site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA DADKA UGU QURUX BADAN?.......QOF CEYNKEE AH?

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): YAA DADKA UGU QURUX BADAN?.......QOF CEYNKEE AH?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Friday, November 17, 2000 - 02:31 pm
ASALAAMU CALEYKUM WA RAXMATU LAAHI WABARAKAATU.

Inta badan dadku waxaa jirta waxyaabo ay qiimeyso, waxyaabahaasi waxay isku jiraan waxyaabo la oran karo dabcan waa shey ama wax mudan qiimeynta la saaray.Haddaba waxyaabahaasi waxaa ka mid ah QURUXDA. Inta badan.....hebel waa wiil qurxan......gabadhaa quruxdeed waa waxaan la qiyasi karin......kuwaa yaa ugu quruxbadan....I.W.M ah inaad maqashid ma ahan mid kugu cusub, balse ma is weydiisay QURUXDU waa immisa nooc teese ugu fiican uguna kheyr badan?

Quruxdu waa wax farabadan oo meel waliba inta badan wey gashaa, waxaana ka mid ah tan Dadka, dadku labo meelood ayey ka qurxan tihiin jirka ama qalbiga quruxda jirka ruuxu idil ahaan ayuu u quruxoon yahay ama meelo qaas ah ayuu u qurxoon bale tan qalbiga ayaa ah ama la oran karaa waa quruxda dhabta ahi, waayo ruuxa qalbiga ka qurxoon waa ruux inta badan degan oo jecel in laga magangalo afkiisa...iyo gacantiisa. had iyo jeerna jecel in lala qeybsado waxa uu haysto....sidoo kale ku fekera inuu caawiyo ehelkiisa...iyo addoomada alleba.....islamarkaasna waa ruux sabar badan.....haddii uu arko ruux qalad ku taagan u nasteexeeya oo u sheega jidka toosan .......waa ruuxcaqligiisa aan dadka ku waxyeeleyn.....waa ruux ay u siman yihiin ruux derajo leh iyo ruux caadi ah ......ruux qani ah iyo mid sabool ah......mid buka iyo mid caafimaad qaba....mid qabiilkiisa ah. Haddaba quruxda dhabta ahi waa taa ee qurux laguma tilmaami karo color la marsaday ama afka oo la kalareeyo ama dharkaa yar oo la xirto ama baruuko oo timaha lagu xirto...ama sarwaal oo la xirto dumarka.....amasurwaalka oo laga xiro meel hoose ama dhegaha oo ay durtaa ragga ama ay xirtaan silsilado. Intaasoo dhan qurux iska daayoo waa dembi waayo rasuulka c.s.w waxuu yiri "ruuxii isku jabaha qowm iyaga ayuu la mid yahay." dumarka surwaalada xita iyo wiilasha dhegaha durtay ee silsiladaha xira waxaa ku wanaagsan inay akhriyaaan xadiiskan. Rasuulka C.S.Wwaxuu kale yiri"ruuxii dumarka saraawiisha xirta ee ragga shabaha janada geli maayaa carafteedan ma urinayaan janad carafteed waxaa laga uriyaa meel 500 oo sano loo socdo" sidoo kale Rasuulka C.S.waxaa laga wariyey in uu yiri"barkada allaha ka qaado ruuxii baruuko xirta".Haddaba walaalayaa ku dadaala wanaaga iyo kor u qaadida diinta islaamka.
ASALAAMU CALEYKUM WA RAXMATU LAAHI WABARAKAATU.
ileys@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

by

Thursday, November 23, 2000 - 12:06 am
kobtani ma aha meel cilmi looga hadlo ee waa meel la isku shukaansado ee raali ahow
.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caqli

Thursday, November 23, 2000 - 03:43 am
In kasta oo su'aashii aad adigu isaga jawaabtay laakiin waxaan jelacay inaan kuu sheego "Dadka qofka ugu quruxda badini waa qofka aad jeceshahay" wuxuu doonaba ha ahaadee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faiso

