ku soo qorin wax kasta oo ku kashifi kara sida telefoon iyo cinwaan kalaba. Balse ku soo qor figradaada dhabta ah, wax kasta oo aad aaminsan tahay, waxii aad jeceshahey iyo waxii su'aalo ah ee aad jeclaan lahayd in aad wax iiga ogaatid, su'aal kastana diyaar baan u ahey, waxaana kaa ballan qaadayaa in kaaga jawaabo sida runta ah ama aan kuu cadeeyo oo iraado, kama jawaabi karo.

Meesha aan ku noolahey sidaas uma dheera sida London, balse lug baa ku jirta.

Haddaba sheekada aan u sii dhaadhacno, oo iska wareysano nolosha caadiga ah. waxaan jeclaan lahaa in aad iiga warantid noloshaada iyo cidda ama qoyska aad la soo qaadatey sida, labadii waalid, mid kaliya, walaalo ama qaraabo kale iyo heerarkii aad la soo martey macnaha sidii aad ugu faraxsaneyd ama uga xumeyd.

Haddii aad sheekadaan bilowdid, waxaan kaa waaninayaa in aad sheegin wax magac ah sida magaalo yar ama xaafad, iskuul, qabiil iyo wax kasto oo keeni kara in lagu maleeyo. Haddii aad sheegtid Xamar, Hargeysa, Kismaayo, waa caadi oo dad badan baa daga, magaalo yar oo aad dagaan ahaan ku tagtey muddo yar waa caadi ayanna, dalka aad hadda ku nooshahey markii aad ka hadleysid isticmaal magacaga Gobolada(States) oo kaliya.

Waxaan u maleynayaa inaad waqtigaan u diyaar garoobeysid afurka.
Marka waxaan ku leeyahay afur wanaagsan, oo caafimaad qaba, taraawiixdana raaci haddii aad kari karto.

Fiiro gaar:
Waxaan kaa halmaamey in aan kuu sheego, inta sheekadu noo socoto, haddii uu nagala qeyb qaato wiil aan u aragno in uu daacad yahay, oo wanaagsan yahay, asagana waad soo dhaweyn kartaa oo la qeybsan kartaa sheekada, waliba talo waad iga weydiin kartaa. Balse wali ilaa iyo hadda inta soo soo dhiibatey qoraaladood waxey u muuqdaan dad iska dheeldheelaya.

NABAD GALYO IYO AMMAANA ALLA IYO ISMAQAL DANBE OO XIISO LEH!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, December 03, 2000 - 05:33 pm
dear;6512!!!!!!

salaan qiimo leh ka dib,walal waxaan kaga habalyeynayaa sida wanaagsan eed mar walba isugu taxalujinayso inaad ii qanciso midana way jirtaa oo naag heestay ayaa tiri barashada qasaartaa ogoow waa qaracan weyne hadaba walal intii barasho qof aad bartay qasaari lahayd inaad ka fiirsto ood ogaato inuu qofku u qalmo barashada ayaa wanaagsan kadibna haduu qofkii xumaado ileen wanaag iyo xumaan midna manaa sameeyne naftada ma eedeyneysid oo ma oranaysid waan ku dag dagay qofkaan marka walal thanks figradaa waan kula qabaa, tan kale walal walalahay ayaan isla noolnahay noloshaydii hore ee somaliya waalidka ayaan lanoolaa iyo walalahay ayeyday abtiyaday iyo adeeraday maraykan keli ayaan ku joogay mudo kadibna walalahay ayaa yimi sidii ayaan ku wada joognaa waan shaqeyaa iyagana sidoo kale qaar iskuul ayey dhigtaan qaarna way shaqeyaan anina january ayaan tagi college walal arinta sidaas waaye adina maxaad haysaa? yaa lanoshahay ama kula nool? walal aniga wax la soo qoray kama xanaaqo mana jeceli inan xanaaqo sababtoo ah xanaaqa badan cimrigaga ayuu dadajiyaa awalbaa cimrigeenu dagdagay calashaan 10sano oo dagaalka sidaas oo kale iska ilali inaad xanaaqdo noloshuna waa wax tirsane isku day inaad farxsanaato markale aad ayaan ugu faraxsanahay figradahaga ama argtidada qaligaa ood ii soo gudbinaysid baqayl matihid thanks and take care.is maqal xiiso leh jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabaryaaban

Monday, December 04, 2000 - 03:00 am
Salaan dhamaan

walaalayaal suaal ma xumee suaahsaan meesha lagu furay aan la yabanahay... raga maxaa looga cabsanaa bini aadam ma ahin miyaa... mase rag waxaa jira miciyo leh...aniga koleyba waxan u arka ain bahalka lee laga cabsado oon biniaadamka laga cabsan...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KINDMAN

Monday, December 04, 2000 - 03:27 am
TO MUXUBO


GACALISO HADII AAD DOONEYSID NIN KUU NAXARIISTA WAA INIGEE FALAN ILA SOOXIIR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, December 05, 2000 - 02:35 pm
Dagan
Walaal waxaan hawada kuu soo mariyanaa salaanta islaamka ee qiimaha badan. Salaan kadib, aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay dhammaan hadaladaada waxtarka ah ee aad ii soo gudbisey. Kalmada aad tiri oo ah in xanaaqu cimriga dadajiyo waa run, waana kalmad aan u isticmaalo sidaas, waxaan kaloo raaciyaa in xanaaqa ama carada badan lagu foolxumaado. Waxaad kaloo isticmaashey kalmad kale oo aad igu sifeysey, taas oo aad isha ka ridey, macnaha ku runsheektey.

Waxaan ku faraxsanahay in aad hadda u socotid ama bilaabeysid waxbarashada kolleejka, taas oo aan talooyin ka dhiiban karo, si aad ugu guuleysatid, haddii Alle idmo. Markii hore waxaan ka baqayey in aad tiraahdid mar hore baan dhameystey waxbarshadii, oo aad ii isticmaashid kalmadaha intabadan isticmaalan gabdhaha waxbarshada sare qaata, sida: "Waxaan dooneynaa wiil open-minded ah." Kalmadaan ooy ula jeedaan in wiilku yahay mid aan xad iyo xuduud laheyn, ee aan ka daqnan wax kasta oo xaaskiisu sameyso, xataa hadday dhaawaceyso diinta, dhaqanka iyo sharafta aadami iyo midda qoyskoodaba.

Walaaley waliga ka foojignow in lagu qaldo kalmadahaas oo kale. Waayo waxaa Ilaahey na amrey in aan qaadno halwado oo ah tan xaqa ah, ee islaamku na farey. Marka xuduudaas dhexdeeda oo kaliba baan ku nahey xor. Waxii intaas ka soo hara waxaa iska leh xayawaanka, aan caqliga laheyn.

Hadalkeygu waa socdaa, oo dib baan ka soo dhameystirayaa, Insha Allaah!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUXUBO

Tuesday, December 05, 2000 - 10:52 pm
Hi KINDMAN..

walalkiis wa ku mahadsantahay qalbi wanagaaga ee hadii aad tahay as kind as u diskribe u r selv walaalkiis inteen kaa la soo xiriiraa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

#6512

Wednesday, December 06, 2000 - 07:17 am
DAGAN

Mar kale ayaan kugu salaamayaa salaanta xaqa ah.
haddaan hadalkeyga meeshii ka sii wata, Soomaalidu waxey tiraahdaa: "Qof wax ku siiya waa la helaa, qof wax kuu sheegase lama helo". Midda kale qof walba waxii uu yahay baa laga faa'ideystaa, marka fadlan iska fiiri waxaan ahay.
Waayo waxaan kuu sheegayaa waxaan jeclahay.

Horey waxaad ii su'aashey in aan ahay mid ku kalsoon naftiisa oo wanaagga badiya. Haddaba in kastoo kalmaadahaani kooban yihiin, waxey xambaarsan yihiin macaani aad u fara badan, oo aan buugaag badan lagu soo koobi karin.
Kalsoonidu waa muhiim, la'aanteedna wanaag ma yimaado, marka si taas loo helo:

Waa in qofku aqoonsadaa Allahii abuurey iyo ujeedadii loo abuurey.
Waa in uu fahmaa oo raacaa waxii la farey, kana dheeraadaa waxii laga reebey.
Waa in uu ogaadaa wax kasta inay ku dhacaan ama ku yimaadaan qadarta ALLE oo kaliya, ugana mahad celiyaa waxii looga qadaro, shar iyo kheyrba.
Waa in uu markasta xisaabiyaa naftiisa, intuusan isku mashquulin mid kale.
Waa in uu ka adagyahay naftiisa iyo dareenkiisa, marna asaga iyo naftiisu u kala xishoodaan sidii labo qof oo aad isku tixgaliya.
Waa in uu u jeclaadaa, uguna naxariistaa noolaha kale oo dhan Alle dartiis, asagoo aan wax abaal marin ah ka sugeyn cid kale, Alle mooyee.
Waa in uu xiriir la yeeshaa inta wanaagsan oo kaliya. Waa in uu u shaqeystaa sidii asagoo aan waligiis dhimaneyn, una cibaadeystaa sidii asagoo barri dhiman doona. Waa in uu naftiisa kala dagaalamaa xaasadnimada. Waa in uu si gaar ah, ula yeeshaa xiriir, xaq dhowr, iyo waxtar wanaagsan waalidkiisa, caruurtiisa, xaaskiisa, walaalhiis, ehelkiisa, iyo saaxiibadiisa gaarka ah.
Intaas oo mid kastaa aad u ballaaran tahay iyo kuwo kale oo aanan xusin, markii la fahmo baa la heli karaa KALSOONI. Ilaahey ha nasiiyo kalsooni buuxda, oo qalbigeena ha sugo.

