site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gudniinka Hablaha Soomaaliyeed "Please read this topic"

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): Gudniinka Hablaha Soomaaliyeed "Please read this topic"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOYAAN GARAAD

Sunday, December 17, 2000 - 05:27 pm
GUDNIINKA HABLAHA SOOMAALIYEED!!!

Marka hore dhalinyarada sharafta leh ee website kan sameeyey iyo kuwa waxa sharafta leh ku qoraba waxaan idinku salaamayaa Boqol iyo Afariyo tobanka kitaabka jaamaca ah.

Mudo laga joogo labo asbuuc ayaa waxaa BBC laga wada hadlay Gudniinka hablaha soomaaliyeed ma diinbaa mise waa dhaqan. waxaa hadlay sadex dumara oo kala jooga gobolada soomaaliyeed waxayna isku wada raaceen dhibaataday qabeen oo ay qarsanayeen, waxayna yiraahdeen sidatan:

1. Maalinta nala gudayo iyadoo aan waxba habayaraatee nalala socod siin ayaa makiinad nalaku googooyaa oo qodhanyo nalaku totolaa, Taasoo keenta inaanan todoba casho aanan kaadin karin.

2. Maalinta nala guursanayo farxada iyo mashxarada arooskeyaga waanu ka qadnaa oo bilaawaha nagu soo socda ayaanu ka sii baqnaa.

3. Maalinta aanu dhalayno fooshu way nagu dheeraataa, ilayn meel ilmihii soo mari karo ma furnee.

Hadaba aniga arigtidayda Looyaan ahaan aan is raacsadee sadexdaa so'aalood ee ay hablihii soomaaliyeed ka cawdeen waxaan qabaa sidatan:

1. Walaalayaal, marka la'idin gudayo wax Rag ah waxaa idiin ku dhow Abahaa iyo Walaalkaa, siday ila tahayna ilmada idinka daadanaysa wey na dhibta. Sidaa daraadeed wax ku dhibaya ana i dhibaya oo aan diini ina farin ma inaynu samaynaa " WAA MAYA".

2. Walaalayaal, maalinta arooska waxay ka mid tahay sadexda maalmood ee qofka bini'aadamka soo mara oo ah "MAALINTAAD DHALATID, MAALINTAAD DHISANAYSID/arooska, IYO MAALINTAAD DHIMATO".Sidaa daraadeed maalin farxadeed ma inaad ka qadaan baa "WAA MAYA".

3. Walaalayaal, maalinta aad foolanaysaan waxaan qabaa inaanu idinla foolanaynu oo aanan sugu karin ilaa iyo inta ilaahay kaa soo saarayo ilmaha uu inaga abuuray.Sidaa daraadeed wax kugu dhib noqonaya dhalintaanka ilmaha oo aan diini ina farin ma inaynu samaynaa "WAA MAYA".

Ugu danbayntii walaaalayaa qof walbow arigtidaada ka dhiibo, qofkii aan ka helin aragtidan iyo qofkii ka helayowba waxaan jeclaan lahaa inaad arigtidaa aad ku qortid Websitekan amaba my private e-mail which is lgaraad@yahoo.com

Note: If you can't read and write somali, please do not hestate to send me an e-mail.

Regards

Looyaan Garaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king-of-hearts

Sunday, December 17, 2000 - 07:10 pm
ula jeedadaadu maxay tahay sxb?
waan ka oynaa oo waxii idin dhiba wayna dhibaan.
ma'inaad ka qaddaanbaa maalinta arooskiina?
maalintaad foolanaysaan waan idinla foolannaa....
hahahhaha haha funny ....funny

anna aan kaaga jawaabo sxb...
maalintaan gudayno ma oyno oo dan iyo heelo kama lihin yaan beer la xowsan hablaha lagu qaldamay aan wax lagu xaal maro aan lahayn.

2:maalinta arooska mindi ayaan ku qalqalnaa oon kaga oohisiinaa ama xubinteenna xun aan ku kala goynaa anakoo isla fiican......

