site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaa igu khasbay in aan iraahdo : gabar aan la gudin oo guur doona ?...........qiso in la akhriyo mudan

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : Maxaa igu khasbay in aan iraahdo : gabar aan la gudin oo guur doona ?...........qiso in la akhriyo mudan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Friday, February 02, 2001 - 10:15 am
3 bilood ka hor ayaa aabahay wuxuu i siiyey nin dhallinyaro ah -27- oo ka dhex ganacsada imaaraadka iyo soomaaliya , ciqaamadna ku leh imaaraadka , soomaaliyana xaaskale ku leh ,sidaan dib ka ogaadey ,
wada xaajood dheer ka dib aabahay baan ku raacay qorshihii guurka , deed qabanqaabo iyo qarash badan baa la galay , maalin khamiis ah hameen jimce soo galayo ayaa meherkii iyo arooskiiba dheceen , anigoo qurux udhashay alla mahaddii oo haddana aad la ii sii sharraxay , ayaa ka dib xaflad dad badani ka soo qayb galeen oo abu dabey oo dhan looga yimid , ayaa sagaalkii fiidnimo la ii aqal geeyey mudanihii la i siiyey oo sharcigu isu kaaya banneeyey , markaan aqalkii tagnay soo dhawayn iyo cabitaan ka dib iyo waxoogaa sheeko baraley ah ayaa mudanihii wuxuu yiri : abaayo ismahaan qolkaas caawa iska seexo, subixiina dhakhtarkaan ku geyn si dunta ama ceyngariga lagaaga soo furo oo inaan ku xanuujiyo dooni mayo , waxaan iri duntu iyo cayngarigu maxay yihiin ? wuxuu yiri tii gudniinka , waxaan iri anigu dabiici (natural )baan baan ahay oo la ima gudin , intuu si xun ii soo fiirshey buu yiri :laguma gudin ? laguma gudin ? laguma gudin ?waxaan iri la ima gudin taasna wax sharciga ka soo hor jeeda ma aha ? wuxuu yiri sidee ku ogaanayaa haddaba inaad bikro tahay , waxaan iri anigu khibrad ma lihi laakiin waxaan ka akhriyey buug uu qoray dhakhtar la yiraahdo Dr xussam xassan baasha oo gudniinka ka hadlaya soomaaliya iyo suudaanna tusaale usoo qaadanaya in bikranimadu aanay ahayn waxa habraha waddamadaasi ay gabdhaha ku cadaabaan ee ay tahay mid dabiici ah oo ilaahey u abuuray gabdhaha , haddii aad doonaysidna berriba maktabaddaa lagu iibiyaaye waan soo iibsan karnaayoo akhrin karnaa , wuxuu yiri abaayo anigu luqad aan afsoomaali ahayn wax kuma akhriyo , laakiin bikranimada ka sokow anigu waxaan aaminsanahay gabar aan la gudin in aanay xalaalba ahayn , cuntaday karisana aan la cuni karin oo ay xaaraan tahay , marka laba mid kala dooro : inaan hadder ku furo isla caawana reerkiinii kugu celiyo iyo inaan inta iska wada joogno oo labadaa qol kala daganaano makhaayadahana aan cuntada nooga soo iibiyo dabadeedna todobaad ka dib aan soomaaliya muddo bil ah soo joogno oo bishaas gudaheeda aan kugu soo gudo, ayeydey baa gabdhaha magaalada guddee?
waan ku xanaaqay oo waxaan iri jaahilyahow haddeer i fur warqaddaydana halkaas ii dhig reerkayagana anaa taleefan udirsanoo iyagaa ii iman haddeer adigana kaagama baahni inaad i kaxaysid ................... ,kaddib ayuu yiri saddex baad iiga furantahay warqad afsoomaaliyana ku qoray ismahaan ............., saddex baad iiga furantahay laga bilaabo caawoo bishu tahay .... , warqaddaydii baan ka dafay oo aabahay mobile aan haystey ka wacey labaatan daqiiqo kaddibna uu isoo gaarey oo gurigayagii dib iigu celiyey , marka walaalayaal qisadaas ayaa isoo martay , deedna waxaan goaan ku gaarey ninkii isoo doona inaan marka hore wax u kala caddeeyo si haddi uu jaahil yahay aan marka horaba bannaanka u kala marno , shalay qoraalkaygii ka dib nin baa isoo doonay igana codsaday inaan xayeeysiiskayga netka kala noqdo isaguna uu diyaar yahay galabtana uu dubey ka imaanayo caynkaas iyo caynkaasna uu yahay , laakiin markii uu na soo booqday aabahayna aragtidayda i waydiiyey waxaan iri aabbow sidaan qureysh u ahay waad ii jeeddaa ninkan siduu u ......... waad aragtaa marka doonimayee dhinac iga mari .
sidaa darteed dhallinyarooy dhammaantiin wiilal iyo gabdhaba qisadan wixii fikrad iyo talo ah adinkoo mahadsan fadlan ka cabbira oo ka dhiibta ,
deedna inankii diin iyo qurux is bidayow wali albaabku waa furanyah, ugu dambayntiina walaalahayga gabdhaha ahow iga raalli ahaada haddaan xishoodkii gabdha lagu yiqiin meel uga dhacay , mahadsanidiin dhammaantiin

al akh samatar shukran jaziilan wa anaa maa zaciltu laakin lacala al qissata bayanat laka al asbaab , wa shukran marratan ukhraa .

ukhtuka / ismahaan - abudabey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cafiif

Friday, February 02, 2001 - 11:52 am
walaal ismahaan waxaan ahay mid kamid ah kuwa markii hore hadalkaaga qoonsaday.oo kaqoray istinkaar kucad forums kii hore ee aaad furtay
waana kaxumahay waxaanqoray inkastoo ogaanlaan aad adigu sababu ahayd keentay arintaas.
laakini alictiraaf bilkhaDHA WAA fadiila
WAXAASE AAD AAN ULAYAABANAHAY REER BAADIYAHA AAD GUURSATAY WAA NIN AAN ADUUNKA IYO DIINTA MIDNA WAXBA KAHAYN QAATALALAHU ALJAHLA
LAAKIIN ANTUM ASABAB MACSHARAL BANAAT
XOOLAHA IYO BIDH BIDHKA YAR EE ADUUN BAAD EEGATAAN OO MAQADARISAAN SHAQSIYADA IYO CILMIGA
WAXAAN FILAYAA IN AAD KABADBAADISAY BIKAARADAADA DHABTA AH EE AAN CAYN GARIGA AHAYN NIN KAA AAN KUUQALMIN.
HADAAN ANIGU ISKEENO MALA ISOODHAWAYNAYAA MISE TAAJIR JEEBABABKU UBUUXAAN BAAD SUGAYSAA?
HADAY JAWAABTU HAA TAHAY WAXAAN KUFARXILAHAA IN AAD CIWAANKAAGA HELO LIANA HUNAA CAAM, WALIL JAMIIC.
WA ASTAQBIL RASAAILAKA FII HAADAL BARIID
kheyre75@hotmail.com
WA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Friday, February 02, 2001 - 03:16 pm
waan ka xumahay walaal ismahaan sida uu nacaskaas ku jaraxay. laakiin isagaa khasaara qaba.waxna ha cudur daarin uma malaynayo inaad xishood meel uga dhacday.hadana soomlida badankeeda maba gudaan gabdhahooda. ilaahay u mahadnaq inaadan dangalo ahayn maanta. waxaan kaloon kugula talin lahaa inaadan iska raacin nin walba oo uu aabahaa ku siiyo ee adigana hadal ku yeelo guurkaaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 02, 2001 - 07:04 pm
From Daud
Stop posting the plain stupidity,ok? this flim is no longer attracting us, get a life.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Friday, February 02, 2001 - 07:41 pm
cafiif :
lacag raac ma ihi , taasna waxaa kuu caddaynaya haddii aad qisadayda fahamtay in aan ku gacansayray ninkii dubey iiga yimid isagoo mercedez benz iyo boorso lacaga isku wada , ka markii muuqaalkiisu i qancin waayey , marka taas sidaas ula soco, midda kale adigu arday jaamacadeed baad tahaye ma isku wadi kartaa reersamayn iyo waxbarasho adag wadid? ka fiirso intaanad falin