Xagga nolosheyda: Walaal annigu waxaan ku soo dhaqmey magaalada Mogadishu, gaar ahaan xaafadda aan jeclahey ee magaca leh. Halkaas oo aan kula noolaa waaridkey iyo walaaley. Sagaashanadii baan soo galney dalkan, Aabbe oo dhintey mooyee. Waanse kala danbeyney dhammaanteen. Walaalo waxey iskugu jiraan ardey, shaqaale iyo xaasas kala dagan gobolo kala duwan. Halkan waxaan ku qaatey waxbarashada kolleejka, walina waxaan iskugu jiraa ardey iyo shaqaale.
Almaxdu Lilaahi! waligey waan ku faraxsanaa nolosheyda, mid hore iyo mid danbaba. Waligey kama walwalin Adduun iyo howlihiisa, waayo Ilaahey jeceylka adduunyo qalbigeyga ma galin, ee waxuu galiyey gacanteyda, Asagaana uga mahad celanayaa!

Ugu danbeyn, waxaan kugu dhaafayaa in aad waligaa dadaalka badisid, iskuna kalsoonaatid markasta.
Iiga soo warran caafimaadkaaga iyo kan reerkaba.

ILAAHEY DHAMMAATEEN HA NASIIYO CAAAFIMAAD KHEYR QABA!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jantal amin

Wednesday, December 06, 2000 - 08:27 am
mamaqal miyaa ale malaga cabsadoo diintii ilaahey maloo noqdoo war qof yahey waxba ha biqin ragoo isku mid maaha dumarkoo dhana isku mid maaha waxa laga yaabaa inaad hesho midaanad kacabsan .
cabsida waxa keena jaceylka marka adigoon qofkaad nafta laqeybsan lahayd aadan helin ayaad jaceylkii iska hor marisey .
marka mid iga hoo jaceylka iska daba mari oo markaad qofkaaga jeclaan laheyd hesho jaceylka lasoo bax .
waataas ogow tan cabsida keeneysa .
jaceylka ayaa cabsida keena .
saas ogow
talo wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Friday, December 08, 2000 - 08:44 pm
dear;6512.

salaan qiimo xabaarsan kadib walal aad ayaan ula dhacay maskaxdada soo burqanaysa hadalada dhaxal galkaa ee weliba dagnaantu ku dheehantahay walal horta waxaad xustay inuu aabe dhintay ALLAHA awooda leh ee khalqay inta koonka ku kor nool ha u naxariisto hana karaali noqdo idinkana samir aan nabad guurin ha idinka siiyo amiin amiin amiin.walal hadaan ku laabto arimaha cajiibkaa sida gabdhaha raadinaya wiil maskax furan walal waad iga qoslisay arintaas hortaa ayaan la yaabay wiilashuba sidaas oo kale waxay radiyaan gabar maskax furan waxaan maqli jiray dadka waweyn oo yiraahda wixii laga xishoon jiray oolagu faano marka la arko waa akhiru samaan.waxaanse la yaabay dumarka leh ninkaygu waa inuu dhebarka ilmaha ka badalaa hadii kale bustihiisu waa bananka dhinaca kale ninka dhahaaya naag lasoo furay oo wax walba haysta oo nin nimadayda keliya iga baahan ayadu bixinaysa masruufka soo shaqayneysa jaadkayga iyo sigaarkaygaa ii gada anoo arkaaya maxay igala maqantahay gabar, walal maxaad u aragtaa intaas aa dhan hadey qabatay ayaa labadooda nin ah? walal araweelo ayaa caano lugta ku walaaqday markaas ayey tiri aduun qasan anana qasay hadaba raga iyo dumarkuba waa qasteen qarkood diintaa laga tagay oo la goyay xirirka ALLAH subxaana watacaale hadana la qatay dhaqanka rer galbeedka ayaa dhibaatadu ka timid dhibaatooyin farabadana u horseedi doona dadka qaatay dhaqankaas.
walal waxaan ALLAH inooga baryayaa inuu inaga badbaadiyo anaga iyo inta aan jecelnahayba halaag aduun iyo akhiroba amiin.
walal waxaad isaoo tiri qof walba waxa uu yahay ayaa laga faa,iidaystaa ee iska fiiri waxaan ahay walal taas waa xaqiiqdu siday tahay mahamaah ayaa oraneysay ninka kabo ka tolanayso kuwiisi hore ayaa la firiyaa hadaba walal ilaa iyo intii aan is dhaafsaneynay figradeeheena qaaligaa aad iyo aad ayaad iga cajabisay ama aan kaga faa,iidaystay siimaba markii aad soo qeexday kalsoonida waxaadna ogaataa jacaylakaa aad jecelaato ALLAH subxaane wataacaale inaad ku qaneecadaysid akhiradada iyo aduunkagaba tusaale yar hadii aan kaa siiyo waxaa laga yabaa hadii aad jeclaato gabar ood wax walba u qabato aad usuuro galiso inaaad habi ka dhightoinay waxba kula qaban hadaad u ooydo calcasho inay kuu malayso inaad doqon tahay ooy xoorto wanaga aad u samaysay tii bini aadanka halkaa ku daa ALLAh kor ahaaye marka aad jeceshahay sameeysid wanaaga uu ku faray wax walba oo wanaaga dartiis ku qabato markii aad u calacash u ooydo ood u dan sheegato ALLAh awood ayuu u leeyahay wuuna kaa abaal marin wanagaga hadaba naftayda iyo tadaba waxaan u rajeeyn ineey noqdaa kuwa wanaaga fartooma Insha ALLAh.
imaqal xiiso badan cafimaad iyo cibaado sareysa.
nabad galyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Saturday, December 09, 2000 - 11:15 am
Dagan

Walaal waad ku mahadsan tahay ducada iyo salaanta qiimaha badan oo aad hawada ii soo marisey, adigana sidaas oo kale baan Eebbe kaaga rajeynayaa Insha Allaahu!

Runtii aad iyo aad baan ugu faraxsanahey hadaladaada culus ee xigmada iyo Alle ka cabsigu ka buuxaan. Markii hore waxaan lahaa gabadha u faa'ideeye hadda anaaba faa'ideysanaya, oo tartiib tartiib baad iigu soo baxeysaa, waliba xagga diinta, oo aad markaan u ektahay ugu yaraan wadaad ama wadaad culus. Tanna waa mid aan aad ugu baahnaa in aan barto qoftoo ii faa'ideysa, iguna dhiiri galisa sidii aan diinta wax uga sii baran lahaa, haddii Allah idmo!

Waxaad kaloo ku daran tahay xagga dhaqanka iyo soo xiggasha sheekada ama tusaaleenta hadalka, taasna waa mid aan aad iyo aad uga helo, oo waa howlaheygii. Halkaan waxaan ka rumeysanayaa hadalkaagii ahaa in lagugu yiraado ama lagugu sifeeyo in aad tahay qof dhaqankii hore ku dhagan ilaa lagaa gaarsiiyo heer lagu tilmaamo dhaqankaaga mid sida dhagaxii u adag. Arrintanna inta kula tartami karta maantay baaba iska yar, ee KU DAANSHOOD MIDDAAS ADEY KUU GAAR TAHAYE.

Waxaan ka fakarayey in aan ku siiyo e-mail, marka e-mail ma leedahay. Tan waxaan u xiiseynayaa, in aan ka soo durko barxada sheekada, ee aan helo fursad intaas ka sii ballaaran oo aan wax badan oo kale ka sii sheekeysano, haddii Allah Idmo.

Waxaan adiga iyo reerkaba Alle uga rajeynayaa caafimaad iyo naxariis ballaaran!!!

Ugu danbeyn ka waran barafkii idiin bilowdey Jamcihii iyo sida aad u soo dhaweysey ama uga eedsheegatey.

