site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Magac Bixin.

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Magac Bixin.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

eno

Friday, November 10, 2000 - 02:16 am
Waxaan ahay inan soomaaliyeed ee ku nool dal ka mid ah qaaradda Yurub. Dhowaan waxaa aniga iyo
xaaskeeyga igu weeyn ee aan jeclahay nagu soo biiri doona ilmahayagii ugu horeeyey. Xaaskeeygu waxay dooneeysaa wiil anna gabadh, haseyeeshee waxaan heshiis ku gaadhnay inaan magaca anigu bixiyo. Haddaba dhallinta soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa ineey magacyo soomaaliyeed ii soo bandhigaan, si aan u kala doorano. qof walba intii karaankiisa ah wiil iyo gabadhba.
Waan idiin sii mahad celinayaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 10, 2000 - 04:59 pm
I have one for you Zakriye and Zumayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

magac

Saturday, November 11, 2000 - 02:19 am
Walaal anigu haddaan adiga ahay waxan u bixin lahaa wiilka magac aan maga loo dhigaa jirin waa:
" Sheekhisaxaaq"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabalaax

Sunday, November 12, 2000 - 09:09 pm
To; Eno,

Nin yahow aad ayaad ugu farax sanahay in aad caruutaada aad rabti inaad magac somali u bisid. waa aragti aan aad u jeclahay, aniga qudhayda ayaa raba in hadii Ilaah caruur is siiyo aan magac carbeed aana mara u bixinin.

Hadaba bal kala dooro magac yadan:

Wiilka:

Diiriye, warsame, Geele, Bulaale, Xandule, Bootaan, Hanad, Xoogsade, Xirsi, Guuleed, Taliye, Tahliil, Joofay, Alaale, Liibaan, Jiciir, Geedi, Hure, Dayax, Waasuge, Kun-ciil, Olol, Canshuur, Fadal, Taraar, Tarabi, Qanbi, Suudi, Wacdi, Mirqaan, Xaasey, Muumin, Magan, Kaahin, Geelqaad, Xaashi, Xidhka-yoome, Dhakal, Boojaali, Cismaan, Yufe, Baaruud, Guraase, jeeraar, Fooljeex, Baxnaan, Dhakaar, Gaatadhi, Gabadoon, Shangiraan, Baasarge, Goofadhe, Dayr, Cuncun, Beegsi, Gaas, Qaloombi, Carte, Gaax-nuug, Caana-nuug.

Gabadha:

Ugabaad, Ilays, xaadsan, Saaqa, Tusmo, Khatimo, Xabiiba, Cawrala, Cutiyo, Kaaha, Itiya, bilan, Baxsan, Dalays, taajira, Magool, Ambiya, Timiro,
Raxo, Qaali, Sacdiyo, Batuulo, Ijaabo, Shacni, Murayad, Cadar, Tusmo, Xalwo, Koos, Wacdiya,
Tamad, Indhacad, Kaabo, Ardo, Ebyan, Dhilan, jamaad, Barni, Busaad, Koraad, Dheeg

Ilaa iyo hada intaas ayaan xusuustaa, dhamaan magacyada kor ku xusan waa magacyo asal ah oo somaali ah, dhamaantood midwalba wax gooni aha ayuu ka turjumayaa. Markaa wiil kuu dhalayaa iy gabadhi kuu dhalatayaaba bal isku day in aad magac yaadaas mid kamida inaad u bixisid.

Waxaana ilahay kaaga rajaynay in ilmaha kuu dhashaa uu noqdo mid adiga iyo dakiisaba anfaca.

Nabadeey,

Gabalaax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, November 12, 2000 - 09:12 pm
To; Magac,

Waxaad tidhi, Sheekh-Isaxaaq, Anigu waxaan u malynayaa in ay ka fiicanthay, Sheekh-Iidoor.

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muxibo

Sunday, November 19, 2000 - 11:40 pm
marka hore walaalahayga raadinaya magac waad mahadsantihiin
marka labaad ma waxaad weydeen magacyo aduunkuba waa wada magace aniga hadii aan magacyada idiinku daro waxaan dhahayaa tidtaarcawar iyocajuuso iyo
canbaro kusoo dhawoow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 20, 2000 - 01:09 am
eno waad salaamantahay
hadduu wiil kuu dhasho waxaad u bixin kadhaa magacyadan:
Ceebdiid, Doqondiid, Caydiid ama Keenadiid

Gabadh hadday kuu dhalatana:
Indhauroon,shankaroon ama Nadiifo

hade waa ku kaa, allaha nabad ku keenee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wanaagsane

Monday, November 20, 2000 - 03:31 am
enow

sxb, waxaan kuu soo jeedinayaa magacyadaan:

wiil: wanaagsane, waasuge, wadani, waalow, wagar, waawiil, abaayle, abtirsan, abaaba, abaaaweys, abris, baaruud,baqtimacune, baslaawe, belomasheego, beensmasheege,basbaas, bilaajodegan, buris, boolimoog, bisinka, balamajirto, been-kasaliin, cilmi, cunugyare,cududweyne,cukaash,ceeblaawe,cududiisacune,camoyare, ceebdiid. Dararamle, doodyaqaan, dhuure, geedi, gaaldiid, geeljire, gaashaan, guulwade, guuleyste, gudoomiye, gunjecel,garaad, geesi, gurbi, kusoow, gaabow, galooley, geekimariiday, gaasdeere,

bal intaasi ku day...qaar kalena waan soo wadayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 13, 2000 - 12:59 am
waxaad ubaxsataa idil,muna,ubax,suuban,saxarla,warsan,cosob,ebyan,sagal,ugbaad,dheeho,dhamo.wiilashana maxamed rasuulka ku semi csw.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.