site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Wiil midgaan ah oo raba gabadh Soomaliyeed

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : Wiil midgaan ah oo raba gabadh Soomaliyeed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guurdoon

Saturday, February 03, 2001 - 03:55 pm
Waa la idin salaamay dhamaantiinba waxaan ahay nin dhaliyar ah oo guur doon ah waxaan raadinayaa gabadh aan isbarano haddii aanu mustaqbalka iska helana aanu guri galo.
Aniga da'daydu waa 35 ji waxaan haystaa shahadad MSc mudo 4 sano ahna waxaan shaqeeyaa. Waxaan ahay qof furfuran oo jecel kaftanka iyo sheekada waxaan ka helaa hablaha quruxda dabeeciga ah le
dabeecadooduna ay dagantahay.
Qolada ay gabadhu yeelanayso dhibaato ma laha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ma aaminsani kala takoor

Sunday, February 04, 2001 - 01:19 am
walaalkiisa salaan dabadeed ma jiraan midgaan ee waxey bulshadu biisey balse hadalku wuxuu yahey dadkeena waa cunsuri oo magacaas sey ku uiloobaan years bey qadaneysaa ogow midgaan qof cuqdad la qaliyey ee waxba kama duwana dadka, mase wax la isku takooraa 1000 sano kahor baa awoowgiisa baqti cuney.good lucky dad badan ban aaminsaney oo eegi doona shaqsiyadada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

guurdoon

Sunday, February 04, 2001 - 02:34 am
Haddii ay dhalinta Somaliyeed ee dibada joogtaa aanya aamisananan in midgaanku wax kaga duwanyahay somalida kale waxaan rajaynayaa inay hablaha qoloyinka isku sheega heerka sare sida Darod, Isaaq,Hawiye IWM ay ila soo xidhiidhi doonaan oo ay isku dayi doonaan inay dabacadayda iyo shaqsiyadayda fahmaan iyagoon igaga leexan qoladayda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahiima

Sunday, February 04, 2001 - 12:34 pm
walaalkiis waa ku salaamay salaan kadib

waxaa ka hadleeysaa wiil somali ah lakiin ma ogtahay in gabdhaheeyna eey badankoodba eey ajaanib u bateen oo eey wada guursadeen amaba la noolyihiin oo xaaran lagu heestaa
walaalkiis waxaa iga talo ah in aadan niyada iska jabin ee aad qabiilada aad soo sheegtay oo dhan aad iskala weeynaataa hadii aad dabeecad fiicantahay waad heleeysaa gabar somali oo kurabta kulana qeeybsata nolosha
walaalkiis ogow in aad ka qiima badan tahay kunjeer jareerta iyo cadaanka gabdhaheeyna xaaranta ku heesta
ma ogtahay maanta hadii aad gabar somali ah aad hesho oo aad cideeda wacdaan somaliya joogta eey ku tiraahdo gabadha cideeda hooyo ama aabe nin somali ah ayaan keensaday in aan la weeydiinayn qabiilkiisa ama cida uu u dhashay walaalkiis qeeyr aan kuu rajeeynaa bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 04:51 am
Fahiima,
sallaan ka dib,
Si fiican ayaad u hadashay laakiin waxaan is raacsiisay jareer iyo cadaan waxaanse is weydiinayaa cadaanka waaba la kasay oo waadix waaye (What about the Jareer)?
ma waxaad oogala jeeddaa wax walba oo maddoow marka laga soo reebo Bilista soomaaliya mise waxaad oogala jeeddaa wax kale,
waxaanse ku dhihi lahaa maadaama aad ka hadleysay sida ay wax isu badaleen waqtiyadaan dambe in aad adeegsato kalmad kale oo taas ka macaan badan kana islaweynidyar soomaali ahaan.
aniga lafteydana waxaan ahay jareer oo Soomaali ah waxaana qabaa dhibaatada uu qabo saaxiibkeygaas lagu wareeriyay Boon iyo hadalo kale oo aan raad laheyn,
waxaase fiican in qofka lagu qiimeeyo ama loo qabto wuxuu yahay asaga oo aan la fiirin nooca midabkiisa uu yahay ama asalkiisa uu yahay,
maadaama aan muslimiin nahay waxeey ka mid tahay asbaabaha loo soo diray rasuulka (SCW) in uu baabi'iyo is cunsuriyeynta dhinaca cadaanka iyo madawga iyo kala sareynta qabiilka koleey anaga waa wada madaw nahay oo keena kan kale in uu ka ifo ayaa laga yaabaa laakiin taas cidana cadaan ka dhigi meyso ee waxaa wannaagsannaan laheyd in aan is qadarino oo aan mustaqbalka noqono markey ugu yar tahay dad afkooda iska amaan helo.
sidas iyo nabadgelyo.

