site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TUSAALE ADUUN; THRUE HISTORY ; SHEEKO XIISO LEH

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : TUSAALE ADUUN; THRUE HISTORY ; SHEEKO XIISO LEH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Monday, February 12, 2001 - 04:16 pm
TRUE HISTORY;
Aqyaarta xiisysa sheekooyinka halkaan i diinku soo gudbinayaa dhacdaadii u gu horaysay ee tusaale aduun,
Waxay ahayd xili aad u macaan oo u da,ay roobka gud gudaha.dadka ku nool howdka waxy dareemayeen saxansaxada roobka,xaaldu si kastaba ha ahaatee,hanad wuxuu ahaa mid ku dhex nool barwaaqada ka dacaysa howdkaas.maalin maalmaha ka mid ah hanad oo daadihinaya horwayn geel ah ayaa wuxuu ku soo baxay gabar uu runtii aad ula dhacay taas oo galisay inuu gilgisho wadnahiisa wuxuu si aamus ah ugu sheegay nafsdiisa inuu la haasaawo gabadhaas kaligeed la joogta xoolaha intaa ka dib maxaa dhacay,waxaa dhacday in la is bariidiyo sidii cadadu u haan jirtay wiilsha iyo gabdhaha somaaliyeed,waxayna sheekadu ku bilaanbatay waa lagu salaamay oo ku hormaray hanad iyo waa lagaa qaaday oo ay si sharafi ku jirto ugu soo gudbisay HALDHAA,
Sheeko yar dabadeed waxay noqotay in loo gudbo,haasaawa ay ku dheehan tahay xikmad jacayl iyo daacadnimo iyo kalsooni,waxaana lagu heshiiyay goorma meelma iyo meeqa saac ayaan kulanka labaad ka dhiganaa,
Maalin baa timid oo tagtay, todobaad baa xigay bilba bil ayay u dhiibtay sanad ayaa sidaas ku dhamaaday, haldhaa iyo hanad waxay soo gareen balantii guurkooda,wxaa laga balamay geed ka mid ah geedaha ugu caansan howdka si gabadha loogu bixiyo,runtii aad baa loo sharaxay isu imaadka loogu talagalay in lagu bixiyo labada qofood oo jacaylkoodu mudada soo jiitamayay.xaaldu si kastaba ha ahaatee hanad wuxuu la soo diyaar garoobay wixii rag badiye uu gabar ka bixin jiray,
iyadoo shirki isidii loo fadhiyo ayaa waxaa isla gogashii yimid nin loogu yeero gurxan oo sheegtay inuu u baahan yahay isaguna gabadha,waxay xaakladu gaartay in lagu taartamo xoolo,maxaad sugaysaan in uu ku guulaysto haddii ay xoolo gaartay sheekadu waxaa ku guulaystay !!!!HANAD oo ahaa jacaylkii haladhaa, !!!!ISU DIYAARIN AROOS WAYN!!!!!!
Waxaa ka dhacay rasaa aad u fara badan taas oo dhaqan ahaan u ahaan jirtay in loo rido gabdheheena qaaliga,aad ayaa loogu dabaaldagay haldhaa iyo saygeeda hanad,
habeenkii oo dhan lama seexan waayo waxaa dhacayay arooskii ugu cajiib badnaa xiligaas,marka loo arko taariiqda howdka,habeenkii markii uu taggay sadex meelood labo ayaa la galbiyay arooskii,xagee loo hoyay,waxaa loo hoyay aqal somaali loo sameeyay casrigii waqtigaa ugu dambeeyay,waxy ahayd habeen aad u madow waxa isi soo diyaariayay roob mahiigaan ah kaa soo aad moodayso inuu rabo inuu biyo dhigo,arooskii iyo aroosdii waxa loo hoyday guri gii loogu talagalay sheeko kaftan ah ka dib,waxay haldhaa ka dalbatay hanad inuu jaanis siiyo ay uga soo noqoto suuliga si ay caawa ugu sheekayso, KA DIB MAXAA DHACAY!!!!!!!
Daqiiqado intii ay ka sii soo warwwgan wuxuu ka warhelay hanad qaylo aad u sraysa oo ka soo yeertay xilahiisii ama xaaskiisa cusub haldhaa.ALA BAOOWE HANADOO KAAL IGA REEB WAA LIBAAX.ALA ALA ALA ALA.
WAA SOCOTAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Monday, February 12, 2001 - 04:41 pm
sheekada soo dhamaystir dee khashiinyoho

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Tuesday, February 13, 2001 - 10:26 am
QAYB TII LABAAD SHEEKADII"" TUSAALE ADUUN.""
Hanad si aan caadi ahayn ayuu aqal soomaligii uga soo dhex booday mise meesha waxaa ka dhacay wax uusan filayn waayo waa meel mudi ah oo aan lahayn wax if tiin ah aqal somaaligii ayuu dib ugu noqday wuxuuna la soobooday toosh wayn.
qayladii gabadha iyo sawaxankii meesh ka yeerayay waxaa ku soo baxay dadakii dareskiisa iyo ehelkiisa waar maxaa dhcay iyo aawaey gabadhii aroosada hayd,wuxuu ku jawwabo ayuu garan waayay ileen wax uu fara ku hayo ma jiree markii ayaa howd la xulay waxaan laga helay geed hoostiisa qayba ahaan gabdhii aroosda.hanad meeshii uu taagnaa ayuu ku shoogay waana uu suuxay xaaladu si kastaba ha ahaatee waxaa la duugay Aroosadii Qayb ka mid ah, jirkeedii kaasoo haray intii kale u latag libaaxii.
TODOBAAD KA DIB
Waxaa ka soo wareegaty tacsidii hhldhaa todoba bari,laakiin waxba iskama badalin maskaxdii hanad , waayo waxaa ku sii siyaadaysay maalinba maalinta ka dambayso murugada,Habeen habeenada kamid ah waxaa dhacday Inuu hurdada ka salalay oo uu maqlay qayladii Haldhaa taas oo lahayd ALA, ALA ALA WALAAL HANADOOW IGA DHIG IGA DHIG LIBAAXA
Markiiba inta uu qaatay toosh wayn ayuu kaligii duurka xulay mise waaba nin qarawsan wuxuu ka warhelay Dhirbaaxo ku dhcaday wajigiisa yaa ku dhuftay dhirbaaxad oo baas mise waa tiger ama sida aan u naqaano shabeel,Hanad wuxuu ku toosay isaga oo maraya kayn hotiisana uu taagan yahay shabeel raba inuu marka hore isu diyaariyay wajigiisan waxaa ku yaalay dhiig ka soo hooray daankii u shabeelku ku dhuftay,Hanad jaanis uu ku baxsado mahay laakiin wuxuu isku diyaariyay inuu naftiisa badbaadsdo,dagaal dheer ka dib Hanad oo haystay toori dheer ayaa si lama filaan ah shabeelkii kala helay meel uu ka dhaqaaqi waayay halkaas ayuu shabeelkii ku dhintay laakiin HANAD
Wuu tabar beelay si xun ayuuna u dhiig baxay.waaga markii u barayay ayaa laga wayay gurigiisii waxaan la soo qaady raadkiisii,mise meesii uu xalay ku dhcay ayuu wali yaalaa,
HANAD IYO ANBABAXII MUQDISHO
Hanad hooyadii oo aad uga xumaatay dhibaatad is daba jooga ah ee uu kala kulamay meesha ayaa waxay saamayn ku yeelatay iyada mudo markii la daawaynayay Hanad ayaa hooyadii waxay u soo iibisay xoolihiisii oo dhan ka dib waxay go,aan ku gaartay in loo dhoofiyo muqdisho oo markaa ahayd meel aad loo jeclaa,
Galab ayuu gari karaacay howdka kaasoo ku sii socday muqdisho Hanad wuxuu watay tilmaan aad u fiican oo ay hooyadii soo siisay waayo waxaa ku noolaa magaalada mogdisho Abtigii,safar dheer ka dib wuxuu cagaha soo dhigay magaalada caasimada haan jirtay ee mogdisho,halkaas oo uu aad ula yaabanaa dad badnaanteeda iyo isgoo arkay meeshii qoraxdu ka soo bixi jirtay oo ay u dhacayso intaa waxa u dheeraa gawaarida sawaxankooda iyo dadka tee teelka u socda, maqribnimo mar ay tahay ayuu alaylahe helay gurigii uu raadinayay, albaabka ayuu gargaraacay,waxaa ka furtay gabar uu abtigii dhalay oo qaan gaar ah kuna jirtay waqtigeeda.waxaa dhalay aabe kaligeed ka fakira waayo abaheed iyo hooyadeed caruurkale iskuma dhalin.intaa waxaa u dheer iyada oo ka dhalatay reer aad tijaar u ah because aabaheed waxa uu lahaa hanti aad u badan wuxuuna ka ganacsan jiray wadamada shisheeyaha kuwaasoo ay ka mid ahayeen italy london thialand iyo kuwa kale oo far badan.
SOO DHOWAYN IYO WAXBARASHO
Hanad waxaa loo soo dhoweeyay si uusan wali hore u arag,waxaa la geeyay dugsiga waxbarashada dadka waawayn halkaasoo uu habeenkiin aadi jiray private scool EENOW; Sanad ka dib waxaa la isku dayay in lala shaqeeyo abtigii taas oo ay keentay inuu ka faa iidaysto abtigii ganacsiga si uu u gacan qabto abtigii.Hanad markii uu mudo ku dhexjiray how shaas waxaa loo dhiibay furayaasha baqaarada uu lahaa abtigii .Waxaa soo noqotay noloshiisii wuxuu dhex galay nolol cusub wuxuuna hilamaamay dhibaatooyinkii uu soomaray,waxaa u baryay waa cusub,Abtigii waxa uu u gaday gaari uu ku shaqo tago,si uu asiga u aado wadama kale oo uu balamo ganacsi oo badan ku lahaa.Hanad waxa uu guntiga dhiisha u aga furtay inuu abtigiis gacan qabatay isgana uu u noqdo wiil,maadaama uusan abtigii dhalin owlaad badan ,subaxnimo ayuu abtigiis iyo xaaskiisa ka dhoofeen gagida dayuuradaha ee magaalada mogdisho,Waxaana halkaas ku sii dhoweeyay isaga iyo jiijo yaray.

""" JIIJO YARAY IYO HANAD""""waa socotaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHEKEEYE

Tuesday, February 13, 2001 - 02:17 pm
war baqtiyahow sheekada maad noo dhameestirtid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacayloow

