site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALAAHU AKBAR.......ALAAHU AKBAR.......ALAAHU AKBAR

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): ALAAHU AKBAR.......ALAAHU AKBAR.......ALAAHU AKBAR
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Thursday, November 16, 2000 - 04:20 pm
ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATU LAAHI WABARAKAATU.


Alaah s.w addoomadiisa waxuu u dhigay xaduud go'an oo alle ka mamnuucay in ay ka soo gudbaan taa waxaa dalliil noo ah xadiiskii xadiisu qudsiga ahaa ee uu yiri rasuulka c.s.w alle waxuu yiri"alaah waxuu leeyahay seero ee iska ilaaliya inaad ku dhacdaan seerada alle iskaga ilaaliya sida ninka ari jirka uu arigiisa uu uga ilaaliyo seerada xool dhaqatada kale"

Haddaba qofka muslinka ahi alle uma baneenin in uu ku hadalo waxalaale iyo waxii afkiisu soo qabato. qofwaliba waxaa la gudboon in uu xasuusnaad in ay jirto maalin carabkiisu aysan dhaqaaqi doonin maalintaana toobo haddey waxtareyso in badan oo gaaladii qureyshta ayey tari lahey. alaah adoonkiisu kama aqbalo toobada xilliga sakaraatul mowdka. Haddaba is xisaabi adigu oo weydii nafsadaad waxa ay ku jirto ma tahay taqwo iyo toobo alle ka cabsi leh oo adduun iyo aakhiro aad ku liibaaneysid......maalinkasta immisa ayaad ceydaa....immisa salaadood ayaa kaatagtay.....haddaladaad sharka iyo kheyrka kee ku badan......adoomada alle ma caawisaa.....kheyrka alle ma ku mahdisaaa.....markii iilka lagu dhigo maxaad la kulmeysaa....alle inta uu raaliga ka yahay ma ka mid tahay......alle dartiis ma ku sabartaa xumaan kasta.....immisa jeer ayaad dembi dhaaf weydiisataa alaah....geerida maalin waliba naftaada ma xasuusisaa.....waxkasta oo aad jeceshahay oo alle kaa xarimay alle dartiis ma uga haajirtaa......markasta oo aad damacdo in aad macaamil la yeelatid rag/dumar alle dartiis ma uga hartaa.....hantidaada oo aad jeceshahay islamarkaasna aad baahi u qabtid alle dartiis ma u bixisaa......

gebagebaddii taqwo toosan alle ha na waafajiyo dhamaanteen.

ileys@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Friday, November 17, 2000 - 12:32 am
To Faisa Ali
Wallaal intaan oran lahaa ayaad tiri waad mahadsan tahey. Aniga qudheydu waxaan la yaabanaa dadkan Muslinka isku sheegaya ee sidii gaalada aanu afkoodu waxba ka xishooneyn ILAAHNA aan ka baqeyn waxaanan oran lahaa ILAAHEY intaad ka baqdaan iska ilaalaiya dhaqamad kale, koley qof walba waxaa la waydiin wuxuu galey.

macasalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khayr jecle

Friday, November 17, 2000 - 11:31 am
afkaaga caanaha janada lagu qabay ajir iyo xasanaad rabi hakaasiiyo waaaaaa wareeeeeey
waar talo waatan qofkii wax maqlayoow
wasalaamu calaykum warax matu laahi wabara kaatu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hammer

Friday, November 17, 2000 - 01:08 pm
Faisa Ali,

Thank you sister for reminding us the way of Allah.

May Allah for give us all,And lead Us unto the right path,the path of those whom he had favoured,
Not the path of those who earned his anger,nor of those who went astray.Amin!

I would advice all my brothers and sisters to abstain from foul words and respect the coming "RAMATHAN".

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.