Thank yo'all,
Amiin sheikh ali Amiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yusuf

Monday, February 05, 2001 - 07:41 am
Asalamu caleykum Walaalaha Soomaaliyeed!!!

In badan ayaan ku raac sanahay walaasheen Fahiima marka laga reebo inta uu sheegay walaalkeen Amiin Sheikh waxaa laga yaabaa inay ula jeeday Gaalada madow iyo kuwa cadaanka ah ee haddaba isu dhimriya isuna cudurdaara intaas ayaan idinkula talin lahaa. Dhinaca kale Mr. Guurdoon wuu saxan yahay waana dhibaata jirta waxa uu sheegayo, ee haddaba hablaha soomaaliyeedow fadlan ninkan walaalkeen ah wax la qabta haddii aad awoodaan idinkoo aanan u fiirineyn dhinaca qabiilka " Ogaadana Soomaliyeey Qabiilka ilaahey uguma tala gelin sida Soomalida u isticmaasho".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 09:34 am
Saaxiib ninkii njanada laga waayo ayaa midgaan ah ee la soco sidaas.
Baaay:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qanyare

Monday, February 05, 2001 - 01:33 pm
Aryaa aamusa dameeraha xamar laydin saarye.

Gabaraa nin lafakaday halkan aan joogo ari xaa kadhacay guutooy guuto wareen, reerihii aa isku soo dareeray
ar ma somalidaasaa cunsuri laga wayaa
deris xaa ila ha koo oo beeja qab ah gobar say u egtahay yaabi uun qaba oo somaliyad ah, ari xaa kaa looga dhicin waayey maalin kasta sodohii aa shaaha la cabtee ma lacaguu haystaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Tuesday, February 06, 2001 - 04:59 am
Sallaan ka dib,

waxaan jeclaan lahaa in ay dhalinyarada waxgaradka ah Gabdho iyo wiilalba ka digtoonaa daan waxyaabaha la xirriira dhinaca cunsurinimada waxaa laga yaabaa meel aanad ka maleysaneynin in ay kaa soo gasho islamarkaasna ku seeg siiso adduunyaddaada iyo mid aaqiraba illeyn labadaba waxba uma tartee, sida ay dad badani sheegayaan kala faanfaanka soomaaliya wuu jirri jiray haddana weli wuu jirraa waxaa laga yaabbaa qof aad derris tihiin wax walba aad waddaagtaan ku yaqaano in aad isku meel ku wada dhalateen,waalidkagana yaqaano haddii ay dhacdo in ay gabadhiisa qadkaaga soo gasho yacni ay kaa hesho ama aad iska heshaan isla markaasna damacdid in aad guursato wuxuu kula imaanayaa arrin kale iyo haddal kale oo ay ka mid yihiin isma guursano ama isma geysiin gabadheyda maxaa yeelay ayada waa YYYYYY adigana waxaa tahay XXXXXX , iyo waxyaabo kale oo sheegaya in la kala fiican yahay,
haddaba waxaa aniga qabaa qofka in uu iska raadsado gof runtii uu intaas kala kulmeynin illeyn guurka CONTRACT ma aha oo maalmo la wada joogayo, dhinaca kalena waxaa wannaagsan in dadka ay ka wada dhaadhacsannaato in uu midna midka kale ka sareynin illaa TAQWO dhinaca Illaahey ah iyo Karti shaqsinimo oo ayadana mar mar dhalineyso qofka in uu qofka kale ka yara fiicnado tasna micnaheeda ma aha qofkaas in uu Special yahay,
NO HARD FEELINGS AT ALL, IT'S JUST MY POINT OF VIEW,AND I DON'T MEAN ALL OF THIS IN A WRONG WAY,JUST TO LET YOU KNOW HOW HARD IT'S TO BE A SOMALIAN-MINORITY AS THEY SAY,

