site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Cabdi kariim iyo ugbaad

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Cabdi kariim iyo ugbaad
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Saturday, December 02, 2000 - 07:03 am
To:ugbaad
---------
ugu horeyn ugbaad iga gudoon salaan diiran ,
bacda salaan .
sidaan filayo ugbaad arinta aynu ka doodeyney waxay aheyd guurka iyo habalaha soomaaliyeed ee neersinka ah ee wadankan u a e ku dhaqan. ugbaad waa runtaa oo labada qof ee uur wada seexday ayaaba kala duwan oo dadku ma sina ,aniguse waxaan ku idhi daraasadii aan sameeyey waxa iiga soo baxdey dhowr arimood o aan kuu sheegay (daraasada mar waxa lagu sameeyaa dal sida dadkiisa afkiisa diimaha ka jira dhaqaalihiisa i w m marna waxa lagu sameeyaa dad gaar ah ama mucayan ah sida dabaqada shaqaalaha oo kale marna waxa lagu sameeyaa qof sida dabeecadiisa taariikh nololeedkiisa hoppygiisa i w m )hadaba anigu daraasadaan sameeyey waxay ku kobneyd hablahan soomaaliyeed ee wadankan .
kumaad qancin tusaalahaan ku siiyey ee bal aan tusaale kale ku siiyo .
waxaad muqaarano ku samaysaa ama aad kombaareeshan ku samaysaa guurka iyo siday dhalinyaradu isugu guursadaan gudaha wadankeenii iyo dalkan aynu joogno (dabcan wey kala badan yihiin oo dalkani waa qurbe oo kuma badna jaaliyada soomaalidu )laakiin boqolkiiba 40 tan dhalinyarada ku guursata gudaha wadanku waxay ka tagaan dibada gaar ahaana carabaha iyo yurub waxaana badan kuwa carabaha ka taga ee ku soo guursada halkaas .hadaba ugbaadeey ma is weydiisey sababta kaliftey inuu ku soo guursado hargeysa iyo burco iyo magaalooyinka kaleba ?
in badan oo ka mid ahi waxay ii sheegeen iney shaqeeyaan lacag fiicana ay qaataan laakiin ay fooda gelin kari waayeen hablahan soomaaliyeed ee shaqeeya sababuhu dabcan wey kala duwan yihiin laakiin waxay ka sinaayeen sadeex shay (1)meherka oo lagu qaali gareeyo iayada oo aan la tixgelinahayn awoodiisa dhaqaale iyo wuxuu kari karo ,ileyn togba taagtii buu rogmadaye .taasina ugbaadey hore ayaan kuugu tibaaxay .(2)san taag ku jira hablahaa sidii iyagoo dumarnimadaba aan ogolayn ama aan ixtiraamka ragaba la barin.
(3)ta sadexaadna mar kale ayaan kuu sheegi doonaa ugbaadeey .
balanteenu waa qalbi furan iyo ineynaan kala cadhoon runtana ku rafano .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Saturday, December 02, 2000 - 07:34 am
To Abdikarim

walaal horta anigu kalmada aan ka soo horjeeda waa daraasada aad shegayso ee bal horta taa meel inaga dhig , waxaa layidhi waxaa jira waxyaabo durmarka lagu canaanto oo raggo sabab u yihiin baa jira , taasina waxaan uga jeeda nimanka somaliyeed qaarkood iyagaan kalsooni isku qabin oo markay inan lasheekasanayaan waxay soo ban dhigaan waxuu haysto , ciduu yahay , halkuu ka sheqeeyo , badidana waxay inantu ku soojiidataa inamada somaliyeed qurux iyo qosol yar oodabacsan oo sida khiyaamadaa iyo riwaayadaa loogu jiro ayaa la illoobaa waxa muhiimka ah , waxay dalbatan wuu yeela awoodiisa ha ahaate ama yaanay ahaan markaa yaa danbiga leh , saaxiibkaa waxaabu is ogaaday mar hore e qaarkoodbaa markay xeedho iyo fandhaal kala dheceen ayay ogaadaan wax.