Wednesday, February 14, 2001 - 12:53 pm
to;long life
saaxiib salaan kabacdi,run ahaanti waa sheeko aad u xiiso badan oo isoo jiidatay waxaan kaa codsanayaa inaad bari haduu ilaahay idmo noo dhamaystirtid adigoo raali ah mahadsanid saaxiib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Wednesday, February 14, 2001 - 06:26 pm
WAR SHEEKADA MACAANKEEDA MALA YAABTEEN?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Wednesday, February 14, 2001 - 07:09 pm
"""""" QAYBTII 3AAD SHEEKADII TUSAALE ADUUN"""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Hanad iyo jiijo waxay qayb wayn ka qaateen sii dhoweynta waalidkood taasoo ahayd waajib ssran labadoodaba,Markii ay diyaaradu cagaha ka qaaday goraan diyaaradaha ee mogdisho earport.Waxaa lagu soo noqday xaafadii iyagoo ay ka muuqato farxaad iyop rayn arayn laakiinse waxay dareemayeen oo kaliya cidlo,Hanad markii ba waxa uu u sheegay inuu shaqo leeyahay waayo waxaa ku soo baxday masuuliyad wayn oo u baahan in dhbarka loo dhigto,
wuxuuna Jiijo u sheegay inuu maant asoo daahi doono oo ay is ka qadayso iyada, Jiijo oo baryahaaba aad uga daba dhacday ina abtigeed ayaa si ay xushmadi ku jirto ku tiri okey brother,Hanad waxaa ku dheeraatay shaqadii oo uu kusoo daahay wuxuuna ka yimid asiga oo daalan wuxuuna isku sii tuuray sariirta isaga oo daalan Jiijo way aragtay inuu aad u daalan yahay wax ahadl ah kuma furin laakiin awaxay niyada gashatay ianay caawa oo dhan isla joogaan oo ay jaanis u haysato sheekadiisa,hurdo macaan ayuu galay iyo isaga oo riyaba riyo u dhiibayso ayaa waqtigii waxaa la soo gaaray waqtigii uu casriyayn jiray waa meeqadii waa abaara 5;30pm Jiijo oo aad uga xishoonaysa Hanand ayaa toosisay waxayna u sheegtay in waqti dambe ay tahay oo ay shaahi casariye ah u soo diyaarisay, markiiba hurdada ayuu ka booday,wuxuuna abaara xagga suuliga halkaas oo uu mudo yar ka dib isku soo diyaariyay
si uu u cabo shaaha macaan ee ay u diyaarisay Jiijo caday,Jiijo waxay ka codsatay in caawa ay is raacaan oo uu shineemo geeyo waayo waxay tri aboowe waxaa socda caawa filim macaan lamacbaxay"""JULIA I LOVE YOU""" filimkaas waa filim jacayl ah oo laga daba dhacay,Hanad waa uu ka aqbalay Jiijo codsigeeda waayo waxaa la saaray mas,uuliyada guriga oo dhan,so that,Jiijo waxay isku diyaarisay saacado yar gudahood sabata oo ah waxay xiisaynaysay raacitaanka Hanad oo ay waayadaanba ka heshay, sidii ayaa habeenkii looga baxay guriga iyadoo lagu jihaysan yahay in laa aado shineemo AL NASAR"waxaa casho laga sii qabsaday baararka, ka dibna waxaa afka la saaray wadada shineema al nasar,shineemadii ayaa la soo gaaray oo aad la isugu dilaayay, halkaas oo ay ka heleen boos iyaga u qaas ah , Habeenkaas si xamaasad ku jirto ayay u fiirsadeen filimkaas,iyaga oo aad u xiisaynaya ayuu ka dhamaaday filimkaas,Habeenkaas wixii ka dambeeyay waxay noqotay inay isu soo raacaan meelaha caweys yada ah,sheekadoodu sidii ay ina abti u ahayd ayay isku badashay xabiibi sida aad wada garanaysaan mar haddii xabiibi ay bilaabatay waa sheeko jacayl ah waxaa la isku dhex galay si lama filaan ah waayo shukaanigii wuxuu gaaray heer midba midka kale uu tabo,maxaa yeelay waa la kala kalahaa subaxii isagana shaqo ayaa ku taagan iyadana scool ayay aadaa waxaa la is arkaa waa galabtii iyo habeen kii Waxay xaaldu sidaa ahaataba,Meeshii ilaah wax ka wado wax celin kara malaha, Habeen baa la kala haray, Jiijo ayaa waxay aaday aroos ay qabeen dhalinyaro ay isku scool haayeen waxayna u sheegtay hanad inay soo daahi doonto caawa gaarigeedii corolada haa ayay qaadatay,Jiijo waxay ariiska iska baashaasho ayaa waxaa lagaaray xiligii la galbin lahaa aroosada,gawaaridii ayaa la soo kala raacay Najiib oo ah wiil dhalinyaro ah aad ay isu yaqaanaan Jiijo ayaa gaarigeeda soo fuulay,waa la isi salaamay waa lagu waayay iyo aroos miyaad gashay ayaa la is waydaarsaday,Najiib oo in badan jaanis ku raadinayay Jiijo oo u eg Qari Shiineys means qof aad u qurux badan hadan ku nool nolol fiican, ayaa waxa uu Najiib u sheegtay inuu jacel yahay inuu la sheekaysto oo u aad u xiisaynayo xiriirkeed isgaoo u soo jeediyay fikrado badan oo ay ka mid yahiin,In awada socod jacayl ku dhisani yimaado bilowga nolosha waan sunadad nafaha is jacel ayuu yiri najiib.isgaoo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri:Waan ogsoonahay jiijoy inaad deeqsi ku tahay hadalada naxariista badan ee naf oomani ku haraad bixi karto anigana waxaan u oomanahay aragtidaada iyo ereydaada macaan kuwaasoo xambaarsan xikmadaha jacaylaka laguna waraabin karo nafo isu ooman.
Jiijo walaal naftaydu way ku dowowdaa sheekooyinkaaga xusuustaaduna waxay igu beertaa hilow qabow oo si fudud iigu faafa balse waxaan kuga raali galinayaa habeenka macaan ee aan jaaniska u haysano inaan isku fahano waqti macquul ah qalbigaagana waxaad galidsaa is ogaanshaheena iyo kafakirka jacayl keena Waayo Jiijooy Aragaaga oo qura kuma iibsadeen aduunyada.haddii aad hadaladaydaas been moodaysidna ii sheeg hada waxaan kuu cabayaa sunta ugu qatarsan ee dadka is jacel isku cabaan oo la yiraahado DDT" waana suntii uu romeo u cabay julieto"
Jiijo yaray talo ayaa ku cadaatay waxay u adkaysan waysay cataabka ka dhacaaya wiilka aan yar ee ay Iisku schoolka dhigtaan ku fiican yihiin waxayna u sheegtay waxa uu ka doonaayo iyada,Najiib oo aad moodo inuu jiro jacayl ka soo baraarugay ayaa yiri waxaan kaa doonayaa waa Mustaqbal abaayo Jiijo. Jiijo oo aad u yaaban ayaa hadana waxay tiri go,aan ayaan soo gaarayaa ee ma isiin kartaa maalmo yar Najiib. Haa ayuu ku jawaabey najiib.

""""""GO,AANKII JIIJO IYO SUGIDII NAJIIB""""""""
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Wednesday, February 14, 2001 - 11:12 pm
To:Long Life

Walaalo, waxaan aad u jeclaystay sheekadan qiimaha leh ee aad ka sheekaynayso, runtii waa sheeko aad u cajaa'iba, waxay igu beertay in aan subaxkasta balwad ii noqotay in aan furo somalinet gaar ahaan page-kaaga in aad wax ku soo kordhisay & inkale, walaalo, waxaan kaa codsanayaa in aad noo dhamaystirto sheekadan wakhtikasta oo ay kugu qaadataba, oo aanad nagu noqon dhalinta qaarkood oo intay sheeko macaan soo qoraan aan hadana dhamaystirin ama yidhaahda beenbay ahayd.

Fadlan, waxaanu kaa sugayaa sii wadida sheekadan ilaa ay ka gaadhayso dhamaadka.

Waanad ku mahadsantahay maweeladan qiimaha leh.

From, Gabadh somaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Beeleey

Wednesday, February 14, 2001 - 11:34 pm
Loooooooooool najib waa sheeko fiican oo ku qotanta habdhaqanka dhalinta soomaaliyeed iyo dunidaba halkaada ka sii wad brother heer waad ka gaaraysaaye lool markale"xusuuso qorayashii soomaaliyeed sida Cumar aw-nuux iyo Nuurdiin oo sheekeeyonkoodii aad loo jeclaa waxaan kuu rajaynaynaa guul bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Thursday, February 15, 2001 - 10:27 am
"""""""""QAYBTII 4aad @ SHEEKADII""""""""""""""
"""""""""TUSAALE ADUUN""""""""""

Jiijo yaray iyo Najiib waxaa lagu kala tagay jawi wanaagsan iyo is afgarad toos ah.Ala yaab badanaa, maxaa ahaysta gabasdhaan yar ee u jacaylku ku cusub yahay.Waxaaba taas ka sii daran Hanad muxuu ku dambayn doonaa,haddii ay ka soo horjeesto Jiijo,waayo wuxuu soo maray dhibaatooyin far badan.inkastoo waayaha iyo waqtiguba iska dhib badan yihiin hadan wax walba waa calaf, ileen calaf aan laguu qorin la calaalin maaye,Qoftii Jiijo yaray waxaa Habeenkaas uu u ahaa habeen baas,Waaga markii u baryay ayaa sidii cadadu ahayd lakala tagay,Jiijo waxay aaday schoolkeedii,Hanadna wuxuu u ka lahay shaqadiisii,
horaa loo yiri laba kala bariday kala war la,e Waxay maalintii oo dhan lakala maqnaadaba Hanad ayaa shaqadii ka soo baxay isaga oo aad u daalan halkii ayuu hurdada ka miistay,waqtigii u hurdada ka soo kaci jiray ayuu soo kacay isgaoo aad moodo inuu aad u xiisaynay sidii uu ar4ki alahaa Jiijo,
Jiijo lafteeda waxay ku mashquulsanayd arinta u baahan ka fiirsashada laakiin waxaad u moodaa inay ka cago Jiidayso Hanad waayo xalayta oo dhan ayaa maskaxdeeda la haystay oo Najiib ayaa xaday qalbigeeda,Najiib wuxuu ahaa nin aad iyo aad ugu taqasusay shaahdo dheerna ka watay sida gabdhaha looga xado maskaxda,Hanad oo fadiya qolka fadiga ayay u soo gashay Jiijo waxayna u sheegatay in ay caawa rabto inay aado gabdho saaxiibadeed kuwaasoo ay balan adag leeyihiin okey ayuu yiri hanad,wuxuuna u sheegay laakiin mala socotaa in ay soo dhow yihiin hooyo iyo aabo oo ay imaanayaa jimacaha soo socda Haa ayay tiri oo waan isu diyaarinayaa, maalinta jimacaha, mida kale sidee baad ka damacsan tahay xaaladana haddii abti iyo eedo yimaadaan,waa la iska qayrayaa ayay tiri iyadoo ka sii baxaysa oo aad moodo inay is dhaa finayso hadalkiisa,Wax yar ayuu dareemay laakiin waxa uu is yiri hanad waa dhaqanka reer xamarka oo way kugu ciyaaraysaa waxayna ka baqaysaa inay ku tiraahdo wax walba waa okey,Waayo heshiiskoodii ayaa ahaa in ay is guursadaan marka uu yimaado abtigiis oo uu waydiisto,waana sheeko iyaga qaas u ahayd,Runtii hanad waxba kama oga xaaladaan soo cusbaanaysa ee ka imaanaysa macalinka way ee Najiib.Jiijo balan qaas ah ayay la lahayd Najiib oo waaba la ilaaway hanadkii habeen kasta la raaci jiray Waxayna sheekadoodii isku badashay ,Xarash iyo madax jacayl ihi ilayn Xiiso malahaym"Najiib wuxuu habeenkii oo dhan sugayay Jiijo gaarigiisa gudihiisa oo u yaalay xaafadeeda meel u dhow, Jiijo waa timid Waana is raacay,waxaa casho loo aday Hotelkii waynaa ee loo yaqaanay GurGuurte"" halkaas lagu haasaaway habeenkii oo dhan Jiijo ayaa tiri waxaan aad ula yaabanahay sida aad u dagatay qalbigayga,ma filaayo in uu jiro nin aan maata kaaga kalsoonahay wali waxaa qalbigayga ku soodhacaaya hadaladaadii xikamada badnaa kuwaasoo igu keenay inaan habeen hore oo dhan seexan waayo, Runtii waxaa tahay nin cajaa,ib ah,waxaad iiga warantaa maxaad mar hore iigu sheegi wayday inaad sidaan oodan ii jaceshahay.Najiib ayaa inta uuu dhoola cadeeyay waxa uu yiri hadaan kuu sheegi lahaa waxaan ka baqay inaad dhulka igu jiidid,waayo waqtiga aan ku jelaaday waxaan wada dhiganaynay dugsi dhexe Macalin Jaamac i laa iyo hadan awaxaan ilaawi karin bilicda aad u soo labisan jiratay iyo sida qiimaha badan oo jirkaa gu isku raacsan yahay.Waxaan mararka Qaarkood u qashuuci jiray Qaab dhismeedkaaga.Waxaana ku hadaaqi jiray,
Jiijoy xishoodkiyo """
Dadnimadaada buuxdiyo ""
Dabacigaaga yaabka leh"""
Deeq weeye Eebboo"""""""
Duhur iyo habeenba """""
Dayi waayay Gabar kale""""
Damaq iyo Jacaylabaa"""""""
Daris ila haa dee"""""
Daacad maysu Noqonaa?????????/

haa haa haaa haa haahaaaaaa ayay ku qoshay Jiijo waxayna tiri waxaad tahay wiil yaab leh ,waxaad haystaa laga bilaabo caawa qalbigayga dhamaantiis waxaana kuu hibeeyay noloshayda inta ka dhiman,qof aan adiga hayna ma jacli ee go,aan kii aan maalmo gaari lahaa caawa ayaan gaaray taas ku seexo kuna soo toos,Najiib farxad daraadeed intuu is hayn waayay iyo jiijo si aan caadi ahayn hugg u siiyay.means he is kiss ,wuxuuna yiri waqti badan ayay igu qaatay inaan qaabilo qalbigaag lakiin caawa waxaan u malaynayaa inaan hantiyay biladii aduunka uga qaalisanayd oo loo yaqaanay nofel bres" waayo waxaan helay waxay naftaydu ku haminaysay mudo dheer inaan helo,Habeenkaas wuxuu ahaa habeen ay aad ugu riyaaqeen lamaanaha go,aanka jacaylkooda soo dag dagay. habeenkaas waqtigiisii hore waxaa dhacaysay naacow iyo kaftan goos goos ha oo raali gallinaysay qof walba oo la jooga ;lamaanihiisa qaasatan Najiib iyo Jiijo""Isla habeenkaas farxad darteed Jiijo iyo Najiib waxaa qalinka lagu duugay in la is guursado oo abaheed laga doonto marka uu yimaado,Najiib kama cabsi qabin in loo diido Jiijo waayo waxaa xiriir wanaagsan lahaa oosaaxibtinimo Najiib aabahiis iyo Jiijo aabaheed,waqti dambe ayay noqotay Najiib wuxuu Jiijo u soo dhoweeyey xaafadeedaoo in cabaar ah u jirta gurigooda,farxad iyo rayn rayn ayaa lagu kala tagay,iyo in la sugo imaatinka Jiijo waalidkeed si looga doonto,
Bal xagguu ku dambayn doonaa maskiinkii hanad"""
"""""
"""""IMAATINKII JIIJO WAALIDKEED IYO AROOSKII NAJIIB""""""""""""""""""""""""""""""""""""""'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Thursday, February 15, 2001 - 10:32 am
Saaxiib kun jeer oo horena waan ku sheegay e
fadlan sheekada xaraaradeedu mar uun ha na dhaaftee noo dhamaystir
thak yooooooooh very armaajo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Thursday, February 15, 2001 - 11:46 am
To Dhalanyarad wiilasha iyo gabdhaha soomaaliyeed
oo xiiseeya sheekada tusaala aduun
waan idin salaamay marka hore salaan ka dib
sxb yaal runntii waan jeclahay in aan dhameystiro
dhacdadaan dhabta ah laakinse waqtiga ayaa ii saamixi waayey waayo waxaan iska ahay qof busy ah
waan shaqeeyaa waxna waan bartaaa So that is the
reason marka iga raali ahaada sxb yaal waliba wxaan jeclahay marka aan dhameeyo qisadan dhabta
ah in aan idiin soo gudbin doono hadaan jaanis
u helo kuwa kale oo dhab ah ka dhacday magaalada
muqdisho waqtigii nabada I mean waxii ka horeeyay
90 ki waxaan idin ka codsanayaa in aad igu
dhiiri galisaan in aan idiin sii wado sheekadan mana'aha sheeko xariir runtii believe it or not!!
mahadsanidiin bye all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mr.Love