yasmiina :

abaayo aad baad ugu mahadsantahay ,sida wanaagsan ee aad ii garab istaagtay ,iyo talada dhaxalgalka ah ee aad ii soo jeedisey .

daud:

waxaad tahay ri ciday, haddaan mid kaloo kuu jawaabta soomliya ka soo dhoofiyana kharashkaas ku baxaya aakhiro waa la is way diinayaa , marka maadaama cid kula heer ah aan lahayn xor baad tahaye sidaad doontid isaga ci , caws haddaad u baahatidna soo codso , soomaaliyaa lagaaga diriyoo hadda DHL ka hawlgashee , illeyn adba noolaad tahaye, wax kastoo noole la siiyana waa sadaqee sida diinta ku cad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Friday, February 02, 2001 - 07:51 pm
CAFIIF:

haddaan dhinac kale kugu bogaadiyo aad baad ugu mahadsantahay aragtidaada aad badashay,kadib markaad qisadayda ogaatey, shukran jaziilan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirazaq

Friday, February 02, 2001 - 08:20 pm
ISMAHAAN hadey hadaladaada dhab yihiin sideytahay
hadal waaba dhameystiranyahay oo dhameystir kale
uma sii baahna aniga magaceygu waa cbdirazaq marka hore barashob wanaagsan Ismahaan.
bacdamaa waxaan ahay guurdoon oo waxaan raadinayaa
gabar aanaan <<guneen>>.
if u intrest me iam U.S.A waxaan
ahay 24 dhere 6.2
so you gacmo furan at any time
idont now it how old are you that not pig deal
if you need you can email me mahad sanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirazak

Friday, February 02, 2001 - 08:23 pm
ismahan
my EMAIL abdirzak@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirazak

Friday, February 02, 2001 - 08:26 pm
oo waaba kor fadhidaa miyaa soo qori ogidaa
warkaa soo cadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirazak

Friday, February 02, 2001 - 08:37 pm
oo waaba kor fadhidaa miyaa soo qori ogidaa
warkaa soo cadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Friday, February 02, 2001 - 09:02 pm
cabdirisaaq

barasho wanaagsan

dadyda iyo warbixin kalaba waxaad ka heli kartaa fooramkii hore , laakiin adigu is yar faahfaahi ,
midda kale USA wax dad lagu soo jiito ma ahee sidaada kale isaga hadal , tan saddexaad waxaan doorbidayaa in aan sheekadeenna inta hore ee guud aan halkaan ku sii wadano, si aan uga faaiidaysto talooyinka gabdhaha samaha jecel sida yasmiina oo kale, haddaan is fahamnase adduunku waa adiga un , haddii kalana ardullaahi waasica wa tatasic liljamiic, wa shukran

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullah

Friday, February 02, 2001 - 09:08 pm
A'kum
Waa ku mahadsantahay ismahan arinta ay soobandhigtay oo runtii ah qiso aniga iga yaabisan sababtoo ah raggu waxaayba toosh ku baarayeen gabar ugudan sida sunada waafaqsan, somalida ayaa horey waxay utiri" baadi nin aan lahayn bay agjoogtaa". Mida labaad ismahaan waxay sheegatay in uu ninkale soodoonay oo ay diiday sababta kaliya ee ay sheegtayna ay tahay ninkaas oo yara madoobaa marka haddii aad madow uga carartay wiilkaas walaal kaa ah oo lagayaabee in uu dhinacyada kale ku fiican yahay sida akhlaaqda, dadnimada iyo waxtarka, waxaan filayaa adiga laftaada in hoos lagusiibaaro. arinta kalena waxaad ku darsataa in gabdhaha somaliyeed ee iyagana madoobi laga raacidoono gabdhaha cad cad oo aad adigu furtay wado cusub.

Ugudanbayse waxan kuu rajaynayaa in wiilkaad rabtid ilaahay kuu sahlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MH

Friday, February 02, 2001 - 10:30 pm
Salaama Calykum

Dhamaantin waxaad ku salaamantihiin salaanta aan kor ku xusay, arinka ay inooga dhacday walaashen ismahaan waa mid qiiro iyo murugo leh waa mid ay jaahilnimada tan ugu liidataa sababtay, waa mid subxaanala ah, gudniinka fircooniga ah dhibaatada uu gabdheheena u geystay waa mid aay ka soo waaqsan waayeen, markaa waxaan kula dardaar mayaa, kuwa u sharaxan iney noqdaan Waalidiin, Wiilal iyo Gabdhaba iney ka gidtoonadan caruurtooda mustaqbalka illaahey siindoono inaaney marin dhariiqaas foosha xun, taasi waa mid caam ah.

Ismahaan, walaal hadii ay arinkani mid dhacay uu yahay, ninkaasina wuxuu kugu furay ay tahay, sidaas, illaahey SWC ayaa ninkasta u haya calaf kiisa, markaa illaahey ayaanu kaaga baryeynaa hadii aad tahay walaashayo daacad ah inta ay sheegtayna daacad ka tahay, muslimad illaahey ka cabsoota aad tahay in illahey khayr badan kuu bedelo, midkii aad jamatey ee aad ku riyootayna illaahey kuu fududeeyo oo kugu dhaqaayey dariiqa toosan.

Walaal anigu mid uun baan adiga ku oran lahaa, Aabahaa ma qaldaneyn, waalidkaana markastaba wanaagaga ayuu raadinayaa, gabadhna iney asturan tahay wax ka fiicani ma jiraan markaa aabahaa wel wel waalid baa hayoo wuxuu jeclaadey inaad guri yeelato, laakin tan rabi waa halkeeda, markaa waalidkaa arinkan xumaan howga qaadan, ileyn Rabi baa haya calafkee.

