site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ila taliya walaalayaal

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Ila taliya walaalayaal
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amal

Sunday, November 05, 2000 - 09:30 am
Waxaan ahay gabadh soomaaliyeed oo akhlaaq iyo quruxba Eebe siiyay,wali ma arkin wiil soomaaliyeed oo i cajabiyay(ma caytamayo)laakiin ma helin wali,waxaan is baranay wiil English ah oo aan daris nahay,kadibna aad ayaan isku jeclaanay waa qof wanaagsan oo islamkana aad u raba in uu barto,hada aad ayaan uga cabsanayaa in uu khalad yahay in la guursado qof ajaanib ah laakiin aad ayaan u rabaa in aan family yeesho isna waa qof aad i wanaagsan oo aan u arko qofkii saxa ahaa.pls igu soo caawiya taladiina idinka oo aan caytamaynin.mahadsanidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A A A

Sunday, November 05, 2000 - 12:17 pm
Kula talinaye nin aan Islaam ahayn hadda faraha kaqaad,waxaa lagayaabaa inuu isagakaa dhigo Muslim oo uu kaaga baxo barri markuu laba dhinacba ku seejiyo,Manaba kuu banaana guurkiisu nin gaal ah,ee Alle kacabso oo waxaad si toos ah u garab marsantahay aayadda Qur,aanka ah ee macnaheedu yahay "Haweenka Muslimaad ah uma banaana Nin Mushrik ah haba ina cajab galiyo ninkaasiye" mana aadan waayin wiil Soomaaliyeed oo ku cajab galiya ee ka fiirso taas,Allne ka cabso Amaleey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JACAYL

Monday, November 06, 2000 - 03:36 am
walaal AMAL waxaan ahay walaalkaa soomaaliyeed una leh qibrad xiriirka uu qof soomaaliyeed la yeesho qof ajinabi ah walaal halkan kuma soo koobi karo talooyinkayga oo idil sabata oo ah waxaan wax ka bartay psycologiga balse kor iyo hoos qofka haddii aad si dhab ah u jeclaato way adag tahay in aad si fudud uga harto mana u malaynayo in ay taladayda wax aad iyo aad ah ka badalayso waxa aad wiilkaa isaga ah ka damacsan tahay. jawaabta aan kuu hayaa waa raadso wiil muslim ah ha ahaado hadduu rabo mid aad u fool xun isagaa kaaga qayr badane.haddii aad dooneyso tusaalooyin badan igala soo xiriir ciwaankayga.

walaalkaa soomaaliyeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JACAYL

Monday, November 06, 2000 - 03:37 am

jacayl99@hotmail.com

walaalkaa soomaaliyeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 06, 2000 - 08:43 am
amaaleey talo igahoo waxan ahay walaalkaa khibrad uleh guurka daddadka shisheeyaha ah waxan kunoolahay magaalada los angeles waxan halkaas iska caashaqnay gabar xaalku sikastaba ha ahaadee waan is guursanay hase ahaatee taiga raacday aniga ayaa og waxayna igu oran girtay islaam inaan noqdo ayaan rabaa mudo kadi markaan guursanayay waxan ahaa nin islafiican hase ahaatee hada waxan guursaday gabar soomaaliyeed oo haysata 2 ciyaal ah aad iya aad ayaan ugu faraxsanahay maxaayeelay anaa og waxa igaraacay aakhiro daada fiiri qosolka iyo xiisuhu yaanay kulatagin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MDuale

Tuesday, November 07, 2000 - 05:29 am
From Gele
Walal Amaaley wixi aan ku odhan lahaaba lagu yri haday tahay xag diineed iyo hadii ay tahay xag khibradba oo ku sabsan xaga guurka ajinabiga.Balse koleyba waxan ku oranayaa ubado xaga diinta iyo waxa ay ku farayso,adigoo eegaya xaga khibradana amaba tusaaleha lagu siiyay marnaba hau fududaan gaalo walow uu kuu fududaynaaya waxwalba marka uu shaqsi dano gaara kaa leeyahay.
Wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakkaat.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibraahim..

