site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

YAA KEENA FURIINKA! RAGGA MISE DUMARKA????

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : YAA KEENA FURIINKA! RAGGA MISE DUMARKA????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUUX

Sunday, February 04, 2001 - 04:30 pm
Asalamu alykum dhalinyaro gabdho iyo wiilalba
Waa suáal aan soo dhaxdhigayo dhammaan ummada somliyeed rag iyo dumarbana way u farun tahay inay raýigooda ka dhiibtaan.
Hadii aan bilaabo aniga Nuux ayaan waxaan is waydiinayaa maxay tahay waxyaabah ugu badan ee iska horkeena qoyska dhisan
1)dhaqaale
2)masayr
3)qorshe xumo
siday aniga ila tahay 75%waxa kalifa in qoysku burburo ragga 25% dumarka ayaa keena.
Aragtideydu waa qaldanaan kartaa waana mid ka tarjumaysa qurbaha europe iyo america(kaliya)
Saaxiib maxay adiga kula tahay.
NB:fadlan gabdhaha iyo wiilashaba aan si cilmiyaysan ukala faaiidaysano wixii cay ahna way reeban yihiin
M?SANIDIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shakuur

Sunday, February 04, 2001 - 04:47 pm
TO:NUUX
Asalamu calaykum Nuux
Saaxiib waa arin loo baahanaa in laga wada hadlo aniguse waxaan aaminsanahay in naaguhu keenaan
Sedaxdan qodob eed sheegtana waxaa ka muhiimsan tixgalinta ay isku leeyihiin ninka iyo naagta isqaba,taana badanaa ma fahamsana naagaha somaliyeed.
100% furiinka waxa keena naagaha oo raga ula dhaqma sidii inay cadaab ku jireen markii lajoogay somaliya aadna moodo inay aargoosanayaan
wasalamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Sunday, February 04, 2001 - 05:13 pm
shakuur aboowe dumarka oo dhan nimankooda saas ulama dhaqmaan. laakiin aniga arigtidayda waxaan aaminsanahay north america hadaan ka hadlo inuu dhaqaalo keeno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHABIIR

Sunday, February 04, 2001 - 06:16 pm
Assalamucalykum
Marka hore Waxaan odhan Walaalkay Nuux iyo dhamaan teen waligaa ma iswaydiisay macnaha guurka iyo siday soomaalidu isku guursato mise iswaydiisay sida loo dhaqo ama loo dhiso reer?
Habda waxaan Jeclaan lahaa inaan wax yar ka idhaahdo macnaha guurka, Sidaan hore u sheegay su'aasha hore waxan filyaa inaynaan waligeen iswaydiin marka lays guursanayo ee laysku guursado labo mid kood A: Wiilka oo Ka hela gabadha Cadaankeeda ama midabkeeda kadibana reerka uu ka dhashay ama waalidkiisa uun u dira oo sidaa laysku guursado hadhow marka aqalka layskugu yimaadan midwalba intiisa xun soo saara oo shiki iyo is aaminaad la'aani halkaas ka bilaabanto,B Dhaqaale iyo Baahi jirta oo laysku guursado kadib marka waxoo gaa lawada jiro ee dhaqaalahii dhamaado uun dub layskugu soo jeesto ama gadaal uun layskugu soo noqdo halkaasna reerku ku burburo.

Hadaba Aniga waxaan aaminsanahay marka ugu horeysa waa inay wiilka iyo gabadhu wada sheekaystaan macnaha waa in layswaydiiyo sida uu wiilku rabo inuu reerkiisu ku noolaado agabdhuna ay sheegato sida ay jeceshahay inay reer keeda ku wadato kadib laga wada hadlo iyada oo aan been iyo khiyaamo laysku sheegin ee xaga Alle daraadii laysku aamino qof kastaana sheego wixii uu garaadkisa iyo awoodiisa ku jira ama uu qaadi karo inta lawada jiro ama lays qabo.

Kadib waa in la qoraa oo ay noqdaan shariciyo meel lagu qoray oo wiilkuna gaar u haysto gabadhuna sidoo kale, Hadii lagu heshiiyo waxaan filayaa ianyna reer kaasi waligood xumaan ama kala shiki dhex galayn oo ay meel uga soowada jeedsanayaan arimahooda.

Hadaba aniga oon ahayn nin khabiira laakiin waxaan in mudo ah baadhaayay sida soomaalid isku guursato marka hore ee ah funy ama ciyaar ciyaara kadib markay runtu timaadana layska hor yimaado oo midba midka kale khiyaameeyo oo ay noqoto arin oo dhami I JIID AAN KU JIIDEE WAA GACMO DAALIS hadaba aniga oon jeclayn inaan mar qudha wada sheego sidaan u arko xaalada waxaan u dhaafi dadweynaha intiisa kale siday iyagana latahay kadib gadaal baan kaga soo noqon sidaa iyo sheeko sii socon doonta uu laga hadalyo guurka iyo soomaalidu siday siku guursadaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 09:09 am
WAXAA KEENA FURNIINKA 100% Dumarka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 09:31 am
War waa dumarka ee hana waalin adba waad ogtahaye;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nuux

Monday, February 05, 2001 - 05:48 pm
TO:dhamaan inta dhiibatay raýigooda
A/V:Khabiir
Ugu horayntii waad m/san tihiin dhalinyaro
Khabiir waxaad tahay sida magacaada ku cad nin leh khibrad xaga guurka iyo dhaqanka somalida,waxaan rajaynayaa marka xigta adigoon ka bixin mowduuca inaad aragtidaada aan ogaano kadib faalada sida ay ku timaado iyo cida masuulka ka ah.
TO:shakuur
ok waa raýi fiican,in gabdhuhu aysan aqoon sida loo dhaqo rerkoda.
Laakiin nuux ahaan wali waxaan taaganahay in raggu yahay masuulka koobaad ee keena kala tagida
waxaan sugnaa waa aragtidiina wiilal iyo gabdhaba.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 05, 2001 - 07:55 pm
From
Rocket
Waar dumarka baa keena iyo Rag waalan oo khayru mas'uul ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Monday, February 05, 2001 - 10:18 pm
To:all

waan idin salaamay dhamaantiin , su'aashana ma aha mid one solution leh, laakiin commonly anigu waxaan qabaa inuu keeno sababahan oon rag iyo dumarba loo simanyahay
1- waa amar alle iyo wuxuu qoray.
2-ka fiirsasho la'aan markii hore iyo jacayl aan laabta sii jirin ama guurka oo la fudud dadka.
3-interest, gabadha ama wiilka oo dan gooni ah midkood leeyahay.esp- north america iyo europe.
4-ragga iyo dumarka oo doonaya inay u ku dhaqmaan labo dhaqan(somali and westren)
5-tartan ama competion ragga iyo dumarka ah. which is useless.
6-dul-qaad la'aan ama patient. samir ma jiro sheekadu waa muxuu iyiri iyo maxay iitiri.