Thursday, February 15, 2001 - 12:16 pm
To Long_Life
sxb waan ku salaamay marka hore
sxb runtii waxaa furtay qiso cajiib badan
waana ka helay runtii waayo waa qiso dhab ah waxaan ka fahmay sida cajiibka badan aad u qortay sxb waxey ubaahantahay in laga qaato xikmado runtii sxb waa runtaa waxaa laga yaaba in aatahay
qof busy waayo qof walbo waa busy sxb waxaan kaa
codsanayaa in aad noo dhameystirto qisada waxaana
dib noo xasuusisay qisooyinkii ka dhacay wadankeena qaasatan Muqdishu city sxb yaal
bye ha'idiin macaato qisadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacayloow

Thursday, February 15, 2001 - 02:23 pm
TO;long life
saaxiib salaan kadib,aad ayaad ugu mahadsantahay qisadaan aadka caajibka u ah ee aad noo soo gudbisay runtii waa qiso aad ii soo jiidatay,saaxiib waxaan kaa codsanayaa inaad noo dhamaystirtid qisadaan layaabkaleh,saaxiib ogow waxaa laga yaabaa ineeyan iisuura galin inaan marwalba soo galo internetka maxaa yeelay waxaan ahay arday jooga poland waadna garankartaa wadamada shuuciga sida ay ku yihiin internetka,walaal waxaan marlabaad kaa codsanayaa inaad noo dhamaystirtid qisadaan qaaliga ah adoon waxba katagin
mahadsanid bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Friday, February 16, 2001 - 09:17 am
"""QAYTII 5aad SHEEKADII""""
"""TUSAALE ADUUN"""
""""""""""""
Waxay ahayd maalin ay aad u sugayeen imaanshaheeda Hanad iyo Jiijo waayo maalintaa waxaa soo cago dhiganaysay diyaaradii siday Jiijo waalidkeed,waxaa markiiba si dhaqso la ishugu diyaaryay sidii looga hor tagi lahaa loona soo dhowayn lahaa Jiijo waalidkeed oo Hanad abtigii ahaa,Qadar daqiiqado ka dib waxaa soo cago dhigatay diyaaradii somali airline, garoonka diyaaradaha ee magaalada casimada ahayd ee mogdisho earport,waxaa soo meel dhow ka soo bidhaamay laba qofood oo wada socda oo si aan caadi ahayn u labisan mise waa Jiijo aabeheed iyo hooyadeed, inta ay ka hor tagtay iyo dhunkatay,Hanad oo asigana aad u sugaayay in uu salaamo abtigii iyo xaaskiisa ayaa isagana ka qayb qaatay soo dhowayntaas farxadu ka muuqato, gaarigii soo dhowaynta ayaa la soo wada raacay oo wagaas loo yaqaanay land cruiser vx,haddii la soo gaaray gurigii waxoogaa sheeko ayaa la iska galay ka dib waxaa loo kala dhaqaajiyay qof walba qolkii uu lahaa si loo nasto ilayn maanta oo dhan ayay safar ku soo jireene,Hanad oo aad u jeclaady Jiijo ayaa waxa uu aradinayaa fursadii uu kula kulmi lahaa abtigii si uu ugu sheego inuu gabadha doonayo in la siiyo maadaama ay is fahameen, laakiin hanad waxaa ka maqan oo uusan ogayn in qoftaan ay soo samaysatay xiriir cusub oo qoto dheer oo l xiriira Jacayl ay u qaaday najiib,Runtiina ma aha xaaladaan mid ka fursan doonta in ay la timaado dhibaatooyin fara badan,
Habeenimadii markii lagaaray ayaa Hanad waxa uu u atagay abtigii wuxuu u kala dhig dhigay si uu wax u doonayo iyo in la siiyo in abtidii maadaama ay raali iska yihiin ayna iyaduna ogatahay,W aa hagaag ayuu yiri abtigii maadaama aad idinku is wadtaan anigu aad baan idiinku taageersanahay ee marka hore iyada iyo adiga oo wada socoda ii imaada,Waa hadal lagartay ayuu yiri Hanad,
Hanad oo aad u farxasan ayaa u soo galay Jiijo oo ku fiirsanaysa qolka fadiga filim aad u fiican,Wuxuuna hadal uga bilaabay hambalyo, hambalyo ayay tiri,Abti ayaan ka imid waxaana u sheegay arinteenii waana naga aqbalay ,jiijo ayaa ugu jawaabtaay,Aniga maxaad wax ii awaydiin wayday marka aad aabe ula tagaysid oo aad waxaan jirin ,Naxdin ayuu haq la yiri oo darteed ayuu la hadli waayay markaasuu intuu u soo dhowaaday yiri Jiijo maxaa kaa si ah sidaan oo kale walgaa iilma hadlin hadlin xitaa haddii aad walaaltinimadeenii qiimayn waysay Jacaylkeena ma qiimaynaysid,Jiijo ayaa tiri jaceyl jaceyl waligay maalin galinkeed walaalnimo am ogiye jacayl kuuma qaadin,Hanad naxdin ayaa u timid meel laga soo galay ayuu garan waayay abtigii waa ku ceeboobay waayo wax uusan si fiican u hubsan ayuu ula tagay maxaa yeelay maalimii dambe oo dhan qoftaan najiib ayay u go,day xaggisa,Calool xumo ayaa soo gashay hanad aad buu ugu calaacalay Jiijo habeenkii oo dhan laakiin wax ka soo qaad malahayn oo markii uu ka daalay ayuu isaga tagay isgaoo ay ka muuqato niyad jab wayn,Habeenkaas ilmadii ayaa ka dhmaatay najiib waayo waa nin horay u soomaray dhow dhibaato waagii uu howdka ku noolaa Wuxuu dib u xusuustay broplemkii uu kal kulmay xaaskiisii hore ee uusan calfan waxa uuna niayada iska yiri waxaani waa ""TUSAALE ADUUN"""
Horaaloo yiri "'indho jacayl ilmo kama dhamaatee"" wuxuu habeenkii oo dhan soo jeedaba waagii ayaa dushiisa ku baryaay wuxuuna shaqadii aaday isgoo ay ka muuqato diif wayn qofkii arkaana u malaynaayo inuu todobaad soo jeeday,waayaha iyo waqtiguba waa wax iska dhib badan Hanad wuxuu ka qoomameeyay waxa daba dhigay dhibaatadaan aduunka iyo in asiga kaliya ay ku kooban tahay markaasuu yiri
Ifka uma soobaxo ninkii
IIlka jiisada e
wixii kaa adkaadaba
waa aaqiroo kala,e
waxalaygu amray cishqigaag inaa u ooyaye
Alahayow afkaygiyo sideen aadmi ugu eeday.

Tixdaas gabayga ah oo si lama filaan ah ugu soo dhacday qalbigiisa waxaa iska lahaa ninkii jacayka u geeriyooday ee "CILMI BOODHARI"
Hanad wuxuu shaqadii ku aadi jiray si dhib leh waayo diid madii ay diiday jiijo waxaa uga sii darnaa,Doonashadii uu soo doontay najiib,Jiijo reerkooda oo waliba asiga oo taagan hortiisa lagu bixiyay,ala ninku nasiib xumaa waxa isugu darsanatay isoo aan rabin inta ay jacayl ku beeratay ay hadana tiri iga doon aabahay markuu yimaado ay aabaheed markii uu yimid na uu ka doonatay markii loosoo ogolaadayna ay diiday hadana waxaa inataa u sii dheeraa oo uu ka soo waaqsan waayay aydoo ka sii raacday wiil dhowr habeen u sheekeeyay,
Waxaa dhacay aroos cajiib ah oo ay ka tumayeen hobaladii somaliyed ee loo yaqaanay Libaaxyada maaweeliska banaadir iyo kooxda shareero'"""" iyo Kooxda """"DUR DUR""""
Wuxuu ahaa aroos ay magaalada mogdisho kala bar ka soo qayb gashay waayo waxaa la aroosayaa tijaarka ka mid ah dadka tijaarta ahaa magaalada mogdisho,Najiib iyo Jiijo habeenkaas waxay u ahayd dhalshadooda lakiin Saaxiibkeen Hanad habeenkaas waxau ahayd dhimashadiisa"" waxaa la isla dhexmaraayay dawaynaha ka soo qayb galay arooska
HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA EE HOOYOO HOOYOO HIBO IYO DUCABA NAGA HOOYA"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""''
"""FURITANKII JIIJO IYO NAJIIB""""IYO
"""NOLOSHII CUSBAYD EE HANAD""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Friday, February 16, 2001 - 09:27 am
saxiib LONG live iga raali ahow haddaan ku
dedejiyey, waayo xumaan intaa ugama jeedin e
waxaa uun ega keenay sheekada oo aan dhamaad-
keeda sugi kari waayey

MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Friday, February 16, 2001 - 09:32 am
to'dhalinyarada xiisaysa qisada tusaale aduun waxaa laga yabaa inaan jaaniska ii saamaxo maanta oo aan idiin dhameeyo codsigiina owgiis
thank u all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Friday, February 16, 2001 - 11:06 am
"""""QAYBTII 6aad SHEEkADII""""""""
""""TUSAALE ADUUN"""""""""

Jiijo waa la guursaday oo waxay u hoyatay guriga Najiib,Waxay galeen aroos aad loo soo diyaariyay lakiin somalidu waxay ku maah maahdaa geedkii orod lagu koro orod baa looga soo dagaa,la isma baran bogaase la isla galay,xageebuu ku dambeeyay Hanad,
waa lacaatoobay jacelbaa googooyay danahiisii oo dhan waa la ilaaway,Abtigiis waa arkay inuusan ninkaan wax caaqiba ah soo wadin waayo dhow mar ayuu la hadalay oo wax ka dhaadhacsiiyay lakiin waa maqane jooga ninka wax loosheegayo,alaw yaa nabada dhowra naagba yaa iska daaya ama yaa nikaaxsada iyo Nabsi baa hiiliyoo kuu hahaajiya hilinka ayaa inta badan maskadiisa ku soo dhacaysa,Hanad oo subaxdii dambe hurda ayaa abtigii dul yimi markaa suu ku yiri waryaa hanad maxaad la shaqaysan la adahay waadiga sida nin waalan isla hadlaaya mar walba plz isii furayaasha baqaarada waxaaba tahay nin qayru masuul ah waa meeqa saac xilagaan oo kale yaa jiifa ma ciyaal dukaafad baa tahay Abtigiis aad ayuu u xanaaqay ilaa uu ka qaatay furahii baabuurka oo uu albaabka ka soo dajiyay oo uu yiri waad kibirtay ee waa taa xamar iska celi,sheekadu waxay gaartay Cirkaa dheer dhul kaa dheer caways makuu tuntaa""" Hanad Abtigiis gurigiisa ma ogiye cid kale magaranaayo waayo sonooyin yar ayuu ku noolaa mogdisho, waxa uu ka faa iidaystay ganacsiga Abtigii oo kaliya waxa uu yaqaanay qaabka ganacsiga loo bilaabo laakiin hada maya waxaa haya jacayl waalan waa kii u diiday inuu ka faa iidaysto hantida faraha badan ee Abtigiis,bini,aadmigu marka uu dhibku ka bato waxaan u arkaa inay imaanayso wax ka sii daran oo jacyla qofka haya uu ku ilaawi karo waa nolosh oo ka cariiri gasha qofka,Hanadna waxaa soo wajahay nolol u baahan in lagu ilaawo jacaylka uu u qabo Jiijo oo hada ah marwo ninkale,
Hanad markii guriga laga soo cayriayay waxa uu yimid isga oo ilamaynay xaafada xamar jadiid qaybta laba dhagax loo yaqaanay,waxa uu fariistay Iqra brivate scool,agtiis isagoo ilmaynaya oo ay ka muuqato dhibaato iyo argagax, sidii isaga oo u fadiayo ayaa waxa u yimid la gabdhood oo rabay inay brivatiga galaan waxayn waydiiyeen waxa ku dhacay waxa uu ugu jawaabay,Waxaan la sheekaystay mid idinka oo kale ah Run waxayna iigu jawaabtay been plz waa idin baryaaya waxaa i dhibaaya aragiina leave me alone. gabdhihii inta ay ka naxeen wiilkaan dhalinyarada ah ee diifaysa ayay ayaga oo ilmaynay waxay galeen iskuulkii.
Maalmo ka dib wax uu bilaabay hanad inuu u shaqeeyo joornaalistayaasha xidigta oktoobar" ee ka soo bixi jiray mogdisho,halkaasoo uu ganacsigiisii ugu horeeyay ku fur furtay ilaa uu gaaro inuu furto miis wayn oo lagu iibiyo waxyaabaha la daabaco sida buugaata iyo jaraa,idyada ka soo baxa mogdisho,wuxuu maalinba maalin isi soo taraayay dhaqaalihiisa waxa uu u gudbay inuu furto dukaan wayn oo wax walba laga helo ilayn waa nin ka faaiidaystay waagii uu baqaarada gadi jiray aadna wax uu ugu taqasusay wax soo saarka iyo si loo sameeyo faa iidooyin badan.Hanad waxa uu galay nolol cusub waxaa laga bartay xaafada NO,4 oo dhan waxaa uu dadka tusay dabeecad aad u wanaagsan iyo soo jiidasho qalbi furan maxaa yeelay qofka dhibaatooyinka arka waxa laga helaa xikamado badan iyo waayo aragnimo iyo dulqaad uu dadka kula dhaqmo,horaa loo yiri waa la isu soo noqon wixii nool aduunyada.Hanad oo habeen iska iibsanaya dukaankiisa ayaa wax soo hor is taagay dukaanka Gaari Land Cruseir Moodadii ugu dambaysay, gacanta ayaa loo haatiyay isgoo dukaankiisa hortaagan shaqaalihii dukaanka ayuu u diray oo waxa uu ku yiri maxaan idnka iibiyaa dheh, shaqaalahii markii uu u tagay gaarigii ayaa waxaa lagu yiri waxba madoonayo ee waxaan doonayaa inaan la hadlo wiilkaas dukaanka hortaagan shaqaalihii ayaa yiri waa badroonigayga ee ma kuugu yeeraa Haa ayuu yiri qofkii doonayay shaqaalihii hanad ayaa yiri ninka adiga ayuu ku doonayaa u tag,Hanad wax uu soo abaaray isga oo mooda inuu yahay macaamiisha dukaanka markaasuu yiri,maxaad doonaysaa oo lagaa iibiyaa .waxba madoonayo ee Ma igaranaysaa ayuu yiri qofkii gaariga watay,Hanad Haa ayuu yiri waxaad tahay Abtigaygii iga soo Cayriyay gurigiisa,
dhibaato badanaa maxaa iga rabataa ayuu yiri hanad shaqaa ii taal warka na ii soo dadaji,Abtigii ayaa yiri gabdii ayaan rabaainaankugu daro iyo inaad gurigii kusoo noqoto Haa haa haa ayuu yiri hanad.Gabadhii aad ii diiday iyada oo gabar ha ma doonayo iydoo garoob ah.Gurigii aad iga soo cayrisay aniga oo u baahana madoonayo inaan ku noqdo anigoo aan u baahnayn hada,Hanad abtigiis ayaa yiri hada waad xanaaqsan tahay nmarkale ayaan kuu imaanayaa. bye okey bye
waa aduunyo iyo xaalkeed ayuu yiri maba ogayn inl soo furay Jiijo ayuu yiri Hanad nabsigu waa cajiib waxaa la qabay todoba bari kaliya Najiib waa nacay isla markiiba wax uu xiisaynayay oo kaliya todoba bari inuu haysto.waayo Jiijo sariirtii ay todoba bari ka hor ka tagtay ayay iyada oo garoob ah ku soo noqotay si aan caadi ahayn ayuu u qoslay hanad,wuxuuna yiri wax badan ayaan ooyay waa inay wax badan oysaa ala maxaan baryay habeen dhan ka xaaxaabi Najiib baan jaclahay, hanad shaqadiisii ayuu iska watay,Jiijo markii uu abaheed guriga yimid ayay waydiisay inuu Hanad kala soo kulamay hadalo fiican laakiin wax uu u sheegay inuu wali ka xanaaqsan yahay cayrintii guriga aan ka cayriayay taas oo ahayd qalad aan anigu lahaa hadan wax walba waa iska dhamaanayaan mar kale ayaan ku noqonayaa ayuu yiri Jiijo aabaheed.laba todobaad ka dib ayay kulmeen Hanad aiy abtigiis markaasoo hanad uu soo dabcay ilayn waxaan waa waalide waxa uu ogolaaday hanad inuu guriga yimaado iyo inuu gabadha guursado laakiin uusan ku guursan lacag uu abtigiis leeyahay ee ku guursado lacag uu isagu shaqeystay sidaas ayaa habeen kaas la isku soo raacay Jiijo aad bay u masklaxday Hanad waxayna sheegtay in caqliga laga xaday.okey wax dhibaato ma leh wixii la ii qoray ayaa igu dhacay.Maalmo ka dibna waxa uu aday dalka italy halkaasoo uu ganacsi u aaday Jiijo ayaa iyana ka daba tagatay waxaan halkaas loogu dhigay aroos kii hore mid ka sreeya ayna ka tumeen kooxda somali JAZZ oo looga kaxeeyay somalia,."""""""""""""""""""""""
Sidaas ayay ku dhmaatay sheekaddii
""""""""" TUSAALE ADUUN"""""""""""""""""""""
Wixii talo iyo tusaale ah iagla soo xiriita e-mailka rav_lov_boy@blackplanet.com
aad baana ugu mahad santihiin sidaad iigu dhiiri galiseen inaan dhameeyo qisadaan waxaana jaclahay inaan hadaan jaanis helo idiin soo gudbiyo sheekadii QISO KALGACAL""oo ka dhacday magaalada mogdisho sanadkii 1985kii waxaana ay dhex martay
Faa,isa iyo Faysal"""""
have good day all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacayloow

