site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaan ahay gabadh Dhakhtarad ah oo degan UAE, waxaan dooanyaa Guur

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Waxaan ahay gabadh Dhakhtarad ah oo degan UAE, waxaan dooanyaa Guur
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zamzam

Thursday, November 09, 2000 - 03:51 am
Dhamaan dhalinyaradda halkan isugu timid waxaan ka codsanayaa inaan u baahneyn in lay caayo ama wax layga sheego balse, Anigoo ah gabadh wanaagsan oo muxtarimad ah, waxaan dooanayaa will wanaagsan oo aan jaceyl la wadaago

name : Zamzam Haji Omer Farah
Age : (between 18-27)
Dhererka : 1.75cm
Midabka : maariin
Hobiga : writing and reading
nationlity: somalian

Haddaba cidii jecel iney iga hesho information intaas ka badan ha ila soo xidhiidho.

zamzam haji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamal yare

Thursday, November 09, 2000 - 05:18 am
To Zamzam
walaal waxaad ilowday meeshi lagaaga soo xiriri lahaa emailka gee baad ilowday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WANAAG

Thursday, November 09, 2000 - 09:22 am
zamzam ina xaaji macaanto waxaad hilmaantay meeshii lagaala soo xiriiri lahaa haddii ay ahaan lahayd e-mail ama taleefan ama b.o.box.waa wiil soomaaliyeed oo isagana waxbarasho jaamacadeed ku jiro aadna u maskax furan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOSLAAYE

Thursday, November 09, 2000 - 09:33 am
WALAAL INKASTOO AAD WADNAHEYGA KU TAALO, II MAANA SHEEGIN SIDAAN KUULA XARIIRI DOONO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zamzam

Thursday, November 09, 2000 - 02:42 pm
emailkayka waa zamzam@hotmail.com iyo telefoonkayka waa 971-5626324

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GIRL

Friday, November 10, 2000 - 03:30 pm
TO ZAMZAM

ZAM WALAAL ANIGA MAKU AFLAGADENAYO LAKIIN WAXAA KAGA FICAN MINAAD GABAR TAHAY INAA SUGATIDID WAKHTIGAAGA BECOUSE WALAAL WHEN U R GIRL AND
TRY TO TALK TO GUYS LET THEM KNOW YOU WANT GET GUY FOR UR LIFE BELIEVE ME THEY WONT RESPECT YOU
COUSE GUYS DONT LIKE GIRL WHO FIND THEM THEY LIKE
GIRL WHO THE CAN FIND FOR THEY SELF,SO MY ADVICE TO YOU IS WAIT UNTIL SOME GUY HIT ON YOU

GABARBA TAHAY SLOW DOWN ALWAYS
I HOPE THAT WILL HELP YOU ZAMZAM
PS AND LUV
GIRL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Friday, November 10, 2000 - 11:34 pm
. TO;ZAMZAM zamzam walaal si fiican ayaad u hadashay,ceebna maaha hadaad tidhaahdo waxaan doonayaa wiil aanu is barano ,waxaanse kuu sheegayaa internetkan in qof waliba wuxuu doono iskaga qori karo oo aad la kulmi doonto qaar ku af lagaadeeya iyo qaar ku caaya iyo qaar si ixtiraam leh kuula hadlaba intaba . hadaba anigu waxaan kaala soo xidhiidhayaa hotmailkaaga hadda ,haddi ay kaa dhab tahay iyo haddii aad doonaysid mid aad part time-ka waqtiga ku lumisooo aad la sheekaysatoba waan ku kala ogaan doonaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A WELL-WISHER

Saturday, November 11, 2000 - 01:11 am
ASSALAAMU CALAYKUM

MAY ALLAH GIVE THIS SISTER THE BEST OF THIS WORLD AND HEREAFTER.

DESPITE THE FACT THAT SOME PEOPLE WOULD OFFEND OR CRITICISE HER, I SEE TO IT THAT SHE IUS THE BEST GIRL I HAVE EVER MET.

SHE IS VERY INTELLECTUAL TO THE EXTENT THAT SHE HAS SURPASSED THE IGNORANCE AND COMPLEXITIES COMMON TO MOST OF SOMALI GIRLS.

SHE ACTUALLY REMINDS ME OF THE WOMEN AT THE TIME OF THE PROPHET(swa) WHO USED TO OFFER THEMSELVES TO THE PROPHET(saw).

MARRIAGE IS A NOBLE ACT AND A SACRED INSTITUTION
WHICH HAS BEEN DEFILED BY YEARS OF TRADUTIONAL IGNORANCE.

THERE IS A GOOD LESSON IN MUUSA(saw)'S FLEE FROM THE OPPRESSION OF PHARAOH IN EGYPT AND MIGRATION TO MEDIAN.

TWO DAMSELS WHO MUSSA(saw) HELPED TO WATER THEIR FLOCK OF SHEEP SUGGESTED TO THEIR FATHER: OH MY FATHER, EMPLOY HIM IN OUR SEVICE, FOR THE BEST TO RECRUIT IS THE STRONG AND TRUSTWORTHY.

LATER, THE FATHER SHUEYB(saw)(AS SOME SCHOLAR INTERPRETERS SAID) SUGGESTED TO MUSSA(saw): I WILL GIVE YOU IN MARRIAGE ONE OF MY THESE TWO DAUGHTERS
PROVIDED YOU WILL SERVE ME EIGHT YEARS, WOULD YOU COMPLETE TO TEN YEARS, THAT IS KIND OF YOU.