and many more ....as i believe .

thanks to all and be aware this kind of attitude.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharmaarke

Tuesday, February 06, 2001 - 02:40 am
asallama calaykum

Walaalayaal doodan waa ku faraxsanahay maxaa yeeley waxaan ka mid ahay xaasleyda qurbaha kunool marka walaalayaal aniga waxay ila tahay inaan cidna la cambaarayn ee aan la iloobin inay arinta furiinka badan keentay ay mid tahay dhibaatooyinka faraha badan ee qurbaha inaga haysta marka waxaa aan ragga kula talin lahaa in ay xaasaskooda ay kas badaan oo gacan ku dhigaan maxaa yeelay dumarka waa masaakiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Tuesday, February 06, 2001 - 02:55 am
sharmaarke aboowe maxaad ula jeedaa masaakiiin. furiinka badankiisa waxaa keena raga soomliyeed oo ka soo bixi waayey kaalintoodii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maxamed

Tuesday, February 06, 2001 - 11:55 am
Maxamed
Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa. Nin horaa sidaa yiri: Waad salaaman tihiin dhamaantiin.
Aniga waxay ila tahay inuu furiinku ka yimaado labada dhinacba, aad badhkiin hore u tidhaahdeen. Laakiin dhamaanteen waxaad moodaa inaynaan fahmin qiimaha uu guurku leeyahay, oo ay inaga tahay waa la guursan jiree guurso. Wax walibana wuxuu leeyahay sees ama alkun laga bilaabo loogana gudbo marxalada ku xigta. Waxaa jira dhalinyaro badan oo u guursada abaayo waan kaa helay oo aboowe waan kaa helay. Aqoonta ay isku leeyihiina aad u yar tahay. Labada qofna waxaa fiican intayna is guursan ka baaraan dagaan mustaqbalka. Guurku sidaan ognahay ma aha wax si fudud aan u qaadan karno, aan dhamaanteen u aragno ka dibna ku danbeeya guri dumis. Guurku maaha meel aad ku hakanaysid mudo yar, waa meel aad rabtid inaad nolosha ku dhamaysatid. Soomaaliduna waxay tidhaa meesha lagu qoysto ayaa lagu qalajistaa. Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku gunaanado intaadan falin ka fiirso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQA

Tuesday, February 06, 2001 - 02:16 pm
MARKA HORE SALAAN DHAMAANTIIN
MARKA LABAAD HADAAN KA HADLO FURITAANKA ANIGA WAXAY ILA TAHAY IN AY DHIBAATADU LABADA DHINACA AY KA JIRTO HA U BADNAADEEN RAGUYE.TAASNA WAXAAN U LEEYAHAY HADAAD U FIIRSATID RAGU KAALINTOODII WAY GABEEN HADAAD EEGTID XAGA MASUULIYADA WAXAD MOODAA IN AAN XILBA SAARNAYN OO QOFKA DUMARI AY REERKA WADO DHINACKASTA HA AHAADEENE.TAANA WAXAA CADEENAYSA MARKAAD EEGTID DUMARKII IYO CIYAALKIIBA
WAYS DABA DHIGAYAN IYAGIINA MEELAHAS AYAY QAAD KU
CINAYAAN .QOFTII DUMRAHAANA MARKAY U ADKAYSAN WAYDU OO AY WAX KA TIRAAHDU WUXUU ODHANAYAA WAY KIBIRTAY OO DIBDANAABA UGA DARTAY.MIDAKALEE SABABTAA WAXA WEEYE LABADA QOF OO AAN IS AQOON OO
MIDWALBA IS LEEYAHAY ISKA GUURSO KA NIN AHI WUXUU
KU FAKARAYAA WAR MAAD MID ISKA GUURSATIDWAX SAASI KAAGA BIXIMAAYAANE XOOGAA DHARKIYO HA KUU MAYDHO WAXNA HAKUU KARISO HADAYDOONTO AYAAMBA HAKULA JOOGTO EE WALAAHI HALKAA GABAR AYAA LAGU SHEEGAY BAL AAN TAA LA HADLO MARKAA XAALKIISU WAA NAAG AY NAAG MA TAHAY MA JIRAN WAX DOOKH AMA RABITAAN
AH OO UU QOFTAA NIYAD AHAAN UU URABO EE WAA ISKA GUURSO. TA DUMARKA IYADU WAXAY IS LEEDAHAY AAD ISKA GUURSADIT ILEEN HADEER WAQDIGAAGII WAALA GAARAYEE KOLAAD CIYAAL UUN ISKA DHASHID AMA WAXAY
EEGAYSAA BARAA LAGU ORAN WALI WAY JOOGTAA EE MAR UUN HA LAYIRAAHDO HIBLA WAA LA GUURSADAY . TAASI WAA ANIGAFIKRADA AAN KA QABO FURIDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAHMA

Tuesday, February 06, 2001 - 06:48 pm
TO;RAGGA SOMALIYEED
WAXAAN KA XUMAHAY INAANAN BADANAA AQRISAN MOWDUCYADAAN LAAKIIN CAAWA AYAAN ARKAY MID I ANFACA M/SANID NINKII CURIYOW.
200% WAXAA KEENA RAGGA ,DEQA INTA AY SHEEGATAY WAXAAN KU DARAYAA INAY XITAA GABEEN SARIIRTII OO AYSAN QANCIN KARIN XAASASKOODII SABABTUNA TAHAY QAADKA AY CUNAYAAN QAARBAA YIRAA XITAA ANIGU LABA NAAG AYAAN QABAA WAA DHAB OO WALIBA WAXAD JECESHIHIIN MIDAN FUDAYDKA LEH EE AAN HADLAYN WAA QAADKEE!WAR RAGGOW SI UUN ISYEELA.
ANIGA RAHMA AHAAN WAXAAN NIN U AQAAN NINKA SOMALIYEED OO YIRAA WAA BEEN,SUAAL KALE IMISA AYAAN CUNIN QAADKA RAGA SOMALIYEDD WAA 0.001%
HAWEENKU WAA INAY LA DAGAALAMAAN QAADKA WAANA INAANAN LAGUURSAN OO SHURUUDAHA GUURKA LAGA DHIGO INUUSAN NINKU CUNIN JAAD.
W/CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUUX

Tuesday, February 06, 2001 - 06:52 pm
to:Wiilasha
Balaayaa nahaysatee bal u jawaaba Rahma
Maxaan mowduucan u keenayna waan iswaydiiyey markii aan akhriyey firkada Rahma.