Dhalinta kalena waxaan ku la talinayaa walaashoda u xogwarantay, iney la qabtaan wixii ay la qaban karaan oo ay hadalka qalafsan iyo midka aan munaasibka aheyna ay ka dayaan ‘KELIMADA DAYIBKA AHI WAA SADAQAD” Ha Ilowbinina Walaalayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 02, 2001 - 10:33 pm
Naa bi ise dhaqankii diintii burburisee hablow mays badhqabataan. Waxaan intaan usoo qaatay in aan bal hablaha usheego xishoodka. Takale haddii aan baranay qalabka internet ma aha in aan wax aan doono iska soo qorno. dhaqanka, asluubta, xishoodka, yaan laga tegin. Ismahaan waxaan iri you like to get some attention right???? cause u telling us lot of story about u like there is a man came to your house "get real" he was a black man " get off that ps" be honest your self, Layma gudin ninbaa ifuray that is all personal affairs. I don't hear that and don't pay your laying story.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, February 02, 2001 - 10:47 pm
sorry to disapponted you but sis you don't have to tell there is a man who heard your story and came to your home. why you don't get him becuase i know there are lots of problems for UAE. lack of man and lack of sex. " islaam baa tiri intii ay dhali waydey iyadoo ilaahay lahadlaysa ilaahayoo wiil madow hadaad isiin waydey mid casna ma ii waydey" waa casru jaahiligii wax ilaahay hadalkani loo nisbeeyana ma aha laakiin waxaan uga jeeday ninbaan madow ku diidey maaha sax. Agiguba waan madoobahay waana, gaabanahay, waan buuranahay gabdhuhuna iyagaa ibarya in aan lasheekayto laakiin waa kuwa iyaqaan. Qofka dad nimada baa lagu qiimeeyaa. Not how they look. so let us be realitic get who ever come to your door if he wants marriage. This is my advice.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 02:46 am
to ismahaan

abooyo waa ku salaamey kadib waxaan aad
uga qiiroodey arinta ku gudhacday walaahi waan
il meeyay waayo aduun ku waa nasiib qofna ma oga waxa uu la kulmidoono balse anigu waxaan u
arkaa in uu ahaa nin ka kugu soo aadey midjaahil ah anigia waxaan ku guursaday 16 aniga
oo jira wiil dhalinyaro ah oo jiro 23
abooyo waxaan ahaa suno nin keeyga aduun ka ayuu
ii jecel yahay ilaa iyo hada mudo 4 sano ayaan
wada joognaa walaaleey nolal ka macaan sunada u
uma maleenayo in eey aduun ka jirto wuxuu iigu
balan qaadaa mar walba habeen iyo maalin naag in
aanan fiirin intaan aduun ka ku noolahay run tii
abaayo sunada waa nonal qaali ah waa jecel ka
labada qof u dhexeeyso waana raaxada aduun karuntii mar walba waan u mahad celiyaa reer
keeyga waayo iyagaa iigu wacnaa waxaan kaloo ku
xasuusinyaa in raga somlida eey jecel yiin gabdha
sunada ah oo waliba hada aad looraadsho hadii la helikaro waan maqlaa arintaas iyo waliba gabdho badan oo somli ah oo kacabnaya gudniin ka jahilaga
ah ee loyaqaano fircooniga waxeyna had iyo goor
dhahaan ilaahow maxaa suno naloogu gudi waayey
walaashiis waa kuu hanbalyeenaayaa u are luck walaahi waxaa dareemi doon taa hadii ilaah mid fiican kugu soo aadiyo nolasha inaa ku dhameesatid raaxo iyo jeceyl in sha alaah.lol girl raaxeeyso and good luck sister
abaayadiis ka fiirso nin ka guursaneeysid
weey fiicantahy in kastoo ey carbtu ku maah maahdo al gawaas ismu wa nasiib ogowna nin walba
oo qurux lagu raaco lacag iyo wax lamid ah
in uu ilaah kuu hagaajiyo mooye in usan waxtarin
alaah macaak ayaa ukhtii casiiatii



waa walaashaa raxma oo kuleh good luck
waxaana is soo xasuusisey walaasheey
ismahaan oo iigudanbeysey long time bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Saturday, February 03, 2001 - 04:04 am
to : cabdullahi

walaal ku mahadsanid usluub qoraalkaaga wanaagsan ,ninkaas isoo doonay waxba sii faahfaahinmayo , laakiin walaal qarinmayo in aan ku riyoonayo in ilaahey sharci guur nagu kulmiyo nin aan laga dideyn ,carruurtaan isu dhallana - haddii alle qadaro- aay dadkooda dhinac ka raacayaan , quruxduna waa wax sida risqigoo kale alle qaybiyo ,taasna micnaheedu ma ahan inaan dadka qaarkiis iskala weynahayoo waan ogahay inaan dhamaanteen addoommo ilaah nahaye , laakiin haddana walaal dookh baa jirana , dookhuna sharciga rabbi kama soo horjeedo .


To: MH

walaal mahadsanid , aabahayna indhahaygaan ka jeclahay , maalin walbana waan u duceeyaa : allaahuma ixfad hu fil dunyaa, warxamhu fil aakhira , si aadan marna fileyn baan isugu fiicannahay , alxamdullilaahi, ninka uu igu darayna isagu khayr ayuu ila doonayey.
walaal ku mahadsanid sida aad dhalinyarada kale ugu boorrisey in ay wax ila qabtaan , waxa ugu weyn een ka codsanayo in aay ila qabtaana waa in ay rag iyo dumar dadaal dheer u galaan sidii habraha middiyaha maaraystay gabdheenna soo koraya u haysta har iyo hameen oo ku cadaabaya wax aan sal iyo raad diin iyo dhaqan wanaagsan ku lahayn , oo fircoonoo gaal adduunka kii ugu waynaa ahaa loo nisbeeyey, arrintaasna aan laga xishoon oo waalidka gabdhaha dhalay si qayaxan oo qeexan loogu caddeeyo, suudaan oo nala mid ahaan jirtey hadda gudniinka gaalka weyni(fircoon )waa ka mamnuuc oo habartii lagu maqlo in ay gabaryar oo miskiina middi maar leh u sidato ama la aaddey xabsi baa loo taxaabaa , waxaan rajeynayaa in dhallinyaradu codsiga wax la qabasho ee MH uu soo jeediyey/sey loo gurman doono .
mahadsanid mar saddexaad.


To : Anonymous , feb 03,03:33am

anti lam tafhamii maa macnaa xishood fa al rajaa an tatacalamii , li tafhamii macnaa daalika, wa li tufariqii beyna alkhaas wal caam .

To : Anonymous

mashaakil uae daakhilaya lahum , thuma iclam annii lastu silcatan raakidah bal qurashiyatun mutadayinah , yaxlumu bi amthaalihaa rijaalun kathiiruuna min carabin wa cajam xawla al caalam .

To : raxmo
walaal waxaan ilaahey kaaga baryayaa magacaaga micnihiisa in uu kuu qadaro - raxmatul rabbi fii aldaareyn ,kuna mahadsanid taageeradaada.
walaal markaan akhristay fartiintaada waxaan aad usii aaminay inaan ku saxsanaa diiditaankii aan diidey middidii ninkaas ayeydiis ee si jaahilnimo ah uu iila damcay , fa shukaran laki wa atamannaa laki xayaaatan saciidatan fil al daareyn aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Saturday, February 03, 2001 - 04:10 am
To : raxmo


waxaan ilaah kaaga rajeynaya walaashaa ismahaan oo magacaygu ku soo xasuusiyey muddo dheerna aydnaan is arag - waxaan kuu rajaynayaa adinkoo dhammaan nicmatu rabbi ku jira aad is aragtaan oo isku faraxdaan , anigana igu salaan waa walaashey kalee.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Saturday, February 03, 2001 - 06:18 am
Asalaama caleykum dhamaantiin!