LOOK AT THIS, IS THERE A GIRL WHO WOULD SUGGEST TO HER FATHER THIS MAN IS FAITHFUL, TRUSTWORTHY, HONEST, STRONG, KNOWLEDGEABLE, GOOD MANNERED, GENEROUS, KIND?!!!...


PLEASE LEAVE THIS IDEAL AND BRIGHT YOUNG GIRL ALONE AND TRY TO DISPLAY TO OTHERS (WHO ARE ASHAMED BUT ARE IN NEED OF GOOD HUSBANDS ) THAT ZAM ZAM IS THE BEST EXAMPLE THEY SHOULD FOLLOW.

SISTER ZAMZAM MAY ALLAH BE PLEASED WITH YOU AND
PROVIDE YOU THE BEST CARING HUSBAND YOU MAY EVER DREAM.

THERE ARE ACTUALLY GOOD MEN AND ALSO VERY GOOD WOMEN LIKE ZAMZAM WHO ARE SUITABLE TO EACH OTHER.
THEY BOTH NEED EACH OTHER, BUT COMPLEXITIES CREATED BY TRADITIONAL BELIEF CONSTITUTE AN OBSTACLE THAT THEY COME TOGETHER.

SO IF A VERY GOOD GIRL LIKE ZAMZAM FREED HERSELF FROM THE IGNORANCE OF TRADITIONAL BELIEFS WE MUST
HAIL HER AS A HEROIN AND APPRECIATE IT.

I WISH THIS WILL CONTRIBUTE TO THE ENCOURAGMENT OF ZAMZAM AND OTHER GIRLS.

NOTICE : ALL UNMARRIED GIRLS WHO WOUYLD BE READING MY ADVICES, PLEASE REST ASSURED THAT I MEAN IT SERIOUSLY.


MAY ALLH BLESS YOU ALL

WASSALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Saturday, November 11, 2000 - 07:11 pm
to:zamzam. zamzam waan ku salaamey ma u malaynaysaa inaan kaala soo xidhiidhey telefoonkii aad soo qortey laakiin aanuu run aheyn oo qof kale leeyahay,markaa u malayn maayo in aad run ka sheegayso waxaan rabaa guur ,waayo markii ugu horeysey ayaad gidaar noo dhiibtey . nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zamzam

Saturday, November 11, 2000 - 09:03 pm
Dhamaantiin waad salaamantihiin,,,,,,,,,,,,,,,,,

Salaan kadib, sidoo kale waad ku mahadsan tihiin, sida qiimaha iyo qaayaha leh ee aad ii sharafteen,taasoo aan ka dhadhansadey qoraaladiina kala duwanaa, taasoo qof waliba siduu u arkayey wax iigu soo sheegay:

(1) Marka Kowaad: Waxaan ka cudurdaarayaa in telephone 971-5626324 iyo e-mailka zamzam@hotmail.com aanan laheyn goobtana ku qoran, balse dad kaloo adeegsanaya magacayga ay ku qoreen, taasina waxay ka mid tahay arimihii aan ka cudurdaartey, inaan lay aflagaadeen, sharafteydana wax loo dhimin.

(2) Marka Labaad: Waxaan salaan sharaf gaar ah iyo bogaadin u dirayaa dhalinyarada ay ka mid yihiin (Jamal yare, Wanaag, Qoslaaye, Farxaan iyo A Well-Wisher). Walaalayaal si wacan oo sharaf iyo akhlaaq ku dheehan tahay baad iila soo xidhiidheen, waxaan inoo rajeynayaa in xidhiidhkeenu intaas ka sii fiicnaado noqdana mid midho dhala, sidoo kale waan rajeynayey in dhalinyaradda soomaaliyeed ay ku jiraan dhalin fahmi karta wadciga iyo qiimaha nolosha. Mudnaana siin doonta Isbarashada Furan.

(3) Marka Sadexaad: Guurku waa shey Muhiim ah, Qofkii Nolosha aad la qeybsan laheydna inaad dooratid Waa Waajib. In kastoo Calaf jiro oo cidina dhaafi karin, hadana waxaa lagama maarmaan ah in dhalinyaradu dookh isku raacaan. Sidaad wada ogtihiinba dhaqan waxaynu u lahaan jirney in dhalinyaradu xiliyadda Gu’ga ay goobaha cayaaraha ay ka mid yihiin (Dhaantada, Walasaqada, Jaandheerta, Ceerigaabadda, iwm) ay isu arki jireen kaftan iyo sheekana is weydaarsan jirey, hadaba, Internetku waa goobihii aynu ku kala bogan laheyn haasaawaha, arimaha guurkana isla falanqeyn lahayn.

(4) Marka Afraad: Maan soo sheegin magaaladda aan deganahay ama ciwaankeyga, Sababta igu kaliftey maaha inaan is-qariyo, sida dadka qaarkood u fahmi karaan. Markaad dhinaca kale ka eegtid Anigaa isku soo qorey Internetka, kalama tashen hooyadey, aabahey iyo walaaladey. Waxaan aaminsanahey in qofku xor yahay oo uu dooran karo qofkii uu doono. Guurkuna waa Selection, Sidoo kale ma doonayo inaan Iscaaj kala kulmo telephonekayga gurida ama ka shaqadda.