3:maalintay foolanayaanna waxaan dhahnaa dhuunta lagu dhufaydii maxay dhali haddaysan kolkan wiil dhalin wallee gurigii hooyaddeed ayay aadi sidii aan caruurta haysanno,ama aan niraahnaa tii gabdha dhalka badnayd ayaa foolanaysa,iwm.

gabdhaha soomaaliyeed wax lagu xaal mariyo lama haayo wayna dhacday balse waxan(dhaqanka foosha xun)waa inuu istaagaa......fadlan aabayaashu inay ka hortagaan weeyaan.....hooyooyinkana waa inay waxka qabtaan.....................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MACOW

Sunday, December 17, 2000 - 09:49 pm
waan aqriyey dhamaan inta ka oo qayb gashay mawduucaan, runtii waxaan dareemay xoogaa calool xumo ah balse sida uu sheegay mr.king ma ahan arrintu tusaale ahaan aniga gabadheyda curadda ah waa tan aan ifka ugu jeclahay weli lama gudin waana soo dhawyahay xiligeedii, waxaan dhowr jeer igala hadashay walaasheey oo tiri fadlan sidii la ii galay yaan loo gelin gabadha aan eeddada u ahay,waana ka aqbalay, sheekadii waxaa soo gashay xaaskeyga oo tiri gabadheyda waxaa loo gudaa fircooniga. waana ka dhacsiin waayey dhibka ka imaanayo diinta oo li qilaafo, marka walaal king bal fiiri go'aanka gudniinka qayb weyn ayey ku leedahay hooyada, waxaana qabaa in dhibka noo wada yaalo balse aysan jirin beer laxawsi, ee aan si wadajir ah arrinta haloo lafa guro hana la ogaado in denbi la galaayo sheekada ma ahan gabadheyda ayaan sidaan rabay u guday, meesha waxaa taal ayaadda dhaheyso waxaa idiin ahaaday ku dayasho nabiga (CSW).qof waliba sharciga gurigiisa haka bilaabo, anigase waxaan u gudi doonaa sunada haddii eebbe idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wali

Monday, December 18, 2000 - 06:23 am
Waxa jira xaasidnimo haweenka qaarkiis in ay ku
sameen karaan gabdhahooda waayo iyagaa sidaas
loogalay.waana tii soomaalidu ku maahmaahday
'NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHOWRO'
Waxa kamid ah in haweeneey ay wax ka jarto gabari wixii uu ilaah ku manaystay 2 labo arin:
1-iyadoo sidii loo galay u gasha ubadkeeda,
hadii ay jiraana gabdhaheeda oo horay loo guday
malagayaabo in ay fursad siiso tan yar oo ay ka
dayso.
2-waxa ay aaminsan tahay qodbida iyo jarida in
ay gabadhu edeb uyeelayso oo aanay damci doonin
inay yeelato wax faakahaysi ah.
Balse soomaalida dibadaha joogga looma ogola
inay sidaa ula dhaqmaan gabdhaha.
Hadaba arinta lagu waxyeelaynayo gabdhaha
soomaalida oo aanay diintoodu waafaqsanayn ayaa
ah mid ceeb iyo qasaare ku ah haweenka somalida
WAxaa lagu raja ween yahay in ay joojiso
soomaalidu.Hadaba hadii la joojiyo waxaa dhici
dhii doonna in gabadha aan la gudin ay ugu faanto
gabadha aan la gudin in ay leedahay wax aanay
lahayn tan la guday.Fikradaasuna waa mid ay
haweenka badawga ahi qabaan,taasina waxay keeni
kartaa in uuu gudninka sii socdo.
Hadaba soomaalida wax garadka ahi oo arintani
kadanqanaya,waa in ay kacosadaan beelaha
wadamada ay joogaan si ay iyaguna wadamada ay
joogaan dowladahooda cadaadis u saaraan
dowlada soomaalya in ay sharci kasoo saarto
joojinta gudniinka hadii kalana la cunaqabateeyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Looyaan Garaad

Monday, December 18, 2000 - 06:19 pm
To: King of heart!