Monday, November 27, 2000 - 07:26 am
to amaaal..
aslaamu calaykum..
bacda salaan..
walaashay horta wad mahadsantahay sidawanaagsan ee aad uso gudbisey arinka ku haysta ..
hase ahaatee walaal waxalayaaba waxa aad tiri weli mahelin wiil somaliyeed oo qurux iyo akhlaaq u saaxiib ah anigu waxa an ku leeyahay horta ilaah ba garan meesha aad ku dambaynayso laakiin waxa aan kugula talinaya inaad raadiso wiil islaam ah oodiin leh .. hadii aadan yeelayn taas oo aad ninka jeceshahay walaashay u bandhig diinta islaamka hadii uu islaamo guurso hadii kale walaashay mustaqbalkaaga ha ku ciyaarin .. ee radi mid diinleh,,, asalaamu calaykum..
hadii aad talo rabto ama iweydiinayso wax tala ah igala soo xidhiidh......daacad62@hotmail.com....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 27, 2000 - 02:31 pm
Amal

Quruxdu waa cadowga koowaad ee gabdhaha ka duwa wada, marka waxaa laga yaaba in aad wadada siiheysid. Faa'idooyinka aad ka heleysid waxaa ka mid ah:- Maalmaaha hore, soo dhaweyn iyo Alla daya Amal ama Tii gaal cad bey heshaye!
Muddo ka dibna, calaacal iyo adoo yiraahado, "Allaa sidaan moodi jirey wiilasha gaalada iyo siduu iskagakey dhigi jirey, iyo siduu hadda ugu noqdey baan la yaabanahey!. Markaan iraado ka har naaga, waxuu ugu yiraadaa, taas waxey la mid tahay, anoo ku iraada, ka bax diinta. Alla bil fiiriya, Markaan bartey baaba Soonkii ugu iigu danbeysey, diintuu sheegayaa; ma midabkeyga mise waa Soomaalinimada?
Taas waxaa ka sii daran, wuu diidey in aan uur u yeeshu. Intaan qarsanayo baa ka siibadan."

Good luck!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sadiiq

Monday, December 04, 2000 - 09:31 am
walaaley hadii wadankii lagu noqdo dadka somaalida way yaabi doonaan. maxaa yeelay soomaalida wadamada reer galbeedka ka dagan waxay rabaan guursadeen waxaan arkay somali iyo indhayar is dhalay walaahi somaali iyo jamican somaali iyo cadaan. marka wadanka lagu noqdo ciyaal badan qaabdaran waa arki doonaa. walaalay gaalka naga ilaali nooh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fiiddaw

Wednesday, December 06, 2000 - 11:57 am
AMAL
Qur'aanka marka aad taqaano iyo diinta waxa kasta
oo dhibaata ah waad garankartaa
inankan aad sheegtay inaad jeceshahay sawma'ahin nin gaal ah marka wallaal dhammaan wallaaleheena soomaaliyeed talo waxa ay tahay waa ay ku siiyeen
marka aniguna waxaan ku raacinaya cidlo haysdhigin soomaalidaasi aad ladhalatay wax kuu
dhaama mahelaysid horta anigu u malayn maayo inay soomaalidu kamid tahay dadka fooshaxun
afrika marka inta carabta laga reebo soomaalida ayaa ugu haysata dhinaca quruxda!
marka talada wallaalahaa raac hakalaaban taladaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashaa- muslimad

Wednesday, December 06, 2000 - 04:06 pm
aslamu calaykum walaalayaal! Walaashay waxaan ku oran lahaa way u fududahay nin in uu naag ajnabi ah soo hanuuniyo laakiin way ku adagtahay in ay gabar gaal soo hanuuniso. Inshalaalah alaha kuu fududiyo. Ogowna wiilasha walaalahaa qofna kuuma dhaamo.waslaamu calaykum waraxmatulah wabarakaatuhu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aweys mohammed nuur

Thursday, December 07, 2000 - 01:12 am
to amal walaal marka hore waan ku salaamey marka
xiga waxaan ku leeyahay walaal waxaad sheegatay
inaad qurux badan tahay hadii aad tahay qof qurux
badan waan gabdhaha aan rabey walaal hadii ay dhab
kaatahay aniga ayaa kuu diyaar ah ee wixii aqbaar
ah ii soo gudbi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warsame

Thursday, December 07, 2000 - 03:08 am
To Amal

Walaal wixii war ahaa waxaa kuu dhameeyay raggii iga horeeyay, laakiin anigu waxaan ku darsanayaa wixii laguu qoray in aad dhasho god la galimayside gaalka naga daa oo inan Soomaali ah noo raadi, haddii aad waydayna aniga ayaa dhalinyaro fiic fiican oo guur doona aqaane ila soo xiiriir,
Walaal waxaan kaloo kaa caawinayaa sidii aad u hilmaami lahayd gaalka labadaas arimoodba aniga ayaa kuula diyaar ah ee ila soo xiriir email qadar21@usa.net
by warsame