Allaha na waafajiyo sida wanagsan Rahmana haloo jawaabo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qani

Wednesday, February 07, 2001 - 04:16 am
marka waad salaamtiin .ka dib waa fikrad aad u fiican .hadii aan ka hadlo furitaan waa dhibaato ka timaada labad dhinacba ha u sii badnaadan raga . lakiin [rahma ] waan diiday fikrada ay tidhi kuma fiicana xaga sariirta anigu waxaan aminsan ahay [gabadha somaliyeed ]hadii wax loo doonto in ayna ku raali galin karin ood moodo in adigu oo kaliya aad wax u bahantahay taas ayaan u sheegayaa rahma .anoo sii wata sheekaydayii rahma . hadii aad ka war haysid dumarka kalee een ahayn somalida iyada ayaa khaati laga taagan yahay lakiin mushkiladu ininka maaha ee waa islaama idin dhwaacay ee idinka reebay qarkiin hadii aad jeceshay in aan ka siiyo tafaasiil waxaad igla soo xidhiiidhi kartaa emailkan qani77@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 07, 2001 - 06:06 am
(NIMCO)

Aniga nomco ahaan markaan fikradeeyda ka dhiibto waxaan is leeyhay in aay raga sabab u yahiin kala taga inkasta ooy jiraan naago iyagaba sababa kala taga hadana raga ayaa ka badan
waxyaaba furitaanka keena waxaa kamid ah ninka iyo naagta oon mudo dheer is aqoon inkastoo ay aqoonta shukaansiga iyo guurka aay laba kala tahay waayo ninka waxuu ku tusinayaa inta wanaagiisa isagoo xumantiisii oo dhana qarinaya isla markiiba iyadoo labo sano la is qabo sadex caruur ah la dhalo kadibna ay ninkii iyo naagtiiba waqti isu waayaan
ninkii oo marwalba maqan haba maqnaadee aan shaqo ugu maqneeyn ee ugu maqan turub iyo meelo lagu kulmo oo qabiilada lagu caayo iyo isagoo haba yaraatee nagtii aan ilmahii iyo gurigii caawinaayn
isla markaana uu shilinkii gacanteeta ka ilaaliyay
isagoo aaminsan hadeey lacag hesho weey kuugu ilbixi
nimankeena somalida oo hadal qalafsan qaarkooda ay naagaha dilaan amaba caayaan waxeeyna jecelyahiin in aay naagta gumeeystaan oyagoo aaminsan naag maxeey tahay hadeey is waasho habartan ma waxaan wenayaa gabar ina adertay oo 16 sano jirta maxaa iga galay sadexda sano ugu horeysa inteyna igu ilbixin ayaan ka noolaan oon waliba ku rari sadex ma afar caruur ah kadibna cid wax ku faleeysa ma jirto
naagahiina waxeey xal moodeen furitaanka waana duruuf oo xal kale ma jiro intaad isla hadli lahaayd ood waalan laheeyd imisaa waashay intay raga u samrayeen
Ragoow hadaad dhibka joojisaan dumarku waxeey kajecelyahiin in aay gurigooda dhisnaado

Aniga oo NIMCO ah waataas fikradeeydii

mahadsanid Nuux fikradaadu aad ayeey u wanaagsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caasha

Wednesday, February 07, 2001 - 06:15 am
gruwidjs

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasan

Wednesday, February 07, 2001 - 09:33 am
asalaamu calaykum; waan ku faraxsanahay dhallinyaro inaan marlabaad halkan ku kulano gaar ahaan nuux iyo yaasmiin oo hadda sii gaabsanaysa,waxaan qabaa haddaan lamadax adaygin oo aan qofkeenna khalad qof kale difaacin inaan doodahan wax badan ku kala faa'iidaysan karno aana xaaladaha qaar kamida waxka beddeli karno,intaa kaddib suurad dhan oo quraanka kariimka ku jirta ayaa lagu magacaabay "dhalaaq"ama furriinka s/daraaddeed waxaad arkaysaa inuu furiinku yahay shay shareecada islaanka meelka jooga ujeeddada loo sameeyey ay tahay inuu noqdo xalka ugu dambeeya marka lasoo maro dhammaan qodobadii loogu talagalay inlasoo maro, waxaan filayaa inaanan u baahnayn inaan faaf-faahiyo arrimahaas maaddaama aanan booskeedii joogin.figrad ahaan waxbadan kuma diidani gabdhaha inta xaqiiqda u dhow inkasta oo ay jiraan gabdho badan oo sababa furriinka haddana raggu ninku waa qofka keliya ee gacanta ku haya furriinka loona baahan yahay inuu arrinmo badan tanaasulaad kasmeeyo haddii kale fashilka ayaa soo deg-degaya,ma'awoodo inaan dhammaystiro oo wakhtigii ayaa igu dhacay ee sidaa iyo aqoon iswaydaarsi wanaagsan walaalkiin xasan yare oo idin leh asalaanu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUUX

Wednesday, February 07, 2001 - 02:46 pm
TO:rahmo
waxaan filayaa inaad heshay jawaab ku qancisa waliba email haddii aad ubahan tahay tafasill badan
Xasan waa m/san tahay laakiin anigaiyo yasmin halkan wax dhibato ah naguma kala haysato waa inoo iyo xageenii yasmin(saa maahoo yaska)
dhalinyaroy waa inaan dadaalnaa gabdhahana aan ka kasbanaa xushmad iyo qadarin gabadhii tiraah sedexdayda isiina yaan lasiin ee maxaan kuu qabtaa abayo hala yiraah,waxay tabanaysana halaga daayo sidoo kale gabdhaha yaysan dumin gabar gurigeedii soo dumisay gurigaada yeysana kuu horseedin dhibaato aan ku haysan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHABIIR

Wednesday, February 07, 2001 - 03:07 pm
Assalamucalykum

Waxaan markale ku faraxsanahay inaan meeshan ku suu laabto taas oo walaalahay soomaaliyeed rag iyo dumar ama wiilal iyo gabdhoba meelo badan fikirka ka abaaren ama ka tilaam meen ama ka sanqadhiyeen laakiin waxaa fiican in u qofku is-waydiiyo horta maxaa meesha laga hadlayaa ma is furbaa mise waa sida labada qof isku guursadaan run ahaantii aniga fikradaydu waxay ka hadlaysay guurka iyo sida soomaalidu isku guursato.

Dadka badidiisuna waxa uu ka hadlaayay furniinka soomaaliduna waxay ku maah maahdaa "CAANO DAATAY DABO LAQABTO MALAHA", waxaan filayaa in dadbadani fahmi karaan u jeedada aan ka leeyahay maah maahdaas.

Hadaba Hadaan u soo laabto oon halkii kasii wado sida uu walaal kay nuux isoo waydiiyay waxaan ku soo koobi sidan soo socota.

