site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dood furan,soomaalidu maxay hablaha ugudaa,raalise dumarku makayihiin,

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Dood furan,soomaalidu maxay hablaha ugudaa,raalise dumarku makayihiin,
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 02, 2000 - 12:58 am
WAXAAN WALI LAYAABANAHAY SABABTA AYNU HABLAHEENA YARYAR AYNU MIDIYAHA UGU QALANO,IYADOO AAD OGTIHIIN QARNIGA AYNU KUJIRNO,XATAA DIINTII AADAN MAY BANEYN,QAAR BAABA INTAY DIBADAHA KA KAXEEYAAN
DALKII KUSOO QASHA,
WAXAA TAAKA SII DARAN,CAQLI YARAANTA DUMARKA SOOMAALIYEED,WAAYO IYAGOO SOOMARAY DHIBAATADAA AYAY UBAD KOODIINA DIB UGU CELINAYAAN,MIYAANAY KAWAANTOOBIN?
MACIDBAA MADAXA KAGA TAAGAN? JAWAABTU WAA MAYA,EE WAA WAXA NISA LOOYIDHI,ANIGA INANTAYDA CIDI TAABAN MAYSO,WAA SIDAAN QABO,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Saturday, December 02, 2000 - 01:16 am
anonymous
"somalidu maxay hablaha ugudaa?" WAXAY UGUDAAN SI AY DAREENKOODA RAAXADA U YAREEYAAN,

WAA RUNTAA WAA BAHALNIMO IYO CAQLI XUMO. ANIGU 20 JIR BAAN AHAY CARUURNA MA LIHI, HADAANA GABDHO DHALO WAAN KALA DHIMAN KII ISKU DAYA IN UU GUDO GABDHAHAYAGA.

WAXAA LOO BAAHAN YAHAY IN CAADANI LAGU QAADO OLOLO SIDII LOOGA HOR-TAGI LAHAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 02, 2000 - 01:20 am
TO C G,
SIDEE BAA UGU SAHLAN, OO AYNU OLOO UGU QAADI KARNAA,ADOO WAAYA ARAG NIMADAADA KAASHANAYA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Saturday, December 02, 2000 - 01:29 am
TO anonymous #2
OLOLADA WAXAAD KA BILAABI KARTAA CAMAL XUMADA AY SOOMAALIDU LEEYIHIIN IYO SEEF LA BOODNIMADA AYAGOO AAN WAXBA HUBSAN AMA WAX AQOONNA LAHAYN!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Saturday, December 02, 2000 - 01:30 am
TO anonymous #2
OLOLADA WAXAAD KA BILAABI KARTAA SIDII LOO DAWEYN LAHAA CAMAL XUMADA AY SOOMAALIDU LEEYIHIIN IYO SEEF LA BOODNIMADA AYAGOO AAN WAXBA HUBSAN AMA WAX AQOONNA LAHAYN!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 02, 2000 - 01:55 am
to:CM
walaal camal iyo caado meel ma wadda galaan ee waxeeynu u baahanahay si aynu uga gudubno caadadan xun ee dalkeenii mudada badan saameeysay .
waxaan qabaa inay dummarku ka tanasuli karaan caadadan sababtoo ah inanta waxeey masuuliyadeedu aad u saarantahay hooyada ,caadadana hadaanu ragnahay anagaa horay u dhignay ,ee waxeey ila tahay in aynu abuurno urur ka soo horjeeda caadadan dalka iyo dibadaba kaasoo kaashanaya qoraaliyo wacyi galin dalkeenii la gaarsiiyo , ee maxeey kulatahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Saturday, December 02, 2000 - 06:28 am
to dhaman ..
aslaamu calaykum..
bacda salaan..
walaal wad kumahadsan tahay waxa aad soo jeedisey dood wacan oo wax ku ool ah sidaa darteed waxan layirahdo fircooniga maqabto diintu waana mamnuuc xaga diinta marka anigu waxa aan layaaba marka aynu nahay islam oo kuwii gaalada ahaa ay inoo sheegayaan wax dinteenu ay diidan tahay marka waxa aynu ku jira khalad weyn kaas oo aynu ka galay diintena muqadiska ah marka arin tan walaal waxa lagu suulin karaa inagoo dadka diinta bara una sheegna in waxan aynan diintenu ogolayn..samaynana urur ama ka hadla waxan oo ku baahsan aduunka marka dadka lawacyi geliyo loona shego waxani in ay yihiin caado ee aanay diin ahayn..
marka anigu waxaaan qaba in aynu heli karo xal hadii aynu ku dhaqaaqno .. hadii alla idmo wana fegrad wanagsan walaalkayga soo jeediyoow soona sheeg magacaga,,,.
asalamu calaykum..
dood furan......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dhaan suge