walaal habalaha wanagsani badan oo waliba narastaaa aad sheegayso eed diraasada ku samaysay u badan ee ninka somaliyeedoow iska daa caadifada maala yacniga ah ee markay guur noqoto caqligaaga isticmaal intaanad qalbigaaga u furin qofka u qalma iyo kaan u qalminba
abdilkarim waxaa inoo ballan ah kaftan huffan iyo dood furan
byee
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Sunday, December 03, 2000 - 12:47 am
TO:UGBAAD
--------
Si fiican ayaad yeeshay oo weli difaacaagu ma yara ,laakiin horta ugbaadeey bal waan joojinayaa erayga daraasad oo waxaan ku badalayaa (waxa jira )ama (waxa aan arkey )arimo sidaa iyo sidaa ah ,ee adiguna waxaad raga ka deysaa waa caadifiyiin oo caqligooda ma isticmaalaan,waayo haddii aanu caadifad ku shaqeynayno oo aanaanu caqligayaga isicmaalahayn tii noo qososhaba feedha ayaanu kaga dari lahayn anagoo aan hubsan waxay tahay hadalkan badan iyo doodana mabaanu galeen kumanaanu daaleen sidanaa wanaagsan iyo sidanaa jirta iyo sidani ina dhiqi mayso iyo sidaa si an ahayn qoyskeenu ku dhaqmi maayo ,intaanu hadalada caynkaas oo kale ah daaqada ka tuurno ayaanu ukhtii iyo xabiibi iyo xayaati iyo qosol yaryar iyo foolashaa la qayaxayo isku maaweelin lahayn ,laakiin ugbadeey waxan raga ka qaylisiinayaa waxa weye waxay arkeen wax badan oo caqligoodii diidey e sidaa u ogow,oo ha moodin caadifad.
ugbaad laakiin su,aashii aan ku weydiiyey iigamaad jawaabin ee ma jawaab ayaad u weydey mise waad u waraysi tagaysaa jawaabtaa ???>
aan ugbadeey su,aal kale ku waydiiyee ma akhrisataa majaladaha fashionka iyo asyaada ka hadla sida alasyaa ,sayidatii,aljamiilah,jamaluki,kulalusra i w m oo shayga aad ku aragto ma ka soo iibsataa shoping centerada ?ama sidoo kale t.v.ga ma kala socotaa barnaamijyadaa oo subaxdii ma ku kalahdaa dukaamada alaabtaas iibiya inta aanay hablaha muwaadiniinta ahi kaa dhamaysan ???????
bal jawaabta su,shan iyo su,aashii horba fadlan maysu key soo raacin karaysaa adigoo mahadsan..
halka aad jogtana iimaad sheegin . byeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Sunday, December 03, 2000 - 01:33 am
To abdilkarim

walaal mahadsanid runtii doodani waa dood xiisa leh . horta bal an difaacaygii ku noqdee sidaad sheegtay , ha i moodin horta dadka ku jira weererka uun , waayo ninku intaananu noqon nin aan jeclaado waa aabahay oo ixtiraam iyo qadarin iga mudan , walaalkay oo garab ii ah , ninkaan gursan doono oo jacayl iyo ixtiraam iyo ka danbayn iyo gadarin iyo daacadnimo iga mudan , inankaga oo ubaxa dunida ah , horta taa inaan kuu cadeeyaan jecelhay .
Walaal hadalkayga waxaan ka wadaa