Friday, February 16, 2001 - 12:01 pm
TO;LONG LIFE
saaxib aad ayaad ugu mahadsantahay sida aad noogu dhamaysay sheekadii soo jiidatay dad badan oo soo booqday bejkan,waana kaaga mahad celinayaa sida aad u qadarisay codsiyadii faraha badnaa ee ka imanayay dhalinta sida tooska ah ugu xiran sheekadaan,waxaana rajaynayaa inaad noo bilaabi doontid sheekadi kale ee la magac baxday QISO KALGACAL saaxiib waxaan filayaa inaan la socon doono sheekada kale maxaa yeelay wali waxaan haystaa jaanis oo waxaan ku jirnaa fasax noomana bilaaban duruusta wali,
mahadsanid bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Friday, February 16, 2001 - 12:55 pm
to.jacelow sheekeeye sahra beeleey iyo dhalinta kale ee mudan inaan xuso aad baad u mahadsan tihiin waxaan idinka codsanayaa dhamaanteen inuu beyjkaan noo wad furan yahay ma aha inuu aniga kaligay ii furan yahay dhamaan wiilal iyo gabdho wixii haya qiso run ah oo jacayl ah aad baan u xiisaynaynaa waana ku soo dhowaynayanaa isagoo kala saaraya waqtiyaadii ay dhacday qisadu haduu xasuusto waana mid waayo argnimo u ah dhalin yarada jacel inay ka faa iidaystaan siyaabihii kala duwanaa ee ay soo mareen dhalinyaradii jacylka nooga horaysay
waqtitayadii wadanku nabada ahaa,iyo waxa ay kala kulmeen.sida qisadii cilmi boodhari ee ahayd""Madhabaa Jacaylku Waa loo Dhintaaye""""
waana tii uu hadraawi inta uu qabrigiisii dul tagay ku kor aqriayay
""Boqorkay huq iyo ciil
Hagardaamo lumisoo
Hadimada kalgaacalka
Cilmigii u hoydoow
waa tay ku heereen
ku jareen halbowlaha
Bacaad kugu halgaadeen
Janadii mahurudaa
Harqabow majiiftaa ,hooban magurataa
Hablo xuural caynaiyo
sow kuuma heesaan
Hodan maysku aragteen
mays dhaafsateen ahadal.iyo kuwa kale oo badan oo aan hada xasuusan waxaan ognahay qof walba inuu jacelyahay inuu guursado waxa uu jacelyahay waxaa qalad ah in nin walba uu raadsado dooqiisa uuna ka faa iidaysto waqtigiisa.sida nabigu yir aduunyaa mataac, wa qayru mataac mar,a saalixa , aduunku waa raaxo raaxadiisuna waa diga oo ku hel naag wanaasan means baariah diin leh dabeecad macaan. marka xiriirkeenu ha socdo wixii hada ka dambeeyana waan iska faa,iidaysanaynaa aniga kaligay wax ma aqaan laakiin nin walba wax buu na dheer yahay hangu soo kordhiyo waad mahadsantihiin aqyaarta dhmaantiin guys and girls
have good day bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Friday, February 16, 2001 - 01:00 pm
HEY
waxaa n qalday hadal yar ee iga raali ahada kaas oo ah waxaa qalad ah inuu ninwalba raadasado dooqiisa waxaan ka waadaa waa dhab ah in nin walba raadsado dooqiisa okey
dhalinyaro bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Saturday, February 17, 2001 - 01:06 am
To: Long Life


Walaalo, marka hore Salaamu Calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu, walaalo, waxaan aad iyo aad kaaga mahadnaqayaa in aad noo dhamaystirtay sheekadii aadka u qiimaha badnayd ee nagu beertay dareenka cajaa'ibka ah, walaalo, waad mahadsantahay 100%.

Walaalo, waxaa kale xusid mudan in aad tixgalinsiisay codsigaygii markale mahadsanid, kana raali ahow hadii aanu ku dadajinay.

Walaalo, waxaan kaa codsanayaa in aad noo bilowdid noona dhamaystirtid Sheekada kale ee runta ah ee QISO KALKACAYL.

Walaalo, sheekadaadii qiimaha badnayd waxay i xusuusisay waayihii aan muqdisho joogay iyo sidii aan u akhriyi jiray sheekooyinka, inkastoo sheekadaadani ay ka mudantahay kuwaa hore sababtoo ah waa sheeko run ah, oo hadana aan akhriyay anoon mudo dhow sano ah aan akhriyin sheekooyin jacayl ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHEEKEEYE

Saturday, February 17, 2001 - 10:14 am
TO, LONG LIVE
SAXIIB WAXAAD WADIDBA SHEEKADII MA DHAMAYSAY,
WAAD KU MAHADSANTAHAY RUNTII WAAYO SHEEKADANI
WAXAY AHAYD SHEEKO LAYAAB LEH, MARKA HADII
AAD JAANIS HESHID SOODAA SHEEKADA LABAAD ADIGA
OO RAALI HA

MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Saturday, February 17, 2001 - 10:27 am
TO:LONG LIFE
saaxiib salaan kadib,aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida aad noogu dhamaysay sheekadii macaanayd ee tusaale aduun,saaxiib waxaan u malaynayaa waad aragtaa dhalinti iga horaysay inay adiga booska kuu baneeyeen ana sidoo kale adaan kaa war sugaynaa,saaxiib hadaan sheegi lahaa sheeko waligay ma akhrisan buug jacayl muqdishana waxba kama xasuusto hada oo anoo yar ayuu lagu kala kacay,marka waxaan kaa codsanaynaa inaad noo bilowdid sheekadi kale,
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Saturday, February 17, 2001 - 02:07 pm
""""QAYBTII 1aad SHEEKADII QISO KALGACAL"""""""""

Waa habeen si aad looga dabaaldagayay magaalada caasimada ahaan jirtay mogdhishu Faysal habeen kaas waxa uu u soo labistay si cajaa,ib ah oo qofkii arkaba uu iska jaclysanaayo inuu iska raaco,magaalada muqdisho oo loo dabaaldagaya 21kii oktoobar markii ay xornimadu qaadatay somaaliya 1969kii, waxaa ka dhacay iftiin kala duwan oo inta ay dhulka ka qarxaan xagga samad isku shareerayay bu hanka iyo buuqa dadka habeenkaas isku soo baxay ayuu faysal dhexda uaga jiray,wajigiisana waxaa ka muuqatay farxada dabaaldaga ah ee wadanimo ee loo dabaaldayay xornimad somalia markii ay qaadatay,Waxaa dadaka loo furay carwadii somaaliaya oo loo aqoon jiray Carwad Caalamiga""
Hawada magaalada caasimada ah ee mogdhisho aad ayay iyadana qayb wayn uga qaadatay oo waxaa habeenkaas dhacaysay naacow aad u macaan,oo ka soo dhacaysay xagga badda Indian Ocoin,raaligalisayna dadka habeen kaas cawaynayay, fayslal waxa uu soo abaaray xaga iyo carwad caalamiga oo habeenkaas oo kale lagu soo bandhigi jiray waxyaabo kal duwan haday ahaan lahay waxyaabaha hidaha iyo dhaqanka soomaalida u leedahay,iyo horumarka uu gaara wadanku sanadihii la soo dhaafay,Daawasho dheer ayuu galay faysal isgoo ku dhaygagsan kaluun uu aad ula yaabay oo ku sawiran carwad gudaheeda ayaa waxa uu dareemay dareen cajiib ah oo gacantiisa soo galay haddii uu fiiriyo waa gabar aad u qurux badan oo aad makaad argto la yaabysid sida ay u soo labisatay hadana intaa waxaaba ka darnaa iyada oo u dhaltay geesinimo iyo furfurnaa,Suaa,shii ugu horaysay ay waydiisay faysal waxay ahyd aboowe wax yar ma ku way diin karaa adigoo raali iga ah, haa wlc ayuu yiri faysal.kaluunkaas magaciisa ma iisheegi karataa xageese laga helaa ee uu ku badan yahay wadan keena? faysal ayaa ugu jawaabay kaluun kaan waxa uu ku nool yahay xeebteena somaliya magaciisana waxsaa la yiraahdaaa Taraaqad""oo waa kaluunka aadka looga isticmaalo wadankeena qaasatan magaaladan moghdisho,okey ayay ku tri aad baad u mahadsan tahay iyo adiga ayaa mudan ayaa la is waydaarsaday .Wali faysal waxa uu la yaaban yahay gabadhaan uusan garanayn oo iskal qabsatay,waa aduunyo iyo xaalkeedee,habeenkii intiisii hore oodhan ayaa la wada socday,faysalna yaabkii ayaa ku sii kordhayay waayo waligiis wax uusan la kulmin ayuu arkay,ilayn talo isuma kaa sheegto ayuu hoosta ka yiri,Markii la soo wareegay cabaar ayay tiri aboowe hadaan casho tagno ka waran sidee u aragtaa , Faysal waa caadi ayuu yiri,Baarkii carwada dhexdeeda ku yaalay ayaa meel gooni ah oo loogu tala galay mataanaha wada socda ayay galeen,oo ay kuraas ka fariis teen,waxaaba markiiba u yimid shaqaalihii dalaadka cuntada kaa soo uu casho fudud ka dalbay Faysal,su,aal kale ayaa la waydiiyay faysa oo ahayd Aboowe maxaad ii waydiin waysay aniga cashada aan u baahanahay inaan cuna Faysal waxa uu ku jawaabay koley waan wada soconaa hada Naftaydana Naftaad oo kale ayaan ka soo qaaday"""'
qosol dheer ayay gashay,markaasuu faysal su,aalay Abaayo horay miyaa ii taqaanay , maya ayay tiri laakiin inaan ku arkay waa laga yaabaa.okey ayuu yiri iyaga oo ku ku dhex jira kaftankii xiisaha lahaa ayaa waxaa loo keenay cashadii markale,ayuu Faysal waydiiyay magaceeda waxayna ku tiri waxaa la iigu yeeraa Faa,isa adigana waxa uu ugu jawaabay Faysal yare, sidii ayaa habeenkii lagu galay haasaawe aan sidaa uga sii durugsanayn isbarasho,Faysal saacadii gacantiisa ku xirnays ayauu fiiriyay mise waa waqti dambe,Faa,isa aayuu ku yiri faa ,isa walaal waa waqti dambe ee maxaan meesha u joognaa ,faa,iso oo aanba moodayn inay saacad la fadhiday faysal ayaa kor u sara kacday, waxayna markiiba soo abaareen xagga albaabka isga oo doonayo inay tax racaan lakiin waxaa gacanta Faysal markale qabatay Faa,iso oo ku tiri ma tagsi baad noo raadinaysaa na keen anaa meel ku geynaya cabaar haddii ay soo dhaafeen dhowr gaari ayay waxay albaabka ka furtay gaari casri ah oo markaa lagu daadsanaa mogdisho waa haddii aad taqaanaan toyota Craside Xl, oo markaa hay gawaaridii ugu dambaysay ee ka soo dagtay dakada mogdisho,Faysal yaabkii hore mid kale ayaa u darsamay,Waayo waxa uu la yaabay waxa ku soo aaminay gabadhaan yartaa oo qurux da badan gaarigaan qaaliga ah,Faysal waxa uu ka shaqaysiiyay maskaxdiisa asiga oo la yaaban waxa ay ka rabto asiga may iska tagto ayada kaligeed maxay iga rabataa aniga ayaa sidii wax yigii maskaxdiisa ugu soo qulqulayay,Faa,iso waxay waysdiisa maxaad la fakaraysaa Faysal ayay tiri wax dhibaato ah ma jiraan ha ka baqin waxna aniga ayaa xaafadaada ku gaynay ii sheeg xafadaada Faysal waxa uu u timaamay xaafadiisa oo ku taal isgoyska Black Sea.marka la dhaafo oo cabaa la socdo ayuu yiri waayo gurigooda wadada ayuu saarnaa,Markii la soo gaaray xaafadisii ayuu albaabka gaariga intuu iska furay ayuu ku yiri okey habeen wanaagsan,Faa,iso ayaa waxay u sheegtay inuu xoogaa sugo inta ay u dhiibayso warqad yar oo ay rabto inay qorto okey ayuu yiri. Faa,iso warqad ayay dag dag u diyaarisay,waxayna uga dhiibtay daaqada iyada oo ka codsanaysa inuusan xoorin waraaqda oo uu aqristo ,Faysal abaayo waan kuu adkaynayaa ayuu yiri haka baqin,Faaisa mar kale ayaan is arki doona ayay tiri Faysal.bye iyo bye ayaa lagu kala tagay,Faysal halkii uu taagnaa yauu tabeele ku noqday waxa uu ka sha kiyay inay ahayd Jini xeebat ka soo baxday Ilaa ay ka libdhaysay meeshiisa ayuu sanam ku ahaa,Warqadii ayuu dib u aqriyay mise Waxaa Cinwaan u ahaa, """KOLEY DOOQU YAAB MALEH"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""'''''''''''''''''"""""""""""""""""""""""""""""""""""""KULANKII LABAAD EE FAYSL IYO FAAISO"""""""""""""
""""LA SOCDA"""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Saturday, February 17, 2001 - 11:57 pm
To: Long life