Saturday, December 02, 2000 - 11:34 am
maxaa gabdhaha loo gudaa?wayaada waxaa loo gudaa in dareen kooda layareeyo.waana wax soojireen ah oo qarniyo badan lagu soo jiray si hadii loo fiiriyo waa caado fiican sababtoo ahwaxaad fiirisaan naagti aan gudney iyo tan gudan waxaa asturan tan gudan oo xishood badan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Sunday, December 03, 2000 - 02:07 pm
Anonymous
WAXAY ILA TAHAY, HADAABA SIDAA WAX U GARANAYSAY MAXAA LUGOOYADA KUGU WATA OO DADKA WAQTIGOODA QAALIGA AHI UGA LUMINAYSAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A222

Sunday, December 03, 2000 - 02:32 pm
War maxaa idin raaciyey dhulka hoose iyo sida loo galo.

Taas intaad u kaadisaan, maad talo ka keentaan dhibka iyo musiibada loo geysto gabdhaha yaryar ee sunta(chloro-acide) lagu dhaxbeerayo,ayagoo aan gaarin waqtigoodiiba.

Gabdhaha adinkaa la idin ka dabooley, dugaagyow dhiig abkaahu, cuduryow gadhaha fadhiidiyey, daadyahow guurkii curyaanshey, waxbayey hadleysaa, ...


RAMADAAN MUBAARAK!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 04, 2000 - 12:32 am
TO CM,
IIGU YEEDH,FARXAAN
WALAAL UMA JEEDO IN AAN WAQTI IDINKA LUMIYO,EE WAXAAN KA ADKAYSAN WAAYAY DHIBAATADAA.
Waayo xabada la isla dhacayo waxaa iiga daran ubadka ay dhibaatadu haysato intay soomaali jirtay.Gaar ahaan naftayda,wiil 24 jir ah baan ahay,oo waxaan ubaahanahay inanan hooyadeed isku qabsan gabadha aan dhalo.Waxaan kaloon diyaar uhay inaan helo cidkaloo wax igala qabata,sabab too ah,far kali ah fool madhaqdo,aad baanan uxiisay nayaa email kaaga, dhega88@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 04, 2000 - 01:14 am
to jamac jusuf
waxaa laygu yeeraa farxaan,waxaan lay maqashiin wadaadada,waayo danbiga ugu wayn waxaan kuqaadi lahaa iyaga,mark loo eego sida ay uga gaabiyeen kaalitoodii waayo lama odhan kadho,aqoonta diintaa ku yar maanta dalkeena,walina kamaan maqlin wadaad ka hadlaya,
waa inaynu xal kale keenaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 04, 2000 - 03:29 am
TO DHAMAAN,
DHABAAN U HADLAYAA, WAXAAN AAMIN SANAHAY INAYNU WAX KA QABAN KARNO,SABABTOO AH CAADO XUN WAA LABADALI KARAA,EE QOFKII DAACADA EE DAMQANAYA.
KASOO FIKIR DANBIGA LAGU HAYO UBADKA INAAD WAX KAQAN KARTO IYO INKALE, HADII JAWAABTU TAHAY, HAA, WADADEE BAA INOOGU WANAAGSAN IMIKA INAYNU KU´KULANO,AMA KU XIDHIIDHNO,
TO JAMAC,IGA RAALI AHAW,WALAAL,WADAADADA AYAAN UYARA CADHAYSANAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 05, 2000 - 01:09 am
to cm
xageed kadhacday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUDANE

Tuesday, December 05, 2000 - 02:01 am
ASALAAMU CALEEYKUM DHAMAANTIIN SALAAN KADIB WAXAAN U JAWAABAYAA NINKA LA YIRAAHDO DHAAN SUGE WAXAAN KU WEEYDIINAYAA SXB MARKA AAD LEEDAHAY GABDHAHA KUWA GUDAN BAA XISHOOD BADAN SXB XAGEED IFKA KAGA NOOLEEYD? MARKA HORE XISHOODKA IYO ASTURNAANTA WAA U DHALASHO IYO REERKA AY KU SOO BARBAARTEY GABADHA GABDHAHA SOOMAALIYEED EE SUUQYADA KU JIRA SIDA SOOMAALI BADANKEED ISKU RAACEEN WAA KUWA GUDAN MARKA SXB FIRCOONIGII XAARAANTA AHAA DADKA HA U SII IFININ EE XALKALE RAADI,WABILAAHI TOOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Calool-jileec