Caadifada walaal waxan uga jeeda :
1. anigu waxaan arkay niman badan oo somaliyeeed oo aniga qaarkood isoo mareen , marka aad gabadha ka doonayso guur horta waxba heerbay taagan yihiin ee marka hore in laysku bilaabo waan kaa helaa iyo kaama seexdo qaarkoodbaa wallaahi telephone iyagoon waxba kaa aqoon kugu jeclaanaya ,walaal markaa in lasyk u bilaabo maaha waayo way dhici kartaa inaad qof ka hesho oo shakligiisu ku cajabiyo taasina waa soo jiidadka hore lakiin markaad qofkaa aad adigu u dhadhacdo aydaan is fahmain badida dadkeena ta ku dhacdaa waa taasi nimanka waxaa ka dhaadhacsan waa gabadhe waxay gabadhi heyso miskastaaba way haysaa oo waa isku wada mid lakin marka arrimi soo adkaato ayaa lakala ogaada waxay dumari ku kala duwan yihiin , dumrkana markay dadkeenu tilmaamayaan waxay ku tilmaamaan marka hore quruxda ee hadhow ayaa la sheega haday gaari tahay ama basari , ama karti leedahay ama nacasnimo leedahay taan oga jeeda walaal marka hore caadifada aan sheegayo waan waxyaabaha laga fiirsadaa marka hore .
tusaale ahaan waxaan jira inan guursaday bari dhawayd , inanta uu guursaday wax kale ninkaa kumay hantiyin oon ahayn inayn quruxbadan tahay , dadnimo malaha , gacal iyo xigaal midna ma xishmayso , diin malaha , isla wayni aan waxba ku dhisnayn ayay shirka la timid markaa walaal taasoo kale haday ku joogjoosatana xaq bay u leedahay , waayo intaad laamiga is dhigto ha odhan muxuu baabuurku ii jiidhay , qalbigiisa wuxuu u furay furay mid aan u qalmin , hadaad eegtid nimanka iyo durmarku hadii laga eego xaga sex waa isku wada mid lakin maxaa lagukala duwan yahay waa dadnimada iyo diinta iyo dhaqanka oo lakala yaqaan IWM.
2. dadkeenu way dagdag badan yihiin oo iyagoon waxba hubsan ayay qaraarkooda qaataaan ,bal iga dhadhici sidoo nin ku guursadaa inan u telephone kula hadlo oo uu ka arkay cajalad vedio ah , bal muxuu ka yaqaanaa, kaaga daranta mid baa u duulayaa somaliya oo inan yar oo aanu waxba ka garanayn guursanay within two weeks , maxaad markaa filanaysaa in maxay laysku fahmo , ka kasii daran ka intuu sariibada fadhiisto kolba baska tagaya sii raacaya ee raadinaya inan ma wuxuu iibsanayaa xabbad tamaandho ah !!!!!!
Cabilkariimoow hay ruxruxin waa buuxaaye!!!

Su'aalahaad i waydiisayna horta ta hore magaranayo waxay ahayd lakiin tan kale walaal haduu wax i cajibayo ,waxaan eega :
1. inaan u baahanahay
2. haddan u baahanahay ma awoodi karaa
3. haddaanan awoodi karayna , mabda'aygu wax waa waxaanad helayn waxaanad doonayn baa laga dhigaa .
anigu assalkaygana ma ini dadkan dunida iska daba rida ee waxkastaaba igu filan meelkastaan way i qaadaa walaal .
sidaa iyo lakulan danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikariim

Sunday, December 03, 2000 - 08:34 pm
TO:UGBAAD
---------
Waan ku salaamay ugbaad ,ramadaan kariim.
marka xigana si fiican ayaad u hadashay walow aad su,aashaydii hore hilmaantey.
waxaad ka hadashay ugbaadeey arimo dhowr ah bal aan kala qaadqaado jawaabtee:-
1.berigii hore ninku isagoo aan gabadha arag inuu guursadaa ceeb may ahayn,waanay dhici jirtey waxaanuu ku guursan jirey siin la siiyo ama war iyo tibaax looga sheego inantaa xaaji hebel dhalay wanaageeda iyo dhegteeda ama wuxuu ku guursan jirey hide raacid uu hiddo raacayo hooyadeed ileyn soomaalida ayaa odhan jirtey dumar iyo geelba waa la hida raacaaye,ninku sidaa wuu ku guursan jirey guurkaasina wuu ku najixi jirey ,gabadha la guursadaana guntiga ayey dhiisha iskaga dhigi jirtey oo marwo sharaf leh ayey soo bixi jirtey ,taasi waa marka aynu eegno bal in yaroo ka mid ah sidi guurku ahaan jirey,dabcan ninku inantaas uu guursadey aqoon siyaado ah umuu lahayn oo isumabay helin jaanis ay ku sheekaystaan (laga yaabaa inu casar iyadoo awr soo caraabinaysa la soo caraabiyo awrta laba erayna uu ku tuuro)laakiin wuxuu ku guursadey arimahaas aynu soo shegnay mid ka mid ah..
2.maanta iyo waqtigan casriga ah waa laga yaabaa inan inaan sawirkeeda arko oo niyadaydu raacdo,ama aan codkeeda maqlo oo laxanka codkeedu qalbiga igaga dhaco laakiin taas macnaheedu maaha waan jeclaadey oo waan guursanayaa ee waxa weeye haday iga soo go,do inaan guursadaa dee wadadii guurka loo mari jirey ayaan marayaa.
3.aniga laftigayga ugbaadeey berigaan ku cusbaa bahalkan gaaladu samaysay ee aynu hada ku wada hadlayno inan ayaan muddo waxoogaa ah kula sheekaystey internetkan ,telefoona ku wada xidhiidhney,postana waraaqo isugu dirney ,dabcan sawirona kala helay waan kaa helay iyo mayga heshay anigana is weydaarsaney laakiin may noqon isbarasho midho dhasha (,sabatana mar kale ayaan kuu sheegi doonaa)waxaan uga socdaa qofka mar waxa ku dhici kara waxay carabtu tidhaahdo -inbihaar-ama indhodaraandar uu la ashqaraarayo shay laakiin marka suuxdintu ka baxdo ayuu shaygii xaqiiqadiisii u arkayaa ,tusaale ahaan maxaa keena khilaafaadka xaga qoyska isla marka laga baxo shahrulcasalkaba?!!!!!!!!!!!!!!!!.
qoraalkaygan waxaan ku soo gebogebaynayaa hadalkii uu nabi muxamed(scw)uu yidhi ee macnihiisu ahaa <<gabadha waxa loo guursadaa afar shay midkood:-
1.inaad maal ay leedahay awgii u guursanayso
2.in reer fiican oo ay ka dhalatey awgeed aad u guursanayso.
3.in qurux ay leedahay awgeed u guursanayso.
4.iyo in diinteeda awgeed aad u guursanayso(dabcan dadku waa muslimiin ee akhlaaqda wanaagsan ,ixtiraamka ku dhaqanka diinta waxyaabahaas oo dhan ayaa loo jeedaa).
nabiguna (scw)wuxuu kula dardaarmey raga iney guursadaan ta diinta leh. hadalka walaal waan badiyey oo waan iska tuurtuuraa ee bal raalli ahow hadaad ku daasho .
waan kaa sugayaa jawaab.
byeeeeeeeeeeee ugbaad.
ma

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Thursday, December 07, 2000 - 07:13 pm
Abdilkarim :
Horta su'aashan walaal aad sheegayso waan hilmamaye bal iigu celi , adigooraali ah
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikariim

Friday, December 08, 2000 - 06:32 am
TO;UGBAAD .
-----------
Wan ku salaamay ugbaad ,bacda salaan dhibi ma jirto.
waxaan u malaynayaa ugbaadeey inaad soo daalayso ama aad rabto inaad ka insixaabto doodan (waa sidaan is dareensiiyey).su,aashii aan kuugu celiyee waxay aheyd ma ii sheegi karaysaa sababta aanay inamada dhalinyarada ah ee guurdoonka ahi aanay ugu guursan qurbahan ee ugu soo guursadaan wadankii ??.su,aashu taas ayey aheyd dabcan waxaynu ka hadlaynay arinta guurka .
iga dhan
nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 08, 2000 - 09:54 am
To abdikarim

