site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Isbarasho dadka da'doodu ka weytahay 30

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Isbarasho dadka da'doodu ka weytahay 30
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra_dhaqan

Saturday, November 11, 2000 - 01:58 am
In badan ayaan ka maqnaa halkan, markii aan soo laabtey meshiiba waxay noqotey meel dhalinyaro, Waxaan idinka cadsanayaa in ay noqoto halkani meel aynu isku weydaarsano barashada, talada iyo tusaalaha dadka dhexe.
Anigu waxaan ahey 30jir joogta Ingiriiska. ahana ardayad.

Fadlan aan afSoomaali isku waydaarsano afkaaraheena.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muxsin

Saturday, November 11, 2000 - 09:10 am
nasra dhaqan

walaashay fikrad fiicanaa kahadashay hanaloobilaabo hee mise anaa bilaabo adaan warkaasugaa walaashay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ogbad

Saturday, November 11, 2000 - 11:06 am
Nasra
su'aal walaaaal
maxaad ka fa'iiday qurbaha maxaadse seegtay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Sunday, November 12, 2000 - 11:47 am
to Nasro

waad salaamantahay xiriir sidee ah baad ubaahantahay soo badi warkaaga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gacal

Sunday, November 12, 2000 - 12:47 pm
Nasra.

Afsoomaaliga aad ku hadlaysid waa mid aad u wayn waxa ay ila tahay in aad u bedeshid ra'yigaada dadka ka wayn 40..LOL.

Fikradaada ma xuma..kaftankuna waa furan yahay.

Gacal_mohamed@Hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nadiir

Sunday, November 12, 2000 - 05:10 pm
Nasro walaaley si wanaagsan baad u hadashay marka waxan jeclahay inaad noo faahfaahisid ujeedadaada iyo mawduuca aad jeceshahay in laga hadlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra dhaqan

Monday, November 13, 2000 - 06:22 am
Kuligiin mahadnaq ayaan idiin soo tabinayaa.

walaal su'aasha aad i weydiisey Ugbaad oo ah
"maxaad ka faai'dey qurbaha maxaadse seegtey"
horta run ahaan waa su'aal aad iyo aad u qiimo badan halkana aanan ku soo wada koobi karin jawaabta .

Mudadii aan joogay oo ah 12sano, waxaan ka faa'idey qubaha tacliin iyo waaya aragnimo badan oo ah dhankastba.
Waxa xusuus mudan waxyaalahaas faa'idada ah in aan bartey diintaayda kudhaqankeeda aanana ku qaatey xijaabkii iigu horeeyey, oo aanan hore ugu qaadan markii aan ku sugnaa dalkii hooyo.

Waxyaalaha aan seegay waxa ka mida anoon arag mudo dhulkaygii wacnaa anan aragna walidkaygii iyo qaraabadaydii qiimaha mudnaa.

Waxaan aad u jelaan lahaa in aynu iska wareysano waxyaalo badan sida siyaasad, diinta, dhaqanka, guurka, kunoolaashaha qurbaha iyo waxyaalo kale oo badan

Fadlan aynu dhawrno diinta marka aynu wax qorayno eegnana Rabbi caza wajale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Tuesday, November 14, 2000 - 03:21 pm
to Nasro dhaqanwanaag

salaanta islaamka kagadaal Nasro waxaan filayaa

inaad khibrad iyo aqoon dheeraada uleedahay qurbaha aan kunoolnahay ooaasd tahay qof saburkeedu badanyahay


xagaygana waxaad katahay kuwa aan ka qadariyo

balhadaba haday xaajadu sidaatahay ma wada xiriirikaraa abdulkadiroos@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Wednesday, November 15, 2000 - 06:55 am
to.nasra dhaqan
asalaamu calaykum
bacdasalan walaal wad ku mahadsantahay sida wanaagsan ee ad u abaabushay isbarashada dadka da,doodu ka weyntahay 30...waxa kale oo aan kugu waaninaya in ad qabsatom xadhiga rabi isaga aya kuugu filan wax walba .. marka ahowna kuwa u hiiliya diinta islaamka .. qofka aad isbaranaysaana isu barta dar ilaahay .. waayo hadi ad dar ilaahay isu barataan oo aad saa ku wada noolaataan waxa laga yaaba in aad noqotaan kuwa janada loogu bishaareeyey..
walaal anigu w2axa an jooga norwey isbarasho darilaahay baana kuu baranaya ...
saxane77@hotmail.com isbarasho furan oo dar ilaahay ah.. aan isu sheegno diinta ilaahay..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sadia

Friday, November 17, 2000 - 01:05 pm
Salaan Dhammaan,

Salaan ka dib, Nasra waan ku faraxsanahay ra'yiga aad halkaan ku soo bandhigtay. Aniguba muddo fara badan ayaan wadankii ka maqanahay, Waxaan jeclaan lahaa inaan ku soo biiro isbarashada dadka da'doodu ka weyntahay 30 hadii ay suurto gal tahay. Waan ahay diyaar haddii aan iska wada wareysanayno mawduucyada aad kor ku xustay.Waad ku mahadsan tahay abaabulka isbarashadan,barasho wanaagsan dhammaantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAC YUSUF

Monday, November 20, 2000 - 09:08 am
to sadia..... or nasra...
asalaamu calaykum...
walal dhab ha noqoto barashadu waa wax qaaliya ee ku dhaqma oo halaga bilaabo qofwalba E-MAILKIISA .... ANIGA HORAAN U QORAY WAANA SAXANE77@HOTMAIL.COM.......
BARASHO WACAN DADKA DA,DOODU KA WEYN TAHAY 30....
JAMAC YUSUF.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, November 20, 2000 - 09:53 am
ASALAAMA CALAYKUM DHAMAAN WALAALAYAAL.....
WAXAAN AAD IYO AAD UGU FARAXSANAHAY IN AAN KALA KULMAY GOOBAHA LAGU SHEEKAYSTO DAD WAXGARAD AH OO RUNTII DANAYNAYA QIIMAYNTA IYO QADARINTA AYNU ISKA MUDANAHAY WIILAL IYO GABDHOBA. WALAALAYAAL AADNA WAXAAN UGU MAHADINAYAA INANTAA SIDA WANAAGSAN KU BILOWDAY CHATKA IYO INTEENA KU RAACDEY RAYIGA WANAAGSANBA, MARKAA DHAMAAN ILAAHEY HAYNA SOLANSIIYO DARIIQA SAXA AH SOOMAALI DHAMAANTEED MEEL AY JOOGTABA. WAXAANAN RAJAYNAYAA IN AAN SIDAA IYO SI KASII WANAAGSAN WAX U KALA QAADANO ISUNA FAHANO.

KHAYR BAAN IDIIN RAJAYNAYAA DHAMAANTII
WAA WALAASHII FARAX OO IDIN LEH GOD BLESS YOU ALL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Monday, November 20, 2000 - 10:29 am
tO: NASRA WAXA LAYIRI NIMCA WALBAA NUXUUSKEED AYEY LEEDAHAY. MARKA QURBUHU DHIBAATADIISA AYUU LEEYAHAY, WAXYAABAHA KAA HORTAAGAN IN AAD SOMALIA TAGTID MAXAA UWEYN? MAADAAMA AADAN TEGIN ILAA MUDO FOG SIAAD SHEEGTAY. WAXAANA KU FARAXSANAHAY IN AAD WELIBA WADAAD TAHAY ALHAMDU.LILAHI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Monday, November 20, 2000 - 11:51 am
Asalaamu caleykum

Walaal Illaah baa mahad leh inaga dhigey muslimiinta, Rabbi baanan weydiisanaynaa in aan ku dhimano muslinimo.

Intaas kadib waxaan umahad celinayaa dhamaan walaalaha qiimaha leh, ee run ahaan uu ka muuqato diin iyo sharaf badan.

Waxaan aad ugu farxay jawaabaha kala gadisan ee aad halkan ku muujiseen, inaga oo ilaalinayna diinteena wacan kana cabsaneyna Rabbi Caza Wajale
Walaal waxaa jirta fooramkan meele badan oo aanad moodin dadku in ay muslimiin yahiin bal iska daa e in ayna waligood maqal in ay dhimanayaan , waxaan aad ula yaabaa waxyaalaha ay qoraan oo marar badan iga cadheysiiya hadana aan iska daayo oo xasuusto in ay maalin uun hortagi doonaan Rabbi.

Walaal waxaan rajeynayaa in waxaan iska wareysanaaba aanu aheyn wax diinta dhib u leh.

Walaal waan ka xumahay oo halkan kuma qori karo emailkayaga. laakiin waxaan balan qaadayaa in aan mid mid idiinku soo jawaabo.

Su'aashii walaalkey Abdilaahi, walaal maalin dhaweyd ayaan gaadhey wadankii.

Waxaan dhamaantiin aan idin leeyahay Ramadaan kariim!! Waxaanan dhamaan nafteydu ha ugu horeyse xusuusinayaa cibaadada in la kordhiyo bishaa barakeysan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Monday, November 20, 2000 - 04:02 pm
Aniga waxaa le yirahdaa Cabdi, waxaana ka qeybgala is barashada dadka dadoodu ka sareyso 30Ka.
Emailkeygu waa: dalka44@yahoo.com
Is barasho wanagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Monday, November 20, 2000 - 04:25 pm
Dear Users salam,
walaal aad iyo aad ayaan uga helay waxa aad halakn ku qorteen dhaman,tan kale aniguaad iyo aad ayaan uag helay sida aad wax isugu sheegtaan,markaas halkaa ka sii wad,hana ka daalina inaad is hanuunisaan,qorbe wax uu taraayo ma jirto,meel walba oo aad joogto ajaanib ayaad ku tahay,ma sheegi karo sida ay u arkaan dadka danbe ee qurbaha hadda soo galay,laakiin dadkeenii joogay muddo badan waan wada ognahay xaalada qurbaha iyo dhibaatadiisa markaa qof walooba wax ka baro oo ka faa'iidayso,niyadana ku hay inaad u noqoto dhulkaagii(meel aanad dareemay diiqad iyo ajaanibnimo),tan kale way fiican tahay in la is xasuusiyo xagga diintana.
markaa meesha yaan la isku ilaawin.
Sincerely bro.
ps.since 1985 maan arag dhulkii(waana miss gareey caano geel iyo fresh meat),markaa insha allah one day waan tagi donaa for good.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Noor

Monday, November 20, 2000 - 10:30 pm
To Dhamaan

Waad salaaman tihiih. Waana ku mahadsan tihiin isbarashadaan. Laakiin waxaan ku wareeray nooceeda, ma in la isa salsalaamo oo kaliyaa? mise labadii guur doon ahna way ka faa'iidaysan karaan? Waxaa jira dad badan oo kor u dhaafay 30 oo guur la'aan ah. Iyo qaar garoobo ah. Maa looga faa'iideeyo meeshaan?

Nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Noor

Monday, November 20, 2000 - 10:58 pm
To All

Waxaan hilmaamay emailkayga noor6800@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Haboon

Tuesday, November 21, 2000 - 02:34 am
Waa salaamantihiin dhamaan khaas ahaan Nasra oo meshan isugu kaay keentey aniga waxaan codsanayaa in aaan albaabka leyga xiran waayo wax yar ayaa iga harey sodonkii waxaanse dareensanahay in maskaxdeydu 40kii kor u dhaaftey waayo waxaan qurbaha ku noolaa ilaa iyo 1988dii taasoo 2sano mooyee inteeda kale aniga is dabaraayey marka dad badan oo ila mid ah ama iga sareeya wey jiraan ayaan u maleynayaa waana ku faraxsanahay in aan barto walaalaha Soomaliyeed ee aduunka ku firirsan hadana ila jiil ah marka qofkii barasho jecel sideydoo kale waxaan leeyahay gacmo furan.
so nabad ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wanaagsane

Tuesday, November 21, 2000 - 02:55 am
assalamu calaykum:

hoodhii, hoodhii, hoyga ma hooygii waayeladaa? lol

Runtii, aad baan ugu farxay bogaan...laakin dhaliil yar baan u soo jeedinayaa: Waxaa jira dad badan oo somali ah oo aay da'adoodu ka weyntahay 30 sanno, laakin aan garaneeynin afka soomaliga amaba ku hadlo lahjad aan dad soomalida ah badanaaba ku hadlin.....sidaas darteed waxaa haboon in kuwaasina la soo dhoweeyo.

Nasro-daqaneey: Waa sidaad u sheegtay meeshaa waxaa beryahaanba iskugu yimaado dad dhallinyaro ah, ama dad isku-dhiibay 7lagu dhiibey ciyaal....marka waay qasantahay.


adigu bal nooloshaada wax noogu taataabo.....wax yaabaha aad qabatid inta sanno aad joogtid, sida aad u aragtid nooloshaha qurbaha iwm.

Ahmiyad/quudareenta ama rajada aad ka leedahay bogaani waa maxay sis


anigoo doonaayo inaan "jabhadaan da'adooda ka sareeyso 30" ka mid noqdo, bal ii soo gudbi sidii loogu mid noqon lahaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RASHKA

Tuesday, November 21, 2000 - 03:44 am
ASALAMU CALYKOM

DHAMAANTIIN WAA MAHADSAN TIHIIN.

WAXAAN IDINKA CODSANAYNAA HADDII AAN NAHAY
DALINTA REER LIIBIYA EE SOOMAALIYEED INUU
NOQDO MAWQICANI MID AY ISKU WARAYSTAAN DADKA DA'DOODU AY KA WAYNTAHAY 30 SANO.
XOOGGANA HA LA SAARO XIRIIRKA DHALLINYARADDA RAG IYO DUMARBA LEH DHEXDOODA AH.

RASHKA E-MAIL: ZLITAN97@YAHOO.COM
SAYIDKA E-MAIL: FAARAH200@YAHOO.COM

WAXAAN IDIIN RAJAYNAYNAA GUUL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Tuesday, November 21, 2000 - 09:13 am
to haboon..
and dhamaan..
asalamu calaykum..
bacda salaan ..
barasho fiican dakuna haisu direen e-mailka si ay u sii adkaato barashadu waxa an ku noolahay norwey e-mailkaygu waa saxane77@hotmail.com..
halkaa igala soo xidhiidh haboon iyo dhamaan dadka kaleeeeeeeeeeee
byeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Tuesday, November 21, 2000 - 10:05 am
salaama calaykum kuliguunba. Walaalayaal rabadaan kariim wa kuli caam wa-intum-bikheyriin.
AAMIIN INSHA-ALLAH.
Walaallayaal ilaa iyo hadda si wanaagsan bay sheekadu iyo is barashadu u socotaa taas oo ku salaysan qadarin aad sareysa waxaan rajaynayaa in halkaa laga sii amba qaado geediga. kaasoo targetkiisu yahay khayr iyo niyad saafi ah oo ay ku dheehan tahay is qadarin iyo is xurmayn oo waliba inamada iyo hablaha guurdoonka ah ay u furan tahay inay halkaa ka sii amba qaadaan geediga kuna furaan meel barwaaqo leh si ay uga faa'iideytaan una gurtaan midhaheeda. Dadka inta aan single ka ahayn ee iyagu hore uga marey nolosha singlenimada, iyagana dood cilmiyeed iyo kala faa'iideysi baa u furan waxaanan rajaynayaa in topigan ah (30+)uu midho dhaliyo walibana dad wanaagsan oo niyad saliim ah wata ay ka soo baxaan future kana lama garan karo, waxaa dhici karta inaan u noqono dadkeena tusaale oo aynu ku faano waxaanu nahay guruubkii isbarasho furan loooool. "you never know"
Markaa walaalayaal waxaan ahay gabadhii ku soo biirtey topigan soona qortey maalintii isniinta ee November ahay 20ka saacadu markay ahayd: 02:53 PM. Waxaanan mahad u celinayaa gabadhii noo bilowday sheekada ee Nasro Dhaqan walaal waxaan ku leeyahay sanad wanaagsan ramadaan kariim wherever you are sis, iminka wixii ka dambeeyana waa in aa soo wada xidhiidnaa E-mail kayguna sirri maaha qof walba oo niyad saliim ah wata wuu u furan yahay waana :
fara0034@metnet.edu.
SHOWQI: walaal aad baad ugu mahadsantahay waanada qaayaha leh ee aad u soo jeedisay walaalahaga qurbaha ku cusub. waxaan u malaynayaa dadka iminka soo galay qurbaha in ay si wanaagsan uga faa'iideysteen waayo a lot of opportunity bay la kulmeen markaa horey ayaanu tareenka ka fuulay waana la haysanaa qof walbana waxaan u malaynayaa wadankii wuu xasuusan yahay waayo maalin walba lacagaa loo diraa dadkii baa kula soo hadlaya markaa dhinaa ha ka werwerin inaabti loooool.....
Waa walaashiin FARAX oo idin leh qalbi furan ku soo dhowaada dooduna inoo furan.
HADAAD HABEEN AKHRIDID TOPIGAN HABEEN WANAAGSAN, HADAAD MAALIN AKHRIDIDNA MAALIN WANAAGSAN.

BYE NOW!!!!!
THAT'S IT FOR TODAY!

YOUR'S SISTER ISLAAM FARAX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Wednesday, November 22, 2000 - 02:55 am
Dear bro&sis salam all of U.

walaal dhamaantiinba Ramadaan kariim,ilaahayna ha ina waafajiyo qayrkeeda..........Aamiin.
Farax ku soo dhawoow,adaana mudan,kolay waxaan u malaynayaa way jiraan in badan oo aan ogayn,hadaan idinkaga sheekeeyo sheeko yar oo halkan iiga dhacday dadka ku cusub qurbaha iyo sida ay moodaan:
waxaa jirtay inaan u turjumay wiil somali ah oo qiyaastii ilaa 20's ah,markaa si fiican ayaan u sheekaysanay markii uu ka soo baxay Interviewga,xitaa waxaa dhacday inaan meelo badan oo uu kala hadlay aan u saxay,waxba yaanan hadalka idinku daalinee,mudo sanad laga joogo ayaan arkay wiilkii oo meel Mall ah jooga oo dhegaha dalooshaday,xidhana silsilad cross ah(kii gaalada),runtii waa ka naxay oo waxaan ogaa maalintii aan u turjumayeysiduu ahaa, inuu ahaa qof tukada oo wanaagsan iyo imika farqiga u dhaxeeya,markaan wada sheekaysanay waxaan ka dhadhansaday sheekadiisa inuu la degan yahay gabadh cad,oo uu ku faanaayo weliba,markaasaan waydiiyay xagga waxbarashada ,wuxuu ii sheegay inuu shaqeeyo oo uu ka shaqeeyo wherehouse,waxaan ku idhi ninyahaow maad wax iska baratid oo aad ka faa'iidaysatid waqtigan(fursadan)aad haysatid,like shaqadaadu waa loading iyo unloading trucks,waxaan ku idhi waa adigoo dakadiixamar ka shaqaynaya ee maad cilmi iska baratid oo aad hadhow wax ku qabsatid ,wuxuu iigu jawaabay waxaan sameeyaa lacag fiican oowaxaan ahay tax payer,markaa imika waxaan ku keenay sheekadan dad fara badan ayaa u helay fursadan jaanis fiican ,laakiinse aan ka faa'idaysan. dadka imika waxyaalo fara badan ayaad ku arkaysaa,markaa walaalayaal halaga faa'idaysto waqtiga iyo fursada qaaliga ah ee la haysto,cilmiguna aduu ku raacayaa ee lacagi waxba tari mayso iyo shaqo yar oo aad minimum wage qaadataa.
waxba yanan ku sii dheeraanee......ha la dadaalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Wednesday, November 22, 2000 - 05:27 am
Hello dhalinyarad cuslaatay maka soo qaybgalikaraa
halkaan, dad wax garad oo wax fahmaya yaad u eg tihiin,marka haigu xumaynina. da deyda saas umayara 21 sanojidkaan kusoo jiraa marka ma i soo hdwaynaysiin mise maya sidaa damac san tihiin waaku qanac sanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Wednesday, November 22, 2000 - 05:43 am
Ayaan,
Abaayo soo dhowow.Waa runtaa dad yarehe cuslaaday, edebna u dhasay ayaa meeshan isugu yimid.
Hadii aad private conversation u baahan tahayna email kaygu waa
sahal_sahal@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Wednesday, November 22, 2000 - 05:49 am
Aslaamu caleykum

Dhamaan cabdi,noor,shawqi,ayaan,rashka,wanaagsane,farah,
iyo haboon barasho wanaagsan waanad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad usoo bandhigteen fikradihiina.

Marka aan ka hadleyno da'da ujeedada ugu weyni waa in uu yahay qofku mature, oo aanu aheyn ciyaala-suuqa fooramka wareeriyey oo ay intooda badan gaalo ku shaqeysato ama xadaarada reer yurub jahawareerisey.

Walaalkeen Nuur arintii uu taabtey ee aheyd xagga guurkana waa arrin aad iyo aad u qiima leh oo diinteenuna aad u qadriso, balse Rasuulkeenii (scw) uu aad inoogu waaniyey, waa mid iyaduna u furan.

Waxaan halkan aad ugu mahadcelinayaa walaashey Farah iyo tusaalooyinkii qiimiga badnaa ee ay halkan inooga soo jeedisey Rabbi ha kuu siyaadiyo caqliga caafimaadka qaba oo aanan ku arag gabdho badan oo qurba jooga.

Walaaleheena jooga Liibiyana iygana waa aanu idinku soo dhaweynaynaa.

Su'aaashii uu walaalkey iweydiiyeyna, walaal waxaan ahey ardayad ku nool cariga Ingiriiska.

Su'aashii aheyd dadaka aan qorin afka hooyo maxaa laga yeelayaana, anigu fikrad ahaan waxaan qabaa in ay wanaagsantahay in aan afsoomaali u deyno halkan, laakiin waa mid aan u dhaafayo fikradaha
walaalahey oo aan u deynayo waxa ay rabaan.

Rabbi ha ina hanuuniyo hana inaga dhigo kuwii xadhiga diinta qabsadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahal

Wednesday, November 22, 2000 - 06:27 am
Afkaaga caana lagu qabey Nasra-Dhaqan.
Sifiican ayaad ugu joogjoogsatey.
Waxan aaminsanahay in ay aad u muhiimtahay in Afkeena aan aad u xoojino uguna hadalo, waayo waa dhaqankeenii.In dad kale lagu daydona ilama haboona.Maxaad qof shishaya ah oo kaa dhaqan ah, oo kaa diin ah ugu dayanaysaa.Muxuu isagu kuugu dayan waayey.Inaga ayaa ka dhaqan fiican, ka asluub fiicane waa inaanan diinta si fiican ugu hanuunsanaa si aan tusaale fiican u noqono dadkana ugu soo jiidano.