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi yare

Thursday, December 07, 2000 - 04:26 am
Amaal
Abaayo horta sida aad usheegtay hadii ay dhab
kaa tahay, oo aysan kaa ahayn dharag dhacsi
waxaan kugula talinayaa sidan:
1. Hadii aad tahay gabar soomaliyeed oo muslin
ah jaceyna wax ka taqaan inaad si dhab ah ula
xiriirta adiga oon is qarin asxaabtaada fiirisaana
halka macquulka ah.
2. Inaad mar walba meesha fiican wax ka fiirisaa
oo aad fiiro wayn samaysaa
3. Hadii ay dhab tahay inaad jeceshahay hadii uu
noqonayo Muslim gay meelaha muslimiinta joogaan
sida masaajidyada oo kale, markaa dabadeedna guurso, hana ku fakarin bari waxa dhacaya inuu
kaa tagayo iyo in kale mustaqle wixi dhici doono
ilaah umbaa la socdo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QANDHACIIL&HUUNYO

Thursday, December 07, 2000 - 04:45 am
war asxaabta idinka oo dhan masaakiimiin ayaad wada tihiin war qoftaan oo kale beerta ayaa la geliyaa .AMAL walaal waxaan ku leeyahay gaalka beejaQabka ah guurso yuusan ku dhaafin.kaas ileen wax kale o kuu dhaama helimeeysideeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, December 07, 2000 - 05:00 am
adoo kale dhaqlaan ugu yeeraa.
ma inan somaliyed baad wayday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ayan

Monday, December 11, 2000 - 08:31 am
TO amal
walaal intaad ka fogaan karto nin GAALA ka fogow waayo ma ogid wax uu yahay bar i hadii aad caruur u dhasho ogow in aanad caruurtaadii healayn wax uu muslimaayana ma jirto ee iska sug kii Somaaliga ahaa wax kuu dhaamaa majiro qof aad isku af tihiin iyo is ku diin iyo is ku wadan walaalo ta kale reerkoodu kuma nabad galinayaan adna kaaga waad ogtahay markaa walaal ilaahay waxaan kuu baryay nin soomaaliyeed oo wanaagsan waa bil ramadaane in ilaahay ku siiyo gaalka aan kaadidia iska maydhina kalgacalkiisa alle kaa maydho insha-allah

walaashaa
ayan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkaa ku jecel!!!.

Monday, December 11, 2000 - 09:41 am
Walaashay Amal, anaa raadinaya gabar Soomaaliyeed oo qurxoon, waxaan ahay nin aan quruxbadnayn waxaanse hubaa inaan kaaga fiicnahay gaalkaas ee Abbaayo, kaalay aan quruxdaada kula qayb sadee,
oo gaal ha iga siin anaa u baahane.

Noqona mid lagu tix galiyo; Diinteeda,dhaqankeeda,
Quruxdeeda,iyo dhaqankeedaba.

Hadaadna diido intaas oo talo lagu siiyay, ogow
Xigmaddaanaa Soomaaliyeed baa ku qabsanaysee:

Hadaad ka tagtid meel lagaa jecelyahay, waxaad tagtaa meel aan lagaa jeclayn.

Walaalkaa ku jecel!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARKA

Thursday, December 14, 2000 - 12:28 am
TO AMAL:
MARKA HORE WAXAAN SALAAMEY INTA BOGGAN SOO BOOQATEY MARKA XIGTA WALAASHIIS AMAL WALAALO WAXAAD TAHAY QOF UU JACEYL HAYO WAXAANA KUGU WAANINLAHAA HADII UU SOO MUSLIMAYO OO UU DIYAAR U YAHAY MASAAJIDKA KUUGU DHOW GEEYOO ISLAAMI ADIGANA AJIR AYAD KA HELEYSAA.OGOWSE WIILASHA SOOMAALIYEED,WANAAG ,NADAAFAD, HANAAN IYO HIBO WAX KU GAARO MALAHA KAMANA WAAYEYSID MIDKII DOOQAAGA AH EE HA KA DAALINEE KA DEYDAYO.
ANIGA SAAXIIBADEY AYAA NIN CADAANA QABO HORANA U QABI JIREY NIN SOOMAALI AH MARKA WAXAY IGU TIRAAHDAA 100% WAXAA MUDNAANTA LEH WIILASHEENA .
"CIDII TAQAANA WEY TAQAAN CIDAAN AQOONA WAALOO TILMAAMAYAA"WAXAA LAGA YAABAA INAAD QURBAHA ADIGOO YAR AAD SOO GASHEY OO AADAN HORE SOMALIA AADAN WIIL SOMALI AH KULA SAAXIIBIN. TIJAABI SAAXIIB . WALAASHAA BAARKA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARKA

Thursday, December 14, 2000 - 12:43 am
TO AMAL:
MARKA HORE WAXAAN SALAAMEY INTA BOGGAN SOO BOOQATEY MARKA XIGTA WALAASHIIS AMAL WALAALO WAXAAD TAHAY QOF UU JACEYL HAYO WAXAANA KUGU WAANINLAHAA HADII UU SOO MUSLIMAYO OO UU DIYAAR U YAHAY MASAAJIDKA KUUGU DHOW GEEYOO ISLAAMI ADIGANA AJIR AYAD KA HELEYSAA.OGOWSE WIILASHA SOOMAALIYEED,WANAAG ,NADAAFAD, HANAAN IYO HIBO WAX KU GAARO MALAHA KAMANA WAAYEYSID MIDKII DOOQAAGA AH EE HA KA DAALINEE KA DEYDAYO.
ANIGA SAAXIIBADEY AYAA NIN CADAANA QABO HORANA U QABI JIREY NIN SOOMAALI AH MARKA WAXAY IGU TIRAAHDAA 100 BOQOL WAXAA MUDNAANTA LEH WIILASHEENA .
"CIDII TAQAANA WEY TAQAAN CIDAAN AQOONA WAALOO TILMAAMAYAA"WAXAA LAGA YAABAA INAAD QURBAHA ADIGOO YAR AAD SOO GASHEY OO AADAN HORE SOMALIA AADAN WIIL SOMALI AH KULA SAAXIIBIN. TIJAABI SAAXIIB . WALAASHAA BAARKA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BAARKA

Thursday, December 14, 2000 - 12:48 am
RAALI AHAADA XAGA FARSAMADA AWGED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awey

Thursday, December 14, 2000 - 01:19 am
walaal waxaan kuu rajeynaa inaad heshid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MASIIXI

Thursday, December 14, 2000 - 09:03 am
kU:AMAL,
wALAAL YAANAY CIDINA KU SEEJIN CALAFKAADA,WAA
ADIGA QOFKA WAX JECEL EE MAAHA DADKA KALE.MAAHA
IN RUUX AAD JECESHAHAY INAAD USOO BADHIGTO DAD
SIDII AAD KA YEELI RUUX AAD JECESHAHAY.WAXA NOO
CAD IN JACEELKAASU AANU LABADA DHINAC WADA JIRIN.JACEELKU MALAHA DIIN.BAL EEG AADAN IYO XAAWO OO U CUNAY MIRIHII ILAAH KA XARIMAY JACEEL DARTIIS.HADII AAD KA CABSANAYSO IN WAX IS BADAL AH KU YIMAADAAN DIINTAADA WAXAAD MARKA
HOREBA KA LA DHIGANKARTAAN AXDI INAAN LAYSU SOO FARAGASHAN DIIMAHA.
GO.LOVE GO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaliye

Tuesday, December 19, 2000 - 11:52 am
taladdi dhammaatay kuwa hore ee ay wallaaladaa
kaanaxaya kugula taliyeen qaado hamaqlin cidkalena
hamaqlin ee wallaal diin teena meel hakaga dhicin
ALLAH kaxishoo wallaal diinteena majirto halmeelna allaha kadhigee meellyar oo sheegeysa in la jeclaado iskaba daa inla guursado mida kale carrurta aad dhili doonto haddii ay noqdaan gaalo asaga oo kale ah maalinta qiyaamada xilkoodu adiga ayuu ku saaran yahay marka maxaa kuu gaynaya nin gaal ah oo ALLAH(S.W.T.)ka gaaloobey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

THE WISE ONE

Tuesday, December 19, 2000 - 03:04 pm
AMAL DEAR IF HE IS GOING TO BECOME MUSLIM AND HE IS VERY SINCER ABOUT IT. THEN YOU SHOULD GO AHEAD AND GIVE THE MAN A CHANCE AND THAT IS IF YOU TRUELY LOVE HIM AND HE IS HONEST TO YOU. BUT MAKE SURE HE IS NOT BECOMING A MUSLIM BECAUSE OF YOU BUT HE IS DOING IT FOR HIMSELF AND NOT FOR YOUR CUTE FACE.