Friday, November 24, 2000 - 01:57 am
Hadaad ku qasaar tay quruxda jirka miyaat anaga nooga sheekee neysaa mida qalbiga . wuji askari waxid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAQLI

Friday, November 24, 2000 - 04:51 am
TO: FAISO QURXOON (ILEYS)
WAXAAD SHEEGTAY IN QURUXDU U QAYBSANTO LABO (QALBI IYO JIR ).
HADABA WAXAA CAD IN AADAN QALBIGA KA QURXOONEYN WAAYO WAXAAD AFLAGAADAYSAY QOF RA'YIGIISA UGA JAWAABAY SU'AASHII AAD MEESHA KEENTAY OO AH "YAA DADKA UGU QURUX BADAN?", JAWAABTAAS OO AH MIDA UGU SAXSAN SU'AASHAADA.
LAAKIIN HADII AADAN JAWAABTA FAHMIN WAXAAN KU SIINAYAA TUSAALE KUU MACNAYNAYA OO AH SIDA:-
""QOFKII AAN JECLACAY AYAA ADUUNKA IILA QURXOON SI KASTA OO DADKU U ARKAA INUU FOOLXUNYAHAY, ADIGANA HADII AAD JIR QURXOONTAY OO AAN KU NECBAHAY ADAA DADKA IIGU FOOLXUN.""
HADABA MUUQAYGA MA ARAGTID MARKA KUGU DAYANMAAYO OO KU CAYNMAAYO SI AAD U OGAATID INAAN QALBIGA KA QURXOONAHAY.
PEACE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, November 24, 2000 - 06:01 am
Dhowr arimood,
1. quruxdu waa sida aad u sharaxday oo waa labo nooc; mid qalbi iyo mid jismi, tan qalbiga ayaana muhiimsan. Allaha kaa abaalmariyo sida fiican eed u sharaxday.

2. Caqli wuxuu qoray hadal run ah, waxaadna moodaa inuu isagu haleelay macnaha quruxda, maxaa yeelay quruxda u ka hadlay waa mid qalbi oo wuxuu yidhi "Ruuxaad jeceshahay ayaa qurxoon" isagoo taasi sii macneeyey.

3. Waxaa haboonaan lahayd inaad ku dhaqanto waxa aad ku hadlayso. Quruxda waxaa ka mida inaad dadka ula dhaqanto si anshaxa adigoo u dulqaadanaya xataa caydooda. Xusuuso sidaad u sharaxday "Quruxda qalbiga." CAQLI raali ahow boqolkiiba boqol, iskana dulqaado

4. Dhamaan iga raali ahaada haday hadaladeydu cid wax u dhimeen.

Mahadsanidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAQLI

Friday, November 24, 2000 - 07:13 am
WAA KAA AQBALAY QOFKAA I RAALIGALIYOW,QOFKII WAX IGA TABANAYOWNA IGA RAALI AHOW.
Waxaadse moodaa in aan ilownay quruxdii runta ahayd waayo dadka waxaa ugu fiican uguna qurxoon qofkii Ilaah cabsidiisa badsada, quruxda aduunyaduna waxba maaha ee tan runta ah aakhirey jirtaa.

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisa Ali

Sunday, November 26, 2000 - 08:16 pm
TO:CAQLI

Walaal anigu jawaabta cayda ma qorin qof magaceyga adeegsaday ayaa qoray marka wax hubso inta aadan canaanta galin mar waliba qalbigaaga geli in namiimiye internetka ku dhexjiro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shabba

Sunday, November 26, 2000 - 10:34 pm
by shabba
qurudu waa noocyo badan
waa qalbiga ama insidka qofka
ma dhihi karno body ama jirka sabatoo ah markuu hadlo ayaad ka cararaysaa mida kale quruxdu waa waxaad jeclaato ee kula quruxbadan.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.