site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaan u dhaxay nin JIN ah

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Waxaan u dhaxay nin JIN ah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco Xaaji Axmed

Wednesday, November 29, 2000 - 11:17 am
Waxa laga yaabaa in farriintaydan dad badani kaftan u qaataan, darkalena inaan waalanahay i moodaan, darkalena iguba dheeldheelaan....

Minfadlakum kaftan iyo ciyaar way ka kulushahaye hana u qaadannina inaan wakhtigiina ku ciyaarayo..

Waxaan ahay gabadh Soomaaliyeed oo cimrigeedu jiro 38 sano. Waxaan ku dhashay degmada Laascaanood ee gobolka Sool. Dugsiga hoose waxaan ka galay magaalada Laascaanood, dugsiyada dhexe iyo sare-na waxaan ku qaatay magaalada Burco.

Aabbahay wuxuu dhintay anigoo saddex habeen jiray. Waxa qaniinay halaq. Waxa isoo korsatay hooyaday aniga iyo afar hablood oo aannu walaalo nahay.

Waxaan kale oo la-dhashay laba wiil oo mataano ah. Labadii wiilba markay jireen saddex habeen ayaa halaq qaniinay oo ay geeriyoodeen.

Waxa reerkayaga halaq qaniinyadii ku baxay siddeed ruux. Aabbahay, mataanihii aannu walaalaha ahayn, ayeeyday hooyo, habaryartay, wiil aannu ilma-adeer ahayn, eeddaday iyo nin lay siiyay oo habeenkii ardaa-dhigga uu halaqu qaniinay.

Dabcan qaabka aan sheekada idiinku sheegayo ayaa waxay isku soo dhowaynaysaa taariikhda dhacdooyinka oo dhan ee xaqiiq ahaan way kala durugsanaayeen, waxaase mucjiso reebtay inta ruux ee reerkayaga ahaa ama meel uun kasoo gelayay sida ninkaas isoo doonay ee dhammaantood halaqu wada cunay...

Waxa dhacday marar badan in xubno reerkayaga ka mid ahi baadidooneen faaliso iyo ruux aleel roga. Marar badan ayaa marba sharraxaad gooniya reerka loo keenay.

Waxa jirtay in muddo dheer reerkayagu maalinkasta oo Arbaca ah lix laxaad oo wada dharan qali-jiray oo inta uurku-jirta laga saaro inta kale geed Dhuyac ah la-saarijiray......Waxa sidaas loo yeelijirayna waxay ahayd nin Faalka aad u yaqaannay oo meesha la-yidhaahdo Shaxda degganaa ayaa arrinta Halaqa ee ku gedaamantay reerkayaga wax laga su'aalay, wuxuuna ku jawaabay in reerka aan kasoo jeedo oo berigii Soomaalidu qabiilka aad ugu diririjirtay kibir lagu sheegijiray ay qarni hore dhibaato gaadhsiiyeen reer culimo badani ku jirtay.

Wuxuu ninkaasi yidhi halaqyadu waa culimadii reerka oo bahal hoose iska soo dhigtay, sidaas awgeed si loo afwaajiyo waa inaad quudisaan oo idahaas wada dharan hilibkooda geedkaas u dulsaartaan..............

Inkasta oo aan aad u rumaysanjiray sharraxkasta oo tabaalada nagu habsatay layga siiyo haddana markii aan weynaaday ee intaan Laascaanood ka tegay u guuray magaalada Burco, asxaab cusubna yeeshay, ayaa sheekada iyo qaabka laysugu soo tebiyay oo dhan shaki iga galay....

Waxaan is dareensiiyay in dhammaan inta jeer ee halaqu wax naga dilay ay ahaayeen amar ilaah iyo nasiib is-galay..................

Maaddaama aanan ku noqon Laascaanood muddo door ah, sheekadii oo dhammi maskaxdaydii way ka guurtay.

1981kii oo aan markaas fasalka afraad ka ahay dugsiga sare ee Shiikh Bashiir ee magaalada Burco ayaa aniga iyo saddex hablood oo aannu saaxiib ahayn gallay filim lagu dhigayay sinimihii Ina-Qulumbe.

Markii filimku dhammaaday ayaa aniga oo gurigaygu ugu durugsanaa(Waxaannu ku jiray sekedda ka dambaysay bangiga dhexe ee Burco) hablihii kale isoo dhoweeyeen. Markay guriga kadinkiisii i joojiyeen ayaannu halkii cabbaar taagnayn. Hablo iyo caadadood waad ila garanaysaane in saacad ku dhow ayaannu halkii sheeko kasii wadannay.

Markaannu sheeko kala laasanweynay ayaannu is-macasalaamaynay oo aan anigu gurigayagii duluq idhi. Waxaan ku gataatidhacay sariirtaydii.

Waxa nagu dhowaa masaajid had iyo jeer eedaankiisu i toosiyo. Subaxaas eedaankii wadaadku iima bixin. Waxaan baraarugay lixdii subaxnimo. Intaan degdeg u gashaday balcaddii oo inyar oo canjeelo ah isdhaafiyay ayaan kadinka boobay.

Waxaan gashanaa kabo qaraafiic ah oo cidhib taagan. Markaan dixda badhtankeedii marayay ayaa wax qodax aan u maleeyay cidhibta daf iga tidhi. Xanuunkii ayaan ku foororsaday oo is idhi qodaxda iska goo, mise waxaan arkay dhiig badan oo igasoo burqanaya. Intaan fadhiistay ayaan meeshii wax iga mudeen cabbaar dhiiggii ka masmasaxay. Waxaan ku arki-waayay qodax. Iyadoo dhiigii yaraaday laakiin weli soconayo ayaan iska sii lugeeyay.

Markaan marayay cisbitaalka guud ee Burco kadinkiisa ayaan ku tashaday inaan ku baydho qaybta gargaarka degdegga ah ee cisbitaalka. Waxaan ugu tegay laba hablood oo kalkaalisooyin ah iyo oday Ingiriiskii kaga tegay oo dhakhtar ah.

Markay hablihii iyo odaygii meeshii isbiirte iyo cudbi marmariyeen ayay ku arkeen god daloola oo aad mooddo in la-qoday. Waxay i weydiiyeen waxa i muday, markaasaan ugu jawaabay waxaan moodayay in qodaxi i mudday.

Iyagoo aad ula yaabban waxa daloolka noocan ah jidhka ku sameeyay ayay dhakhaatiir kale oo cisbitaalka guud joogay u yeedheen. Waxay isku raaceen in habeenkii dhakhtarka lay dhigo, aniguna waxaan idhi waxba ma-qabo ee isii daaya waxaan qabanayaa dugsigaygiiye....

Waxay dhakhaatiirtii yidhaahdeen kusii deynmayno. Waxan markii dambe ku fekeray malaha wax aanay kuu sheegayn bay kugu arkeen.

Habeenkii waxaan u hoyday dhakhtarkii. Waxa lay jiifiyay waadh dhinaca waqooyi-galbeed xiga, sariirtayduna waxay ku dhegsanayd daaqad.

Fiidkii hore mar aan la-sheekaysanayay dumar waadhka jiifay ayay dhawr jeer igula kaftameen; waxaad xigtaa dhinacii Alla-Ka-jeed. Alla-Ka-jeed waa dhisme gooni u taagan oo meydka la-dhigo.

Sidaannu isaga kaftamaynay ayaannu dhammaantayo kataatidhacnay. Goortaan cabbaar hurday ayaa meeshii wax iga mudeen aad ii kaartay. Taahaygii ayaa dumar kale oo meesha jiifay ku tooseen. Waxay u yidheen hablo kalkaalisooyin ah oo debedda iskaga sheekaysanaya. Markay ii yimaaddeen ayay igu yidhaahdeen Aspiriinkaa liq oo seexo. Nabarkii wuu iga go'iwaayay.

Sidii xanuunkii ii hayay ayaan gam'ay. Anigoo riyo xun ku dhexjira ayaa marqudha laydhkii waadhka la-shiday, intaan iftiinkii ku toosay ayaan waxaan indhaha ku dhuftay nin dheer oo ilaa 6ft 5" ah oo madow dhalaalaya midabkiisu yahay oo dhankayga kusoo socda. Intaan is haghagaajiyay ayaan soo yara-fadhiistay....

Intuu isasoo kay agtaagay ayuu intuu ilka-caddeeyay igu yidhi; "Xanuunkii makaa go'ay?", waxaan ugu jawaabay imika haa..........

Ma-fadhiistaa sariirtaada dacalkeeda ayuu iigu xigsiiyay?, sabab aan ugu ogolaaday garanmaayo ee waxaan ismaqlay anigoo idhi haa walaal fadhiiso.

Wuxuu ku fadhiistay sariirta dacalkeedii oo dhinaca addinkayga bidix ku beegan. Intuu gacantiisii bidix dulsaaray gacantaydii midig ayuu igu yidhi; waad ladnaanaysaa ha-werwerin...
Waxaan ugu jawaabay Insha-allaah..... Markaasuu qoslay, qosol ilka-caddayn ah......

Waxaan is idhi magaciisa weydii markaasuu intaanan hadlin intuu sarakacay jeebkiisa kasoo saaray kartuush yar oo af aanan markaas garanaynini ku qoranyahay, wuxuu igu yidhi marka dambe ee xanuun ku qabto kiniinkaas xabbad liq, markaasuu dhaqaaqay........

Ninkii dib dambe uma arag. Daawadii uu i siiyayna aad baan ugu ladnaaday. Runtii dhakhaatiirtii oo dhammi way la-yaabeen oo waxay yidhaahdeen hore umaannu arag.....

Sannadkii 1983kii ayaan magaalada Madaras ee waddanka Hindiya waxbarasho dhakhtarnimo u tegay. Waxaan galay mac-had ku yaalla oo luqadaha lagu barto anigoo ku talojiray inaan marka hore af-Ingiriisiga barto......

Fajac iyo amankaag, waxaan kula kulmay ninkii cisbitaalka Burco daawada iigu keenay oo macalin ka ah kulliyadda. Waxaan ugu soo galay fasal aan xiisad ku-lahaa. Anigoo wadnuhu aad ii garaacayo, oo runtii aan kala-garanayn farxad iyo naxdin midka i haya, ayuu igu yidhi; iska warran? markaasaan ugu jawaabay nabad?

Hadal iyo murti wuxuu noqday macalinkaygii. Waxaa na-dhexmartay isbarasho dheer. Wuxuu diiday inaan ogaado qabiilka uu Soomaali ka yahay. Waxaan jeclaystay inaan ogaado ciddiisa. Inkasta oo lahjaddiisu isugu jirtay Togdheer-Sool-Mudug haddana waxaan doorbiday inaan barasho guud awgeed ogaado cidda uu yahay, reerkooda, walaalihiis. Wuu iiga dhaartay. Waxaan u qaatay dadka Soomaalidu yasto, runtiina wuxuu ahaa qof aad u macaan. Waxaan is idhi mar haddii uu ku adkaystay inaanu kuu sheegin raaskiisa waxa dhicikarta inuu isleeyahay way ama ku yasi ama ku diidi................

Waxaan ku qaatay sidiisii u ahaa. Waxaannu ku go'aansannay inaannu is guursanno. Bishii Julaay 21keedi 1984kii ayaannu ku aqal-gallay magaalada Madaras ee dalka Hindiya...Arooskayagu wuxuu ahaa mid gaar ah oo dad yar aannu kusoo casuunnay...

Wuxuu soo casuumay laba ruux oo aanan hore u arag. Wiil gaaban oo tuur leh iyo gabadh aad u dheer oo qurux illaahay u dhammeeyay, dibinta sarena faruur yar ku leh.......

Markii xafladdii dhammaatay ee aannu isku soo hadhnay ayaan weydiiyay cidda labadii ruux ahaayeen, markaasuu mawduucii beddelay, aniguna waxaan u qaatay uun dad ay isku cid yihiin, runtii waxaan jeclaystay inuu ii sheego haddana wanaagga aan ku bartay awgii ayaanan ugu sii dirqiyin inuu jawaab iga siiyo dadkaas.....