walaalo arrintaa asbaab badan baa keenta oo ku xidhan qofka laftiisa anigu ma koobi akaro runtii lakiin bal aan waxkayara faaleeyo :
1. dhaqaalo ahaan guurka somaliya ayaa ka kharash yar oo aniguba ninku haddaanu guursanayn inan shaqaysa ku waaninayo inuu ku guursado waddamadan dibada waayo noloshu waa qaali haddaanay labad qof is taageeranyna way adagtahay .
2. Ikhtiyaarka qofka waayo niman badan ayaan jeclayn inay gabadhoodu shaqayso oo isagu oo guridiisa ka mas'uul yahay oonu gabadh waxba ka sugin .
3. qaar badan oon naftooda kalsooni ku qabin ayaa jira oo is leh haddaad guursato gabadh shaqaysata way kuu manna sheegan , taasina walaal wayjiraan dad sidaa ahi lakin faraha gacmahaaga ku yaala isku mid maaha .
4. dee qaar badanna habalaha somaliya ayay jecelyihiin waayo aadbay u qurux badanyihiin oo firfircoon yihiin oo wallaahi aniga oo inan ahiba waan u riyaaqaa.
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikariim

Saturday, December 09, 2000 - 07:47 am
TO:UGBAAD
---------
Ugbaad salaan ka dib .
waxaan u malaynaya inaad su,aashaan ku waydiiyey jawaabteedii inaad runta ku rafatey gaar ahaan qodobka afraad ee aad ku sheegtay inay hablaha soomaaliya aad u qurux badan yihiin waa runtaa.
waxa kale oo aad runta ku dhawaatey markaad tidhi rag badan ayaan doonahayn inay guursadaan inan shaqaysa adiguse waxaad sababta ka dhigtey ninka oo aan isku kalsonayn ee waxa weeye sababtu ,wax uu ku diidey ayuu arkey oo ah kibir iyo qadarin la,aan xaga raga ah (kuma sheegin ceeb kale ),sidaas daraadeed ayuu door-bidey inuu wadankii ku soo guursado.
aniga laftigaygu ugbaadeey waxaan aaminsanahay in uu ninku leeyahay masuuliyada iyo waxa loo yaqaano (qawaamada) sidaa daraadeed inuu qof dumar ah wax ka sugo maaha ,haddii ay shaqaysona waa wax la yaqaano haddii ay xinaheeda iyo kiriimkeeda ku filaato iyo diraceeda waa wax dhan iyo hawl ay ka furatey ninkedii ,inkastoo laygu yidhi hablaha wadankani shaygay maalin xidhaana dib uguma noqdaan,gogosha iyo alaabta gurigana bishiiba mar bay badalaan,yacnii dhaqaale burburinta lagu hayo ninka ma malayn karaysid.(LOL).
horta ugbaadeey adigu ma xas ayaad tahay mise waad madax-banaan tahay ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Monday, December 11, 2000 - 10:21 am
To abidkaraim

Walaalo kalmaddaha santaaga iyo kibirka in badan baad ku celcelsay mana garanayo waxaad uga jeedo balse aan anigu kaaga jawaabo sida aan ku fahmay:

1. haddaad uga jeedo kibirka inay inantu diido nin guur ka doonay ama barasho walaal dee taa xaq bay u leedahay oo qofkastaaba wuxuu jecelyahay waxyaabo gooni u ah , xumaanteeda iyo wanaageedana qofba si buu u arkaa .

2. Waxaan arkaa inay rag badan oo somaliyeed u arkaan inanta wax baratay in kibir badantahay khusuusan ninka aan tacliin lahayni taasina dee walaal mid ay inantu dawayn karto maaha ee mid ninka laftiisa ku xidhan, oo anigaba walaalo way igu dhacday dad aan aqooni lahay inay igu qiyaasaan sidaa ad sheegtay iyagoon ila hadal.