Walaal markaan akhriyey aragtidaadii way iga daadegi weydey waxaad ku hadashay. Waxaan ku oran lahaa adoo aan tusaale qof kale u soo qaadan bal adigu tusaale isku soo qaado. Markaad leedahay "DHUUNTA LAGU DHUFAYDII MAANTA HADAANAY WIIL DHALI WEYDO GURIGII HOOYADEED BAY AADIN" . Aan ku weydiiyee yaa yiraahda sidaas? mase kula fiican tahay in la yiraahdo?. Sababta aan ugu soo qoray mawduucan wuxuu yahay inaynu ogaano waxa hablaha soomaaliyeed ka qabaan arintaas iyo raga soomaaliyeedba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali

Tuesday, December 19, 2000 - 01:23 pm
Loyaan waxaad ogataa marka hore waa khalad in hablaha sidaa logalo mara waa ku wacan tahay oo habluhu ama ciyaalku markay yar yaryihiin kal xishorta ma lahee kal baqda ayay leyihiin macnaheduna waxa weyaan inay ka baqaan hoyadod oo ay xadhiga ilaliyaan moyane ilaa intay garadsanayaan ma xishodaan denbi uun ayaanloo qorine,taas ayaa sababta marka labaad iyo marka sedexaadba.
Macnuhu waa gabdhaha ha laga dayo dhibka lakiin dhaqan ayay ku salaysnayd

byeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Looyaan Garaad

Wednesday, December 20, 2000 - 03:42 am
To somali!
waan kugu raacay walaal waxaan qabaa gudniinka habluhu inuu ku salaysan yahay Dhaqan ee uusan ku salaysnay diin.
Somaliyo ogow Raga laftiisa waxaa u fiican taan gudnayn ee waa in hablaha sune yar la mariyaa oo laga dhiigaysiiyaa. Ugu danbaytii waxaa Nasiib leh dhalinyarada hada soo kacaysa Inaga ina tagtay baab qabaa anigu!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caaqilka

Tuesday, December 26, 2000 - 11:01 am
horta gabdhaha yaa guda?
ma nimanka mise naagaha?.
nin gabar gudaaya ma la maqlay? mase jiraa?
islaanta hooyda ah haddeey tiraah inantayda la iga gudi maayo ma cidbaa la diriraysa?.

arrinta yaanan laga dhigin wax rag shaqo ku leeyahay, ee halla ogsoonaado ineey arrin haweened tahay.
diin ma aha caqlina ma aha sida hablaha loo gudo laakiin hooyooyinka hallaga dhaadhiciyo illaa ayakaa gudee.
raggana wax mus'uuliyad ah oon wax u sheegid ahayn kuma laha arrintaas waana arrin haweenka u taalla.
ka baxay.
waa caaqilka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LIIBAAN

Wednesday, December 27, 2000 - 07:42 am
GUDNIINKA IYO SUNUHU WAA DAMEER IYO LABADIISA
DHAGOOD.WAX AY IS DHAAMAAN MA LEH.WAXAY YIRAAHDEEN DHIIG HALAGA KEENO,WAABA ISKU
NAXAYEE.WAR MA XOOLAA' MISE WAA DAD?
XITAA HADII DHIIG LAGA KEENO,TAASI WAXAY
NUSQAAMINAYSAA DAREENKA GABADHA.WAA IN LOO
DAAYAA GABDHUHU SIDII ILAAH U UUMAY.
WAA IN LASOO CELIYAA SHARAFTA GABDHAHA
SOOMAALIDA EE DARIIQYADA IYO ISBITAALADA LAGU XANTO WAXA KA MAQAN AAWADOOD.
WAXAN KU FARXSANAHAY IN MEELO BADAN SIDA
MUQDISHO OO AAN DAD KAWAREESTAY II SHEEGEEN IN BADIBA DADKU UU JOOJIYAY ARRINTAN GUDNIINKA FIRCOONIGA.WAXAN U SHEEGAY WALAASHAY OO MUQDISHO DEGAN IN AY KA ILAALISO GUDNIINKA FIRCOONIGA GABDHAHEEDA.WAY IGU QOSOSHAY WAXAYNA IGU TIRI"ISKADAA IN LA GUDEE XITAA LAMA SUNAYN DOONO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DieHeart

Friday, January 26, 2001 - 11:30 pm
TO KING OF HEART


Khaniis baad tahay hooyadaa miyaa sidaa loosoo galay mise walaashaa abahiis wase sida dumarka loo waso miyaadan aqoon markaad leedahay midi baa lagu jeex jeexi. Wax dhintay baad tahay ee hooyadaa iyo walaashaa ayaa sidaa loosoo galay ee adigoo kalana gabar iyo wiilba ilaahay kuma siinaayo waxaad tahay buu ku ogyahay rabiga sidee ilmo kuusiin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.