Lix toddobaad markaannu guri lahayn ayaan subax keliya madax wareer iyo yalaalugo lasoo toosay. Waxaan qabtay dhakhtar nagu dhowaa, waxa laygu yidhi waxaad leedahay uur. Habeenkaas iyo siddeed habeen oo kusii xigay muu soo hoyan. Meel uu ku maqnaa maan ogayn. Subaxii dambe anigoo ka werwersan ayuu albaabka dalaq iiga soo yidhi, markaan u hinqaday inaan weydiiyo meesha uu ka dhacay ayuu wuxuu iisoo saaray diric aan lahaa oo aan inaabtiday oo Burco joogtay uga imi!!!!!!!!!

Intaan aad u naxay ayaan ku idhi xaggaad ka keentay? Wuxuu iigu jawaabay xaggaad ku ogayd? Waxan is idhi wuu kugu dheeldheelayaa....malaha waa diric kii u eg oo uu soo iibiyay!!!!

Anigoo aan u jawaabin ayaan diricii ka qaaday oo aad u eegay, mise xitaa goodiga hoose meel uu diricu ka-yara-furtayna waa sidii.....

Wuxuu igu yidhi sow uur ma-lihid? markaasaan ku idhi haa. Waxba dhalimaysid buu iigu jawaabay...oo kadinka ka baxay...........

Sagaal bilood oo aan uur-lahaa meel uu joogo maan arag. Maalintii dambe ayaa fooshii i qabatay. Reer Soodaan ah oo aannu jaar ahayn ayaa dhakhtarka iila cararay. Waxaan foolanayay 21 saacadood. Waxa isugu kay yimi dhakhaatiirtii cisbitaalka oo dhan.......

Siddeeddii subaxnimo ayaa dhiig soconaya mooyee waxkale layga waayay. Muddo toddobaad ku siman ayaan cisbitaalkii ku jiray. Waxa lay tallaabiyay dhakhtar haweenka takhasus ku ah oo ku yaalla magaalada New Delhi....

Ilaa iyo maanta cilmiga sayniska iyo dhakhaatiirtu midnaba sharrax kama bixin wixii aan sagaalka bilood uurka ku siday ee markii dambena la-waayay............

Ninkii aan jeclaaday, ee seygayga noqdayna weli meel dambe oo uu joogo war iyo wacaal midnaba kama hayo...............

Markaan dad badan qisadan uga warramay waxa laygu samriyay inaan JIN GUURSADAY.............

..................................................

Waad ku mahadsantihiin samirka aad ku akhrisateen qisadaydan la-yaabka badan....

Nimco Xaaji Axmed, Wembley, London UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleymanf

Wednesday, November 29, 2000 - 01:25 pm
Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Walaal nimco waan akhriyey qisadaadii mucjisada ahayd runtiina aad bay iiga fajicisay waxaase ah wax alaah loogu mahad noqo inaga oo islaama haysanana wax aynu isku qancino iyo wax aynu isku difaacno.
waxaan filayaa qisada aad ka warantay waa dhacdo waana wax ay qoyska aad ka dhalatay ay la qabaan qoysas soomaaliyeed oo badani inkasta oo qaabka aad dhacdada uwerisay iyo sida aad isugu xirtay oo aad uqaabaysani ay dad badan argagax ku ridayso
waxaan filayaa qoyska xaaladiisa iyo taadaba in wax iska bedeleen maxaa yeelay waqtiga aad ka waramayso oo aad ufog iyo waxyaalo badan oo is bedelay.

Nimco walaal qisada waad soo bandhigtay waanuna akhrinay waxaan filayaa hada caafimaadkaaga iyo ka qoyskuba waa iska caadi waa walaalkaa suleymaan oo ku leh waxaan kuu rajaynayaa khayr

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A. 222

Wednesday, November 29, 2000 - 02:43 pm
Asalaamu Caleykum

Walaaley waxaad ka sheekeysey sheeko dhici karta, balse sidii aad u sheygteyba dad badan u qaadan karaan in aad tahay ruux sheekooyinka qora ama saxufi ah. Haddii nin qoro waan ka shakin lahaa, laakiin sheekadaan oo kale gabdhuhu kuma dhiiradaan.

Wax kasta adduunka waa dhici karaan, mujisooyinkuna wey jiraan. Meesha aad u sababtey sheekadana waa wax dhici kara, dhibabka arrimahaas ka yimaada wey fara badan yihiin weyna kala duwan yihiin, cid kasta si bey u asiibtaa. Waxaase loo yeela sababo kala duwan, oo loo badiyo dhinaca sixirka iyo ilaacada.

Mar haddii sheekada qoyskiina ey ku soo lifaaqneyd cabsi fara badan, qof kasta oo qoyska ahi wuxuu dhaxli karaa cabsi fara badan iyo walwal joogto ah oo ku abuurma qalbigiisa iyo wax qabadkiisaba. Marka haddii xataa wax ka jiraan waxaa ka badan intay kugu kordhineyso cabsidaadu.
Ka soo qaad: in aadan horey u arag ninka, uurna u yeelatid, waxna la waayo markii aad isbitaalka tagtey. Waxey noqon laheyd arrin yara iska layaab ah, oo sidaas kuuma mashquuliseen. Waxaas hadda arrinta kordhiyey cabsida aad horey u qabtey.

Ugu danbeyn, 1) arrinta waxba ha ka fakarin, oo is ilowsii intii aad kari karto.
2) Quraanka xoogga saar inta ka hartey noloshaada.
3) Waxaad aqrisataa qisaska ama sheekooyinka ka hadlaya imtixaanaddii la soo marsiiyey asxaabihii, dhimashada iyo abaal marinta ka danbeysa geerida.
4) Adaa tabartaada yaqaane, waxaad isku deydaa in aad waxuun u qabatid dad tabar yar oo ka mid ah Qolooyinkii la yiri, Qabiilkaaga baa dhibka u geystey waagii hore. Tusaale: waxaad qodi kartaa ceel ama barkad, kadibna aad ku wareejin kartaa dhowr cid oo qolooyinkaas ah, waqti aad loo dhiban yahay, taas oo ku reebi karta farxad weyn oo filanwaa ah.
Tan Allana wuu kuugu raxariisanayaa, naftaaduna wey ku daawoobeysaa oo waxaa kaa kala yaraaneysa cabsidii aad ka baqeysey in ciddii wali idin soo eegayaan.
5) Wax kasta oo kugu dhaca, waligaa u sabab inay kuu qornaayeen oo ku timid Qadar Alle. Kuna faraxsanow, oo xasuuso tii la soo marsiiyey Nebi Ayuub naxariis iyo nabad galyo Eebbe korsiisa ha ahaatee!
6) Iska jooji in aad ka sheekeysid, ilaa in aad dadka dhibaatooyinka sheeganaya aad ku samirsiineysid mooyee.
7) Ka dheerow daawashada iyo aqrinta waxyaalaha ku xasuusin karaa sheekooyinkan oo kale ee cabsida ama shakiga abuura.

Illaahey Ha Naga Xafido sharta teeda muuqata iyo tan qarsoonba, Hanna Naga Dheereeyo kuwa isku howla sameynteeda!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasan

Wednesday, November 29, 2000 - 04:45 pm
ku.nimco xaaji
soon wanaagsan
abaayo sheekadan waa qiso naxdin leh aniga marki aan aqriyayay waa naxay hadana waa wax dhicikara mucjiso kastana aduun ka waa la,arkaa.

abaayo waxaan ku su,aalayaa?????
marki aad burco joogtay ee ay lugta wax- kaamuden maxaey ahaayeen wixi kumuday
mas miyaa <HALAQ> miyaa ku qaniinay??????
nabad galyo walaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 30, 2000 - 05:11 am
Waa sheeko cajiib ah. Waxay isu dhowihiin midan aan aad ula yaabay.
http://somalinet.com/Literature/genie.shtml

Jinigu quraanka ayuu ka buuxaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, November 30, 2000 - 05:13 am
Nimco sheekadeenii ma sheegtay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, November 30, 2000 - 06:02 am
Salaan ka dib, walaal Waan ka xumahay sheekada kugu dhacday,laba su'aal ayaan ku weydiinayaa:midda hore dib ma u guursatay oo wax ma dhashay.Midda labaad Magaalada Madras anigu waan joogay oo arday baan ka ahaa, ma ii sheegi kartaa halka aad ka deggenayd, dhallinyaro somaliyeed baad arday ka ahayd hablo iyo wiilalba, college aad dhigan jirtay kee buu ahaa, mise ii sheegi kartaa dhallinyaradii magacyadooda ee deggenanyd Madras, sannadkee ayaad ka tegtay.
Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Thursday, November 30, 2000 - 06:50 am
Waar aniguba reer Madras ayaan ahaan jirey mana garanayo qoftan.
Waxa aan deganaan jirey Defense Colony.Markii danbena Adhyar ayaan u guurey.Ugu danbayntii waxa aan deganaa halka tareenku ku dhamaado ee Tambaram East.
Markaa walaal su'aalahaa Mohamed kor kugu weydiiyey ma nooga jawaabi kartaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARDOWSA

Thursday, November 30, 2000 - 08:43 am
NIMCO SHEEKADAADA WAA SHEEKO LAGA NAXO EE WALAALEEY WAXAAN KUGU WAANIN LAHAA INAAD QURAANKA AQRISATO OO AAD ILAAHEY BARIDO SABABTOO AH MUCJISO AYAA LAGU TUSAY MARKA ABAAYO ISKA SABAR WAX WALBANA AMARKA ILAAHEY AYAY KU DHACAAN KU DDAAL QURAANKA ABAAYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARDOWSA

Thursday, November 30, 2000 - 08:44 am
NIMCO SHEEKADAADA WAA SHEEKO LAGA NAXO EE WALAALEEY WAXAAN KUGU WAANIN LAHAA INAAD QURAANKA AQRISATO OO AAD ILAAHEY BARIDO SABABTOO AH MUCJISO AYAA LAGU TUSAY MARKA ABAAYO ISKA SABAR WAX WALBANA AMARKA ILAAHEY AYAY KU DHACAAN KU DADAAL QURAANKA ABAAYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadiah

Thursday, November 30, 2000 - 08:45 am
Nimco, nasiib baad leedahay haddaadan cirfiid la kulmiin!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muslim

Thursday, November 30, 2000 - 09:21 am
bacda salaan walaal sheekadaadu waa sheeko cajaa ib ah waanan aaminay hase ahaatee waxa iga dagi
wayday sida aad afsoomaaliga utaqaan mar waxaan
is idhi sida horay loosheegay gabadhu ma suxufibaa
marna waxaan is idhi iyadaaba tani mimkale ah
xaal ku sikas taba ha ahaadee walaal quraanka badi
jinka waxa akadag quraanka markaad seexanaysid
habeenkii iyo markaad sootoostaba akhri aayadaha
macduudataynka waxa iidheer walaal dhibaatada
gaadhay reer kiina waxan ilaahay idiinka baryayaa
in uu idiinku ajar badalo adigana waxan ku oran
lahaa intaas uqaado tusaale ogowna in ay yihiin
wax ilaahay s.w. kuuqoray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Thursday, November 30, 2000 - 10:40 am
Walaal,nimco,horta markii hore waan naxay,kaddibna
shakibaa igu dhashay,inkastoo qaabka sheekadaadu iyo hor dhaca aad u samaysayba ay run u egtahay,
Alle,agtiisana wax walba ay dhici karaan, hadana
waxaan layaabay,1:sidaad,qoraa hore ugu egtahay,
2:arrintaan oo aan horay loo arki jirin,3:adoo ka warwaayey nin macallin ah oo laga yaqaan deegaanka iyo college kaba,4:adigoo kajawaabi waayey su,aalihii ay kuwaydiiyeen dhallinyaradii iga horraysay sida:xaafadaad kunoolayd,college kaaga magiciisa,iyo cidda aad kataqaanay magaalada.
Walaale,inkastoo aan daahirkaaga xukumayno sida diinteenu qabto,haddana waxaa nayaddayda ku dhashay "tolow gabadhu ma ilmo ay iska soo ridaybay u qiil samaynaysaa?" walaal,qisada ah ruux Insi ah iyo ruux Jinni ah ma isguursan karaan?
horaybay u dhacday, oo mar wax laga waydiiyay nin kamida culumadii hore wuxuu ku jawaabay "Anigu meel ay isku arooseen majoogin".waxaan kaloo maqlay inay diideen culumo hore arrintaan, waayo,
waxaa batay wakhtigoodii, gabdho ilmo ama caruur wata oo markii lawaydiiyo cidda kadhashay ku jawaabaya "Nin Jinniyaan isqabnaa".
walaale,waa soon waana wax qalbigayga kusoo dhacaye, iga raalli ahow haddaan meel kaaga dhacay,fadlan sharaxaad damba ka bixi arrintaan yaabka leh,ayadoo talloyin madana lagu siiyay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DA,UUD

Thursday, November 30, 2000 - 11:17 am
WAXAAN LAYAABANAHAY GABADHA SHEEKADA QORTAY SIDA AY AFSOMALIGA UTAQAANO MARKA WAXAAN RABAA IN AAN SU AALO WAYDIIYO.