(5) Marka Shanaad: Qorshaheygu wuxuu ahaa in Wiil walba ii soo dheego Information-kiisa, isagoo ka tusaale qaadanaya formulada ama qaabka aan adeegsadey, Sidoo kale waxaa muhiim ah loona baahan yahay in laga taxadaro “Buun Abuurka” iyo inaadan isku sheegin waxaanad aheyn. “Runtu Waa Xal Dhab ah”, Beentana maalin baad ku dharagtaa maalin labaadse ku rakaadatid.

(6) Ugu dambeyn, Waxaan siin doonaa ciwaankeyga oo kaamil ah Wiilkii aan u arko inuu yahay macquul, Anigoo ka tusaale qaadanaya Informationkiisa, mudnaantana siinaya akhlaaqdiisa iyo isku kalsoonida uu naftiisa ka qabo. Hadal Haan ma buuxsho,,, Nin isfaansheyna waa Ri is nuuugtey,,, Balanteenu waa Kaftan Hufan iyo Qalbi daacad ah.

Zamzam Haji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Sunday, November 12, 2000 - 11:28 am
HEJ ZAMZAM CONGRATULATIONS FOR YOUR COURAGE AND THE MANNER,YOU REPRESENTED YOUR WISH,ITS INCOURAGING,BUT I HOPE YOU ARE NOT ONE OF THE MANY SOMALIS,WHO ARE NOT SERIOUS WITH WHAT THEY,I HONESTLY I HAVE LOST CONFIDENCE WITH MANY SOMALIS AND CAN HARDELY BELIEVE THEM,BUT I SHOULD TRY TO BELIEVE YOU BECAUSE YOU USED ISLAMIC WAY,AND THAT MAKES ME BELIEVE OR TRY TO BELIEVE PEOPLE AND IF THEY LIE GOD IS SEEING THEM,MY ADVISE IS FULFIL YOUR PROMISE FOR GOD SAKE AND LEAVE THIS IGNORANTS.
ALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdulkadir

Sunday, November 12, 2000 - 11:38 am
to zazam

acww

marka hore waxaan kugu salaamay salaanta islaamka ee waajibka ah,

marka labaad aniga oo aan lasocon iyaamahan interneka ayaa hadana waxaa isoo jiitay qaabka aad uhadashay ee aad warka ucadaysay islamarkaana aad u qodobaysay,

taasoo aan ka fahmikaro inaadtahay qof karti iyo aftahanimo isku darsatay ,

hadaba aniga oo soodaahay ayaan hadana doonayaa inaad loolanka iga qaybgalisid,

and here my details

country- uk london

age 26

height- 6ft.3in

education- university

suject- coputer science

so if you have a intrest can we start introduction

also my email address is abdulkadiroos@hotmail.com

gool iyo khayr baana kuu rajaynayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Sunday, November 12, 2000 - 11:46 am
PREVIOS MESSAGE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AKABE

Sunday, November 12, 2000 - 07:40 pm
KU : ZAMZAM

WAAN KU SALAAMEY,,,

WALAAL WAAD KU MAHADSAN TAHAY FIKRADA AAD NA SOO DHEXDHIGTAY HADAANU NAHAY DHALINYARADDA SOMAALIYEED.

WALI KUMAAN BARAN MACLUUMAAD FARABADANA KAAMAAN HELIN, OO WAXAAN KAA SHEEGANA WAA “BEEN”, BALSE ZAMZAMEY MARKAAN ADEEGSADAY CILMIGA SCIENCE-KA IYO DARAJADDA AAD NOO SHEEGATAY OO AH “DICTOOREYSO”, WAXAAN KUU ARKEY INAAD TAHAY QOF XUMAHA IYO WANAAGA KALA SAARI KARA, NOLOSHANA KHIBRAD DHEERAAD U LEH, SIDOO KALE WAXAAN SHAKI KU JIRIN INAAD QURUXDANA HODAN KA TAHAY, BEEL WACANA AAD KA SOO JEEDO, XAGA DIINTANA WAX KAAGA BILAABAN YIHIIN, DOODDA, KAFTANKA, HADAL WANAAGANA AAD KA DHAXASHEY HAJI OMER.

MARKAAN ISU SOO DUUDUUBO, GABADH YAHEY WAXAAN KU NOOLAHAY WADANKA UAE, GAAR AHAAN CAASIMADDA, HA IGU DHAAFIN HOWLAHA ADIGAA IGU DHALIYEE.

GABADH YAHAY MIDNA WAAN IGA DIGNIIN, MIDNA WAA IGA DEEQ DHALINYARADU ISKUMA JIRTO, DHALINYARADDA EUROPE KU DHAQAN WAXAY KU FOGAADEEN DHINACA DRUGS IYO MAANDOORIYAYAASHA. DHALINYARADA KU DHAQAN AUSTRALIA IYO GOBOLADDA MAREYKANKA WAA QAXOOTI AAN DIRIC IYO GARBASAAR KUU GADI KARIN, WAALIDKOOD BAA $10.00 KA WAAYEY, IYAGANA JAC IGA DHEH.

DHALINYARADDA AFRICA IYO BARIGA FOG KU DHAQAN WAA DANEYSTAYAAL INTEY KHAD AMERICA AMA EUROPE HELAYAAN BAAD EHEL TIHIIN. IYAGANA YAX IGA DHEH.

