site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhibaatooyinkii Ugu Argagaxa Badnaa Dagalkii Sokeeye...Share Ur Experience With the Rest

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): Dhibaatooyinkii Ugu Argagaxa Badnaa Dagalkii Sokeeye...Share Ur Experience With the Rest
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AhmedDeeq

Thursday, December 21, 2000 - 08:29 pm
Marka hore Ilaah Ha u naxariisto dadkii sida darxumada iyo gaajada ugu dhintay somaliya iyagoo maati naftooda la cararaysa ahaa. Inta ku dhibaataysan maanta ee Somaliya jooga ama xero qaxooti, in Ilaah dhibkaa uga soo gargaaro. Amin

Waxyaalaha iigu naxdin badnaa ee aan maqlay way badan yihiin, lakin waxaa ka mid ahaa; Hooyo caruur sadex ah la soo lugaysay, aad bay u gaajooteen, Ilaa ay ka gaareen Heer ay Gaajo Ilmihii Ugu yaraa U dhintay, kuwa kalena ay qarka u saareeyeen dhimasho, Waxaa dhacday inay Hooyadii U baqday labadii hartay. Waxay ilmihii siisay maydkii walaalkoodaa yar ee dhintay. Ilaa cabaar ayay ku soo dhaafen, Laakin gaajadii ka sii xumaatay, hadana mid kale ayaa dhintay, Hadana kii bay soo cuneen ilaa ay ka soo gaadheen meel dad joogen. Dadkii doomaha ku dhintay, marka hore xag alle ayay ka qadarnayd. Laakin qaladkii ay sameeyeen dadkii markabka waday wuxuu ahaa baa la yiri; dadkii baa hoos lagu raray, dushoodiina xamuul culus ayaa lagu soo saaray, dhibaatadii markay dhacday, ee markabkii dagay, dadkii meel ay ka baxsadaan mayan jirin culayskii dushooda saaraa dartiis. Sidaas ayayna ugu wada dhinteen. INaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Yaman dadka aaday ee doonayay inay sacudiga U gudbaan, waa la qafaashay oo maanta waxa ay yihiin Adoon Lagu shaqayto. Dhibaatada ugu badana haba gaadho dumarka e hadba siday u sii kala yaraayeen.
Sababta aan Waxan halka ugu soo qoray waxaa weeye Inaynu xusuusano dhibaatoyinka soo gaadhay Umadeena soomaaliyeed iyo Inaynu ku xusno taariikhda, si mustaqbalka caruurteena ay uga foojignaadaan inay iska ilaaliyaan wax u keeni kara dhibaatooyin noocan oo kale ah

Wasalaamu Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 22, 2000 - 10:25 pm
waxba ma arag ee haddii laguu sheekeeyey adiga oo coffee cabaya ama coke meel la fadhiya wax macna ah maad sheegin, laakiin waxaan kuugu mahadinayaa
sida ay kuu taabayaso dhibaatada ku dhacday dadkaa
aad ka soo sheekaysay
miyaad weli aragtay dad saamo ama hargo cunaya
miyaad aragtay dad caleenta dhirta cunaya miyaad argtay dad dameer bakhtiyey loogu gar naqayo sidii ay u qaysan lahaayeen miyaad aragtay dad wax alla iyo wax ay cunaan waayey oo si ay yeelaan garan la oo meel iska jiifa wax u gargaara la ilaahayna ku dhehoo
qofka hadii la dilo waa macne laakiin marka dadka
go'doon la geliyo waa dhibaato aad u xun.
waxaan soo diyaarinayaa waxyaabo badan oo aan indhayga ku arkay oo ka dhacay gobolada bay,bakool,iyo gedo oo aan wax weli arkay jirin....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Disgusted

Saturday, December 23, 2000 - 07:39 am
This makes me hate Somali men walaahi Waana soomanahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

adan

Sunday, December 24, 2000 - 12:42 pm
Runtii waxan aad ka shee kaynaysaan waa wax laala yaabo, waxaana aaminsanahay qof waxaas akay mooyee qofkale idin kama aqbalayo waayo waxaad sheegaysaan weligay ma maqal (DAD DAD CUNAY)waxaan maqlijirey sheeko caruureet la odhan jiray DAD QALATO.taasna inay beentahay baan aaminsanahay.laakiin waqtigan umalayn maayo inayjiraan dad dad cunaya.iga raali noqda ma joogin wadankeena waqtigii dagaalka sokeeye. laakiin hadayjirto arimahan aad kor kusoo sheegteen waxaa fiican in laga qoro buug si dadka dhalan doona ay ula socdaan taariikhda wadan kooda.waay waa mucjisooyin ka laga cawdubilaysto
igaraali noqda

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.