1/MA QORBAATAHAY.
2/MACALIN ISKUUL MIYAA TAHAY.
3/MADAKA GABYA BAA TAHAY
QOF KALE OO AF SOOMALI SAAS UYAQAANA WALI ARAG.
WALAAL WAXAY ANIGA ILTAHAY SHEEKO WAAD SAMEYN TAQAANAA LAAKIIN TANOO KALE MADHICIN SIDI JINGA LAGU YAQAANAY HADII AAN SHEEKADAADI ULAABANO MARKI AAD BURCO ISBITAALKA AAD KULA KULANTAY WAXAAD TIRIQOF AAN ANIGA AHEYN MA ,ARAG TAAS WAA MACQUUL JINAKA QOFKASTO MARKO QOFKI ILAAHEY UGU TALOGALEY MAHEE.LAAKIIIN MARKI AAD TIMID MAGAALADA MADRAAS AYAAD TIRI NINKI BURCO AAN KU ARKEY AYAA MACALIN KA AHAA JINIGA SKUULDHAN MACALIN KAMA NOQON KARO ILEEN WAA LAWADA ARKAYAAYE.
ABAAYO WAXAAD QORTAA BUUGAATA SHEEKOOYINKA TAN WAA SOCON WAY SAYE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Creature

Thursday, November 30, 2000 - 07:19 pm
si kastaba sax iyo qalad, run iyo beenb waan ka helay qaabka iyo isku dubaridka qoraalkaaga. Waxaa aad ii sii qanciyey sida deggen ee aad u kala dhigtay.

Inta badanba soomalidu waxay caadeystaan in nidaamka qoraalka caalamiga lagu xadgudbo lakin adiga JIN ayaa kula shaqeeya oo waad ka fakatay.

Su'aalo:

Meeqa sac ayuu jiifan jiray celcelis habeenkii?
Raashinka noocee ayuu u jeclaa?
Mugdiga iyo iftiin kee doorbidi jiray?
Hantidiina see aheyd?
ma ku riyootaa ilaa iyo hadda?
Magacyadiisa maxaa ka mid ahaa?
Jamalada badda ma tegi jirteen?
How about Kawaanka hilibka?
Hadda xaalkaagu see yahay?
Ma cabsataa?
Masaska noocee ayaad u necbtahay..Abeeso, jilbis ETC?
Adiguse weligaa ma waalatay?

Intaas oo su'aalo ka soo jawaab si aan go'aan uga gaaro. Waxaan eegi doonaa inaaan isleenahay iyo in kale.

P.S. iyo Haddaan ku iraa waxaan ahay JIN ku jecel ma i rumaysaneysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burco and Laascanood

Friday, December 01, 2000 - 05:16 am
Horta salaan ala maxaad subax Burco kasoo toostay sidaad u kala taqaanid aa i dhishay abaayo ma taqaan Hotel Abdi madoobe oo dhuloos lahaayen lol ileen laascanood ka katimide iyo bakharkii Indho deero kii habarjeclo

bye sis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nico Xaaji Axmed

Friday, December 01, 2000 - 07:34 am
Ramadaan Kariim dhamaantiin;

Waxaan dhammaan intiinna ka hadashay sheeko-nololeedkaygii aan halkan kusoo qoray uga mahadcelinayaa sida qiimaha iyo sharafta mudan ee aad ii qadderiseen, una xushmayseen sheekadan waaqiciga ah ee aan idiinka xogwarramay.

Horta waa dhab oo way adagtahay in qisadayda si fudud loo rumaysto, waxa igaga sii daray ilaa iyo maalintii aannu ninkaas is-guursannay iyo muddadii aannu isqabnay intaas dadka wixii aannu ama qaraabo ahayn ama asxaab ila-ahaa wuxuu guurkaygu ula ekaa mid caadi ah oo aan wax laga shakiyaa ku ladhnayn....

Bal qabsoo aniga naftaydu inkasta oo aan ka shakiyay ninka aan i aqoon ee cisbitaalka Burco saqda-dhexe daawada iigu keenay, markii dambena Hindiya igaga soo baxay marnaba kama fekerin wiilkan Soomaaliyeed -(wuxuu ahaa Soomaali dhab ah, midabkiisa, habdhiskiisa, hadalkiisa iyo waxyaabo badan oo aanan kashifikarin)- wuxuu noqonkaraa Jin, umado qarsoon iyo ruux aan bini-aadam ahayn.....

Horta markii uu Burco iga helay shaki badan baa iga galay. Qolyihii cisbitaalka ka shaynayay oo dhammi waxay yidhaahdeen ma-naqaan qof tilmaantaas aad sheegayso leh.

Madaras waxaan joogay muddo ilaa lix iyo toban bilood(16) ku siman. Markii ugu horraysay waxaan guri ka galay Airport Road oo ka tirsan Guindy. Muddo aad u gaaban ayaan degganaa. Af Ingiriiska waxaan iska qoray kulliyad gaar loo leeyahay oo hoos timaadda Anna University.

Mar baan ka fekeray inaan dhakhtarnimada kaba walaaco oo aan farsamada barto. Xilligaas waxaan is qoray oo Ingiriisi bilow ah ku qaatay Hindustan Institute of Engineering Technology(HIET).

Markii dambe waxaan degganaa Bessanagar. Dhinaca asxaabta iyo dadka aannu isnaqaannay way igu adagtahay inaan magacyadoodii sheegsheego. Aniga magacayga koowaad ee aan qortay waa kaygii runta ahaa, NIMCO, laakiin magaca aabbahay waan beddelay. Hablihii aannu aad isugu dhowayn waxa ka mid ahayd inan Iimaan layidhaahdo oo imika Sucuudiga deggan.........

Su'aalaha ku saabsan ninka cuntadiisa, hurtadiisa, meelaha aannu wada tegijirnay iwm marnaba ma-jirin waxaan caadi ahayn oo aan ku arkay. Arrimaha mucjisada weyn reebay waa uurkaygii la-waayay, arrintii daawada ee Burco, diricii inaabtiday aan siiyay iyo sida uu dugsi ku yimi, iyo dhawr dhacdo oo igu adag inaan halkan kaga xogwarramo...

Waxyaabo badan markaan ka waraysto wuu isdhaafinjiray, aniguna bal sababtu waxay tahay garanmaayee kuma dirqiyi-karijirin. Dhawr jeer waxaan weydiiyay daawadii Burco, markeliya jawaabteeda saani iima siin, hadal kale ayuun buu ii bilaabaa markaasaa su'aashii maskaxdayda ka baxdaa.

Halkan qaarkiin la-yaabeen sida uu macalinka uga noqday kulliyadda iyo sida macalin kulliyad dhan wax ka dhiga marqudha loo waayay. Maaha runtii su'aalo aan ka jawaabikaro, sababtoo ah haddaan ka jawaabayo waxaan fahmilahaa noloshiisa oo dhan.

In ninkani aniga iigu muuqdo Soomaali, madow maarriin xiga ah, ardayda kalena ugu muuqdo Hindi ama qaarkood ugu muuqdo Yurubiyan cad maaha arrin aan kala fahmikaro, sababtoo ah qaabka aannu isku hellay iyo sida aannu ku kala aynfaadnay ayaan kaga quusqaatay in ninkani yeelankaro wejikasta, waa arrin markii dambe aan isku qanciyay....

Su'aasha ah inaan ilmo wicil ah qarinaayay, taasi waa ruux iyo fekerkii, mana aha midaan kusii tiigaalayo.......

Su'aasha ah inaan guursaday, jawaabtu waa Haa, carruurna waan dhalay, laakiinse ninkaygu kama warqabo qisadan isoo martay. Carruurtayda aan dhalay oo ah wiil iyo gabadhna runtii wiilku wuxuu aad ugu egyahay ninkaas mucjisadu na-kala-qabsatay, in sawirkiisii naxdin iyo cabsi igu reebay sida mid idinka mid ahi hore u yidhi, oo aan markaas wiilkayga hummaaggii ninkaas hallaabay ka dhex-arkaayo waa wax dhicikarta.

Laakiin markasta oo aan wiilkayga fiiriyo wuxuu i xusuusiya ninkaas isaga ah. Wakhtiga aan guursaday guurkayga dambe iyo muddada qisadaas hore igu dhacdayna waxa u dhaxaysay shan sannadood. Ninka dambe ee aannu is-guursannay waxaannu isku barannay Imaaraadka Carabta, magaalada Abu Dhabi, xaafadda Dawaaratul Ashqaal ee uu maro jidka Shaaricul-madaar.....

Dhammaantiin waad mahadsantihiin...

Xus: Minfadlakum iga raalli ahaada haddii aan qaarkiin su'aalahoodii hilmaamay, ama illaaway ama duruufo shakhsiyadeed awgeed ka-jawaabi waayay.

Nabaadiino

Nimco Xaaji Axmed, Wembley, London UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Friday, December 01, 2000 - 08:26 am
Well said.
Waan ku rumaystay inaad reer Madras ahayd.
Sababtoo ah mar hadaad garanaysid Guindy, Anna University, HIET,iyo Bessanagar.Waxbaba may hadhin.
Lix iyo toban billod na wax badan ba maaha.

Suaal ayaanse ku weydiin.
Anigu waxan deganaa Madras 4 sano, Bangalore na waxan deganaa 5 sano waana imman jirey Madras si regular ah xataa markaan Bangalore deganaa, mana aanan maqal nin Soomali ah oo meela wax ka dhiga.

College kii ma ku notay oo ma ka waraysatay meesha ninkaasi ka dhacay?
Meel kalese raadkiisa ma ka raadisey?

Maxaadse samayn lahayd haduu maanta kaa soo hor boxo amba gurigaagaba kugu soo booqdo?