Waad Salaaman tihiin walaalayaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 22, 2000 - 09:22 am
hello there,

I'm not 30 yrs yet so it is a acceptable to say my opinion or shall i back off till im 30yrs old

bye all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Wednesday, November 22, 2000 - 10:02 am
to dhamaan habalaha.iyo wiilashaba...
asalaamu calaaykum.. bacda salaan..
wuxuu ilahay quraankiisa ku yidhi .. warkuwii ilaahay rumeeyeey oo ilaahay kabaqa baqdinta uu xaqa u leeyahay.. hana soo dhimanina idinkoo muslina mooye..
hadaba waxa aan leeyahay horta xusuusta rabi kuna toosnaada .isaga ayaa idinku filane..wana tii nebiga la weydiiyey(nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate) markii lagu yidhi nebi alow adiga dembigaagii hore iyo kii dambeba waa ladhaafe maxaad u soo jeeda wuxuu ku ja wabey ja waab qaliya oo ah .. miyaanan ahay cabdi ilaahay ushugri celiya ..marka qof walba waa la weydiinaya nimcada uu haysto iyo waxa uu ku noolyahay iyo waxa uu qabto ba...markailaahay halaga boqo hana lagu toosnaado ..waxa soo gashay bishii ramadaan ee cibaadada badiya ....
waxa kale oo aan aad ugu farxay hablaha somaliyeed ee jooga qurbaha ee aan weli isbedelin waxa aan leeyahay noqda kuwii kudheganaada diinta silaamka ....wayidin lka muuqata hadalkiina ee xooojiya sunaha islaamka .. wiilashana sidaa ayaan leeyahay.....
arinta guurka nebigii aya ka hadlay (nabad gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ) wuxuu ydhi ..warkulanka dhalin yaradoow kii awood uleh inoo guursado ha guursado .. waxa ay ifdi utahay indhaha iyo farjigeee..
kiina aan awoodin ha soomo iyada ayaa dawo ahe..
marka hadad qurbaha joogtaan walaalayaal iska ilaaliya macsi oo guursada...
nebigu(nabadgelyo iyo naxariisi ha ahaate ) wuxuu ku ducaysan jirey,..alaahuma inii acuudu bika min shari samcii wa min shari basarii wa min shari liisaani wamin shari qalbii..
marka xusuusta ducadaa waayo waxa aad joogtaan dhul gaalo oo macsiyi taal .. ilaaliya diinta islaamka kuna dheganaada ... xidhiidhka badiya oo ilaahay dartii u xidhiidha isuna guursada......
waa walaalkiin jama yusuf ..ooo idinleh aan isa saamaxno... ilaah ba wax og e..
hana loosheego walaaleheena kale wax yaan laga aamusin........
shiikh layidhaahdo fatxi yakun..oolubnaaniya ayaa dhihi jirey macsidu inta aysan soogelin masaajidka ugu taga meesheeda oo kuwa fadhiya wax usheega ..la arkree in ay ku waao qaataane....
ala ha u naxariistee shiikh albaani wuxuu yidhi
aqiimuu dawlatu islaam fuu quluubikum taqum lakum fii ardikum.. macnaha dowlada islaamka ka dhusa marka hore qalbigiina iyo naftiina marka dambe iyada ayaa tegi dhulkii oo waad kasamaynaysaan.....
waxa ay u baahantahay tasfiya watarbiya .. in wixii xun laga saaro qalbiga sida shirkiga iyo waxa la mid ah.. iyo in laysku rabeeyo diin ta ayaa wax ah .. markaa ku dadala diinta kuna dhaqa naftiina walaalayaal....
dhamaan waad mahadsantihiin ....
saxane77@hotmail.com....
ilaah ha idinku dilo diinta islaamka.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Thursday, November 23, 2000 - 07:44 am
Asalaama calaykum dhamaantiin wiilal iyo gabdhoba..
bacda salaan, walaalayaal waxaan xusuusan nahay in ay ramaad around the corner tahay, markaa kuligeen kuwii waajibkeeda guta alla ha inaga dhigo..(AAMMIIN-INSHAA-ALLAAH).
Hadaan u soo noqdo kaftankeenii, Walaal Nasra adigaa mudan qadarin,waayo qofku hadduu hadalka wanaagsan iyo fikradiisa wanaasan kula share gareeyo oo waliba uu ixtiraam ku darsado waa mahad ilaahey. dadkeenuna walaal waa dad wanaagsan laakiin, waxaad moodaa in inta badani ay iska indha tirayaan realityga oo ay waxyaabo kale ku mashquulsan yihiin waxkastaba ha ahaatee.
Markaa walaal waxaan ku faraxsanahay in weli dad sideena danaynaya wanaaga ay ku jiraan aynuna soo jiidan karno qaar badan.
Waxaan odhanayaa walaaladayda dhalinyarada ah ee Da'doodu ka yartahay (30ka) walaalayaal kaftanku waa idiin furan yahay haddii aad fikrado laga faaiidaysan karo ama aad ka faa'iideysanaysaan soo bandhigtaan waanan idiin soo dhoweynayaa anigu, waxaanan jeclahay inaan idinka faa'iideysto wixii aqoona ee aad i dheertihiin, waayo qofka yari marmarbuu ka weyn ka fikrado wanaagsan yahay. LOOOOOOOOOOOOOOOL..

SHOWQI:- Waalaalkey showqi waad salaaman tahay, waanan fahmay sheekadii aad noo sheegtey, balse walaal waxaynu nahay dad Diin, Dhaqan iyo caado wanaagsan leh, waxaynuna nahay Nation dhan oo laga heli karo dad wanaagsan iyo dad xunba, markaa walaal sidaad sheegtey waa wax qofkata oo soomali aha aaminsana Diin iyo Dhaqan uu la yaabo laakiin dadka weli intii badnayd waa wanaagsan tahay. Waxaan u malaynayaa mar haddii qurbe la soo galay wax walba waa laynaga helayaa laakiin SHOWQIYOOW. INTA BADAN IYO BAAQIGAA HADHI EE HAW DHAQAAJIN....LOOOOOOOOOOOOOL.
Waxaa inaga inagu waajib ah in aan u ducayno in ilaahay maalin maalmaha ka mida soo hadeeyo waayo (ALLAAHU YAHDII MAN YASHAA).

Walaalayaal mar labaad "RABADAAN KARIIIIM".

WAA WALAASHIIN FARAX OO IDIN LEH HABEEN/MAALIN WANAAGSAN DHAMAANTIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Thursday, November 23, 2000 - 09:37 am
to dhaman wiilal iyo gabdhaba...
asalaamu calaykum..'

jasa kala khayr farax iyo nasra iyo showqi..
waxa aan leyahay rabadan kariim ... marlabaad....
waxa aad xusuusataan ilaahay marwalaba iyo ducadii nebiga (nabad gelyo iyo naxariisi ha ahate) uu yidhi yaa muqalabal quluub sabit quluubanaa calaa diin wa dacati laah....ilaahay quluubteena ha ku sugo diinta islaamka isagaa awooode .. waxa kale oo aan leeyahay dhamaan dhalinyarada ku indhala qabiilka walaalayaal ka faa iidaysta waqtigiina oo ilaahay ku caabuda..
shawqi walaal sida o kale marwalba xusuusiinta kuu dhow ilaahay .. farax walaashay kusexo diin iyo dhaqan marwalba.. dadka yaryara waxa ku jira kuwo badan o caqli u saaxiiba oo diinleh ee soo dhaweeya .....
nasra ilaahay hakaa abaalmariyo arinta aad noo soo bandhigtay oo ah tobic loo baahna .....
raalina iga noqo walal e-mailkaagii waa ii bixi waayey ma garanayo waxa laykusoo celiyeey laba jeer.. marka waxa aan kaa rajeynaya xidhiidh wanaagsan....
waa walaal kiin oo idinleh xusuusta marka aad salada ku jirtaan geerida oo tukada salaad qushuucleh....
waayo ilaah wuxuu yidhi.... waxa hoogey kuwii tukanayey ... lagama hadhine wuxuu siiyidhi...waa kuwa saladooda ilaabaya marka ay tukanayaan iska ilaaliya in aad tukataan salaad iga gee ah ee aan ku qushuucno walaalayaal salaadeena unadiyaar garooba rabadaanta...

alfaqiir jamac yusuf..
rabadaan kariim...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf..

Friday, November 24, 2000 - 09:19 am
to dhaman ..
aslaamu calaykum..
walaallayaal wad mahadsan tihiin dhaman walaalayaal waxa an idika codsanaya marka ay rabadaan soo gasho inaad inoo soo diyaarisan qof walowba hal dersi oo diin ah oo rabi in xusuusiya.. markaa raali ma ka tihiin in aan soo diyaariyo cashar idina wa idinka sugayaa
jamac .....
byeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farah

Friday, November 24, 2000 - 04:52 pm
Salaama calaykum dhamaan wiilal iyo gabdhoba.
walaal Jaamac yusuf, waad ku mahadsantahay ra'yiga wanaagsan ee aad noo soo jeedisay.
Anigu shakhsi ahaan diyaar baan u ahay in aan ka qayb galo muxaadarada aan isku waydaarsano halkan siday u suurtoo-baysana waa inaan ku dhaqaaqno koley intiina cilmiga quraanka aad u taqaana ayaa inoo hormood noqon doonta, adigaana ka macalin noqon doona baan u malaynayaa iyo asxaabtaada kugula nool waddankaad joogto ee shuyuukhda ahna soo gelisid laynka haday suurtoobeyso, Walaalahayga kale iygana ra'yigay ka qabaan baan sugaynaa haddii alla-idmo.

Waa walaashiin Islaam oo idin leh slaamadi korkiina ha ahaato

FARAX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf.

Saturday, November 25, 2000 - 06:42 am
to..farax ..
asalaamu calaykum..
bacda salaan

... mahadsanid .. walaal qofwalba hadii alla idmo hasoo diyariyo muxadaro oo ha ku soo qoro halkan qofwalbaana ha akhristo o ha ku dhaqmo ... waana marka ay ramadaan bilaabato hadii alla idmo wana iga diyaar aniga iyo akhyaarta ila noolba .. waana soo bilaabaya habeenka isniinta hadii alal idmo.....
farax wad mahadsantahay walaashay.....
wa walaalkiin jamac...
nabadeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Sunday, November 26, 2000 - 04:16 am
Aslaamu caleykum

Walaalahayga fil-islaam waxaan aad ugu faraxsanahay farxad aan la soo koobo karin oo uu Rabbi arkayo inta ay qalbigayga saameysay in ay jiraan walaalo muslimiin qurbe joogta oo sidan oo kale ah!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Rabbigeen waxaan kabaryayaa in uu inaga dhigo kuwa diinta u adeega aakhirana janada uu iskugu kulmiya.
Walaalahay Jaamac iyo Farah waa kuwa aan inbadan sugayey in iyaga oo kale aan halkan kula kulmo,
Waxaa fooramkan ku jiri jirey kuwa Rabbi kheyr siiyey muddase aanan arag.

Waxaan kugu garabtaaganahay in taladaada kheyrka qabtaaa ay hir gasho walaalkeyga qiimiga badan ee Jaamac Yuusuf.

Waa bil barakeysan oo u baahan in aynu yara hakino shaqadiii badneyd iyo lacag biirintii aduunyo oo kafikirno baankii aakhiro oo u baahan in aynu wax dhigano, waayo isagaa asal-maguuraan ah, waxaanan ku boorinayaa walaaleheena wax inagu dhaamaa in ay inoo faa'iideeyaan ileyn waxa layidhi " dadku ina waa arrin keen ina waa aqbalkeen" oo aynu dhageysano waanada.

Waxaan halkan ku waaninayaa in aynu kuligeen dhawrno diinta, oo uu kaftanku inala gaadhin meel danbi ah, taas macnaheedu ma aha in aananu jirin kaftan.

RABBI HA INA SOO HANUUNIYO, WAANADANA HA INOO WEELEEYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Noor

Sunday, November 26, 2000 - 11:46 pm
Dhamaan waad salaaman tihiin. Figradaydii ahayd guurka waxaan filayaa in lasoo dhaweeyay, inkastoo aan ayaantaan idinka maqnaa. Hadaba waxaan ahay guur doon degan Toronto, Canada.
Age 30. Mana rabo ciyaal suuqnimo iyo nin iska dhiga dumar oo iisoo jawaaba.
Fadlan gabadhii iga ag dhow aan is barano oo fiirino haddii aan nolosha isla wadaagi karno.
Wax shuruudo ah oo aan wato ma jiraan. noor6800@hotmail.com

Asalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WANAAGSANE

Monday, November 27, 2000 - 12:28 am
assalamu calaykum:

SAAXIBIYAAL, MEESHU MA MEEL LAISKU BARTO/LOO SOO HAASAWE TAGO MISE WAA MEEL LAISKU DHAAFSADO FIKRADO QAANGAAR AH?

WAXAAN U JEEDAA INUU QOF WALIBA DHAAFAYO E-MAILKIISA.....

KA WARAMA HADDAAN MEESHAAN/GOOBTAN UGU MUNAASHAQOONA SIDII AAN WAX UGU QABAN LAHAYNI IN LA HELO WADAN WANAAGSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMA YUSUF

Monday, November 27, 2000 - 03:31 am
to.dhamaan
aslaamu calykum waraxmatulaahi barakaatu...
bacda salan..
.. dhamaan waxa aan lee yahay rabadan kariim ..
hana laga faaiidaysto bishan barakaysan .. lamana diidin isbarashada ee ha inoo socoto isbarashadu laakin aan is xu suusino ilaahay , cabsidoisa iyo bisha barakaysan fadligeeda..
maanta waxa aan bilabaya muxadaro yar o diin ah inkastoo ad raali iga noqonaysn wayo diinta aad uma aqaan laakiin intii tamartay ah waa dadaali....
alxamdu lilaah wabihii nastaciin ....
ILLAAHAY WUXUU QURAANKA KU YIDHI...( WARKUWII LAGA HELAY IIMAANKOW EE XAQA RUMEEYOW WAXA LAYDINKU WAAJIB YEELAY SOONKA SIDII LOOGU WAAJIB YEELAY KUWII IDINKA HOREYEY WAXA AAD MUDANTIHIIN IN AAD BAQDAAN OO RABI KA CABSATAAN ).. WAXA AY KU TUSAYSA IN SOONKU UU JIRET OO DADKI INAGA HOREEYEY AY WAAJIBKU AHAYD IYANA INANA WAAJIBLAYNAGAGA DHIGAY.. SIDAA DARTEED WAXA WACAN IN LAGA FAAIIDAYSTO BISHA BARAKAYSAN .. WAAYO WAXA AAD SOO CUNAYSEEN 11 BILOOD MARKA BISHA RABI ISAGA AYAA ISKA LEH EE U AF XIDHNAADA .. WAXAAANA LAGA SOOMAYAA DHAMAAN WIXII AAN SHAREECADA LUG KULAHAYN SIDA XADIISKII UU WERIYEY ABU HUREEYRA..RADIYALAAHU CAN,,HU (WUXUU YIDHI NEBIGII NABADGELYO IYO NAXARIISI KORKIISA HA AHAATEE....IN ILAAHAY YIDHI... SOONKU ANI AYUU II AHAADAY..ANI AYAANA KA ABAALMARINAYA ADOOMAHAYGA..MARKAA KA TAGA SHAHWADIINA(CAYAARTA RAGA IYO DUMARKA ..AMA EEGIDOODA AMAWAX XUN KA RAADIN TOODA WAA MACNAHA SHAHWADA)..IYO CUNADA IYO CABIDA..IYO WIXII XUN .. RABI UXUU YIDHIDARTAY UGA TAGA..WAXA KALE OO U SI YIDHI IN SOONKU UU INO YAHAY GAASHAAN MAALINTA LAYS XISAABAYO..WAXA KALE OO UU YIDHI WAXA QOFKII SOOMANAA U AH LABA FARAX MARKA UU AFURO IYO MARKA U LAKULMO RABIGIIS..WAXAKALE O AY NEEFTIISU NOQONAYSA..WA QOFKA USOOMA ILAAHAY DARTIIYE ..SIDA UDGOONKA MISKIGA EE LAGA HELO UUN JANADA...(AW KAMA QAALA)..(MARKA WALAALAYAAL ILAAH AAN KA CABSANO CABSIDISA DHABTA AH OO AAN XUSUUSNAANO IN MAALIN MAALMAHA KAMID AH AAN KA TEGAYNO ADUUNKA TEGAYNANA AAKHIRO OO AY XISAAB BADAN TAHAY .. MARKA AANSII SAHAY QAADANO OO AAN ILAAH ISKU XIDHNO DIINTIISANA U GARGAARO....NOQONANA KUWO KUDHAQMA DIINTA ISLAAMKA..WALAALAYAAL WIXII KHALADA WAXA AN LEEYAHAY RABI HAYGA CAFIYO WAXA AAN IDINKA SUGAYAA IN AAD SAAS OOKALE ISOO QORTAAN MUXADARO AAN KA FAAIIDAYSTO WALAALAHAY KU KALA NOOL ADUUNKA ..
WAA WALAALKIIN OO IDNLEH RAMADAAN KARIIM
. ALFAQIR JAMAC..
ASALAAMU CALAYKUM.
RABI HAYNAGU AN FACO DINTA...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farax

Monday, November 27, 2000 - 07:10 pm
Salaama Calaykum Waraxmatullaahi wa barakaatu.
Walaal jaamac waad ku mahadsantahay muxaadarada aad noo soo jeedisay ilaaheyna ajarkeeda ha ku siiyo anagana hanaga dhigo kuwii ku waano qaata. "AAMMIIN INSHA-ALLAAH"

Waa ukhtakal Islaam Farax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Tuesday, November 28, 2000 - 06:46 am
Asalaamu caleykum

Sheekhanaa Jaamac,Rabbi ha kaa abaalmariyo waanadaada qiimiga badan anagana ha noo weeleeyo.

Walaalaha guurdoonka ahna inta hadashey sida walaalkey Nuur iyo inta aamusan oo xishootayna Alle ha lakulmiyo kuwa kheyr leh.

Ramadaan Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMA YUSUF

Tuesday, November 28, 2000 - 07:32 am
TO DHAMAAN..
WAD MAHADSANTIHIIN ILAAHAYNA HAYNAGA DHIGO KUWA KU DHAQMA DIINTA ISLAAMKA ..
BACDA .. ILAAHAY QURAANKIISA WUXU KU YIDHI..RABADANTU WAA MAALMO TIRSAN RUUXI IDINKA MID AH OO BUKA AMA SAFAR AH WAXA KORKIISA AH AYAAMO KALE ( OO U SOOMO) KUWA UUSONKU DHIBANA WAXA Y QUUDINAYAAN MISKIIN RUUXA BADSADA KHARKA SIDA AYA U FIICAN IN AAD SOONTAAN AYAA IDIIN KHAYR BADAN HADAAD THIIN KUWO WAX OG .. MARKA WAXA AAD ARKAYSAAN IN ILLAAHAY QURAANKA UU KU SHEEGAYO IN SOONTU AY SAN DHIB LAHAYN O QOFWALBA LOOBAAHANYAHAY IN UU DHIBLA AAN KU SOOMO WAAYO ILAAHAY DHIB LAMA JECLA DADKA MUSLIMIIN TA AH..
WAXA KALE OO AD AR KAYSAN IN UU RABI YIRI QOFKII TUKADA ISAGO ISTISTUSAYA DADKA KALE IN UUSHIRKI LA YIMI ,KII USOOMA ISTUSTUSNA UU LAMID YAHAY KA KI USADAQAYSTAANA UUU LAMID YAHAY MID ISTUSTUSAYA DADKA O UU SHIRKI LAYIMI ILAAHNA MASAMAXO KUWA SHIRKIGA..
MARKA WALAALAYAAL BISHA RABADAN WAXA AN IDIIN RAJYNAYAA KHAYR IYO SOO JEED AAD KU SOO JEEDAN DIIN TA ISLAAMKA ..WAXA AN IDIIN RAJEYNAYAA IN AD II SOO QORTAAN MUXAADARO ANA AAN KA FAAIIDAYSTO HADII ALLA DMO....
WALAALAYAAL RABI HAYDI KA DHIGO KUWII DIINTA U HIILIYA KUN WANA QAATA..... WEELEYANA HADII ALA IDMO .. IGA RAALI NOQDO MA AQAAN DIINTEE .. WIXI IGA KHALDAMANA RABI AYAAN WEYDIISANAYAA IN UU IIGA DHAAFO.....
WA WALAALKIIN OO IDINLEH RABI HAYDIIN FUDUDEEYO ARIMIHIINA .....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moholin

Tuesday, November 28, 2000 - 07:37 am
salaamu calaykum dhalinyarta cuslaataay. talow adayaasha da'doodu ku dhawaatay lixdankii maloo ogolyahay inay ka qabqaataan. intaasi kaftan ha ahaato.
ugu horayn waxaan ku jirnaa bil barakysan markaa waxaan jeclaan lahaaa in laga faa'iidaysto oo cibaadada la badsado.
mida kale waxaan ogaa somalidoo da'dooda qarisa am aan 30 dhaafin waa ilaahay mahadii haddii labilaabay in 30 ladhaafiyo.
waxaan ku soo gabagabaynlahaa in afkaarta aan iswaydaarsanayno ay u badnaadaaan xaga diinta maadaama aan ku jirno bil barakaysan.
wasalaamu calaykum
moholin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAX

Tuesday, November 28, 2000 - 11:54 am
salaama calaykum waraxmatu-llaahi wabarakaatu.

Walaal Jaamac Yusuf Ilaahay kaa abaalmariyo kharkan aad samaysanayso.
Anagana hanaga dhigo kuwii ku waana qaata AAMMIIN
Walaalkey Moholin ku soo dhowow bahdan barakaysan ee kharka isku raacdey.
Kaftankuna waa furanyahay laakiin cibaadada ayaa laga horeysiiyaa. Waayo diinteena muqadaska ahi waa YUSUR ee CUSUR maaha hadaan laga digan markaa Walaal MOHOLIN waxaanu kaa sugnaa waa Muxaadarooyin wax ku ool ah sida kuwa Sheekheena Jaamac Yusuf. ilaah ha ka abaalmariyee.

Waa Walaashiin Farax oo Idin leh RABADAAN-KARIIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Wednesday, November 29, 2000 - 07:27 am
to.dhamaan ..
asalaamu calaykum.
bacda salaan.. alxamdu lilaah xamdan kasiira....
waa ilah mahadii hadii aynu maanta internetka .. isaga sheegayno wax ku saabsan diin .. marka waxa an ka codsanayaa walaalahayga diinta yaqaan da, walba ha ahaadeene in ay noo faaiideeyaan bisha barakaysan , iyo mar walba oo aan halkan ku kulanoba..intaa kabacdi walaalayaal .waxa an inyarka taabanayaa fadliga ay leedahay soontu..walalayal nebigeenu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee..wuxuu yiri. kii sooma isaga oo rumaysan soonta ajarna ka doonaya waxa rabi dhaafayaa dembigiisi hore iyo kiisi dambe ba .. marka walaalayal xagee laga helayaa in uu qof ka helo dembi dhaaf ilaahay isaga oo sameeyey soon waa wax aan la heli karin marka waxa aan qof walba kula talinayaa in uu soonta ka dhigo mid uu ilaahay kaga dalbayo wax wanagsan iyo dembi dhaaf.. waad ogtihiin oo bisha rabadaan wax shaydaani ma jiro oo nebigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi waxa la fura albaabada janada waxa la xidhaa albabada narta aw kamaa qala wuxu kale oo yidhi wax laxabisa bisha soon shayaadiinta oo dhan marka walaalayaal ka faaiidaysta bishaa o inoo duceeya inaga oo kala maqan waxa laga yaba in rabi inoo dembi dhaafee..badiyana quraan akhriska bisha oo ku dadaala in aad u soonta idinka oo rabi kadalbaya dembi dhaaf rumaysana in aad ajarka helaysan wayo waxa ilaahay uu soonta ku eegayaa dadku balsay ugu dulqadanayaan gaajada ilayn waxa aan soo cunayney 11 bilood marka bishan waa bil xiiso gaara uleh muslimiinta marka walaalayaal ka faaiidaysta.. oo yan la dayicin waqtiga qaliga ah
wa bilaahi tawfiiq . ilaahay haynaga dhigo kuwii dinta ku toosnaada....
asalamu calaykum ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMA YUSUF

Thursday, November 30, 2000 - 07:11 am
to dhamaan .
asalaamu calaykum.
alxamdu lilaah xamdan kasiira bacdu walaalayal waxa inoo socdey muxaaadaradii .. waxa an ka cudur daaranaya in aanan ahayn shiikh balse aan aqaano inyar diinta marka walalhay waxa an ka codsanaya in ay inoo so jeediyaan muxadaro diini ah hadii alla idmo ..
inagoo halkii ka sii wadayna dersigii .. waxa qof walba ku waajiba in uu ilaahay ka baqo wana waxalays weydiinayo waqtiga qaaliga ah ee aynu haysano marka walaalayal ka faiidaysta waqtigiina yuu idinku dhaafin maalaayacni...
hadii aynu sii wadno fadliga ramadaanta oo aynu ka soo qaadano halxadiis . oo uu weriyey sahal binu siciid ilaahay haka raali noqdee wuxuu ka weriyey nebiga .C.S.W.in u yidhi janada waxa ahaday albaab lagu magacabo RIYAAN WAXA GALAALBAABKAS KUWA SOOMA , MAALINTA YOMULQIYAAMAHA,MANAGALAAN ALBAABKAAS QOF AAN SOOMINI WAXA LOOGU YEDHA MARKA AY GELAYAAN MEYE KUWII SOOMAYAASHA AHAA MARKAS AYAY GALAAN ALBAABKA MARKAA AYAA LAXIDHAA ALBABKII IYADA OO AN LOO OGOLAAN KUWA AN SOOMIN ,,, MARKA WALAALAYAAL WAA ILAAHAY MAHADII HADII ILAAHAY INOO BIXIYO MAGAC OO AH SOOMAYAAL WAA HADII AYNU U SOONO IMAANAN WA IXTISAABAN..RUMAYN IYO RAJEN AYAA WAXA LAY NOO BIXINAYAA SOOMAYAAL WAA MAGAC ILAAHAY BOIXIYEY MAA MAGAC ADUUNYO WA MAGAC AAKHIRO WAXA HELA QOF NASIIB LEH MARKA WALAALAYAL KA FAAIIDAYSTA FURSADIINA QAALIGA AH OO ILAAHAY ISKU XIDHA .. WABILAAHI TAWFIIQ .. ILAAHAY TOOBADA HAYNA WAFAJIYO. HANA INAGA DHIGO KUWO U HIILIYA DIINTA ISLAAMKA .. AAAMIN .AAMIN.
ASLAMU CALAYKUM...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Thursday, November 30, 2000 - 11:11 am
Aslaamu caleykum

Walaal Jaamac Raxmaan hakudhawro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Thursday, November 30, 2000 - 11:48 am
asalaamu calayku kadib walaalayaal waa barnaamij
aad iyo aad uwanaagsan oo isugu jira isbarasho
iyo iswacdin intii soo abaabushay iyo inta wax
wacdidayba ilaahay haka ajar siiyo hase ahaatee
wali wuukala dhiman yahay oo waxaa kamaqan qaybtii
uu kusocon lahaa oo ah shukaansiga sida nuur oo
kale wuu dhawaaqay dhawr jeer wax ujawaabayna
malaha marka khayr baad wadaan khayrna wuu kamaqan
yahay barnaamij kana waxaad mooda faynalka in ay
iskusoo bixi doonaan <awjaamac yuusuf iyo nasra
dhaqan >intaasi ha iga ahaato kaftan waayeel
anigu waxan kamid ahay waayeelka waxan kunaalahay
wadanka USA gobolka CALIFORNIA waxanan rajaynayaa
in uukhayrku kuligiis inoo wada socon doono
wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MARRIED WITH CHILDREN

Thursday, November 30, 2000 - 12:14 pm
Dhalinta cuslaatay salaan iyo ramadan kariim.