3. Nimanka somaliyeed walaal maaha niman updated ah uu la socda isbaddalada dunida ka socda , waayo waxyaabo badan is badalay ooy ka mid
yihiin :

A. Inanta walaal mutacalimada ahi siday u aragto ninka way ka duwantahay siday u aragto inanta aan ayan mutacalimada waayo waa inan dadkale dhex gashay wax akhriday rabtana nin u munaasib ah , lakin habalha somaliya jooga badidooda waxaa u daran nin baahida ka saara , ee ha moodin inay habalaha somaliya laftooda ay ka fiican yihiin , taana waxaa daliil u ah markay dibada u baxaan ee ay ninka ka kaaftoomaan inay eryaan oo ay ashkateeyaan.

b. Inanta mutacalimadda ah waxaa ka baxday baahidii ay dumarka ragga u qabeen ee ku saabsanayd xagga xoolaha iyo hantida waayo hadduu qofku shaqaysto walaalo ma raadinayo nin wax siiya ee wuxuu raadinayaa qof dee jacayl iyo nolosha inteeda kale la wadaaga .

Mushkiladda cabdikarimoooow ummada somaliyedd maanta haystaaanna waalaalo waa taa , barigii hore dumarka waxaa nimanka ku qasbi jiray baahi xoolo ahaaneed ,lakin imika arrimahii way is badaleen , markaa haddaanu ninku dadnimo iyo dhaqan wanaag lahayn ilamaha inay jiraan wax kaloon u galaaba , taana waxaa u daliila guryo badan oo dhisnaa inay dumeen markii la tagay dibada waayo ninka somaliyeed assalkiisaba waa nin iska careless ah , markii laga kaaftomay lacagtiisii haddaanu reerku ku qabin daryeel dee mustihiisu waa dibadda

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi kariim

Tuesday, December 12, 2000 - 12:17 am
TO:UGBAAD
---------
Waan helay jawaabtaadii ugbadeey.
sida runtu tahay waxa wanaagsan in wixii jira ama xaqiiqo ah laysaga garaabo,taa waxaan uga jeeddaa waa runtaa oo ninku haddii aanuu shakhsiyad lahayn dee wax loogu xishaa meesha ma yaalaan oo waa lab ee nin rag ah maaha .
laakiin midda kale soomaalidu waxay ku maahmaahdaa inani ama nin ku asturneyd ama xabaal ku asturneyd ta macnaheeduna waxa weeye in meesha u munaasibka ahi ay tahay guur iyo guri ay yeelato,tusaale ahaan waxa dhacda iney inantu rag badan diido iyadoo sababo kala duwan sheegaysa sida kani wuu adadag yahay kani ma jajabna kani maaha jaamici kani si fiican uma labisto kani mutacalim maaha i w m ,aakhirkana waxa dhacda in tareenka gurku dhaafo siday u taagan tahay,ugu danbeyntiina ay noqoto inan weyn oo odey xoog ah la siiyo waayo soomaalida ayaa ku maahmaahda (( nin weyn naagtii waa guun ama inan weynaatey )) ama waxa laga yaabaa iney is miidaamiso oo kii u horeeya ee la hadla fedha-ka raacdo ,((xanaaq iyo cadho waa inaga dibada ugbaadeey))..
mid kalena waxaad ogaataa ugbaadey wakhtigan imika lagu jiro raggu waa qaalli oo weliba intooda masuulka ah ee qoys dhaqan kara sida lagu helaa waa naadir ama very rare markaa talada aan hablaha u soo jeedinayaa waxa weeye afkaarta aad aaminsan tihiin ee aan waaqica lagu dabiqi karahayn ka tanaasula oo waaqica u soo noqda ....
waxa kale oo aan hubaa ugbaadeey in guurku nasiib yahay calafkuna waa wax jira qadarkuna waa meeshiisa dadaalka iyo doorashaduna waa lagama maarmaan.
hotmailkaygu waa habarwaa@hotmail.com
byeeeeeeee
calooshenu isu xaadhan xanaaqna waa dibada .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Tuesday, December 12, 2000 - 01:57 am
To adibkarim

