site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Gabar Soomaali degan baan doonayaa

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): Gabar Soomaali degan baan doonayaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khaliif

Thursday, December 21, 2000 - 10:24 pm
Waad salaaman tihiin dhamaantiin,gar ahaan gabdhihiina Soomaaliya degan. Waa Khaliif ninka idin la hadlaya,waxaan deganaa USA muddo laba sano ah. Waxaan aad ugu mushquulsanahay shaqo iyo wax barasho, mana hayo wakhti aan si caadi ah ula sheekaysto gabdho Soomaaliyeed Mareykanka,oo kuwa meeshan jooga waa sadex midkood.Mid la qabo,mid aan la isku haleyn karin iyo tu yar oo iskooley ah oon ninba dan ka lahayn. Hadaba waxaa danta igu qasabtay inaan xiriir la yeesho gabdhaha Soomaaliyeed ee dalkeenii weli jooga, si aan ula yeesho xiriir adag oo waara. Walaalayaal ciyaar arintani igama aha ee waa iga dhab oo Ameerica wax walba waa laga helaa,laakiin anigu waxaasi waxba iima aha oo gabar wanaagsan in Alle isiiyo uun baan u baahnahay. Dhalinta Soomaaliyeed ee qurbaha joogta, inta xaas leh uun baa waajibaadkooda inta kasoobaxa, balse dhalinta aan xaas laheyn waxay qarka u saaran yihiin in ay xaaraan lugaha la galaan.Balse Ilaah baan ka nabad galayaa in uu iga bad baadiyo sharta gaalda oo uu isiiyo gabar Islaam ah oo walaashey ah.
Waa Khaliif oo idinka baryaya in aad u noqotaan midii uu Alle u calfay.
Waxaan idinka sugaaba waa jawaab deg-deg ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ilwaad

Friday, December 22, 2000 - 08:05 am
ku: khaliif waa lagu salaameý walaalkiis.
waxaa soo weydiisatay gabdhaha soomaalia jooga soomaalia waa kala goántahay gabolkee dooneysaa mase is weydiisey gabar ilaa hada joota somalia in ay dooneyso nin qurbaha joogo waayoo dhulkeedee aaminsantahay laakiin waa laga yaabaa inaad heshee soo sheeg deegaanka ka dooneyso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khlaiifa

Friday, December 22, 2000 - 08:19 am
Waad mahadsan tahay Ilwaad, anigu waa isku keemid gabdhaha Soomaaliya jooga oo idil oo dhamaantood waa walaalahey. In aan gobol iyo qabiil wax ku raadiya iima haboona,oo wax maanta walaalaheenii wad deganaa kala geeyay waa qabiilkaas iyo gobolkaas ban ka imid. Abaayo waan ogahay in Soomaaliya kala go'antahay balse gabadhaan is af garano weynu is heli haddii Alle idmo oo wey jiraan meelo Soomaaliya ka baxsan oon si fudud isku iman karno,balse taasi waxay u baahan tahay diyaar garoow iyo wakhti wanaagsan.

Dee iwlaad,mar kale mahadsanid baan ku iri sida sharafta leh eed ila sooxiriirtay oon waan hubaa inaad igu kaalmeyn doonto baadigoobka aan ugu jiro gabadhii aan ku riyoonayey. Sidaa iyo is maqal dambe.
Waa Khaliifa oo seexan la'gabar la'aan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 22, 2000 - 01:51 pm
salamu caleykum
khaliif walaaal salaantaas qaaliga ah kadib gabadhahii mareykana waad ka qanaastay ee bal ka waran gabdhaha jooga magaalooyinka kale ee aduunka?
muna-cadey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.