Waad salaamantahay walaal:


Yasin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, December 03, 2000 - 10:06 am
comments to nimco
walaal waxay ahayd sheeko naxdin badan,yaab leh,balse uu rumaysan karo qof hore u arkay sheeko la mid ah ama maqlayba,gaar ahaan magaalada aad ku dhalatay ee L.A,at tahay mid sheekooyinkaa ay caan ka yihiin,tahayna mid soo kor dhaysa maalinba maalinta ka danbaysa.
walaal u dhowoow dhanka ilaahay kaa soo ah mid kaa ilaalin doona dhaawacaada kaaga imaanaaya dhinac yada kale,haddii aad saas samayso insha allah wax dhib ah ma'arki doontid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAGAR AADAN

Sunday, December 03, 2000 - 12:03 pm
Nimco Waan Ku Salaamay, Salaan kadib runtii markaan akhriyey sheekadaadii, aad iyo aad baan u murugooday, waayo waxaan dareemi karaa waxyaabaha aad soo martay sida ay kuu saamayn karaan adiga iyo faamilkaagaba. Waxaan hadaba kugula talinayaa inaad isku daydid inaad diinta si fiican u baratid. Mar labaadkana inaad isku daydo inaad ilawdo sheekadaas oo aad noloshaada ama mustaqbalkaaga uun eegtid. Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu sidii khayr leh kuugu dhameeyo wax kasta oo aad kaga soo kaban kartid arintaas. bye inaadeer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuux

Monday, December 04, 2000 - 08:29 am
balo surka moorkiisa kugu dhufatay. maxay been sheegtay. waxay sameyso markay waysay waxaas soo dhan noosoo qortay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JI U EKE

Monday, December 04, 2000 - 12:22 pm
NAAGTAN WAXAA WASAY NIN ••• WAYN LEH MARKAASAY MOODAY JINI NAA HEEDHE WAA ANIGA NINKA AAD JINKA LEEDAHAY EE SOO DOONO MAR KALE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Monday, December 04, 2000 - 03:03 pm
Nimco

Shakadaad naxdinta leh, waa sheeko dhici karta, ama waa mid dhacdey oo yara la sii dhaashdhaashey. Kaliya waxaa dheeri ku noqon kara ninka oo macalin ka noqdey dal kale. Macalin iyo madaxba wey noqdaan, balse waxey ka noqdaan meelo xaqiidoodu tahay meelo aan fiicneyn sida cidlada ama qashinka.

Si kastaba ha ahaato, anniga ujeedadeydu maahan in aad run sheegeysid iyo in kale, waxaanse kugu ammaanayaa sida wacan ee aad u soo gudbisey sheekada, taas oo aad iyo aad u sareysa. Kaliya waxaa ka dhimman in aad raacisid erey bixin dhowr kalmadood ah, kuwaas oo aan filayo inay dad badan ku adag yihiin, waxaana ka mid ah:
halaq, afwaaj, dharan, dhuyac, qaraafiic, gatatidhac iyo ilaa dhowr kale.
Dhinaca kale, walow erayadaasu sheekada u sii macaaneynayaan dadka ayagu fahamsan macnahooda.

Waxaan aad u jecleystey mararka aad sheegeysid ficilada yaryar ee dadku inta bahan ka boodaan ama fududeystaan markey wax qorayaal, sida:
"Intaan degdeg u gashaday balcaddii oo inyar oo canjeelo ah isdhaafiyay ayaan kadinka [ka] boobay[boodey]." iyo kuwa badan oo la mid ah.

Calaa kuli xaal, sheekadaadu waa heer sare, adiguna waxaad tahay qof ku wanaagsan sheeko qorida.
Waxaan jeclaan lahaa in aad halkaas ka sii wadid, oo waliba qortid sheekooyinka carruurta sida carruurey waxaa la yiri. Laakiin haddii aad jeceshahey kuwa cabsida maya, balse kuwa lagu kobcinayo aqoontooda iyo dareenkooda wacyi.

MAHADSANID!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KUMI

Monday, December 04, 2000 - 05:26 pm
Salaanta Islaamka ka dib;

Anigu waxaan oran lahaa qoftani waa qof qoritaanka hibo u leh ama soo baratay. Qofku markuu barto "Creative Writing" ama suugaanta waxyaabahaas oo kale inuu qoro waxba lama aha.

Waxaa kaloo dhici karta inay sheekada meel kasoo aqrisay oo noo soo turjintey, iyadoo taariikhdeeda ku saleyneysa.

KUMI, London(UK)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ODAY CADULE

Monday, December 04, 2000 - 05:35 pm
JIIRKAANYA XARAAR;ACOWDU BILAHIMANASHEYDAAMI RAJIIM.EBADKEY OO KALE MAARAG YAAYA EE XEYTAH WAABA LESKA NAXAABE.YAAYA SHEEKADAN CAWADIIYAABA LAGU CALWASAADAAHE SHEEKADAANOOKALE EBADKEY MAMAQAL MANA ARAG YAA MUGAAN AQRAAYAAN AADHDID WAA WAYNU IGAYIMADE .JIIRKAANYA XARAAR YAAYA MALESKU DHAYEELAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bishaar

Monday, December 04, 2000 - 08:29 pm
as salaamu calykum w,w salaam ka bacdi nimcaay waan aqriyay qisadaada la yaabka leh,oo qofkii aqriyaa uu ka dareemi karo wax naftu in badan ka sheekaysato oo ku soo noqnoqda,waxaana rumays nahay qof ahaan in waxa aad ka warrantay qisadoodu ay ahaayeen JIN rabbi mar wax isugu kiin daray,waxaana sharci ahaan looga war qabaa in uu jinku tashbiih iyo wax isku ekayn sameeyo oo rabbi u sahlay arrintaas sida malaa`igtaba alle ugu fudeeyay arrintaas inkastoo aysan malaa`igtu isku shabbihin waxyaabaha xun xun,haddana aysan la macaamaloon ibni aadamka,halka laga yaabo in uu JINKU isagu la macaamaloodo ibni aadamka,sidoo kale waxay malaaigtu isku shabahdaa ragga oo kaliya xagga wajiga,,.
war iyo dhamaantiis nimcaay arrintaada haddii laga eego dhinacyada waxyaabaha aan qofka bini aadamka caadi ahaan ka suuroobin sida diracaaga oo burco aad ku ogayd oo hindiya kuugu keenay,isagoo ardadii jaamacadda qaarkood ugu muuqda si aanu kuwa kale ugu muuqan ama adiga kuugu muuqan oo adigu aad soomaali u argto meesha kuwo kale oo ardadaa hindi u arkaan halka kuwo kale yurubian u arkaan, i,w,m wuxuu u muuqdaa jin
waxaadse nimcaay taas kaga gamaysaa ood ku illoobi kartaa in aadan marna arrintaas iyo waliba tii kale oo rabbi kuu qaddaroba aysa marna kaa maqnaanayan oo ay khasab tahay in aad la kulanto,lagana yaabee in aad qisooyin kale la kulmi doontid oo tan ka sii daran thanks nica
ilaahyna waxaan kaaga rajaynaynaa wixii naftaada dhibaya in rabbi kaa kexeeyo,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Tuesday, December 05, 2000 - 10:06 am
well done bishaar!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheikh Muraad

Wednesday, December 13, 2000 - 02:12 pm
Walaal Nimco dhab ahaantii aad baan uga helay sheekadii!

Intaanan u galin fikradayda iyo waxii aan ka odhan lahaa sheekadaas, bal aynu yare eegno dhanka eray bixinta sidii uu codsaday Aadan (maadaama Nimco aysan ka soo jawaabin):
1.Dharan = Astaamo, Calaamado ama midabyo kala gadisan.
2. Afwaaji = Ka hortaga, bilo xijaab ama af-jigid.
3. Halaq = Mas
4. Dhuyac = Waa geed geedaha somaliya ka baxa ka mid ah.
5. Gataatidhac = Marka uu qofku aad u soo daalo oo uu dabadeed is tuuro/seexdo.
6. Qaraafiic (Kabo qaraafiic ah) = Kabo taako ah (Platform shoes) oo intood ahoose ay qori tahay, hablahuna aad u jeclaan jireen. Wakhtiga ay gabadhu ka sheekaynayso ninkii baarqab ahaa ee hablaha baacsan jiray uun baa garan kara, ee kii buuryo faro-ku mar ahaa iyo tii dhoocil/foodley ahayd ee qaxii uun ku indho dilaacsaday midkoodna ma garan karo!
7. Yalaalugo = Labo-laboda qabata dumarku markay uurka leeyahiin! Gabdhii uur yeelatay iyo ninkii ay gabadh ku uuraysatay garan kara!
8. Shaxda = Magaalo madaxda labaad ee Dhuloos! Ninkii tagay baa yaqaan!

Waxaa ayguna edhay bixin u baahan qaar ka mid ah hadaladii Oday cabdulle:
1. Jiirkaayna xaraar = Eebow naga qabo, na dhaafi, na mooti!
2. Yaayaa = Waa yaab!
3. Mugaan = Markaan/Hadda.

Haddaan u soo noqdo dhankii sheekaddaadii, waxaan qabaa Nimcooy inaad tahay qof soo baratay waxa loo yaqaan “Creative writing” ama qof ebee hibo u siiyey curinta/qorida sheekooyinka.
Sheekaduna ay tahay aad samaysay sameeyey, namcan Af-Somaaligana qof aad u yaqaan baad tahay, waxaana taa daliil u ah:

Sheekadan oo wadata waxyaabo badan oo naashnaash ama qurxin (decoration) ah oo aan la xidhiidhin nuxrurka sheekada, sida:
Cimrigeeda, Magaalada iyo degmadii ay ku noolaan jirtay, Cidda soo korisay, inta la dhalatay, Schooladii ay dhigan jirtay iyo meeshii ay ku yaaleen, ayada iyo hablahii ay saaxiibka ahaayeen filmkii ay galeen iyo sheekadoodii, soo daahidii ay soo daaheen, magac ninkii sineemada iska laaha, Masaajidka iyo aadaamkiisii, sakada gurigoodu ku yiil iyo tilmaantiisa, tilmaanta shaqaalahii hospitaalka, wardkii ay jiiftay iyo dhankii ay sariirtu u jeeday iyo sheekadii dhexmartay ayada iyo dumarkii kale ee hospitaalak jiifay.

Intaas oo dhami si toos ah sheekada uma aysan khusaynin, laakiinse taasi waxay waafaqsantahay habka qurxinta sheekooyinka fictionka ah! Si qoraagu uu u soo jiito dhagta iyo dhugta akhristaha oo aanu marnaba uga xeeso dhicin akhrinta ama dhagaysiga sheekada ilaa iyo dhamaadka.

Sheekadu haday ku salaysantahay wax dhacay (Factual) naash-naashkaas/qurxintaas oo kale ma ay lahaateen amaba way ku yaraan lahayd.

Isku soo duub, walaal Nimco sheekadaadu aad bay xiiso u lahayd, aad baana ula dhacay.
Waxaana quudaraynayaa inaad qortid sheekooyin, facts or fiction, Somalia ah, siiba kuwa caruurta si dhalaankeena qurbaha ku dhalanayaa aysan u dhaqan doorsoomin.

Hadaad arintaas fulisid, faa’iidada dhaqale ka sokow qayb wayn baad ka qaadan lahayd xoojinta dhaqankeena. Qofka ugu horeeya oo buugtaada gatay baan noqonayaa.

Ramadaam Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Wednesday, December 13, 2000 - 02:51 pm
Sheikh Murad

Qudhaada baan dabyar shideeyn, saaxiib.
Adoo ku mahadsan sida aad uga qeybqaadatey eraybixinta, waliba sida aad u gacan togaaleysey micnaha kalmahadaha looga hadlo Waqooyi iyo koofurba. Tani qoontaada ka sokow, waxey ii muujineysaa sidaad u tahay Soomaali og in asagu leeyahay luuqada Soomaaliga meel kasta ha looga hadlee, waayo tan dad badani ma oga, oo waxey ku daban yihiin wali inta qabiilkoodu(gobolkooda) ku hadlo, taas oo u koobtey Soomaaligii dhammaa.