Waad Salaamantahay marka hore.

Waxaad soo bandhigtay sheeko labaad oo macaan, marlabaad ayaanu kaa codsanaynaa in aad tana dhamaystirto ilaa wakhtigaydoonto ha kugu qaadatee.

Walaalo, waxa aan doonayaa in aan dib u milicsado sheekadan hada qaybka mid ah, runtii dhamaanteed waa sheeko aad u fiican, waxaase jirta in ay ku jirto sheekada 21 october 1969 oo ah wakhtigii ay somaalidu qaadatay xoriyadeeda, walaalo, wakhtigaasi muu ahayn wakhtigay qaadatay somalidu xoriyadeed ee waxay ahayd wakhtigii uu dalka qabsaday Kacaanku (M. Siyaad Bare & Xulufadiisu), wuxuu ahaa wakhtigii ay somalidu qaateen Xoriyadoodu, Gobolada Waqooyi (waa intii uu gumaysan jiray Engiriisku)waxay qaateen xornimada 26June 1960kii, Gobalada Koonfureed (waa gobaladii uu gumaysan jiray Talyaanigu) waxay qaateen xornimada 01st July 1960.

Igana raali ahow hadii aan faragaliyay sheekadaada igamay ahay faragalin ee waxaan rabay in aan iftiimiyo eraygaa.

Mahadsanid maaweeladaad qaaliga.

from:
Gabadh Somaliyeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, February 18, 2001 - 03:00 am
TO:LONG LIFE
walaal salaan kadib,aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida aad noogu bilowday sheekadaan yaabka badan walaal waan kaaga mahadcelinayaa marlabaad sheekadaan qaaliga ah
mahadsanid bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, February 18, 2001 - 11:12 am
hey"sahra
waxaan aad kugu mahad celinayaa sida sharafta leh eedaa iiga qabatay qaladka waayo anigaba waxaan arkay markaan sheekada dib u aqriayay in meshaas uu qalad ku jiray runtii aad ayaan kuugu mahad celinayaa I mean waxaa tahay gabar aad u yaaba badan waayo gabdhaha maanta jooga wadmada aduunka lagama yaabo intooda badan inay sidaasoo kale kaaga qabtaan haddii aad ka sheekaysid waqtigii nabada waayo kuligood waxay ku koreen wadmadaan cadaanka iyo meelihii loo qaxay wax yar ayaa dib u xasuusan kara taariiq nololeedkii wadanka somalia"""
sahra plz tel me where do u live sister?
waxaa fiican in la is barto hadaan dhalinyaro nahay oo uu halbayj noo furan yahay
waxaa kale oo aan ka codsanayaa dhalinyarda kale inuu mid walba ii soo sheego meesha uu ku nool yahay.
marka hore aniga ayaa idiin sheegaya meesha aan ku noolahay waxaan ku noolahay state mn mpls. usa
waxaana la iigu yeeraa long_life
waa magaca aan caanka ku ahay
have good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, February 18, 2001 - 11:26 am
TO LONG LIFE
akhyaarta waad salaamantihiin,saaxiib hadaan ku hormaro ani waxaan joogaa dalka poland magaalo la yiraahdo butrch oo ku taala wuqooyiga dalka,waxaana ahay arday oo waxaan ka dhigtaa jaamacad waxaana ii haryay sand iyo todobo bilood,laakiin waxaan caadiyan u daganahay oo waalidkay ay joogaan toronto canada,barasho wanaagsan akhyaarta dhamaan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, February 18, 2001 - 12:09 pm
""""QAYBTII 2aad SHEEKADII QISO KALGACAL"""""""""

Faysal waxaa uu dib ugu noqday gurigiisii isaga oo aad u yaaban markii uu soo gaaray gurigisii halkaasoo uu isku tuuray sariirta saacado badan ayuu ku dulfakiraya sariirta maxaa yeelay waxaa sidii film oo kale u dul imaanay Faaisa oo uu la yaabanaa gabdha yarta ah oo uusan hore film uga daawan hadana ula timid sheekada cajiibka ah,Waagii markii u barayay ayuu hordada ka soo toosay isagoo ay ka muuqato daal fara badan
sidaas daraadeed ayuu soo aaday meshuu uu kula balami jiray dhalinyarada saaxiibadii ay ku ciyaari jireen daamad ama turubka,maalintaas oo shaqada fasax ka lahaa halkaas ayuu waqtiga intiisii badnayd ku lumiyay.Galabnimadii markii la soogaaray Ayay faaisa oo wadata gaarigeedii soo Abaartay xaafadii uu ku noolaa Faysal, waxoogaa ka dib ayay soo gaartay gurigii ay muraadka u lahayd ee uu ku noolaa wiilka ay sida yaabka leh uga heshay ee faysal,xaafada uu ku noolaa Faysal oo ahayd guri wayn filo ah waxa uu ka daganaa qol iri banaan ah,Faa,iso waxay u yeertay wiil yar oo xaafada daganaa waxayna ka codsatay inuu ugu yeero Faysal wiilkii waa ka aqbalay okey i sug aniga ayaa kuu soo fiirinaya,waayahay ayaya tiri, cabaar ka dib ayuu u soo noqday waxa uuna u sheegay inuu maqan yahay,Faa ,iso oo niyad jab yar ka muuqda ayaa ku noqotay xaafadeedii,waqtigu waa is gurayaa maalintii. ayuu Faysal oo u shaqayn jiray GMHQ,
Gurnmadka mashaariicda horumarinta qaranka.Qaybta korontada ama sida aan u naqaan electaricga, uu u kalahay shaqadiisii,markii shaqadii uu ka soo rawaxay ayuu ku leexday maqaaxi uu ka cunatayn jiray afther qadadii ayuu soo aady isga oo aan gurigiisii ku leexan halkii uu dhalinyaradiisa kula ciyaari jiray Daamada Ama turubka , Markale ayay soo raadisay Faa,iso waxayna la kulantay isagoo ka maqan guriga aad ayay uga tiiraanyootay nasiib xumadeeda ayay la yaabtay waxayna u fakartay inaysan nasiib u lahayn inay la kulanto Faysal,sidii oo kale ayay u noqotay xaafadeedii, Maalintii sadexaad ayay ku soo noqotay laakiin waxay ku guulaystay in hesho waayo waxaa markiiba ka hor yimid wiilkii ay u dirsan jirtay waxayna ugu bishaareeyay inuu maanta joogo Faysal laakiin uu hordo dheer ku jiro, gaarigii ayay soo barkin garaysatay,waxayna iska soo riixday gurigii uu ku jiray,halkaasoo ay kala kulantay""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, February 18, 2001 - 05:40 pm
to;long life
saaxiib salaan kadib,duqa marki ay sheekada marayso meshi ugu fiicnayd aa kala goynee see camal duqa kaftan,saaxiib waad ku mahadsantahay wakhtiga aad ku bixisay saad noogu soo gudbin lahayd sheekadaan cajaaibka ah,noona dhamaystir yaah
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG _LIFE

Sunday, February 18, 2001 - 05:41 pm
""""""QISO KALGACAL FAYSAL ""IYO"""FAA,ISO""""""