PEACE AND WITH ALL RESPECT FOR YO'ALL,
AMIIN SHEIKH ALI AMIIN,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 06, 2001 - 11:17 am
waad salaaman tahay marka ugu horeeysa aad iyo aad ayaana kuugu hanbalyeeynayaa sida wanaagsan eed isu soo shaacbixisay adiga oo sheeganaya qabiilkaaga balse waxaan ku weeydiiyay marka aad leedahay gabar somaliyeed adigu miyaadan somali ahaayn waxaa la rabay in aad tiraahdo kuwa nasabaka isku sheega laakiin weey kaa hoos baxday ayaan filayaa
yasitaankan waa wax mudo dheer soo jiray sida looga talansulaana aay adag tahay laakiin soo lagama yaabo hadii uu wadankeena ka dhacdo dimoqoraadiyad lana sameeyo dadyoow u dooda kana soo horjeeda yasida dadka midgaha tumaalada yibirta kana dhaadhicya dadka in aay ka talan sulaan boqolaal sanadood ka hor waxii la yiri baqtibay cuneen hadey doontaba been ah mid weey og yahiin dadyoowga qabiilada kale isku sheega in ay midgahu ka qurux badan yahiin
guurdoonow waxaan kuu sheegayaa in maanta aad heli kartid gabadhaad doonto lacagmahayaa ma qurxoon tacliin maleeyahay yahay ayeey ka cayaaraan gabdhaha waqtiyadan danbe
ha ka walwalin waad heli gabadhaad doonto

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 06, 2001 - 11:22 am
From Rocket
To Famiha

Runta banaanka soo dhig adi diyaar ma tahay? Gabdhaha soomalida oo dhan waa kula mide. Mise af ka hadal lee wadaa, otherwise all of u are racist, all somalians, are racist including me. Hadal macaan oo bushimaha kaliya ku sugan waa nalagu yaqaan iyo quluub hoosta ka bukta. Waxaan waxa abuuray dad hore oo jiro iyo nacayb ka gaaray heer, marka way socon. Anaga kaliya bay nagu kooban tahay,oo lama aadi karno dadka kale ee aduunka. Runwaaye, dumarka soomalida way raacaan nimanka xun oo taarik salaadyada ah soomaliba ha ahaadeene ,madow iyo kuwa cadaanka oo gaalada ah, yaa ka nasabnimo xun gaal ilaah ku kufriyey? Marka Dumarow iyo Raggow runta ha la isku sheego aana cirib tirno caadada xun ee ay sameeyeen dadkii juhulada ahaa. taka care

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hawo adey

Tuesday, February 06, 2001 - 08:09 pm
Umaleyn maayo nin midgaan ah in ey gaber nasab ah robto dhaqan ahaan, qof weliba markuu runta sheego
marabo wax dhibaato kasoogareyso ama ehelkoodu ku nacaayo gaber heleysa will ina adeerkeed ah marabto masheegin mid si kale u qariban oo cid weydey dadkooduna eysaan rajo kaleheyn.


xaawo-cdey...........thank you and good luck.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Wednesday, February 07, 2001 - 02:29 am
Sallaan ka dib,
Waxaa laga yaabaa midka ay leedahay gabadha waa ina adeerkey in uu yahay nin dhinac walba ka liita, Diin iyo duunyaba, midka kalena uu Really ka yara karti fiican yahay kagana roon yahay dhinaca is dhowrida, marka maxeey tartay Guursiga aad guursatay ina addeerkaa haddii uusan waxba kuu gelin sida haddaba dhacda inta badan Furiinka
iyo (Single mother's)tiradaa ka batay,sababta ugu weyna waa guurka oo aan marka hore lagu dhisin wax masalguuran ah,
Aniga waxeey illa tahay si gabar walba ay u hesho qofka munaasabka ah in ay ku dhisto raadinta ay raadineyso ama ay aqbaleyso in uu qofkaas yahay qof la isku haleyn karo, Diintiisa iyo Duunyadiisana yaqaaano, lagana digtoonaado in lagu dhiso guurka qabiil ama ina adeer ee
lagu dhiso wax walba oo suurto gelinayo in labada
qofood, Is dhaawacin dhib iyo dharag wax walba oo ku dhacona is dhinac joogaan.


By: Amiin Sh, Amiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Wednesday, February 07, 2001 - 02:29 am
Sallaan ka dib,
Waxaa laga yaabaa midka ay leedahay gabadha waa ina adeerkey in uu yahay nin dhinac walba ka liita, Diin iyo duunyaba, midka kalena uu Really ka yara karti fiican yahay kagana roon yahay dhinaca is dhowrida, marka maxeey tartay Guursiga aad guursatay ina addeerkaa haddii uusan waxba kuu gelin sida haddaba dhacda inta badan Furiinka
iyo (Single mother's)tiradaa ka batay,sababta ugu weyna waa guurka oo aan marka hore lagu dhisin wax masalguuran ah,
Aniga waxeey illa tahay si gabar walba ay u hesho qofka munaasabka ah in ay ku dhisto raadinta ay raadineyso ama ay aqbaleyso in uu qofkaas yahay qof la isku haleyn karo, Diintiisa iyo Duunyadiisana yaqaaano, lagana digtoonaado in lagu dhiso guurka qabiil ama ina adeer ee
lagu dhiso wax walba oo suurto gelinayo in labada
qofood, Is dhaawacin dhib iyo dharag wax walba oo ku dhacona is dhinac joogaan.