INAHA ALLAAHU! Ismaqal danbe oo xiiso leh!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, December 10, 2000 - 09:31 am
6512!

iga hano salaan aad u saraysa salaan kadib
walal aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabaha qaaligaa iyo su,aalaha dhaxal galkaa intaba, walal barafkii jimcihii wax yar ayuu ahaa oo milmay barafka waxaan aad uga necbahay qaboowga, dadkuna waxay yiraahdaan qabowgu wax kama dhimo dumarka iyo idaha ama laxaha sidaad utaqanidba taasna anigu waan diday oo kulaylka iyo qaboowga midna ma jecli xiliga farafku da,aayo qaboow maleh lakiin markuu milmo qatartiisa ayuu leyahay,walal waxaad i soo weydiisay hadaan leyahay e-mail jawaabtuna waa haah walal aad ayana ugu mahadsantahay sida aad u jeceshahay inaan kaga faa,iidaysto waxa kalood ku mahadsantahay sidaad u rabtid inay barashadeenu unoqoto mid wax dheefitaan leh ama faa,iido.
sidas iyo ismaqal xiiso leh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Sunday, December 10, 2000 - 02:09 pm
Dagan

Walaal waxaan hawada kuu soo marinaya salaanta qiimaha badan ee ehlu jannadu isku salaamaan.

Salaan kadib, aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay dhammaan salaamaha, ammaanta, dhiiri galinta iyo ducada aad hawada ii soo marisey. Adigana intaas iyo ka badan baan kaaga rajeynayaa Boqorka kalidi awoodi u sugnaatey.

Waxaan u maleynayaa in aad ka cabsatey ama kugu noqotey halgaad sahlan su'aashii aan ku soo weydiiyey, waayo waxaan ku fahmey, anniga oo la igu tiriyo geesiyaasha aan libirsan baa dareemey cabsi yar, markii aan heley kalmada "HAAH". Taas in kastoo aanan rumeysan markii hore haddana waxey ii cadaatey markii danbe aan bilaabey jawaabta ama qoraalka. Si kastaba ha ahaatee, geesi waa kii ceelka yimaada, jawaabtiina waan kuu soo dirayaa insha Allaahu!

Haddii aan ku laabto ama wax ka iraado arrin hore oo aad carabka ku dhufatey ee ku saabsaneyd ragga iyo dumarka, waxaan ka oran lahaa intan yar;
Annigu waxaan aaminsanahay in dhibaatadu ka dhalatey ayadoo amarkii Ilaah laga leexdey iyo ayadoo aan la fahmin micnaha guurka iyo ujeedadiisa. Micnaha guur waa ka duwan yahay sida dad badani u heystaan oo ah in labo ruux(nin iyo naag) la iskaga marqaati noqdo sidey meel ama aqal u wada dagi lahaayeen, ayagoo aan xijaab dhex oolin. Balse waa axdi galid la isku dhaafsanayo ballan qaadyo faran badan sida in la dhiso aqal ama makaan lagu caabudo Alle, la isku dhaafsado muxubo, is aamin, is daryeelid, wada shaqeyn qaalis ah iyo in qofba qofka kale u badelo waaridkii dhaley, waayo wiilku hooyadii buu ka soo korey, waxuuna u baahan yahay ruux booskaas u gala, loona dheereysiiyey inay isku xaal yihiin. Gabadhana sidaas oo kale waxey u baahan tahay inay hesho wiil u buuxiya booskii aabbe, xagga xannaanada iyo daryeelka, una sii dheer nin u noqoshada. Intaas markey isku kulansadaan, bey fahmi karaan ujeedada looga danlaahaa guurkooda oo ah inay dalbaan ubad laga leeyahay labo ujeedo oo ayana ah, inaan tafiirta aadamigu baabi'in ee la isa sii dhaldhalo iyo in ubadkaasi noqdaan kuwo wax ka siibadiya tirada dadka wanaagsan ee u nool weyneyta Alle iyo fulinta awaamiirtiisa uu nagu waajibka yeelay.

Haddaba tani soo maahan masuulidyad weyn, oo u baahan in la ogaado ama loo bislaado intaan la is arag ayadoo guri la isla joogo.
Markii tan la dayacey ee laga noqdey lax dhukani abaar moog, baa loo shaqeeyey dhinicii khaldanaa.
Waxaana la isla galaa ganacsi kaliya, waliba ganacsigaas oo aan lagu dhisin wax qaanuun iyo sharci ah toona, ee la yiri, haddaba waa keenii u soo hormara ama boobi kara wax na dhex yaal.
Tusaalana waxaa noogu filan intii aad ka soo sheekeysey iyo dhan kastoo laga eegaba wada noolaashahooda. Mid kasta oo ka mid ahna waxuu jabinayaa sharuudihii iyo ujeedooyinkii laga lahaa guurka.

WALAALEY WAR LAGUMA DHAMEYN KARO XAALKAANE, ILAAHEY ANNAGA IYO INTII MUSLIM AHBA HA NA FAHAMSIIYO MACNAHA IYO UJEEDADA RUNTA AH EE ALLE KA LEEYAHAY GUURKA IYO XAALKIISA!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, December 10, 2000 - 04:45 pm
6512!!!!!!

walal waan kaa qaaday salaantii aad ii soo dirtay ee qaaliga ahayd iyo weliba ducada. intaa ka dib walal aniga oo kaa qanicinaaya su,aashii aan ku soo iri haah walal horta markaad isoo weydiisay su,aasha iyadaa waan iska ogaa inaad yool baar ku jitid oo aad ogtahay aniga oo habeen walba halkaan kala xirira in aanan ahayn e-mail la,aan hadaba walal anigaa oo kuu tixgalinaaya yoolbarkaga ayaan kuu sahalay jawaabta oon ku iri haah, waxaana jecelahay inan runta ka hadlo adiguse ha cabsan weligaa hana sarbeebin hadale su,aasha qabtid soo daa ogoowna inan sida dacaada uga soo jawaabi doono hadii aad hadaladayda dhagax nimadayda la yaabtid ood aad u jeclaatid inaad dadeyda ogaatidna anigu waan dhaafay 20jir mana gaarin 30jir oo xaqiiqda ah.
walal xaga guurka dadka aad soo qeexday ama aan anigu horey uqeexay somalidaa waxay tiraah derskaa mar ku diim mar ku dayo marna ka darnoow
ALLAH waxaan ka baryayaa inuu naga badbadiyo ayagana wanaaga noloshu ledahay tusiyo amiin.
noloshuna waxay qiimo ledahay marka aad is fahmaysiin qofka aad la nooshahay daganan iyo wanaagna wax isaga dhadhicin kartii sababtoo ah waxaa la yiri af iyo ilko ayaa isgu dhow ayaguna way is qaninaan hadaba waa qasab in la iska hor imaan karo ee waa in la iska qacin karaa, mida kale wax walba waa qadar waxaa dhcda dad wax badan isla shee keysan jiray iney hal maalin ku kala bodaan dad aan weligood is aragna iney nolosha isla fahmaan sida ayeyooyinkeen iyo awoowayaalkeen waxba hadal badan haan ma buuxshee anigoo halkaa ku ekeynaaya hadalkayga caawa insha ALLAH is maqal danbe xiiso leh macasaalama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Wednesday, December 13, 2000 - 03:49 pm
Walaal waxaan kugu salaamayaa salaanta qiimaha badan ee islaamku isku salaamo.
Salaan ka dib, waan barwaaqeysaney, waana Alla Mahaddi, adigana sidaas oo kale baan Alle kaaga rajeynayaa.