Marka hore waxaan halkaan kaga mahadnaqayaa dhamaan inta ku soo biiriso bogaan fikradaha wanaagsan oo wax ku oolka leh gaar ahaan ismeehaan. Ismeehaan abaayo horta waan ku salaamay salaan ka dibna intaan buug,joornaal,radio,TV,etc aan dhageysanayey ama aan akhrinayey,amaba aan daawanayeybo sidaan u qoslay oon oogu qoslay qoraalkaan aad meesha ku soo qortay oo idiin dhexmaray adiga iyo ninkii aabahaa ku siiyey ooma qoslin. hadeybo qisadaas dhab tahay, waayo waxaa iga cajaabiyey sida aad actionka oogu muujisay sheekadii idiin dhexmartay habenkii lagu guri geeyay, tex "laguma gudin" ta aad ku celcelisay. intaa kadib wax kale oran maayo ninkaas oon ka aheyn maah maahdii uu dhurwaagu yiri oo aheyd "hilib waa nin waayey iyo nin dabada ku wata", taasoon oogala joodo, inbadan oo raga ka mid ah ayaa waxay raadiyaan gabdhaha aanan fircooniga loo gudin. ugu danbeyntii waxaan adoon rali ah ku su,aalay waxa aad ku bilowday qoraalkaagan inaad jirto 27 balse xageed ku soo kortay waa su,aale? anoo waliba qeexayo su,aashayda waa gabaabsi in la helo gabar soomaaliyeed oo jirto da,daa oo aan lagu sameyn gudniinka fircooniga ah. intaa waxaa ii dheer why raga ku soo doonayaayu ay u yihiin mid ganacsado iyo mid marceris wato?, miyeysan ku jirin mid aanan intaas wadanin laakiinse filayo in uu nolol kula qeybsan karo?, anigoon ku sii dheeran hadalka waxaan jeclaan lahaa inaad iigu soo dirto jawaabtaada Emailkeyga oo ah "qudaafeen@hotmail.com", waayo waxaa laga yaabaa inaan ka haleelin jawaabtaada halkaan, sababtoo ah waabo markii iigi horeeyay oon soo galohalkaan. ugu danbeyn sorry hadii ay wax aflagaado ah iga dhaceen "bye sis".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 09:03 am
Stop bullshiting you lady ok ,this is ain't an interesting flim. It is disghusting ok, stop, stop,talking this ugly, ugly and Yakky stuff

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 09:07 am
To Ismahaan
xatal luqa arabic mush kuways cindak. ukhal casiis arjuuka khayran. uma aan jeedin in aadan garanayn xishood bal waxaan ujeedey in aad yar asluubayso sidii aad wax noogusheegtay. Talabaad waxan diidey xitaa sune la ima gudin. ta sadexaad waxan diidey ninbaa gurigayaga iigu yimi guurdoona oo aan xumaan ujeedin baan iri waad madowdahay. Ta afraad waxaan kugula talin lahaa in haddii aadan hore u qaban ama lagu sunayn aad sunaha isku daydo. Ta afraad kugula talin maayo in aad fircooni isku gudu. Gabadh soomaaliyeedna kula talinmaayo. Dadka na waan kawaaniyaa. laa tascal khud nasiixatii. Xaga guurka qaado xadiiskii nebiga. aswaj bidaata diin. nin diinta waxka yaqaan guurso. My last advice is there are many men or somaliyan man who is black but better then red guys. So what iam telling you is don't look the color and judge the peronality. If you say this is not the color I want you may loose good man and marry or having a relation with a bad man. My last word pray salaatul istikhaara before you decide anything may alah will give you his blessing.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 09:12 am
To Ismahaan
xatal luqa arabic mush kuways cindak. ukhal casiis arjuuka khayran. uma aan jeedin in aadan garanayn xishood bal waxaan ujeedey in aad yar asluubayso sidii aad wax noogusheegtay. Talabaad waxan diidey xitaa sune la ima gudin. ta sadexaad waxan diidey ninbaa gurigayaga iigu yimi guurdoona oo aan xumaan ujeedin baan iri waad madowdahay. Ta afraad waxaan kugula talin lahaa in haddii aadan hore u qaban ama lagu sunayn aad sunaha isku daydo. Ta afraad kugula talin maayo in aad fircooni isku gudu. Gabadh soomaaliyeedna kula talinmaayo. Dadka na waan kawaaniyaa. laa tascal khud nasiixatii. Xaga guurka qaado xadiiskii nebiga. aswaj bidaata diin. nin diinta waxka yaqaan guurso. My last advice is there are many men or somalian man who is black but better then red guys. So what iam telling you is don't look the color and judge the personality. If you say this is not the color I want you may loose good man and marry or having a relation with a bad man. My last word pray salaatul istikhaara before you decide anything may alah will give you his blessing.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Saturday, February 03, 2001 - 09:17 am
To: hassan


walaal xassan

waxaan kugu salaamay salaanta islaamka
salaan dabadeed :
1- ku mahadsanid fartiintaada , suaalahaaga, iyo maahmaahdaada dhaxalgalka ah .
2- dadaydu waa labaatan jir sidaan horeyba ugu sheegay forumskii hore feb 01, cidda 27 jirka ahi waa ninkii aabahay ii siiyey oo ganacsi aabihiis uu ka dhaxlay ka shaqeeya, ee aan is fahmi weyney.
3- waxaan ku dhashay abudabey - imaaraadka , halkaas oo aabahay ka shaqaynayay ilaa iyo 25 sano , isla halkaasaanan ku koray waxbarashadayda ilaa dugsi sarena ku dhamaystay, in kastoo fasax kasta aan soomaaliya tagno xataa intii dalku burburay .
4- nimankaan ganacsatadaa ee i soo doonay kan horana aabihiis oo hadda geeriyoodey ayey aabahay is yaqaanneen , kan kalana netkuu iga soo raacay , fooramkii feb01 marka maadaama aan isku dal joogno haddiiba wuu na soo raadiyey oo dad abudabey dagan oo uu yaqaaney, qisadaydana maqlay ayaa soo tilmaamay laakiin ima uusan cajabin illeyn ruux walba ilaah baa dookh siiyeye .
5- cidkale oo aan ganacsato ahayn oo ila soo xiriirtay ilaa hadda way jirtaa laakiin marlabaad degdegi mayo waxaan raadinayana lacag maahan ee waa dhaqan iyo diin iyo wanaag , aniga iyo reerkayaguba waan ladanahay alxamdu lillah , dahabka aabahay ilaa yaraantaydii ii gaday baa nagu filan xittaa haddii aan nin aan waxba haysan is fahamno, micnuhu waxaa weeye lacag muhiim ma ahane dadnimo iyo qurux iyo cilmi iyo diin baa muhiim ah intaas oo diintu ugu horrayso waayo ruuxii diin leh waa ruux haysta mabaadii hagta .
6- walaal xassan iga raalli ahow ,jawaabtana halkan ayaan kuugu soo gudbiyey laakiin haddaad i xiiseyneysid ii warran oo noloshaada wax iiga sheeg , maxaa yeelay halkan waxaan ku leeyahay gabdho saaxiibaday ah sida yaasmiin iyo raxmo oo aan jeclahay in aay wax ila ogaadaan , laakiin haddii aan dabadeed wax isla garano markaas sheekadu khaas bey isku bedeli doontaa , in sha allaah .
mahadsanid
ismahaan- abudabey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAL

Saturday, February 03, 2001 - 10:14 am
to ismahaan
salaamualykum ayuhal jamaacah
magacayga wahaa layiraahdaa jamal yare intaas kadib wahaa mahada wayn mudan Ilaah kadib waxaan tan labaad u celinayaa gabadha walaashay ee layidhaahdo is mahaan ukhti ilaah hakaa ajar haguugu badalo wahaad lakulantay belse waxaan radinayey gabar aan gudnayn ama sida sunaha looguay you know what I mean so,igaraalininoqo hadii hadalkaygu wax kuugaysto ama aad khalad u aragto mida mida kale waxaan kashaqeeyaa meesha jaraa'idka la gu qoro hadaad tahay diyaar waxaan ku siin karaa fax number hadaad rabtid in aan kuqoro newspaper ka maanasooto magaaladaas oo kami ah USA SO YOU CAN E MAIL ME ABDIGANI7@HOTMAIL.COM SO WE CAN DO IT TOGETHER,BYE ISMAHAAN I LIKE YOUR NAME,JASSAKALAHU SHAYRA,THANK A LOT RUN AHAANTII SHEEKADAANI WAA SHEEKO LAYAABLEH,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Saturday, February 03, 2001 - 11:36 am
To: anonymous feb 03 02:03pm

laa tastaahil tadyiica waqtin wa juhdin lil raddi calayka marka sidaad doontid u ci

To: anonymous feb03,02:07pm
1- fil carabiya anta cindaka sifir kabiir walaa tamlik xaqa al xukmi calaa qeyrika fastaxyi
2- xorriyatul qowl masmuuxun bihaa maa daamat fii idaaril sharci faclam daalika
3- lam yudlab min amthaalika tawjiihun aw nasiixah li anna faaqidu al sheyi laa yucdii
4- wa calayka an tatacallama al dariiqa al saxiixa lil kalaam

To :JAMAL

1 - yaa ahlan , ismuka jamiil wa macnaahu qurux wa hiya minal ashyaa allatii aan jeclahy
2- haddii qisadayda joornaalka aad ku qoraysid uu soomaali ku soo boxo aadna uga jeeddid in waaridku ka faaidaysto dhacdadaas waad u fasaxantahay , laakiin haddii uu ingiriis ku soo boxo may maxaa yeelay dooni mayo in gaaladu ku qososho dad muslimiin ah oo yara khaldamay.
3- hadalkaaga wax gaf ah kuma jiraan , waa wanaagsan yahay .
4- wa akhiiran fa inkunta taxlamu bi qurashiyatin fa marxabban lakin bi shuruudin awaluhaa al diin

sidaas iyo xiriir wanaagsan

ismahaan - abudabey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar

Saturday, February 03, 2001 - 08:07 pm
cumar

To ismahaan

Bacda salaan ukhti fil islaam adiga oo kale muddaan raadinayey waxan jeclaanlahaa inaan wada xiriirno. Hadaan warbixin iska bixiyo:waxan ahay adoon adoomada alle ka mida aduunyo buuran malihi mana jecli inaan raadiyo si eeyan ii mashquulin,cilmina waxan ka leeyahay sidii markii ILAAHAY subxaanu watacaala malaa'iigta ku yiri"anbi'uuni bi'asmaa'i haa ulaa'i in kuntum saadiqiin qaaluu laa cilma lanaa illaa maa callamtanaa innaka anta caliimul xakkiim"watiga oo igu yar awgiis waxan kuu rajeynaa Guul.

W/calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAKABA2

Saturday, February 03, 2001 - 10:14 pm
TO: ISMAHAAN.
Salaan wax la salamo ma istaahishid, hadii uu adunka jaahil jirana waa adiga, waxaana ka xumahay afsomaliga aad ku hadlaysid, waxaa taas ka sii daran quranka aad ku hadalysid maxaad aabahaa ugu soo daraysaa, mise aabe malihid.
qofkii arintaada ka horyimaada maxaad carabiga ugu caayaysaa, hadii aad rabtid in aad carab ku hadashid, aad forumsyada kale ee carabta looga hadalo.
Ugu danbeeyntii hadaadan qayili jirin oo aadan alaabtaada meel kasta aadan wari jirin, qofna wax kaama sheegeen, macnaha bikranimada ayaad hada soo xusuusatay baan u malaynayaa.
IS CEEBSO DUMAR BAAD TAHAYE, HADII AADAN AHAYN EE AAD TAHAY RAG KU SHEEG WAAYEY WAX KALE EE UU KA SHEEKEYO, CAMAL RAADSO.

WAA SAXE.
HAKABA2

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 03, 2001 - 10:59 pm
To ismahaan sunihi ma iga qaadatay. aan ku iri samayso. talabaad waxaan jeclaan layaa in aan ku arko laakiin waan kala fornahay waayo waxaad iga badbadisay waan qurux badanahay. ain't mean nathing. I'll let you know when I come to U.A.E. sorry if I ever said something wrong but sis. I like good sisters to have sense of humar and self respect. Always ask questions your grandmatter becuase these peaple had lot of sense to us sister.
waxaan ku soo gebagebeeyey waad fiican tahay taladoonka. laakiin marwalba ilaahay isku xidh oo isaga talo saaro, waxkasta oo aad rabtana intaadan kudhaqaaqin ficilka ilaahay utuko laba rakcadood oo salaatu istikhaaro ah. isagaa kuu sahlaya amuurahaagee. hadalkan dhuux sis markaa aad baad ii jeclaan doontaaye. Halwaxbaanse kugu jeclaaday sida aad aabahaa u ixtiraamaysid aadna ujeceshahay. Wa bilaahi towfiiq. insha alaa sayakun khayr. Insha alaah alaa yasahil dariiqak wa siwaaj.wabilaahi tawfiiq.
Asalaamucalaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Been

Saturday, February 03, 2001 - 11:34 pm
Naag aan gudneen, quruxdeeda waxba tari maysee iska daaya, oo weligeed nin heli mayso. Waasa iyada af carabi iyo af soomaali isku dhex qasaysa ee ma waxay moodey in uu jiro qof soomaali ah oo af carabi aanan garaneynin. Mida kale maxay ula jeedaa marka ay leedahay" Halkan sheekada noogu sii wada si ay walaalaheena Yaasmiin iyo Raxmo ay talo iisiiyaan" Ma taasaa maanta rabta guur? Maya maya walee in aysan wax guur ah taasi u baahneyn ee waxay rabtaa in ay halkan isku faaniso oo ay tiraahdo waxaan ku dhashay Abuu Dabey iyo waan qurux badnahay.Ar heedhe la'ima gudin ha odhan ee waxaad tidhaa waa la igu ciyaaray ee ha la ii naxariisto oo ha la i guursado, kolkaa kadib aniga yaa isku sharxi doonaa jagadaas.
Jaaw Yaah Isfaaniso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAFIIF

Sunday, February 04, 2001 - 06:18 am
lol ismahaam mahadsanid
sis ha isku dayin in aad qof waliba u jawabtid gaar ahaan haduu salbi yahay
tan kale hadaan ka hAdlo taxdiirkaagii ahaa in aan kafiirsada isla wadka jaamacada iyo reer dhaqashada
ma moogi inay tahay hawl culus hayeeshee waxaasoo gaba gabaynayaa sanadka jaamacada oo dunya naas aan galyaa saas baan u hawaaday xoolo saas ah malihi laakiin kalsooni baa iga buuxda iyo qanaaco
jaamacadana sadax bilood baa iiga dhiman ee bal ka fiirso in aan wax wada wadi karno???
magacaagu meel gaar ah buu iga yaalaa sabab too ah walaashay dada iga yar ah baad wadaagtaan magacas!!!!!!!!!!!!!
yhanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 04, 2001 - 08:43 am
waxaad moodaa in isdhaaf farsamo ku jiro qoraaladaada waayo dad badan ayaa wax kaaga sheegay laakiin nasiib daro ma gar qaadanaysid .waxaa ka mid ah qaladadaada ninkii madoobaa,adiga oo ka waaninaya dadka ingiriis ha qorina adiguna af-carabi iska raadinaaya,waxaan marka ku xasuusinayaa in ay jiraan dadyow badan oo carab ah laakiin gaalo ah ,sida wadamada ciraaq,masar,falastiin,urdun iwm.adiguse carab oo dhan ma akhuukum fil islaam uun baad u haysataa .waxaan kugula talin lahaa ha uga dhicin raga soomaaliyeed meel iyo gabdhaha aad magacooda isticmaalaysid nimanka guurdoonka ahina haka fiirsadaan fadeexada ay iibsanayaan.mahadsanidin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONKOD2001

Sunday, February 04, 2001 - 08:57 am
Ismahan,

Anigu kuma aan beensanayo sheekadaada. Waxaaba aqaan gabadh sida kugu dhacday oo kale ku dhacday. Waa arin la yaableh iyo dad aan akhoon diinta ayaa sidaa u hadla. Insha Allah waad helidoontaa nin kuu qalmaa. Anigu ma aanan arag forums kii hore. Inta aan hada halkan akhriyay baaba amakaag igu riday. Bal ila socodsiiya cidii og heading article ugu horeeyay ee ay sheekadani ku bilaabatay. Walaal Ismahaan Ilaah ha Kuu dhibyareeyo arinkan. Sidaan anigu halkan ku arkay, Abu dhabi iyo Dubai waa ay joogaan inamo nolasha kula fahmi karo ee yara eeg dhinacyadaada. Arinkanina ma'aanan maqlin anigu madaama aan ayaamahan magaalada u sheeko doonanin. Alla ha inoo wada fudadeeyo nolasha. INSHA ALLAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samatar

Sunday, February 04, 2001 - 11:23 am
This site is growing fast, but no progress.

Mar aan xalay isha mariyey bal taladii... ayaa wuxuu marayey 15 qof aad ayaan uga helay runtii, laakiin maanta waxaad moodaa in dib loo kala guranayo inkastoo 36 aanku ahaa markaan qorayey, haddaba maxaa keenay?
Aniga ayaa garaya!

shukaansigu wuxuu u baahan yahay qosol laysku soo galo, qoso laysa meel dhigo, qiiro laysku suxul dabo.
Arintaa ayaa meesha ka dhiman saaxiibayaal ee naga daaya Gud... aad ku wareegaa-laysanay-saaaan

Waxaan ahay aar dhoola wayn reerkaan u soo dhaco
Anoo dhawr ka dilo mooyee dhayal ugama soo baxo...

See waaye noo, xataa kabeebi maleh saaxiibyaal!

Canaantani waxay ku socotaa dhalinta cawayska oo aad moodo inay kaalinta gabeen, intiina meesha ku jirata wax hadalkoodu xiiso leeyahay waa yaryahay ee Cours ma idiin furaa angaa toban soo rogaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WalaalSoomaali

Sunday, February 04, 2001 - 02:03 pm
salaamu calaykum..Dhamaantiin aqyaartaay..
Kabacdi,

Ismahaan, Qoraalka sheekadan, qaabka ay u aliftay -if my assumption is correct-, iyo luuqadda ay ku soo gudbisayba hadii aan ahaan lahaa macalin saxa curisyada af-soomaaliga, waxaan ku siin lahaa buunde sare. Danta iyo dersiga uu qoraalku xambaarsan yahay waa mid dhaxalgal ah oo bulshadeenna intii aqrida wax u tari kara, ugu yaraan waxaa suurogal ah in ay buuxiso daldaloolooyinka dhaqankeenna Soomaaliyeed.

To: Dhalinyarta Bogga soo booqata.

Waan dareemi karaa hamiga doobka waayahan doondoonka ku jira, waxaanse ugula dardaarmi lahaa dhalinyaradeenna ineynan ku kadsoomin hadalada macaan ee walaasheen Ismahaan. Xumeyn igama aha -wa xaashaalilaahi- ee waxaan ula jeedaa, waxaa suurogal ah danta Walaasheey Isma ineynan aheyn sida aan anagu u fasiran karno. Sidaa awgeed dhalinyartaay dejiya banooniga..

Walaalkiin.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuux

Sunday, February 04, 2001 - 04:14 pm
TO:ISmahan
Walal waan kaxumahay inaad lakulantay nin aan kuu qalmin(ruba dara naafic).
Waxaan ilaah kaaga baryayaa inad hesho mid kuu qalma,oo aad mustaqbil wanaagsan qaadataan.

TO;Wiilasha somaliyeed
Fadlan gabadhan walashiin ah qofkii aan ka rabin mustaqbil yuusan dhibin sidaydoo kale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 04, 2001 - 05:50 pm
HUBAASHII WAAD KA BADBAADAY HOYGII JAHLIGA EE AABAHAA KUGU XIRAY BALSE XUSUUS MUDAN INAY ARINTAASI TAHAY MIDKA MIDA CAADOOYINJKA SOO JIREEENKA AH EE DHAQANKEENA TAAS OO AAN SALKA KU HAYNIN WAX DIIN AH IYO WAX CAQLI WANAAGSAN AH WAQTIGAN AYNU NOOL NAHAY INAY ARINTAASI DHAMAATANA WAXAY QAADANAYSAA WAQTI DHEER OO U BAAHAN IN LA GELIYO AQOON IYO DEDAAL BADAN.

WALAALKEENA WAXAAN LEENAHAY INUU XAGA CILMIGA MAADIGA AH IYO MIDKA DIINIGA AH UU AAD UGU DADAALO SIDUU WAX UGA KORORSAN LAHAA TAAS.

SU'AAL ADIGOO RAALI IGA AH?

MA OGOSHAHAY INAAN ARINTAADA U SAMAYNO BARNAAMIJ CILMIYEED AAN KU BARAARUJINO BULSHADIINA INAAN UGA TIR TIRNO CAADADAAS XUN.?

MAHADSANID

HUSAIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN

Sunday, February 04, 2001 - 08:35 pm
To: nuux iyo xusseen


mahadsanidin , wax kasto shacabkeenna si habsami ah loogu baraarujinayo oo caadadaas xun looga tirayo waa arrin wanaagsan , inaan intii tabartay ah ka qaybqaatana aad baan diyaar ugu ahay , maxaa yeelay dhib weyn ayaa lagu hayaa walaalaheen gabdhaha soomaaliyeed .


mahasanidin


maxamed cabdillaahi
Qaahira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Sunday, February 04, 2001 - 09:42 pm
TO;ISMAHAN
asalaamu alaykum.

