site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HABOOWSANE GUUR HALKEEN KA AADAA.????????

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): HABOOWSANE GUUR HALKEEN KA AADAA.????????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Monday, December 18, 2000 - 03:28 pm
Hablaheyga waxay caan ku ahaan jireenxishood iyo xushmad iyo marti gelin
gayaankoodna waxuu ku xulan jiray Qurux......Howlkarnimo......Dabcisami.....Akhlaaq suuba iyo dhaqan heybad leh.
Maantse waan arkaa hablaheygii oo yaableh raggna warkiisa daa........guurna allaa garan halkuu ku dmeyey.
Galabta gelbis....beri dood iyo maxaad tir....war i fur iyo hadaad doonto waad furan tahay......allow maxaa guri ba'ay oo gayaan ba'ay

oo gabar ba'day oo geesi...gogol waayey...oo gaari gacal weyday....allow maxaa kalgaceyl aan jirin gacan leysu dhiibay....garaar oo furay....gogol beena loo fidiyey.....galbisiyo aroos loo gabgabeeyey.....allow maxaa gabaati la bixiyey...allow maxaa gole gaal gurbaan lagu tumay....allow maxaa gabdha is ruxay iyo wiilal timo geed la mood leh garbaha is qabsadeenoo farxad been gelin lagu dhemeyey.....allow dhaqan guracan iyo maxaa dhuunkasho fagaare la soo guuriyey .....allow maxaa fargashi iyo fiyoore la tuuro faan la moodey....allow maxaa hal habeen duni demiya la galay.....allow muxuu dad dareersaday.....allow maxey naari dad sugeysaa....allow maxey qosol dad badani qol madow geydoontaa....qoob ka ciyaariyo maxey dadbadani drug dan moodeen....allo taqwadiyo talada na waafaji aamiin.....allow taladiyo taqwada na waafaji aammiin.....
dhegdheer@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaabbane!

Tuesday, December 19, 2000 - 08:34 am
Walaal, Faisa, Anigu waaba yaabanahay oo shib baanba iska xulay, Runtii intaa aad sheegtay iyo in kale oo kasii badan baan is herkeenay oo kafakarey, kadibna waxaa ii soo baxay oo aan is iri balooy guurso, warkaddaa baan is iri oo waxaan ogaaday inaan guur la'aanti ladhici karin, Rasuulkeeniina nafaray inaan guursano, balse walaal wajiga waan siin la,ahay oo waxaan arkaa waxa rag iyo dumarba ku dhacaya maalin iyo habeenba.

Alloow maxaa wiil iswaalay oo maal iyo mood wuxuu
heli karay huray barina warra iyo war i fur la kulmay. maxaase gabar naa kajoog laga waayay mid caana waaye ah,kaddibna murugo iyo garoob gabarleh ku dambaysay!.

Walaal, runta markaan kuusheego anigu waxaan go'aansaday inaan gabar Hindiya oo Muslim ah guursado, kolba waan ogahay inaan meel banaynayo oo booskaas gabar Soomaaliyeed inay gasho ku fiicnayd, balse waan u bareeri waayay hablaha Soomaaliyeed oo inta badan ka masuul ah burburka qoysaska.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samawado iyo saxardiido

Tuesday, December 19, 2000 - 03:36 pm
To Yaabane and Faiza
Marka hore labadiina belaayo sheeg baad tihiin. Waxaad sheegteen wax waa ka jiraan balse waad kasii badbadiseen. Ogow ineyna gabdha oo dhan iyo wiilasha oo dhami ayna wada xumeyn. Haddii mar calafka kaa xumaadey please don't hate. give second chance. Mida kale dhalinyarta walaaheen ah ee hobowdey u dardaar werinina sidaad ilaahey ilaahey uga dhowdihiin ee u duceeya. Adigana yaabanow markaagii hore ayaadba yaabaneyd maandhow ilaahey hakuu sahlo guur. Waxaan u maleynaya Inaad gabdhihii soomaaliyeed ku diideen dabadeedna aad xagaa iyo Hindi u carartey.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.