Dadkaygaa tihiin, maalo ka hor ayaa 30 jirsaday waxaana igu dhacay cudur aanan hore u qabin oo ah inaan mar walba duq isu maleeyo. Xataa waxyaabo aan markii hore ka caajisi jirey sida anoo cabitaan raba inaan jikada ka wahsan jirey ayaan sameeyaa si'aan nafsadayda u tuso inaanan duqoobin. Marmar waxyar hadaan u baahdo xoog intaan u istaago ayaan soo qaataa. Waxaan kaloo dareemaa inaan waynaaday oo wax walba oo aan sameynayo aad ayaan uga fiirsadaa.

Maalmahan aan 30 jirka ahaa noloshaydii dhan ayaa is ebdeshay..LOL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Thursday, November 30, 2000 - 12:23 pm
GREETING
Dhammaan dhalinyarada halkaan ku shirtay waad salaaman tihiin. Waxaan u mahad celinayaa walaasheen nasra-dhaqan oo noo furtay folder-kan.

P. DETAILS
waxaan ahay arday jaamacadeed, jira 33, ku nool London, yimid dhulkaan 92', single ah, ku hadla carabi iyo ingiriis.

INTERESTS
Waxaan xiiseeyaa aqoon isweydaarsi dhanka diinta islaamka, isticmaalka iyo kushaqenta computer-ka, isboortiga qaas ahaan kubada cagta.

OPINION
waxaa iga ra'yi ah in lasoo dhaweeyo dadka da'doodu ka yar tahay 30-ka, doonayana iney la kulmaan dad akhayaar ah. internetka waxaa u badan dad saqajaan ah, xataa waxaad ka heleysaa qeybta diinta.

Sidaan u wada dhannahay waa inaan ka qabanaa qeybtaan dadka wax qasa. Haddii su'aashu tahay sidee loo qaban karaa, ileen meeshu waa irid iska furan waardina laheyn?

Jawaabtu waa: ha'u jawaabin hana waanin, ileen waanadu laftigeed waa jawaab, haddii waanadu lagama maarmaan tahay hal qof ayaa ku filan.

Ugu dambeyn waxaan jeclahay haddii ay jirto ama jiri doontaba gabar da'deedu u dhaxeyso 23-30 oo guur-doon ah. igala soo xiriir e-mail-ka hoos ku qoran.

Markale dhamaantiin isbarasho wanaagsan. Waxaan idinka leeyaha is dhiiri gelin wacan.

Assalaamu caleykum...

ibnukhalif@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amina

Thursday, November 30, 2000 - 10:47 pm
Salaaaam dhaman ugu horrayna Nasra oo bilowday duudan
marka labaad wlaaal way fiicantahay inaynu wax is waydaarsano , lakiin waxaa fiican inaynu target yeelano sidaad ogtihiin dhalinyaradu ummad kasta iyagaa wax ka badala , waana xoog saameeya astaamaha ay ummad kastaa leedahay , maantana waa ilaahay mahadii haday jiraan dhalinyaro somaliyeeed oo vesion ama aragti leh sidaan halkan ku arko , maahana daruuri in siyaasad la galo ama hugaamiye la noqdo si ummada wax loogu qabto ee waxa jira siyaabo badan oo aynu dadkeen wax ugu qabano , hadaynu nahay dhalinyaro , waayo waxaa dadkeena dib u dhigay waa dhalinyarada oon kalmad lahayn , oo ku socota waxay duqaydu ku socoto sax ha ahaado ama qalade
bal igala fakara arrintaas oo aynu samaysano mashaariic aynu ku dhaqaaqno fulinteeda wlalayaaal idinkoo mahadsan
amina
igala soo xidhiidhana amina_60@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr-love

Friday, December 01, 2000 - 04:45 am
TO nasro Hi sis!!! salaan marka hore walaashay waxaan jiraa 21 sano waxaana u arkaa inay cunsiradtahay in dadka dadoodu kayartahay 30 aan sheekada wax lagasiin .. haddii aad aragtay dad wax caayay ha u qaadan uun inay kayaryihiin 30 kuwa wax qaribaa dakastaba waa leedahay kuwo 30 kawayn oo ugu ciyaal suuqsan aa jira kuwo 30 kayar oo fikrad fiican iyo tusaale fiican ayaa jira .. ee sis nagadaa cunsirada oo nooda ana inaan fikradayada dhiibano

Thanks sis!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMA YUSUF....

Friday, December 01, 2000 - 06:33 am
to.dhamaan..
aslaamu calaykum..
bacda salaan horta walalayaal ilaahay ka baqa marka hore wax aynu ku jira bishi barakaysnayd ee
rabi kusheegay dembi dhaafka iyo hanuunka .marka waxa ay ila tahay in qof walba looga baahan yahay in uu is dhawro ilaah hayna dhawree..waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan internetka waxa isaga sheegayno aadna moodo dadku in ayaad uxiisaynyaan diinta oo ay jecelyihiin taasina waxa ay kuu cadaynaysa hadalada kasoo baxaya dadska oo ah kuwao runtii kuqiiro gelinaya ..marka walaalayaal aan isu dardaarano cabsida rabi isuna jeclaano darilaahay wayo nebigu,C.S.W WAXA UU KU SHEEGAY XADIIS AY KU DHEX JIRTEY KUWA ISU JECLAADA OO U SAAXIIBA ILAAHAY DARTII WAXA AY MAALINTA YOWMAL QIYAAMAHA HADHSANAYAAN HADHKA ILAAHAY . WAA MAALIN UUSAN JIRIN HADHKALE KA ILAAHAY MOOYE MARKA WALAALAYAAL KUDADALA SIDII AYNU UGADHI LAHAYN HADHKA.. WAXA HELA QOF NASIIBLEH OO KU DHAQMA DIINTA ISLAAMKA.. WAXA AM LEEYAHAY RABI HAYNAGA DHIGO KUWII ISU JECLAADA ILAAHAY DARTII OO ISU XIDHIIDHIYA ,,AAMIN ...AAMIN..
ITA KABACDI WAAD MAHADSANTIHIIN DHAMAN DADKA FEGRADAHA KALA DUWAN EE HALKA KAHADLAY..OO KALA AH MUSLIM,MARRIED WITH CHILDREN,IBNUKHALIIF,AAMINA IYO MAY LOVE..
WAXA AAN LEEYAHAY QOFKII GUUR KAHADLAY ILAAHAY HA USAHLO OO HAKA SIIYO WALAASHIISA ISLAAMKA AH HALKAN ,MUSLINA WAXA AN LEEYAHAY SAAXIIB MAHADSANID KAFTANKUNA FURAN LAAKIIN DIINTA AYAA HORAYSNAYSA KAFTANKUNA HA AHAADO MID SAFI AH..AAMINA WALAL WAAD KU MAHADSAN TAHAY FIGRADAADA BALSE WAX AYAYNU ISWEYDAARSAN HADII ALLA IDMO...MY LOVE WALAAL NASRA KUUMA DIIDIN MEESHA LAAKIIN WAY QAYDEY OO DA, AYAY SHEEGTAY BALSE WALAAL WAXA AN JECLAHAY IN AAD NAGALA QAYB GASHO ,, OO AAD NA WANISO ,, WAAY C/LAAHI BINU CABAAS WAXA UU AHAA WIIL YAR MARKII UU FASIRAYEY SUURATO IDAJAA NASRULAAHI.. MARKA WALAAL WA KU SUGAYNAAA...
NASRAD DHAQANE WAXA AAN LEEYAHAY UMADOO DHAN AYAA KUU DUCAYSEY EE KHAYR HEL ILAAHNA HAKUGU TOOSIYO JIDKA WANAGSAN EE AAD HAYSO AAMIN ,,.,,AAMIN.....
WAA WALALKIIN OO IDIN LEH ILAAH HAYNA WAFAJIYO BISHAA BARA KAYSAN KHAYR KEEDA,,AAMIN ,,AAMIN,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Friday, December 01, 2000 - 10:48 am
Aslaamu caleykum

Waxaan mahadnaq,duco iyo soodhaweyn usoo jeedinayaa walaalaha qiimiga badan sida muslin,ibnukhaliifa,mwchildren,aamina iyo mr-love oo soo booqday meeshatan aan umaleynayo in aynu ku najaxi doono.

Haddaan u soo noqdo hadalada u baahan jawaabta, MR-love walaalkey ma ahi cunsiriyad mana jecli wixii ku dhaqma, balse ujeedadeydu sida aan hore usheegay waa qofkasta oo mature ah, ee ku soo dhawoow yaa og qofka wanaaga leh yar iyo weynba.

Walaalkey muslin arinta waa kala yara horeysaa oo waxaan doorbidney sida ay ila qabaan walaalheyga kale Jaamac iyo Farah in aan horta ka faa'iideysano bishatan barakeysan oo aan yara hakino shukaansiga, ileyn lakala carari maayee aan is adkeyno, intaasna kaftan dheh!!!!!!!!!!!

Walaalkey ibnukhaliifa oo aanu isku wadan nahayna barasho wanaagsan fikradaadana waan u bogey.

Walaal Aamina waa run oo wadankeenii wuxuu u oomanyahay dhaliyaro wada mashaariic iyo dibuhabeyn maskaxaysan oo diini ku dheehantahay, ee bal soo daa oo noosii faahfaahi haddii aad wax nagu dhaantid.

Muslin aniga iyo shiikha maxaad iskugu kaayo tirisay anigu diinta waxba kama aqaanee, malaha adigaanba kula darajo ahey!!!!!!!! waayo Jaamac shiikhad ayuu ku aadaa amaba u qalanta.


Raxmaan ha ina hanuuniyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Friday, December 01, 2000 - 02:38 pm
asalaamu calaykum
kadib walaalayaal kuligiin waad ku mahad santihiin
jawaabta qaaliga ah ee aad iisoo celiseen intaas
kdib waxan horay usoo xusay meesha aan kunoolahay
waxa intaas iiraacda waxan ahay xaas with 3 chil
dren taasna iga hooya marka iyaan la iiqaada nin
farabaxsi ah intaasi waawarkii oo kooban waxa
kale oo aan jeclaan lahaa in aan kudarsado barnaa
mijka inaan kamunaa qishoona maxaa ugu mihiimsan
xaga waxbarashada oo wadankeenii ubaahan yahay
maanta waxan filayaa in aad iga dhargisaan qodob
kaas takale walaalkay shiikh yuusuf ilaahay ajar
iyo xasanaad ha kaasiiyo wacdiga aad nawac disay
walaashay nasra dhaqan oo aan ubixiyay <araweelo>
iyadana ilaahay ajar iyo xasanaad hakasiiyo waxa
kaliya oo aad ajar kahelaysaa iskadhaaf inta kalee
inta nin singal ah ku kulaalaysa ee isleh soonku
haboxo intaasina waa kaftan waayeel akhyaareey
wasalaamu calaykum waraxmatulaa ilaahay ha ina
hanuuniyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf....

Saturday, December 02, 2000 - 03:33 am
to dhaman ..
asalamu calaykum..
waxa aan mahadbadan u celinayaa dhaman dhalin yarada ka soo qaybgashay barnamijkan oo ay inoo soo habaysay walaasheen nasra dhaqane..qofkastana waxa laga sugayaa in uu keeno feker ha ahaato mid wax barasho ama mid dib u habayn umadii aan ka nimi ah..in tasi hayga ahaato hordhac ..
in yar oo kaftan ah .. malaha maal mahan ma kaftamine...muslim horta dib haysi dhigin weerar baad tahaye @lol
aaaminana waxa an leeyahay walal sida nasra kuu shegtay soo da wixi ad nagu dhaan to waynu eegiye hadii alla idmo.. dhalin yarada guurdoonka ah waxa an leyahay war waa sidee habluhu waa buuxe...see wax yihiin ma hadalkii ba idiin gooyey ..lol
nasra walaal haysarin buur dee shiikh ma ihiye.. shiikh waa kii diinta aad u yaqaan anigu waxa an ahay afar kelmadoole...
intaasi kaftan hayga ahaato casharkiina waa inoo caawo hadii alla idmo.....
raga guur doonka ah waxa an leyahay weligiin hablaha dhaqan wanagsan ula taga..@lol
asalaamu calaykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Saturday, December 02, 2000 - 06:15 am
to.dhaman
asalaamu calaykum..
bacda salaan..
alxamdu lilaah xamdan kasiira...
caawa waxa an wax yar ka tabanaya cibaduraxmani,,kuwa ilaahay qurankiisaa ku yidhi waa adomihii ilaahay...
aayad quraana aya waxa ay ahayd ""cibaadu raxmanu ladiina yamshuuna calal ardi hownan.. (adoomaha ilaahay waa kuwii soconayey dhulka korkiisa iyaga oo degan marki aylahadlaan kuwa aan diinta aqoon ama jaahiliinta ah lahaa salaama salaama )yacnii nabadeey nabadeey..
marka adoomaha ilaah haynaga dhigo waxaaana lagu gadha adiga oo diinta barta marka aan ku dadaalo sidii aan diinta ubaranlahayn iyada ayaa lagu gadhaya aduun iyo aalkhiroba wana kuwa ilaahay marlabad yidhi (fas aluu ehludigri inkuntum la taclamuuun)weydiiya kuwa aqoonta usaaxiiba hadii aydan garanayn.. marka diinta waxa laga helayaa wax walba oo aad doonto marka kudadaala sidii aad diinta u baran lahayn.. dadka aan diinta aqoona marka ay idinla doodaan waxba dooda haku adkaynine i debciya waxa laga yaaba in ay wax ku qaataane oo diinta bartaane..marka ilahay haynaga dhigo cibaadu raxmaanka aamin..aamin..hana inaga yelo kuwo diinta ugargaara..aamin ..aamin...
asalaamu calaykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Sunday, December 03, 2000 - 03:08 am
Aslaamu caleykum

Jaza-kala-kheyr yaa sheekanaa Jaamac. Intaas kadib waxaad moodaa in uu yara baqdey muslin markii aan kugiijiyey oo uu ku marmarsooday "marreid with three children" so what?, miyaan Rabbi kuu nicmeyn oo aanu kuu fasixin afar, Jaamacse ma adigaa ka warqaba in uu sidaada midi ku xirantahay oo waliba carruuri u dheertahay, anigase yaa kuu sheegay in aan dayday ahey!!!!!!!!. Taana kaftan iga dheh, takale dacwo ayaan kaa qaabaa oo aan usoo jeedinayaa walaalaha kale ee maxaad iigu bixisey Araweele!!!!!!!!!. jawaabteedana waa lagaa sugayaa
muslin ileyn maxkamada dadweynaha ayaan kula kaashadey e. Wey kuu banaantahay in aad qabsatid abukaate/looyar ama qareen hadba sidii aad u taqaan.


Rabbi ha ina hannuuniyo oo ha ina dhawro. Cafis haddaan yara taraarey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Sunday, December 03, 2000 - 01:04 pm
Walaalayaal;

Aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aad dadka yaryar u tuseysiin in Internet-ka wax kasta loo isticimaali karo oo aan qabiil iyo qurun keliga loogu sameynin.Markaan taas halkaa ku dhaafo, waxaan dhab in dhaliyarada qaar ka mid hi isticmaalayaan farta waaweeyn (CAPS) taasoo qaylo ahaan loo arki karo anaan wax murti dheeraad ah ku kordhineyn qofku wixii uu sheegi lahaa. Indhaha keliya ayey naga cawireysaa:-)

Mideeda kale, qoritaanku waa hadalkii oo si kale loo gudbinaayo. Marka waa la kala goo gooyaa qoraalka oo bilaaw iyo dhamaad la isma tabo taxo wixii qofku u bandhigayo aduun weynaha. Halkaa ka wada kaftanka iyo sheekada wanaagsan oo yaan la ilaawin 40 jirka aan weli guursan qalbigana ka yar (young at hear):-)

KUMI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMA YUSUF

Monday, December 04, 2000 - 06:41 am
ASALAMU CALAYKUM..
BACADA SALAN..DHAMAN WAD MAHADSAN TIHIIN..KUMI WAXA AN LEE YAHAY HAKA DHICIN SALAANKA EE QABSO CIDI KAAMA YAREE@LOL MEESHA WAA LAGA WADA YARYAHAY QALBIGA DA,DANA WAA LA WEYN YAHAY.. SXB WAA KAFTAN INTAASI..
NASRA WALAL NINKII MUSLIN AHAA LAMA HAYO MAALINKII BAA UGU DAMBEYSEY.. MARKA ISAGA AYAN SUGAYNA MARKA UU SO GALO..ARAWEELONA LAGUMA YIDHAAHDO O ANA DOODKA QABA.. CIDII KUUBIXISAYNA .. DADWEYNAHA ARKAYA AMA ISAGAA KA JAWABI.... INTA HADAN KAGA HADHO OO UGALO CASHARKEENII MAANTA OO KAHADLAYA TOWBADA...
WALAAALAYAAL IS XUSUUSINTA ILAAHAY WAA WAX INAGU WAJIBA MARKAA ILAAHAY AAN KA BAQNO ISAGANA AAN TALO SAARANO..WABACDI.....
QOFKA TOOBADKEENAYA WAXA ALAGA RABAA IN UU BUUXIYO SHURUUDAHA TOWBADA , TAAS OO AH MID ILAAHAY KU TAXALUQDA IYO MID AADAMUHU KUGU LEEYAHAY..
MIDA ILAAHAY WAXA WEEYE
1. IN AAD HORTA KAHADHID MACSIDII AAD KU JIRTEY
2. IN AAD KA MURUGOOTID WIXII AAD SAMAYSAY OO MACSI AH..AMA XUMAANA..
3.IN AADAN DIB UGU NOQON WAX MACSI AH...HADI AAD MID KA MIDA JEBISO MAAHA ANSAX TOWBADAADI..MARKA QOFWALBOW ISKA ILAALI HADII AAD WAX KA HADHO IN AADAN U NOQON OO HADII AAD U NOQOTO WAXA AAD KU SIFOOFAYSA MUNAFAQ..
TA AADAMUHU KUGU LEEYAHAY HADII AY TAHAY WAX MAALA WA IN AAD U CELISA. OO WIXII LAGUGU LEEYAHAY AAD ISKA BIXISA MARKA TOWBADII WA KAA AN SAXDAY HADII AY DHABKAATAHAY..
ILLAAHAYNA WAXA UU QURAANKIISA KU YIDHI.."UNOQDA ILAAHAY DHAMAANTIIN KUWA MUUMINIINTA AHAW WAXA AAD MUDAN TIHIIN INAAD LIIBAANTAAN"..... OO HADII AAD ILAAHAY AAMINTO WAXA AAY KU TUSAYSA IN AAD HELAYSO LIIBAAN AAN CIDKALE BIXINKARIN ILAAHAY MOOYE MARKA ILAAHAY HALOO NOQDO ISAGA AYA INA KAFAALA QAADANAYEE..
WAXA KALE OO UU ILAAHAY"DEMBI DHAAF WEYDIISTA RABIGIINDABADEEDNA TOOBAD KEENA "YACNI ILAAHAY WAA QAFUURA RAXIIM WAXA AAD KA ARKAYSA YEEDHISTA UU INOO YEEDHAYO IN AYNU TOWBADKEENO.. HADII AYNU DEMBI LA NIMAADNANA UUSAN MARKIIBA INA CIQABAYN EE TUSALE BADAN UU INA SIINAYO. OO AYNU QURAANKA KA HELAYNO. MARKA ILAAHAY HALAGA CABSADO CABSIDIISA DHABTA AH ....
WAXA KALE OO ILAAHAY QURAANKIISA KU YIDHI"WAR KUWII IIMANKA LAGA HELAYOW ILAAHAY U TOWBAD KEENA TOOWBADA SAXA AH " WAXA WALAALAYAAL AAD MAR WALBA AR KAYSAN ILAAHAY IN UU LAHADLAYO DADKA ISAGA KA BAQAYA OO KELIYA OO AH MUUMINIINTA LALAMA HADLIN KUWA GAALADA AH AMA MUNAAFAQIINTA LOOGU BUSHAAREEY NAARTA MARKA WAXA LALA HADLYAA MARWALBA WAA WIXII ILAAHAY KA BAQAYOA MARKA AAN ILAAHAY U NOQONO OO ISAGA TOWBAD WEYDIISANO. ISAGA AYA INAGU FILANE..
WAXA U XADIISKALE UU AHAA UU WERIYEY ABUU HUREERA ILAAHAY HAKA RALI NOQDEE WAXA UU YIDHI WAXA AN KAMAQLAY NEBIGA C.S.W IN UU YIRI WALAHAY BAN KU DHAARTE WAXA AN ILAAHAY DENBI DHAAF WEYDIISTA MAALIN KASTA GUDAHEED 70 JEER AMA IN KA BADAN .." MARKA WALAALAYAAL INAGU XAGEE JOOGNA NEBIGII C.S.W AYAA ILAAHAY DEMBI DHAAF WEYDIISANAYE OO LADHAAFAY DEMBIGIISI HORE IYO KIISI DAMBEBA.. MARKA INAGU WAA IN AYNU KA SIYAADINA DEMBIDHAAFKA AYNU ILAAHAY WEYDIISANAYNO.. WAXA AN IDIIN RAJEYNAYAA KHAYR IYO RABADAAN TA OO AAD ILAAHAY IN BADAN AAN BARINO...
WIXII KHALADA WALAALAHAY OO ISAXA WAXA AAN AHAY BASHARE ,.....
ASLAAMU CALAYKUM.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Monday, December 04, 2000 - 08:13 am
asalaamu calaykum dhamaan akhyaarta waxaan aad
iyo aad uga cudur daaranayaa daahitaanka aan ladaa
hay jawaabta waase xaaslay iyo xaalkeed intaasi
waa warkii oo fidsan hadii aan usoo laabto arimaha
gudaha waxan iswaydiiyey markii aan bogan furay
siday wax ujiraan akhiyaartii maanta waykugu kacsa
n yihiin walaashay nasra dhaqan waxan isku qabay
in aan ku amaanay ilan araweelo waxay ahayd gabadh
karti badan oo caan ah hadiise aad dacwo kaqabto
diyaar baan uahay waxaa intaas iiraaca waxa laga
yaabaa in aad istiraahdeen mulin wuubaqay laakiin
haka yaabin ilaahay afar aayuu ii baneeyay intii
isfahanta maahee wixii meeshay kasoo hara oo
calaf doona iniga igu ogaada taasina waabalan
walaalkay shiikh jaamac waxan rajaynayaa in aad
arintaas siwanaagsn uga garnaqdid waxaa ii raaca
wadaadka cusub ee layiraa KUMI kusoo dhawaw saaxii
b golaha gartana waxka qaado sidaas iyo nabgaliyo
wabilaahim tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHALED BIN WALIID

Monday, December 04, 2000 - 08:56 am
DHAMAAN AKHYAARTA HALKAN KU KULANSAN WAAD SALAAMAN TIHIIN WAXAAN SALAAN GAAR AH U SOO JEEDINAYAA
NASRA.
WALAALAYAA ANIGA DA'DAYDA WAA 25 WIIL SOMALIYEED
BAAN AHAY OO USTED STATES KU NOOL HADABA WAXAAN
AHAY WIIL ROMANCE JECEL OO NOLOSHA LALA WADAAGI
KARO HADABA CIDII FAAHFAAHIN DHEERAAD AH
WAA ILLA SOO XIRIIRI KARTAA SIIBA GABDHAHA
DA'DOODA U DHAXEYSA 20-25
MAHADSANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Monday, December 04, 2000 - 11:51 am
Asalaamu caleykum

Walaalaha cusub sida Kumi iyo Khalid soo dhawaada.

Waryaa muslin in aad baari tahay ayaa halkaa ka cad iley waxaad ku mashquushey reerkii!!!!!!!!!!!
waaba la waayey qof sidaa ugu shaqeeya xaaskiisa, imikaadba gabdhihii daydayga ahaa isu sharaxday, waaba haddii lagaa hadho.

Jaamac(duco-qabe) iga dhici ninka areweelo iibixiyey.

Walaasheen Farah halkeey ka dhaxcdey aad ayaan u tabey oo raggii ayaan ku cidleystey.

Walaal waxaan Rabbi inooga baryayaa in uu inoo danbi dhaafo, waxaan ubaxayaa fasax muddo laba wiig ah ee waxaan idinkaga tagayaa diinta muslinka,idinkuna dardaarayaa anigu aan ugu horeeye e cabsida Eebe. Rasuulkeenii scw wuxuu yidhi Rabbi ka cabsada meelkasta oo aad joogtaan.