Kadib marka laqoro lagana dhigo waxii laysku waafaqay sharci ama xeer waxaan filayaa in ay adkaan sida lagu burburiyo marka waliba loo adeegsado dhinaca Diinta Islaamka waayo waa wax aad u muhiim ah in labada qof marka ay is guur sanayaan uu mid waliba kani kale runta u sheego wixii awoodiisa ah ama karaankiisa ahna uu sheego taasi waa dhinaca bilowga hore.

Dhanka kale waxaa aad u muhiim ah oon soomaalidu inta badan ka fiirsan waalidiinta dhashay labada qof ee is guursanaya taas macnaheedu waxa weeyi waalidkastaa wuxuu jecel yahay in ilmahiisa uu ahaado mid fiican oo guur fiican haysto laakiin marka labada qof ee isguur sadaan bay talo faraha ka baxdaa ama wiilka baa reer koodii gooya sida dhacda inta badan ama gabadha uun baa sidaa oo kale samaysa mudo yar kadib waxaa dhacda in reer kii uu is furo waayo midkastaba dhinac baa waxaa ka haysta culays farabadan uuna rabo inuu iska dul qaado.

Hadaba waxay tahay su'aashayda aan maantana idiinku dhaafayaa dhib intee leeg bay ku leeyihiin burburka reerka waalidiinta dhashay labada qof ee isguursanaya ama culays intee leeg bay saari karaan in uu reer kaasi bur-buro?
sidaa iyo markale oon isku soo laabano hana laga run-sheego qofku waxa uu qorayaayo yaanan dhinacna loo eexan ama loo iilan waayo taasi waxay keeni inaad dhinaca kale uun ceebta saarto hadab anoon jeclayn inaan cid canbaareeyo walaalahayga soomaaliyeed ha fiiriyeen sida xaqiiqada ah hana ka run sheegeen waxay aaminsan yihiin oo dhab ah sidaa iyo sheekada oon markale dhinac kale ka eego
waa Mr Khabiir oo idin leh sheeko gaaban oo sii socon doonta.

Wasalaamucalykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Wednesday, February 07, 2001 - 03:26 pm
uma malaynayo waalidka soomalida inay wax ku darsadaan wiilkooda/gabadhooda dibada dagan xataa haday la joogaan waxay isku dayaan inuusan furiin dhicin. xoog ma saari karaan sababtoo ah labada is qabta hadaysan heshiis ahayn ma wada noolaan karaan. sidaas aawadeed waalidka awood kuma laha guurka ilmahooda qurbaha jooga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Friday, February 09, 2001 - 02:44 am
TO QANI
anigu raxma ayaan ku racsanahay in ay raga soomaaliyeed sareerta aysan ku fiicnayan hadaan
faahfaahiyo anigu waxaan arakay rag badan oo aan meel wada daganahay ama aan xaasaskooda aqaano
oo qolal gaar ah leh iyana eey qol dagan tahay
isna qol waana lays qabaa hadaan waydiiyeyna
waxay iigu jawaabeen ciyaalka ayaa dhibaya taas
ayaa ku kaliftay laakiin waxaan u arkaa taas in uu daafad u hayn naagtaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, February 10, 2001 - 03:27 pm
anigoo nuuRAAH WAXAAN UMAHAD CELINAYAA WIILKA FIKRADA NOOBILAABAY.
WAXAY ANIGA ILATAHAY WALAALAHA SOOMAALIYEED RAG IYO HAWEENBA GUURKU WAA ARIN MIHIIMAH
WUXUUNA UBAAHAN YAHAY FIIRSASHO IYO ARAGTI DHEERAADA MARKA LAISGUURSANAYO.
MARKA GURIGA AY KUSOOKORAYAAN MAHAYSTAAN FIKRAD AMA AQOON AMA MAQALO BADAN OOKUSAABSAN SIDA XIRIIRKA GUURKA IYO WAQTIGOO LADGEEREEYO
WAXAY ARKI KARAAN IYADOO GUURKA DHAQSADA AH LAGU FARXAYO IYO HABEENKAAS LAAKIIN WAXAY ILA TAHAY WAA
WAAYO ARGNIMO KAMAQAN DHALIN YARADA MARKAY ISGUURSANAYAAN
WAXAY ILATAHAY DHINAC WALBA DAD DIB UGU NOQON LAHAA HADAY HELAYAAN TAASI WAAGUURKA
AAN KALEEYAHAY RAYADAYDA

TA FURIDA :
WAA MID DHAAWACAYSA QOYSKA IYO BULSHADA IYO WALIBA DHALINTA YAR YARKA AH ANIGOO HOOYA AH WAXAY IILA MUUQATAA IYADOO WAXBADAN QOFTA DUMARKA AH NAFTEEDA ILAWSIINAYSA IYADOO FIIRINAYSA ILMAHEEDA AYNA JECESHAHAY ILMAHEEDA INAY WAX BADAN UHURTO OOWANAAGA IN JACAYL LAISKU GUURSADO MARKA HORE WAA MIHIIM LAAKIIN WAXAAN ANI QABAA HADII LAFULIYO WAAJIBKA ISLAAMIGA AH IYO KAN MUSHTAMACA HADANA UU YIMAADO ISXAQ DHAWR BADAN
INUU IMANAYO JACAYL AAN DHAMAANAYN ANOON DHINACNA UEEXANAYN WAXAY ILATAHAY INAY NIMANKU UNAXARIISTAN DUMARKOODA IYADOON OGNAHAY INAY GABDHUHU MARWALBA SIINAYAAN MIDKASIIBADAN TAAS.
DHIBAATADAY UDULQAADANAYAAN AMA AY XAMILAYAANA AYNA MARNABA XAMILAYN RAGU
WAXYAALAHAY GABDHAHA KALE WAXYAABOBADAN OOY KAHADLEEN INAY KARUNSHEEGEEN
SIDAA IYO KALA FAAIIDAYSI RAYI
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahiima

Sunday, February 11, 2001 - 01:01 pm
asaluma caleeykum dhamaan
walalayaal waxa aad shegeeysaan badankiinba waa run oo nin walbo waxa uu arkay ayuu sheegay lakiin sideey aniga ila tahay waxaa keena raga sababtoo ahkasoo qaad waxaa is barateen wiil waxaad ku heshiiseen guur waad is guursateen waxad dhashay caruur 2/3 guriga ayaad joogtaa 24 saacadood maalin walbo oo aad ku jirtaa cunigaan cunta sii kan wax u qabo asagii cunto u diyaari run ahaantii waad ku daleysaa guriga waxaana u baahan tahay adiga nafsadaada in aad banaanka u baxdo oo aad kala aragto in aad nooshahay iyo in kale oo ula jeedo in aad soo sheekaysato oo aad dadkale soo aragto halka mar oo aad weeydiisato hadii laguu diido kawaran in aad baxdo oo aad u sabarto 1000 jeer adiga iyo afarta darbi oo gurigana iska hor i mateen soow sabarkii ma dhamaanayo ileen guurka cadaab maahan oo cadaab sooma aanan doonanine asagiina markasto uu baxaa waxa uu rabana soo sameeyaa meeshuu doonana aadaa adigiina xabsi aa ku jirtaa oo marnaba kaama naxaayo oo kuma fasaxaayo ma dii deeysaa in aad xanaaqeeyso maalinteey naqataba oo sabarkii dhamaanaayowar ilaah halaga baqo ragoow oo nagihiina u naxariista waad isku baahantihiine

oo dumaroow adunkana ilaah ka baqa oo nimankiina u naxariista qeeylada badan iyo hadalka aad ku celineeysaan iska joojiya oo kadanbeeya nimankiinawaxba ma ba,ayaan markaase una naxa caruurta aad dhasheen oo hooyo la,aanta ladhigaayo ama aaba la,aanta aad dhigeeysaan oo xag ala isaga sabra

wabilaahi toowfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khabiir

Sunday, February 11, 2001 - 06:14 pm
Assalamucalykum
Waxaan Marka hore u mahad naqayaa dhamaan walaalahyga soomaliyeed ee meeshan fikradahooda isku dhaafsanaya rag iyo dumarba.

Marka xiga waxaan rabaa inaan ka idhaahdo waxaan u arko in wali ay dhalinyarada meeshan soogashaa aanay fahmin oo ah fahan waxa laga hadlaayo marka hore intaanad waxba qorin waayo waxay taasi kuu sahli inaad wax badan ogaato ujeedada meeshan laga leeyahay taas intaas hadaan kaga baxo.

Waxaan u soo laaban su'aashaydii ahayd waalidku lug maku leeyahay burburka reerka haa runtu waxay tahay in wax badan ay ka qayb qaataan waalidka soomaaliyeed burburka reer ka markaan sidaa leeyahay macaayayo waalika laakiin waa wax xaqiiqo ah oo lataaban karo soomaliduna kuma noola oo kaliya Yurub, North America, Australia iyo Bariga dhex ee waxay ku nooshay aduunka intiisa kale ha ugu horeyso wadankeenii waxaan sidaa u leeyay walaashay yasmiina ayaa waxay u qaadatay in soomalidu intaas aan soo sheegnay oo kaliya ku nool yihiin hadaba aniga oo tix galinaya walaashay hadalkeeda hadana marka qoomiyad laga waramayo dhaqankeeda waxaa la eega degaanka ay asal kasoo jeedaan ee maaha meelaha hadba xadaaradaha kale ka jiraan inaad fiiriso waayo waxaan filyaa dhalin yarada maanta sheeganaysa inay qurbaha ku ilbaxeen wali waxaa u dhiman wax badan waayo manaqaano ama maynaan fahmin nolosha dadkani ku nool yihiin siday u dhantahay aniga oon jeclayn inaan topiga ka baxo intaas waxaan ku dhaafi xaga kawaranka dhaqanka bulsho leedahay.

Hadaan u soo laabto sheekadaydii hore ee hayad waalidku in intee leeg buu ku leeyahay burburka reerka waxaan filayaa inaad xasuusataan marka labada qof is guursanayaan waxaa lasameeyaya sidaan hore u soo sheegay wiilka uun baa cadaanka ama hadal macaanideeda ka hela kadibna waalidkiisa uun baa u doona marka la isasoo horfadhiistana sheeka yar oo aan macno dheer lahayn oo ah waan ku jecelahay ee ma ijeceshahay uun baa meesha ka dhacda lamana yaqaano macnaha kadanbeeya intaas.

Taas waxay keentay burburka reerka waayo waalidku uma aabo yeelin sida labad qof isku dhaqi karaan xataa waxaa dhacda in aanay sheeko dheer oo midba midka kale ku ogaado dhaqankiisu inaysan dhicin taas oo uu masuuliyadeeda waalidiinta soomaaliyeed qaadan karaan waayo kamay fiirsan sida sheekadani ama arintani ku dhamaan waxayna soomalidu ku maah maahdaa "NIN AAAN KUU FURAYN YAANU KUU RARIN", waxaan filayaa dhalinyarta hada soo koraysaa macnaheeda inayna garan laakiin waxaan odhan lahaa haysku dayeen inay fahmaan waayo wabadan baad ka faa iidayan kartaa maah maahdaas aan kor ku soo sheegay.

Waxaan markaas maanta idinku dhaafayaa malabaray ama malagaaga sheekay waalikdaa sida reerka loo dhaqo iyo marka lays kuursado sida masuulnimadu tahay waligaa malagu baray gaar ahaan raga soomaaliyeed mana aha cay ee waa wax aan xaqiiqo ku garan karno?

Waxaan wax yar ka sheegi waxay masuuliyadu tahay waxaan aragnay intii miyaga taqaan baa garane nin ka layidhaa geel jire waxa uu inta badan wiilka yar ee xaafada ugu yar ee reer miyaga waxaa lagu daraa maqasha ama adhiga midkiisa yar inta uuna gadhin toban jir markaas baa maqasha yari maanta oo dhan kolba dhinac uga carartaa isaguna wuxuu isku dayaa inuu isku keeno hadhow marka uu reerka yimaad haday midi halowdo ama dawaco ama dayo ka cunto waxaa looga sheekaynayaa sida looga ilaashado taas waxay ina tusaysaa in soomaalida inta ugu fiicani ama reeraha ugu fiican ee waligood aan islayni ay yihiin reer miyimaga maqlimaysid reer hebel waa is fureen waa ceeb waayo qofkastaaba xadkiisa ayaa labaraa marka uu yar yahay hadaba aniga oon jecelayn inaan sheekada dhameeyo waxaan jeclaan lahaa soomalida magaalooyinka kunoo malabaraa masuulidayda caynkaaso oo kale aha ama wax lamida si loo ogaado heerka uu taagan yahay qofku?

Sidaa iyo sheekada oon markale inoo sii wado oon dhinca kale ka fiirino Thanks to everybody who might read this topic
your brother Khabiir

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rocket

Sunday, February 11, 2001 - 06:50 pm
Rocket


U guys are writting too much, it is boring to read, make it short, and get to the point quickly.