Haddii aan waxyar ka taabto hadalkaagii, waxaan oran lahaa sidan: Wey jirtey in aan u isticmaaley sarbeeb kalmadan "Su'aasha", mase aheyn sidaad moodey iyo in aan kaala baqayey su'aal aan ku weydiin lahaa, waxeyse u taagneyd oo aan sarbeebayey kalmada "E-mail". Dhinaca kale, ujeedadeedo maaheyn in aan wax yoolbaaro.
Kaliya, markii e-mail meesha yimid, baad soo qortey hadal ka gaaban sidii aan kaaga bartey, annigana markii aan damcey in aan soo jawaabo baa hadalkii ugu yaraadey, tanna waxaan u aaneyn karaa in hadalkeena badidiisu u keydsan tahay dib iyo iimeylka soo kordhey.
Calaa kuli xaal, taasi dhib male, oo waan ogahey in aan mararka qaarkood degdeg la ii fahmin, waayo waxaan jeclahay sarbeebta, taasna waad ila baran doontaa, haddii sheekadeeno sii socoto.
Hadda iyo dan, Dagan walaal waxaan rajeynayaa in sheekadeeno gasho tilaabadii labaad, balse ah albaabkii koowaad. Haddaba markasta oo aan qaadno tilaabo xagga sheekadeena, waxaad ugaataa in aan kula galayo AXDI ama Ballan, taas oo iiga kaa duweysa ummadda kale ee aan ku sheekeysano Internetka. Haddaba waa maxey AXDIGANI ama BALLANTANI? Axdigani maahan mid wax kasta soo afjaraya, ama nagu soo xiraya mowqifyo gaar ah, balse waa mid ah, in aan isku tixgalino wiil iyo gabar sheekeysanaya si qofba qofka kale u miisaamo ilaa iyo intey nala gaarto, haddey socon weydana ku soo xirno wanaag iyo istixgalin.
Waxaa halkan ka baxeysa, in qofkeen ka qeybqaato sheekada asagoo ka gadisan qofka uu sheekada ku jilayo, sida wiil gabar iska dhigaya ama gabar wiil iska dhigeysa, xaas iska dhigaya madax bannaan, qof dan la'aan iska doonaya sheekada, iyo inuusan aheyn sida u sheeganayo ama ka badan yahay hal qof, in dad kale u hadlaan ama figradu ka soo aroorto iyo wax la mid ah. Balse waa caadi haddii uusan sheegin marka horaba waxii uu doono, oo taas qayaano maahan.
Waxaan rajeynayaa in aan u sheekeysano si ka maran qayaano iyo sir iska doonid, una aragno hadaladeena amaano aan isdhaafsaneyno oo midba midka kale u hayo, una soo celiyo markii uu u baahdo, haddeyba noqoto.
Waxaan noo rajeynayaa nabad, caafimaad iyo Raali ahaanshe ALLE!!!
Abdiaamin@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, December 26, 2000 - 07:11 am
CIID MUBAARAK! CIID MUBAARAK!! CIID MUBAARAK!!

DHAMMAANTIIN CIID MUBAARAK, SANNAD WALBA KHEYR BAAN IDIIN RAJEYNAYAA, INSHA ALLAAHU!

INTII XANUUNSAN ALLAH CAAFIYO!
INTII WALAACSAN, FARAD ALLAH U FURO!
INTII KHEYREYSANNA, ALLAH U SIYAADIYO
INTII DHUNTEYNA, ALLAH TOOSIYO!

DHAMMAANTEEN ILAAHEY HA NAGA DHIGO KUWII UU KA RAALI NOQDEY, AAMIIN, AAMIIN AAMIIN!!!

CIID MUBAARAK, CIID MUBAARAK, CIID MUBAARAK!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 29, 2000 - 09:09 am
haa waan ka baqaa raga ma fiirin karo xishood dartiii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, January 02, 2001 - 07:38 am
HAPPY NEW YEAR TO ALL OF YOU!

DHAMMAANTIIN SANNADKA CUSUB WAXAAN IDIIN RAJEYNAYAA CAAFIMAAD, BARWAAQO IYO HORUMAR KHEYR LEH, INSHA ALLAAH!!!

GAAR AHAAN INTAAS IYO KA BADAN WAXAAN U RAJEYNAYAA KA QEYBQAATAYAASHA SIDA ABAAYO DAGAN OO HALKAN IGALA WADAAGTEY SHEEKOOYIN HUFAN IYO GABADHA LA YIRAADO MUXUBO OO AAN KA DAREEMEY INAY SI JOOGTA HA ULA SOCOTO BOGGAN IYO SHEEKOOYINKIISA.


MAR KALE SAAXIIBAYAAL WAXAAN IDIN KU SOO DHAWEYNAYAA BOGGAN, ANIGOO IDIN LEH:
GABDHAYOW SU'AASHANI QUSEYSO, KU SOO DHAWAADA BEYJKA OO SOO BANDHIGA WAXA AAD UGA CABSATAAN AMA UGA XISHOOTAAN RAGGA, SI KALE HADDAAN U SHEEGO; MA JIRTAA WAX AAD JECLAAN LAHEYD IN AAD KU DOORATID AMA KU XUJESID WIILKII DOONAYA IN UU NOLASHA KULA QEYBSADO.
HADDII AADAN HALKAN U SOO QORI KARIN, IIGU SOO QOR E-MAIL-KEYGA, WAXAANSE KUU SOO JAWAABAYAA OO KALIYA HADDII AAD ASIIBTID ARRINTA IYO HADDII AAN SU'AAL KA SII QABO JAWAABTAADA.

HADDII AAD TAHAY WADAAD CAQLI BADAN, KUNA GUULEYSID JAWAABTA SABABTA AAD DADKA UGA CABSATID AMA UGA XISHOOTID RAGGA: OGOW IN AAN NOLOSHA WADA QEYBSAN DOONNO HADDII ALLE IDMO!

HAPPY NEW YEAR!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

macalinka

Friday, January 05, 2001 - 03:20 am
S/CALAYKUM!!!
KU. SHIINO.
Waa ku salaamay SHIINO>
Waaa ka xumahay nin kaat taladada u soo bandhigtay hadana kaaga ja waabi waayey.
Marka abaayo waxaa tiri qofkale ma qusayso.
waa ku fahmay.abaayo waan is celin waayey
damiirkana waa isiin waaayey inaan kaa aamuso
jawaabtaad u baahan tahay oo aad u ga baahnayd ninka sheeganaayo 6512.Waraa ninkaadaan dadka waa loo jawaaba hadii aad wax la qabanaysid iyo hadii
kaleba . waxaaba ka dhamaan waysay macalimaadaan la dhaho dagan.
SHIINO ABAAYO WAXII TALO AH AMA AAD IN WAX AAN KAA CAAWINKARO UU TAHAY ANAA DIYAAR IYO NUS KUULA AH WAANA KA XUMAHAY SIDA UU KULA DHAQMAY 6512.
WAXII XARIIR AH MEESHAAN AN KU KULANO SIDAAS IYO NABAADIINO KULAN DANBE OOO XIISO LEH
SALAAMU CALAYKUM.
BYE MACALINKA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Friday, January 05, 2001 - 07:29 am
Macalinka

Saxiib markaan hadalkaagii aqriyey, baan shakiyey oo aan ka xumaadey hadday jirto in aanan u jawaabin Shiino oo aan ogaa in aan u jawaabey, markaas baan dib ugu noqdey hadaladii Shiino soo qoreytey, waxaanse haley hal qoraal kaas oo aan uga jawaabey Shiino. Waxaana filayaa in Shiino ku qanacdey jawaabtaas, waayo war kale sooma celin, awalna talo bey i weydiisey ee ima weydiin sidii aniga xiriir iila yeelan laheyd.

Balse saxiib, Macalinka, see waaye adiga, si aad Shiino ugu gudubtid baad marka hore anniga iigu sii tumatey, iigana dhigtey eedeysane danbi ka galey Shiino.

War iyo dhammaantiis, waxba kama qabo wixii wax kuugu soo xero galayaan.

Sannad wanaagsan!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

g-indho adag

Saturday, January 06, 2001 - 06:01 am
kumaan fahmin ma waxaad raadin naag kaa cabsata,i fahamsii waan ka dhacsanee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Saturday, January 06, 2001 - 09:21 pm
dear;6512!

walal waxaa kugu salaamay salaan qaalya
taas oo xabaarsan xiiso aad u sareeya sanand wacan oo khayr badan ayaan kaga rajeynayaa ALLAH
amiin, intaa ka dib waxaan aad uga xumahay iney igu dhacday internet la,aan iyada oola iga goostay
bishii la soo daafay hadaba walal iga raalinoqo in badan, hada iyo wixii ka danbeeya waxaan kugula soo xarirayaa e-malka mida kale walaahi baan ku dhaartee ma jeceli inan iska dhigo qof anan ahayn ama wax anan ahayn markaa taas ku qanac waa laga yabaa magacu inuu yahay magac kale lakiin ogoow weli wuxuu mujinayaa inan ahay dumar.markale oon ku leyahay maqnantaydu waxay ahayd internet la, aa, ee raali ahaaw,ismaqal danbe oo xiiso leh. ''macasalaama ,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Monday, January 08, 2001 - 05:58 am
G-indho adag

In aad indho adag tahay hadalkaaga baan ka gartahay. Marka haddii aad indho adag tahay, maxaan kaaga sii faahfaahinaa cabsida iyo xaalkeeda, mar haddeyna ku quseynba.

Mar kale, su'aashu waa: Ma ka cabsataa ragga, haddiise aad ka cabsato, maxaad uga cabsataa? Micnaha, waa noocee cabsidaadu ama xishoodkaagu?

PS: Ragga laga cabsanayaa, waa kuwa ama midka aad isleedahay ma guursataa mise waad iska deysaa, amaba kii aad ragga ka doorateyba.