Ugu danbeyn, adigana waxaan kaa rajeyneynaa in aad wax qortid, haddii aadan wali wax qorin, anigana ugu xustid bogga kugu-dhiirigaliyaasha.
RAMADAAN KARIIM!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 13, 2000 - 08:59 pm
Asalaamu Caleykum

Nicmo sheekadaad qortay waa wax laga noxo balse dadka qaarkiis ay is oran lahayeen wax jira ma ah, bal dhowr su'aalooda aan ku weydiiyo anigoo ay iga tahay wax hubsi iyo xiiso aan u qabo la socodka sheekada, Meherkii aad is mehersateen miyeysan reerkiin ogen? Maxaa la idinku meheriyay ma diin Islaam mise mid gaalo? Ileen JINI ma hor fariisteen sheikh mana dhageysteen aayaad quraan ah wiliba suuratul baqara iyo Aalicimraan? Meherkaada ka dib, asxaabtii kula dagneyd magaalada sidee bay u arkayeen ninka? Se reer India ma jiniyo ayey macalimiin ka dhigtaan schoolada? Miyaan la daba galin ninkii ay hire-gareeyeen si ay uu macalin u noqdo. Sheekada qeybta dambe ayey iska qabsan la'dahay? Ma u ban dhigtay culumada maxey ka yiraahdeen? Ma diidani sheekada wey dhacdaa waana la arkaa rag guursada naago jiniyo ah iyo ilmo jini ah oo dad soo koradeen balse waxaa cajiib ah ninkii habeenkii kaniiniga ku siiyay sidee buu macalin uga noqday India? Indaian Department of Education caseka ma la socodsiiyay maxayse ka qabteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco Xaaji Axmed

Thursday, December 14, 2000 - 05:41 am
Ku: Shiikh Muraad iyo xerta kaleba...

Horta Shiikh aad baad ugu mahadsantahay sidaad iiga furatay fasiraadda erayada layga soo codsaday oo aan wakhti u waayay, midda labaad waxaad igu kordhisay dhawr foodsaar oo insha-allaahu markaan sheekadayda damco inaan daabaco ii saamixidoona dhammaystirkeeda.....

Sidaad u sheegtay sheekadu waxay leedahay naashnaash, haseyeeshee dhuuxeedu fal-ahaan waa dhab. Waxa jirta qayb dambe oo ballaadhan oo aanan weli soo bandhigin laakiinse aan mustaqbalka, weliba Ramadaanta kadib ku tala-jiro inaan soo bandhigo.....

Dhinaca qoritaanka sheekooyinka, gabayga, buraanburka, heesaha iyo majaajillada intaba waan isku-dayaa, waxaan filayaa markaad qiyaasto aagga aan kasoo jeedo inaad metelikaro hidda-ahaan suugaanta halkaan kasoo galo.....

Anigoo taas xusay haddana macnaheedu maaha inaan sheekada oo dhan been-abuuray. Waxa qudha ee aan bahda Soomaaliyeed ugu soo bandhigay waa bal inay ila-arkaan qisada laxaadkeeda iyo siday cudud iyo muruq iigu muquunisay....

Waad mahadsantihiin...

Nimco Xaaji Axmed, Wembley, London UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, December 14, 2000 - 06:00 am
Nimco Xaaji Mohamed,


Walaal su'aal madras ku saabsan kama aad soo jawaabin oo ahayd sannadkii aad joogtay.Iyo gaar ahaan markii aad HIET aad ku qornayd.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheikh Muraad

Thursday, December 14, 2000 - 07:49 am
To: Aadan,
Walaal Aadan waad ku mahadsantahay amaanta aad igu hishay!

Taa kadib, anigu qoraa ma ahi, cindigayga hada kuma jirto inaan wax qoro. Haddii intuu shimbir igu tufo aan qalin iyo warqad isla haleelo oo aan dhankaa u jehaysto, waa balan in magacaagu uu kobtaas mudh ka soo yidhaahdo!

Adna mid iga balanqaad, waxii aan qoro kolkay soo shaac baxaan inaad ka mid noqondoontid dadka ugu horeeya ee buugaagtayda iibsada?

To: Mohamed,
Walaal Mohamed Madraas iyo India la soo dhaaf oo sheekadii waxay maraysaa xagaas iyo bixin-duule, waxayna wajiga ku sii haysa buura xargggaga! ee dib ha noo celine dhexda kala qabso!

To:Nimco
Walaal Nimco waad ku mahadsanatahay fasiraada aad mar 3aad sheekadaada ka bixisay. Raali ka ahow hawsha aan kuu gacan dhaafay!!

Fasiraada aan sheekadaada ka bixiyey waa aragtidaydii uun oo kaliya.
Xaashaa, been baad sheegaysaa ma oran karo, haddii hadalku halkaa ila galayna raali ka ahow.

Waxyaabo mucjisooyin ahi aduunka way ka dhacaan, adiga uun baana arinta xaqiiqadeeda naga og.

Xaqaa'iqa arintu si kastaba ha ahaadee waxaan markiiba dareemay in qofka qoraalkaas qoray uu yahay qof aftahan ah. Absolutely, waad u muuqataa qof dhanka suugaanat ka matalikara deegaanka aad ka soo jeedid.

Qoraalkaygii hore waxaan ka hilmaamay sidan:
I have marked your story (Fiction or factual, whichever it was based) in the following manner:
1. Contents = 8/10
2. Structure = 9/10
3. Presentation = 9/10
4. Delivery = 10/10
5. Captivation = 10/10

Sidaad ogtahay ubadkeena yar yar ee qurbaha ku dhasha amaba ku nool, khaas ahaan wadamadan westiga,waxaa schoolka lloga akhriyaa sheekooyin aan abkood iyo awoowgood toona maqal! sida "Gold Locks, Three little Pigs, Twinkle Twinkle Little Star, Bear Family etc", ee marnaba dhagahoodu kuma raaxaystaan kuwii kuwii ay dhaxalka u lahaayeen!

Sidaa awgeed waxaan rajaynayaa in dadka sheekooyinkii Soomaaliga ahaa haya, eebana ka helay awooda wax loo qoro ama loo gudbiyo, sidaadoo kale, inay jiilkaas badbaadin doonaan.

Ugu dambayn, maadaama ay oodu inoo kala rogantahay, haddaad u laabkacdid hinjinta hawshaas aan soo sheegay, hareertaada iga humaagso!
Waxaan sugnaaba waa sheekada qaybteeda labaad.

Ramadhaam Kariim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, December 14, 2000 - 08:45 am
Abdi iyo Yasin,

Waan idin salaamay, salaan ka dib waxaa la yidhi "Ninkii nooli Geel dhalaana waa arkaa",marka arrintani waa arrin lala yaabo, waayo gabadha sheekada soo bandhigtay gabadgo Iimaan iyo meelaha ka mid Madrasba waa dhab weeyaan, hase yeeshee wakhigaa Iimaan joogtay anigu waan joogay gabdhah magaalada deggenna dhowr gabdhood oo la yaqaano ayay ahaayeen,midde kale wixii Somalida ku dhaco oo dhaco waan lala socon jiray oo dad is yaqaana oo kooban ayaynu ahayn.

Anigu waxaan deggenaa mar 170-Defency Colony garronkii kubadda agtiisa,marna waxaan deggenaa Guryihii fooqa ahaa ee sokeeyey Defence colony ee ay deggenaayeen Ismail dheeriyo, Hassan Dheere iyo Abdul-casiis Maraadhi.Waxaanan wada Deggenay niman ay mid ahaayeen:Habib,Ahmed Dheerre, Jirde iyo ina Aw Nuur.Mana waxaan deggenaa gurigii ku xigay Ina Koosaar iyo Faray ay wadda deggenaayeen.

Any how waxaan filayaa inaad imanka tilmaantayda garanysaan, waa jeclaan lahaa haddii aad tilmaantii ii soo dirtaan.I think inaan badh-garanayo Mr. Yasin waxaan filayaa inuu ku soo deggi jiray gurigii Suudaaniyo.

Sheekada waa inaan aad ula soconaa ay NIMCO XAAJI
soo bandhigtay............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheikh Muraad

Thursday, December 14, 2000 - 02:06 pm
To:Aadan
Waa anoo mar labaad soo laabtay, kadib kolkaan in yadh soo gocday!

Aadanoow maadaama qoraalka buugaygu aanu qadhnigan soo socon, kan abaayo Nimco ayaa hubanti u ege iminkada aynu labadeenuba mahaas boos ka xirano!. Waa haddii abaayadeen ay inoo fuutinayso! ee taa adba kawaran hee!

To: Mohamed,
Adi see waaye, maahmaahda ma dilee?
saa u sheegtay maaha ee adi dhagayso annaa kuu toosinaa!:
"Indhahii dhimanwaaya Geel dhalaayana waa arkaan!"
See waaye abtigiis! maahmaahda dhabtaa taas waaye!

Too kale waxay ahayd:
"Geel reer xamar qaaday xeebta'lees ku haayaa!"

Fara-dheertaan waxay taa ka wadaan adi ma kasee?
Meel fog ma kaa gaynaayo ma kulahoo!!

Yaab waaye! ar ayaka xaa ku gardaraa!
Reer xamar maa Geel kaa dhacaaya?
Geelka luqubta dheer dhibkiis xaa u gaynaaya! ayaka maa miyirka la'a heeh!
Dad fuurbaa waaye dadkaan! Bucsharadooda, sharkhaankooda iyo bakhaarkooda leey ku mashkhuulsanyahiin! dadna ma gardareeystaan!!

See waaye adi! haddii adi kaseeynin dhagayso waa laguu sheegaa!

Raali iga ahaada, waxaa u maleehaa inaa hadalka idinku badshee.

Anigana sariirta xageedaan u sii dilaamaa ee ii soo dhawaada hee!

Soo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMUD MAXAMED

Thursday, December 14, 2000 - 02:28 pm
WALAAL NIMCO AAD IYO AAD AYAAN OGA NAXAY ARINTAA KU QABSATAY ILAAHAYNA WAXAAN KAGA RAJAYNAYAA IN AY SIDAA KAGA DHAMAATO ARINTAASI ADIGUNA WAXAAN KUGU WAANINAYAA IN AAD KU DADAADSH AKHIRNTA QURNAAKA.WALAAL KA RAALI NOQO DADKA WAX MA GARATADA AH EE KU LEH WAXBA KAMA JIRAAN SHEEEKADAN KOLAY MA GARANAYO WAXAAD KAGA DOONI LAHAYD IN AAD BEEN U SHEEGTO. MARKAA WALAAL IKA DUL QAADO.
WAA WALAAKAA OO KULE SIDAA IYO NABAD GALYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Friday, December 15, 2000 - 03:43 am
Sheikh Murad;

Mar hadii aad fahanto macnaha maahmahda waxaad kalood ka sii hadashii meesha kaagama banaana.Gabadha su'aalo ayay weydiiyey oo jawaabo ka sugayey ilaa hadda qaar ayayna ka soo jawaabin.Ilaa hadda sheekada gabadha ku dhacdayna waa been iyo waa run mid kama aanan hadal,sobobtoo ah waa inaad ka fiirsataa intaanad jawaab deg-degga ah ka gaadhin.Arrintani waa arrin inagu cusub markaasi waa inaan maskaxda ka shaqaysiinaa oo dadka taariikhaha ku cilmi dheer wax ka weydiinaa iyo culimada xagga diinta ku wanaagsanba.

Markaasi ha la soo boodin meeshan shan boqol oo maahmaahood oo badankopodu meesha aanay khusayn ee waa inaad masxkada ka shaqaysiisaa....Ma garatay mise far waaweyn baan kuugu soo qoraa.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kheikh Muraad

Friday, December 15, 2000 - 03:52 am
Mohamed,
Ya akhi see waaye! adi waa kululaatay miyaa?

Ani waayeel meesha baashaal u yimid aan ku moodayey! haddiise aad cadhoonaysid oo ay galxoftu kaa soo horayso warkaaga igala aal, wah!