To the girls

To me ,not all of u are mean but you share the dishonesty of telling the truth. Why dont u exminet throughly the problem step by step and then make the conclussion from there instead jumping into a negative conclussion at once. Dont say only men have to blamed. Examine ,come up with a right argument. I think men and women share the problem. We are poor society, that is the bottom line.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmed

Sunday, February 11, 2001 - 07:17 pm
I agreed with rocket 100%. both genders, let's tell the truth...then we can come up a better solution to our society.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bulsho

Thursday, February 15, 2001 - 06:22 am
Walaal dhamaantiin waad wada salaamantiin salaan dabadeed,
Waxaan mahad gaar ah u celinayaa Nuux,
Walaal hadii aan isku dayo in aan fikradayda halkan ka dhiibto, taas oo ku saabsan dhinaca Furiinka.
Waxaan isku dayay in aan fahmo qofwaliba fikradiisa hadii aan taabto qaar ka mid ah waxay moodaan in ay sababtu tahay aqoonta hore ee aan la isku lahayn,oo aan u fasiratay ha la noqdo saaxiib inta aan la isguursan si la isku barto sida dhaqanka reer galbeedka ah./in uu waalidku masuul ka yahay furitaanka Gabadha/Wiilka. Ee meesha waxaas oo dhani ma noqonayaan sababta keenaysa furiinka.
Bal ila eega inta is furtay maxay diinta ka garanayaan. Oo aniga waxay ilatahay hadii aynu'nahay Som/inteena badani in aynu diinta waxba ka fahmayn taasna ay ka liftay furitaanka farah badan ee na dhexyaal maanta. Ee walaalayaal dib aynu u eegno diinteena hadaynu nahay Muslimiin.

Raali iga ahaada waan ku dheeraaday.

[CODSI]

Qof waliba waxaan ka codsanayaa in uu isku dayo sidii uu u soo gaabin lahaa fikradiisa oo uu qof waliba u akhristo hadii kale waxay noqonaysaa in lagu caajiso oo mar mar ayaadan waqti u helayn in aad wada akhrisato hadii ay wixii faraha ka bataan.
Mahad sanidiin dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khabiir

Friday, February 16, 2001 - 06:40 pm
Assalamucalykum

Waxaan xaga diinta wax-yar kataaban lahaa horta waa runtaa oo wax diinta yaqaanaa waa yar yahay laakiin ma iswaydiisay soomaalidu marka ay timaado guur uun baa wiilka iyo gabadhuba wadaad noqdaan laakiin aanay wax shuurada hore u kala dhigan intayna aqal islagalin waayo diintu madiidan inay labada qof ee isguursanayaa wax ku heshiiyaan sidaas weeyi macnaha aan halka hore ku sheegay ee maaha kan reer galbeedka ka jira ee lasoco
walaalkayga muslki ah iskuna day inaad arintaas fahanto marka hore

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

osman

Saturday, February 17, 2001 - 08:50 pm
waa idin salaamay dhaliyaro. waxaan jeclaanlahaa
inaan fikradayda kadhiibto topica halkan lagu falanqaynayo.
ugu horeyn naagaha ayaan qaladka saarayaa maxaa yeelay naxariistii ayaa ka guurtey! sababtoo ah lacagtii xaaraanta ahayd ayey cunayaan waxaan kawadaa lacagtaas caydha, laakiin qaladka waxaa leh dowladaha yurub iyo canada.
waxyaabaha kale ee furiinka badiya waxaa ka mid ah in dumarkii ay ka soo bixi waayeen howshii ilaah ugu tala galay ee ahayd in ay gurugooda joogaan oo ay u raaxeeyaan ninkooda laakiin waxaad arkaysaa naag intii jeegeedii caydha loo qoray ku oranaysa waan shaqaynayaa sidii gaalada. Ninkii iyo naagtii uu qabay isku mar ayay shaqada ka soo rawaxayaan naagtiina way daalan tahay ninkiina sidoo kale oo markaa yaa cashadii ku tuuraya ama howshii guriga qabanaya ma ninkii mise naagtii??? anigu shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay in naaguhu ay qaladka leeyihiin 99% waayo howshii raggu qaban jiray ayay gacmaha kula jiraan howshoodiina way dayaceen!!!!!!

Osman..........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Sunday, February 18, 2001 - 07:40 am
GARTA INA SANEYNAA LOO GEY JIRAY
assalaamu calaykum wiilal&hablo
si loo dhameeyo ama loo yareeyo dhibka jira ee furiin waxaan arkaa sidea tan
1- kan qaadka cuna qamriga caba isticmaala maandooriyaha gabdhow guur ka la,aada tee hadda qabtaan dhib ayey haysaaye ha dul qaadato oo caruurteed uun ha u danayso.
2- Af ku qiicley faruuryo ku suugaley ma xishooto
nin walba xabdka saartooy jiilkey aragto la jaan qaadooy ragow guur ka la,aada kii allah horay ugu qadarayn ha hayo oo ha uyeelo ubadkiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taliye

Sunday, February 18, 2001 - 09:53 pm
Dhamaantiin waad salaamantiin:
intaan dhinacna eeda la saarin, aanu is weydiino dhaqankii aanu lahayn iyo dhaqanka aan halkaan ugu imid midkee raacnaa?
war caqli suuban aanu isticmaanee, keenii hore aynu ku dhagno kana waxa uu ku fiicanyahay aanu ka qaadano, oo dhibku kii xaga waa ka badan yahaye ha laysku dulqaato. Hadaan u soo laabto su'aashii ahayd yaa keena furiinka?
siday ila tahay waxaa keena furiinka labada qof kii iimaan daran, oo wuxuu haysto maahane wax kale u hanqal taagaya, waxaa kaloo keena markii la qooq furo kan xiisa dhaca oo arintu inay halkaa ka fagtahay garan waaya.
mahadsanidin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Monday, February 19, 2001 - 09:19 pm
asalaamu calaykum dhamaantiin
walaalayaal su aashani waa mid loo baah naa in la is waydiiyo inkasat oo aan gadaal kasoo gaaray hadana aniga waxay ila tahay in aan cidna la oran karin iyagaa keenay furiinka waayo qurbahan aynu joogno ingu waxaan arkay qoysas badan oo kalatagay midna ragaa sababay midna dumarka tusaale ahaan walaalayaal waxaad moodaa ragii in aysan masuuli yadii aabo nimo aysan gudanayn oo hooyadii uu faraha uga qaaday oo uu wareeg iyo qaad ku maqanyahay kuwo kale xaga dumarka qaar badan baa gabay xaqii hooyo nimo iyo mas uu lkii ay ku lahayd qoyskeeda waxay ku maqan tahay party iyo wareeg marka walaalayaal aniga waxay ila tahay labaduba iyagaa keena furiinka waayo hadiimid fiican yahay kii kalaa waalan waa jiraan qoysas badan oo ah maan sha alaah laakiin siday u badantahay soomaalida maanta qurbaha ku nool rag iyo dumar isma dhaamaan oo naagihii qaar badan baa ga bay hawshii hooyo nimo ragana bal iska daa marka anigu waxaan ku soo gaba gabeeyay midna lama eedayn karee labadooba furiinka iyagaa keena salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OttawaGirl

Wednesday, February 21, 2001 - 01:09 am
Asaalmu calyakumu dhamntiin!!!!!!