DHAQANKII IYO ASLUUBTII, ANSHIXIYO XISHOODKII, ALLAH KA CABSIGII IYO WANAAGII DIINTA WAXAA WALI HUWAN DHALINYARADDA KU DHAQAN WADAMADA MUSLIMKA AMA JASIIRADDA CARABTA. HOWGII BARAKEYSNAA IYO MAKA IYO MADIINEY LA DARIS YIHIIN, BIYAHA ZAMZAM-KEY CUNTADDA KUUGU DARAYAAN.

NAME : KAISER JAMA ESSA (AKABE)
NATIONALITY : SOMALI
AGE : 28 – IYO 2 BILOOD
STATUS : SINGLE
HEIGHT : 1.65 CM

MARKAAN HADALKA SOO DABAALLO, WALAAL ZAMZAMEY SADAQADDU WAXAY KA BILAABANTAA DARISKA, HADDABA KULANKEENU WAA GOORMA? IYO MEELMA?.

MR. AKABE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

elmi

Sunday, November 12, 2000 - 09:14 pm
zamzam is playing games with your logical reasoning guys...can't u see it for gods sake? her arguments have so many flaws......it is her who is looking for someone hence, she should provide her coordinates not you guys. dont let the cheap lady fool you guys. salaam aleekum all.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mustafaa

Monday, November 13, 2000 - 12:13 am
ugo horeyntii waxaan usheegayaa gabadha isku sheehtay zam zam ee interka iska gadaysa in ay uga in ay roontahay in ay iska aamusto wahaday tahay qof islaam ah ayna ninka karaadsan internetka maxaa yeelay ninba uma noqonkarto naag internetka laga helahay sidaas daraadeed waxaan kuleeyhay isku xishood.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Monday, November 13, 2000 - 05:52 am
Zamzam ma aha gabar soomaaliyeed ee nimanyohow meesha ha ku xiiqina.
Waxa zamzam isku sheegayaa waa nin.
Sida ay wax uu reason garaynayso ma leh astaamihii raga.


Bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WANAAG

Monday, November 13, 2000 - 06:31 am
To:zamzam


Walaal waxaan ku weydiiyay safka lagu jiro ma yaree yaad la haysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

galab

Monday, November 13, 2000 - 07:56 am
asalaamu aleekum

walaashiis macaan adoo iga raaali ahaana waxaan ku oran lahaa somaliga waaba qalin jabisay "ma dictionnaire ayaa ku hoosyaala" sababtoo ah ereyo aan wali maqlin ayaaba isticmaaleesaa
mida kale waa kula raacsanahay qodobada aad kor kuxustay ilaahayna haguugu hanuuniyo qofkaa dooneesid

sis aniga waxaa aniga luuqaan isoo galiyay erayga DHAQTARAD waxaa kuweediinlahaa ma dhaqtarad ayaa tahay mise wali ardayad?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 13, 2000 - 09:38 am
galab she is lying walaahi i am in UAE i know almost all somali doctors in UAE only 2-3 are women and almost all of them are above 40. is she is ..she is new and she is not working there for sure....therefore, she is selling herself

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MADDBOY

Monday, November 13, 2000 - 12:45 pm
WELL..WELL..WELL, I'M BAFFLED BY THE OUTPOURING OF MESSAGES TO THE PERSON CALLING HIM/HER SELF "ZAMZAM". ARE YOU GUYS BLINDED BY THIS PERSON, THAT YOU CAN'T EVEN TELL WHEN YOUR INTUITION IS BEEN PLAYED HERE. THIS PERSON CAN BE A MAN OR A WOMAN AND NO ONE, WHO HAS AN IOTA OF BRAIN WOULD EVER COME TO THE NET TO CHOOSE THEIR PARTNER IN LIFE. ALL YOU GUYS ARE PROVING HERE IS THAT THERE ARE WHOLE PUNCH OF SOMALIAN GUYS THAT CAN'T FIND A WOMAN ON THEIR OWN. SO, BROTHERS LET ME GIVE YOU A BIT OF A BROTHERLY ADVICE, DON'T DESCRIBE YOURSELF TO NO ONE, CAUSE YOUR GOOD INTENTIONS WILL NOT BE SERVED WELL AND YOU ARE EMBRASSING YOURSELF IN FRONT OF MILLIONS OF READERS. IF YOU WANT TO MEET WOMAN, THERE ARE A LOT OF PLACES TO DO THAT SUCH AS; SCHOOLS, AT THE GYM, IN THE LIBRARY, AT THE MALL, PARTIES AND MANY OTHER PLACES. I DON'T WANT ANYONE TO GET OFFENDED, IT IS JUST MY OPINION. PEACE. GET OUT SOME MORE GUYS.

P.S. ZAMZAM VERY WELL WRITTEN AD, BUT COMMON A DOCTOR IS LOOKING FOR A MATE IN HERE. SPARE SOME DIGNITY FOR THE BROTHERS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cade

Tuesday, November 14, 2000 - 06:15 am
samsam


waxaan rabay inaan kula soo xiiriiro laakiin hadda waan ka noqoday maxaa yeelay anigu qof dumar ah baan raadinayey ee qof oo siyaad barre camal toban saacadood i qodbeeya ma dooney...