Horta aad baan uga xumahay arinta kugu dhacday haddii ay run tahay waana adduun wax walba filo.Walaashaa RAXMO sida ay sheegtay ayaan ku raacsanahay, waxaase talo ahaan kuugu darayaa inaad iska ilaaliso ragga qaarkii somali waxaay ku maahmaahdaa "mar i dege allah dago mar labaad idago se anigaa is dagay" marka waxaad ka cararaysay mid aabahaa ku siiyey e , mid europe iyo northamerica dawdar ah inuu been kuu sheego ayaa kaaga sii xun ee waxaan ku dhihilaahaa raga jooga magaaladdaada wax ka xulo oo aad taqaano.

Aad iyo aad ayaan uga xumahay si xun ee maangaab odayaasha iyo habrahu ayaa u galeen gabdhahayagii hataa walaahi rag badan oo aan aqaan ayey waxay ku kaliftay arintaas inay guursadaan dumar ajnabi ah oo kala diin iyo kala dhaqan ah. therefore, again LOOK BEFORE YOU LEAP .

waxaad igala soo xiriir kartaa ahmedyare@onebox.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rer qardhood

Monday, February 05, 2001 - 07:56 am
ahmed reer qardhood xagey ku danbeysey gabadhii labaxdey najma ee aad iga xoogtey anigu adigaan dacwo ku heystaa adiguna dadbad ka naxeysa laadar yare.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Monday, February 05, 2001 - 08:16 am
Macquul maha inaadan gudney ee walaal marumbaa waxa aad sheegeysid, sideyse suurtogal ku noqotay inuu Abahaa kugu daro Nin sidaas jaahil u ah intuu markii hore gudniinka kaa reebay!!!!!!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDI/S

Monday, February 05, 2001 - 08:47 am
To##!!!ISMAHAN.

Waxaan kugu salaamey salaanta islaamka,salaan ka bacdi waxaan aad uga xumahey waxa kugu dhacey & nasiibxumada qabsatey ninka "Ilaahey" uu u qadarey inuu helo gabadh soomaaliyeed oo sida aad sheegtey ah,jaahilnimada dhaafsiisey waxaana hubaa hadii uu sii jiro inuu ka shaleyndoono in badan.

Anaiguse waxaan leeyahey waxaa wax kasta oo wanaagsan nasiib uleh nin aan aqoon,calafkana "ilaah"baa haya waxaanase hubaal u hayaa hadii arintu tahey sida aad noo sheegtey in ninkii uu ^RABI^kuu calfo uu ilaahey nasiib u yeeley,waxaana kusoo gabagabeynayaa aniga madaama ay kaa dheertahey meesha aan ku noolahey inta aan soo socdo ayaa lagula tagiye inuu ilaahey kuu sahlo mid kuu qalma.

WALAAHU ACLAM:
OO RUN AH>>>:O!!:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 09:25 am
war waa beenaale ee iska laaliyaaaaa!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 06, 2001 - 12:01 am
abaayo waxaan dhaho maaqaan oo aan ka aheyn ilaahow mid qeyrqabo oo aan ku qayaamin noloshaadana kaafiya kuu sahal. iskastoo maalmahaan danbe aaminaadi yaraatay hadan qofwalbaa calafkiisuu aduunka ka cunaa, camalkiisa aaqiruu la tagaa,waxaan jeclaan lahaa in aad ila soo xiriirto. waa haddii aad awoodo.walaalka maxamud aden, waxaad igala soo xiriiri kartaa halkaa. jeele2@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JAMAAAL4

Tuesday, February 06, 2001 - 12:21 am
ismahaan
cirsaantii waa badatee..halkee kala geyneysaa walaaleey..bal fiiri immisa qof ayaad damac gelisay oo already kaasoo doontay halkan...
oo weliba qaar ayaaba weli fahmin inaadan serious ku ahayn guur...
yaa thaclaba..yaa makkara..yalli ma cindahaash raxma..erxameehum shuweiya..lol
alshabaab dool mostacedden yetegaddamo lek...
wenti bitilcabi caleehom wa calaa qabaaethom..
xaraam caleeki guli lahom cal saraaxa...
kataba "INNA KEIDAHONNA CATHIIM"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdirasaaq

Tuesday, February 06, 2001 - 05:52 pm
ismahan bacda salaan waakaan horey u,soo hadley
waxaan ku darsanayaa waxyar soomaalida waad
ogtahay in ay filayaan amase ay ogyihiin in gabdhaha la, gudo maxaa aay oogu sheegiwaayeen
abahaa amase hooydaa in aad guneyn oo kuu dhiman yahay guniinka inta aan inankaa la,qarash gelin
mise maxaad iskaga raaci weeydey soomaaliya maadaama qarash badan baxay
ismahaan run,ma,sheegeysaa abaayo
maxaa adiga da,daada u,soocadeeyni weeydey
waxaa ku jiraa meesha miyaa
soocadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdi-ladiif

Tuesday, February 06, 2001 - 07:47 pm
TO:ISMAHAAN

Salaanta islaamka ee qiimiga leh bacdigeed waxaan mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa gabadha mawduuca furtay oo aan si cajiiba ula dhacay mana garanayo walaaleey waxaan kuugu abaal gudo , waayo waxaad soo bandhigtay mawduuc gabdhaha soomaaliyeed badankood qaflad uga jiraan waana ku baraarujisay.
qisadaa aad sheegtayna waa qiso cajaa,ib leh oo mudan in baalalka taariikhda dhinac looga qoro.
intaa ka bacdi waxaan jecleystay inaan wada xiriirno si khaas ah waayo waxaan ahay wiil ka hela gabdhaha noocaaga oo kale jecelna inay wax baaraan oo ay jahliga ka baxaan .
markaa walaaleey yaan hadal kugu daaline waxaan ku leeyahay xirir wacan oo wanaagsan.
hana igala bakhaylin inaad i soo siiso bariidkaaga electarooniga ah.lacala laaha in ilaahay ii kaa qoray.
isma dhaafno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 07, 2001 - 11:07 am
ismahaan, language i understood your situation. i am very intersted in u, can we hookup sister. i am not rich and i am not ugly too. even though i am not rich , i can support u , i have a decent job. i live in USA . yah i do want a girl that i will be the first for her but i do not believe in cutting and stiching and all those things.
if u intersted i will write my email next time
peace i am out

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/xakiin

Wednesday, February 07, 2001 - 11:23 am
TO:ismahaan
walaal marka hore waa lagu salaamay marka xiga
ilaa hada waan rumaysan laayahay, waxa kugu dhacay
markaa hadii ay dhab kaatahay, waad ka bogsan dhibkaa, wwanad ka mayran wxii ku soo maray.
wiilasha soomaaliyeedna way badanyihiine,ka xulo
intuu hankaagu,yahay.mid dheer,mid gaanan,midcas
mid madow,mid dabac leh, iyomid lacagaysanba.
is dajina wixii danbeeya alaa og.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Wednesday, February 07, 2001 - 12:04 pm
HEY ISMAHAN

WALAALO I'M REALLY SORRY IF THAT HAPEND TO U WELL TO BE HONEST WITH U WALAALO ME TOO I NEVER CIRCUMACE IN MY LIFE AND THNX ALAAH I'M MARREID WOMAN WITH KIDS AND MY HUSBAD HES REALLY LOVE ME MEN AND I'M VERY LUCK TO HAVE MEN LIKE THAT DEAR. ISHA ALLAH ONE DAY U WILL FIND SOME ONE LIKE MY HUSBAN WHO DOESN'T CARE ABOUT THAT SITUASION DEAR.