Aaniga waxaye ila tahaye 2dhinaca in uu ka yimdo furninka sabato aha dumarkiin sibeey waxa u arkaan ragiina si' gooni aha, dumarku markaye waxa yara dhibsdaan waxaye yidhaadan ifruu raguna waqtii ma siiye markiib 2sheekh soo kaxaysu yidhada........waxaa fiiicaan ineey 2qof waqtii isa siiyaan, furtaanka waxa lagu dagadago maha runtiii special hadii meesha caruuri timdo.
Waxaan ilaahye kabrayaa inuu umada muslinka gurkooda u hagajiyo kuwaan guursan siyo waxa fiicaan aamin aamini.I'am stil single manadonoyo ina la iifuro markaana guursado i'll wait Mr right insha alah bye all peace and much luve to ya all!!!!!
cheers!!!!idile_2001

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bulsho

Friday, February 23, 2001 - 02:40 am
Waad salaamantihiin Rag iyo dumarba,
Walaalayaal hadii aan isku dayo in aan fikradayda halkan ka dhiibto. inta aan fikradayda dhiiban, markaan akhristay fikradaha kaladuwan, waxaan ka arkay in ay meesha taalo Qori Qori ku'mud oo inamadii ay leeyihiin dumarka ayaa sabaay,Dumarkiina-Raga ayaa sababay, inta aan ka ahayn,Huda.
Waxaan ku raac sanahay sida ay "Huda horaba u tiri" Midbaan kuyara darayaa. Walaalyaal hadii aan Som, nahay waxaan lahayn Dhaqan, markaa keenii waan ka tagnay kiikalana maanan gaarin, markaa horay ayay Som, utiri (Liin iyo Caano waa lakala leexiyaa )Hadii aan lakala leexin waxa ka imaanaya way cadahay markaa Taana way sababtay oo waxaan noqonay caano baqay, Oo rag iyo dumarba waa lawada Eedaysanyahay.
Raali iga ahaada waan ku yara dheeraaday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahde

Sunday, February 25, 2001 - 12:48 pm
Furiinka waa wax fool xun waxaana keena Shaydaanka. Haddii goor lagu bilaabay sheeko shaydaan --sida aroosyada gaalada la dhigto dhaqamada foosha xun xun ee gaalada-- laazin wuu dhimani.

Rag iyo dumar wanaag isu guursday aaqiro iyo aduuna si ay meel wanaagsan uga soo toosaan goorkoodu ma dhamaaday ilaahna SHAYDAANKA waxyaalaha lagu kala tago keena wuu ka ilaalshaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aayatulaah

Sunday, February 25, 2001 - 01:43 pm
hey;Aqyaarta
aad baad u sharaxadeen maxaa keenay furiinka raga iyo dumarka ; anigu fikrad ahaan waxaan qabaa,
In uu keeno iyadoo aan marka hore oo aan la raacin wada diinta muslinka taas oo ah (Inuu qofka uu ka ducaysto inta uusana guursan qofka kale waayo waxaa jira duco uu nabiga scw:noosheegay iyada oo la doonayo qofka inuu marka ugu horayso haddii uu damco guur uu soo waysaysto isagoo u soo waysaysanaya si aad u saraysa oo ha tukado laba ragco oo suno ah oo qashuuc ka muuqdo ileen muraad wayn baad leedahay,adiga oo aqrinayo marka hore suurada alxamdu lilaah ka dibna waxaa aqrisaa suurdaha iqlaas ama qulyaa ayuhal kaafiruun ama laba suurad oo baqara ugu damabaysa,
waxaadna u kal qaybisaan suradahaa labo ragco ee sunada ah markaad aqrisaan alxamdu kadib aqriya kuwa kale midaad doontaan, intaa ka dib markaad ka faaruqdaan salaadaas oo aad istaaq furulaysataan ka dib waxaad kor u taagtaan u bandhiga ilaahay waxaad raadinaysaan ee guurka ah idinkoo oranaay ilaahow waxaan wax kugu waydiisanaynaa cilmigaaga iyo qadarkaaga, waxaan kugu waydiisanynaa fadilagaag cadiimka ah ,fa inahu taqdir walaa aqdir, watclamu walaa aclam , wa,anta calaamul qayuub,ilaahow haddii amarkaan uu u yahay khayr,diintayda, macaashkayga iyo ciribtayda dambe,ii qadar aniga ,ii soo dadaji aniga,dabadeedna ii barkee dhexdiisa"""""""
hadana waxaad leedahay mar kale
ilaahow haddii uu amarkaan shar u yahay diintayda
macaashkayga iyo ciribtayda dambe fasrif canii, fasruf canhu, fa,uqdurhu lii khayr xayza kaana suma radaanii""'ogaada taas iany sabab u noqon karto furitaanka,
wixii su,aal ka qabana waa isoo waydiin karaan
in kastoo aan wadaad wayn hayn""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aayatulaah

Sunday, February 25, 2001 - 01:53 pm
to;all
wxaa kale oo aan idiin sheegayaa in aduunkaa uu ilaahay keenay wixii lagu kal hagi lahaa waana kitaabka muqadaska ah
meesha haddii lagaaro maxaa guurka xumeeyay waxaa laga tagay wixiiwax lagu kala hagi lahaa nina yuusan nin eedin naagna yeysan naag eedin waxa meesha dhacaya waa amar naga sareeya oo anan fahmi
karin maantana waan ognahay gabdhihii iyo wiilashiiba waxay u baahan yihiin iany is ixtiraamaan ooay ilaahy u noqdaan si uu guurku ugu dago, hana la badiyo guurka gabdhaha lagu ciyaarayana halga waan toobo gabdhuhu waa masskiin waa 50 ley waad ka caqli badan tihiin haloo naxariisto sxb wiilasha yaan taas u soo jeedinayaa
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abaa

