site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabdhaha Somalidu way adagtahay ina la fahmo.............

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Gabdhaha Somalidu way adagtahay ina la fahmo.............
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Monday, December 11, 2000 - 08:00 am
Dhammaan;

Sidee bay idin la tahay isfahmasanaanta dumarka somalida.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Tuesday, December 12, 2000 - 07:07 am
walaal raggana wey la qabaan is fhmi la'aanta waayo waxaa jira ragga fara badan oo qiyaano iyo been dhaqan ka dhigtay. isla markaaasna dantoodu tahay ciyaar ciyaar iyo hebel gabar ayey wada socdaan ama saaxiibo yihiin.
Haddaba walaal ragga ha u hiillin waa ogahay inaad tahay nin ragga ah
taleex@hotmail.com
koley aniga shaqsi ahaan waan ku jahwareeray dhaqanka dhalinta maanta jirta oo aad uga fog dhaqankeenii wacanaa.
waxaan aaminsanah ama ahay ruux sidata dhaqankii hooyadeed iyo ayeeydeed taa ayaana u arkaa ilbaxnimo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

siciid

Tuesday, December 12, 2000 - 07:24 am
Faisa Ali;

Waan ku salaamay waanad ku mahadsantahy jawaabta fiican.Hase yeeshee,waxaad ogaataa raggu waxay damacsan yihiin had iyo jeer way caddahay, laakiin dumarka way adagtahay in la fahmo waxay doonayaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Tuesday, December 12, 2000 - 05:01 pm
To: Said

Walaalo waad ku mahadsantahay inaad mawduucan soo bandhigtay , aniga walaalo waxay ila tahay marka hore arrintani inay ku xidhan tahay :

1. Doorashada hore : dadkeenu markay is dooranayaaan walaal waxay tix galiyaaan arrimo guud oon guurku ku badbaadi karin sida quruxda , magaca, duunyada . Inkasta oo qofkastaaaba jecelyahay waxaasoodhan lakin waxaa muhiim ah inaan ka fiirsado qofka diintiisa, akhlaadiisa , ra'yiga oo dunida ka qabo intuu diyaar u ahay inuu tanaazil keeno IWM.

2. Dadkoo oon walaal runta marka hore isku sheegin : Qofkasta waxaa ka dhaadhacsan horta hanti qofkan kale wixii danbena u daaa xiligeeda .

3. Qofka oon naftiisa runta u sheegin : Intaanad qofka kale run u sheegin adigu marka hore runta isu sheeg ma ka raali tahay waxan aad samaynsid ma sax mise ? niman badan baan ka maqlay runn ku soo xiree beenna ku dhaq. Beenta noocaas ahi ayay wax u dhumiysaa , intaanay u dhimin wax qofkii loo sheegay waxay u dhimaysaa qofka yidhi.

4. walaal dadkeen rag iyo dumarba ha ahaadeene waxa ku yar daacadnimada , waxaana ka fiican waxaad doontaba ahow ee inaad runta dadka kula dhaqanto waayo runtu intay doonto ha qadhaadhaatee iyada beenta ka fiican , beenta hore kalsonida labada qof isku qabaan ayay wax u dhintaa

5. Dadkeena oo diinta ka fog : walaal diintu waxaa weeye controll gudaha ah oo ilaalinaya qofka oo intaanu hadal ama ficil la imaanaya hogaaminaysa , dadkeena qaar badanna waxaan arkaa waxan ay guulaysan laayihiin guurka inuu yahay ciqaab ilaahay uu ku cigaabayo diinta ay ka fogyihiin.

6. khilaafka : Qofna walaal looma samayn qofka kale aqgii markaa waa wax meesha ku jira inuu is af garan waa dhici karo , lakin waxaa ka muhiimsan sidii loo xallayn lahaa , dadkeenu waxyaaba ah inaanay dhaafin albaabka gurigooda ayay ka dhigan wax public ah , taasina waxyeeladeeda ayay leedahay , waana inuu qofku kala saaraa waxa aad gaar ahaan u leedahay iyo waxa lagula leeyahay .

7. Doorashada hore : laga yaaba doorasha hore inuu qofku kalidii doorto qofka kale , lakin markay noqoto aqal abaabul oo qofkastaba jecelyahay inuu ka taliyo , taaso keenta in qofka lagu qasbo waxaanu doonayn ama aanu awoodayn , taasina waa dhibaato meel ooli doonta oo mar uun qarxi doonta.

8. Dhaqankii somaliyeed oo layska illoobay : waxaa la yidhi dumarka iyo geelaba waa la hidda raacaa, waayo maxaa loogo jeeda laga yaaba adigu inaad inan is barateeen oo si fiican kuu raali qaliso lakin markay noqoto dhaqan iyo guri dee walaal laguma ogaan karo , lakin haddad aragto reerkoodu siduu u dhaqmi jiray , iyo waxay hiddo u lahaayeen laga yaaba inaad fikrad fiican ka qaadato, taasana ka haboon intii la raaci lahaa dhaqanka gaalada ee inta laysloo warwareego lays leeyahay waad baratay qof .