Waxaa dhacday markii ay soo gashay gurigii uu jiifay Faysal inay la kulanatay saga oo ku dhex jira Riyo oo sariirta dusheeda dabaalanaya Arintuu haddi ay halkaas joogtay ayaa waxa ay faa ,iso iska dhexgashay inay iska daawato sawira uu lahaa Faysal oo surnaa guriga uu faysal dagan yahay darbiyadiisa faysal waxa uu ku dhex noolaa guri iskaabulo ah oo u baahan in uu u helo lamaane nolosha la wadaagta ilaa laga gaarayo heer mustaqbal Faa,iso laakiin waxay haysatay nolo aad u saraysa waayo abahaeed iyo hooyadeed waxay ahayeen dad tijaar ah, wax caruur ahna waxay ka dhaleen iyda oo qura, runtii faa,iso waxay haay gabar ardayad ah oo markaa ka qalin jabinaysay dugsiga sare ee 15 may, lakiin faysal asiga waqti hore ayuu dhameeyay shaqo noloshiisa ku filana waa haysatay,Faa,iso sidii ay sawiradii u daawanaysay ayay ku fariisatay sariirtii uu jiifay Faysal,laakiin Faysal ma dareemin markii hore ee hurdadaiisii ayuu meshiisii ka sii watay
cabaar ka dib ayuu dareemay culayska soo wajahay sariirt uu jiifay,haddii uu indhaha kala furo mise waa gabadhii uu iska ilaawey oo wali daba socota hadamna waa uu shakiyay oo waxa uu is yiri riyo ayaad bartanka u shex fadhidaaye iska wado riyadaada ,markii uu cabaar hadana hurdadii ku noqday ayuu dareemay hadana culayska sariirta ku sii kordhay,mise waaba iyadii oo run ah inta uu naxay ayuu booday oo indha si fiican u kala furay
waaaaw ayuuu yiri ala waa iyadii Faa,isa walaal ii waran maxaa ii toosin wayday maxaan ku toosiyaa hadaadba iga naxday waa aduun ayay tiri maxaa dhacay ayuu Faysal ku yiri,Faa,iso ayaa tiri ka waran haddii qofkii aad aduunka ugu jaclayd markii uu kuu yimaado uu kaa naxo . anigana gurigaaga kabihii ayaa iiga dhamaaday, adigana waaba iga naxaysaa inta uu u soo dhowaaday oo dhabnada ka dhunkaday ayuu ku yiri abaayo macaan Faa,iso xaalada sidaa moogday maaha.Faysl wax uu ku yiri wax yar is ug inta uu baxay ayuu waxa uu u doonay canitaan qabow,markii uu cabitaan kii u keenay ayay ku tiri is diyaari caawa waxaan qabanaynaa cawaysyada magaalada ama filimada jacaylka okey ayuu yiri taxtal amrak,waayo waxa ay joogtaa gurigiisa waxaana qasab ah in lixtraamo haddii uu qofku kuugu yimaado gurigaaga waa loo dadaalaa,Faysl iyo faa,iso waa laisraacay iyadoo si aan caadi ahayn loo labisan yahay ayaa la fuulay gaariguii Faa,isoiyo faysal waxaa dhex martay sheeko jacayl ah waana habeenkii labaad oo kulankooda Faysal markii hore waa ilaaway Faa,isa oo qalbigiisa waa ka saaray laakiin,faa,isa qalbigeeda waa ka tiri waysay faysal,waxaa meesha ka dhacday ""Hadaan Kuu Waramo oo Wadada Caashaqa ku Baro sidee ila wadi lahay""
Faysal iyo faa ,iso habeenkaa Waxii ka dambeeyay waxay noqdeen lamaane caashaq wadaaga,sheekadoodana wixii habeen kaa ka dambeeyay waxay noqotay haddii la raadiyo faa,iso inaan laga waayin guriga Faysal, waxay sheekadu sidaa haataba faysal waxay habeenkii dambe u sheegtay maadaama ay mudo xiriir fiican oo jacayl ah ka dhexeeyay inay soo af jaraan waxayna u sheegtay ianay barito soo tusi doonto gurigeeda oo uusan faysal tagin,waliba ay bariti u dhigi doonto martiqaad aad u sareeya, waxay kaloo kal balantay xitaa inuusan quraacan subaxii aniga ayaa xafiiska kuugu imaanaya inta aan terlfoon kuu diro ayay ku tiri faa,iso ,Waagii markii uu baryayaayuu faysal iska aaday shaqadiisii saacadu markay ahayd abaara 10;00am ayay u soo dirtay phon isgana banaanka ayauuu isku sii diyaariayay isga oo aad moodo wasiir looga yeeray shir madaxeed, Faaisa markii ay soo gaartay Faysal oo sidii u taagan oo ku sugaaya xafiiskii shaqada ayay alabaabka gaariga inta ay ka furtay ayay tiri tafadal aboowe macaan> Fayasal markaasuu ku yiri Xoolo lagu tanaadiyo Xalwad maa la xoori karaa.qosol ayay la dhacday, waan u mahad celisay sida uu u amaanayo waayo waxa uu cadeeyay ianay athaay qof dhaqaale iska haysata hadana qurux badan.Waxaa la soo gaaray Gurigii ay ku noolayd faa,isa Waa filo hab casri ah loo dhisay Waxayn ku taalay xaafada african vilage,waxay ka koobnayd laba dabaq oo isi saaran, albaabka ayaa waxaa ka furay Waardeye Awjaamac xaflad gaaban oo ay ka dhacayso ayaa loo dhigay Faysal waa guri ay iska maamulanayso Faa,isoa oo ay ka maqan yihiin hooyadeed iyo aabhaeed oo maalmahaas aaday Sauudi areebia, hal jabo ayaa ka dhcaday xaafada oo aad baa loogu soodhoweeyay faysal AAmino yaray oo guriga shaqaale ka ahayd ayaa la baray faysal oo lagal dardaar may haddii wiilkaan guriga uu ymaado inay albaabka ka furto,waayahay ayay tiri Aamino yaray oo ay faa,iso saaxxiibna yihiin marna reer ka u shaqaysa,
faa.iso maalintaas Faysal waxay u sheegtay in ay jirto arin ay ka qarinaysay in mudo ah oo ahay in Faaiso waalidkii ay rabaan inay ku daraan nin Sauudiga dagan oo ganacsade ah laakiin ay iyadu diidan tahay marka walaal waxaan kaa codsanayaa intii aan ninkaas gacanta u gali waxaa loo baahan yahay inaad reerkiina aadid oo aad u sheegtid waalidkaa inay isoo dontid,oo waalidkay ay is arkaan. waayahay ayuu yiri Halkaasaa xiriir mustaqbal oo dhab ah lagu kal saxiixdau Bal maxaa imaan doona.
Aynu aragno dhaxalka"""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""AMBA BAXII FAYSAL IYO IMAANSHIHII FAA,ISO WAALIDKEED""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, February 18, 2001 - 06:39 pm
to long life
saaxiib aad ayaad ugu mahadsantahay sheekadaan qaaliga ah,saaxiib magaranayo wax aan ku iraahdo oo aan ahayn jazaaklaahu khayran,waana lasoconaa sheekada bye duqa
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Monday, February 19, 2001 - 01:04 am
To: Long Life

Salaamu calaykum


Walaalo, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay tixgalintaan aad nasiinayso, waxaanan rajaynayaa in aad halkaa ka sii wado, waxaan ahay akhriste qiimo leh.

Walaalo, aniga laftaydu wax sidaas ah kama aqaano tariikhda dalkeena lakiin waxaan maqlaa oo kaliya marka ay dadka waawayni ka sheekaysanayaan.


Walaalo,waxaan ku noolahay Somalia gaar ahaan Hargeisa, magacaygu waa kan aan isticmaalo (sahra), lakiin waxaan idiinka cudur daaranayaa in aydaan soo qorin magacyadiina dhabta ah, marka laga reebo nickname.

iga raali ahaad waan dagdagsanahaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Monday, February 19, 2001 - 10:37 am
hey.sahro
Abaayo macaan maxaa dhacaya hadaan soo qorno magacyadeena dhabta ah?
plz jawaab iga sii su,aashaas,waxaan u arkaa inaan xor u nahay inaan magceean runta sheegno,xogaa waan yara baqay markaad sidaa tiri ma waxaad nooga baqday in nalga aflagaadeeyo internadka?
plz noo sheeg maxaa cusub?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Monday, February 19, 2001 - 11:21 am
"""""QISO KALGACAL""""""QAYBTII 3aad""'''''"""""""""""""""""""""""'"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Markii uu martiqaadkii dhmaaday maalintaas ayaa habeenimadii waxaa la soobegsaday in lagu soo caweeyo shineemooyinka, Waqti aad u macaan ayaa la qaatay, laakiin waxaa soo dhowaaday waqtigii ay iman lahaayeen Faaiso aabaheed iyo hooyadeed, Faysal laftiisu waxa uu ka dhashay qoys iska ladan
waxay reer koodu dagnaayeen magaalada caasimada labaad ee hargaysa,waxaana qasab ku noqotay maadaama uu doonayo inuu guursado Faa,iso ayaa waxa uu rabay inuu garab u aado aabahii oo hargayso ku noolaa uuna kal soo tashato xaaladaan culus ee u baahan in la iska kaashado,waqtigu wuu is daba socdaa ee waxaa lagaaray maalintii ay ka soo dagayeen garoonka dayuuradaha ee mogdisho earoport Faaiso waalidkeed ,Isal maalintaas ayuu Faysalna isku diyaariyay inuu ka doofo magaalada caasimad ee mogdisho,Maalintaas Faaiso waxay u ahay welwalkii ugu xumaa aduunyada waayo Waxaa imaanayay Odaygii loogu talagalay in faa,iso lagu daro oo sacuudiga ka ahaa ganacsade leh hanti farbadan ayna saxiib ahayeen aabaheed kana dhexeeyaan howlo badan oo ganacasi una balan qaaday inuu siiyo gabadhiisa,mida labaad oo walwalka ku haysay Faaiso waxay haay iyadoo uu isla maalintas ka tagayo magaalada wahelkeedii qaaliga haa Faysal oo ay isga kaliaya ka eeganaysay magaalad mogdisho,Faaiso ayada oo garoonka ku sii dhowaynaysa Faysal ayay hadana waxay maalintaa mar kale diyaar u ahayd anay soo dhowayso waalidkeed iyo ninka ay u aragto inuu yahay malakamowdkii dili lahaa,Ilmo ayaa ka soo daadatay indhihii Faaiso iyada oo wada gaarigeeda kuna sii jeeda garoonka,Waxayna faysal ku adkaysay inuusafarka sida ugu dhaqsaha badan uga soo noqdo waayo ayay tiri aniga la,aantaa nolol xuma ayaan ka xigaa oo ma noolaan karo hadaan ku waayo adiga, markii la soo gaaray garoonkii diyaaradaha ayuu inta uu Faysal ilmada ka tiray Faaisa dhbanad a ka dhun kagday ayauu ku yiri Inshaa alaah baaya kuun khayr bye,Faysal waxa uu kor u fuulay diyaardii vokerta loo yaqaanay ee spicial flyga ahaa aadi jirayna gobalda somaaliaya, gaar ahaan hargaysa,Faaiso oo aad u walwalsan ayaa tiri Duli maan noqdaa duurka maan galaa dugaagta maan la darsaa Daawadayda waaye""iyo calaacalo dhow r ah ayaa ka soo baxayay afka Faaiso laakiin yaa ka qoraaye hee,Waxaa isla saacado kadib intii uusan hawad ku sii jirin Fayasl ayaa waxaa soo dagtay diyaaradii siday faa,iso waalidkeed,salaan ayay u soo tagtay faaiso hooyadeed iyo aabheed llaakiin salaan fiican kama qaadin,ogaygii la socday waayowaxay oggayd inuu yahay odeygii loogu talagalay in lagu daro iyada,xaafadii markii lsoo gaaray ayaa ayaa la sheekaysatay cabaar waxaana faa iso lala balamay galabnimada in la hadlo si looga wadahadlo arimo iyda u gaar ah,Galabnimadiii markii lagaaray ayaa Odaygii Faaiso dhalay AAmino yaray ku yiri Faaiso iigu yeer markii Faaiso soo gaartay abaheed iyo hooyadeeda oo ku jiro guriga labadooda ayay tiri hooyo iyo aabe maxaad iigu yeerteen?Faaiso aabaheed ayaa yiri aabe wax kale ma haee somalida ayaa ku maah maahad Gabar god hakaaga jirto ama guri hakaaga jirto"" marka waxaan go,aan ku gaarnay inaa kugu darno odaygii sskay nala socday sidee u aragtaa arinataa,Faaiso oo aan fariisan hadan waxaa gacanta ugu jiray koob shaah ah oo aad u kulul ma aysan dareemin koobka shaaha kulaylkiisa inta ay sheekada socotay oo dhan mardambe ayay inta ay qaylo labadhagood qabsatay dhulka ku dhacaday,ALA , ALA , ALA acuudu bilaahi maxaa ku dhacay agbadhayda ayay tiri hooyadeed oo ku soo oroday gabadheedii oo suuxsan,Markiiba dhaqtarkeedii qaaska ahaa ayaa loogu yeeray waxa uu u sheegay inay miyir beeshay oo ay ku dhaceen wax maskaxdeeda ka sreeya intaa ka dib dhaqtarkii waxa uu kal dardaarmay in laga ilaaliayi waxyaabaha dhibaya iyo buuqa,Faaiso waxay noqotay qof sariir saaran oo aan ka kici karin means qof malaado ah oo aan awood fiican lahayn,
"""""
""""""FAYSAL IYO TAGIDII HARGAYSA"""""""''''""
'''''""""" """"""""" """""""""""""""""""""""
""""""""""''''

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BROTHER

Monday, February 19, 2001 - 07:46 pm
To Long Life
BRO.AAD BAAD U MAHADSANTAHAY CAAWA AYAAN KU SOO BIRAY PAGEKAN SHEEKADAN XIISAHA BADAN EE(TUSAALE ADUUN) AYAAN DHAMAYSTAY.I REALLY ENJOYED THANKS A CANT WAIT TO READ THE NEXT ONE TOMOROW ( QISO KALKACAL)
THIS IS JUST TO SAY THANK YOU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Monday, February 19, 2001 - 10:56 pm
To: Long Life


Bro,Isfahanku aad ayuu u qiimo badan yahay, lakiin walaalo, maad fahmin sidii aan ula jeeday hadalkayga ama ujeedadii aan ka lahaa, walaalo, xor ayaad u tahay magaca aad soo qoranayso, balse waxaan anigu lahaa soo qora magacyadiin dhabta ah maadaam aynu si dhab ah isku baranayno, oo inaga daaya magaca naanaysta ah.

igana raali ahaw hadii aad ka xumaatay hadalkaygii hore.

Aad & aad ayaad ugu mahadsantahay sheekadan qiimaha leh wali waan la socdaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, February 20, 2001 - 09:14 am
Hey,Sahar honey,
Sahara walaal macaan hadalkaaga ayaa qalad iigu dhacay waayo waxaan mooday inaa tiri ha sheegina magacacyadiina dhabta ah,marka ha u qaadan inaan xanaaqay waa hore ayaa xanaaqaba iska daayay waayo xadaan xanaaqo yaa i qaboojinaaya?kaama xaanaaqi karo waxaana jaclahay inaan kuu sheego hada magacayga oo dhab ah waa :: Farxaan yare"" Marale codsigaag iyo barssho wanaagsan hana u qaadan inaan xanaaqay,waayo waxaa nahay dad walaalo ah,
dhamaantiin waxaa idinka codsanayaa maadaama aan is baranay waan wada xariiri karnaa hadaan aniga u horeeyo e-mailkayga waa:Farxaan14@yahoo.com"
Sahro, walaal hadalkaaga qalad uma qaadan waxaan mar walba ku qasbanahay inaan tixgalin kusiiyo maadaama aad tahay gabar somaliyed.
sheeadiina halkii ayaan idiin ka wadaa ''
okey bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long life