baalaaya kula tagtay war badnaa koow, laba, sadex ku teh ma qudubaan u nimid meesha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

j,yusuf

Tuesday, November 14, 2000 - 09:58 am
aslaamu calaykum.
to zamzam.h.omar
walaal waxa aan ahy wiil ku nool norwey .. magacayga waa jama yusuf.. waad ku mahad santahay sida quruxda badan eeaad usoo qortay qoraalkaaga
waana sida laga rabo hablaha ka cararaya xaaraanta .. walaal hadii aad rabto talooyin ama aan wada wadi karno nolasha igala soo xidhiidh halkan.... hanad60hotmail.com.....
magaca..jamac yusuf
midab..madow
dherer. 1,76m
hop..write or read
na. somali
hadii aad u bahan tahay guur ama talo aan wada xidhiidhno .....

wada xidhidh wanaagsan....
hakuu macanaato....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALI

Wednesday, November 15, 2000 - 11:16 am
HALLO MADBOY AND ABDI ALOT OF THANKS FOR YOUR INSIGHTS AND REASONING,ANY IDIOT COULD GUESS THAT ZAMZAM COULD NEVER EXIT IN OUR MODERN SOMALI SOCIETY,BUT THE INTERESTING OF WHOLE DRAMA IS THAT SOME OF OUR BROTHER PRETEND TO BE ANICE SISTER AND ADVERTISE THEMSELVES,ONE THINK I COULD NOT FIND SOLUTION OR AN ANSWER TO HOW BENEFIT IS IT TO OUR BROTHERS SUCH BEHAVIOUR WHILE WE CAN DISCUSS MORE
IMPORTANT AND BENEFICIAL THINGS TOGETHER THEN WASTING TIME ON SUCH IMATURE ACTS,GOOD TO NOW SOME REASONABLE BROTHERS EXITS SOMEWHERE.
ALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Engineer

Wednesday, November 15, 2000 - 09:28 pm
zamzam walaal beenta dhaaf oo number sax ah dadka sii hadii kale wareerka dhaaf walal.... Im an engineer who lives in UAE abudhabi and ur number is totally wrong..U did not even mention ur city code and correct number so if u r intrested then u can email me at ..caashiq@hotmail.com
Somali.Engineer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALIIF

Thursday, November 16, 2000 - 04:15 pm
ZAM WAXAAN AAD KAGA MAHAD CELINAA SIDA DACADA AH OO AAD UU SOO QORTAY RAYIGAA OO AAD WAX AAD KA TAGTAY AYEYSAN JIRAAN .
LAKKIINN MEESHAN WAA SUUQII CEELGAAB YAA RUN SHEEGAYO YAA BEEN SHEEGAYO YAA ILAHAY YAQAAN YAA ILAAHAY AQOON WAA LA KAL GAR WAYEY DADKII DHAN WAA ISKU QASMEEN.
MUDO BADAN BAA BAHALKAAN QORAAYEY AQRINAAYEY QORAALKAAGA WAXUUU KA MID YAHAY KUWII AAN ARKAYKAY KUWIII UGU FICNAAA.
LAAKIIN QOFKASTOO BIDAANA AH WAXUU QIMA LEYAHAY INTAY NAFTA KU JIRTO HADUU UU NAFTA WAAYO WAA MACNO BEELAY WAX KACSTOO LAHAAN JIRAY AMA LACAG AMA MAGAC
WAX WANAAGSANAA SOO QORTAY WAAN UU BAGAY LAKIIN AMIN BAA IGA GURAY .
PLEASE HADDI AAD TAHAY GABAR RUN AH OO WAXII AAD SOO QORTAY AY RUN KAA YAHIIN II SOO JAWAAB E MAILKAYGA SAWIRKAAGA UGU SOO DIR ONEBOX@QALIIF.COM WAXAAN DEGANAHAY USA DADAYNU WAAA 27

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 20, 2000 - 08:27 pm
NAA RAGA BEEN HA U SHEEGIN DHAKHTARNA MAHIDE DHAKHAATIRTA MEEL HA KAGA DHICIN DHILOOYINKII CUJMAN BAA DADKII KU SOO DARSAMAI ILAAH BAA SIDAA NOO GARTAY IN AAD RAGGA KA NAC-NACSIISO IYAGUNA KUU SHEEKEYAAN. RAALI KAMA IHI SIDAAS IYO WAX LAMID AH WAXAAN LA HADLAY DR. JOOGA U.A.E. WUXUUNA II SHEEGAY IN EEYAAN JIRIN GABAR SOOMALIYEED OO DR. AH EE DEGAN WADANKAAS.ILAWAWEEGTOY WAXKALE SHEEGO OO KAA MARAAYAH.QORAALKAGA WAXAA LAGA ARKAA IN AAD TAHAY GUULWADAD GABOWDEY.DAD MEEL KA SEEXO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Almutacalim

Thursday, November 23, 2000 - 11:20 pm
Zamzam,21 person responded your request and they all want to marry you,but be carefull not to tell everything about yourself in this poblic forums,otherwise you will be one of the first internet victims. you can give your e-mail but never give you phone# and copmlete address to strangers.

I hope you will get your future husband,but don't look for him in the market for ciyaal suuqiin,but rather try to minimize the dangers you may
receive from this whole market where many buyers of men come to buy the girls they wanted for

sometime,and then return them to the same place where they bought them earlier for re-sale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zamzam

Sunday, November 26, 2000 - 08:32 pm
Waad Salaaman tihiin dhamaantiin,,,,,,,,,,,,,,,,

Run ahaantii in badan ayaan isku daawanayey, sida caadiga ahna 24 saacadood mar baan Printer-out ka sameeyaa qoraaladda kala duwan ee aad qorteen iyo sharaxaadaha kala duwan ee aad bixiseen.

