site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GUURKA....GUURKA......GUURKA......GUURKA

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): GUURKA....GUURKA......GUURKA......GUURKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Thursday, November 16, 2000 - 11:31 am
ASALAAMU CALEYKUM WA RAXMATU ALAAHI WABARAKAATU

Inta badan waxaan maqalnaa hebel wuu guursaday, hebla waa la guursaday, ama annaga ayaaba orana waan guusanayaa. Haddaba guurku waa maxay. Guurku waa nolol ku dhisan is aaminid isla markaana leh raxmad iyo kalgaceyl.Taas waxaa ka marqaati ah Qowlka eebe"Aayaadka rabbi waxaa ka mid ah inaan ka abuuray naftiin(ragga)haween aad ku xasishaan waxaa ka yeelay dhexdiina kalgaceyl iyo naxariis". Sida dhabta ah Guurku ma ahan wax markiiba lagu soo boodo ama guurso oo kaliya waxay u baahan tahay qorshe iyo waddo dheer oo loo maro sidii guurkaas uu kuugu noqon lahaa mid aad ku aflaxdo.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka guursanay had iyo jeer lagama maarmaanu ah waxay tahay marka hore inuu si quman ugu fekeroruuxa uu rabo inuu nolol la wadaagi isweydii ....waa ruux ceynkee ah......ilaa heerkee ayaad ku kalsoon tahay......ruuxani niyad heer sare ah makuu hayaa i.w.m. Waxaa xaqiiq ah guur kalgaceyl la'aan ah uu la mid yahay ubax aan udgoon laheyn, isweydii kalgaceylaasi waa noocma?....ma gacaliye....honey....xabiibi....ruuxii aan jeclaa....iyo kuwo ka sii macmacaan oo lagu maqashiya miyaa ?mise waa kalgaceyl ka muuqda jirka oo dhan mararka qaar aad u dareemeysid sida aad u dareentid kulka iyo qawoga iyadoo aan lagula hadli eegmo oo qura in kalgaceylkasi yahay mid dhab ah.
Ugu dambayntii haddaad dooneysi oo aad alle ka rajeyneysid guur wanaagsan ku xulo ruuxa aad nololsha la wadaageysid diinta iyo dhaqanka qofka haddii kale sheekada ha ahaato GABADHEE UGU QURXAN.....IYO......NINKEE LACAG LEH.....DABCAN NINKA QAADAYA MASUULIYADA WAA INUU AHAADAA RUUX SHAQEYSTA OO QOYSKIISA MASAFUUTA HADDII KALE WELFARE IYO PUBLIC HOUSE WAKIIL KADIBNA WAA XAQIIQ IN AAD WAAYI DOONTID XUSHMADII UU WELIGII LAHAA AABAHA REERKA.
WAXAAN ALLE KA RAJEYNAYAA NABAD IYO CAAFIMAAD IN UU ALLE INA SIYO MAR WALIBA DHAMAANTEEN.

ILEYS@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 17, 2000 - 12:49 pm
To: FAIZA ALI

Wel said sister and keep up the good work.


ATL-GAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Sunday, November 19, 2000 - 09:39 pm
TO;FAISA ALI . Walaal faisa si aad iyo aad u fiican ayaad u hadashay ,waxaanad ka hadashay arin ay raggu inta nadan ka seexdaan ama gabaan oo ah xagga masuuliyada,iyo arin ay dumarku aad ugu dadaalaan sidey ragga uga faro maroojin lahaayeen oo iyana ah masuuliyada . haddaba faisa haddii aad tahay xaas nin qabona ninkaaga kula dhaqan arimahan wanaagsan ee ad ka hadalyso ,haddii kale oo aad weli innan ama gabadh tahayna yaan lagaa waayin wanaagaas aad sheegayso marka aad ninkaaga mustaqbalka guri isugu timaadaan labadiina oo keli ahi oo ha ku noqon araweello . lol. jeesto2000@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.