La soco waxaa jira rag badan oo doonaya: gabdha aan cabsan, kuwa indhaha adag, araweelooyinka, dariskeed waala, ninkeed jiidjiida, cid kale u adeegta, qosol badan, carruurteeda qeylo ku dila, aroos diga aan soo harsan, ninkeeda iyo waaridkeedba ka adag aan carruurtu agteeda mari karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

g-indho adag

Monday, January 08, 2001 - 09:43 am
walaal waad mahadsan tahey jawaabtaada,runtii aad baan ugu qosley tilmaamahaas ok imase quseeyaan dhaman, hadii aan kaaga jawaabo xaga cabsida ma aaminsani in labada is guursadaa ay kala cabsadaan waayo cabsi meesha ma taalo balse xushmad iyo ixtiraam baa jira waan tan dadka isu soo dhaweysa oo nolosha waxey ku fiican tahey respect, sidey aniga ila tahey dad is yasayaa ma wada noolan karan: without respect, anigu shaqsiyan waxaan doonayaa nin albaabka markuu ka soo galo hadaan fadhiyo aan kaco,hadaan taaganahey aan ka hortago soo dhaweyn darteed igama ahan cabsi waase iga respect iyo raaliyo nimo soo lama oran janaa lagu taqaa raali galinta qofkaaga,in kastoo ay san qof kaliya ka soconeyn raali galintu ,marka waxad ogataa in ay dhici kartaa dumar cabsi ku nooli ex. hadii ay qeyb u hesho nin ma naxariiste ah oon garaneyn sida dumarka loola dhaqma halkas cabsi wey ka iman kartaa, but thats not live.dhamaan tilmaamaha aa bixisey very funy..lol.ragaba qaar waxaa jira jiif kama kace,xilaguba,qorqode,maariyaa,
caruurtiisa cune,calooshiisa la ciyaar,cadkiisa ma gooste,iyo kuwa kaloo badan.bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Monday, January 08, 2001 - 10:35 am
G-INDHO ADAG

FIGRADAADU MA XUMA, MARKA AAN KU FAHAMSIIYO MICNAHA SU'AASHEYDA KA DANBEEYA:

Sidaan ognahay, guurku waa mas'uuliyad weyn sidaa darteed, marka qofku guur doon yahay aad iyo aad buu uga walwalaa waxii ka qabsan doona qofka uu nolosha la wadaagi doono, gaar ahaanna qof walba waxaa qabsata cabsi gooni u ah, taas oo ka imaan karta dhinaciisa ama dhinaca kale.
Tusaale, qofbaan ku faraxsaneyn wax asaga ama ayada ku abuuran sida midabka, quruxdiisa, xubnihiisa(dhiriir, gaabnaan, ballaar, dhiibnaan), qabiilkiisa, aqlaaqdiisa, mabda'iisa, dhaqankiisa, dhacdooyin hore oo la soo kulmey, calaamado gaar u ah, guurar hore oo uu soo marey iyo ciyaal badan oo uu jiidayo iyo waxyaalo badan oo aan la soo koobi karin. Haddaba arrimahaan iyo waxii la mid ahiba waxey ku galin karaan cabsi aad ula baqdo naftaada iyo in lagugu naco, ama aad adiguba ka cabsatid in qofka kale uusan kuu sheegin oo taasi keento in aad dib uga qowmameysid ama ugaba carartid qofkii aad heyshey.
Ee macnuhu maahan, in aqalka dhacdiisa HUUX IYO XAAX KA JIRTO, AMA LA ISKU ADOONSADO, EE ARRINTA AAN KA HADLAYAA WAA INTAAN LA ISKU DAAHIN, EE LA IS GOOBAYO.

Marka waxaa laga yaabaa iney jirto mid la walwalsan, waxa ama arinta aan anniguba xiiseynayey, balse waxaan u maleynayaa in gabdhaha intooda badani fahmi su'aasheyda, oo dufaac dhufeysyo u qoteen, oo leeyihiin: MEESHAADA IYO MEEL KA DHEER!
Waxaanse hubaa, haddii aan cadeyn lahaa, in tiro badan oran lahaayeen: Alla ma annaa moodayey in aad sidaas ka wadid! Allaayeey, horaa loo yiri, "Cimrigaaga oo raaga, geel dhalaayana waa ku tusaa", ma maba moodeyn iney cabsida ka mid tahay, haddaanse xusuustey inay aheyd cabsi muddo dheer igu mataansaneyd.

Maxaa kuu baxey hadda? Maxaadse ka heshay qololka cabsida keydiya markii aad wax iska baarbaartey? Mase indho adag baa lagaa yiraad howlahaas(kaftan lee waaye)

SOO NABAD GAL!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Monday, January 08, 2001 - 10:54 am
Dagan

Daganey, waxaan ku faraxsanahey in aad nabad qabtid, waayo qof kaa maqan, cid aad weydiisana jirin, lama qiyaasi karo wixii qabsadey iyo inuu nool yahay toona, in kastoo sheydaanku igu lahaa, "Maskiin yaa maskiin, kuwuu guryaha la joogey, oo ku lahaa dumarka ha jabin ha dhicin intaas, baan kala dirayaa daqiiqad dhexdeed, waaba gabar aad ka baratey Internet-ka, war aawey kuwii yaqaaney, sida qaraabadii, saaxiibadii, dariskii, ardadii, shaqaalihii, quruxlowga ka salaamaya hareerta hadda oo aan kula hadlayo iyo wax la mid ah."

Runtii jawaab ma siin, in kastoo aan ka ballan qaadey in aan jawaabsiin doono maalin maalma ka mid ah, ha dhawaato ama ha dheeraatee.

Calaa kulli xaal,
Mar kale iyo sheekadii oo noo furan, baan halkaan kaa leeyahay:

CIID MUBAARAK!
SANNAD WANAAGSAN!
IYO SOO NOQOSHO XIISO LEH!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

g-indhoadag

Tuesday, January 09, 2001 - 05:09 am
salaaaaan 6512,walaal waad ku mahadsantahey qoraalkaga inkastoo aanan wali ka jawaabin su,aasha aad soo qortey, bal waxan mar labad isku dayayaa in ay sidaan tahey, runtii 2 da qof markey sheekeysanayaan waa dad caadiya oo wada kaftama oo sheekadana wada jiibiya,ka soo qaad in ay heshiiyaan oo ku heshiiyaan in nolol wada qeybsadaan, sidaan qiyaasayo markii ay labadaasi qof guri wada imaadaan in xoogaa waji cusub oo cabsi xambaarsan imaan karo, laga yaabee qofkii aad sanad u qosli jirtey aadan habeenkaas si xayi ah u fiirin karin..lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, January 09, 2001 - 10:18 am
g-indho adag

In kastoo aan u maleynayo in aadan wali fahmin micnaha ku jira su'aasheyda, haddana aan su'aal kaa weydiiyo, weedha ugu danbeysey hadalkaaga, oo aad ku timaan tahay in laga yaabo inay cabsi keento hameynkaas ugu horeysa, oo aan wajiga la isa siin karin: Tani ma cabsi hadda kugu taaganbaa? Mase waa mid iska imaandoonta markaas ama ka dhalaneysa, xaduudo ka gudubkaas? Kadibse xaggee ku danbeysaa inteesa sii jiri kartaa, mase laga yaabaa iney joogto noqoto? Fadlan jawaabahaaga waxii aad sababtooda aad raacin kartid, ha ka reebin, si aanan su'aal kale kuugu soo celin oo aan u fahmo ujeedadaada oo dhan.

Aad baad u mahadsan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

g-indhoadag

Thursday, January 11, 2001 - 03:55 am
6512
malaha jawaabtaad raadineyso adiga uun baa ka jawaabi doona,sualahaga aan isku yara dayo cadsida ma aaneyso mid raagta ee waa inta leys baranayo,mana ahan welwel hada igu taagan,ka dib isbarasho(the part of my body buu noqonaya qofkaan ka qajilayey.walaal guurku waa god gacanta lala galey ama dahab baad heli ma bahal baa kaa cuni,cabsi yaroo xagaas ahina wey jirtaa, anyway jawaabta adaan kaa sugeynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Thursday, January 11, 2001 - 08:55 am
g-indho adag

Walee waa yaab, waa yaaboo waxaan la yaabahanahey waxa dadku uga jeedaan dantooda koowaad, uguna jeedaan danaha kale. Ka soo qaad, waxaad tiri: "Guur waa god gacan la gashey .....", runtiina tani waa mid aan kuligeen aaminsanahey. Balse markaan shaqo doon nahey, kuma tilmaano god iyo aqal madow toona, ee waxaan isku dubaridanaa waxii waraaqo, xirfad iyo diyaar garow ah oo sahli kara sidii aan shaqdaas kuli laheyn.