By: Amiin Sh, Amiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamal

Wednesday, February 07, 2001 - 02:36 am
Xaawo Cadeeeey,

Forget about the Nasab,
Wax nasab la yiraahdo ma jiro oo lagu kala fiicnaado, Nasabka waa aqoonsi oo keliya
(Nothing more) ee sida oo Wallaalkeen Amiin sheegayo waa in laga fiirsado sida aan anaga u isticmaalno waxaan nasabka ku sheega ah SO called,
Wallaal (Amiin Keep the Good work,)
I think your making it as good conversation,

Peace and respect,
by jamal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIMCO

Wednesday, February 07, 2001 - 04:51 am
waan idiin sallaamay dhamaantiin,

Waxaa dhab ah dhamaantiin in aad runta sheegeysaan
kana hadleysaan dhabta, waxaanse idinku darsan lahaa arintaan ayada ah in aysan ku ekeen ragga oo keliya oo ay dumarka laftooda haysato,
waxaa laga yaabaa haddii aan u arko wiil ah dadka la daciifiyo in uu yahay qofka aan nolosheyda la qeybsan lahaa, Dadka aan ku dhexnoolahay ayaan runtii ii ogolaaneyn in aan qofkaas qaabilo, taas oo mar marka qaarkeed keeneysa in ay gabdhaha qarsadaan cillaaqaadka ay la leeyihiin wiilasha ka dhashay qabiilada gardaradda lagu liido,
marka waa arrin aad u fool xun oo aan rajeyneyno in ay mustaqbalka ku dadaadlo sidii aan u cirib jarri lahayn maxaa yeelay dhamaanteen aadam ayaan ka soo abuuranay, aadanna carro ayaa laga abuuray,
sidaas awgeed qof qof kale ka nasab wanaagsan ma jiro laakiin qof nasab kale ka dhashay wuu jiraa nasabkana ma tilmaamayo in uu nasab kale ka fiican yahay qofkii qof kale ka fiicanna Illaahey ayaa yaqaano,In aad qof kale oo Muslim ah Xaqirto ama aad wax aan waxba aheyn ka dhigtana waxeey ka mid tahay wax yaabaha ka dhiga qofkaas qofka ugu Islaamnimo xun,

BY THE WAY, THE WHO CALLED HIMSELF AMIIN SH AMIIN,
WHATEVER YOU ARE I THINK YOUR IMPRESSIVE,

PEACE, NIMCO,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaled

Friday, February 09, 2001 - 12:50 pm
Asalaamu calaykum.

Runtii walaalkeena somaliyeed ee mowduucan
inoo furay ,wax jawaab rasmi ah siiyey ma jiraan
waxaa inoo cad in uu yahay shaqsi wanaagsan
hadana guur doon ah ,waxaase la yaab leh
gabar walba ulajeedada way dhinac mareysaa
oo gabar dhahday anigaa kugu qaadanayo
maadaama aad somali tahay ma jirto.

ee halaga run sheegu uurka waxa ku jira
oo tacsiyada iska daaya..
guud luck walaal hadii ay hablaha somaliyeed
ay iskala weyniisiyaan oo ayaguba gaala madow
iyo cadaan hoosta ka galey, walaalkiis waxaad
helaysaa hablo ku ixtiraamaya raganimadaadana
rumeysan oo muslim, cadaan, carab ,iyo midow,
intaba leh . heerka aad taagan tahayna
ha iska hoos marin .Daarood iyo Hawiye ,Dir iyo
Isaaq,intaba waad ka sareen hadii shaqsiyadaada
wanaagsan tahay.
khaled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSAL

Saturday, February 10, 2001 - 02:19 am
SALAMU CALAYKUM
WAXAAN U QUSHUUCAY DADKA MAWDUUCAN KA HADLAY OO U MUUQDA DAD MUXTARAM AH SI WANAAGSAN OO MASKAXAYSANA WAX ISKU WAYDAARSANAYA.

WAXAAN INTAA KU DARI LAHAA RUNBAAD KU SHEEGTEEN INUU MIDGAAN YAHAY QOFKII AKHLAAQAD XUN DAD BADAN OO MIDGO AH AYAAN LA SOO DHAQMAY WAXAYNA KA DHAQAN IYO AKHLAAQADBA BADAN YIHIIN SOOMAALIDA INTOODA BADAN .
WAXAASE RUNTU TAHAY QOFKA DUMAR AH AMA NIN AH EE KA GUURSADA QABIILKAA INUU UGU TALO GALO INUUNAN KU NOOLAAN SOOMALI DHEXDEED WAAYO ISAGU HADUU KA NABAD GALO CARUURTIISAAN KA NABAD GALAYN.