Walaalaha fooramkana waxaan ka codsanayaa in la iisoo duceeyo aadna i cafidaan.

Xusuusta Eabe caza-wajala cibaadadana badiya ileyn cadaabtu wey kulushahee!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Monday, December 04, 2000 - 11:52 am
Aslaama Calaykum waraxmatu-laahi wa barakaatu.

walaalayaal kuligiin waxaan idinku salaamay salaanta islaamka oo sharaf xambaarsan, waxaanan rajeynayaa in aad iga gudoomi doontaan Insha-allaah.
Walaal sheekh yusuf waan fahmay xadiiskii qiimiga lahaa ilaaheyna hanaga dhigo kuligeen kuwo wax ku qaata oo dambi dhaaf had iyo jeer ilaahey weydiista, adigana ajarkeeda alla ha ku siiyo, AAMMIIN.
Walaalkey muslim waad ku mahadsantahay sida aad uga soo qaybgashey roomka wax iswaydaarsigu ka socdo, waxaanan rajaynayaa inaad nagu soo kordhiso fikrado wax ku-ool ah, oo laga faa'iidaysan karo bishan barakaysan ee rabadaam adigana ajar ilaahay kaa siiyo haddii alla idmo.
Dhinaca kaftanka haddaan u yara leexdo, araweelo waxaan u malaynayaa in ay raggu u yaqaanaan qof shiddo badan, balse aad ku fasirtay fariidnimo ama karti, markaa Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Nin hadal si u yidhi Nina si u qaadey" markaa haday sidaa kor ku xusan kaa ahayd ee kartida waa laguu dambi dhaafayaa, waayo walaasheen NASRA khayr bay isugu keen yeedhay waanay ku mahadsantahay, laakiin haday ARAWEELADII rasmiga ahayd aad u jeedo XAAL BAA KU QABTEY MR.MUSLINOOOOW.loooool
Gartuna halkaasey ku naqan tahay, waxaan Rajaynayaa Sheekh Yusuf iyo Nasrina inay igu Raacsanyihiin oo aan hadal dambe ka soo yeedhin. Wixii dambe ee lagaa sugaa waa is wacyi-gelinta bisha rabadaan, kaftankuna ma xidhna laakiin khayrku ha ka bato sheekhmuslinoow!!!!!!!!!
Waxaan kaa codsanaayaa inaad iga raalinoqoto hadaad u aragto inaan Gartii kugu naqay.looool
Waa Walaashiin Fil Islaam FARAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Monday, December 04, 2000 - 02:11 pm
Walaal Nasra;

Waa ku mahasantahay soo dhoweyta sharafta leh. Waxaad kale oo aad ku mahadsan tahay bilowga bogan aadka loogu baahnaa. Caawa sibaa daal ii hayaaa marka halkaasaan kaga baxayaa. Waxaan u maleynayaa dadii baa iga daba timi:-)

KUMI, London (uk)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Monday, December 04, 2000 - 02:30 pm
Salaanta Islam-ka ka dib;

Muslim

Marka hore ku mahadsanid soo dhoweynta. Marka labaadna, sheekadiina iyo kaftanku waa mid iga horeeyey oo dhexda ka lama qabsan karo (waa sey ila tahay). Haddii aan iskala soo boodo fikradeyda Waxaa laga yaabaa inaan khalad iska dhex dabaasho ee bal xoogaa ii kaadi aan salka dhulka dhigee.

Mideeda kale waligeey gar ma dhigin! Haddii aan hadda Internet-ka ku bilaabo garnaq ama garcelin waxaa dhici karta in fashilaad iyo ceebi iga raacdo.

A. Aleikum

Kumi, London (UK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibnikhalif

Tuesday, December 05, 2000 - 04:13 am
Assalaamu caleykum...

Aniga iyo mar labaad.

Walaasheen Nasra-dhaqan waxaan weydiin lahaa! maxaad inoogu sheegtay inaad fasax aadeyso, ma waxaad u aadeysaa meel aan Computer ama internet ka jirin?

Waxaan u maleeyay in leyla dhaqmaayo sida aan iri in loola dhaqmo dadka yar-yar ee rabshoolayaasha. Suaa'sheydii qof gabar ka jawaabtay ma laha, ragga kalena kama helin talo ama dhiiri gelin.

Waxaan kaloo la hadlayaa KHAALID BIN WALIID. Walaal codsiga ugu horeeya ee lagaa rabo waa inaad ka soo qeyb geli kartid meeshaan iyo in kale, kadib markaa hesho jawaab ogolaasho kahadal waxaa doonto.

Walaalkey KUMI taladuu soo jeediyay sida (CAPS) ka daaya markaa wax qoreysaan, waxaad u maleysaa inaan la aqrin ba. Run ahaan aniga sideydaba ma aqriyo markaan arko far isku dhex yaacsan, waxaa laga yaabaa iney jiraan dad badan oo sidaa ila qaba.

Walaal nasra macasalaama, laakiin kasoo jawaab su'aasheyda intaad saxaraha gaarin lol... .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Tuesday, December 05, 2000 - 07:26 am
asalaamu calykum..
bacda salaan ..
caawa waa ka rog o laba sar garta ayaa wax ka gelaya wayo gabadhii ayaa hadal itidhi..
sxb kay muslin .. waxa an leeyahay markii aan eegay arinta waxa ii muuqday in xaal lagugu leeyahay sadex arimod dartood....
1.horta araweelo waxa ay ahayd naag raga xiniiyaha ka goysa nasrana ma aha.
2.nasra waa qof ku dhaqmaysa diin islam arawelona kuma dhaqmi jirin diin.
3.araweelo waxa ay ahayd naag xukun doona nasrana maaha xukundoon ee khayr bay inoo horseeday.
makii aan arkay sidaa waxa kugu go,ay xaal layidhahdo lixdalooley..
marka sxb waa lalama kacan ee xaalka bixi maadaaama aad kugeftey walashaa oo kale.
sxbkay khaalid binu waliid waxa an leeyahay inta aada soo qadimin donostada horta eeg ciwanka,marka dalabkaaga keen...
raga kale sid kumi iyo waxa an le yahay war dee meesha arin ba ka jirta ragna wad tihiin ee gala oo say idiin la muuqato u sheega...
farax walaashay adiga aabahaa ayaa garta niqi jirey maadama ad ra,yigaagi dhiibtey wadna ku mahadsan tahay..saad sheegtay waxa marwalba ino horaynaya in aan ka faaiidaysano bishan barakaysan.
nasra waxa an ku leeyahay mesha aad tagtaba khayr lakulan idan ilaahay ....
cawa iyo kaftan ..rali halayga noqdo garbaan galaye.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalid bin waliild

Tuesday, December 05, 2000 - 09:26 am
ARJI

Ulajeedo:codsi
Tixgelin:in aan ka qeyb qaato Isbarashada
Taariiqda:12-5-00

ka socota:khalid bin Waliid
ku socota:Maamulka Isbarsho /la taliyaha maamulka
Ibnukhalif/Gudoomiyaha Nasra

waxaan idiinka codsanayaa in la ii ogolaado
in aan ka qeyb qaato Isbarashadan furan,
Anigoo balanqaadaya In aan sharciyada u degsan
ka mid noqashada xubin aan tixgelinayo.
----------------------------------------
Waa dhamaati noo wax kale la iga rabo ma jiro
aan u maleynayaa aniga .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAX

Tuesday, December 05, 2000 - 09:47 am
Aslaama calaykum waraxmatu laahi wa barakaatu.
Salaan ka dib kuligiin dhalinyaro-cuslaatey iyo kuwo fududba waxaan ilaahay idiinka rajaynayaa khayr iyo caafimaad raaga oo laga faa'iideysto AAAMMMMIIIIIN.
Walaalayaal dhalinta ku soo biirtey Foramka sida KUMI, IBNA KHALIIFA soo dhowaadsa ayaan idin leeyahay marlabaad fikradihiinuna mar walba waa la soo dhoweynayaa.
Sheekh Yusufoow waxaan odhan lahaa sheekh MUSLIM waynu isugu tagnee aynu ka yara debcino maadaama uu yidhi ARAWEELO NAAG KARTI LEH baan u aqaan waayo sheekada araweelo qofba inuu si u yaqano ayaa laga yaabaa markaa arintaa nasrina intaaney dhoofin ha ka soo hadasho.
Markaan u soo noqdo Walaasheen NASRA-DHAQAN
aad baanu kuugu soo duceynaynaa safarkaagana ilaahey ha dhigo mid aad arimahaad u teygeyso kugu soo guuleeyo. AAMIIIIN.
Waxaan kaloo kuu sheegayaa inaan beryahan Imtixaandii noo bilowdeen oo aan la gagabsanahey,ilaaheyna iiga barya inaan sida Tareenka jiidho. LOOOOOOOOOOL.
Walaal NASRA soo noqo adoo nabada iyo war buuxa oo xiiso leh.

WAA WALAASHIIN FARAX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farah

Tuesday, December 05, 2000 - 10:06 am
Salamaa calaykum waraxmatu laah wa barakaato.

Waxaan halkan ku soo dhoweynayaa walaalkey KHAALID BIN-WALIID. Walaal iga raalinoqo markaan dhalinta kale soo dhewaynayey magacaaga kumaan arag xagga hore markaa I Hope you will accept the appolagy.
Markaan intaa ka gudbo walaal Khaalid Foramku waa inoo wada furan yahay ee maamul iyo gudoomiye iyo dad maamul doona meesha ma joogaan, waa meel aan fikradaha iyo cilmiga isku dhaafsan karno oo aan kaga carari karno Maamul doon iyo Si xun u fekere maskaxda inaga mashquuliya, Markaa walaal KHAALID ku Soo BIIR BAHDAN KHAYRKA iyo ILAAHEY DARTII ISKU RAACDEY. Waxaan kaa sugnaa waa fikrad saliim ah iyo caqli saliim ah oo aad nagu soo biiriso
Igana raali noqo walaal.
Waa Walaashaa Fil-Islaam Farax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IbnuKhalif

Tuesday, December 05, 2000 - 11:25 am
Assalaamu Caleykum...

To: Khalid Bin Waliid

Marka hore ku soo dhawow boggan. Tan labaad waxaa ii bixisay lataliyaha Nasra. Anigu isuma aqaan lataliye inta kalena iima taqaan, keliya waa talo in leys weydiiyo inaad wax nagu darsan karto hadaanu nahay ABOVE 30 adna aad ka yar tahay.

To: Farax

Walaal waxaad ii soo dhawaysay sida nin maantalee soo galay meesha, laakiin waxaan idinku soo biiray NOVEMBER 30, islamarkaan soo galayna waa ley soo dhaweeyay. Calaa kulli xaal su'aal iga hoo: Maka jawaabi kartaa maqaalkaygii NOVEMBER 30.

Waad mahadsan tahay.

intakalena sidaas.

Assalaamu Caleykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Tuesday, December 05, 2000 - 09:05 pm
Dear Bro. and sis,Salaam alaykum dhamaantiimnba.
walaalayaal mudo dhowaydba waan ka maqanaa halkan
sababtoo ah, anigoo ka maqnaa magaaladayda(shaqo kaga maqnaa)manay ii suurto galin inaan soo galo(computer la'aan),markaas imika soo noqday,kolayna aqris fara badana galay wixii i dhafay intii aan maqnaa.
Jaamac Yuusuf sxb wad ku mahadsan tahay,daruusahaaga,ilaahayna ha kaa abaalmariyo.
Walaalashay Nasro-Dhaqan,meesha aad u socoto iyo safarkaagaba ilaahay ha kuu dhib yareeyo.
Farax (walaashay)adna ilaahay ha ku dhib yareeyo imtixaanada,and I hope inaan tahay qof maskax fiican.
walaashay Aamina fikrad fiican ayaad so jeedisay,mana xuma.
Ibn Khaliifa,Kumi,KHALID and Moslem idinkana waxaan idin leeyahay barasho wanaagsan(ku soo dhawaada).
Dhamaantiinba qayr ayaan isku ognahay iyo ismaqal danbe.
Asalama Alaykum.

ps. hada waxaa laga yaabaa inaan iibsado(insha Allah)lap top computer,markaas I hope inaan mel kasta oo an tago an idin Kala socon doono.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Wednesday, December 06, 2000 - 06:40 am
asalamu calaykum..

dhamaan waxa an lee yahay ilaahay haydiin fududeeyo howlihiina , uu qof walba maskaxda ku hayo , dhamana waxa aan isu rajeynayna khayr iyo inaynu ka faaiidaysano bisha barakaysan....
walashay farax waxa an lee yahay waa ku maqlau laakiin muslin yuusan taas oo kale samayn mar labaad..@lol.....
inta hadii aan kaga hadho oo aan galo casharki xalay inaga baaqday,
wuxu ka hadlaya isna towbada oo kii hore ayuu laxidhiidha....
rabi waxa uu yidhi "haka quusanina raxmada ilaahay.."
nebiguna c.s.w waxa laga weriyey xadiis dheer oo macruuf ah .. oo ahaa nin diley 99qof oo damcay inuu towbad keeno weydiiyeyna dadkii meesha degana in ay u sheegaan nin yaqan cilmi waxaana la tusay nin raahib ah"yacnii meesha laga aqoon sana "
markii uu weydiiyey in uu towbad leeyahayna waxa uu ku jawabay maya ..isagiina waxa uu kaga dhigay boqol,,isaga oo boqol dilay ayuu hadana doonay towbad ,waxa kale oo la tusay nin shiikh ah oo kale waxa uu weydiiyey sidii uu u heli laha towbad waxa uu u sheegay in uu ka haajiro halkan
oo tago meel ilaahay lagu cabudo oo dad wanaagsana joogaan.. marki uu u anbabaxay waxa u yimi mowdkii wuuna dhintay dabadeed waxa ku dooday malaa,igtii cadabta iyo tii janada....
iyaga oo isku haysta meeshii lageyn lahaa oo maalaa,igu cadaab ay leyihiin ninkani weligii khayr masamayn oo waxa uu diley 100qof malaa,igu janana ay leyihiin wuu towbad keenay ayaa xaga rabi looga soo diray malag kala saara ....
waxa uu ku heshiisiiyey in uu ninkani kamidyahay meesha uu u dhowaado,,,
markii laxisaabiyey waxa uu taako u dhowaaday meeshii uuu usocdey. halkaas ayaa ehelu jano uu ku noqday...
markaa waad arkaysan sida ilaahay u yahay qafuuru raxiim .. marka walalayal ha ka quusanina raxmada rabi uu qalbiga ku haya ....
ahaadana kuwa had iyo jeer kadalba rabi wax wanagsan iyo dembi dhaaf ilaahayna waxa aan idiinka rajeynaya in aad noqotaan kuwo kudhaqma diinta rabi ... una tagan marwalba sheegideeda iyo ku dhaqan keeda ..
ilaahayna hayna ku sugo diinta iyo caqiidada toosan.........aamin .......aamin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Wednesday, December 06, 2000 - 07:09 am
salaama calaykum dhamaantiin wiilal iyo gabdhoba.

Walaal waa ilaahay mahadii haddii aan si wanaagsan oo sharaf leh isu weydaarsanayno ama ku ku xidhiidhno through the internetka taasna waxaan leeyahay god pless the technologyadda.
TO SHOWQI: Walaal welcome back to the hoyga wax isweydaarsiga koley waxaan u malaynayaa intii aad naga maqneyd casharo badan oo diini ah ayaa Sheekh Yusuf noo soo diyaariyey, laakiin waxaan rajaynayaa in aad dib kala qabsatey oo aad akhrisatey markaa walaal kuwaagiina waa la sugayaa
mar labaadna welcome back.

TO IBNUKHALIFA: Walaal barasho wanaagsan waxaan filayaa inaad tahay nin dhaliyaro aad u maskax furan oo aad u firficoon waanuna sugaynaa inaad noo faaiideyso.
walaal markaan dib ugu noqdey topic gaagii NOV 30, maan arag su'aal aan ka soo jawaabo balso waxad soo jeedisey rayi aad leedahay dadka wax qasaya yaan loo jawaabin, haddaan qaldanahayna bal iigu soo celi su'aashaas.
Haddaan ka jawaabo dadka wax qasaya ee meesha soo gala waxaan u malaynayaa qofkuu markuu hadalka leeyahay waxaan u malaynayaa inaaney ka ahayn wax qas ee balse ay tahay aragtidiisa markaa dadka qaarna waa ku raacaan, qaarna waa ka soo horjeestaan, qaarna meel saxa ayay wax ka tusaan, oo waxaaba laga yabaa in uu qofkaasi fikradaada saxa ah u bogo markaa walaal waxaan odhan lahaa yaan la ignore gareynin walaalkeena ama walaasheena qaldan balse aan isku deyno inaynusaxno. Fikradaadana waad ka soo dhiiban kartaa.
Marlabaad barasho wanaagsan IBNU-KHALIIFA,waaney kuufuran yihiin su'aaluhu,
feel free do not hasitate any time.
WAA WALAASHAA FIL-ISLAAM FARAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Wednesday, December 06, 2000 - 08:16 pm
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU
intaas kadib waxan halkan gacmo furan kusoo dhaway
nayaa waayeelka cusub iyo intii horeba uga tirsa
naan jirtay intaas kadib <ruugcadaagii soorogaal
celi >waxad moodaa qayla dhaantii nasra dhaqan in
ay kicisay ciidamo badan sida farah oo kale iyo
shiikh yuusuf oo hadalkii nasro aad moodo in uu
wadnaha kataabtay xaalku sikasta ha ahaade gari
laba qof kama wada qosliso marka hadii aad xaal
igu xukunteen diyaar ayaan la ahay waxanse idiin
sheegayaa waayadii hore gabadh hadii ladhaho arawe
elo qosol iyo dhoola cadayn ayay islatuuri jirtay
balse waa aduun iyo xaalkiis waxan rajaynayaa dha
maan akhyaarta kale in ay waxku darsan doonaan gar
ta sida shawqi ibnu khaliifa khaalid bin waliid
waxan leeyahay nasro ilaahay haku nabadgaliyo adi
ga iyo intii muslin ahba akhyaarta kalana imtaxaa
nka rabi ha usahlo sheekh yuusuf ajar iyo xasanaad
ilaahay hakaa siiyo wacdiga waa musli oo idin leh
wasalaamu calaykum waraxmatu laahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Wednesday, December 06, 2000 - 08:18 pm
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU
intaas kadib waxan halkan gacmo furan kusoo dhaway
nayaa waayeelka cusub iyo intii horeba uga tirsa
naan jirtay intaas kadib <ruugcadaagii soorogaal
celi >waxad moodaa qayla dhaantii nasra dhaqan in
ay kicisay ciidamo badan sida farah oo kale iyo
shiikh yuusuf oo hadalkii nasro aad moodo in uu
wadnaha kataabtay xaalku sikasta ha ahaade gari
laba qof kama wada qosliso marka hadii aad xaal
igu xukunteen diyaar ayaan la ahay waxanse idiin
sheegayaa waayadii hore gabadh hadii ladhaho arawe
elo qosol iyo dhoola cadayn ayay islatuuri jirtay
balse waa aduun iyo xaalkiis waxan rajaynayaa dha
maan akhyaarta kale in ay waxku darsan doonaan gar
ta sida shawqi ibnu khaliifa khaalid bin waliid
waxan leeyahay nasro ilaahay haku nabadgaliyo adi
ga iyo intii muslin ahba akhyaarta kalana imtaxaa
nka rabi ha usahlo sheekh yuusuf ajar iyo xasanaad
ilaahay hakaa siiyo wacdiga waa musli oo idin leh
wasalaamu calaykum waraxmatu laahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Thursday, December 07, 2000 - 01:44 am
Dear Bro. and sis,salama alaykum dhamaanba.
Hadaan inyar ku darsado arintaas Muslim,ama soo dhex galo,waxaan leeyahay waxaa la yidhi arin nin si u yidhi nina si kale u qaaday,markaa horta iyadoon si kale wax loo eegin sxb Muslim ma la waydiiyay xagga uu uga jeedo,iyadoon xaal lagu boodin,waxaan u malaynayaaa sxb-kay ma diidana xaalkee bal horta xaalku ha danbeyee aynu u kuur galno sida ay arintu tahay,nin xaal bixiya wuu yahee bal horta arinta aynu si kale u eegno.
Tan kale Araweelo waxay ahayd naag ku lahayd magac mushtamaca somaliyeed,markaa hadba sheekadeeda waa sidii loo qaato ayaan filayaa.
salama alaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf.....

Thursday, December 07, 2000 - 06:01 am
to dhaman akhyarta...
asalamu calaykum..
bacda salan ..
horta waxa aan leeyahay marki hore arinta waa ka hadhay, waxaaana itidhi ka hadh walaashay farax , balse waxa aan arka in uu walaalkay dood ka qabo arinta inkasta oo uu yidhi xaalkii wa bixinaya hadana waxa u arintii dhex geliyey akhyartii kale..
sida dartee showqina wuu ka hadlay..

balse waxa an leeyahay ma aha sidii ereygii somalaiyeed oo aha naaska walalka qabta hadba waa saad ka dhiga" ee waa sida xaqiiqda ah araweelo waxa ay ahayd naag raga xiniiyaha ka tunta.........oo macan gegad ah , way jirtaa in ay sheekadeedu caan tahay laakiin dumarka somaliyeed kuma farxi jirin magaceda oo naagtii loogu magacdaro ,,waxa ay ahan jirtey mid aan laguursan ,,,,
marka walashay nasra uma qalanto magacaas ,, sababta ayaana anigu ,, rayigayga ugu xukumay xaal sxb muslin,, marka hadii aad hayso walaalkay shawqiyow arin kale oo uu walaalkay kaga badbaado xaalka wan kasugayaa....hadii alla idmo..

arintana walaalahayga kale way ubanaan tahay inay ka hadlaan.......
aan is cafino.....
caawana raali halayga noqdo ...xagii casharka ...

saaxiibadayda kale waxa an lee yahay bal marmar isku daya in aad ilaahay na xusuusisaan,,,,,
asalaamu calaykum.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khalid bin waliid

Thursday, December 07, 2000 - 06:23 am
WAALIDIINTA HALA DUCEYSTO.

walaalayaal waxaan jeclaystay qisadan in aad ila
aqrisataan ayadoo ku saabsan waalidiinta.

(Nabi Ciise NNKH ayaa eebe wuxuu ka baryey in
uu Aduunka ku tuso qofka uu rafiiqa kula noqon
lahaa Janada,eebe wuu ka aqbalay wuxuuna ku yiri
waad la kulmi doontaa Rafiiqaaha waqti dhaw.
Nabi Ciise wuxuu guda galey safar mar uuu meel
dhexe marayey baa gabalkii u dhacey oo wuxuu
ku leexday reer meel deganaa,Isla mar ahaantii
Nin dhalinyara ah ayaa marti soorey Nabi Ciise
Isagoo aan Ogeyn in uu Nabi Ciise yahay ninkan
Musaafirka ah.
Wiilkii baa wuxuu ka codordaartey Nabi ciise
oo intuu meel fariisiyey ku yiri inyar halka
igu sug,waxyar ka dib Nabi ciise baa wuxuu arkey
wiilkii oo garbihiisa ku sida qof oo kolba dhinac
ula kacaya.in yar buu ka maqnaa ,markale ayuu
arkey Nabi Ciise wiilkii oo qof kale ximbaarsan
oo sidii kii hore marba dhinac ula aadayo.

In yar ka dib ayaa wiilkii Nabi Ciise U yimid
oo raashiin iyo wuxuu ku seexdo u keenay,
Nabi Ciise ayaa waydiiyey qofka aad xambaarsaneyd
markii hore iyo kii danbe yey ahaayeen.
wiilkii baa wuxuu ugu jawaabey qofka hore
waxey ahayd Hooyaday oo aad u duqowday oo aan
dhaqaaqi karin,waxaan geeyey suuliga waan u soo
meeray waan soo daahiriyey ka dibna raashiin
aan u diyaariyey baan soo siiyey.
kan dambena wuxuu ahaa aabahay oo sidaa
si la mid ah u sameeyey.
Nabi Ciise baa Isagoo La yaabay wiilkaa baarinimadiisa ayuu waydiiyey Intaa markaad
u sameyso waalidiintaada maxey kuugu duceeyaan
Wiilkii baa yiri Hooyaday waxey IIgu duceysaa
in aan Rafiiq eebe janadiisa Nabi Ciise iiga
yeelo aabahayna Sidaa oo kale ayuu iigu duceeyaa
Nabi Ciisa Ayaa arintaa la fajacey oo ku Yiri
wiilka: Bishaareyso Ilaahay Ducadaada waa aqbalay
Aniguna Nabi Ciise Ayaan ahay Waxaana ahay
Rafiiqaaha Janada.