Shaqdaas markaan helno, waxaan u adkeysanaa wixii dhib naga soo gaara, xataa haddii xaqeena iyo sharafteena lagu tunto. Waxaan markasta ku dadaalnaa in aan raali galino madaxdeena, oo mararka qaad qosol aan jirin roobka uga dhigno.
Waxaas oo dhan, waxaa naga keenaya: "Dantaada maqaar eyna waa loogu seexdaa", waayo waxaa la yiri: "Danti mooge maro duuga horteed baa dhamaadaa". Marka arintoo dhami waa shaqadaasi yeynan kaa fakan, intaad ka maarmeysid, ama ka heleysid mid dhaanta.

Balse markaan u nimaadno guurka oo asagu ka sii muhiimsan, waxaan noqonaa kuwo ka duwan markey shaqada raadinayeen.
Wax diyaar garow ah uma sameyno sida shaqada, oo waxaa tusaale u ah, in su'aashediiba gabdhihii fahmi la'yihiin, waayo shaqo kuma helayaan.

Markii la is guursadana, waxaa loo dhaqmaa sidii wax eysan ka dhaxeyn dan muhiima, oo in la isku dulqaato, oo la iska doondoono qosol bal daayoo, haddii la isku qabto magaca qof ka mid ah dadkey horey u yaqaaneen ama dariska ah, waxaa dhici karta in aan muddo la isla hadlin amase laguba kala guuro, waayo waa sahal oo maahan shaqadii oo kale.

Marka ma dadkii baa barakadii laga qaadey, mase annaa Cadan ka heesaya, tani waa yaabe!

ALLOW AMMUURAHA SAHAL, OO GUURKA NOO TOOSI!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Friday, January 12, 2001 - 09:50 am
dear;6512

waxaan kugu salaamay salaanta islaamka ee qaligaa
salaan ka dib walal aad ayaan ula dhacay jawaabt aad bixisay oo aad siisay idho adag taas oo na qusaysa dhamaanteen walal cadan kamaad heeseysid ee dadkaa imaankii iyo barkadiiba ka tagtay oo lacag iyo maal aduun ka carareen arintii akhiro iyo aduunba ay ku libaani lahayeen aan daneeyneen
walal waxaa la qaatay dhaqnkii galada waxaa la baneystay macsidii waxaa la lumiyey kalsonidii iyo raali galintii ALLAAH Subxaane Watacaale.

hadaba way jirtaa in uu guurku nasiib yahay lakii qofkii u ku xumaado gurku ma ahan inuu ka quusto kalmo weydiinta ALLAAH oo uu yiraah silic ku nool sodon gursataa dhaanta, noloshuna waa kala sareysa qof dhibaato ama wanaag ku jiraaya mar walbana ma leh oo maahan inaad marka aad dhibaateysan tahay aad ILaahay aad u dhowdahay markaad wanaag ku jirtana aad hilmaanto baryada ALLAAh subaxana watacaale.
marka aad jeceshahay ALLAAH ood qirtid inuu awood u leeyahay wax walba una keli ahaatay hadaba imaan ayaad leedahay waxna kaa halaabi mayaan saa ALLAH ayaad isku xirtaye.

sidaas iyo nabdiina qore dagan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

g-indhoadag

Friday, January 12, 2001 - 10:17 am
salaam 6512
war bal soo daa su,aasha jawaabteeda waxa raga looga baqo.adaa furey beyjkan iminkana waxaan u fadhinaa jawaabtii adoo mahadsan..bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Friday, January 12, 2001 - 01:16 pm
Dagan

Walaal waad ku mahadsan jawaabtaada, taas oo aad ku run sheegtey, weyna jirtaa in la dhayalsadey oo la dayacey xiiriirkii Alle.

Inkastoo waxyaalo badan lagu dhex dayacan yahay, arrimuhu waa is dhaamaan, oo qaarbaa dadku kadaba rafaadaan sida shaqada, waxbarashada, ganacsiga, xukunka, saaxiibo kasbashada, xataa sidii la iskugu danbaabi lahaa, balse markii guur yimaado waxaad moodaa inuu dhibkeena yahay, oo nafteenu waxey doorbidaa difaac iyo dib u dirir kadis ah. Taasna waxey ka dhigtey guurkii dhimbil daba ah oo aan faraha lagu daahin karin.
Tusaale, haddii qof qof kale u soo jeediyo guur, qofkaasi wuu naxaa, waqti beyna ku qaadataa inuu jawaabo, mararka qaarkood dagaal buu ka xigaa, taasna adinkaa marqaati iiga ah.
Haddiise qof qof kale u soo jeediyo wax kasta oo kale xataa haddey danbe tahay, lama naxo, ee aayar baa si qabow ama kulul loogu jawaabaa.

Goorma baan guurka xaalmarin doonaa, haddii Allah idmo, yaase bilaabi doona? Ma ragga mase adinka? Malaha waa qaruumaha naga danbeeya!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Friday, January 12, 2001 - 01:24 pm
g-indho adag

Ma annigii u fadhiyey jawaabtiina, baad ila soo fariisateen oo ila sugeysaan jawaabtii?

Faraska waxaa loo jeedlee, waa haka badaniyo orodkee, gabdhow waxaan sharax iyo hadal idin tusaaleeyey, ma roob gawaan ku da'aad ka tihiin,
mase waa soo sidaan la idin sugi waaye?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Saturday, January 13, 2001 - 06:42 am
dear;6512

waan ku salaamay salaan qaali ah, ka dib.
waxaan is ku dayaa inan ka hadlo xaal marinta guurka walal runtii macsida ayaa badtay oo gabar
markii loo soo jeediyo guur dhahaysa mayee aan is barano ama wiil inuu soo jeediyo guur looga fadhiyay ayaa wuxuu bilabayaa gabar somaliyeed maxaa laga guursan oo dareen lahayn hade hadii ay ka yeesho macsi uu hilmamayaa in uu ku cayey dareen la,aan hadaba gabdhaha badankoodu waxay raadiyaan lacag nimankuna naag ay ka tagaan.

hadaba wixii caqli leh ayaa xaal marinaaya guurka
ogna qiimaha uu mudan yahay guurku.

nabadiina QORE DAGAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Saturday, January 13, 2001 - 06:45 am
dear;6512

waan ku salaamay salaan qaali ah, ka dib.
waxaan is ku dayaa inan ka hadlo xaal marinta guurka walal runtii macsida ayaa badtay oo gabar
markii loo soo jeediyo guur dhahaysa mayee aan is barano ama wiil inuu soo jeediyo guur looga fadhiyay ayaa wuxuu bilabayaa gabar somaliyeed maxaa laga guursan oo dareen lahayn hade hadii ay ka yeesho macsi uu hilmamayaa in uu ku cayey dareen la,aan hadaba gabdhaha badankoodu waxay raadiyaan lacag nimankuna naag ay ka tagaan.

hadaba wixii caqli leh ayaa xaal marinaaya guurka
ogna qiimaha uu mudan yahay guurku.

nabadiina QORE DAGAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Saturday, January 13, 2001 - 12:37 pm
Dagan

Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay figradaada qiimaha badan ee aad soo bandhigtey.

Waxaan shaki ku jirin in macsidu tahay shey aad iyo aad u xun, oo lagu fidnoobo, balse ayadoo la ogyahay taas, baa haddana lagu qubeystaa, dadka qaarkiisna maba oga iney macsi ku dhexjiraan.

Haddaba taas maxaa keeney?
Ugu horeyn, lama yaqaanno macsida macnaheed. Macsidu maahan oo kaliya in laba qofi ama ka badani iskugu tagaan xaaraan(fornication), ee waa wax kasta oo kheyrka ka fog iyo waxii wado u noqon kara dambiga iyo kutumashada akhlaaqda Islaamka. Waxuu ku imaan karaa ficil lagu dhaqaaqo, hadalka, qoraalka, maqalka, daawashada, labiska, socodka, jiifka, iyo intii boodda oo xiinta.
Waxaan arkey gabdho badan oo leh, "Annigu dharka gaaban waan xirtaa, madaxana waan qaawiyaa, baadhiyadana markaan tago waan la cayaaraa dhalinyaro aan aqaan, laakiin macsi ma sameeyo, oo waan ku dhaaran karaa ...". Runtii waan la yaabaa markey sidaan leeyihiin, waayo waxey sheegayaan macsidii inay sameeyaan, isla markaasna wey ka dhaaranayaan ineysan sameynba.

Waxaa muhiim ah in la ogaado: Macsida waxaa kaa celiyaa waa XISHOODKA, ee caqli kaliya kaama celin karo. Xishoodkana waxaa guri u ahaa haweenka, gaar ahaan gabdhaha, oo ku ammaannaa, balse markii intoodii badneyd ka tilaabsadeen xishoodkii lagu yiqiin, ee yiraadeen waa in aan ragga la sinnaana, baa macsidii oodda soo jabsatey, oo sidii daadku qaabada u qaado, ummaddii la sabbeysey, guurkiina ku dhexbaqtiyey.

