site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MA IGU LABEYSANEYSAA SI AAN WAX ISUGU DARSANO

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): MA IGU LABEYSANEYSAA SI AAN WAX ISUGU DARSANO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismahaan

Tuesday, December 19, 2000 - 03:22 pm
Waxaan ahey inan soomaaliyeed oo guur doon ah. waxaana aan raadineyaa inan wadaad ah oo diinta islaamiga iyo tan miilaadiga ahba si wacan u yaqaan. waa iney dabeecadi u dheer tahay, qurux waxba igama gelin. Shardigeyga labaad inanka aan rabo waa inuu xaas leeyahay. Sababaha aan u rabo nin xaas leh waxaa ka mid ah:
Waa waayo'arag ee xeeladi u dheer tahay.
Dumarka hada ku nool hlkan galbeed, waxay aad u qaateen oo ay u muqsuudeen Dhaqanka gaalada waxayna had iyo jeer yidhaahdaan(one man one woman). Walaalayaal anigu ma aaminsani in dhaqankeena iyo diinteena waxyaabihii ay qabeen laga tago. Ninku hadduu nin wanaagsan oo xaaskiisa dhaqanaya, xaqsoorayana dumarkiisa ma aha in iin looga dhigo xaas baad leedahay.
Haddii tilmaan idin siiyo sidaan sida uu muuqeyqu yahay.
Waxaan ahay 5'5ft, 130lb,22yrs, maariin casaan xigeen ah, sophmore(sanadkii labaad) ayaan dhigtaa jaamacada, Diinta aad ayaan ugu dhaqmaa waxaana jeclahay inaan wax aqriyo amaba caawiyo Elementry school kids waqtiga aan firaaqada ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

male

Tuesday, December 19, 2000 - 05:55 pm
Walaal halkee degan tahay? Halkee kaala soo xiriiraa? Waxaan ahay nin xiiseynaya waxa aad dooneysid?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maano_cadey

Thursday, December 21, 2000 - 04:55 am
walaal maxaa uu kalifaysaa naftaata iyo tan walaalshaba adiga oo heli karo nin aan waxan ku xiriirina oo madxa banaan mise waxaa tahay guuri doomise ee daacada kaa ma aha in aad raadiso nin ku guursato.

aniga ma aaminsani in aad tahay really woman so please there is brother who can't afford to married a one. why not try that one. I wish you luck and guur qayra qabo but xasuusnow wixii ilaahay ku qoro ma gafisda.

sister mandeeqa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaliimoow

Thursday, December 21, 2000 - 07:11 am
walaal arinta aad sheegayso hadey dhab kaa tahey aniga waxaan ahey nin xaas leh kuna noo lahey dalka ingriiska. hadii aad dooneyso in aad ila soo xariirto halka iigu soo qor wixii suaal ah oo qabto;kaliimoow@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar qawdhan

Thursday, December 21, 2000 - 11:01 am
ala ala waar inantu maxay tidhi waaba kuwuu
nabigu yidhi dee guursada walaal waxan leeyahay
xaas waxan ku noolahay north america dee walaal
warka soo cadee wadna haaba nala taabtee
waa by cumar qawdhan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Looyaan Garaad

Thursday, December 21, 2000 - 06:56 pm
To Ismahaan!

Cumar boodhari wuxuu yiri " ALLOW YAA IDOOXOO AAN IDILIN DAYASE UURKAYGA " Marka ismahaan " Allow yaa ku dooxoo aan ku dilin dayase uurkaaga" Run kaama aha arintaad soo qortay ee e-mailkaaga dhaaf Raga xaasleyda ahi ha kula soo xiriireena.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali cadow

Friday, December 22, 2000 - 01:33 pm
manacaday abaa adaa suuqii kaaxirmay mafahanatay marka gabadhaan muslimada ah suuqeeda hadhaxfadhiisan wixii usoogalaa hakubodin suuq gooni yeelo
maana cadey furuq hakudilee kabax meesha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 22, 2000 - 02:08 pm
maano cadday:
kala saar waxaan rabaa guur iyo nin xaas leh.
faah faahi waxa aad ku nacday nin single ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaal

Friday, December 22, 2000 - 08:48 pm
inaabti iga gunaan salaan qiimo leh .ka dib waxaad soo sheegtay inaad doonayso nin xaas leh oo kugu labeeya .inaabti anigu taas waxaan u arkaa qalad waayo dumarku ma jecla arintaas .anigaygan kula hadlayaa ma lihi xaas .markaa ismahaan waxaan doondoonay mid kaliya adna waxaad leeday kuwii hore u lahaa wax ha loogu daro markaa inaabti hadii aad tahay calaf doon waxaan ku ahay diyaar ta kale markaad leeday ninka gabadh hore lahaa waa waayo arag inaabti waa kuwii ilaahay uu tuso tawfiiqda markaa .xaga diinta in igu filan waan aqanaa adigana inaan wax ku sheego ayaan rabaa hadii aad ila soo xidhiidhi kartid waxaana ku siinayaa emailkayga waxaana jooga wadan carbeed waa sidan [ gacayte2000@hotmail.com salamucaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waaberi

Saturday, December 23, 2000 - 12:58 pm
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

Walaal Ismahaan marka hore iga guddoon salaantaa Islaamiga ah ee kor ku xusan, mid la isu dirana ugu qiima badan.

Tan kale waxaan kuugu hambalyaynayaa sida geesinimada leh ee aad xaqqa u waajahaysid, Allaha kaa abaal mariyo, hana ku waafajiyo Kheyrka.

Walaal haddii ay dhab kaa tahay arintan waxaan ahay hadduu ALLE IDMO kan aad raadinayso ee igala soo xiriir:

waaberiassociation@hotmail.com

Wassalaamu Calaykum

Walaalkaa Islaamka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sabriye

Sunday, December 24, 2000 - 05:18 pm
Ismahaaneey waxaa jiray nin geel jira ahaa, oo 40sano guur la,aan ku gaaray, markii uu aad u kuluulaadayna waxa uu tiriyay gabaygan. (ANIGA IYO GUSKAYGII MIYAA GEERI KALATAAGAN, GOAAN SHALAYTO SOO GATAY MIYUU MAANTA KALA GOOYAY, GARBADUUB U HAYNTII MIYUU GACAN INAAFEEYEY). haatan xaal halkaa ayuu iga marayaaye where u are girl. hadduu xaalkaaguu dhab yahay halagaahelo war cad oo dhamays tiran. bye Sabriye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

by

Sunday, December 24, 2000 - 07:07 pm
Hooy Ismahaan laguma dhahee dhageyso,adiga oo kale waan ku aqaanaa, ma waxaad rabtaa raga guryahooda dhisan yahay in aad dumisid. Naa anaga oo xaas leh ku guursan meynee ee naga joog. Bal weynu ku guursan doonaaye xaasas kanaga fasax ka qaado wakaase ha ku yeeshee. "Nin xaas le ayaan rabaa ma kulahoo". Naa ma waxaa ku soo wada nacay dhalinyaradii singles ahaa ee guur doonka ahaa. Hadey sidaa tahay,waan kaa acuudu bileysanay ee ha nagu soo gaban. Waa nimanka gabdhan uga jawaabay miyaad waalateen. Ma waxaad rabtaan inaad xaaskiina daacada idiin ah khiyaa meysaan o aad naag guri dumisid ah raadisaan. Idinka leewaaye ee naiga shaqadeyda ma ah ee ka fiirsada.
By

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Friday, December 29, 2000 - 10:03 pm
Dear ASMAHAAN,
Salaanta islaamka kadib waad ku ammaanantahay sida diintaada iyo dhaqankaaga ugu dhegantahay, adoo weliba ku darsaday tacliin.

Haddaan u soo dhaadhaco qadiyaddatan angu waxaan ahay, waa siday ila tahay qofka aad kor ku tilmaanta oo inta aad sheegtayba leh.

Xagga tacliinta sanadkii saddexaad ayaa gebegebaynayaa hadda inshaallaah: o_omar2@hotmail.com

Fadlan igala soo xiriie mailkan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Saturday, December 30, 2000 - 10:17 am
Walaalayaal iga raali ahaada waxaan rabay inaan mar hore kasoo jawaabo arinkaan codsaday. Qof waliba wuxuu doono ayuu iska odhan karnaa balse anigu nin naag leh ayaan rabaa.
wiilkii daneynaya arinkaan please igala soo xidhiidh emailkaan
ismahaanabdi@hotmail.com
thanks

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.