GOOD LUCK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Wednesday, February 07, 2001 - 12:04 pm
HEY ISMAHAN

WALAALO I'M REALLY SORRY IF THAT HAPEND TO U WELL TO BE HONEST WITH U WALAALO ME TOO I NEVER CIRCUMACE IN MY LIFE AND THNX ALAAH I'M MARREID WOMAN WITH KIDS AND MY HUSBAD HES REALLY LOVE ME MEN AND I'M VERY LUCK TO HAVE MEN LIKE THAT DEAR. ISHA ALLAH ONE DAY U WILL FIND SOME ONE LIKE MY HUSBAN WHO DOESN'T CARE ABOUT THAT SITUASION DEAR.

GOOD LUCK.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 10, 2001 - 09:25 am
war yaada war naagtan jileysa majaa jilada yeysa hun guruga idnka sooridi, ee waxaad yeelesaan, nin kii doonaya inuu ka maadeysto ismahaan waa uu ku soo biiri karaa, balse ninkey dhab katahayoow
haku hun goowin ismahaan.
Anigu koley sheeko xariir teeda waan kahelay iyo gabadhii rahmo lalahaa oo iyana u soo matagtay ayada iyo nin keeda gabley shimbirtii ay ciyaara yeen ay uga warantay is mahaan. jaw saaxiiba- yaal
fircooni baa iska ba'ay sunana waagacan gashy. saas maaba suno loogu ciilqabaa bal ana aad baadi goobto sir baaban kahelay raxmo cadey. jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sikima

Saturday, February 10, 2001 - 12:30 pm
war heedhe ismahan annagaa khibrad u leh
hilibka qubadana aad u cunno magaaladeenana
adoo kale oo aan weli kintirka laga jarin
way noo buuxaan marka ,

khibrad fiicanna waan u haysanna arrimaha
aad ka soo sheekeysey,wana ka xumahay
in kaas uu kuugu soo toosey .
.
laakin haddi aad u baahantahay qof kula fahma
kintirka aan weli la jarin .

la soo xiriir kismaio@netscape.com

waana mahad santahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yalaxow fiidoow qanaxey

Wednesday, February 14, 2001 - 08:05 am
ismahaan walaaley dadka runta u sheegoo halug' gooyin maxaa yeelay waxaa ku soo dirsaday hey adaha sama falka ee ololaha ugu jira in la dabargooyo gudniinka fircooniga, maxuma inaad faa fiso balse waxaan ka xanaaqsa nahay lug gooyada aad ku sameyneyso dhalinyara- deena somaliyeed. aniga hadalkaaga markii hore ayaanba fahmay inaad wacyi galin ugu jirto bogaan internetka, wacyi galintaa halkeedii inooga waddoo nagadaa waxa kale ee aad beenta inoogu dabaqaysid. & lugooyada aad ku hayso wiilash.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAHAAN/ MAXAMED

Wednesday, February 14, 2001 - 11:20 am
haye walaal lana soco inaan cafis dalbey

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beeleey

Wednesday, February 14, 2001 - 11:51 pm
Salaan dhamaan

Ismahaan sheekadaan waa useless marka keen wax fiica oo macquul ah ama xaqiiqda ku dhow bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saxnuun

Friday, February 16, 2001 - 04:47 am
To:Ismahaan

Ismahaan walaal walahi waad iga qoslisay markaan akhriyay waxa kugu dhacay hadayba jiraan.
Runtii waa arin laga naxo,lakin ismahaan walaal waxbaad kudardaraysa adna ee nagadaa de.
Ninna kuodhan maayo ana kugudo adoo weyn,ama kuodhan maayo waxaad kariso waa xaaraan oo lama cuni karo,intaas waa jeebkaaga huuno.
Xeysiinta yar ee is xaysiinaysana bal naga yara jooji walaal,qof waliba qumanihii ayaa qoorta ugu jira hadad qurux ledahay anaa kaasii qurux badan.
hadaad dood kaqabtana siwiradeena ayaan istusaynaaye ilasoo xidhiidh,gabadh aan gudnayn waaba mida maanta laraadinayo,ee tolow wiilku muxuu qoonsaday?????somalida caado iyo dhaqan umalaha inay gabdhaha isbital kusoo furaan waxan ka ahayn Labo qabiil oo kala ah ISaaq iyo Majeerteen,labadaas waa loosoo furaa habeenka loo guri geynayo gabadha,Qabiilka Ogaadeen ahna waaba ceeb iyo dhimasho agtiisa waxaas.
Ismahan walaal xumatana haiiga qadan lakin ilahay wiil kuqanciya ood raali kutahay hakusiiyo.
Raali ahaada hadaan xishoodka yara garabmaro.
gabadhu inay Bikro tahay iyo inkale hadaysan gudnayn waxaa lagu gartaa,waxaa jirta celiye(dabool)waxba aan ka yaraysan midka habruhu ay sameeyaan oo geedka raga celinaya markuu wiilku wax isbido,lagayaabo inuu wiilkii akhristo intan kadibna dib ushalaayo ismahaaneeeeeeeeey
Alla haduu ogyahay gabdhaha aan gudnayn waxa lagu sheegay sidaa miyu kuu gali lagaa waxaaba igu maqaalo ah wey ooyaan oo wiilka ayay xaxagtaan xiliga kalaguurka..........
nabadeeeeeeeeeeeeeeeeeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ht-street

Friday, February 16, 2001 - 08:37 am
Alahu akbar. Ismahaaney sheeko soconeysa ma sheegtidoo sis. Sidee wax u socdaan bikro iyo gudniin waa kala labo. Maanta adiga si baad u sheegeysaa hadal laakiin ilaah baa og xaalka siduu u dhacey. Dad yahow ha judge garey nina ninka only xaalka sidaas aniga in uu igala gidisan yahay ayaan u maley.
walaal ismahaan xumaan igama aha ee always too side ayay wax kastoo leeyihiin side kaada iyo kiisa.
i tell you this bikro has nothing to do with gudniin.
sorry sis but sheekada there is more to it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hirad

Monday, February 19, 2001 - 09:50 pm
Ugu horayn waas salaamantahay Ismahaan,
Mcquul way tahay inay sheekadaan oo kale dacdo,
laakiin waxaa nooga sii qosol badnaan lahaa inaad na tiraahdid ninku markuu kintirka arkay ayaa waxa uu u maleeyey inaan labeeb ahay oo wuu cararay.
Tan kale waxaanan ogayn in buuryaqab da'daasa oo kalaa uu intaa bikro ahaan karo, lakiin hada waan ogahay.
jaaw;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farxaan

Thursday, February 22, 2001 - 05:51 pm
saaxiibayaal qisadani waa beene la socda

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.