Rag waa ragii hore hadalna waa intii uu yidhi, wali ma hayo qoraal aan si wacan ugu qanco qodobadii aan doonayeyna buuxiya, page-kan aan ku soo gaba-gabeyn lahaa. Way jiraan dhowr wiil oo qoraaladda ay qoreen si wacan ula dhacay hase ahaatee ilama ay muuqaan inaan ka doorto midkood, una furo wadahadal.

Hadii lagu sheelo waa lays sheegaa, hadiise lagu sheego waa lays sheelaa, waxaan uga goleeyahay, in badan oo dhalinyaradda ka mid ahi, waxaad moodaa ineyna fahmin ujeedadeyda ama dulucdeyda sheekada, bal aan idiin bal-balaadhsho diirkana idiinka qaado si aad ugu doogsataan, mugdigana uga xorowdaan.

Waxaan aheyn gabadh soomaaliyeed oo degan UAE, gaar ahaan caasimadda Abu Dhabi, xaafadda Khaalidiya, waxaan ka shaqeeyaa Al Mafraq Hospital, inta badan waxaan galaa (Night Shift), waxbarashadeyda waxaan ku soo qaatey ilaa heer jaamacadeed wadanka Masar, oo aan baran jirey dhakhtarnimadda.

Habada, waxaan door mooday inaan dhalinyaradda u bandhigo inaan guurdoon ahay, goobaayana Say Xalaal ah, future-kana noqda kii I anfici lahaa. Mida kale, Ha u qaadanina inaan kaftan iyo sheeko u imid halkan iyo inaan wakhtiga ku limiyo, waxaan u imid inaan helo “Rajul Saalix ah”.

Zamzam
Abu Dhabi, Khalidiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

galab

Monday, November 27, 2000 - 04:54 am
ASALAAMU ALEEKUM YAA ZAMZAM

WALAASHIIS WARKA WAAD SOO GOOBTAY EE IGA GUDOON SALANTA KAOR KUXUSAN ,WAXAANA KUU RAJEENAAYAA IN UU ILAAHAY NOO FUDUDEEYO QOF KASTA WAXUU DOONAYO AMA JECELYAHAY

SOON WACAN OO WANAAGSAN AQYAARTA DHAMAANTIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Monday, November 27, 2000 - 11:22 am
Samsam iyo barbaartaa wiglada; Soohdin budulaystay
Sakallada jacaylkiyo warmaha; Saafay bogag heeran
Su'aalaha isdhaafiyo warsiga; Sawdkan damiwaayay
Sinsaarada qarsoon-iyo tabcada;Laysla sugay goobta
Waa seben adduun oo ninkii; Sugayay loo dhiibyee
Maxaa lagaga samirguurayaa; Jire safkii dhaafye'

Soomaali dhaqankeedi hore; Sadaradii yoolka
Cadrad seylad lagu soo dabroo;Suuqa lagu meershay
Oo uu dillaal wada sundhudhay;Gacan sabaaleeyay
Oo siigo boodh lagu liqiyo;Suufaf wada jeexan
Markii say dhaqdaa quus noqdiyo;Sheybe sama-jooja
Simsimaay xaraash loo dhurtoo;Soofle kala boobay
Xaashee sinjiga aynu nahay; Sooma-marin aw'e

Sumcad bay habluhu leeyihiin; Suubban oo dhigane
Sawaxaadda loolama hawiyo; Saaka yaw baxaye
Haddii guur sansaankii marwadu;Saaqdo damaceeda
Midka calaf safkeedaa ka dhigo;Dookhna solansiiyo
Haasaawe soociyo markuu; Sawdku kala daalo
Simbidhiidho lama beegsadiyo; Saancadkii ba'ane
Guurtida suraysiyo raggay; Talo ka suulayso
Yarad sooca loo soo tubiyo; Sararihii geela
Sengaa lagu tukibiyaa gabdhuhu;Waa sed qaaliya'e

Maantaase silic loo huriyo; Soomalhaad ba'ane
Mar sawaab intuu dhawr gu' qabo; Seetada-u-gooyo
Ama sulub rasaaseed sidii; Mayay ku saameelo
Ama Suubban baa kibir-hayaa; Suuqa kaga doodo
Saxmad baa hablii lagu xidhiyo; Surimadii jaane'
Sababtana raguun-baa dhigoo; Gabay sedkoodiiye'
Adna taadu Saadooy ka daran; Seylad yay fura'e
Sumcaddeenna iyo taada iyo; Magaca Soomaalba
Samsameey daleelada ka dhawr; Saatir baa jira'e

Cabdillaahi Cawed Cige

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

odaywaa

Tuesday, November 28, 2000 - 12:32 am
marka hore salaan marka xiga qofka laguma raaco waxa uu bartay iyo waxa uu haysto midna ee waxaa lagu raaca siduuyahay iyo dabeecadiisa waxaan kuusheegi ma aad wayneysid mid kugu raaca cilmigaaga waxaase igala fiica mid kugu raaca dabeecadaada waxana la guursadaa dabeecad ee lama guursado cilmi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, November 28, 2000 - 02:42 am
walaal marka hore iga gudoon salaan la isku diro
mida ugu qiimaha badan walaal salaan ka bacdi
waxaan rabaa inaan ka taabtaabto arinta aad ka hadlaysid oo ah inaad doonayso guur hadaba guurku
sahal maaha ee adiga hadii ay daacad kaa tahay
laguma xiro sharuudo sababtoo ah maloo bahano
waxyaalaha aad sheegayso oo ah waxaa loo baahanyahay oo kaliya waa inuu yahay qof muslim ah
oo kaliya uuna ku dhaqmaa waajibaadka uu ilaahay faray lama rabo jees jees sababtoo hadii aad jees jees samaysid adigoo dumar ah ayuu waxtiga kuugu dhamaanayaa walaal ha uqaadan hadalka aan ku leeyahay aflagaado ee waa xaqiiqdiid walaal hadii aad aqrisato arintaan ii soo gudbi jawaab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yuukey