Marka gabdhow, haddii guur la waayo, ogaadan adinkana waa la idin waayaye. Raggu kama badbaadayaan dhibaatada dabcan, balse loo kala daran, ee gabdhow intaad is daba qabataan ku soo noqda xishoodka, oo u sheega ragga GUUR IYO WAXBA!

Gabdhihii hore, ayagaa ninka dooran jirey waxeyna ku dooran jireen wixii dan u ah; ayada, reerkeeda iyo carruurteeda mustaqbal ahaan. Doorashadaani wey ka dhaxeysey gabdhihii Soomaliyeed iyo kuwii kale ee islaamka ahaa.
Waxaa jirey nin asxaabi ah, oo ku caan ahaa arrim dhowr ah, sida: asaga oo aan cuntada aad uga dhargin, hurdo yar oo uu seexdo hameynkii inta badanna salaado iyo wax la mid ah, baa u soo martiye asxaabi kale hameyn hameynada ka mid ah.
Sida caadi aheyd, martida waxaa gogol loo dhigi jirey meel aqalka ka durugsan ama ka fog.
Markii waagu baryey, baa asxaabigii loo soo martiyey, gabar uu dhaley ku tiri: Aabbe ninkaan noo soo martiyey, maahan asxaabigii hebel ahaa ee naloo sheegey, waayo ninkaani, haley cuntadii waa ka dhargey, hurdo badanna waa seedxey iyo wax la mid ah. Odagii baa aadey asxaabigii oo ku yiri: Maxaa ka jira arrimahaan baan maqlaye?
Asxaabigii baa asagoo dhoola cadeynaya u sharxey sidey ku dhaceen arrimahaasi, waxaana ka mid aheyd inuu yiri: Waa runtaayoo cuntadii haley waan ka dhargey, waayo waxaa ii keeney adiga oo caan ku ah xalaal quudasho, sidaas awgeed baan uga dhargey, annoo aaminsan iney xalal soocan tahay. Waxuu kaloo yiri: way jirtaa inaan salaado badan tukun, laakiin ma gama'saneyn oo waxaan ka fakarayey mas'alooyin arrimo la xiriira, ee sidee ku ogaatey adigu? Odagii loo soo martiyey baa sheegey in gabadhiisu u sheegtey arrimahan. Asxaabigii iyo gabadhii waxey isku noqdeen calaf, oo wey isguursadeen.

Haddaba bal maantey, intee gabdhood baa ogoon kara xataa inuu tukado wiilka cidda u soo martiyey, intaad iska dhaaftaan iney wax ka fahamto dabeecadihiisa iyo wanaagiisa kale.
Gabdhaha intooda badani, waxey ku mashquuli lahaayeen qiimaha kabaha uu wato iyo sannadka nooca uu madaxiisu u jaran yahay iyo wax la mid ah.

Iga daaya, markaan idinla sheekeysto baa ciil u buuxshaaye!

ILLAAHEY HA NA SOO HANUUNSHO!

ISOO CAFIYA!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Saturday, January 13, 2001 - 04:42 pm
6512!
walal waxyaalaha aad sheegtay oo dhami waa waxyaalo aad dhab u ah waana waxyaalo murugo ah oo uu dareemi karo qof walba oo damiir ilaam nimo ku jiro hadaba sheekada aad soo sheegtay aad ayaan run ahaan ugu damqaday hadaba ogoow walal dadku isku mid ma ahan in kastoo la yiri biyo badan iyo dad kaa badanba way ku hafiyaan oo dumarka intiisi badnay daneynayaan dhaladhalal hadana kuwo wanaagsani wey jiraan in kastoo ay qarinayaan kuwa xun oo mar walba xumaantu muqato
waxaana rajaynayaa in inta wanaagsan oo imaanka iyo diintaba leh ey helaan abaalkooda inta lunsana
ALLAAH SUBXAANA WATACAALE SOO HANUUNIYAA AMIIN.

marka walal niyada khayr u sheeg oo xa quusan ALLAAH faraj ayuu inoo furayaaye.

QORE DAGAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, January 16, 2001 - 09:06 am
Walaal waxaad soo daabacdey hadal aad iyo aad u macaan badan oo daawo meel ku gaar ah u noqon kara ruuxii uurkiisa ku jirtey quusasho ama u heystey in guurkii la duugey, aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay, Illaaheyna ha kuu siyaadiyo fahmada.

Haddaba waan garowsadey hadalkaaga, waana kugu raacsanahey inay jiraan gabdho badan oo wanaagsan oo guurka wax ka yaqaan, balse su'aashu waxey tahay, sidee loo arki karaa ama loo helaa kuwaas. Waxaayo waxaan u arkaa inay la mid yihiin sidii dhowr boqol oo kalluun ah oo la yiri waa hilib macaan yihiin ama waa daawo, oo ku jira ama ku firirsan badaha waaweyn ee dunida. Taasna waa mid aad iyo aad u adag, in si fudud looga haqab beelo, waayo mar waa yar yihiin, marna waa qarsoon yihiin oo waa adag tahay sidii loo heli lahaa.

Ugu danbeyn sidee lagu heli karaa gabdhahaas wanaagsan sideese lagu garan karaa inay yihiin kuwii wanaagsanaa? Maxey ku kala duwan yihiin labadaas nooc ee gabdhaha ahi?
Gaar ahaan anniga maxaad ugula talin laheyd?
Haddiise aad wax badan aqrisatey figradaheyga, gabar noocee ah baad ii doori laheyd, sideese ugu sahlan oo aan ku hanan karaa haddii Alle yiraado!

Runtii waan u baahnahey figradahaaga, waxaana Eebe ka rajeynayaa inay nocdaan kuwii wax i tara.


Mar kale waad mahadsan tahay.
Illaahey ha naga dhigo kuwii liibaana, adduunka iyo aakharaba, aamiin!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Thursday, January 18, 2001 - 09:07 pm
dear;6512
waxaan kuu soo gudbinaya salaan qaaliya salaan ka dib walal waa la cafimaad qabaa ALLAAH mahad ha gartee.
hadii aan gudo galo sheekada cajiibkaa eed kor ku soo custay iyo su, aalaha qaayaha leh eed isoo su,aashay horta way jirtaa bini aadanku inuusan isku mid ahayn qof walbaana wixii loo qoray ayuu quutaa.
hadaba walal sheekooyinkaga waa sheekooyin aad cajiib u ah mida kale runtii waxaan dareemayaa inaad adigu ka cabsatid dumarka cabsidaas oo noqon karta xeradu waa wada uloo ul la qaado maleh micneheedu waa iney dhici karto inaad la hasaawday dumar badan oo aad garn weyday tii aad la qaybsan lahayd nolosha oo aad ka cabsatay in ay kugu noqoto ereley ilmo dayaca dibadaha wareega
Hadaba walal waxaan ku doori lahaa mid ku hanata kaa danbeeysa kula tashata runta ka hadasha kaa xishhoota oo ah waax ka mid ah jirkaaga ood mar walba ku faraxdid, derska iyo islaamkuba u duceeyeen walidkeedna ka raali noqday.
wixii qadar baa qadarane kheyr ALLAAH ha ka dhigo.
walal ogoow hadad adigu ciseeye tahay wanaag sameeye tahay u kaalmeeysid inta u baahan waxba kama xumaan donan, ogoow dumar waa hoyadaa walashaa ayeeydaa ha caroone u duceey tii xumaan sameeyso inuu ILLaah sida u dhaamo oo soo hanuuniyo caawi oo waani tii kaga baahan.

Wasalaamu caleeykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Friday, January 19, 2001 - 11:48 am
Walaal aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay hadalkaaga xammaarsanaa talooyinka iyo ducuuyinka.

Sidaan horeyba idin ku sheegey ama hadalkeyga kabuuxdey, annigu dumarka col lama ihi, waxaanse isku canaantaa may kabadiyaan intaas. Midda kale kuwii wanaagsanaa baa laga haadin(hufeyn) waayey sida jariirta(xaninta) looga sooco budada.
Guud ahaanse cidi ma inkiri karto faa'idada dumarku leeyihiin: Waa warshadii aadamiga, waa naxariistii reerka, waa firaashkii aabayaasha, waa hooyadii carruurta, tii caloosha ku qaadeysey, tii nuujineysey, tii xambaareysey, tii ababineysey, waa hoygii naxariista, waa macallinkii koowaad, taasna waa sababta aan u jecley HEESTA HOOYO: "Hooyow la'aantaa, adduunyadu hubaashii hameyn kama baxdeeene ...."
Raggu dumar la'aantiis, adduun howl kuma halowsheen, Danba kama lahaadeen, Tacliin iskuma howsheen, qalinba ma qaadeen.
Ragganimo dumar baa adkeeyee, inkastoo dadaaliyo waxba reebaneynin, waxey teydu taam noqon, markii Eebbe raaliyo affo iiga yeelo, iga siiyo awlaad saalixiinoo, salaada isla oognoo nabad nagu ilaalshee, Allow ii sahal middaan rabo, Adigaa awoodiyo qadar kuu sugnaatee, aamiin!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Sunday, January 28, 2001 - 11:48 am
Tolow maxaa daarey hablihii!