Walaalayaal waalidiinta yaan la Iloobin,
Rasuulka NNKH wuxuu yiri janada waxey ku
hoos jirtaa Hooyada lugaheeda hoostooda.
Khaled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Thursday, December 07, 2000 - 08:02 am
Brothers and sisters in Islam

A. Aleikum

Inta aanan wax kale oran, dadka cusub oo aan ku jiro dhalinyarada soo dhoweysey(Farah iyo Shaqwi)waxaan ku leeyahay. "MAHADSANIDIIN".

Khalid;

Walaal aad baad ugu mahadsan tahay qisadaas cajiib-ka leh ee aad noo soo gudbisey.Asbuuciba hal taasoo kale ah hadaad noo soo gudbiso qaar naga mid ihi (aan ugu horeeyee) ayaa jeclaan lahaa.

Walaal Khalif

Sida aad sheegtayba dadka farta suubiska leh (CAPS) isticmaala waxay qoraan waa laga gudbaa inta badan. Sababtu maaha in waxa aya sheegayaan uusan khiimo iyo qaayo lahayne dadka indhahaa ku cawirma farta waaweyn. Walaaleheena kuli isku mid ma aha oo qaar ayaa dabeecadoodi bedelay. Illah baa mahad leh haddii dad wax iska maqlaaya ay weli nagu jiraan.

Jama

Walaal anigu inkasta oo aan ka cudur daartay gar-galka, haddana hadalkaaa tiri daradii ayaa waxaan jeclaan lahaa in wax ka iraahdo arinta dhextaal labadaa qof ee walaaleheen ah laakiin waxaa maqan walaasheen Nasra.

Marka waxaan, Insha Allah, sugaynaa inta ay ka soo noqoneyso. Aniguna intaas ayaan ka sii faadeeysanayaa oo sii dhuuxayaa arinta walaaleheen dhextaal :-)


KUMI, London(UK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amos

Thursday, December 07, 2000 - 12:03 pm
Dhammaantiin waad salaamantihin,aad iyo aad baan uga helay fikradaha wanaagsan ee aad halkan kusoo bandhigteen. Anigu waxan ahay 33-jir aan weli guursan oo kunool "europe" haddaba gabadhii dyaar uh in aan xiriirno (u r warmly welcom)to me:
aile70@spray.se
Haddii aan faahfahin gaaban iska biyo:
waxa soo dhamystay laba jaamacadood o kala ah
1:English language oo aan kusoo qaatay dalkeenii hooyo intaanu burburin iyo
2:MCSE(microsoft certified systems engineering oo aan dhowaan ku dhamaystay wadanka SWEDEN oon degganahay

Thanks all sis. and bros.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Thursday, December 07, 2000 - 04:10 pm
Salaama Calaykum waraxmatu-llaah wa barakaatu.
Walaalayaal waxaan idiin rajaynayaa caafimaad iyo nolol barwaaqo leh adduun iyo Aakhiroba dhamaatiin. AAAMMMIIIIIIN.!!!!!!!!!!!

Walaal KHAALID runtii aad iyo aad baad ugu mahadsantahay xadiiskii Nebewiga ahaa ee aad noo soo jeedisay ilaaheyna ajarkiisa ha ku siiyo anagana kuwii wax ku qaata alla ha naga dhigo.
Laakiin koley gabdhuhu mar walba waalidka waa idiinka jajaban yihiine wiilashana ilaahey intii waalidka u rooneyd ha sii siyaadiyo intii is yidhi waalidkii waad ka korteena ilaahey haw soo hanuuniyo AAMMIIN. LOOOOOOOOOL.

Halkan waxaan ku soo dhewaynayaa walaalkeena cusub Mr. AMOS welcome walaalo, anigoo FARAH ah iyo anigoo ka sii masuul ah walaasheen NASRA-DHAQAN oo naga yara maqan balse soo noqon doonta laba week ka dib. Waxaanuna kaa sugnaa waa fikradahaaga Saliimka ah oo aad nagu soo kordhiso.
Walaalkey MUSLIM waan ku faraxsanahay inaad tahay nin gartu gasho kana baxdo una jajaban kaftanka iyo isdhaafsiga sheekooyinka dhinac walba ha ahatee, waxaanan u arkaa inaad tahay waayo-arag qiimo leh, laakiin waxaa halkan ka cad inaad si gooniya fikrad uga haysato aragtida ARAWEELO Soomalidu ka qabto. Markaa walaal hadaan maqaladii hore ku soo sharxey oo aan weliba gartii naqey oo aan UN-GULTY kaa dhigay maxaad hadana Baalka cusub isugu furtey, oo aad dooda uga keentey? SHEEKH MUSLINOOW KASHEEKEE INAABTI. Iminka dadkii waxay u kala baxeen qaar kuu soo fekeraya, Qaar soo Rogaal celiyey baalkii ay xidheen, iyo qaar u bandhigay dadweynaha kale. Markaa sheekh Muslinow waxaan ku odhan lahaa Make the case dismiss and let's move forward!!!!!!!.
SHEEKH YUSUF IYO SHOWQI walaalayaal waxaan ku odhan lahaa bal yaynaan seef labood noqone ha loo debciyo Sheekh Muslim waxaan u malaynayaa in uu weerarkiisii hore wax ka bedeli doonee, future kana wax inagu soo biirin doono la xidhiidha bisha bareykaysan ee RABADAAN Insha-Allaah.
Marlabaad MUSLINOOW walaalo iga raali noqo hadaan markale kugu kululeeyey garta, laakiin iminka adaan kuu dhiibay taladee bal waa lagu sugayaa waxaad nagu soo kordhiso.
Waa Walaashii FARAH.
KHAYR BAAN IDIIN RAJAYNAYAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

odaywaa

Thursday, December 07, 2000 - 10:51 pm
asalaamu caleykum dhamaantiin waxey ila tahay in loo baahan yahay in la is waydaarto aqoonta la is dheer yahay marka hore waxaa qurux badan la keeno wax alla wixii dadka soo jiidan kara sida falanqayn la falanqeyo arimaha bulshada. Waxaan rabaa in la iiga jawaabo waxa qurbaha na keenay waxaan ku noolahay europa.waa iskumid meeshii la sheego,sidee dalka aan sheeganeyno oo ah soomalia aan wax ugu qaban karnaa? intaas waxaan ku arkaa intern soomali waxbaan baraney leh waxaan ula jeedaa cilmi, sidee soomalia aan nugu noqon lahayn? waxaan suaalahaas iiga jawaabi kara qof alle iyo qofkii wax igu dhaama, xeesha iyo caqliga kaa maqan waxa uu kuugu jiraa walaashaa iyo walaalkaa sidaas ayey tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf..

Friday, December 08, 2000 - 07:10 am
asalamu calykum.
bacda salaan

ilaahay hakaa jaasi siiyo khaalidow muxadarada wanagsan ee aad soo jeedisey..
waxa aan qof walba leeyahay walaalayaal waalidku waa khatar ee u noqda baariyiin ...waayo ilaahay ayaa isku xidhiidhiyey waalidka markii uu lahaa ilaahay icaabuda wuxuu raciyey u sameeya waalidka axsaan ..marka walaalayaal halaogaado waalidka hana loo ahado baariyiin ..
ilaahayna khaalid ha ka abal mariyo xusuusintaa wanagsan....
walalahayga soo biiray .. sidii horeba ay farax idiintidhi soo dhawaada..
odaywaayeel.. sxb horta waxa aad naweydiisay arin mustaqbal ah laakiin waxa fiican in laga sameeyo daraasad malugu noqonayaa dalkii iyo see loogu noqonayaa hadii uusan amaan ahayn?
marka la helo nabad taama waxa ay ila tahay in nin walba yahay geedi...
marka noqoshadeenu waa inay tahay mid faiido geysa dalkii ee aan colaad abuurin....
farax walaal ku mahadsanid soo jeedin tada horana wa kuu maqlay balse walaalkay muslin aya arintii soo celiyey.. sidaa ayaan uga daba qatay umadana u tusay inay gasho,,,
wana loo mina fadhiyaa...walaalka muslin....
waxa an walaalahay lee yahay halay cfiyo habeenada waxa an ku jirey diyaar garow safar oo casharo sooma diyaarine ..
walaalahay ayan ka su gayaa in ay ibedelaan sida khalid oo kale...
dhaman tiin rabadaan wanagsan ....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeljire

Friday, December 08, 2000 - 07:25 am
Assalaamu calaykum.

walaalayaal, waa markii iigu horeysey ee aan arkay meel aan la is ku aflagaadeyneyn, Ilaahay ha ka dhigo is barashadiina tii midho dhasa(AAMIIN).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Friday, December 08, 2000 - 05:28 pm
Brothers and Sisters in Islam;

Waxaan jeclaan lahaa inaan idiin soo gudbiyo dhacdo aan u maleynayo in aad maqasheen laakiin aan laga xiisa dhicin. Waa dhacdo ka saabsan Siddiqnimada.

Dhacdadu waa mid ku dhacday Shiikh Abdulkadir oo will yar ah safarna ku aday Baghdad si uu cilmi uga soo kororsado. Waxa la soo wariyey in Shiikh Abdulkadir markii uu anbabixi lahaa oo gurigooda ka tegayey hooyadii 80 dirhan oo dahab ah ku toshay jaakadiisa gacanteeda dhinaca kilkisha xiga si uu jicsin uga sii dhigto waqtiga adag ee ku soo gudboona isaga celiyo.

Lacgata waxay ahayd, sida la yiri, qaybtii uu ku lahaa dhaxal aabhiis ka tegey. Markuu hooyadii sii macasalaameeynayey ayey talo ku siisay inuusan been sheegin wax kasta oo ku dhaca.
Shiikha oo inan ama will yar ahaa waxa uu balan ku qaaday inuu talada hoyadiis madaxa ku hayo mar kasta.

Safarkii uu la socdey markii uu gaaray magaalo la yiraahdo Hamadan ayaa waxay la kulmeen tuugada jidadka istaga. Tuugadii ayaa dhac iyo boob ku bilaabay dadkii laakiin intay boobka wadeen oo hore indhahoodu ma dareemin wiilka yar ee meesha iska taagan. Sababta aysan u dareemina waxay keentay faqiirnimada iyo dactirnimada ka muuqatay wiilka.

Mid tuugada ka mid ahaa ayaa iska weydiiyey inuu lacag sito ileyn waa meel waxi ka soo socdaane. Abdulkadir oo xasuusta taladii hoyadiis ayaa isla markiiba ku jaabay, "haa, waxaa hooyaday jaakadeyda gacanteeda ku soo toshay 80 dirhan oo dahaba". Tuugadii ayaa arintaasi yaab aan la qiyaasi karin u keentay. Waligood qalbigooda kuma soo dhicin in qof sidaa u run badani aduunka ku nool yahay.

Isla markiiba waxay wiilkii u geeyeen ninkii madaxda u ahaa kaasoo su'aashii tuugadii hore ku celiyey. Abdulkadir-na sidii u markii hore ku jawaabey ayuu mar labaad ku jawaabey. Hogaamiyihii tuugada ayaa amar ku bixiyey in jaakada meesha uu sheegayo laga furo. Markii la fureyna waxaa ka soo baxay 80-kii dirhan ee dahabka ahaa siddii Abdulkadir uu u sheegay.

Tuugada taliyahooda ayaa amankaaga kii ugu weynaa ku dhacay. Waxa uu willkii yaraa weydiiyey waxa salka u ah, kuna kalifay sheekadan cajiibka leh inuu sheego. Shiikhu waxa uu taliyihii tuugada u wariyey isaga iyo hooyadiis wixii dhex maray(taadii hooyaii iyo balantii uu ka sooqaaday).

Waxa uu intaa ku sii daray in haddii uu been sheego lugta safrkiisa ugu horeysa(first stage of his joorney)ee diin kororsiga ah inuusan aqoon diineed oo run ah heli doonin marka uu Baghdad tago ama qaybaha danbe ee safarkiisa.

Markii uu intaas maqlay tuugii weynaa ayuu oohin ku dhuftay, lugaha shiikha qabsaday, Illah-na danbi dhaaf weydiistey. Waxa ay daka qaar soo weriyeen inuu tugii weynaa noqday ardaygii ugu horeeyey ee shiikhu yeesho. Allah knows the best.

KUMI, London(UK)

PS: Walaalyaal waxaa sheekadaa ka soo xaday buuga la yiraahdo Futuh Al-Ghaib:-) Anigaa soo turjumey, khalad haddii aad ku aragtaana anigaa iska leh ee maaha mid shiikhu ama dadkii noo soo gudbiyey sheekada leeyihiin.

A. Aleikum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Friday, December 08, 2000 - 05:55 pm
Walaalayaal

Amos, Geeljire iyo odaywaa waxaan idin leeyahay soo dhowaada oo waxaad na dheertihiin noo soo gudbiya fadlan. Odaywaa waxaan si gaar ah u oran lahaa, walaaloow ha na dejijin:-)

Wadankeena waan wada dooneynaa inaan ku noqono...laakiin sidii aan ugu noqon lahayn Ilaahayoow ha ka dhigin sidii aan ugu soo baxnay. Midda wax qabadka waxaan oran lahaa waa mid la arki karo marka bulshada oo dhami u hiiloon tahay wadanka.

Si kale haddii aan u iraahdo, hal qof wixii uu wadan u taro badanaa lama arko ee waxaa la arkaa wixii dadweynaha oo dhami wadanka u taraan. Isku dardarka (aggregate-ka) wax tarka bulshada oo dhan ayaa muuqda muhiimna ah. Dhinacayga waa ka wadaaye, Odaywaayoow dhicaaga ka wad. Mar labaadna soo dhowaada.

KUMI, London(UK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf..

Saturday, December 09, 2000 - 06:54 am
ASALAMU CALAYKUM..
WALAALKAY KUM WAXA AN LEE YAHAY ILAHAY HAKA ABALMARIYO QISADA WAAYO RUNTU WAA WAXA KELIYA EE QOFKA LOOGA BAAHAN YAHAY IN UU KUNOOLAADO..
waxa aan le yahay illahay haynaga dhigo kuwii ahada run sheegayaal.. kuna dhaqma diintooda wanaagsan...aamin....aamin..
walaalhayga cusub ee roomka soo aaday waxa an leeyahay sidii horeyba laydiin yidhi so dhawada..
waxa an idinka sugayna wixii talo iyo tusale ah ee ku jira maskaxdiina...
waxa an ka cudur daaranaya anigooaan soo diyaarinwax casharo ah maalmahan sababtuna waxa aan gelaya safar, oo waxa anka guuraya meeshii aan degana magaalo kale ayaan uguuraya ,,
marka raali halayga noqdo waxa an leeyahay ha noqoto meeshu meel ikhyareed isusoo noqod wanaagsan....
ilaahay diinta hayna tuso hana inagu hanuuniyo..
aamin...aamin..
aslaamu calaykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Monday, December 11, 2000 - 05:33 am
Aslaama calaykum waraxmatu laahi wa barakaatu.
Bacda salaan walaalayaal waxaan idiin rajaynayaa caafimaad iyo cibaado suuban, AAMIIN.
GEELJIRE iyo ODEYWAA waxaan idin leeyahay sidii walaaladeydii iga horeeyey idiin soo dhoweeyeen ku soo dhowaada BAHDAN BARAKEYSAN ee khayrka isku raacdey, waxaanan rajaynayaa inaad khayrka wax ku soo darsataan haddii alla idmo.

Walaal KUMI aad iyo aad baad ugu mahasantahay qisadii aad noo soo jeedisey ee ku salaysneyd RUNTA waayo waxay kamid tahay Diinteena inaad run sheegto waayo nabigeenii (C.S.W.) ayaa yidhi "QULUL XAQ WALOW KAANA MURRAN) "runta sheega xitaa haday dacar ka qaraaraato, taas oo micnaheedu yahay xitaa haddii qoorta lagaa goynayo runta sheeg. Markaa walaal ilaahey haynaga dhigo kuwii ku waano qaata oo ku dhaqma runta. AAMMIIN.
Inkastoo soomaalidu ay caadeysatey maahmaah aan sii fogayn oo leh " RUN SHEEG WAA BELO SHEEG"
taas oo macnaha ka dambeeya ay tahay in ay wax asturaan, laakiin ay xagga diinta dhibaato uga imanayso, markaa walaal waxaan rajaynayaa in ilaahey inaga dhigo kuwii runta ku dhaqma midhaheedana gurta sida Sheekh Abdulqaadir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Monday, December 11, 2000 - 08:37 pm
Dear Brother&Sisters, Salama Alaykum

Bacda intaana waxaan jecelahay inaan halkan idinku soo gudbiyo:

"Suspicion,Eavesdropping and Backbiting"

In its call for the respect of others,The Koran says:<<O ye who believe! Avoid suspicion as much as possible,for suspicion in some cases is a sin; and spy not on each other,nor backbite one another.Would any of you like to eat the flesh of his dead brother? Ye abhor that,(so abhor the other)! and fear God(Allah)for God(Allah)is Oft-Forgiving,Most Merciful>>[xlix:12].

God(Allah)forbids suspicion against those known for their righteousness and honesty,as it leads to their humiliation and harm,and considers that<<suspicion in some cases is a sin.>>however, suspicion may be applied to those who willfully practise wicked deeds.

God(Allah)prohibits act of eavesdropping against believers and exposing their secrets,for this tends to interfere illegally with others'affairs and result only in rancour.

The prohibition,however,does not include the secret agents(al-mukhabarad)a goverment commissions to trace up the steps of people of corruption;the purpose of divine prevention here is only against that which arouses enmity and discord among people.

Islam makes people withhold from backbiting,by condemning the backbiter as one who eats the flesh of his dead brother.
The Koran explains that if believers abhor eating the flesh of a dead brother,they should also abhor speaking ill of him in the back.The case of wicked,however,can be made known in public if the aim was to notify people of such acts and warn them againts his type of conduct.
Asalama Alaykum Warahmatu-laahi wabarakat.:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Tuesday, December 12, 2000 - 12:31 am
Dear Bro.&Sis. Salam Alaykum dhamaanba,

Waxaan jeclaysatay inaan halkan ka yara hadlo beenta,anigoo sii daba galaya walaashay Ifrah hadalkeedii:)


'''LYING'''
Lying is the origin of all vices,with which the social frame cracks,the current of affairs is confused,and through which the liar loses his prestige among people,who no longer believe him or trust his conduct. :(
People need the confidence of others.Dishonety and lying uproot this confidence,and that is why,concerning liars,God(Allah)says:<<God(Allah)guideth not one who transgresseth and lieth>>[xl:28]:(.<<God(Allah)guideth not such as are false and ungrateful>>[xxxix:3]:(.
God(Allah) threatens liars with grievous Penalty on the Day of account:({ilaahay maalinataa noo fududee xisaabtayada...aamiin:)}:<<say not,concerning any false thing that your tongues may put forth:(<<This is lawful,and this is forbidden,>>:(so as to ascribe false things to God(Allah),for those who ascribe false things to God(Allah),will never prosper.:((In such falsehood)is but a paltry profit,and theirs will be a grievous Penalty>>[xvi:16-17]:({Ilaahayow naga dhig kuwo markasta runta ku hadla....aamiin}.:)

Lying is not always bad,to be sure;there are times when telling a lie is more profitable and better for general welfare,and for the settlement of concilition among people,than telling the truth.To this effect,the Prophet(scw)says:<<He is not a false person who settles conciliation among people,supports good or says what is good>>{tasina waa inay ahaataa wax dhab ah}.:)

A. ""Disloyalty"":(

This is the most wicked type of falsehood,the harm of which spreads directly to the rest of people in a community.When it spreads in a nation,it becomes a portent of ruin and confusion.That's why God(Allah)forbids people from committing acts of disloyalty,saying:<<O ye that believe!Betray not the trust of God(Allah)and His Apostle,nor misappropriate knowingly things entrusted to you>>[viii:28]:(.<<God(Allah)loveth not one who is treacherous and sinful>>[iv:107].:(
Consequently,those who work for establishment of a well-grounded society,had better direct their efforts toward fighting this vice.

B. ""The Breaking of Promises"":(

This is another hateful type of falsehood which roots love out of people's hearts,causes needless waste of time for others,and leaves them with false hopes and promises.That is why the Prophet(scw)describes the breaking of promises as a stigma oh hypocrites,saying<<A hypocrite has three traits:when he talks he tells lies;when he makes a promise he breaks it;and if something is entrusted to him he betrays the trust>>.:({ilaahayow hanag dhigin kaa nabigu sheegay...aamiin}:)

C. ""False Testimony"":(

It is falsehood that leads to ugly social evils and dangerous troubles that may put an end to the lives of people and lead to the loss of rights and spread of confusion.That is why Islam compares the sin of false testimony to the sin of polytheism,the worst in Islam.God(Allah)says:<<Shun the abomination of idols,and shun the word that false>>[xxii:30]:(.God(Allah)describes His beloved worshippers as being<<those who witness no falsehood>>[xxv:72]:).{ilaahay ha inaga dhigo kuwo mar kasta xaqa ilahay u tagan oo runta ku hadla... aamiin}:)

D. ""False Accusation"":(

This is another form of falsehood that Islam forbids.By false accusation is meant the defamation of the honour and deeds of people,which often causes many harmful repercussions and misfortunes.:(God(Allah)warns against it,saying:<<O ye who believe!if a wicked person cometh to you with any news,ascertain the truth,lest ye harm people unwittingly,and afterward become full of repentance for what ye have done>>[xlix:6]:(.{Ilaahayow xaqa dhankiisa noo badi markasta,bani'adan ayaanu nahee....amiin}:)

E. ""Calumny"":(

It is a falsehood which indicates that the calumnist has a sick spirit whose main intrest lies in seeing people engage in enmity and dispute.The most effective weapon to use against such a person is simply to ignore him and not to listen to him.God(Allah)says:<<Heed not the type of despicable man,ready with oaths,a slander,going about with calumnies>>[lxviii:10-11]:(.{ilaahayow mar kasta wanaaga na garansiin...amiin}:)

Salama Alaukum Warahmatulahi Wabarakaatu...:)


PS. qaarkiin waxaa laga yaabaa inaanay fahmin markaa raali ha layga ahaado inaan English aa idinku qoro,tan kale numbarada iyo xarfaha qoyska ku jiraa waxay u taagan yihiin aayada quraanka numberkeeda,markaa qofkii haysta Kitaab isku turjumaya English&Carabi aad ayay easy ugu tahay sidaad u heshid aayadaha quraanka ah.
Walaalayaal meelaha aan calaamadaha idinku sameeyey bal eega ilaahay aayadihiisa Quraanka siduu uga hadlay,beenta umadeeninu caadi ayay ka dhigatay,xitaa maahmaah ayay ula baxeen"BEEN KU SOO XERO GELI,RUNA KULA DHAQAN",ilaahay ma banayn mana ogola,ilaahay runta ku hadal ayuu ku yiri oo isu sheega,dadkeenuna qof walbaa waa ogyahay xaaladooda,markaa baadi ayaynu nahee ilaahay dariiqa wanaagasan ha ina garansiiyo...aamiin:).
Beenawaasnimadii ayaa ila dheraate,raali iga ahaada inaan soo koobo ayaan doonayee,haday idinku dheeraato,aqriskeedu...lool:)(kolay inaan wax qoro waan jeclahee intaan micno la'aan isga fadhin lahaa aan idin soo bandhigo wixii aan hayo ama aan aqristay,ama is oo galay):)
To Jamac Yusuf..walaal ilaahay ha kuu dhib yareeyo safarkaaga.
Walalahayga kale ee ku soo biirayna waxaan leeyahay soo dhawaada{Odaywaa iyo Geeljirre}. Waa walaalkiin Shawqi oo idin leh dhamanaaba meel walba oo aad joogtaan..Cibaadada ha la badsado bishaa Ramadaan...Quraankana ha la aqristo si xoog ah...Ilaahayna khayrkeeda ha ina siiyo dhamanaanteenba...aamiin.:)

Salama Aalaykum:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Tuesday, December 12, 2000 - 10:36 am
Salama calaykum waraxmatu-laahi wa barakaatu.

walaalayaal aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin sida sharafta leh maalinba maalinta ka dambeysa aad khayrka inoogu falaysaan, waxaan ilaahay ka baryaynaa kuwii midhaheeda gurta alla haynaga dhigo AAMMIIN.
Waxaan ku faraxsanahay in maalinba maalinta ka dambeysa sheekhyadu inoo soo badanayaan, SHEEKH SHOWQIYOOW waad ku mahadsantahay casharkii diiniga ahaa ee aad noo soo diyaarisay adigana ajarkeeda alla ha ku siiyo aamiin.
Walaalahayga kalena waxaan idiin rajaynayaa inaad qaybtiina ka soo qaadan doontaa khayrkan aan ilaahay dartii u samaysanayno.ISHA-ALLAAH.
WAA WALAASHIIN FIL-ISLAAM FARAH!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Wednesday, December 13, 2000 - 02:00 am
A. Aleikum

Walaal Jama guuritaanka Illaah hakuu fududeeyo. Waxaan ogahay in markaad guri ka guureeysid oo guri kale oo isla magaalada ah u guureysid aad u adagtahay. Marka magaalo ka guur oo magaalo kale uu guurna waaba ka sii dhib badan tahay sideey ila tahay.