Tuesday, February 20, 2001 - 10:09 am
""""""QAYTII 4aad IYO QISO KALCAGAL"""""""'
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Waa galab waxaa soo caga dhigatay diyaaradii siday Faysal,Waa magaaladii hargaysa oo ahayd caasimadii labaad ee somaaliya oo markaas u dhisnayd hab aad u sareeyo haddii loo eego xagga wadooyinka iyo dhismaha magaalaaba,Faysal oo mudo dhowr sano ah ugu damabaysay magaalada ayaa soo tagsi ka soo qaatay aerpork Markii uu soo gaaray xaafadiisii oo ahay xaafada Gacan libaax, ayuu waxa uu la kulamay gurgoodii oo aad loogu buuqsan yahay,markii uu tagasigii a soo dagay ayaa lagu soo kala yaacay iyadoo la leeyahay ALA, ALA, ALA Waa fayasal nasiib badnaa yaa kuu soo sheegay yaa telfoon kuu soo diray Faysal, oo yaaban ayaa walaashii ku yiri walaal maxaad sheegaysa anaga wali kuma fahamin,maraan guriga galno ayaad fahmi oontaa mise xaafaa markii uu soo galay ayaa waxa laga horkeenau alalaas ULU ULU ULU, Dadmaqnaa iyo Dalmaraa yimid,ayaa laga horeeny malaha waxa uu a shakiyay inay asiga soo dhowaynayaan oo ay ogaayeen imaansshahiisa.laakin xaalada wax auu ogaaday saacada ka dib markii uu inta uu qubaysatay aabahii iyo hooyadii uu u tagay ayna usheegeen in kulanka maanta a dhacaaya xaafadaan uu ahaa Aroskiisa Waxaas oo dutrbasan ahana adiag ayaa laguu tumayaa,ayuu ku yiri aabihii,faysal oo aad u carooay ayaa yiri aroos,oo maxaas igala tashan wayseen arintaaas,ma i wayiiseen inaan aniga naag leeyahay iyo in kale,faysal aabhii ayaa yiri wiil aan aniga dhalay miyaan kal tashtaa arooskiisa, arooskaana aniga ayaa dhigay waan u qasban tahay inaad aqal gasshid xoolana waa la iga qaatay oo waxaan kugu daray gabadha uu adeer kaa dhalay,waaaaw talaa ku cadaatay Faysal arintaasna waxay gaartay meel aad usaraysa faysalna waxa uu soo bandhigay waxa uu u yimi magaalaaba inay tahay in la caawiyo oo uu doonayo inuu guursado gabar uu isagu jacel yahay,lakkin arintaas way qancin wayad aabahiis,Habeenkaas sidaas ayaa lagu kala tagay oo lagu kala hoyaday,sioo ale ayaa hadana la issugu yimid Faysal; iyo aabahii iyo hooyadii,waxaa isku mowqif soo istaagay labadda waalid ee dhalay kuwaaso ku dirqinaaya faysal inuu qaato amarkooda, faysalna waxaa uu soo istaagay inuu gabarta uu jacel yahay garab lagu siiyo,sidii ayaa lagu kala tagay.waxaana meesha a dhacay laba kala daran kala dooro taas oo ahayd markii fayal waalidkii ay soo istageen HABAAR IYO DUCO,Faysal wuxuu ku jawaabey dhexooda yaan ku jiraa""
waxaa arintu aysubaxwalba taagnaataba faysal waxa uu ka guuray guriga subax walba buuqa ka taagan yahay waxa uuna u guuray xaafad kale Faysal arinta waalikiin waxaa uga sii daranaa isagoo ay ku dhacday malaariyo xun, oo u jiifay mudo badan waxaa kaliya oo soo boooqan jiray faysal walaashii oo kaliya ,Faysal marii u ayay garab iyo gacal ayuu go,aansaday inuu ku noqdo magaalada mogdisho,si uu u hantiyo gacalisadiisii oo uusan ka warqbin muddo bil ah waxa ay ku sugan tahay,Maalintii uu isku soo diyaariyay inuu k amba baxo magaalagda hargaysa ayuu soomaray guriga waalidii si uu uga sii ducaysto,muxuu kala kulmay markii uu soogalay guriga ee uu bariidiyay ayaa waxaa uu hooyadii ku yiri hooyo lahad aabe arintaan aan aniga doonaayo wax ha igala qabto hooyadii ayaa u jawaabtay wayaa hadaa hadalkeena diidy meeshaa doonto kabax ama habaar iyo duco mid qaado? aabhaii ayuu hadana inta uujilbaha qabsady ku yiri aabe ka noqo arintaan ee plz tayda wax igala qabo Faysal aabahii oo aad uga carooday arintaa ayaa inta uu ul laba gan leh uu isga durkiyay faysal ku yiri wax ma maqshaa wiilyahaow anaga adiga nama lahid ee ma guursanaysaa gabadha lagu siiyay mise habaar baa la tagaysaa?
Fysal hadalkiisii ugu dambeeyay wax uu ahaa Waad ogtihiin in qoolaydaba aysan qoor qabasho biyah ku cabin{" halkaas ayuuna ka soo amaba baxay isgoo guul aro kal soo kulmay waalidii waa yaab muxuu la kulmi doonaa ma laga guursaday Faaiso mise wali isga ayay sugaysaa waa yaab aduunyadu""""
""""""
"""""U SOO NOQOSHADII FAYSAL EE MOGDISHO""""""""
""" """"""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Tuesday, February 20, 2001 - 03:39 pm
waasalaamatihiin akhyaarta
To long live
horta saaxiib adigu sheekadu markay meesha ugu macaan marayso ayaad
la'eegataaye waa ku sidee?
Intaasi kaftan bay ahayde sheekada halkaa kasiiwad, waana inoo markale.

peace out

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hope

Tuesday, February 20, 2001 - 04:15 pm
Hello every1,
Heey Long-Life....hmmm interesting story walaal,
I loved it,the suspense must be killing some guys lol@,anyways great job walaalo,and take ur time,I understand how busy you can get,thanx for the story walaalo........Bless ya'll.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, February 20, 2001 - 04:20 pm
TO.HOPE
waxaan ku leenahay wlc true history, if u like history love
bye good night

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BROTHER

Tuesday, February 20, 2001 - 05:11 pm
SALLAAN DHAMAANTIIN AKHYARTA


WAA CAJAA'IBU DUNYAA, EE MR LONG LIFE JACAYLKA MA SIDAAS BUU U XAMAASAD BADANYAHAY. ANNAA LAY HAYAA BARYAHANE.WAA BAQAYBA
WAA SHEEKOYIN QIIRO LEH RUNTII FROM HAWD ILLAA HAMAR AND FROM HAMAR ILLAA HARGEISA.

HA LAYS BARTEE ANNA HOLLAND BAAN DEGGANAHY ASXABTA

HALKAAS KA SII WAD SXB LONG LIFE STORYS KA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIF

Tuesday, February 20, 2001 - 05:58 pm
""''""QAYBTII 5aad QISO KAGACAL""""""
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Faysal wuxuu iska soo xadiriyay garoonka diyaaradaha ee hargaysa earport wax halkaa ku sii dhowayayna ma jirin waayo wax uu kal kulamay waalidkii waji fiiq iyo ducada oo laga xanibay,
Diayaaradii uu raaci lahaa faysal ayaa soo dhowaatay dadkiina waxaa loo fuulay sidii loo soo kal horeeyay.diyaaradii waxay cagaha ka soo qaaday garoonkii diyaardaha ee harageysa taasoo ku sii fool lahay magaalada caasimada ahayd ee mogdisho,Fayasal wax uu hawada intii uu ku jiray ka fakirayay Nasiib xumada uu kala kulmay aabahiiiyo hooyadii oo ahaa labada qofood ee u garbka uga baahnaa ilmada kasoo da,aysay indhahiisa ayaa ahayd mid qoysay shaarkiisa, ala aduunyadu dhib badanaa ayuu iskula hadlayay faysal
Diyaaradii markii ay ka soo dagtay garoonka diyaardaha ee mogdisho earport ayuu Faysal tagsi ka soo qaatay wuxuuna toos u yimid gurigiisa,halkaasoo uu iska jiiftay,maqribnimadii markii lagaaray ayuu is yiri bal ka war doon Gacalisadaadii Faisa.wuxuu soo abaaray gurigoodii oo uu mudo bil ku dhow ka maqnaa maxaa ka dambeeyay gadaashii kamauu warqabo waxa meesha ka dhacay waxaa meesha ka dhacay kal bood iyo kal haad maxaa yeelay Faiso ninkii waa diiday waxayna jiifsatay sariir haddii lagu soo sheeg qaadana waaba suuxaysaa abaheed iyo hootadeed waa ka noogeen sidii qof waalan ayay sariir u seexatay Waah Waah waxasaa jacay ah ,hadaan sariir laguu fuulayn waa ciyaar wax kale, Fyasal markii uu soogaray xaafadii ay ku noolayd Faiso ayuu Albaabka gargaraacay, waxa ka furtay aamino yaray oo shaqaalaha xaafada ahayd marna ay saaxiibo ahaayeen Faiso lana socotay sheekadii ka dhaxaysay labadooda,AAmino yaray markayb aragtay faysal way isku duubtay waxayna u sheegtay in ay tacbaan tahay Gacalisdiisa Faiso Faysal oo aan dhag la qabto lahayn ayaa galay gurig oo inta uu sii dhaafay odaygii iyo habartii oo barxad guriga fadhiya ugu galay qolkii ay faiso daganayd wuxuuna dul tagay faaiso oo sidii qof mayd ah u dul jiifta sariirta,inta uu dulistaagy ayuu ku yiri faiso gacaliso,islamarkiiba waxay gartay codkiisa intay soo booday ayay hug siisay iyadoo oranaysa aboowe maxaad ii cidlaysay Faysal ayaa yiri kuma cidlayne sow arinteenii u ma bixin isug ayay tiri inta ay talaagad biyo qabow oo isbarmuudo ah uga soo shubtay ayay damacday inay u keento laakiin taas waxaa diiday hooyadeed oo layaaban wiilkaan cusub meeshuu ka soo salaamay hadana amar la,aanta reerka gurigooda isaga soogalay,Faiso waxay tiri hooyo maanta kaliya ayaa miyir isoo galay iima naxriisanysid miyaa Faaiso hooyadeed oo ahayd qof naxariis badan ayaa tiri orod hooyo u gee wiilka biyaha,dhinaca kale guriga yaa waxaa soo istaagay Faiso aabaheed oo Faysal ku qayliyay waxaan Faysal la waydiiyay cida amar u siisay inuu xaafada iska soo dhex gudbo,Faysal waxaa loo sheegay inuusan mardambe gurigaan isku soo galin haduu nabad rabo,Faysal oo madxa hoos u dhigaya ayaa yiri waayahay adeer. mar dambe ma soo galayo gurigaaga waana qaldanahay,Faysal faiso ayuu la hadlay oo ku yiri abaayo hadaan Calaf isku leenahay isma waynayno""ee bye'"" Faiso intii uusan faysal ka sii libdhinba way suuxday iyada oo aad u qaylisay,Runntii faysal maskaxdiisu mid caadi ah ma ahayn markii uu ka sii baxayay guriga Faiso,waxaana maskaxdiisa ku shiraaya dhowr arimood oo isugu darsamay sidii ayuu isaga oo miyir la ku galay wada ka soo horjeeday guriga Faisiyo,waxaa bareeg ka soo qabtay meel aan ka dheerayn faysal baabuur xowli dheeraad ah ku socday kaasoo si lam filaan ah ugu dhacay faysal
hal mar ayaa dadkii wadad marayay ay kuwada dhawaaqeen waawareeeeeeeeeeeey wiilka manoola hal qabto gaariga,AAmino yaray oo maqlaysay qaylada ka dhacaysay guriga hortiisa ayaa soo oroday oo timi meesha shilka ka dhacay mise waa Faysal waxa meesha dhiigu ka baxayo.Aamino yaray way ashahaadatay iyada oo ku haysa laa ilaaha ila laahu muxamed rasuulu laahu war maxaa ku dhacay Faysal yare ala waa dhinat ay faysal baan u malaynayaa ayay tiri,waayo faysal waxa uu ahaa mid miyir beelay oo dhulka si xun ugu dhacay,aminayaray inta ay oroday ayay u sheegtay faiso aabaheed taasoo u sheegtay in uu faysal Jiiray gaari dowladu leedahay.Odaygii waxa uu kal dardaarmay AAmino yaray inaysan u sheegin Faiso xaalada la kulantay Faysal.si aysan u waalan.Faysal markiiba isbitaalka ayaa loola soo cararay,waxaana la geeyay saalada baritaanka waxaana la ogaaday in garigu jug xun uu ka gaarsiiyay boedada oo uu hilib go, ku dhacay waxaa yeelay gaariga markii uu jug siiyay Faysal nasiib wanaag waxa uu ku dhacay mell bacaad ah ee kuma uusan dhicin laamiga gaarigana ma uusan marin.
Faysal broplemkiisii waxaa ugu sii siyaaday arintaan kale, maalmo markii ay ka soo wareegatay faysal waxaa loo soo gudbiyay gurigii uu daganaa halkaas oo uu isbitaalkii ka soo baxay isga oo dhutinay ulna kusocda,walee nin jacayl hayo ma nasto. habeenimadii intii uu soo luuday ayuu waxa uu yimid xaafad ka soo horjeeda guriga faiso oo markaa dukaamo badan lahayd ayuu waxa uu ku sugayay inta ay ka soo baxayso Aamino yaray oo ahyd shaqaalaha xaafada, saacdo yar ka dib ayay soobaxday aamino yaray waxaan u yeeray Faysal oo meel mugdi ah ku jira,Aamino yaray markii ay aragtay inuu nool yahay faysal ayay ku tiri aboowe ma fiican tahay aniga waxaan moodayay inaad dhimatay waayo waad miyir beeshay maalintii, waan iska caafimaad qawabaa ayuu yiri, ilaah baan i badbaadiayay ayuu ku yiri,ee uuga waran Faiso sidey tahay,Faiso wali waa jiran tahay adiga haddii ay kuwaysana ma noolaanayso oo waxaa laga baqaa inay is disho,Faysal oo aad uga walwalya ayaa yiri abaayo AAmino u gee warqadaan ha iig soo jawaabto habeen dambe ayaan halkaan kuu istaagayaa oke .waayahay ayay tiri AAmino yaray oo ahayd qof aad u fiican, Faiso oo sidii u jiifta ayaa waxaa u soogaly AAmino yaray ka diban waxay ku tiri waxaa maanta kuu hayaa newska aduunka hadaan kuu sheego maxaad isiinee,Faaiso oo aad u farxasan ayaa tiri abaayo ii sheeg Faysal maad soo aragtay maanta,AAmino yaray oo aad u jaclayd Faiso ayaa tiri waxaan kuu wadaa salaan qaas ah oo kaaga timid saaxiiba kaaga qaaliga ah, waan tan ee iga gudoon,Faiso markii loosoo saaray warqadii ayaaba caafimaad ugu horeeyay,maalintii oodhanwarqadii ayay ku noqnoqonaysay.
waxaana waqda ereyadeedii qayb ahaan ka mid ahaa.
Gacaliso" waxaan hawada kuusoo marinayaa salaan kalgacaltooyo oo ka imaanaysa qalbi aad kuu xiisaynaya waxaan filayaa inaad laab furan iiga hantin doontid,
Gacaliso" dhambaalkaan waa kii koowaad ee noloshayda aan kuusoo qoro,waana mid ka tujukmaya inuu horey u kaco jacaylkeena kaasoo aan u baahanahay inaan u dulqaadano caqabad kastoo soo hot istaagta jacaylkeena inaan dulqaad u yeelano
Gacliso"waxaanintaas ka dib kuu rajaynayaa
iinaad ku nolol fiican ku noolaatid aduunkaan aynu ku nool nahay"
see you later
faiso waan ku jaclaaday Waana ku jaclahay Waan ku jeclaan doonaa
bye dear
Faaiso warqadii markii ay aqrisatay waxay ku beertay kalsoo aad u saraysa maalintii oo dhana waa laga yaabay caafimaad keeda markii dambe ayuu abaheed arkay iyada oo warqad aqrisanaysa AAbaheed ayaa yiri naayaa waxaan quraan iyo daawo kugu daldalyay kuma caafimaadine ma ha lwarqad oo kuu timid ayaa ku caafimaaday,Haa aabe ayay tiri maanta caafimaadkayga aad ayuu u sareeyaa, haddii aan warqado badan ka heli lahaana waaba qaboobi lahaa,
Faaiso aabaheed aad ayuu ula yaabay xaaldaan waana darsay in meesha gabadhiisa u roon uu u ogolaado Waaga markii uu baryay ayauu u tagay odygii uu gabdha ka balan qaaday oo hotelkiisii hurda waxa uuna u sheegay in gabdhaan la kari wayay oo ay diiday guurba marka raali iga ahow waan ku xaalmariyay ayauu ku yiri, odaygii meeshii uu ka yimid ayuu ku noqday,Galabtii dambeFaiso aabaheed asiga oo barsda ku fadhiya kursi jiif ayuu amino yaray ku yiri waxaad iigu yeertaa Faiso markii ay u timid , ayuu ku yiri waad iga badaisay waxaan iga adkaaday jacelkaag laga bilaabo hada fasax ayaad tahay ninkii aan kula rabayna waan kaa daayay la soco aad wiilka aad jaceshay waxaad ku soo heshiisaan raali ayaan ka hay anigana qalad ayaan ku samaeeyay caawa ayaan is raacaynaa oo aan gurgiida tagaynaa sow magarnaysid xaafadiisa, haa ayay la soo booday,ilayn waa qof lahayo,e Habeenimadii markii lagaaray ayuu ayuu Faiso abaheed ku yiri is diyaari aabe waxaan aadaynaa guriga faysal,Waa la isi soo raacy intii gariga la wada saarnaa ayaa la sheekaystay faaiso iyo abheed waxaana la waydiiya wiilka yaa dhalay faiso oo taqaanay wiilka ina ayihiisa yaatiri waxaa la yiraahdaa faysal hebel hebel,Odaygii ayaa Faiso ku yiri waan aqaan abahii oo saaxiib ayaa nahay waxaana ka wada shaqayn jirnay comany wayn, oo waa saaxiibkay aaway hada abahiishargaysa ayuu jiraa ayay tiri,
Markiiba waxa la soogaray gurigii Faysal irida ayay soogargaraacday mise sariirta yuu ku dul fakarayaa ALA ABOOWE ayay tiri faiso oo u waaltay Faysal waa la isku soo booday cabaar markii la isku dhagnaa yauu arkay Aabaheed oo albaabka taagan inta uu slaamay ayuu yiri adeer raali ahow waan qaldaney odaygii ayaa yiri xaqbaad u leedihiin in la idin cafiyi waayo waligay ma arag wax ssn isu jacel hada waxii laga bilaabo waxaad tihiin ilamahaygii habeen dambe iyo wixii k bilowdana waan isku kiin darayaa soo diyaar garooba horta ka mayrta wixii idin soomaray oo dhibaato ah""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""Waxaa loo dhigay aroos wayn oo ay ka soo qayb galeen half magaalda muqdisho waxaana loo diyaariyay kooxahii ugu qaalisanaa mugdisho""""
""""""""SHEEKADII QISO KALGACAL IYO DHAMAAD""""""