Tuesday, March 06, 2001 - 03:53 am
Akhayaarta waad wada salaamantihiin,
Waxaan idin leeyahay Ciid wanaagsan dhamaantiinba.
Walaalyaal waxaan idin waydiiyay arintii ilaa iyo iminka miyaan meel lasaarin, oo wax waliba waxay leeyihiin xal ee miyaan xalkeeda la helin, dhawr meel ayaan arkay oo sidaan oo kale ah, Fikrad ayaa la bilaa bayaa in door ah markii la wado ayaa laga caajisayaa ee bal waxaan idin leeyahay, sidaa isku dhaama oo arintaad furteen xalkeeda keena?
Oo wax waliba in taad sidaa u bilawdaan ayaad.
halkeeda uga tagaysaan ee bal dib isugu noqda.
Walaalayaal hadii aan hadlxun idin iri raali iga noqda, waad mahadsantihiin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Tuesday, March 06, 2001 - 05:14 am
salaamu calaykum
hadaan fikiradayda ka hadlo guurku waxa weeya
asaaska qoyska wax lagu kaftamana ma aha wax algu
cayaarna ma aha waa mustaqbal dhan oo ubax soo
baxaya iyo qoys dhan oo abuurmaya dad iyo duunyaba
sababtu ay tahay labada qof marka ay is guursadaan
waxay noqonayaan farac hadii ilaahay wax kala
siiyo ubaxaa dhalanayaana waxuu u baahan yahay
barbaarin wanaagsan aabo iyo hooyo xishood iyo kala danbeeyn leh.in ay caruurtu ku korto dhaxdooda halkaas ayay ka bilaabmataa wanaaga
iyo dadnimada reerkaas.hadaan u soo laabto furida
maanta joogta waxay ka timaadaa masuulinimo daro
iyo xilqaad aan jirin iyo guurkii oo noqday beenbeen iyo dhalanteed labadii isarkaaba naa ma
is guursanaa haa.sixni biyo ku jira ayuu noqday
sixni biyo kujiraana waa qubanayaa .markaa tala
ahaan midna yaan eeda la saarine rag iyo dumrna
ee ha lays hido guursado oo intii is guurtiqiinba
ha is guursato oo hidihii laysku raaci jiray ha
laysku raaco waxaa laga yaabaa reerahan kala
yaacay ama qosaskan dumidoodu badatay in ay dagaan
oo uu yahay furiinkan badan is fahmila aan .
wasaalmu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SACIID

Friday, March 09, 2001 - 04:57 pm
SALAAMUCALEEYKUM DHAMAANTIIN WAXAAN JECLAHAY
INAAN IFKRAD KU DARSADO WAXYAABAHA FURIINKA
KEENA MARKA HORE WAA AMAR ILAAH XAGII KA YIMAADA
WAX DHICI RABANA QOF CELIN KARONA MALAHA RUN
AHAANTII FURIINKA LABADA DHINAC WUU KA YIMAADAA
NAAGTA IYA DOO WAARDIYO KANOQOTO OO TIRAAHDO
XAGEE KU SOO DAAHDEY XILIGAN ISAGOO AAN IMAAN
XILIYADIIUU IMAAN JIREY AMA WIXII UU XAASKIISA
KU BIILI LAHAA OO JAAD KU SOO CUNO AMA UU KU SOO
QAYILO AMA IYADOO XAASKIISA OO UUR ULEH INEEY
WAX U SOO KARISO KU DHAHO NAA WAXAAN CUSBADA
LEH AAD II KEENTAY MAXAA WAAYE MEESHII
UU KAALMEEN LAHAA DUMARKUNA WEEY KA NIYAD
JABAYAAN RAGOODA

DHANKA DUMARKANA WAXEEY KA TIMAADAA NINKOODA
ISAGOO MAANTA DHAN U SOO SHAQEEYNAYEY SI NAXARIIS
DARO AH IN UGU JAQJAQ DHAHAAN MEESHII AYKA
DHIHI LAHAAYEEN XABIIBI MACAANE MAXAA U BAAHANTAY
TAASINA KALA TAGA WEEY KEEN TAA
BYE BYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadia Mohamed

Tuesday, April 03, 2001 - 05:57 am
Salaama calaycum
Anigoo ah gabarsomaali waxaan jeclayastay inaan fikradayda kadhiibto waxayaabaha furiinka keeno.
furiinka naagaha ama nimanka masuulkama'aha waayo waan wada ognahay waxyaabaha ugu xun oo diinta ugu xun inuu yahay furitaanka waxaana aamin sanahay labada dhinacba inay qaladka leeyihiin sababtoo ah bulshada ayaaka tan badisay
soomaaliya hooyooyinkeene iyo aabayaasheena way is ku qabeen broblemna maqabin
why hada uu furitaanka u batay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abaay

Wednesday, April 04, 2001 - 02:34 am
Salaamacaleykum, walaalayaal!!

Hadaan fiiriyey waxaad qoreysiin kuligiinba, waxaa meeshaan ka jiro eexasho, wiilashane gabdhaha ayey dabiga saaraayaan, gabdhahane wiilasha aýey dabiga saaraayaan. So haday saan ku socoto weligeen runta ma gaareyno, oo meel soke aan ka soo noqnoqoneynaa.Mid maskaxdiina ka dhaadhiciya kuligiinba, furiinka waa arin ka imaado labada qofba, oo qof kaligiis dabiga masaarna, sidey dad badani sheegeen.

Soomaali waxaa lagu yaqaan in ey isbaelkeeda yartahay, oo ey rabaan inta badan in ay ku noolaadaan siidii hore, laakiin waxaan wax jiro ma´ha . Dhibaatadaan nahaysata waxa nookeenay waxaa waayey waan isbadaloynaa, hadaan soomaali nahay. Dhaqama kale aan qaadanoynaa, diinteeni ayaa dhumoyso iyo wax yaalo fara badan oo aad ila wada ogtihiin.

Maanta hadaan gabdhaha soomaliyeed nahay, qasab ayey nagu noqotay, in aan wiilasha garab orodno, ama ka orod dheereyno, in terms of wax barasho, shaqo and so on.

So hadey wiilasheena ku jirto naagaha waa in ey guriga lee ii fadhisaa, oo gacanteyda lee wax kasugtaa, ma soconeyso, walaalayaal.

So waa in aan half way isugu imaanaa...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MR ADVISER

Friday, April 06, 2001 - 09:40 pm
Dhamaantiina waad salaaman tihiin !!!!!!!!!!!!
IBNA,AADAN ISWAAYAY ARINAA KALA GEYSAY!!!!!
Aniga waxay ila tahay sidaan ogsoonahay nobody is perfect accept allaah subxaana watacaalaa
markaa qoyska dhexdiisa qilaaf waa ka dhex dhici karaa hase ahaatee waxaa loo baahan yahay in la xaliyo hadii qof noqdo dab qofka kale waxaa la rabaa in uu noqdo biyo laakiin hadii uu gaas noqdo dabkaas kacay weligiis ma damaayo.
dumarka waa na dhaleen waa ay nala dhasheen waxaa mar walba wanaagsan in loo samro siduu ina faray NSCW, markaa waxaan leeyahay please and please
brothers and sisters try your best on bothside
God pless you All

MR.ADVISER

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.