Farah

Maahmaah ayaad ku dartay intii yarayd ee aan horey u aqiin. "Run Sheeg waa Belo sheeg" weligeey ma maqal! Sideed sano oo aan Somaali baranaayey wax aanan baran ayaan maanta bartay. Ileey waxbarasho ma dhamaato:-)


Shawqi

PS-kaagu isaguna waxa uu ahaa kii ugu tira badnaa ee aan akhriyo intaan wax akhrinayey! Kaftanka marakaan dhinac u bayrino ka dib...walaal khayr Ingiriis, Arabic ama Somali ha qornaado'e waa khayr....waana loo baahan yahay. Mahadsanid.

KUMI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Friday, December 15, 2000 - 03:55 am
Dear Bro and Sis, Asalama Allaykum

Bacda intaa walaal Farah waad mahadsan tahay,ilaahayna ha inag dhigo dhamaanteenba kuwo ku manaafacadsada.....aamiin:)
Kumi sxb mahadsanid,waxaadna ii sheegtay inaad jeceshahay wax aqriska,halkaana ka sii wad.lool:).
Walaalayaal waxaa la soo gaaray Ramadan tobankii ugu danbeeya ee uu Ilaahay Subxaana Wata-Caallaa ku sheegay Quraankiisa Kariimka(suratul Qadr ama Majesty),markaa walaalayaal waxaan idin leeyahay,ha la badsado cibaaddada Ilaahay,hana la akhriyo Quraanka aadna ha loo ducaysto,hana loo shaqysto aakhiro,nafta goor ay inaga bixi la garan maayee,markaa waxaan jeclahay inan halkan idinku soo bandhig Ilaahay kalamkiisii uu noogu sheegay Qadr ama qofba si uu u garanayo Majesty:

In the name of Allah,the Beneficent,the Merciful.

1.Surely We revealed it on the grand night.
2.And what will make you comprehend what the grand night is?
3.The grand night is better than a thousand months.
The angels and Gibreel descend in it by the permission of their Lord for every affair,
5.Peace! it is till the break of the morning

Markaa walaalayaal cibaaddada Ilaahay yaan la ilaabin,kuna dheeran maayee sxb Kumi aqrintaydu yaanau ku dheeraanee.....lol:).
Asalaama Allaykum
Brother in Islam
Shawqi:).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Friday, December 15, 2000 - 08:42 am
Dear Brother and Sister,Asalama Allaykum

Bacda intaa waxaan rabaa inaan halkan wax yar ka taabso salaada:


""PRAYERS"

Linguistically,prayer is an appeal we perform to gain God's(Allah)favour,entreat forgiveness for misdeed we have commited,express gratitude for a grace bestowed upon us,ward off a possible calamity,and perform a religious duty.
It is also a show of need and want for God(Allah)by word and deed.God(Allah)enjoined prayer on His worshippers to remind them of His Commandments,and to help them lessen the hardships and misfortunes they face in everyday life.Also among its objectives is the expression of praise to and glorification of God(Allah)
Asalama Allaykum,
Brother in Islam,
Shawqi:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Friday, December 15, 2000 - 09:11 am
Dear Brother and Sister,Asalama Alaykum

Walaal waxan rabaa inaan ka yara hadlo salada Jimcaha:


""The Friday Prayer""

The friday prayer is required of all Moslems,and ,combining two Rak'ahs like the Morning prayer,it is performed in congregation every Friday noon at the mosque.God(Allah)says:<<O ye who believe!when the call is proclaimed to prayer on Friday(the Day of Assembly),hasten earnestly to the Remembrance of God(Allah),and leave off business(and traficc).that is best for you if ye but knew>>[lxii:9].

The Friday prayer is an obligation for all resident Moslems who are of age and are capable of performing it.But it is not due on women,infants,travellers,the sick who fear the increase of malady if they go to the mosque,and the blind who have no one to take them there.
There is leniency in cases of an excuse,like heavy rain,biting cold and burning heat.Similarly it is not an obligation for the state employees whose absence from work causes public harm,like those in charge of wireless communications,radar engineers,and those who guide airplanes at the airport.As for those who miss the performance of the Friday prayer in congregation at the mosque,they have to perform four Rak'ahs instead,as if it were a daily Noon prayer.

Asalama Allaykum
Brother in Islam
Shawqi:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Saturday, December 16, 2000 - 04:17 am
salaama calaykum waraxmatu-allaah wabarakaato.

Walaal SHEEKH SHOWQI ilaahey ha kaa abaalmariyo xadiisyadii kala duwanaa ee aad noo soo bandhigtey anagana kuwii wax ku qaata alla hanaga dhigo AAMMIIN INSHA-ALLAAH.

Walaal KUMI bacda salaan, waan akhristey maqaalkii u dambeeyey ee aad soo qortey waxaad tidhi 8 sano ayaan soomaliga baranayey, waxaan ku weydiiyey miyaadan soomaaliya ku korin? mise qurbaha ayaad ku dhalatey? hadey arintu sidaa tahay ha ka werwerin anaa kaa haqabtiraya maah maah iyo suugaan soomaaliyeed oo aad u baahato, just ask LOOOOOOOOOOOOL.
Waxaan rajaynayaa in SHEEKH YUSUF degay iminka waxaan miss garaynay xadiisyadiisii joogtada ahaa, Walaal SHEEKH YUSUF khayr baan kuu rajaynayaa adiga inta kula noolba.
Waxaan kaloo miss gareeyey walaasheen NASRA-DHAQAN oo waddankeenii Booqasho gaaban ku gaadhey
iyadana waxaan leeyahay soo noqo adoo nabada walaalo NASRA.
Walaalkeen MUSLIM iyo KHAALID, iyo DHALINTII cusbayd Xagey ka dhaceen Ma rabadaantii Baa ka Adkaatey, LOOOOOOOOOOL.
intaasi waa kaftan.
KHAYR BAAN IDIIN RAJAYNAYAA DHAMAANTIN.
WAA WALAASHIIN FIL-ISLAAM FARAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaled bin waliid

Saturday, December 16, 2000 - 06:27 am
DUMARKA HA LOO NAXARIISTO.

walaalayaal Ila aqrista dhacdooyinkan
ku saabsan dumarka.

"Cumar binu khadhaab ayaa maalin Isaga iyo
xaaskiisa Hadal Isdhaafsadey oo markaa Cumar
Yiri ma anigaa Igu hadal Celinaysaa,waxey
ugu jawaabtey "mid adiga kaa kheyr badan
baa lagu hadal Celiyaa" Cumar warkaa aad buu
ula yaabey wuxuuna weydiiyey yaad ula jeedaa
midka iga kheyrka badan,waxeyse ugu jawaabtey
Rasuulkii Illaah NNKH.
Cumar Intaas markuu Maqlay debada ayuu u kacey
wuxuuna Tagey Rasuulka gurigiisa,Markii uu albaabka Soo galey wuxuu la kulmay Rasuulka
oo xaaskiisa Xabadka ka garaaceyso oo khamiiskiisi
kuleetiga ugu dhegantahay Rasuulka waxaa ka muuqda
naxariis iyo dhoola cadeyn markii uu arkey Cumar
arintaa aad ayuu ula yaabey Rasuulkana wuxuu ku
Yiri Isagoo dhoola cadeynaya Cumarow Ma Intaan
baad la yaaban Tahay Runtii Intaan Iyo Inka badan
bay Igu Sameeyaan xaasaskeyga,Cumar Isagoo Qanacsan ayuu Irida ka degay,...
ABii bakar ayaa Isna Mar soo galay gurigii
Rasuulka wuxuu Arkey Rasuulka iyo xaaskiisa
Caa'isha oo ah abii bakar gabadhiisa oo Isla
murmaya oo weliba Caa'ish si kur ah u qeylinaysa
Rasuulka Markii uu arkey Abii bakar Ayuu
xaaskiisa Caa'isha ku yiri "ma qanacdaa In aabahaa
abii bakar aan u bandhigno Arinta na dhextaala"
Caa'isha waxey tiri haa ee Adiga biloow oo
wax aan xaq aheyn ama run ahayn ha ku hadlin'
Hadalkaa ay Caa'isha Tiri waa hadal aan u kulul
oo aysan ka fiirsan Maxaa yeelay Rasuulka wax
xaq ah mooyee wax kale kuma hadlo, Caa'isha
way Caraysneed hadalkaa markey oraneysay,
Abii bakar Caa'isha hadalkeeda aad ayuu ugu
kulalaadey durbadiina dherbaaxo Kulul Ku dhiftey
Caa'isha "oo yiri Miyaadan Ogeyn In rasuulka
wax xaq ah mooyee wax kale ku hadlin.
Caa'isha waxey ku Carartey rasuulka gadaashiisi
oo dhabarkiisi isku qarisay ,Taas waxaan ka
arkeynaa In Caa'isha Naxariis wayn ka helaysay
Rasuulka ,Rasuulka NNKH wuxuu yiri Abii bakarow
Sidan In aad Sameyso Kugumaan yeeran oo Oradoo
gurigaada Iska aad.
Abii bakar In mudo markii uu gurigiisa joogey
ayuu ku soo laabtey si uu ogaado Arinta halka
ay mareyso oo rasuulkana soo raali galiyo.
Abii bakar Markii UU guriga Rasuulka NNKH soo
galey buu wuxuu arkey Caa'isha Iyo Rasuurka oo
Isla Cayaarayaan OO ka muuqada dhoola cadeyn
iyo Farxad Abii bakar dib ayuu u Noqday oo
gurigiisa Isaga Laabtey.

Ugu danbeyntii dumarka Ha loo naxariisto
Mar waa Hooyo waan Ogsoonahay Xanuunka
ay I noo soo mareen.
mar waa ay nala dhasheen oo qof kasta wuu
ogsoonyahay sida ay u naxariis badan yihiin
oo maskiin u yihiin.
marna waa xaaskaada oo waxey kaaga Timid
gurigii ay ku dhalatey kuna soo barbaartey
oo ay Mas'uuliyadaada soo hoos gashey,
waxay Tabanaydaa In aad Sidii Hooyadeeda
oo kale In aad ugu naxariistid OO sidii
aabe oo kale Ugu shafeecdid.

Iga raali ahaada hadii aan Idinku dheereeyey
Walaalkiina Khaled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Saturday, December 16, 2000 - 11:13 am
Salaama Calaykum waraxmatu allah.
Walaal KHAALID jazaakalaah khayr, waanad ku mahadsantahay sidaad u noogu soo jeedisay qisadan qiimaha leh, Waxaanan Rajaynayaa inaad ku dhaqantaan hadaad Ragga soomaaliyeed tihin, waayo waxaan ogahay Dumarku waa masaakiin hadaad u naxariisato wanaag bay kuugu bedelayaan waayo waanu idinka calool jilicsanahay xumaantana ma qaadanno, markaa waxaan ilaahey idiinka baryayaa haddaad tihiin ragga soomaaliyeed inaad dumarkiina kula dhaqantaan dariiqa toosan ee diinteena muqadaska ahi sheegtay, Anaguna wanaag baanu idiinku bedelaynaa.
Marlabaad Walaal KHAALID ilaahey ha kaa jazaa'i siiyo AAMMIIN
WALAASHAA FIL-ISLAAM FARAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Saturday, December 16, 2000 - 09:29 pm
Dear Brother and Sister,Salaam Alaykum

Khalid waad mahadsan tahay walaal.
Farah adna walaal aad iyo aad ayaad umahadsan tahay.

Asalama Alaykum
Brother in Islam
Shawqi:)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Monday, December 18, 2000 - 03:06 am
asalaamu calaykum..
bacda salaan
waxa an dhamaantiin idiin ilaahay idiinka baryaya in aad kunoolaataan diinta rabi ..
walaalayaal raali halayga noqdo waxa aan ka guuray magaaladii aan joogay waxa an u guuray oslo marka intii aan magaalada baranayeey ayaa igu qaadatay mudo .. markaa hadii ala idmo waynu kala warqaadan..
ilaahayna diinta hayna waa fajiyo..
kuligiin . waxa aan idin leeyahay ku noolaada diinta rabi..
walaal farax ilaahay ha ku dhawro sida wanaagsan ee aad eeee aad ii sharaftay ala ha kuu sharfo..
rabadaan wanaagsan

aslaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnukhalif

Tuesday, December 19, 2000 - 11:04 am
Assalaamu caleykum...

Mar kale iyo aniga oo idin salaamaya dhamaantiin.
waxkale oo aan sheego mahayo.

Dhammaan ciid wanaagsan.

Assalaamu caleykum...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf

Friday, December 22, 2000 - 12:41 am
asalaamu calaykum..
dhamaan ciid wanagsan hana laga faaiidaysto maalma laytul khadarka waa lagu jiraaye nebiguna c.s.w. waxa uu yidhi halaga raadiyo maalmaha 25 27, 29 waa maalmaha witirka marka yaanay idin dhaafin ee habeenada nooleeya oo quraan akhris iyo sadaqo badiya .. mana ah sida somalidu tiraahdo oo ah in qofkuu imaanayo balse waa wixii ilah kula damco marka ka faa iidaysta habeenada -...
raalina halayga noqdo muxaadarada iga kala go,day..
ciid wanagsan ku ciida ..
iyo isu soo noqod wanaagsan-----

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Friday, December 22, 2000 - 01:41 pm
Jama...Salaanta Islamka ka dib walaal waa lagu tebeye dib ugu soo dhowoow golaha. Waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo Oslo..magaalooyinka waaweyna waa laga deriyey ee sharkooda Allah dhinac ha kaa mariyo! Shawqi iyo Khalid...casharada aad noo tebiseen waa ku mahadsan tihiin...runtii waaa wax aan aad ugu baahneyn.

Farah

Walaal somalia waan ku koray laakiin 8 sano oo keliya ayaan Iskuul Somaali ah dhigtay ka dibna, ma saaqidine, Iskuul English ah ayaan waxbarasha dugsiga sare ku sii watay. Si kastaba ha ahaatee, siddeed sano waxaan u maleeynayey inay igu filneeyd oo aan Somaliga dhameeyey. Hadda waxay u egtahay inaysan fariba ka qodneeyn!! Waxaad igu dhaantid igu soo tuur walaal..

KUMI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Saturday, December 23, 2000 - 08:48 am
Salaama calaykum waraxmatu laah.
CIIIIIIIIIID WANAAAAAAAAAAAGSAN DHAMAAAAAAAAANTIIN
Walaalayaal rabadaan dhamaatey si sharaflehna weynu u wadacney, ilaaheyna khayrkeeda iyo faa'iidadeeda baanka aakhiro haynoogu shubo AAMIIN
Walaal JAMA, SHOWQI,KUMI,KHAALID,BIN KHALIIFA iyo inta aanan iminka xusuusneyn ee xadiisyada qiimaha lahaa inoo soo jeedisay ilaahay iyagana baanankooda aakhiro haw buuxiyo AAMMIIN.
Intayadii wax ku qaadateyna anagana ilaahey hannoo buuxiyo baankayaga.
Walaalayaal waxaan rajaynayaa inaan la caajisin ee halkaa laga sii qaadao geediga, haday tahay xagga diinta, xaga wax isweydaarsiga, iyo xagga isbarasha walaalnimoba.

hey!! Ducadiinii aad tidhaahdeen ilaahey ha kuu fududeeyo Imtixaanka ilaahey waa aqbalay, because waxaan ku gubay "A GRADE" waanad ku mahadsantihiin.
Marlabaad CIID WANAAGSAN.
WAA FARAX OO IDIN LEH CIID MUBAARAK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Wednesday, December 27, 2000 - 03:12 am
CIIIIIIIIIDDDDD WAAAAANNNAAAAAGGGSSSAAAAANNN!!:)

**** EID MUBARAK ***

Asalama Alaykum waraxmatulah
Farah inaabti waad mahadsan tahay.:)
dhamaanba inta kale Kumi,Jamac Yusuf,Bin- Khalifa,Nasro-dhaqan iyo Farahba ku ciidda ciid wanaagsan meel kasta oo aad joogtaan.

Khayr ayaan isku ognahay..:):)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Wednesday, December 27, 2000 - 11:52 am
CIIDA CIIDA CIIDWANAAGSAN CIIIIIDAAAA!!!!!
ALAMAANTA AYAANTA IYO CIIDDA WANAAGSAN ILAAHII INA SIIYEYEY ISAGAA KU ABAALEH!!!!!!!!!!!!!!!!!!
Walaalayaal igula ccida ciid wanaagsan dhammaatiinba iyo ummadda soomaaliyeed iyo ummadaha muslimka ah meel walba oo ay joogaanba.
Walaal Showqi aad baad u mahadsantahay sida aad noo xustey dhammaantayo waanuna kaa guddooney anigoo ku hadlaya codka walaashey NASRA OO NAGA YARA MAQAN, iyo wiilasheena kaleba dhammaan ciidda ciideeda waxaan idin leeyahay caafimaad iyo barwaaqo ku gaadha, iyo inta SINGLE ka ah oo riyadooda hela LOOOOOOOOOOL.

CIIIIIID WANAAGSAN MARLABAAD!!!
WAA WALAASHIIN FARAH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Thursday, December 28, 2000 - 06:05 am
Ciid Wanaagsan dhammaantiin.........

Anigoo aanay aflagaaddo iga ahayn horta qoladiinnan halkan isugu timi waxay ahayd inaad la-baxdaan "Dhalinyaro cuslaatay":-), sababtuna tahay "Soddon-dhaafe iyo soddon-dhaafto" sidoodaba waxay hidde u leeyihiin waa:-

Sebi qaylo la-yuusa
Soddoh buuqa-taqaanna
Soddog baahiyi-haysoo
Soo-dirayda yaqaanna

Mid seygii ka xumaadoo
Intuu jaad ku sawaabay
Saqda soo hoyanaayoo
Haddii ay wax su'aashana
Sarwaan uun la-kacaaya

Mid tiisii sumbo caalle
La-saluugo ahaatoo
Hadduu soor uga baahdo
Ama saa hadda maaha
Reerka saaka u kaadi
Sarbeebtaa uba taabto
Saraakiisha bilayskiyo
Saancad uun ugu yeedha

Intaasoon isa-saaray
Iyo saayid i dhaafoo
Hadda aanan saxaynoo
Gabaygayga ka siibtay
Soddonkaa lagu gaadhay'''

Su'aal aan ku dhammeeyee
Safkiinnaa wada shawree
Sahalow dhallintii iyo
Suubban oo dhan fogeeyay
Sir baa meesha ku aasanoo
Sidrigiinna hugmaaya
Sanqadhaa ka baxaysa
Sahwi baan ka dareemee
Inta aan suntu gaadhin
Sambabkaa dugsanaaya
Ama seedaha qaarba
Sarin oo ku foogaanin
Dhakhtarraydin sancaynoo
Sayniskaydin dawayne
Barbaareey runta saafa
Saas-na wayga dardaaran
Soojireen hadalkii-iyo
Saaxiib weyn taladiiye
Wa-salaamu-calaykum....

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra_dhaqan

Friday, December 29, 2000 - 09:23 am
Ku: Dhammaan asxaabtayda halkan aannu ku bahownay

Ciid wanaagsan dhammaantiin, wiil iyo gabadh, oday iyo islaan, waxaan idinleeyahay soo noqod wanaagsan. Waxaan kasoo laabtay dalkii hooyo, Somaliland, magaaladii Hargeysa caddey.

Dalkii wuu fiicnaa intaan gaadhay, dadkiina wuu wanaagsanaa, dhibaatada xoolaha la-joojiyay ayuun baa dhankii dhaqaalaha aad ugu cuslayd, imikase waxay wararku sheegayaan in xooluhu la-fasaxayay.

Sida kale I miss you all, waana idiin ducaynayaa anigoo aan magacyadiinna halhal usoo koobayn intaasoo aan midkiin halmaamo.....

Ugu dambayn waa sidee ninkan heesta dheer inoo tiriyay maxaad inooga dhicinweydeen ee weliba magaciisiina kusoo qotomiyay???

Marlabaad ciid wanaagsan....

Nasra_dhaqan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Friday, December 29, 2000 - 11:27 am
Ciid Mubarak Dhamaantiin

Sahra...Waxaan u maleynayaa in dad badani kuu xiiseen. Ma British Somaliland oo keliya ayaad tagtay? Italian Somaliland ma soo martay walaal?Abdulahi Cawad Cige....war ma ninkii reer British Somaliland ee soc.culture.so nagu wareerin jirey baa??Farahaaga waa la hayaa saaxiib@@@@LOL

Ciid wanaagsan mar labaad

KUMI


PS...Imtixaan ayaan gelayaa 8-da Jan Insha Allah, marka xogaa waan maqnaan doonaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Sunday, December 31, 2000 - 06:34 am
TO: NASRA-DHAQAN soo noqosho wanaagsan adoo nabada,alaylahee soo noqotay,warkuna na gaadh,ee muuqaal ma ka sidaa,maqalka muuqaal ayaa ka yara fiicnaayee ishu kaas ayay ka bogan kartaaye....lol:).

TO: Farah oo inaabti shaw xagga heesahana waad ku dheraysaa:O,hmmmm talow cod macan ma leedahay aan mid kuu soo curiyee...lol:).

TO: Cabdillahi Cawad Cige, horta ku soo dhawoow gogoshayadan,tixdii sida xagaaga aad nagu sii daysayna waxaan u malaynayaa waa la wada fahmay,markaa ku soo dhawoow ardaagayagan aan ku cawayno aniga iyo asxaabtayduba,waana loo baahnaa xagga murti:O,wadaadadii waynu haynaaye...lol:).

TO: Kumi sxb waxaan ku leeyahay ilaahay ha kuu fududeeyo imtixaanaka ee lakiin bal adna dadaal sida Farah aad A keentidee:O....lol.
Nasrana waxay u malaynayaa xaafadoodii ayuunbay yara gaadhay,taasna anagaa ku haysanoo leh anagana xaafadayadii ma soo martay....lol :).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Sunday, December 31, 2000 - 08:40 am
Salaama Calaykum waraxmatullaah wabarakaato.
HAPPY NEW YEAR! HAPPY NEW YEAR! HAPPY NEW YEAR!!!
Ilaahey waxaan ka rajaynayaa in sannadkii hore HARRAATIDIISA inaga duwo ka cusubna HIRDIDIISA. AAAAAAAAAAAAMMMMMMMMIIIIIIIIN.
TO: NASRO-DHAQAN
Walaal Nasra welcome back baan ku leenahay dhammaantayo haddanu nahay bahda aad khayrka ku walaalowdeen waanuna ku faraxsanahay inaad waddankeenii soo aragtey adigoo hore noogu yidhi muddo maan arag, homesick giina anaguu nagu hadhay laakiin insha-allaah mar uun baanu tegi ciideenii ee noo soo ducee angana.
Waxaan kuu rajaynayaa inaad arrimihii aad u tagteyna aad ku soo guulaysatey. Walaal wixii wara ee ku dhaafeyna inaad akhrisatey ayaan u malaynayaa, inkatoo SHEEKH YUSUF uu beryahan naga yara maqnaa, balase aanu sugayno ilaa intuu Oslo la qabsanayo LOOOOOOOOOOOL.

TO: SHOWQI,
SHOWQIYOOOOW INAAAAAABTI yaan lagaa waayin heesta aad soo curinayso anna inta kale igu daa!!!!
FARDO LAYSO HAYO MAXAA LAYSUGU BAACIN, ALMIIDAAN WAASIC!!!!!!!!! haddaanan ka JAC siin heblaba layma yidhaahdo LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL.
Walaal aad baad ugu mahadsantahay about the complement, yacni xaga imtixaankeyga.

TO: KUMI,
Walaal KUMI waxaan kuu rajaynayaa in ilaahey kuu fududeeyo imtixaanka ducadayada alla aqbalo waayo waxbaa looga soo joogey oo markay ii duceeyeen bahdeenu ilaahey waa aqbalay adigana ilaahey baanu kaga baryeynaa in aad ku shushubato LOOOOL.
TO: C/LAHI C/CIGOOOOOOW,
Waxaan ku odhan lahaa horta ku soo dhowow bahdan isku raacdey kheyrka, waxaanunu rajaynayaa inaad ka mid noqoto waayo waa loO baahan yahay adigoo kale oo golaha spicy ka dhiga, bal marka hore ha lagaa helo war, waayo qaarbaa sidaadoo kale intey hadalo soo tuurteen la waayey, markaa jawaab waa laguu hayaaye ma ka qayb gelaysaa compatitionka gabayada???????
Waxaan kalaoo ku odhan lahaa meshan dad da'walba leh baa ku jira inta u dhaxayeda 24---
ilaa open numbers hadaadan adiguba ka mid ahayn intaa openka ah LOOOOOOOOOOOOOOOOL.
INAABBTI INA CAWAD CIGOOW CIID/SANAD WANAAGSAN.

