site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA DADKA UGU QURUX BADAN?.......QOF CEYNKEE AH?

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): YAA DADKA UGU QURUX BADAN?.......QOF CEYNKEE AH?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Friday, November 17, 2000 - 02:29 pm
ASALAAMU CALEYKUM WA RAXMATU LAAHI WABARAKAATU.

Inta badan dadku waxaa jirta waxyaabo ay qiimeyso, waxyaabahaasi waxay isku jiraan waxyaabo la oran karo dabcan waa shey ama wax mudan qiimeynta la saaray.Haddaba waxyaabahaasi waxaa ka mid ah QURUXDA. Inta badan.....hebel waa wiil qurxan......gabadhaa quruxdeed waa waxaan la qiyasi karin......kuwaa yaa ugu quruxbadan....I.W.M ah inaad maqashid ma ahan mid kugu cusub, balse ma is weydiisay QURUXDU waa immisa nooc teese ugu fiican uguna kheyr badan?

Quruxdu waa wax farabadan oo meel waliba inta badan wey gashaa, waxaana ka mid ah tan Dadka, dadku labo meelood ayey ka qurxan tihiin jirka ama qalbiga quruxda jirka ruuxu idil ahaan ayuu u quruxoon yahay ama meelo qaas ah ayuu u qurxoon bale tan qalbiga ayaa ah ama la oran karaa waa quruxda dhabta ahi, waayo ruuxa qalbiga ka qurxoon waa ruux inta badan degan oo jecel in laga magangalo afkiisa...iyo gacantiisa. had iyo jeerna jecel in lala qeybsado waxa uu haysto....sidoo kale ku fekera inuu caawiyo ehelkiisa...iyo addoomada alleba.....islamarkaasna waa ruux sabar badan.....haddii uu arko ruux qalad ku taagan u nasteexeeya oo u sheega jidka toosan .......waa ruuxcaqligiisa aan dadka ku waxyeeleyn.....waa ruux ay u siman yihiin ruux derajo leh iyo ruux caadi ah ......ruux qani ah iyo mid sabool ah......mid buka iyo mid caafimaad qaba....mid qabiilkiisa ah. Haddaba quruxda dhabta ahi waa taa ee qurux laguma tilmaami karo color la marsaday ama afka oo la kalareeyo ama dharkaa yar oo la xirto ama baruuko oo timaha lagu xirto...ama sarwaal oo la xirto dumarka.....amasurwaalka oo laga xiro meel hoose ama dhegaha oo ay durtaa ragga ama ay xirtaan silsilado. Intaasoo dhan qurux iska daayoo waa dembi waayo rasuulka c.s.w waxuu yiri "ruuxii isku jabaha qowm iyaga ayuu la mid yahay." dumarka surwaalada xita iyo wiilasha dhegaha durtay ee silsiladaha xira waxaa ku wanaagsan inay akhriyaaan xadiiskan. Rasuulka C.S.Wwaxuu kale yiri"ruuxii dumarka saraawiisha xirta ee ragga shabaha janada geli maayaa carafteedan ma urinayaan janad carafteed waxaa laga uriyaa meel 500 oo sano loo socdo" sidoo kale Rasuulka C.S.waxaa laga wariyey in uu yiri"barkada allaha ka qaado ruuxii baruuko xirta".Haddaba walaalayaa ku dadaala wanaaga iyo kor u qaadida diinta islaamka.
ASALAAMU CALEYKUM WA RAXMATU LAAHI WABARAKAATU.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.