Tuesday, November 28, 2000 - 03:08 am
salaamu
waxaan idin waydiin naagta tani inteynan maskaxda inaga xadin aynu is waydiino waa imasa jir. kor waxaa ku xusan iney jirto dadeeduna ay tahay 18 ilaa 27 war somaaliyey ma macquul bay idinla tahay in dugsi sare da daa looga soo baxo dabadeed dhaqtarnimo lagu barto
waxaan umalaynayaa hadalka ayaa ka qaldamay oo waxay rabtay ayaan umalaynayaa inay tidhaahdo waxaan ahay kalkaaliye caafimaad
dardaaran.
waxaan umaleynayaa iney runta ka fogtahay
samsameeeeeeeeeeeeeey walaal mar kale isku day inaad na qanciso
hadaa nahay reer internetka aaminki ayaan ka baxnay
hadii aan wax kuu dhimay iga raali ahow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Wednesday, November 29, 2000 - 06:09 am
TO;ZAMZAM ....................................... Inaabti zamzam salaan ayaan kuu soo dirayaa ,waxaanan ku leeyahay ramadaan kariim . salaantaa ka bacdi. guurku waa shay ilaahay ugu talo galay in aadamuhu ku tarmo oo aanuu dabar-go,in ,guurku waa sunihii anbiyada ,guurku waa dariiqa saxda ah ee qofku ku gudan karo dareenkiisa shahwadeed,guurku waa aasaaskii nolosha ubadkaaga ,guurku waa shayga aynu ku nimid ifka ,guurku waa xidhiidhka muqadaska ah ee dhex-mara labka iyo dhediga ,hadaba iyada oo uu guurku sidaa yahay ayaa waxaad moodaa zamzameey in beryahan danbe ay badatey ku ciyaarida iyo fududaysiga shaygaas qaalliga ah ,tusaale ahaan bil ka hor waxaan ka helay net-ka inan tidhi waxaan ahey guurdoon laakiin kamay aheyn dhab muddo yar markaanu sheekaysaneyney ayey iska siibatey dibna looma arag ,aniga ayaa dib isugu noqdey oo is idhi inantu maxay kaaga boodey waxase ii soo baxdey iney yartuba aheyd ciyaar barad ama sida raga loogu ciyaaro ay training ku qaadanaysey . zamzam arintan waxaan uga socdaa kuma lihi adiga kaa dhab maaha arintani oo weli kumaan tijaabin ee waxaan uga jeedaa waxa imika adkaatey sidii loo kala saari lahaa dhabta iyo dheeldheelka hablaha . markaan hoos u soo dego zamzameey anigu waxaan kula deganahay dalka u a e gaar ahaana waxaan joogaa dubai ,sida aan ku aqaano hablaha soomaaliyeed ee degan imaaraadku waxay leeyihiin dabeecado gooni ah (1)waxay aad u xiiseeyaan iney muwaadin yar oo toob xidhan gaadhi yarna wata ay guursadaan iyagoo ugu xilanaya (A)iney mustaqbalka muwaadinad noqoto ama(B) buxbuuxatul cayshka uu ku nool yahay yarkaa muwaadinka ahi inay kula noolaato. (2)arinta labaad ee aan ku aqaanaa hablaha degan dalkani waxa weeye kibir iyo santaag badan oo ku jira iyaga oo aan dhalinyarada soomaaliyeed waxba moodin ,runtii aniga weli layma xaqirin laakiin rag badan oo ay ku dhacdey ayaan arkey . markaa walaal zamzameey labadaas cudur ee aan soo sheegay adigu sideed ka tahay gaar ahaan cudurkan kibirka ah????????????????!!!!!!!!. zamzam timaamaha aad bixisey ee mafraqa iyo khaalidiya iyo abudhabi iyo yaafuur(LOL) iyo musafax iyo shaaric madaar (LOL) waa wada sax ee bal arinta guurku inay kaa dhab tahay iyo inaad net-ka ku tijaabinayso balaaqadaada af soomaaliga iyo falsafadii aad ka soo baratey qaahira la arkee oo la ogaan doonee. ugu danbeyntii waxaad ogaataa zamzameey in haddii aad guurdoon tahay aad heli doonto nin munaasib ah oo ku anfaca ,aniguse hadaan ninkaaga noqon lahaa shahaadada aad sidatona waxaynu ku sharaxan lahayn qolka hurdada gurigana kamaad baxdeen oo maad u shaqo tagteen mafraqa iyo jasiira iyo markasiga midna ,sidoo kale silsilad caag ah oo aan waxba lugtaada yeelin ayaan kugula xidhi lahaa sariirta hurdada waayo??????? jawaabtu waa basiid dee aniga ayey masuuliyada reerku i saaran tahay ee xaaskaygu guriga hay joogto oo xinaha iyo kiriimka iyo cusburka nafteeda hawgu roonaato.(LOL) (LOL) (LOL). waxa laygala soo xidhiidhi karaa hotmailkan habarwaa@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AADAN

Wednesday, November 29, 2000 - 07:20 am
ZAMZAM


RAMADAAN MUBAARAK!