Kaftankii waa iga intaase
Ramadaam Kariim

Sheikh Muraad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Friday, December 15, 2000 - 05:21 am
To Mohamed:
Mohamed waxan filayaa inaan ku badh garanayo.
Ragaa aad sheegtay oo dhana waan wada garanayaa.
Ahmed Dheere(Yusuf Walaalkii) uun baan wax geeriyoodey maqlay.
Ala hau naxariisto.
Anigu waa runtii Gurigii 73 ayaan kusoo degi jirey waxa aana idinkaga imaan jirey Bangalore oo aan fasaxa u bixi jirey.Wacan dhigan jirey MCC(Madras Chirstian College)

Nin yohow Ahmed Fresh nin laodhan jirey meel uu ka dhacay wax war ah?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdillaahi Cawed Cige

Friday, December 15, 2000 - 05:33 am
Ku: Shiikh Muraad.........

Shiikha beesha waa lagu salaamay. Waar ninyahow inkasta oo aanan arrintan Nimco Xaaji Axmed inagu asqaysiisay waxba ka odhan, haddana dushaas baan kala socday oo waa arrin la-yaab leh. Runtii in sheekada la-dhammaystiro oo la-qoro-na way ku habboontahay..........

Anigoo sheekada dabagalkeeda aad uga helay, ayaan waxaan kasii mabsuuday sida aad u falanqaysay iyo sida aad afafka Soomaaliweyn ku-kala-hadasho u-dhammaysay......

Waxaan jeclaanlahaa inaan kaa barto afafkaas aad darandooriday iyo weliba haddii Nimco inaga yeesho inaad sheekada ila-walaandeyso oo aynu meel naq leh ku furro......

Haddii ra'yigaasi xiiso kula yeesho minfadlak igala soo xidhiidh: edleh@hotmail.com

Mahadsanidin

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Friday, December 15, 2000 - 05:43 am
Yasin,

Salaam iga guddoon, waxaan kuu rajaynayaa Ramadan wanaagsan.Bal sida aan kuu soo saray bal eeg,anigu waan kuu sheegay dadkii aan wada deggenay iyo meelihii deggenaa o dhan magacyga waxaa la odhan jiray Mohamed Barkhad oo waxaan dhigan jiray Hiet qaybtii dayuuradha waxaanan dhamaystay 88-kii.Waxaa mar ila deggenaa yarkii abdu-rashid ee 73 deggenaa iyo Shiine oo hadda aan filayo inuu deggen yahay Kuwait oo aan ku arkay siiriya markii kuwait laga soo qaxay.Waxaan hadda deggenahy maraykan markii horena waxaan deggenaa kanada.Waxaan arkay Yarkii Omaryar la odhan jiray ee tamilka u ekaa iyo Bashiir cadami oo hadda jooga maraykan.Toronto waxaa jooga Suudan iyo rag kale oo fara badan.Bal adiguna wixii tafaasiir ah ee xaggaaga ku saabsan ila socodsii.Miyaad garanaysaa inankan Abdi ee reer madras ah.Waan ka xumahay inanka dhintay ahmed ee yusuf walaalkiis ah.Halkee buu ku dhuntay Illaahay ha u naxariistee.

nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AADAN

Friday, December 15, 2000 - 06:16 am
Sheik Murad iyo reer Madras iyo Nimco

Dhammaantiin waad salaaman tihiin.
Kaliya waa salaan iyo kaftan gaaban.

Sheik Murad, saaxiib adigoo ku mahadsan qoraalkaagii, gaar ahaan kii aad ugula hadleysey, baan hadda jeclaan lahaa in aan kaa codsado hal arrin oo ka baxsan middaas, waana in aad raali galisid saaxiibkeen Mohamed, in kastoo aad sheektey in aad kaftameysey.

Reer Madras
Waad ku mahadsantiin sheekadiina xusuusta iyo baafinta ka kooban, waana muhiim oo hadday sii socoto waxaa laga yaabaa in Macallinkii sheekadu ka dhalatey uu asna soo baafiyo ardeyda qaarkood, halkaasna sheeko kale oo xiiso leh ka abuuranto.

Nimco
Waxba kuu qarin maayee, waxaan markasta is weydiiyaa Nimco amuu igaar(wiil) yahay, waxaanu wax ka badane, balse su'aasheyda aan dib ugu dhigto markaad dhameysid qeybaha kale ee sheekadan, oysan ku macaaneyn in jilaha sheekadu uu soo bax qof cusub(jinsi kale).

Dhammaantiin waad mahadsan tihiin.
RAMADAAN KARIIM!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Friday, December 15, 2000 - 09:56 am
Mohamed,
Waad salaamantahay.
Ma garanayo Abdi.Dibna inoolamaba uu soo hadlin.
Anigu waxa aan deganahay Mareykan.Waxan MCC, ka bartay Economics, dabadeedna halkan ayaan soo galay, waxa aana u wareegay Computer Science.Markaa halkan ayaan deganahay oo ka shaqayaa.Dhalinyaro badan oo reer Madras ah ayaa jooga Mareykan.Sida, Ahmed Dau'd, Mohamud Salah Mire, Sadiiq Diyaare etc.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheikh Muraad

Saturday, December 16, 2000 - 03:09 am
Culimo allah soon wacan iyo salaan guud!

Aadan,
Kol haddaad guddoonkii igu riday. Hadal kama noola, kobtantada inaan Mohamed ku xaalmariyona waan aqbalay, inkastoo anigu aan kaftamayey.

Mohamed,
Walaal Cimaamad baan ku saaray! ee cafi alle iyo masaabax.
Walaalkiis, soonaa lagujuraa oo been ma'sheegaayi aniga waxoo dhan kaftanaas iga ahey.
Hadaadse hadalkaygii qoonsatay, fadhlan raali iga ahaow.
Waxaa kaliya oo intaas raacinayaa, page-kan iyo sheekadan sii socotay, Mohamedow qofka qudha oo ilaa iyo hada ka faa'iiday, oo asxaabtiise hore ka helay waa adiga!!

CC Cige,
Walaal waan ku salaamy,
Arinta aad soo jeedisay waa aqbal dhankayga, waan kula soo xidhiidhayaa, haddii eebe ka raalinoqdo.

Dhamaantiin Ramadaam Kariim
Sheikh Muraad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, December 16, 2000 - 06:56 pm
Sheikh Murad


Waad ku mahadsantahay arrintaasi iyada ahlaakiin ogo ma xanaaqin, ee sheeko macaan ee meesha ka socota ayaan aniga laftayduba badh ku darsanaayey.Soon wanaagsan iyo barashada wanaagsan,

Mohamed

nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Saturday, December 16, 2000 - 07:14 pm
YASIN


Waad salaamanatahay marka hore, laakiin weli si fiican iskumaad kay sheegin xataa naanaystana la garaye,aniga laftaydan ilaa hadda imaanad garan walow raggii aanu wada deggenayn aad garatay.Any how halkeed maraykan ka joogtaa,sheekadana halkaasi ka sii wad.

Nabadgelyo

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, December 16, 2000 - 07:26 pm
Nimco Xaaji Mohamed

Waan ku slaam , waxaanan kuu rajaynayaa soon wanaagsan iyo inuu Eebe ku siiyo nin insi ah oo muslin oo somaalina ah oo Illaahayna ka cabsada.Raali ahow sheekadii reer madras ayaa halkan isku baranayee.

Waxaan jeclaan lahaa inaan ku weydiiyo: Hadda halkeed joogaa.Culimada sheekada ma weydiisay.

Ugu dambayn guul ayaan kuu rajaynaya,

Nabadgelyo.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Monday, December 18, 2000 - 04:17 pm
Sheikh Muraad iyo Mohamed

Aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin is afgarashada wanaagsan ee aad muu jiseen, taas oo muujineysa sida ilbaxnimadiinu u sareyso.

AAN ISKU SOO WADA DUCEYNO, HADDII ALLE YIRAADO
RAMADAAN KARIIM!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Tuesday, December 19, 2000 - 03:08 am
Mohamed
Waan ku gartay.Asxaabtaadiina waan gartay.
Laakiing aniga ayaadan igaranayn.
Naanays ma lihi.Mohamed miyaadaan garanayn ninkii MCC dhigan jirey oo Shaato iyo u iman jirey.
Hadii aad i aragto waad igaran lahayd.
Walaal waxan deganahay Ohio.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cimrigaaga oo Raaga Geel dhalaayana waa ku tusaa

Tuesday, December 19, 2000 - 06:50 am
Salaamu Calaykum ??????
Cimrigaaga oo raaga geel dhalaayana waa ku tusaa ayay soomaalidu hore u tidhi. walaahi waxaan aad iyo aad uga naxay ulana yaabey qisadan ku dhacdey gabadha soomaaliyeed taas oo aan akhriyey wakhti aan hurdo ku sii socdey aananse seexan kari waayey isna tusey tusaalooyin badan oo nolosha ka mid ah.
Walaalo waxaan ku odhan lahaa waxaa jira dad badan oo kor ku xusani inay ku yidhaahdeen qari oo ha ka hadlin, balse anigu waxaan ku xasuusin lahaa in soomaalidu tidhaahdo waxaad qarsato way ku qarsadaan, qolooyinka reer yurub ee cilmi nafsiga barteyna ay yidhaahdaan waxaa fiican inaad ka hadasho waxii ku gubaya, taasi oo aan ku leeyahey waa mid fiican inaad ka hadashay oo aad noo soo bandhigtey waxii kula kulmay
Waxaan kugula talin lahaa sidii dad horeba ku yidhaahdeen isku day inaad sheekadan buug ka qortid waayo. waa sheeko murugo iyo cabsi iyo yaaba leh haddii aad qortidna ay tahey mid aan hubo inaad suuq wacan u helaysid. waayo sidaad sheegtayba waxaad ka soo jeedaa reerkii soomaali ugu suugaanta badnaa
Nasiib wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, December 20, 2000 - 10:36 am
Adan

Ramadan wanaagsan,ciideenii islaamka ahna way ku daba xigtaa haddii Alle yidhaahdo.

Waan ku mahadsanatahay kala dhexgalka raganimada leh ee aad meesha ka muujisay.Aabbahaa ayaa talin jiray sida aan garta ka fahmay.

nabadgelyo sheekadii taxane ahaydna halkaasi ay inoogu socoto, ma garanayo Nimco maalmahan maxaa ku dhacay. I hope she is feeling well.

Mohamed,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, December 20, 2000 - 10:48 am
Adan

Ramadan wanaagsan,ciideenii islaamka ahna way ku daba xigtaa haddii Alle yidhaahdo.

Waan ku mahadsanatahay kala dhexgalka raganimada leh ee aad meesha ka muujisay.Aabbahaa ayaa talin jiray sida aan garta ka fahmay.

nabadgelyo sheekadii taxane ahaydna halkaasi ay inoogu socoto, ma garanayo Nimco maalmahan maxaa ku dhacay. I hope she is feeling well.

Mohamed,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, December 20, 2000 - 11:26 am
Yasin

Salaan ka dib, aad baan xasuusanahay magacaaga laakiin muuqaalkaagii ayaa iga yara maqan.Ohio aniguba waxaan joogay bishii Oct99-April2000.Ohio waxaan ka joogay Columbus, halkeed ka joogtaa Ohio.

Haddii aan ku arko si fiican baan kuu garanya.Yaa kale oo reer madras ah oo jooga Ohio.Igu salaam haddii akhyaartii qaar ka joogaan.

Sheeko taxane ayaa inoo socota halkee halaga sii wada haddii Eebbe yidhaahdo.

Nabadgelyo

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aadan

Thursday, December 21, 2000 - 07:36 am
RAMADAAN KARIIM!
CIID MUBAARAK SAAXIIBAYAAL!

Ilaahey hanaga dhigo kuwii nabad, barwaaqo iyo camal wanaagsan ku gaara RAMADAANADA IYO CIIDAHOODA DANBE EE SOO SOCDA!!!
ANNAGANA ILAAHEY HANAGA DHIGO KUWII CAMALKOODU ANFACO NAFTOODA IYO INTA KALABA, ADDUUN IYO AAKHARABA!!!