KULIGIIN CIIIIIIID/SANAD WANAAGSAN.
WAA FARAX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Sunday, December 31, 2000 - 09:40 am
Ciid Wanaagsan, sannadka anigu raacinmaayo sababtoo ah kii Soomaalida ee Soddon guuro iyo siddeetan guuro lahaanjiray mar haddii la-waayay kan Ferenjiga mucaarad baan ku yara-ahay.....

Waa jagadii ninkii dadka Soomaalidu yasto ahaa ee lagu yidhi gabay ee ku jawaabay:-

Taariikhda Jeer aan hubsado; Nalagu taandheeyay
Tirinmaayo maansooyinkaa; Igu tuhmaysaane'
Tiiraanyadeedaan qabaa; Hay takliifina'e
....................anon

Waxan uga socda mar haddii bishii iyo sannadkii Soomaalida la-waayay anigu bulshoyahay tiiraanyadeedaan qabaa sannadka Ferenji waa is-haynaa.................

Balso badhaadhe, barwaaqo iyo burcad aan go'ayn dhammaantiin........

ku: Nasra_Dhaqan

Marwooy so noqod wanaagsan, mar-labaadna ku ciid gallad Eebbe(swt). Waxa intaas ii raaca horta xerta haygu dirin ma-maagine, waxan keliya oo tilmaamay sida haddii soddon la-gaadho waayaha adduun isugu kaasoo qaawinayaan ee aad cirro, bidaar iyo suxullo qalqallooca oo miidhan u noqonaysid.....

Ku: KUMI

Waa lagu salaamay adigana Mudane. Waa sidaad sheegtaye Ina-Cawed Cige waa duqii reer Biridhish Soomaaliliin(British Somaliland) ee golihii beri jeendheerta laga tumanjiray marmar soo booqanjiray.

Laakiinse saaxiibow ma-rabbi baa kugu og oo sidaasaan dhaantada u dhabqinjiray? Qodhyaxero ninkaygii is odhanjiray sacabka waad giijintaqaan show bilaash baan u xiiqijiray?

Oo waxaan ku dhacay jagadii saaxiibkaygii aannu afarrayda jarka iskala-dhacnay ee iigu jawaabay:-

Nin dabeecad furanoo; Dadka raalli-geliyaan
Isu-qabay docdaydee; Sownigaa cidlada degay

Ugu dambayna imtixaanka aad gelayso "Bardaneey biyo" halluugu qaboojo....

Ku: Shawqi

Waad ku mahadsantahay soo dhowayntaada. Halse iga su'aal ah goobta ma-wadaaddaa fadhiya? waar ninyahow bal iga hubso culimada berigii aan yaraa ayaan xoolaha markaan raaco ugu heesijiray....

Sidii culimada
Keeda caalina
Waa cadyahayoo
Ceelmadowyahay(Waa wan)

Haddaan culimooy
Cashar mooyee
Ciidan kaa dayo
Ciil anaa qaba:-)

Ku: Farax

Mahadsanid inaabti ama inaadeer ama habarwadaag ama eeddo(oobsss Allaa igu og waanigaa wiil yar is mooday, fadlan masax magac-u-yaalka ugu dambeeya). Waan kaa aqbalay soo dhowayntaada, laakiinse hal iga su'aal ah Farax, maxaad hadalka sarbeebta ah gadaanka iigu saartay:-
b) Ma-nacas baad i moodday
t) Ma-dagaal layla-fuqay baad ogayd
j) Mise xantaydaad haysaa :-)

Wax kale kuma garatide Farax;

Goormaa fagaaraha; Fuullimaa colaadeed
Faraskaygi laga tegay; Adigaa fayoobe'??????
Adigaa fi......(Buuxi inta ka dhiman)
Riwaayaddii Dab Jacayl Kariwaa, A.S.Bidde

Hadal iyo murti u malaynmaayo gabadh/wiil duqa Ina-Cawed madaxadaygiisa taqaannaa/yaqaannaa inay/inuu ka filayso/filaayo cag fudayd iyo degdeg uu golaha kaga dido....... ee inoogu dhufta Farax

Aar dhaantadu dhimatayoo
Dhulkay ku dhacdee
Dhaantada dhulkaa maad ka qaaddaan........

Nabaaddiino dhammaantiin

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaled bin waliid

Thursday, January 04, 2001 - 12:53 pm
Dhamaan Aqyaarta waan Idin salaamay
waa Qalid bin waliid oo Idin leh ciid wanaagsan
Walaalkiina khaled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Friday, January 05, 2001 - 08:45 am
asalaamu calaykum warax matulaahi wabarakaatu
kadib dhamaan tiin waxan idin rajay nayaa khayr
aakhiro iyo aduunba waxan filayaa in aad ixasuu
sataan mr muslim kuma tala galin in aan kusoo
laabto golaha ee waxa igusoo celiyay hadalka nasra
oo ahaa waxan tagay hargaysa waa magaa ladii aan
ku dhashay kuna bar baaray marka hadal kaas ayaa
meel qog iga taabtay waxan nasro ku waydiin lahaa
masoo aragtay xaafadii shacabka? dhamaan akhyaar
ta yaan la is oran waxay isugu biyo shubatay magaa
laysi waa iska caadi <farah .kumi. khaalid.shawqi
iyo c/laahi waxan idin leeyahay sidaas iyo nabad
galiyo laakiin waa in aad ujawaab taan ninka idiin
gee raaray wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra_dhaqan

Saturday, January 06, 2001 - 09:21 am
Asalaamu calaykum

Walaalayaal waa laydin salaamay,

KU: Muslim

Shacabkii waan soo arkay, waa meeshii aan ku koray. Labada shacab kee baad u jeeddaa, ma kii Pepsi Cola mise kii Guleid Hotel? Labaduba waa lagu fiicnaa...

Nasra-dhaqan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Sunday, January 07, 2001 - 01:57 pm
ku-nasra dhaqan
salaanta islaamka kadib walaal waxan ujeedaa eeri
yada pepsi cola iskuulka farsamada gacanta waa
waxan filayaa in aad sifiican iifahan tay waxaba
laga yaabaa in aan adiga laftaada ku garto
waad salaaman tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf ibrahim..

Tuesday, January 09, 2001 - 01:48 am
asaalaamu calaykum dhamaan...
marka hore walaalayaal ilaahay halaga baqo ...
marka xiga walaalayaal waxa ila fogatey magaaladii oo aan weli baranayey meelaha laga helo computer" marka wixi hada ka dambeeyaya waxa layga helayaa halkaygi oo kama maqnaan doono walaalayaal.
waana miss gareeyey..i miss all..
waxa an lee yahay halaysu duceeyo damaan waxa ila fogaatey sidii aan shaqo u raadinayey ,, markaa walaalayaal ii soo duceeya ..
nasra waxa an leeyahay dalkii wuu fiicnaa baan u gartay,,,
c/laahiga gabyoow waa inoo markale ..
oo aan afka ka xayuubinayo wixii ilaah ibaray...
dhamaan wa idin salaamay..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Friday, January 12, 2001 - 02:46 pm
salaama calaykum waraxmatullaah wabarakaato.

hallooooooooooow every bodey, where are you guys!!

Waryaadheheeh miyaa la caajisey? mise markii la afurey baa qof walba sheydaaaaaankii meel u yara leexiyey???????????????????LOOOOOOOOOL.
Waryaadha haylaga raali ahaado intaasi waa kaftane, yaana la caajisin ee geediga wada.

Waa FARAX QUDHAC QADHOON.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Sunday, January 14, 2001 - 12:07 pm
KU: Farax

Salaamad marwo. Wararka ka imanaya Hargeysa waxay sheegayaan in Nasra_dhaqan bidhaan u eg marlabaad lagu halacsaday badhtamaha magaalada Hargeysa.

Sida wararku sheegayaan waxay bidhaantaasi kasoo leexanaysay koonaha Khayriyadda iyadoo usoo jeedda dhinaca Bankiga dhexe......

Warar kale oo kasoo baxay carro-edeg(The Cyberspace) ayaa iyana waxay tilmaamayaan in xerta badankeedii markii sannadka cusub la-gaadhay da'doodii sii labanlaabantay iyadoo dhakhaatiir badani ku eedeeyeen labajibbaarankaas dhinaca cimriga hawlo adduun oo fara-batay, sida guuritaanka Shiikha iwm.....

Sikastaba arrintu ha-ahaatee waxay goobtu u muuqataa in laga haayiray oo gabaygii Ismaaciil Mire ku bannaanyahay...........

Quote...
"Naagyahay adduun iga qatalan; Quusna waan ahaye
Qoonkaad ogayd-baan la-shiray; Amase Qoorgaabe'
Caawana qudhaydiyo Cabdoo; Qaawan baa hadhaye'"
................I. Mire Unquote"

Wuxuu Ismaaciil ka hadlayaa dunidii oo isbeddeshay, raggii talinjiray le'deen, dhulkii abaaroobay, ugu dambayntiina isaga iyo inankiisii Cabdi oo Qaawani isku soo hadheen.........

Sida murtida sheekadu u socoto Farax waxaad mooddaa in goobtan odaygii Ina-Cawed iyo adiga Farax ah laydinkaga qaxay..........

Allow Sahal Ammuuraha....lol

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jama yusuf...

Tuesday, January 16, 2001 - 12:31 am
asalaamu calaykum...
helloooooooooooooooooooo..'

eebow waxa ay nagugaleen diinta soo gale eh
wax kaleba haday nagugalaan waa gamilahayne
waa jamac oo doonaya in uu gabyo balse marka hore iska warama anigu meesha waxa aan ka maqnaa mudo badan oo aan ku jirey hawlo ii gaara laakiin ma moogi halkan waa gurigaygii ee maxaa lagu hayaa ,,
waxa jooga baan u gartay nin gabyayay marka ha kaa boqo baan isleeyahay...
farax hei,.,.....

see xaal kaagu yahay....
nasra xagay ka dhacday...
Oslo jama
xidhiidh wanaagsan..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 16, 2001 - 12:41 pm
Ku: Dhammaan

Waad salaaman tihiin dhammaantiin, aad iyo aad baanad ugu mahadsan tihiin sida halaasiga leh ee aad isku dhaafsaneysaan hadaladda.

Tallo:
1- Haddii Nasro dooneyso kaliya inay hesho dadey figradaha isdhaafsadaan, waxaan kula talin lahaa inay doorbido hilitaanka gabdho ku garaad ah.

2- Haddii Nasro raadineyso guur iyo wiiley isfahmi karaan, waxaan kula talin lahaa wiilasha inay ayagu doodaan oo figradaha isku dhaafsadaan sidey u tusi lahaayeen Nasro sidey u kala garaaad sareeyaan, kadibna Nasro la isii amba qaado wiilkii reerka u soo hara.

Ugu danbeyn, Nasro haddey guur doon tahay waxaan filayaa inay mar hore isha ku dhufatey wiilkaas aan farta ku fiiqi lahaa, in kastoo wiilal badan oo wanaagsani meesha ka muuqdaan.

Iga raali ahaada, magaceygana waan qarinayaa waayo waxaa dhici karta inaad i soo weydiisaan figradeyda iyo sidaan wax u arko, mar kale.

Mahadsanidin!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Monday, January 22, 2001 - 02:20 pm
Ini Cigoow

Horta meeshii ahayd soc.culture.so inkastood mararka qaarkood qasi jirtey, haddana anigu waxaan ku jirey raga hoos kaaga sacab tuma:-) Somaaliga ayaan kaa faa'iideysan jirey, markaad ka tagtay golaahaasna waan isaga tegey qudheydu. Bolton baan u maleynayaa inaad joogtey waagaas. Mise Khalif Waylac buu ahaa ninkii meshaa dhigan jirey? Bal isoo xasuusi...

Adiga iyo walaalahaay Farah, Shawqi iyo Muslim-ba mahad baan u soo jeedinayaa sida iigu soo "duceyseen".

KUMI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Tuesday, January 23, 2001 - 01:08 am
Ku: KUMI

Salaamad kadib. Aniga iyo Khaliif Waylac-ba waxaannu waagaas degganayn Bolton oo aannu cilmiga ka dhaansanjirray.

Ninyahow meeshu waagaas way barakaysnayd(Inta badan), dhinaca qaska isma-odhanjirin wax dhin, bal aan iska ilaaliyee qaybtee raadkayga adiga kuula muuqatay qas ma-faraha hore, ma-raysmagaadhada, ma-cidhibta, haddii aan kuusii balballaadhiyo halka dulucda sheekadu u socoto, wakhtigii Soc.culture.somalia lagu noolaa waxaan lahaanjiray saddex gaashaan:-

1- Mid Jacaylka layskaga difaaco
2- Mid Somaliland lagu difaaco iyo
3- Mid kaftanka iyo ilaaqda lagu baaciyo....

Saddexdaas maxaddadood wixii aan ahayn ee laygu soo oogo, loona qaatay qas xaal baan ka dhiibayaa, haddiise arrinta marmar qaska loo akhristay hoos timaaddo saddexdaas qodob waar toloow yaan dacwad laygu soo oogin:-)

Nabaadiino ayaan kugu dhaafayaa adiga, Farah, Nasra, Shiikha iyo inta aanan magacyadooda imikadan soo raafikarayn waa duqii Ina-Cawed oo idinku dhaafaya ammaana alla.....

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Sunday, January 28, 2001 - 11:31 am
salaama calaykum waraxmatu laahi wabaraakaatu.

walaalayaal dammaan waan idin wada salaamayaa, waxaanan rajaynayaa in aad wada caafimaad qabtaan.
Walaal KUMI adigaa mudan waana waajib inaan is supportive greyno hadaan wax kale laysu qaban karin, I hope inaad imtixaanadii ku wada najaxday.
INA CAWAD CIGOOW, ADDUUN QAALE BIXIWAAYE.......
inaabti iska waran OOBBS!!! mise islaamahaa la odhan jiray iska waran, LOOOOOOOOL
beryahaa waan soo socdee xagaad inaabti wax marinaysaa..........iyo QAAR KALOOO BADAN

Waa FARAX oo IDIN LEH PEACE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Sunday, January 28, 2001 - 01:10 pm
KU: Farah

Inaabti,

Habsan iyo badhbaad tahay
Marna Hawd caleen-iyo
Hoobaan bislaatiyo
Hohob quruxsan baad tahay

oobss, I am sorry, very sorry,

Afkaygaan xidhniinkiyo
Baran aamus badanoo
Aflagaaddo kiciyoo
Weligiiba ood aan
Lagu odhan ka bood-buu
Isku aaddiyaayoo
Markuu awr-fadhigii qaar
Ka unkamo dusheeduu
Arlo kale xusuustaa
Is-illowshihii buu
Xaska adhaxda saaraa
Marka qodax ammaamuran
Iyo qori astaysnaa
Oofaha jaraan buu
Muddo iih guraayoo
Arliguba la-yaabaa......

Farax intaasi waa hadal badnaantii Ina-Cawed, inta kalena waa meeshii oo laga hayaamay. Sidaan ka dhadhansaday culimada hadalkeeda waxaan filayaa in duqa reer Hawdka hadal badnaantiisii meesha looga qaxay, mar horeba KUMI baa si hoose iigu sheegaye, waxoogaa baan xuunsho camalkeed ahay oo haddaan dhuuca lay gelin hore uma duulo..

Imikana bal waxaan islahaa inta xerta Nasra-dhaqan u imanayso sii maaweeliye, mar haddii arrinkuba yahay "Afkii baa juuqda gabay", aniguna waxaan kaga baxayaa halhayskii Hadraawi:-

"Nin dhukani hadduu jiro; Amba maan is dhegamaro"

Salaama dhammaantiin....

Cabdillaahi Cawed Cige, Mars(The Red Planet)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Sunday, February 04, 2001 - 04:48 am
Asalaamu caleykum

Waxaan hawada u soo marinayaa salaan dhamaan walaalihii qiimaha badnaa ee aan halkan ku bartey. Waxaan ka cudurdaaranayaa maqnaansho dheer oo aanan ku talo gelin, aan ku tageyna wadankii, sababo degdeg ah awgood. Waxaan idinka mahad celinayaa dhaliyaradii sii shideysay makhaayadan barakeysan ee ay ku caweeyaan akhyaar aad u sharfani.

Waxaan soo noqday wakhti dhaw, Insha-Allaah waan ka jawaabi doonaa su'aalaha badan ee la i soo weydiiyey.

Rabbi ha dhawro dhamaan kuwa jecel kheyrka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaled bin waliid

Wednesday, February 07, 2001 - 10:39 am
Ciqaabta dadka Salaada dayaco ama
Salaada aan dukan.

Ciqaabta uu la kulmayo qofka salaada aan dukan
waxaa ka mid ah:

Aduunyada dhexdaada wuxuu helayaa shan ciqaab.
1-waxaa loo dedejinayaa cumrigiisa maalkiisana
ma Barakoobayo.
2-wejigiisana waxaa laga garanayaa in uu yahay
nin illaah ku caasiyey.
3-Camal walba uu qabto ajir kama helayo.
4-Ducadiisana Aqbal ma ahan.
5-dadka wan wanaagsan ducadoodana qeyb kama helayo.

Sedex Ciqaab mar nafta ka baxeyso.
1-Dulinimo ayuu ku dhimanayaa iyo meel daran.
2-isagoo gaajeysan buu dhimayaa.
3-Isagoo haraad qabo ayaa nafka laga qaadayaa
aduunka webiyadooda oo dhan hadii la waraabiyana
haraadka kama go'ayo.

Sedex ciqaab qabrigiisa ayuu kula kulmayaa taariku salaadka.
1-qbriga ayaa lagu ciriirinayaa illa ay feerihiisa
ay is dhaafaan oo ay is dhexgalaan.
2-qabrigiisa dab ayaa lagu shidayaa oo markaa
hadba markii uu dhinac ka gubto dhinaca kale
loo gedgedinayaa.
3-waxaa lagu salidaa Abeeso indhaheedana dab ah
dherirkeedana dhawr kun mitir ah waxeyna u
imaaneysaa Tariku salaadkii qabrigiisa oo ay
salaad walba waqtigeeda u timaado kuna garaaceysaa
garaacid uu dhulka kula go'ayo.

Sedex ciqaab Tariku salaadka wuxuu kula kulmayaa
maalinta qiyaamaha.
1-waxaa lagu dhibayaa xisaabta iyo Imtixaanka.
2-EEbe ayaa ka caroonaya.
3-naarta ayaa lagu tuurayaa. markaasuu leeyahay
rabiyow maxaan naarta ku kasbaday?
eebe ayaa ugu jawaabayo:Salaada aan kugu
farad yeelay baad daayacday.

Illaah ayaan ka magan galney iyo dhamaan
muslimiinta allaha naga koriyo ciqaabtan,
walaalayaal naftiinana arintan u sheega
dadka kalena u sheega.

walaalkiina
khaled bin waliid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasra-dhaqan

Sunday, February 11, 2001 - 01:32 am
Asalaamu caleykum

walaalkeen khaled,Rabbi haka abaal mariyo wacdigiisa qiimiga badan.

Waxaan rabaa in aan ka jawaabo su'aalo beryahaanba isugaayey, asxaabteydiina iska indha-tirtay iyaga oo doonaya in aan anigu ka jawaabo. Anonymouse wuxuu/waxa ay isoo weydiisey/weydiiyey ujeedada aan halkan isugu wareysano oo ula muuqatey in aan halaasi isku dhaafsano, maacaaleesh!!!!!!!!!! oo waxba ka odhan mayno, waxa kale oo uu i weydiiyey in aan guurdoon ahey oo uu waliba cadeeyey in rag wanaagsani meesha ka buuxo, waadba iga xishoodsiisey ee ma aheyn ujeedadeydii hore calaf doon, balse haddii aad tahay nin, ma adiga ayaa diyaaar ah.

Waaryaa cawed afkaaga caano lagu qabey e sowdiga ka xishoodsiiyey intayadii qiimiga badneyd ee farah. bal in aad u qalantid waa in aanu ku soo baadhnaa horta,!!!!!!!!!!!!!!!ninkii Kumi ahaa ayaan kala tashanayaa arrintaa waayo isaga ayaa shaaca ka qaadey in uu ku yiqiin.

Ahlan yaa Shawqi kumee waalugu tabee xaggee ayaad ka dhacdey!!!!!!!!!!!!!!!!!

Waar nimanyahow shiikhii Aw-Jaamac Yuusuf, ma qolo kale ayaa inaga xadey oo ubogtey wacdigiisii weger, waar mayee ninkii ina cawed ayaa kala joojin waayey haasaawe, hees iyo gabey oo shiikhii inaga didiyey.

Yaa Farah,Yaa ukhtiil caziiza, waan ku tabey ee kumee.

Muslin, waxaan rabaa in aan kaaga waramo shacabkii pepsiga ee halugu maqlo, gabdhaaba ikaa weydiiyey mid baan si fiican u xusuustaa oo magaceedu wuxuu ahaa Fihiima-hinda-leyla.

Rabbow noodanbi dhaaf waan yara taraarney e.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Thursday, February 15, 2001 - 03:59 am
asalaamu calaykum dhaman...
waxa aan si gaara u salaamayaa hablaha walaalahay ah ee meesha noo shiday waxa kale oo aan ku xejinayaa raga iyana hasaaawaha wacan ee jooga room kan, waxa an ka cudurdaaranayaa maqnaanshahayga dheer ee aan meesha ka maqnaa waayo kuma talagelin in an intaa maqnaado balse waydhacday ..waxa an rajeynayaa in khayrbadadani meeshan yaal waxaaana mahadaa iyo khayrkaaba bilaabay walaashay nasra waxa sii shiday walaashay farax iyo inamada badan ee meesha jooga..aan yar kaftamee waxa meesha yimi niman guurdoona o u hasaawaya sidii berigii hore marka waa baqay looooool.
waxa aan leeyahay nin waliba hays ban dhigooooooo
khayrbaan u rajaynayaa meesh..
nasra walaal kamaad waramin hargeysa........
war halagaa helooooo...
dhamaan soo duceeya ...
nabadeeeyyyy
ina cawed( bukhaari miyaad tahay )
gabayga jooji saaxiib....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Thursday, February 15, 2001 - 02:11 pm
salaanta islamka kadib dhamaantiin waxan idiin
rajaynayaa aakhiro iyo adunba khayr intaas kadib waa mr muslim oo idinleh wali waayeelkii kamaan
hadhin ee korka ayaan idinkala socdaa waxaadse
moodaa dadka qaarkiis inay noqdeen mar soobax sida ....... loool sidaas iyo nabdgliyo
wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sool

Monday, February 19, 2001 - 03:00 pm
Salaan

Nimankiinaa Irir baa meesha ku kal tagtiin. Anagaa marna na oraneeysiin Soomaaliland baan ka nimi, marna Somalia ayaan ka nimi. Meel la idiin raaco ma leh...Khaldaan (iidoor) iyo Mooryaan walaala ah oo hadddan iskala saarsaaraya ayaa tihiin. Walaahay waa noo tashateen!

Sool is part of Puntland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Wednesday, February 21, 2001 - 12:54 am
asalaamu calaykum.......
dhamaan waxa aan idinku salaamayaa salaanta islaamka waxa aan idiin rajaynayaa caafimaad iyo cibaado suuban waxa aan idin leeyahay ha ilaabina diinta islaamka kuna dhaqma marwalba hadii ala idmo waa walaalkiin oo idinleh ii soo duceeya

alxaaji jamac

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nasro-dhaqan

Wednesday, February 21, 2001 - 09:11 am
Aslaamu caleykum

Waxa mahadleh Rabbiga ina kulansiiyey. Walaal Jaamac ma roontahay,Muslin maxaad iiga wareysan weydey shacabkii iyo gabdhiii iga kaa wareystey, mise xaaska ayaad ka yara baqeysaa!!!!!!!!, haddii ay sidaa tahay waxaan kaaga waramilahaa dixdii shacabka iyo biriishkii yaraa oo xumaadey.

Walaal Jaamac Hargeysa waa lagu faayey. dhibaato guud oo Soomaali ka dhaxeysa oo ah dhaqaale xumo katimid adhigii la joojiyey mooyee sida kale aad ayey Hargeysi u shidneyd, waxaanan ku rajoweynhay in aan u guuro dhawaan.

Wagar!! waar inaabtideen Farah ma ninkii cawed ayaa ka cadheysiiyey, mise waxbaa ku dhacey Allahayoow khayr.

Waar showqina maxaa la tagey,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diidane

Wednesday, February 21, 2001 - 12:29 pm
Nasro-dhaqan

Eeyaahe Nasro! wali miyaadan wiil meesha ka dooran, mise malaha anaa i sugeysaa!

Ha igu qasbin inaan ragga daallan tartan hore ugu baaqo, hadhowna la yiraahdo: waxuu ka faa'ideystey markey raggu daaleen, ee war cad imqashii intaanan soo hiririgleyn!