WAAYSE IS BADALI DOONTAA INAAN ARKAANAN DOONAYAA MAALIN MAALMAHA KA MIDA SOOMALI OO DHAQAN XUMADAA ISKA DAYSAY .

YOUR BROTHER IN ISLAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nimco

Saturday, February 10, 2001 - 04:42 am
salaama all somaaliyians.
walaal midgaan waxaa ah qofkii rabi caasiya ee cadaabka ku waara fikrad ahaanteyda balse dhaqan baa jira aan leenahey hadaan soomaali nahey midgaha iyo nasabku isma guursadaan..waa wax hirgaley..runtii waan ka xumaadaa dad islaama ee lagu yasi waa baa awoowgood baqti cuney oo waa midgaan.hada ka hor baan waxaan arkey wiil midgaana qurux badan phd heysta daweecad wanaagsan gabadhii uu caawa barto waxey u arkeysaa mid rabi u dhameeyey dhan walb ok one week baa loo sheegi in ninkan uu midgaan yahey wey ka carari wuxuu noqdey moral la,aan.marka dadkaas wey dhiban yihiin oo aan baa loo cunsuriyee soomaaliyeey sidaaaaas oo tahey anigu iskuma biimeeyeen waa mida koobaadee nin midgaanaa cidaana ima salaanteen waabey iga faani lahaayeen tan labaad cunugeyga midgaan soo lama dhaheen oo asagoo ooyaya iima imaadeen maalin walba runtii yaaaaa taas ku noolaan kara.

guurdoon waxaa dhacda in mudo ka dib la idin ogolaado in dadka aad soo dhexgashaan ee iska dulqaado,hadana tu reerihiina ah iska guurso waxba nasab ha isku mashquulin.cafis wixii denbiyee iga dhacey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahiima

Sunday, February 11, 2001 - 12:30 pm
asalamu caleeykum walaalayaal
aniga habaryarteey oo hooyadeey la dhalatay waxaa qabo dadka lagu sheego midgaan ama nasabdhiman mana yasno mana iskala weeynin waana walaaladeey waxeeyna ku nool yihiin somaliya marka haduu familkaada kula duuban yahay waxba kaama ba,ayaan


khalid walaalkiis hadii aan ahaan lahaay gabar amaba firaaqo wax waan la qaban lahaay walaalkeey lakiin waxaan ahay xaas laba caruura lehwaana ka xumahay ilaa hada uma jeeda gabar dhiniciisa u soo jeeda lakiin dhib maleh ilaah ayaa u sahli doona


amiin
walaalkiis jareerta waxaan ula jeeda kuna tilmaamaa kuwa gaalada ah ama ajanabiga naga ah oo aan somali u dhalan qof somali ah oo gabar somaliyeed qabtana ama la socotana qabiilna kuma tilmaamayo ee waxaan ka waday gaalada madoowga ah

nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali j

Monday, February 12, 2001 - 10:57 am
first saxib beenlow baad tahay qabiilkaasna ma tihid waayo hadii aad tahat ma dhahdeen midgaan ee waxaad dhihi lahayd madhibaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samad2604

Thursday, February 22, 2001 - 04:51 pm
waad salaamantihiin
bal marka hore aan wax ka soo taabto
waxaa aan leenahey dhaqan waxaa aanan u noqoneynaa dhul iyo dad weli aaminsan figradihii hore ,waana wax jira midgaan iyo nasab marka aan eegno xaga soomaalinimada waana wax ey aaminsanyihiin waalidadayada marka aan runta ka wada hadalnana waa arin naga weyn oo boqolaalsano soo jirtey mana aha wax aan hada tirtirikarno marka dadka ku doodaya iney tahey arin qalad ah waad la socotiin in eysan qalad anaga nagu aheyn ee ey tahey arin si aad ah nooga weyn oo nooga awood badan marka mr guurdoon waxaa aan kula talin lahaa inuusan waqtiga isaga qaadin raadin gabar nasab ah oo uu iska raadsado gabadhii isaga ogolaan laheyd waayo arintan waa arin 1000 sano naga weyn wixii sanad kaa weyn sanad aqli ah eyey ku dheeryihiin taas oo aan ku soo xirayo
arintan kun sano oo aqli ah ayaa ey naga weyntahey marka waxba ha u tacsiyeynina mr guurdoon ee bidhaantaadu ha dheeraato.........

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.