MOHAMED
Saaxiib, waad ku mahadsan tahay amaantaada, in kastoo nala ka doonayo intaas iyo ka badanba.
Runtii Mohamedow markaan nafteenna u aragno inaan nahay dhalintii Islaamka, gaar ahaanna lafdhabartii Ummadda Soomaaliyeed, waxaa horteena taala howl badan iyo waddo dheer oo aan dhamaadkeedu muuqan. Balse Alle kuma adka inuu halmar qalbigeena isku xiro, oo aan u hillaacno anfacnana dhammaan ummaddeena.

Sheikh Muraad
Saxiib, haddey dhici laheyd in aan kugu xukuno in aad ka hadashid oo aad wax nooga sheegtid waxii aad door bideysid, Maxaad(field, camp) dooran laheyd inaad ka hadashid ama wax ka qortid.
Kaliya waan iska sii ogaaneynaa, ee yara neerfis ha noqon(kaftan).

Nimco
Fadlan nala socodsii haddii aadan raali ka aheyn in aan kula qeybsano safxadaada(page), oo aan isku dhaafsanno sheekooyinkan ka dhashey, sababteyna sheekadaadii la yaabka laheyd.
Ogow in aan dabka u sii kulaaleyno sheekada qeybaheedii kale iyo kuwa cusubba.

CIID MUBAARAK!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Friday, December 29, 2000 - 05:13 pm
Aden--Yasin-Sheikh Murad Iyo Nimco(jilaaga sheekada):

Dhammaantiin ciid wanaagsan.

Waxaan doonayaa inaan ogaado sheekadii ma intaasi ayey ku dhantahay mise waa la daalayoo dib baa la isugu soo noqonayaa.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco Xaaji Axmed

Saturday, December 30, 2000 - 08:39 am
Ciid Wanaagsan wiil iyo gabadhba;

Waxaan marka hore ka cudur-daaranayaa raagista aan la-raagay sheekada qaybteedii labaad. Sababaha aan u daahay waxa ka mid ahayd Ramadaanta barakaysan iyo anigoo mashquul ku ahaa labadayda carruur ah, iyadoo odaygaygiina jaad lagu salliday oo aanu hawshii guriga waxbaba ku tarayn:-)

Imikana sheekada Qaybteedii labaad:

Tan iyo intii aannu kala-habownay ninkii mucjisada ahaa ee aannu Burco iyo Madras ku kulannay waxa uu noloshayda ku noqday hoosiis aan marnaba i weydaaranayn...

Tashuushadda ugu weyn ee ninkaasi igaga tegay waxa weeye sida uu uga dhexmuuqdo curadkayga Keenadiid oo isagu aad ugu eg ninkaygii hore, islamarkaana isaga naftiisu muujiyay astaamo layaab leh oo aniga madaxayga wareeriyay...

Keenadiid wuxuu ku dhashay magaalada Abudhabi ee dalka Imaaraadka sannadkii 1986kii. Sida aad ka warqabtaan dalka Imaaraadku wuxuu leeyahay cimilo u badan kul xad-dhaaf ah oo wakhtiyada qaar ka dhiga ku noolaanshaha waddankaasi mid runtii aad u adag.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaan goor galab ah go'aansaday inaan Keenadiid oo markaasi saddex jir ah kusoo ciyaarsiiyo xadiiqad dadweynuhu fadhiisto..........

Markaannu gaadhnay beertii ayaan kula-kulmay laba dumar ah oo Soomaaliyeed oo aannu isnaqaannay oo iyana carruur ku ciyaarsiinayay goobta.

Goor aannu qadder saacad iyo badh ah goobtii fadhinay ayaa qiso weli wax qeexa aan la-haynini meeshii nagaga dhacday. Labada dumar ah ee aan meesha kula-kulmay waxay wateen saddex carruur ah, laba wiil iyo gabadh.

Da'da carruurtu marka lagu daro Keenadiid waxay ahayd celcelis afar jir. Waxaannu saddexdayadii hooyo iska-dhexgallay sheeko ballaadhan, carruurtiina waxay ku mashquuleen ciyaar iyo orod ay hadba dhinac isu-eryadaan.

Si wax-u-dhaceen mooyee marqudha uun baa neecaw ku socota xawaare na weydaaratay dhammaantayo. Xawliga neecawdu ku socotay ayaa waxay xoog ku rogtay hawadii ku xaydaansanayd goobta aannu fadhinay taasoo dhalisay in carruurtii jaahwareerto oo gidigood badhida dhulka ku dhuftaan.

Hore umaannu fahmin wax-dhacay ee annaga oo yaabban ayaannu is-eegnay. Intaan midkaayana afkeedii hadal kasoo bixin ayaannu ku warhellay birayg iyo hoonkii baabuurta maraysay jid ballaadhan oo noo dhowaa(Shaaricul-madaar).

Intaannu saddexdayadiiba kor u boodnay ayaannu mar qudha ku haliillay dhankii carruurtu naga xigtay. Qaq! waxa indhahaygii qabanwaayeen Keenadiid.

Intaan naxdin la-qaboobay ayaan ku waashay, wiilkaygii, wiilkaygii, wiilkaygii. Labadii dumar ahaa ee kale ayaa iyana sidoo kale bixiso loo tebiyay.

Waxa isla-daqiiqaddiiba igu abuurmay shaki. Waxaan akhristay in dabaysha na-dhaaftay ahayd Keenadiid. Labada dumar ahaa oo iyagu aan ka shakiyin in wiilkii yaraa noqday dabayl ayaa dhankii carruurtu naga xigtay baadidoon ku galaabixiyay.

Mid ka mid ah hooyoyinkii ayaa cunugteedii weydiisay oo ku tidhi hooyo mee Keenadiid? Ilmihii yaraa ayaa intay afka gacanta saartay hoos u gunnuunucday oo dhankii sanqadha iyo hoonka baabuurtu ka baxayeen farta ku fiiqday.

Waxaannu u wada-jeesannay dhankii ilmaha yari farta noogu fiiqday. Jidka sanqadhu ka baxday wuxuu noo jiraa ilaa 500 oo mitir. Anigoo aanay dhinacna igaga jirin ayaan u dhaqaaqay dhankii ilmuhu farta noogu fiiqday.

Markaan soo gaadhay jidkii ayaan judhiiba isha ku dhuftay qof yar oo shaqaalihii dhooliga, bilayskii iyo qaar ka mid ah wadayaashii ku urursanyihiin.

Anigoo hore isu-soo gagabinaya ayaan jujuub ugu imi qofkii yaraa ee lagu urursanaa mise waa wiilkaygii curad ee Keenadiid. Intaan indha-madoobaaday ayaan ku duldhacay.

Waxaan ku baraarugay sariir cisbitaal anigoo jiifa. Intaan soo booday ayaan hareeraha eegay oo is idhi bal meesha hubi waxay tahay. Waxaan usoo dhaqaaqay dhinacii kadinka. Waxa irridka igula kulantay mid ka mid ah kalkaalisooyinkii cisbitaalka. Ma fiicantahay ayay i weydiisay? Haa ee wiilkaygii yaa arkay? aad buu u wanaagsanyahay ee kaalay iska fadhiiso oo shaah cab ayay iigu jawaabtay....Maya!maya waxaan doonayaa inaan arko, mee, ma bedqabaa, xagguu joogaa?? su'aalo aan kala-go'ayn ayaan gabadhii la-dabagalay...

Wuu fiicanyahay, anigaana kuu geynaya ee kaalay oo koob shaah ah iska-cab. Anigoo aan wada-rumaysan gabadha hadalkeedii misana aad mooddo inay igu qancisay "anigaa ku tusi-doona" ayaan iskaga noqday sariirtaydii...

Waxay ii keentay koob shaah ah markaasay soo jiidatay kursi meel rukun ah yaallay oo kusoo dhowaatay sariirtaydii........

....Way socotaa.....

Xus: Minfadlakum iga raalli-noqda sababta oo ah waad fahmaysaan baan filayaa hooyo carruur haysata sida wakhtigu cidhiidhi ugu yahay. Runtii waan jecelahay inaan sheekadaydan uga warramo wixii bini-aadam xiisaynaya, waxaad mooddaa in markaan ka-sheekeeyaba niyaddayda culays door ah laga qaado, haddana waad taqanniin dhaqankeenna sida uu meelaha qaarkood ugu adagyahay oo laga yaabo inaanay gabadh u bannaanaan inay sheekadeeda gaarka ah uga xogwarranto bulsho dhan iyadoon sumcaddeeda guud waxba u dhimayn....

Nimco Xaaji Axmed, Wembley, London UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, December 30, 2000 - 11:18 am
Nimco H.

Iid wanaagsan waanan ku salaamay.Sheekadii maadaama aad ku soo noqotay waxaan filayaa in imika xiiso dheeraad ah siisio dad afara badan waayo waxaa lagu jiraa maalmao fasax ah gaar ahaanna dadka jooga qurubaha oo ay fasaxyo iyo munaasabada kal duwan ku jiraan.

Waxaan jecelahay inaan wax kaa weydiiyo marka aad carrabta joogtay 1986.Wiilkuna waa saddex jir(kandiid),marka sannadkeebaad Madras joogtay halkee baase aad wiilka ku dhashay.Gabdhihii ay ka mid ahaayeen Iimaan ee Madras joogtay ma ogtay inaaad wiilka dhashay.

Waxaan filayaa sheekadu inay taxanne tahay meel ay ku dambaysaba.

Nimco waxaan filayaa inaan fasax ku soo maro London anigoo ka imanaya xaggaa iyo North Amerika,marka surtagal ma tahay inaan kula kulmo wakhtigaasi haddii Illaahay raali ka noqodo.

Jawaab wanaagsan

Iid Mubaark dhammaan akhristayaasha boggan iyo dhammaan dadka Muslimka ah meel kasta oo ay joogaanba.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oday-biiqay

Saturday, December 30, 2000 - 12:39 pm
Nimcooy ninbaad tahay!.mahaweenbaa saa wax isugu dubbaridi karta?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ishwaaq

Saturday, January 06, 2001 - 10:49 am
asalaamu caleykum waraxmatu laahi, walaal waa qiso cajiiba wax waliba wey dhacaan dunida ,jinkuna waa wax jira sida insigu u jiro, talo ahaan diinta rabi aad u badso iyo aqrinta quraanka rabi xijaab ha kaaga dhigo.intaa ka dib aniga qiso baa igu dhacdey anoo yar baan fasax u aadney magaalo balan bale la yiraahdo ooy deganaayeen eheladeyda, xiligaas oo da,adeydu aheyd shan jir, markii aan halkaas tagney waxey qaraabadeenii na siiyeen hal qol,waxaa dhacdey maalin maalmaha ka mida in duhurkii aan seexaney aniga iyo 2 walaaahey ah,hooyadeyna ay aqalka hortiisa la fadhidey eedadey, muda yar ka dib waxaa i soo dul istaagey nin gaaban oo bidaar leh aanan ka argagaxey aragiisa, waxanan isku darey qeylo iyo oohin, balse markii hooyadey soo gashey gurgii cidna ma joogin, waxan u sheegey wixii aan arkey,balse waxey igu jawaabtey waa riyo ee hooyo seexo,waxaa dhacdey markaa mudo laga joogo 10 sano markii aan ninkaas arkey , in hooyadey ay ka hadleen waxaan jinka lagu tilmaamo ka dib waxa la geeyey meel xer ah si quraanka loogu aqriyo,waxa dhacdey maalin maalmaha ka mida in anoo hooyo u socda soo galey meeshii xertu deganey balse uu iga soo hor baxey ninkii aan shan jirka ku arkey oo waliba indho aan ka baqey igu fiirinaya, waxan ku siqtey cabsi in wadnuhu i istaago carar baan cagaha wax ka dayey hooyadey baan u sheegey in aan arkey,waxa i soo raacey walaalkey iyo habar yartey si ay u arkaan ninka aan sheegey balse waan weyney xertii baan ku dhex wareegney , ninkii aragiisa aniga uun buu igu ekaa runtii waa wax dhaba marka wax aan ku tilmaamo ma jiraan oon aheyn in jin aan arkey,marka waa dhacdaa in jinka marmar la arko balse quraanka rabi baa xijaab inoogu filan. walaal intaa iyo nabdeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuban

Tuesday, January 09, 2001 - 03:20 am
Salaam 2 all.
Nimca waxaa halkan kaa salaamaya gabar soomaaliyeed oo walaashaa eh, intaa sheekada aad qori jirteyna la socotey, laakiin aanan hadal ku dari jirin..