Raali galin iyo ammaan badan oo idiin soo jeediyey owgeed, waxaan dhankiina ka sugayey mahad celin iyo hadiyado fara badan oo aad hawada iiga soo buuxisaan, balse taas joojiyoo waxeyba igu reebtey su'aal ah: War ma adaa cidla ammaaney? Mase waxaa runaa, dumarka ammaantu waa uga dartaa?

Waan hubaa haddey jiri laheyd, mid ragga ka cabsata inaysan gafteen ugu yaraan mahadsanid lagu gudo ammaantaas iyo qiimeyntaas sareysa ee ka timid wiilkaas aad u weydeen halkoo gabar oo ragga ka cabsataa!

Calaa kuli xaal, waad cafisan tihiin 72 saacadood ee soo socota.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Sunday, January 28, 2001 - 05:19 pm
walal waxaan hawada kuu soo marinayaa salaan iyo amaan farabadan,waa laga raaligelin maqanaantii aad war naga weyday waxaanse filayaa hablaha waxaaba ka xanaajiyey ooy fahmi wayeen su,aasha aad beejkan ku furtay oo ah ma ka cabsataa raga?
taas oo loo arkayo dhinicii gabar kastaa u fasirato,hadaba adigu mawaxaad ka wadaa tee ayaa qadarisa raga oo sidaa daraadeed uga cabsata?bala walal soo jilci su,aasha oo adigu 72sacadoo ee bareega markaad soo dhamaysatid kasoo waran su,aan aad soo qortay iyo waxaad ka fa,iiday ama aad ku dhalilaysid.
qayr farabadan ayaan kuu ogahay bogana waxaan filayaa inan qaybo badan ka qaatay adigu ma daalis baad wadaa hadaba arintadu yey noqon hooyadaa walalkeed abahaa sedigii iyo adiga abtigaa imisa kabood ayey xirtaa ee soo gudbi wixii aad manafacaad haysid iyo ujedadaada runtaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SICIID

Sunday, January 28, 2001 - 09:43 pm
TO:ALL
ESPECAILLY:DEGAN IYO 6512.


Waxaan aqrinayey wadda hadalkiina and it was very interesting laakiin waad ka tagdeen....dhinaca ragga .....maxaa yeelay .....rag aad u xishood badan ayaa jira oo gabadh ay jecel yihiin aad haddan la hor tigi karin arintaas...

therefore anigu waxaan ku saa idin lahaa....


RAGU MAXAY UGA CABSADAAN DUMARKA (SAME CASE AS ABOVE)?


THANX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dagan

Monday, January 29, 2001 - 07:58 pm
dear siciid!
salaan qaaliya ayaan kuu soo gudib aad ayaana kugu so dhoweey bogaan aad weliba ku darsatay figrada qaliga oo ku saabsan raga ka cabsada dumarka ay jecelyihiin hadaba walal cabsidu wey fara badan tahay adigu ma iga soo siin kartaa waxayalaha aad dareentid marka aad argtid gabadha aad jeceshay hadaba tusaale yar ayaan kaa siin qaabka aan filaayo inaad dareentid marka aad aragtid gabadha aad jeceshay okey; horata ma hurdi kartid fiidkii markii dadku soo jedaan sarirtaad is geysaa gurigan mugdi ayaad ka dhigtaa
waxaad nafta usheegtaa inaad nin raga tahay oo aad gabadha i haboontahay ileen ku liqi meysee inaad u sheegtid inaad jeceshay adigii hurdada isku diyarinayey waad soo kacdaa markaas ayaad adaa rugtii aad gabadha ku ogeed lakiin markaad u tagtid waxaad noqo kamaa geed calashaan baraf hadaba hadeey arimahaas ku haystaan waa dhib aad u weyn lakiin talo ayaan kaa soo siin hadaad sameysid waxay u badan tahay inaad ku guleeysan doontid, hadii waxyalaha aan soo sheegay ay ka duwantahy arintadu ii soo sheeg qabkeeda.
qayr ayaan kuu ogahay macasalaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, January 30, 2001 - 09:22 am
Dagan

Walaal waad salaaman tahay, waanad ku mahadsan tahay jawaabtaada iyo su'aashaadaba.

Horta wax adag meesha ma yaalaan, warkeyguna waa cadyahay sida idinkaga cad hadalkeyga: Waxaan ahey wiil u martiya gabdhaha Soomaaliyeed, oo ka doonaya inay ugu hibeeyaan ama ugu deeqaan hal gabar oo dabeecad u leh inay ragga ka cabsato, balse cabsidaasi noqon mid ka dhalatey doqonimo iyo cilad ama boog jirta ama ka xiriirta.

Marka intaad isla tashataan oo go'aan gaartaan KHEYR ku yabooha, haddii kale soo DEYRSHA, MAYADUBA marbey naruuro noqotaaye.

Ka soo gudub middaas,
bal ii warran adigu?
Haddii dumarkii xujoobey,
maxaad furasha heysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Tuesday, January 30, 2001 - 09:43 am
Siciid

Waad ku mahadsan tahay, figradda aad nagu soo darsatey, waxaana filayaa inay jawaab u hayaan gabdhuhu middaas, waayo ayagaa helayaa waxey faa'ido iyo qasaare leedahey.

Waase "Timirtii horahaba dab loo weeeye!", u maleyn maayo, gabdhahii iska waayey mid ragga ka cabsata, inay ka warbixin karaan arrinta nin ka cabsada gabdhaha, loose joogee.


Figradeydase, cabsida ninka waxay dhib iyo faa'idaba u yeelan kartaa dadajinta waqtiga, laakiin midda gabadhu waxey noqon kartaa mid raad ku yeelata nolosha reerkeeda oo dhan. Mararka qaarkoodna waxeyba noqon kartaa HANTIDA REERKA EE MAGUURTADA AH.

Waxaan ku soo xiri lahaa:
RAGGOW DUMARKA HA LOO DUCEEYO!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Tuesday, January 30, 2001 - 01:33 pm
Asalama caleykum dhamaantiin

Hadii aan isku dayo jawaabta su'aasha ah raga ma ka cabsataa jawaabtu waa haa. Cabsidana ma aha cabsi caadi ah ee taydu waa xishood . Waxaana aaminsanahay xishoodku in uu yahay qeyb ka mid ah iimanka.

Waxaa dhacda mararka qaarkood dhalinyarada aan wax wada barano ama aan wada shaqeyno in ay iyiraahdaan weli dhaqankii hore ayaad wadataa ee sidaa iska bedel. Aniguse waxaan aminsanahay in ay dhaqan oo kaliya aheyn ee ay tahay mid diintana ku dhisan ILLAAHEYNA uu hibad igu siiyey taasoo xumaan badan iga celisa aana markasta ILLAAHEY uga mahad celiyo.

Marka waa su'aale Xishoodku ma cabsibaa? Maxaase dhalinyarada badankeeda ay u aaminsan yihiin qofka xishoodka badan in uu dambeyo ama uu ilbax aheyn?

Aniguse waxaan aminsanahay qofka diintisa iyo dhaqankiisa heysta in uu ilbax yahay waayo waa qof og waxa uu yahay meesha uu ka yimid iyo meesha uu u noqon doono.Ee ma aha iska dhiga waxaadan aheyn ama aadan noqon karin .


nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Wednesday, January 31, 2001 - 01:53 pm
Sumaya

Waroo dhan adaa bilaabey, jawaabtiisiina adaaba raaciyey.

Balse, "... xishoodku ma cabsibaa?"
Waxaan uga jawaabiyaa marka HAA, marna MAYA, taas oo ku xiran nooca xishoodka ku haya, waayo xishoodku waa tiro badan yahay.

Marka adigu wax ma ka sheegi kartaa nooca xishoodka aad dareemeysid inuu ku hayo, si aan u miisaano inuu cabsi yahay iyo in kale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

6512

Thursday, March 01, 2001 - 07:41 am
C I I D W A N A A G S A N

Waxaan halkan uga ciideeynayaa dhammaantiin, asxaabtii hore iyo intiina kaleba, ayadoo lagu jiro gudashadii xajka.

Sidaas owgeed, aan isku wada duceyno, Ilaahna waa naga aqbalayaa. Annigana iigu soo duceeya middaan doonayey iyo inaan sannadkan sannadkiisa kale idin kaga soo duceyno xajka iyo dhulkii barakeysnaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.