Maantey baan fursad u helay in aan aqristo maqaal dheer oo ku soo qortey halkan, NOV.12,2000. iyo waliba mid kale Nov.27,2000.

Runtii hadalkaagu waa i dhalaaliyey, waxuuna kiciyey dareenkeyga oo awalba ku mashquulsanaa Siin Wa Jiim la xiriira arrimo badan oo ay ka mid yihiin kuwa aad xustey.
Annigu wali ma arag mana sugeyn waqtigaan la joogo in aan Internet-ka kala kulmi doono gabar sidaan wax u dareensan ee wacyigeeda aqoon iyo dhaqanba sidaan u sareeyo. In kastoo aan midaas ku faraxsanahay, haddana waxaan ka walwalayaa inaysan wiilashii kuu qalmey soo galin Interner-ka, hadday soo galaanna ku qabin kalsooni iyo aaminaad badan.
Annigu waxaan ahay mid ka mid ah wiilashaas, waxaa sidooda oo kale i hortaan albaabkaas dabeecadda iyo waqtigu sameeyeen.

Laakiin, talaan ku siinayaa:
In kastoo aanan aqrin qoraalada kale ee wiilashu soo qoreen, haddana khery rajee, oo Alle talada saaro, kuna duceyso in Uu kugu aadiyo mid kheyr qaba. Kuwa wax soo qora, waxaa ka badan inta aqrisata ee korjoogtada ah, oo laga yaabo inay kula soo xiriiraan hadday cinwaan helaan.
Ha ku degdegin inaad cinwaankaaga bixisid, oo aad la kulantid iscaaj iyo inaad iskarahdaan cidda ama addiga iyo naftaada.
Waxaad furataa SANDUUQ(P.O. BOX) meel ku gaar ah, ee aad siisid Qofkii ka soo bannaan baxa halkaan, ee ku qanciya oo aad uga jawaabtid kaligiis ama kalidood, inta kalana adoon furin xaggeee?

Fadlan haddii aad qof heshid noogu soo bishaaree?
Nasiib wacan oo soo degedegga, Insha Allaha!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed Ramzy

Sunday, December 17, 2000 - 03:41 am
Salam Alekum and Ramadan Karim,
To Zamzam xaji:
I have read your offer and I really appreciate your honesty ,so I would like to gain your friendhsip as first step toward marriage (if any) ,well I am 24 old yrs somali from hargeysa born and raised in Abu dhabi ,just graduted this summer from Electronic engineering college here in UAE and still in search for a decent occupation insha allah),I value the family valuse and give it a priority above all things ,and I cant hide my admiration to your high taste in writting in somali language and to be honset with u I dont speak it although I might read it ,well I guess this is a broef discribtion about me .....this is my home page if u want to see a picture of me too

www.angelfire.com/md/maxwell

and this is my email if u like to contact me

eng_rahman@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADNAAN

Sunday, December 17, 2000 - 09:10 pm
WALAALYAAL WAXAAD IGA GUDOONTAAN SALAAN.
WALAAL WAAD SALAAMANTAHAY ZAM ZAM AADNA WAAN U GU FARAXSANAHAY SID FIICAN EE AAD U SOO QORTAY MAQAALKAAGAN.
WALAAL WAAN ARKAY E MAILKAAGII AAD SOO QORTAY LAKIIN KUMAAN SOO QORIN ARIMA JIRAA DARTEED.
WALAAL U MALAYN MAAYO RAGA KU SOO QORAYA E MAILADU IN AY YIHIIN KUWA RUN SHEEGAYAY IN YAR MOYE.NIN WALBA WAXA U IS LEEYAHAY IS FAANI MARKAASBU IS BUUNBUUNINAYAA.
MARKAA WALAAL WAXAAN ILAAHAY KAAGA RAJAYNAYAA IN U KULA KULMIYO NIN SAALIX AH OO ILAAHAY KA CABSANAAYA.ANIGUNA WAXAAN IS IRI MAXAAD DAD OGA QORI MAR HORE AYAA BEEN LAGU WAALAYE.
WALAAL MARKAA WAXAAN KU RAJANAYAA IN AAD HESHID KHAYR FARABADAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal

Monday, December 18, 2000 - 11:55 pm
zamzam marka hore waad salaamantahay.
salaan kadib walaal waan kugu raacsanahay sida xadaariga ah oo dalabkaaga u soo gudbisay.
anigu waxaan jiraa 29 sano,dhirikee waa 181 waxaana ahay maariin waxaana digenahay dalka norway.waxaan wax kusoobartay xamar dugsiga hose kan dhexe iyo kan sare waxaana iskoolkeey ladhehi jiri madrasat alsafaarah almasriyah waxoona ahaa iskool qaas ah oo carbtaintooda badb dhiga jirti gaar ahaan ilmaha dublumaasiyiinta.
kadib waxaan jaamacad kaga baxay suuriya muhandis macmaari,shahaadadeey waa injineer,waxaana kunoolahay sidaan hore kugu sheegay dalka norway,hadii aad jeceshahay inaan xiriirno,waxaad iga heley mujaahid_11@yahoo.com
anaa fii intizaar aljawaab alshaafi min axlaa zamzam.wa ilaa allikhaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.