Marka maanta waxaa jecleystey inaan halkan su,aalo yar kaa weydiiyo aniga oo jecel inaan dadka daba galo iyo halka ey sheekadu ku eg tahay, xiisana u lee yahay.

SU,AASHEYDA OO AH:,
1. WAXAA TIRI 1981 DUGSIGA SARE AYAAN KU JIREY GALAASKA 4AAD.( 1,2,3 ) 4AAD MA JIREY OO SARE???

2. 1983 WAXBARO AYAA U TAKTEY INDIA WAXAANA JOOGTEY 16BILOOD, KUNA GUURSATEY 21 JULY, 9BILOODNA UUR SIDEY( KABA SOO QAAD JULY 83+9BILLOD=MARSO 84 ILMIHII DHIIGA AHAA AYAA
KU DHASHEY SUBXAANALAAH OO CARUUR KU WEYDEY.

3.WAXAAD TIRI SHEEKADAA KA DIB NINKII MARKII AAN WAAYEY 5SANO KA DIB AYAAN NINKALE GUURSDEY 84+5SANO=89 RIGHT???

4. WAXAA KALOO TIRI ABU-DABI 86 WIIL SADEX JIR AH AYAAN KU HEYSTEY 1986, MARKA SANADKEE AYAA GUURSATEY???? WAA SIDII UU SHEEGEY WALAALKEEN MOHAMMED....


Hadalka ma jecli inaan kusii dheeraado, waxaa kaloo idin lee yahay Eid Mubarak & happy new Year!

Suuban...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Tuesday, January 09, 2001 - 10:02 am
Iid Mubaarak and Happy new year:
I ga raali ahaada mudaan shirkan ka maqnaa.
Shaqo iyo vacation ayaan busy ku ahaa :)
Mohamed, saaxiib ii waran maxaad haysaa.
Mohamedow ragii MCC dhigan jirey oo dhan soo xusuuso, waad igaranaysaa markaa.
Magaaladee degantahay hada?
Laftayda ayaa dhowaan England tegayee, Nimcoy reer Madras inay is waraystaan miyaanay kula ahayn?
Walaalo waan ku salaamayaa, sheekadaadana aad baan ugu xiisnay.
Keep it up

Yasin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 12, 2001 - 10:34 am
<MARQUEE> WAAR MA SUXUFIYADBAY AHAYD</MARQUEE>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Sunday, January 14, 2001 - 04:16 am
Yasin,

Iid wanaagsan, ha ila yaabin yaasiinow waa xaalka qurbaha ayaa sidaasi ah.I hope inaynu is aragno markale Insha-Allah.Ogow qisadan ay soo bandgigay Nimco in buug laga qori karo hase yeeshee u bahan in taariikhaha la isku duba rido.Taariikha waxaa si fiican u haysa walaasheen SUUBAN oo si fiican sheekada ula socota.
Ugu dambayn yaasiinow anigu waxaan deggenahay Florida.Bal wararka ha la kala helo sheekadan halkaasi nimco ha i nooga sii waddo.
nabadgelyo,

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco Xaaji Axmed

Sunday, January 14, 2001 - 05:43 pm
Horta walaalayaal waan idin wada salaamay, salaan ka dib, waxa aan marka hore ka cudur-daaranayaa, inaan la ii caroon....

Ka dib markaan idiin sheego in sheekadu aheyd mid aan anigu sameeyey. Walaalayaal muddo iminka lag joogo 4 bilood ayaa eey sheekadan igu dhalatay inaan qoro...

Waxaan jecleystay inta aanan qorin bal inaan tijaabiyo iney tahay mid dadka u cuntami karta iyo inaaney aheyn....

Haatanse waxaa ii cadaatay ineey tahay mid dadku eey xiiseyn karaan, Anigoo weliba runtii kororsaday aqoon aanan hore u laheyn....

Mahad Ilaahey ka dib waxaa mahad leh walaalaha Soomaaliyeed oo intaa ila garab taagnaa talada iyo tusaalaha wanaagsan....

Haddii aan yarahe ka hadlo toosinta walaashey Suuban ee xaga sanadaha is-daba marey, waxaan leeyahay taa waan ogaa....

waxaana aan ugu talo galay bal inaan eego sida dadku sheekada ula socdo, halkaana waxaa iiga cadaatay in dadku sheekada si aad ah eey u xiiseeynayaan....

Ugu danbeyntii waxaan idiin sheegayaa inaanan aheyn ruux dumar ah ee aan ahey nin, maadaama aan rajeeynayo in aan dhawaantan buuga soo daabaco haddii Alle idmo.

si eeydaan kolkaa isu oran Alla sheekadan wuxuu kasoo xaday ruux dumar ah.

sidaas iyo akhris wacan.

Abdikariin Catoosh, former Nimco Xaaji Axmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haaruun

Sunday, January 14, 2001 - 07:59 pm
ala ala ala inantu maxay tidhi jinaa jinaa jirka
ya qadhaadh naa maxaad tidhi ilaahoow jin baanu kaanabad galnay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Monday, January 15, 2001 - 03:33 am
I just don't know what to say......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco Xaaji Axmed

Tuesday, January 16, 2001 - 02:40 am
Ku: Dhammaan akhristayaasha qaayaha leh...

Waxaan aniga oo runtii aad uga cadhaysan ruuxan magacaygii qaatay idinka raalligelinayaa beenta uu qofkani meesha kusoo qoray.

Waxaan marnaba maankayga ka degayn ujeeddada ruuxan yidhi waxaan ahay Nimco Xaaji Axmed...

Bal u fiirsada erayadan oo barbardhiga qoraaladayda hore.........

--la ii caroon
--aheyd
--Jecleystay
--iney
--inaaney
--ineey
--Ilaahey
--yarahe
--is daba marey
--walaashey
--eey
--rajeeynayo
--eeydaan

Dhammaan erayada kor ku xusan oo aan kasoo minguuriyay qoraalkan ruuxan i-metelaya waxa ka muuqda gol-daloolooyin uu qofkasta oo degaanka Burco ku koray soo saarikaro inaanay ahayn qaabka afSoomaaliga loogaga hadlo aaggaas....

Dhammaan dib-galaha ey waxa Burco iyo aaggeeda looga akhriyaa/dhawaaqaa ay, Tus: rajaynayaa, walaashay, inay, ilaahay, jeclaystay iwm...

Waxa laga yaabaa in intiinna hore sheekada ula socotay aad kala-fahantaan qaabka qoraalkayagu kala yahay......

Ugu dambayn ruuxani wuxuu shaasheeyay bilicdii iyo muuqaalkii taariikh-nololeedkayga aan usoo bandhigay shacbiweynta Soomaaliyeed, anigoo mahad badan idiinka celinaya talooyinkiinnii iyo tusaalayaashii fiicnaa ee aad igu soo kordhiseen intaan sheekadan waday.

Waxaan kusoo gebagebaynayaa codsi aan usoo jeedinayo ruuxan iska-kay-dhigay kaasoo ah:-

-Haddii aad tahay Nimco Xaaji Axmed u dhammaystir sheekada bulshadan sharafta leh anigoo ku kalsoon inay ina-kala-saaridoonaan....

Waan qarqarsiyay odhaahdaydii...

Sidaas iyo Nabadgelyo

Nimco Xaaji Axmed(The Real Nimco), Wembley, London...........................

P.S. Maaddaama sheekada qaybteeda dambe uu inoo ambaqaadayo walaalkeenna cusubi, ciddii jecel inay aniga gaar iila soo xidhiidho waan soo dhowaynayaa, anigoo hore uga helay codsi qaar idinka mid ah. Nasra8@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Wednesday, January 24, 2001 - 03:14 am
Maxaa inagu dhacay oo lkoo hadli waayey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, January 24, 2001 - 04:14 pm
Yasin

Waxaan ka xumahay sheekadii khal-khal soo galay.Laakiin Nimco Xaaji ayay u taalaa sidii ay sheekada u soo noolayn lahayd.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yasin

Thursday, January 25, 2001 - 04:29 am
Mohamed,
Nimco latfeedaad modaa inay inoo beer dhigaalaysay....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, January 27, 2001 - 08:05 am
Yasin,

Biyo meel godan ayey isku tagaan.....

Adduunyadanu wax kastaaba meel ay bilaabmaan iyo meel ay ku dhammaadaan ayey leedahay.

Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MURUQ

Sunday, January 28, 2001 - 02:06 am
nimco xaaji ahmed horta walaal waad salaamantahay
anigu waxaan ahay arady ka dhigta jaamacada la yiraahdo umul quraa oo ku talaa dalka sucudiga
qaybta taariikhda waxaa hada ii socda sanadkii 2
waxaan sameeyay cilmi baadhis taas oo aan ku ogaaday in ay tahay soomalida dhalashadoodu ka bilabato 1935 ilaa iyo hada ay dadka ugu fahamka xun aduunka ama qaarada aynu ku nool nahay oo loo yaqaano afrika marka waxaan kaa raali gelinayaa qofka isticmaalay magacaaga waa nacas wuxuuna ka mid yahay dakaas aan kuusoo sheegay weliba hadii loo baahdo sababaha waan sheegi anigoo ka bilaabaya ilaa maalintaa an soo sheegay ilaa iyo hada
markaan u wareego sheekadaadi walaal waa wax geli kara caqliga ama dhici kara waxaan adiga si gaar ah kuu waydiinayaa ma gursatay intii kadib waxse ma dhashay adigoo raali iga ah waxaana ilaahay kaaga rajaynayaa in aanay waxaasi dib kuugu soo noqon waayo wuxuu khatar gelinaya nolashaada
waad salaaman tahay walaal
waa walaalkaa MURUQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI IYO CNN

Monday, January 29, 2001 - 12:26 pm
CNN ABC NBC RADIO MOGADISHO BBC
THIS STORY HAS NO BACKGROUND HAAAAA
BABE GO TO THE CLOSET TV IN UK
AND TELL THEM THIS STOR
AND THEY WILL LOVED.
U ARE GOOD. PLZE MIDKALE KU XIJI

TO ALL OF U
WALIGIIYE MARKIN QOF WAXUNKU DHACEEY OON QASHUUCEEYN
QASHUUMALE NAAGTAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suuban

Tuesday, January 30, 2001 - 09:26 am
Salaam to Nimco

Walaal waad salaaman tahay marka hore.
Tan labaad adiga oo raali ah ma iiga soo jawaabi kartaa su,aalihii aan horey halkan kugu soo sharaxay, inkasta oo ninkaa kaa xanaajiyey magacaagana isticmaaley.

Mahadsanid Suuban,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadeey

Tuesday, February 20, 2001 - 11:29 am
Acuudu bilaahi minashaydaanirajiim
waxaan kaxumahay in aan meeshaan kawada baraneyRuux jin ah ama jin lasoo seexdey ee ALLAHA naga qabtonagana fogeeyana iyada iyo intii ay dhashey ee waxaan isweediiyey ama aan idiinweydiinayaa mana is weydiiseen dadka magaaladaas kunool miyaa jinka wadaqaba mise qoyskooda NIMCA ayaa jinka iskadaba galaan sida ay ayada sheegatey oolaa iyo INDIYA iska dabagaley PLEASE dadka gobolkaas daga hanooga soo faaloodaan oo u dhashey,amahaiskaqabtaan naaagtanjinkaa ah oo ilaa iyo yaraanteeda nolosheeda kulug leh.
ACUUDU BILAAHI MINA SHEYDAANI RAJIIM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.