Ogowna waxa qalad ku bilaama khayr kum danbeeyo .

ogbad

Raali noqo haddaan ku dheeraaday lakin doodu inuu furan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Wednesday, December 13, 2000 - 09:45 am
Ogbad

Mahadsanid,waxaan kuu rajaynayaa soon Illaahay inaga aqbalo inuu inooga dhigo.Runtii sida aad sheegtay qoraalkaagu aad buu u dheeraa, waxyaabo aan ku qancay iyo kuwa aan ku qancinba waa iskugu jireen.

Ninku haddii ay daacad ka tahay inuu reer fiican samaysto,Ilayn bana'aadan baynu nahay oo 100% mada noqon karno dad aan qalad samayn,sidaa darteed asaas guur awgeed haddii aad been u sheegto ma filaayo inay dhibaato ku jirto.

Waxaad sheegtay in dhaqanku mihiim yahay, marka meesha ku dar in weligeedba somalida ay dhaqan u ahayd in reer marka ay aasaasayaan in beentu aysan meesha ka maqnayn.Somaqlidu been way sheegtaa ee beense kuma maahmaahdo.Dhaqan ilaa qarniyo soo jiray oo maalin kaliya iyo rayi hal qofi iska leeyahay aan lagu dhamayn karayn.

Walaalo, qofka guurku wuu ka xumaan karaa-furitaanka iyo guurku waa laba nolosha ku jira-sidaa darteed waa in qofku aani malaa'iig iska dhigin ee ogoaadaa inuu bani'aadam yahay.Nebigu wuxuu yidhi nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee "Qofka kasta oo Bani'aadan ahi wuu dambaabaa, waxaa ugu khayr badan qofka dambigiisa ka soo noqda oo Eebe u soo noqda".

Ugu dambayn walaal doodi way inoo furantahy khayr iyo bash-bash ayaan kuu rajaynayaa.

Nabadgelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Wednesday, December 13, 2000 - 10:13 am
sidiid

walaaalo anigu waxaan is raaciyay diin iyo dhaqan , hadalkaygana ugama jeedo ragga oo kaliya ee beenta waa wax labada qofi ka siman yihiin , waxkasta oo dhaqanka ku jiraana dee maaha sax ee in laga qaata intiisa fiican , beentuna walaalo assalkedaba waa xaraan siday doontaba ha ahaatee , diinahoo dhanbaa xaraantinameeyey , xittaa daddaaad akhrido diimaha wathaniga ah , markaa walaalo guurku ka wayn wax been laga sheego , ee waxa ka fiican qofkastaaba inuu soo ban dhigo wuxuu yahay ha lagu qaato ama ha lagu diidae , malaaigna walaal lama aha oo taan kuu leeyahay runta ha lagu rafto.

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Siciid

Wednesday, December 13, 2000 - 10:50 am
Ogbad

Waxaan filayaa bal inuu magacyga qoritaankiisu dhibaato kaa haysto, ee bal horta magacyga si sax ah u qor isagoo af somaali ku qoranyahay.

U soo noqo sheekadeenna, meelo waxa jira beenta ay banaantahay in marka ay ka fursanweydo in la sheego.Waxa ka mida reer burburaya oo ninkii iyo xaaskiiu ay furitaan qarka u saaranyihiin oo maslaxaad ahaan aad badbaadiso reerkaasi dumaya ay noqotay in aad arrimo been ah oo maslaxaad uga jeedo ku soo darto.

Midda dhaqanka reerkasta oo Somaliyeedba dhaqanka somalida way ka wada siman yihiin.Diinta iyo dhaankana lama kala saari karo.Dhaqankeena waxa aasaas u ah diinta islaamka.Haddii aad adigu dhaqan cusub oo qurbaha ka yimid aad waddo waa mid taasi adiga ahaan kuu gaar ah, ee aanan ogaalaan doonin.

Gabdhaha somaliyeed ee qurbaha joogaa,qaar badan ayaa dhaqankii ka tegay oo qurbuhu ugu wacan yahay, aysan ahayn mid ay iyagu samaysteen.

Haddii aad eegto wiilash ayaa aad dhaqankii u haya badankooda, waayo waxaa jira masaajiddo badan oo ay furitaankooda iyo casharada diiniga ee ka baxa, waxaa intaaba kala wad waa wiilal somaliyeed ,way yartahay gabdhaha somaliyeed dadaalkaasi wiilashu wadaan qaban kara.

Sideedaba,waxa weeyaan gabdhuhu inay siyaan wiilasha chance ay arrimaha ku maamulaan, waayo sida aad ogtahay marqaatiga waxaa geli karo oo qudha hal nin iyo laba dumar ah.Taasina mid diinta ka timid weeyaan.

Guurku wa nasiib Illaahaybaana haya,adiga waxa lagaa doonayaa inaad bal qof ku raali geliyo aad hesho,marka ma filaayo in aduunyada intaasi baaxada leh aad ka weynayso guur ee ay tahay mid Eebbe xaggiisa ka socota.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farhan

Thursday, December 14, 2000 - 04:52 am
Aniguba waan kugu raacsanahay arrintaasi iyada ah oo sida ka muuqata gabadh Ugbad la yidhaahdo oo halkan maqaaladeedu ka muuqdaan iyo weliba gabdho kale oo fara badan oo aan la soo koobi karin.
Laakiin maxaa xal u ah arrintaasi waa inaan is weydiinaa.

salaam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.