GOOD LUCK

THE WISE ONE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sucaado

Saturday, December 23, 2000 - 09:35 am
To Amal
Nayaa marka hore firii hanaga caynin wiilasha somaliyeed hana dhihin ma arkin wiil somaliyeed oo i qanyicoo maxaa yelay waxan qabnaa wiilal ad u qurxoon oo edab iyo sharaf hel.
tan xigta adiga aheen gabar sharaf leh maxaa yelay gabar soomaliyed oo sharafleh lama saxiibtoo nin gaal cadaan ah waxaan ku dhihi lahaa ha sheegan somali intaad gaal saxib latahay
oo see kula saxiibtay nin gaal ag adiga soo matihin qof diinta yaqaan miser jahil ayaa katahay
ogaaw gabar muslin ah banaanka ma soo dhitoo qurudeeda oo ma iska gadoo nimaka ,daadka ha dimbajin
bisinkee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sorry

Tuesday, January 09, 2001 - 07:33 am
Amaal....walaal ka waran hadii aan ku idhaahdo Anigaygan kula hadlaya ayey taas oo kale igu dhacday....Nin English ah oo aad iiga wayn ayaan, dalalka carabta isku baranay waana ijeclaaday ana waan jeclaaday....waayo wiilasha soomaalida waxaan u haysatay in aany waxba ahayn.

Waxba yaanan hadal kuku daaline reerkayagii ayaa europe u soo dhoofay markaasaan aniguna ka daba imid...ninkii cadaana wuu iga dabyimid.

Markii aan reer kayagii u sheegay way wada shoogeen laakiinse aniga ayaa aad u jeclaa markaa cidna waxba kamaan dhegaysay.

Calayi xaal ninkii waan isguursanay iyadoo reerkayagii aad uga xun yihiin.

Markii aanu ilaa mudo sanad ah is qabnay ayaan u dhalay gabadh yar oo kind of handcup ah.

Wuxuuna iku noqday nin racist ah oo aad u xun xitaa wuu idiljiray. wuxuuna markii hore yidhi waan muslimayaa laakiinse been bay ahayd.

Hada waan ka soo baxsaday wuuna i doondoonayaa in uu idilo..

Markaa walaal bal ka fiirso,,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QANCIYE44

Tuesday, February 06, 2001 - 05:26 am
TO AMAL INABTI WAAN KU SALAAMAYAA MARKA HORE ,INAABTI WIXII AAN KU ODHAN LAHAA WALAALADAY BAA KU YIDHI MARKAA .
ANIGAA WAXAN KU SOOGIRAY MODO GAADHAYSA 6 SANO .
SABADTA IGU KELIFTAYNA WAXAY AHAYD QURBA HA AYAAN YARAAN KU SOO GALAY 1985 . WAXAAN KU SIG TAY IN DHA QAN KAY GU IS BADALO MARKAA INAABTI KHBRAD WAYN BAAN U LEEE YAHAYE IS KADAA .
INAMADA SOMALIYEED NA HACAAYIN WALAAL KAABAA KAMIDA IYO AABAHAA .
QURUXDA AAD SHEEGANAY SO WAXAA KU GU DHALAY AABAHAA .
MARKAA FADLA KU MA SOO KOOBI KARO WAX YAALI HII IGA SOOMARAT . .
WAXAAN U MALAY NAYAA IN AY KUGU FILAN TAHAY TALOOYIN KII WALAALADAY OODHAN . WAXAAD IGALA SOO XIDHIIDHI KARTAA ( QANCIYE44@HOTMAIL.COM ) BY SIS ILHAY XAQA HA INA WADA WAA FAJIYO .
AMIN AMIN AMIN KULEGEEN BA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Tuesday, February 06, 2001 - 02:28 pm
amal wiilku mamuslinbaa mise waa gaal haduu gaalyahay adaa og

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilove you

Tuesday, April 10, 2001 - 12:14 pm
NAYAA AUSTRLAI HADAAD JOOGTA ANIGA

AYAA KU GUURSANAYO OO LAGU DHHO AMEL

OO MAREEXAAN AH AYEY
DEEDNA JOOGTA WADANKA KENAY

WAA KAA HELAY ILA SOO XAriir email

abdiqaadir99@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.