Allow ma digey, geesinimo dartee!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Wednesday, February 21, 2001 - 12:40 pm
ASALAAMU CALAYKU
waxan idiin rajaynayaa aduun iyo aakhiraba wanaag
iyo inuu rabi naxariis tiisa nasiiyo intaas kadib.
shiikh jaamac waxad moodaa inuu xiriirku sii yaraa
nayo marka waxan ku oranlahaa mawaxad isku diyaa
rinaysaa aros oo aduun baa kugu furfurtay halugu
maqlo hadii aan usoo laabto nasra dhaqan walaal
waxaba laga yaabaa yaraan teenii in aynu meel ku
wada ciyaari jirnay. intaasi waa hordhac waxa ii
dheer mawaxad ileedahay biriishkii wuu xumaaday
ala maxaan kudul ciyaari jirnay. waxad iiga waran
taa iskuulkii farsamada gacantu malafuray mise way
udhamaatay su.aala hayga halkan kuma soo koobi ka
ro ee waan kuu yar yaraynayaa waxakale oo aanu
filaynay in aad hargaysa hadyad kakeento.
ee wali majidkay kusoo jirtaa? walaalayaal waxa la
ga yaabaa in aan mar is aragno hadii ay noqoto in
aad soo booqataan usa waxan ahay safiirka idiin
fadhiya yaan laiga xishoon. wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

doob

Thursday, February 22, 2001 - 11:08 am
ala maxaa doob qalanjadiisii gabay meesha kabuuxa
waar ka kaca meesha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Thursday, March 01, 2001 - 06:03 am
asalamu calaykum...
marka hore raali iga noqda marka xiga waxa aan lakaftamayaa inamada aan booska ka cidhiidh yey saxiibayaal hayga biqina wixii ilaah inoo calfo waa helaynaaye ..
hablaha waxa an leeyahay farax maba arko in dhoweyde nasra walaal inamada maxaa haya...
aniga wiilka iyidhi ma arooa baad isudiyarinaysaa saaxiib maya weli ee shaqo doon ayan ku daalay ...
nasra xaafade ku degtey ma qudhacdheer mise new hargeysa jigjiga yar .. mise maansoor hotel mise araweelo hotel mise hargeysa kilaab ..
total ,... kahalkee hargeysa ...
yaan ladaalin....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARAH

Saturday, March 10, 2001 - 08:31 am
Haloooooww!!!Halooooooooooww!!!Halooooooowwww!!!

Dad la waayiyo Dalmaraa yimi!!!!!!!
Iyo Qaaaaaaaaaaaar kalooooooooooo Badan.....?

Waa Xaajiyaddii Farax Qudhac Qadhoon oo idin leh
waad wada salaamantihiin dhamaan asxaabtii hore iyo asxaabta cusub ee inagu soo biirayba.
waxaaba cajiiba oo aan layaabey sida loo caajisey oo qof walba uga gaabiyey speedlimidkii loo baahnaa, balse waxaa su'aala miyaa la daaley oo tii da'da ahayd baa inaga daba timi? mise qaarkeen baa aroos isu diyaarinaya oo intii kalena assistant bay noqdeenoo cid laynkan socodsiisa ayaa la waayey? haday taasu run tahay anigaan shaqo hayne maxaa lay odhan waayey faraxeey laykii isbarasho weli waa furan yahaye, shaqada halkaa ka sii wad???????????looooooool.
IYO QAAAAAAAAAR KALOOOOOO BADAN.
Walaal Nasra hadaan kaaga waramo meeshaan yara gaadhey iyo sababta aan ku yara maqnaa waxaay ahayd horta nin gabey ku haasaawaya ayaa meeshii soo galay oo waaban fiigey, waayo gabayada ma aqaan, in layga badiyona ma jecli....Markaa sidaad u sheegtey waxbaa ka yara jira.
markaa walaal bal war halagaa helo adna.
Walaal Ina Cawed Cigoow Salaan, Bacda salaan Meesha gabayada ka daayoo, haasaawaha shortform ka dhig sida, haye abaayo maxaa cusub,waajirtaa,Wazzzup iyo qaar kaloo badan. LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL

Sheekh JAMACOOW! walaal waan ku salaamey maxaa laguu waayey mise weli waad degaysey waxaan ku faraxsanahay inaad soo noqotey adoo nabada.

Sheekh MUSLIMOOW walaal waan ku salaamey adiguna intaad yara goosatey baad soo rogaalcilisey, welcome back inaabti.

Sheekh SHOWQI! isaga lamaba hayo!tolow maxaa helay hadaad hesho massagekan walaal soo noqo adoo nabada.
Inamadeenii kale sida KUMI, KHAALID BIN WALIID
hagey ka dhaceen.
Inamada cusub sida DIIDANE iyo DOOB iyaguna waxaan leeyahay soo dhowaada weerarkana naga yareeya, kaftankuna waa furan yahay.

sidaa iyo salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaled bin waliid

Sunday, March 11, 2001 - 09:02 am
WAXAAD AAMINTAY SI DHAB AH UGU DHAQAN.

Dadoow Waxaad khirteen Jiritaankii Rabi laakiin Wadadiisi Ma aadan Raacin.

Waxaad Tiri Rasuulka Waan jeclahay laakiin sunadiisa kuma dhaqmin.

Waxaad Aqridaa Qur'aanka Laakin Noloshaada kuma dabaqtid.

waxaad ku intifaacdaa risiqii illaah iyo nicmadii eebe kugu galadaystey laakiin eebe kuma mahdisid.

Waxaad Ogaatey in Sheydaanku Cadowgaaga uu yahay
laakiin lama aadan Dagaalin.

Waxaad Jeceshahay in Janada iyo Naciimteeda aad
aakhiro gashid laakiin Uma aadan shaqeysan.

Waxaad Neceb tahay In Naarta lagugu tuuro(Eebow adaan ka magan galney) laakiin kama aadan Digtoonaan Camalka lagu kasbado.

Waxaad Aaminsan Tahay in Wax waliba oo nool in ay dhimasho u dambeyso laakiin Isuma diyaarin in aad
dhimanayso.

Waxaad xamataa oo wax ka sheeg sheegtaa dadka Ceebtooda iyo khaladaadkooda laakiin waxaad ilowday caabahaaga iyo xumaantaada.

Waxaad ka qeyb gashaa dad la aasayo oo qubuurta
loo wado Laakiin wax Cashar ah kama Qaadan.

Waxaan U digayaa marka Hore Nafteyda
Marka xigana tan Walaalaha Ilaah haloo noqdo.

Walaalkiin Khaled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Wednesday, March 14, 2001 - 03:01 pm
Su'aashan yaa iiga jawaabaa, haddey Nasro ka gaabsato?

Nasro adigoo raali ah, maxay aheyd ujeedada aad u furtey beyjkan ee ka danbeysa isbarashada iyo figrad isdhaafsiga guud?

Haddaan falaarta girgirkeeda sii saaro, adigu Nasro calafdoon ma tahay waqtigaan la joogo?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Monday, March 19, 2001 - 06:40 am
A. Aleikum Walaalayaal

Salaan ayaan halkaa iyo West London idinka soo wada dirayaa. Aniga waxay iila egtahay Garsooroow in haddal uun meeshaan loo furay. Aniga Haddalkii waxa uu iga dhamaaday markii uu Ini Cige meesha soo galay. Yaa Muslin ah oo ini Cige la tartami kara?@LOL

Dhamaan dhalinyarada..Khalid, Jamac, Muslim, Showqi, Farah iyo ina abtideen Nasro..waxaan leeyahay......nabad gelyo iyo is arag danbe(lol@isaraga).

KUMI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Monday, March 19, 2001 - 02:13 pm
Kumi

Kumiyow saaxiib waa jirtaa ina Cige inuu yahay nin laayaana, balse annigu waxaan farta ku godayey Khalid Bin Waliid, ee bal garta ha la sooro.

Annigu waxaan Nasro u soo jeedin lahaa arrintaan:
Nasrow haddaad labo qalbisan tahay ee sidaan u aragney anniga iyo Kumi, oo soo taagney Ina Cige iyo Khalid Bin Waliid, waxaan kugu horan lahaa:-
Haddii aad tahay gabar wadaada, waxaa ku leh Khalid B. W., haddiise aad tahay gabar caadiya yuu ku dhaafin Ina Cige oo asagu aftahan ah, kana hubi inaan qaadku ka adkaan, adiguna waa inaad ku fiican tahay xasuusta gabeyga oo aad markiiba qaban kartaa dhowr beyt, saan Cige kaaga caajisin.

Intaasu waa iga kaftan iyo talo isxambaarsan.
Waxaan kaloo ka cudurdaaranayaa, haddey jiraan rag mar hore la xiriirey Nasro oo ayagu buugga galey, illeen rag isku mid maahane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Thursday, March 22, 2001 - 11:42 am
Ku: Garsoor iyo Kumi iyo xerta kale

Horta waan idin salaamay. Marka xigta raalli iga noqdo maan jeclayn inaan bogga soo galo oo kaftanka idinka carshacarsheeyee, waxaan iskala-joogay geelaygii oo Galsanduuqle meel u dhow aan hadhaagiisii iyo kii dhalay isdaba-siday markaan maqlay baaqa Garsoor iyo Kumi.....

Aad baan u cadhooday. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Iishle war-ma-galo". Iishle waa ninka adhiga raaca oo isagu war badan ma-helo. Aniguna geelii waxaan ka qaaday cadho dheeraad ah.

Waatii nebigu(NNKHA) uu yidhi(Iyadoo culimadu ii toosindoonaan haddaan khaldo), Laa-taqdab....Ha-cadhoon.......

Beri aan yaraa oo xadiiskaas la-ii dhigay ayaan isku-deyay inaan cadhada iska ilaaliyo.

Waxaan samaystay hab cusub oo cadhada i dhaafiya, markaan cadhoodoba waxaan isu-beddellaa shay kale.

Waxa jirta inaan dhego dhaadheerahay. Dhegahaygu aad bay u dhaadheeryihiin, markaad aragto kuwa Prince Charles waxay noqonayaan dar gaagaaban...

Berigii aan yaraa carruurtaa aad uga maadaysanjirtay dhegahayga dhaadheer oo had iyo jeer iga cadhaysiinjirtay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa anigoo aannu wada ciyaarayno saddex asxaabtaydii ka mid ah ayay iga cadhaysiiyeen, waxaan is idhi Diin noqo markaasaan noqday Mulac....

Ciyaalkii baa i waayay, iyagoo i baadhbaadhaya oo kolba geed iga hoos-deyaya ayuun bay arkeen mulac yar oo meesha ordaya, waa tii hore loo sheegay ee la-yidhi "Mulacna waa u qudhgooyo, Carruurna waa u dheeldheel".

Intay saddex dhengedood soo goosteen ayuun bay hareeraha igala mareen oo gawdaa iga saareen...

Igif Igif Igif Igif, orod baa iga dhammaaday. Hadba god yar oo mulac baan dalaq idhaahdaa mise mulac ku jira baa i arka inaanan afkooda aqoonnin. Sida kale Mulac waan u ekahay laakiin afkooda ma-aqaanni, markaas kolkay ila hadlaan ayuun baan indhaha caddeeya ama yara qoslaa, markaasay i eegaan oo yidhaahdaan "Waar wuxu mulacna wuu u egyahay haddana afkeennii garanmaayee waa sidee..

Marba god baa debedda la iiga soo tuuraa, markaasaa ciyaalkii i helaa. Aakhirkii siday dhenged iigu wadeen ayay dibkii i gooyeen.

Markaan naftii u yaabay ayaa cadhadii markii hore i haysay iga yaraatay markaasaan anigii kusoo noqday. Anigoo aad u xiiqsan ayuun baan meel ciyaalka dhexdoodii ah mudh kasoo idhi.

Intay naxeen bay marqudha wada yidhaahdeen; Waar qofku ma-jin baa xagguu ku dhuumanayay. Waar maxaa ku xiijiyay bay i su'aaleen? Oo waa maxay suxullada dhiigga kaaga yaallaa ayay yidhaahdeen................

Maantana markaan arkay gardarrada qoladiinnan guumaha ah ee soddon-ka-weynayaasha la-baxay ayaan cadhooday oo ku sigtay inaan email noqdo...

Bal ka-warran anigoo imikadaa kasoo dhexbooda shaashadaha aad fiirsanaysaan.....

Nacam wayga dhab bal qofwalowba eeg halka aad sheekadan ka akhriyayso dhinaceeda bidix?

Hmmmmmmmmmm Hummaag ma-kaaga muuqdaa?

Miyaanay dhegahaygii halkaas kaaga muuqan....

Iga dhaar qofwaliba sawir yar buu samaystay oo dhego dhaadheer dhaadheer dhaadheer.......

Xaal qaata dhammaantiin imika cadhadii way iga ba'day oo waxaan ku noqonayaa geelaygii iyo aydii Galsanduuqle, Hawd.......

Nabaadiino....

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Friday, March 23, 2001 - 07:54 am
Cige

Salaan kadib, waad ku mahadsan tahay mulacyeynta sheekadaada, goodigaaga qarsoon iyo sidaad noogu sheegtey inaad tahay nin baab walba ka jawaabi yaqaan.

Saaxiib, sheekadii goosgooska aheyd waxay iga kaa bartey waxyaalo badan oo aadan maleyn karin ama aadan ugu tala galin in laga barto, taasna waa ku faraxsanahay waana kugu ammaanayaa.

Ma ogtey inaad bari noo sheegtey sheeko aan la yaabney? Mase ogtey inaad ka mid aheyd dadka sheekada la yaabey qudhaadu?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Friday, March 23, 2001 - 12:09 pm
Mudane Garsoor;

Barasho wanaagsan. Horta ninyahow waxaan u malaynayaa inaan kharfay, sababtoo ah maalintii walba inyar baan iska-bartaa, dadku inay cilmi adduun iyo mid aakhiro bartaan, anigu naftaydaan bartaa...........

Sidaas aad sheegtay sheekadaa aan sheegay, haddana la-yaabay way jirtay, waxaanse kasii yaabay ninkaagan Garsoor ee ninkaygan garanwaagu ku dhacay gartay ee soo saaray........

Haddaan Garsoorow noqonlahaa sirdoon waxaan soo bixilahaa mid aad saaqid u ah, adiguse waxaan qiray inaad dhawr hay'adood oo KGB la-baabi'iyay ka mid tahay aad hore ka gelikarilahayd....

Qodhayaxero waadigaa email baan sheegayaye keyboard-kii igu noqday Garsoor, hadda colkaa shax:-)

Xerta intiinna kale raalli ka ahaada haddaan mawduuciinnii afduubay........

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Friday, March 23, 2001 - 12:58 pm
Cige

Horta waad iga qoslisey oo waad iga qoslisey, laakiin in kastoo aanan shaxda ku fiicneyn, bal dag waxay dhashaba ha leeftee!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Monday, March 26, 2001 - 07:18 am
Cige

Haddaad gacantii la daahdey, annaa dagani; waxaan ku iri: horta Ina cigow barigii aad yareyd waa adigii gaabnaa oo madax ballaarnaaye, ma kala baxdey haddaad tagtey halkaas iyo meesha suulkaagu tilmaamayo markaad Farta ku fiiqdid labada xaraf ee U iyo Ka.

Dagid hore iyo sahan taggeygii dheh
Cigow! korjoogtoon laga fogaaaaaaan,
Soo afgarasho weyn maaaaaaaahan!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Tuesday, March 27, 2001 - 05:04 am
Garsoor;

Nabad iyo Naxariisi korkaaga ha-ahaato. Horta waxa muuqata in golihii laynoo cidleeyay, tolow maxaa looga jeedaa? ma-waxa laynugu maagayaa inaynaan dhaantada aqoon?

Mise Garsoorow anigu sacabka ma-jiibin-aqaanne adna jaantaanad goyn aqoon?

Sikastaba xaalku ha-noqdee meeshii waa juuqla'...

"Shuush" qunyar yaanay inagu toosine, Dhaqan, Farah, iyo shiikhyadii oo dhan ayaa kobtan wada dhabbacanayee.....

Horta xanta carro-edeg(The Internet) ma-bannaantahay? ....................

Ka-rog oo haddana saar.

Aan kuu bilaabee Garsoorow "U" waa........

Ugbaadba jacaylka
Ammuuraha caashaq
Intay igu beertay
Ayay afarqaadka
Dhul aanan aqoonnin
U aadday si hawl-yar....
Markaan arkiwaayay
Ilays midabkeeda
Ayaan muddo doora'
Tawaawaca eebo
Jidhkayga ku aasan
Ihiida ahaada
Araaranka taaha
Ishayda bal eega
Ushayda bal keena
Bal eeg addinkayga
U fiirso cankayga
Ilkaa iga daatay
Araay beddelayda
I uumiya caawa'
Bal uunsiga keena
Afuufa bal fooxa
Areerima heesta
Istaadha jacaylka
Iniinta ku beera
Wadnaa ehelkiisa
Halbowlaha iishay
Intii xidid aasan
Jidhkaa engegaaya
Aheey ku qabooja..........

Intaasi waa "U"dii oo labanlaaban. Maaha "UU", waa u oo maanta dhan ku wareegaalaysanaysay(Waar Garsoor eraygu dheeraa, anigaaba ka yaabay) laabtayda iyo qalbiga dhexdooda! Yaab waa maxay qalbiga iyo laabta dhexdoodu? anigaanba aad u garaynayn, culimada ka jawaabidoonrta...

Bal hadda imikana "K"dii.....

Iyaa? miyaad ila-hadashay Garsoor? waan moodayay inaad hore ii tidhi waar hadalkiibaa kaa bataye Cigow "K"da maalindambe u dhig...kol hadday sidaas tahay "K"da kadabkeed go' waan u soo kadlaynayaa hal cabbaar ah.........

Intaasi waa warkii booshaaq ah ee Ina-Cawed Cige Iidle...

Nabaadiino...


Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Tuesday, March 27, 2001 - 05:32 am
Garsoor;

Nabad iyo Naxariisi korkaaga ha-ahaato. Horta waxa muuqata in golihii laynoo cidleeyay, tolow maxaa looga jeedaa? ma-waxa laynugu maagayaa inaynaan dhaantada aqoon?

Mise Garsoorow anigu sacabka ma-jiibin-aqaanne adna jaantaanad goyn aqoon?

Sikastaba xaalku ha-noqdee meeshii waa juuqla'...

"Shuush" qunyar yaanay inagu toosine, Dhaqan, Farah, iyo shiikhyadii oo dhan ayaa kobtan wada dhabbacanayee.....

Horta xanta carro-edeg(The Internet) ma-bannaantahay? ....................

Ka-rog oo haddana saar.

Aan kuu bilaabee Garsoorow "U" waa........

Ugbaadba jacaylka
Ammuuraha caashaq
Intay igu beertay
Ayay afarqaadka
Dhul aanan aqoonnin
U aadday si hawl-yar....
Markaan arkiwaayay
Ilays midabkeeda
Ayaan muddo doora'
Tawaawaca eebo
Jidhkayga ku aasan
Ihiida ahaada
Araaranka taaha
Ishayda bal eega
Ushayda bal keena
Bal eeg addinkayga
U fiirso cankayga
Ilkaa iga daatay
Araay beddelayda
I uumiya caawa'
Bal uunsiga keena
Afuufa bal fooxa
Areerima heesta
Istaadha jacaylka
Iniinta ku beera
Wadnaa ehelkiisa
Halbowlaha iishay
Intii xidid aasan
Jidhkaa engegaaya
Aheey ku qabooja..........

Intaasi waa "U"dii oo labanlaaban. Maaha "UU", waa u oo maanta dhan ku wareegaalaysanaysay(Waar Garsoor eraygu dheeraa, anigaaba ka yaabay) laabtayda iyo qalbiga dhexdooda! Yaab waa maxay qalbiga iyo laabta dhexdoodu? anigaanba aad u garaynayn, culimada ka jawaabidoonrta...

Bal hadda imikana "K"dii.....

Iyaa? miyaad ila-hadashay Garsoor? waan moodayay inaad hore ii tidhi waar hadalkiibaa kaa bataye Cigow "K"da maalindambe u dhig...kol hadday sidaas tahay "K"da kadabkeed go' waan u soo kadlaynayaa hal cabbaar ah.........

Intaasi waa warkii booshaaq ah ee Ina-Cawed Cige Iidle...

Nabaadiino...


Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoon

Monday, April 02, 2001 - 06:32 am
Cige

Salaan kadib waan ka xumahay daahideyda, in kastoo aan ku daahey gartii adduunka, taas oo aan suxul duub ugu jirey in guddi loo saaro dunidaan intaas le'eg ee SAXAR LA BUUBKA NOQOTEY.
Adiga qudhaadu filimaayo inaad ka maqneyd garta, waayo markii orku soo yeerey ee la yiri: halaga wardoono, kamaadan dheereyn goobta shaxdu tiiley ee raggu u badnaa. Ammuuraha Allaha sahlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Friday, April 13, 2001 - 12:37 pm
Ina Cige

Maantaan ka soo ordey gartii aduunyada ee aan u fadhiney, oo is iri bal ninkii Ina Cige ahaa ka wardoon, waxaanse ugu imid goobtii shaxdu noo tiiley niman dhowr ah oo aan shaxeyn laakiin sheeko iska heysta. Markaan ku weydiiyeyna waxay ii sheegeen inaan baryahan war lagaa heynin.
Markaas baan ku iri: war iska daaya koley anigu waayi maayo, oo ugu danbeynta waxaan ka heylin asagoo geeliisaa horweynkaa dhexdiisa ku haya,"Car ninkiinee ka booda geedkaas oo aan siyaa qaalintaas lix jirka"

Marka Ina Cigow soo bax intaan ku soo qaban, anniga iima mulacyeyneyside!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi C. Cige

Friday, April 13, 2001 - 01:26 pm
Garsoor:

Nabaadiino ayaan ku faray. Waar ninyahow sownigii hore kuugu sheegay golaha labadeennaa looga tegay. Gartii adduunka waxa igu maqaala ah in Hayhaato iyo Qabqable lagu qaadayo.....

Ma-ogtahay Garsoorow in Soomaalidu halhayska iyo maahmaahda dhammeeyeen oo markay waxwalba wax ka sheegeen mararka qaarkood ay galaan dhul aanad kaba filayn....

Berigii aan yaraa ee aan Mulac iyo Mascagaleyda marba mid noqonjiray ayaan in badan kuwa iga weyn ka maqlijiray xoolihii Futo Biciid bay sii socdaan, markaasaan odhanjiray waar miyay waasheen oo sidee xooluhu futo biciid u marikarayaan ama ugu dul-soconkarayaan.....

Muddo dambe oo aan Goodaaddooyin iyo Buulallooyin shirar la-qaatay ayaan fahmay in maaddaama biciidku yahay xayawaan dheereeya futadiisuna had iyo jeer u tahay bini'aadamka meel aan la-gaadhayn, ilayn had iyo jeer way kaa fogtahaye, sidaasaa wixii fogaadaaba Futo Biciid uga dhacaan...........

Imika iyo haatan odhanmaayo xertii Futo Biciid bay ka dhacday, laakiin Futo Internet kama muuqdaan:-)

I hope inaanan culimadii iyo hablihii midnaba ka cadhaysiin.....

Waar Garsoor awel dhinaca sharciga wax ma-ka-wadatay aan Qareen kuu qabsado haddii lay xukumee?

Mise intaasna iigama adkid:-)

Waar Geeliibaa Futo Biciid ka dhacaye iga raalli noqo intaan soo celinayo

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garsoor

Monday, April 16, 2001 - 06:22 am
Ina Cigow

Waa lagu salaaman.
Salaan kabacdigeed, waad ka warheysaa xaaladda guud ee GARTII ADDUUNYADA, waxaa ugu darneyd ee goynta garta caqabo ku noqdey: ujeedo iyo wadasheyn la'aan ka jirta Gudiga ama Wakiilada aan ka mid ahaa, wax kale iska dhaafoo waxaa la iska kari waayey magacyada la isku sheego ama la isdhaafsado. Taasi waxay reebtey halheys cusub oo ah, "Magaceygu deyn kaama qabee, dantaada ka hadal!", marka hadda meel fiican bay mareysaa oo dad badan baa soo ogolaanaya inay sheegaan: Magacyadooda, aqoontooda, ujeedadey u yimaadeen iyo waxa rajadoodu tahay, dadka kalana ka dhageystaan sidaas oo kale; si loogu gudbo figrad isdhaafsiga iyo wadasheyn daacad loo yahay.

Dhinaca kale Cigow, haddaad yara biyo diidsan tahay inaan futo biciid laga soceyn, waxaan ku bedeli karnaa: dhulow geedaale, haama nuurna, bidhaanna, jiiqla, juuqla, war iyo wacaalna iwm. Balse adigu marna dambi kuma yeelanaysid weydha aad isticmaashey, waayo waxaa la yiri: "Hadalow(weerey) ninna si kuu yiri, ninna si kuu qaadey", marka wax walba waxaa ka aakib ah ujeedadaad u tiri iyo waxaad ka hadleysey.

Ina Cigow ma ogtahay adduunyadu inay ka walaacsan tahay dhaqaala xumada sii kordheysa, mase ogtahay inaan annigu ka walwalsanahay saaxiibo isfaham ka dhaxeeyo oo dunida gabaabsi ku sii noqonaya!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.