site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GUURKA....GUURKA......GUURKA......GUURKA

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): GUURKA....GUURKA......GUURKA......GUURKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Thursday, November 16, 2000 - 11:40 am
ASALAAMU CALEYKUM WA RAXMATU ALAAHI WABARAKAATU

Inta badan waxaan maqalnaa hebel wuu guursaday, hebla waa la guursaday, ama annaga ayaaba orana waan guusanayaa. Haddaba guurku waa maxay. Guurku waa nolol ku dhisan is aaminid isla markaana leh raxmad iyo kalgaceyl.Taas waxaa ka marqaati ah Qowlka eebe"Aayaadka rabbi waxaa ka mid ah inaan ka abuuray naftiin(ragga)haween aad ku xasishaan waxaa ka yeelay dhexdiina kalgaceyl iyo naxariis". Sida dhabta ah Guurku ma ahan wax markiiba lagu soo boodo ama guurso oo kaliya waxay u baahan tahay qorshe iyo waddo dheer oo loo maro sidii guurkaas uu kuugu noqon lahaa mid aad ku aflaxdo.
Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka guursanay had iyo jeer lagama maarmaanu ah waxay tahay marka hore inuu si quman ugu fekeroruuxa uu rabo inuu nolol la wadaagi isweydii ....waa ruux ceynkee ah......ilaa heerkee ayaad ku kalsoon tahay......ruuxani niyad heer sare ah makuu hayaa i.w.m. Waxaa xaqiiq ah guur kalgaceyl la'aan ah uu la mid yahay ubax aan udgoon laheyn, isweydii kalgaceylaasi waa noocma?....ma gacaliye....honey....xabiibi....ruuxii aan jeclaa....iyo kuwo ka sii macmacaan oo lagu maqashiya miyaa ?mise waa kalgaceyl ka muuqda jirka oo dhan mararka qaar aad u dareemeysid sida aad u dareentid kulka iyo qawoga iyadoo aan lagula hadli eegmo oo qura in kalgaceylkasi yahay mid dhab ah.
Ugu dambayntii haddaad dooneysi oo aad alle ka rajeyneysid guur wanaagsan ku xulo ruuxa aad nololsha la wadaageysid diinta iyo dhaqanka qofka haddii kale sheekada ha ahaato GABADHEE UGU QURXAN.....IYO......NINKEE LACAG LEH.....DABCAN NINKA QAADAYA MASUULIYADA WAA INUU AHAADAA RUUX SHAQEYSTA OO QOYSKIISA MASAFUUTA HADDII KALE WELFARE IYO PUBLIC HOUSE WAKIIL KADIBNA WAA XAQIIQ IN AAD WAAYI DOONTID XUSHMADII UU WELIGII LAHAA AABAHA REERKA.
WAXAAN ALLE KA RAJEYNAYAA NABAD IYO CAAFIMAAD IN UU ALLE INA SIYO MAR WALIBA DHAMAANTEEN.

ILEYS@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DAA;UUD

Thursday, November 16, 2000 - 01:02 pm
ABAAYO FAA,ISO WAAD SALAAMANTAHAY MARAKA HORE SALAAN KADIBNA WAXAAD MEESHAAN KUSOO QORTEY WAANO AAD IYO AAD FIICAN OO ANFACAYSANA DAKA IN AY MUSTAQBAL DHISTAAN DOONAYA. WAXAAN AADIYO AAD ULASIYAABAY SIDA AAD XAQIIQDA UGA HADASHAY.
WANADA AAD AYAMACQUULUTAHAY.


QORE;DAA,UUD,L//H//MPL/MN/U.S.A

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 16, 2000 - 05:53 pm
To: Faisa Ali
walaal waad salaamatahay. Bacda salaan waxaadtahay gabbadh aad iyo aad u qiimo badan oo u macquul ah, aad ban gahellay qoraal kaagii diiniga ahaa oo aad soo qortay, waana wax run ah dhan maantiiba dabcan waxaaba ka mid ahaa Aayado Quraan ah, waadna ku mahadsantahay. Balse su aal abaaye, Horta adigu ma madax banaantahay? If so fadlan ii soo jawaan, waan kahelaye.
sidaa iyo nabbad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 16, 2000 - 05:55 pm
To: Faisa Ali
walaal waad salaamatahay. Bacda salaan waxaadtahay gabbadh aad iyo aad u qiimo badan oo u macquul ah, aad ban gahellay qoraal kaagii diiniga ahaa oo aad soo qortay, waana wax run ah dhan maantiiba dabcan waxaaba ka mid ahaa Aayado Quraan ah, waadna ku mahadsantahay. Balse su aal abaaye, Horta adigu ma madax banaantahay? If so fadlan ii soo jawaan, waan kahelaye.
sidaa iyo nabbad gelyo, Qorre Lulaaye

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.