Tuesday, December 05, 2000 - 01:06 pm
Aslaamu calaykum walaalayaal walaahi waa fikrad fiican wuxuu walaalkeen soo jeediyay.Marka bal ilko wada jir bay wax ku gooyaan ee aan iskaashano. Waxaan la yaabanahay waxaan ahay gabadha kaliya oo shirka kasoo qayb gashay. Maxaa kuwii kalana helay? Wax laga xishooda ma ahan arintan runti ee bal talodiina la i maada. Waa wax walaahi aad u foolxun oo waliba aysan diini ma keenin ee waa jaahilnimo dhinaca soomaaliyeed. Waxaa sax ah in la suneeyo. insha lah alha noo sahlo! waslaamu calaykum waraxmatulah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, December 05, 2000 - 10:19 pm
to dhamaan.

waynu wada ognahay in ay fikrad wanaagsan tahay, ee walaalayaal sidee baynu dalkeena uwacyi galinaa,urur baan diyaar u´ahay in dhiso,dadna kamaarmi maayo, ee wixii diyaar u´ah,maal gelintiisa lawayn maayo, laakiin waxaa adag sidii uu soomaaliya oo dhan ugaadhi lahaa,

FADLAN HADII AAD DIYAAR UTAHAY,IGALA SOO XIDHIIDH,SI´AYNU XIDHIIDH WANAAG SAN USAMAYNO.FR,FARXAAN. DHEGA88@HOTMAIL.COM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamac yusuf

Thursday, December 07, 2000 - 06:52 am
to..dhamaan ..

aslaamu calaykum..
marka hore sxb kay farxaan waxa uu keenay figrad wanaagsan horena waa u ayidey hadeera wan ayidey ......takeliya ee aynu kuwada xidhiidhi karaa waa in aynu yeelano urur wacyi gelin ah ..waana kugu racsanahay..
qofka qoba in caado fiican ay tahay ama ay asturan yihiin habalaha gudani waxa an ku leeyahay sxb toos ,,oo baraarug....
habala soomaliyeed waxa an lee yahay walaalyaal ka soo qayb gala mawduucan wanagsan....
farxaan sxb adiguna wadadada ha nicin ee soo jiido,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anisa

Thursday, December 07, 2000 - 11:16 am
Salaan Dhamaantiin,

Waan ku faraxsanahay hadalka meeshan lagu hayo, laakiin mid ayaanan garanayn. Maxay ku dhacday in ragii ka doodayaan oo ka damqanayan gudniinka, dumarkii iyagu arkay dhibka ay leedahayna ay iska dhaga tirayaan oo weliba gabdhihii ay dhaleen usii mindiyo lisanayaan.

Sida uu Dhaan suge sheegay amaba aaminsanyahay, dad badan oo soomaaliyeed waxay aamin sanyihiin hadii gabadha aanay fircooni gudnayn, inay suuqa galiso oo ay raga saloolaniso. Laakiin taasi run maahan. Qofkii ilaahay wanaag ladoonay ayaa wanaagsanaada ama hala gudo ama yaanan lagudin, Qofkii shaydaan duufsadayna waa uu dhumaa.

Ragiinan fikrad fiican ayaad keentay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inan arko dumar ka qayb gelayaa arimaha noocana madaama ay iyaga uga qibrad roon yihiin raga. Inkastoo aan maqlay qudbado laga jeediyay gudniniinka hadana wax saa usii wayn ma ay jiraan. Halkiina ka sii wada dadaalka guul gaari doontiine.

Ramadaan kariim.
Wabilahi Towfiiq.
Anisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 08, 2000 - 12:34 am
to jama:
waad salaaman tahay marka hore,
saaxii malaga yaabaa inaynu dalkaliya wada joogno,
ama magaalo kaliya,waxaan umalaynayaa inaynu waxyaabo badan kala siyaad sanlahayn,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Friday, December 08, 2000 - 01:50 am
MAR KALE WAAD SALAAMANTIHIIN, INA ADEER FARXAAN KUMA ORAN KARO ILEEN WAX LAGU FARXO MA YAALAANE, CAADADAAN XUN OO GUDNIINKA GABDHAHA LA YIRAAHDO AAN KA WADA SHAQEYNO SIDII LOOGA HORTAGI LAHAA. HALKANI BAANU KU WADI XIRIIRI DOONAA.

FIKRADO AH SIDII MUJTAMACA LOO WACYI GALIN LAHAA ARRINKAN MAXAA KA HAYSAAN? XAGEESE KU HABOON IN LAGA BILAABO?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamacyusuf

Saturday, December 09, 2000 - 07:12 am
aslamu calaykum..
sxb farxan waxa an jooga norwey..oslo..
wana wada xidhiidhi karaae-mailkaygu waa ALI_IS75@HOTMAIL.COM aan wada xidhiidhno waxna isdhaafsano..
walashay aniisa wad kumahadsan tahay in aad ajiibto dhawaaqayaga o uu inoo soo diyaariyey walalkeen farxaan,,balse anigu maqabo in ay hableheenu saloolanayan raga hadii aan lagudin .. tusale qurbaha ayad joogtaane mana gudna hablohoodu , wad arkaysaan sida ay guryahooda ula gelayaan waxa ay samaynayaan ..marka kuweenu diin bayba leeyihiin oo wax badan ayaa cilinaya.
marka figradas maaha mid jirta .. hadaba way jiraan hablo aan lagudin oo hadana wanaagsann..
takale dumarku waxa ay weli haystaan caado xun oo iyaga lagu soo sameeyey marka waxa an lee yahay rabi hanala tuso aragtidan,,,,.
dhaman waxa an lee yahay ka qayb qata mawduucan ,,,,,,,
asalamu calaykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 11, 2000 - 01:12 am
TO CM:
WAAD SALAAMAN TAHAY,FARXADA AAD KA HADLAYSAA MA`MAGACAYGAA,MISE AFSOMALIGA MARGA AH,
HADAA KU SOO NOQDO MAWDUUCAYGA,HADAY DAACAD KAA TAHAY,KANI WAA MASHIIN EE HALKAAD JOOGTO KABILAAB WACYI GELINTA,
BY FARXAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 11, 2000 - 02:56 am
to jama:
det er farxaan som snaker med deg nå, også jeg bor i Norge,sørlig i trodheim,
aad baanad ugu mahad santahay,waxaaba isoo gaadhay warar sheegaya in qaar nimankan hogaamiyaasha sheeganaya mida kamida mamnuuc kadhigay qodobkan aynu kahadlayno,

walaal anisa aad baad umahad santahay sida macaan ee aad uhadashay.
war dhaansuge,meelgaaban baad ka hadashay,bal indhaha mid aan kaa saaro inaad sidii hore aad wax u`aragtid iyo inkale,ileyn ilaahay iyagaba waajib kagamuu dhigine,
by:walaalkiin farxaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Monday, December 11, 2000 - 04:36 am
Arintan gudniinka fircooniga waxaa ka hadlay
gudoomiyaha dowlada baarlamaankaee dowlada KMG
ee soomaaliya balse maanu maqal in lajoojiyay
iyo inkale.Arintan gudniinka fircooniga waa
arin aanu hordhigayno dowlada KMG hadii ay doonayso caawimaadanada hadaanu nahay soomaali
da dibadaha joogta in dowlada marka hore ay
joojiso caadada fircoon nooga timid kaasoo ahaa
nin ilaahnimo sheegtay waxaa kaaga sii daran
carabta oo aanan gudin gabdhahooda.Somaali badan badan waxaa loo cadaabi doonaa xasuuqa ay u geesten saqiiradooda.waxaanu ognahay in magaalada muqdisho laga bilaabay inaan lagudin
gabdhaha horaantii 1980 wixii ka dambeeyay.
Dalalka dibadaha marka gabar soomaaliya ay
tagto isbitaal ee la arko in ay wax ka maqanyih
iin ayaa lawaydiiyaa cida sidaa u gashay hadii
ay sheegto in ay waalidkeed ay sidaa yeeleen
waa la xirayaa labadii dhashay.Hadaba waxaanu
aduunka ka codsanaynaa in xukuumada KMG ah aa
la aqoonsan ilaa ay sharci kasoo saarto joojinta gudniinka hablaha isla markaana ay
maxkamad soo taagto dadka wax guda.muqdisha
wxaa mardhow ka bilaaban doona in la xasuuqo
dadka wax guda sida loo xasuuqo dhaqaatiirta
ilmaha kasoo rida haweenka.Madaxweene cabdiqaas
in waa in uu yimaado dalkan mareekan si uu u
gudo gabar yar wuxuu ku laaban doonaa si nabad
ah dalkiisa.Runtii wax ween ayaa udhexeeya gaba
dha la guday iyo tan aan gudnayn xaga dareenka
iyo caafimaadka.Labaduba waa la jiilgareeyay
Tan lagudayWAx ay dareemaysaa ma jiraan tan aan
la gudina way kula qaybsanaysaa raaxada.hadaba hadii aad doonayso gabar aan la gudin orod oo
tag magaalada muqdisha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 13, 2000 - 03:58 am
to axmed.
saaxiib meeshan qabyaalad kuma hayno,Ajaanibna manihin aan muqdisho garanayn,ee
qiirada qabyaalada meel soodhigo saaxiib.

by:frxaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C M BROTHER

Thursday, December 14, 2000 - 12:25 am
WALAAL WAXAY ILA TAHAY IS AFGARANMAYNO, MARKA NIN WALBA DANTIISA HA RAACDO, ADIGA FARXADAADA WADO IYO SIDII AAD UMMADA SOOMAALIYEED UGA FARXIN LAHAYD, ANIGUNA MEELAHAYGAAS AYAAN BAL EEG EEGAYAA.

ALAHA KUU SAHLO
RAMADAAN KARIIM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.