walalo tii qidaar ka tagayo ama aanu ka tahayn iyaday jirtaa , qofkastaan isagaa ka mas'uul ah doorayshiisa ee anigu kuma lihi habluhu way fiican yihiin , ee aniguba inanbaan ahay wallaahi oo waa igga wallaahi haddaanan helin ninkaan doonayo inaanan guursan waligay waxba igu maaha, anigu walaalo duunyo maradinayo , magac na ma raadinayo , ee waxaan raadinayaa nin diintiisa, dadnimadiisa , akhlaaqdiisa igu qanciya .

hadii la waayona guriyagu wuu i qaadi noloshaydana waxaan sidaan u dabarayo aniga aqaan

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikariim

Wednesday, December 13, 2000 - 05:34 am
TO:MISS UGBAAD
---------------
Waa runtaa ugbaadeey oo koleyba labada guri -waa guriga reerkina iyo gurigaagee-mid uun baad joogi lahayd ,laakiin miyaanad ogeyn inaanay diinteena wanaagsan ku banaaneyn iney gabadhu guur la,aan joogto iyo sidoo kale inuu ninku guur la,aan jogo labadaa midna kuma banaana diinteena ee ma guursanayo hadaan doono oo waxba iguma aha meel iska dhig oo iska ilow, waataan in badan ku celceliyey waaqica yaan laga gudbine waaqica haka gudbin inaabti.
markaan u soo noqdo tan doorashada iyo xulashada qofkii nolosha kula wadaagi lahaana aniguba dookh ayaan leeyahay oo inanta aan doonayaa waa iney ahaataa 1-inan diin iyo dhaqan wanaagsan leh.2-waa iney tahay inan reer wanaagsan ka dhalatey maaha reer ladan.3-iney tahay inan u diyaar ah nolosha iney ila qeybsato dhibteeda iyo dhefteedaba oo aan moodahayn noloshu iney gabigeeduba tahay (shahrul-casalka )oo kale.4-caqli badan, reerkeeda wadan kareysa,aan dumarku u sheekayn karin, gurigeedana aan ku burburinahayn maxaa hotel hebel layga soo tumi waayey. .5-waxbaratey oo aan jaahilad aheyn 6-dabcan quruxduna waa muhim ,ogowna marka horeba waxa isu kaaya keenay waa jacayl ee maaha xiise iyo waan kaa helay ee adiguna mayga heshay. 7- ninkeeda ixtiraamaysa oo ka danbeynaysa.
ugbaadeey aniga dookhayga iyo astaamaha ay leedahay gaaridaan doonayaa waa kuwaas ,ee bal adigu ma sheegi kartaa astaamaha iyo tilmaamaha uu leeyahay ninkaaga ama saygaaga mustaqbalku???????.......
ramadaan kariim
byeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Wednesday, December 13, 2000 - 05:40 am
abdikarim walaalo

anigu waxaan kusoo quray astaamaha ninkaan doonayo meeshan ee akhri mawduuca (waxaan rabaa nin somaliyeed oo aad maskax furan ) waa inga inantaasi
ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdikariim

Thursday, December 14, 2000 - 05:52 am
TO;-MISS UGBAAD
---------------
Waan gartey mowduuca aad ii sheegtay inaad adigu doodiisa bilowdey,waanan helay page-kaa.
aniguse waxaan ahaa ninkii ugu horeeyey ee ku weydiiya waxaad uga jeeddo maskax furnaanta bal dib ugu yara noqo maqaalka uu qorey <<kaabuli>> waa anigee waayo magacaygu waa cabdi kariim kaabuli.
ok hadda iyo wixii ka danbeeya waxaan ku biirayaa dooda ka socota page-kaa weyn <<waxaan doonayaa..........>> ee waa inoo halkaa . byeeeeeee

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.