site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

GEEDKA HAASAAWAHA GEEDKA GAYAANKA SOOMAALIYEED

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): GEEDKA HAASAAWAHA GEEDKA GAYAANKA SOOMAALIYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Tuesday, December 05, 2000 - 06:28 pm
Kaftanka inoo furan gardaradiyo xadgudubna reeban. war ragoow.... dumaroow ma googaaleysanaa
guurkiyo faallo ma galnaa, haddii lays garto gacalo.....gacaliye ma isku yeernaa...............

iddinkoon gardaroo garta qaada ......GUURKII MEEYE.....YAA GOOYEY....MA RAGA MISE DUMARKA......
WAA GOLE HAASAAWE YAAN GACALNIMAD LA GEYS MARIN.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Tuesday, December 05, 2000 - 10:49 pm
Faisa salaan,
marka xigta runtii ka helay sida wanaagsan ee aad u qortay,wayna i soo jiidatay,inaan wax ka qoro.
Hadaan u soo noqdo su'aashaada ah yaa gooyay,taasi jawaabteeda waa sahal,cidna lama waydinayo,sida ay aniga ila tahayna waa dumarka,inkastoo dumarkuna ragga eeda saarayaan.
waqtigan dhalinyarada nin walba waa jecel yahay inuu guursado gabadh ay isku dhaqan iyo af yihiin,laakiin gabdhihii somaliyeed ee jooga meelaha lagu qaato caydha(welfare)waxaa laga hayaa muxuu sheegayaa dowladaa i biilisee,markaa markuu nin kasta taa maqlo ayuu dib u joogsaday,iyo nin loogu yeerayo (911),markaa taas eeda waxaa la saari karaa dumarka iyagoon fahansanayn macnaha baahida labada qof.
waxba yaanan ku sii dheeraanee,kolay hadalkaygaa qaar ayaa wax ka soo qaadi doonee ama si kale u fasiran doonee,dadaw adigoon caytamin wixii aad ka qabto min fadlan ku soo qor halkaas,adigoo dhowraya sharafta qofka iska leh bogan.
Faisa waad mahadsan tahay,waana dood u baahan in laga wada hadlo(dhalinyarada maanta jirta).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Wednesday, December 06, 2000 - 07:27 am
shawiq
horta waa runtaa hase yeeshee qaladka waa loo simanyahay kama maqlin miyaa puplic house noo applicaree, ceydha ma qaadataa ...maxaad u cidsan weyday i.w.m ah
Haddii ragga soo maaliyeed ahaan lahaayeen kuwo xilkooda guta ,ruuxii dumar ah ee xumi dibadey ku soo dhici laheyd waayo awr waxaa hogaamiya hogaanka, haddii hogaanka lumo wallee wey cadahay waa qof waliba halkuu doono ha u dhaqaaqo.
shaki la'aan dhallinyarada maanta ma fahansana micnaha guurka, iyo sida loo dhaqmo iyo qof waliba xilka uu qoyska ku leeyahay iyo sidii uu u gudan lahaa. Taasi waxay keenta isku dhexyaac iyo jahwareer lala yaabay oo qof waliba garan waayey halka qaladku ka socdo .
Haddaba SIDEE LOO DAAWEEYAA AMA DHIBAATADA LOOGA GUDBI KARAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shawqi

Wednesday, December 06, 2000 - 05:30 pm
Dear Faisa Ali,salaan.
Bacda intaasna walaal fahmay wixii aad ka hadashay oo dhan,laakiin dhibaatada jirta waxa weeye,waxbarasho la'aan ama si kale aan ku sheegee jaahilnimo,way jiraan haween(dumar wanaagsan)oo aad markaad aragto la yaabayso siday u wanagsan yihiin iyo ninkii oo aan reerkiisa waxba ka ogayn,ama ha ku maqnaado marfishka jaadka ama wareeg kalee,kuwaas oo aad is oronayso dooqo xumaa tani qofteedii maysan helin,haddana waxaad arkaysaa kuwo ninku wanaagsan yahay,oo hajabin ha kufinta hayo,naagtii soo wareegayso ama naag kale gurigeeda ka soo sheekaynayso ama ugu sheekaynayso kii ayaan caruurta kaga imi,isla markaana abaabulaysa in kuwa ay u sheekaynaysaa ay iyana sidaas oo kale sameeyaan ama moodaysa fariidnimo oo leh naa yaanuu kaa adkaan,hadaba taasi inay nacasnimo tahay ma oga,halkii ay qarsan lahayd haduu ninkeedu fiican yahay,so dhibaatada dadka haysta way badan tahay,laakiin hadaan meel yara wax ka idhaahdo,anagu dhaqan iyo diin ayaanu lahaan jirnay,markii dhulkii la joogay caydhi ma jirin,abaayeesheen dibadaha ama guriga inta badan waa ka maqnan jireen isla mar ahaantaana hooyooyinkeen iyagaa kala waday howsha guriga dhibaatona maysan qabin,ma jiri jirin waxaan hadda ka jira qurbaha,nolol fiican ayaaynu ku nolaayn,markaa tii oo laga soo baxay oo aan maanta isleeyahay dadkii hore ayay u mareen ayaa maanta dhibaatadan xooga lahi saamaysay dhalinyarteenii,hadaba su'aashaydu waxay tahay,haweenka maanta miyay ka liitaan kuwii hore(hooyooyinkeen)?,sababtoo ah kuwaas ayaa ka baahi badnaa,kuwa maanta iyagoo waxyaalo fara badan u helay jaanis ayay hadana mushkiladu cirkaa isku shareertay,markaa mararka qaarkood waxaan iswaydiiyaa tolow dumarku miyay isbedeleen oo kuwa qarniganai ma nooc cusub baa....
Runtiina gurigu wuxuu ka bilaabmaa tirka gururiga ama lafdhabarta guriga taas oo ah haweneyda,naag walbaana iyadaa ninkeeda wax walba ka samayn karta meelna ka soo saari karta,laakiin awoodii ayaad moodaa inay faraha ka baxday.
Aniga waxay ila tahay labada qof ee israbaa horta ha isbaartaan yaan la isku deg-degin oo aanay noqonin waan ku arkoo waan ku jeclaadoo berina ku meheriyay,maalinta xigtana kala cararnay ee ha la isbarto.
Wixii kale ee fikradiinana waa ku darsan kartaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.