waxaan filaynaa inaan u nasan doono oo aan idiin soo gudbin doono laba sheeko mid soo doorta;
"""""""""""SOCDAAL IYO SIR JACAYL"""""""
"'""""""AMA SI XUN WAX U SHEEG SIXIR WAA KA DARNA YAHAY"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""''''
SOO DOORTA AFTHER ONE WEEK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, February 20, 2001 - 06:05 pm
HEY,DHAMAAN WAA IDIN SALAMYAA
Salaanta sharcidga Aslamu Calayku
Waan idiin dhamaeeyay sheekadii labaad ee Qiso kalgacal, wixii tala iyo tusaale ah ee aad rabtaan inaad ii soo gudbisaan diyaar idiin hay guys and girl I mean sis and bro
bye have good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Wednesday, February 21, 2001 - 12:17 am
Salaamu calaykum asxaabeey.

Walaalo, Long life aad iyo aad ayaad u mahadsantahay, aad ayaan ugu faraxsanahay in ay dhamaatay sheekadii labaadna.

walaalo, sheekada labaad waxay igu reebtay warwar aad u badan, waaban ooyi gaadhay markaan akhristay labadii qaybood ee igu dambeeyay.

Walaalo, long life halkaa ka siiwad qoraalka sheekooyinka, walaalo, su'aal ma ku waydiin karaa adoo raali ah?

Walaalo, anigu fikradayda waxan dooran lahaa sheekada magaceedu yahay SOCDAAL & SIR JACAYL, inkastoo labad shekaba magcayo caajaa'iba leeyihiin.

Waxaan rajaynayaa marka aad nasato kadib in aad noo soo gudbin doonto sheekada loo bato ee ay doortaan asxaabta akhrisata page-kan.

Walaalo, mar labaad mahadsanid sida wanaagsan ee aad noogu hurtay wakhtigaaga qaaliga ah.

Long life, waxaan kale oo aad kaaga mahadnaqaya sida aad tixgalinta ii siisay, walaalo, waxaan ku siindoonaa tixgalintaa aad isiisay mid ka saraysa.

Brother, walaalo, haka baqan jacaylka hadii lagu hayo, marna waa qadhaadh marna waa macaan ee waxaan kuu rajaynayaa in uu ku hayo kii macanaa.

BYEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Wednesday, February 21, 2001 - 01:37 am
to:long life
bro aad ayaad u mahadsantahay,saaxiib waxaad noo soo gudbisay labo sheeko oo aad u qiimo badan waligayna ma maqal sheekooyinkaan oo kale,walaal kolayba waxaan u malaynayaa inaad kuwa harayna noo dhamaystiri doontid laakiin hada waxaad noo hormarisaa sheekadii lamagac baxday(SOCDAAL IYO SIR JACAYL)bro wax dagdag ahna majiraan iska naso markaad nasatid kadib noo bilow waxaan filayaa inaan la socon doono sheekooyinka oo idil
mahadsanid bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Wednesday, February 21, 2001 - 10:19 am
To: long live
War ninyohow aad iyo aad ayaad u mhadsantaha
waana ku fraxsanahay in aad sheekadii labaad
ee layaabka lahaydna noo dhamaysay, waxaana
rajaynayaa markaad sifiican u nasadidna in aad
sheekooyinka kale soo dayntoondid adiga oo raali ah.Marka inta aad iska nasadid ileen shaqo fiican
ayaad qabatay e, in aad sheekada ay saaxiibaday
codsadeen taas oo ah "SOCDAAL IYO SIR JACAYL"
soodaysid
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Thursday, February 22, 2001 - 10:24 am
""""""SHEEKADII SOCDAAL IYO SIR JACAYL"""""""""

Runtii waa sheeko aad u dheer waxayna bilaabatay sanadkii 1992dii waxayna socotay ilaa sanadkii 1997dii anagoo ka soo qaadanayna qaybihii ugu muhiimsanaa,waxay sheekada bilowgeedii dhexmartay labada qofood oo kal ah Hassan iyo canab" dhnakalena waxay isu badeli doontaa Hassan iyo Hamadi.waana sheeko dhab ah oo aan buug laga guurin sheekooyinkii hore waa qisooyin dhacay xiligii wadanku nabada ahaa laakiin sheekadaan waxay dhacday markii la qaxay oo dadku isugu yimid qurbaha,waana sheeko runtii kugu biirinaysa kalsooni iyo daacdnimo,waxaan idinka codsanayaa inaad iga raali ahaataan hadaan kala jaanisku igu yaraado laakiin waxaa qasab ah haddii ilaah nafta ii daayo inaan idiin dhmaystiro""
Waad mahadsantihiin"""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG_LIFE

Thursday, February 22, 2001 - 11:44 am
""""QAYTII 1aad SHEEKADII"""""":O
"""SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""":O

Waa maalin axad ah waana bishii janaayo 1990 dagaal xun oo qabiil ah yaa ka dhacay macaaladii caasinmada ee muqdisho,dadkii ku noolaa magaaladaas waa laka qaxay oo waxaa loo kal qaxay aduunka gaararkiisa Hassan waxa uu ka mid ahaa dadkii u qaxay wadamada carabta waliba wadanka yaman,caasimadiisa sanca oo ahayd meel aad u heersaraysa,hasan ooaan wax xirfad ah lahayn hadana waxa uu biilkiisa ka heli jiray walaashii oo ku noolayd wadanka italy lacag dhan 500$
lacagtaa farha badad ee uu heli jiray waa uu isku miisaami jiray noloshiisa waayo waxa uu ahaa nin u dhashay caqli badnaan, balwadiisa caadiga ah waxay ahayd qaadka oo uu markaa bartay iyo sigaarka oo uusan sidaa u cabin,Hassan waxay walaashii kula soo at;iasay inuu ka tago wadankaan si ay u dhoofiso oo ay u keento wadan italy.Hassan waxa uu qaatay hadalkii walaashii.halkaasoo uu aady wadanka ethopio magaalada dirir dhawa,"
Hassan aad ugu helay magaaldaas oo ay ku noolaayeen dhalinyaro badan oo soomali ah oo ku soo qaxday,dhalinyadaay sida caadiga isu raaci jireen ayaa waxaa ka mid ahaa saaxiibkii mahad iyo saaxiibkii liibaan,Hassan waxaa xaafada uu ku noolaa imaa jiray gabar uu aad uga helay oo la oran jiray Canab,canab runtii aad ayay u soo jiidatay indhaha Hassan waayo waxa ay lahay indho aad u qurux badan markii ay is barteen gabdhaana waxa uu ugu yeeri jiray In My Eyess""
wixii sidaa la isku ilaashadaba oo midba midka kale kala baqo hadal ayaa Habeen habeenada ka mid Hassan oo k yimid dhalinyarad saxiibadiis waxa uu la kulmay Canab oo taagan gurigooda hortiis. waxa uu hadl uga bilaabay walaal canab maxaa kaa lumay caawa,waxba ayay tiri canab, Hassan oo wali sii wad hadalkiisa ayaa ku yiri hadaan caawa sheekaysano ka waran adiga oo raali ah, sidee ayay tiri Canab Imean sheeko noocee ah,Hassan waxa uu yiri sheeko macaan oo mustaqbal, aad ayay ugu farxaday hadalkaas markaasay tiri okey nafarissi hana ii qaban sheekadii alfu layl walayl"
Hassan waxa uu canab habeenkaas u soo bandigay sheeko ay aad uga heshay isaga oo aan ku xadgudbin markii uu sheekadii u dhameeyay ayuu ku yiri habeen damabe ayaan si fiican u sheekaysanaynaa wixii talo iyo tusaale ahna waan kal qaadan donaa wayahay inta ay tiri ayay gurigeedii is ka gashay iyada oo aad ugu qanacsan sheekadiisa,Jaaniska oo ku xun owgiis ayaa canab waxaa ay noqotay maqbiyo, habeenkii balanta waa la is waayay xafada hassan iyo canab oo iska soo horjeeda hadana waxaa xumaaday kulankoodii waxa intaa ka sii daran sheekadii habeenkii labadiidaba waxay galisay jacayl aan xadlahayn,waxaa Hassan xaafada uu ku noolaa joogtay gabar ay isku fiican yihiin canab waxaa uuna ka codasaday inay jaanis kale siiso oo ay isku arkaan canab,Hamasa oo ahay canab saxibaded ayaa u sheegtay in loo baahna yahay oo waaydaan dhanba la jeclaa,canab oo u haysatay in kaligeed jacayku wareeriyay ayaa tiri u sheeg abaayo jaaniska waa igu xumaaday oo waa la i ilaaliyaa,marka waxba ha is wareerin aniga yaa kuu imaan doona ku dheh,Hassan oo hadalkaas aad u dhibsaday ayaa hadana waxa u qoray warqad canab isaga oo ka cabanaaya inay Waqti u raadiso ay kula kulanto laakiin taas halbacaad kulis ayay noqotayHassan waxaa galay jacaylkii argti la,aanta waxaana oran karnaa waa midka ugu xun qofka aad jaclaatay haddii ay jaanis kuu wayso aad ku aragtid,Alaylehe habeen baa la iska soo hor baxay canab iyo xamsa oo isla socda iyo Hassan oo doonaayo inuu aado magaalada,Waa la isi salaamay salaan ka dib,Hassan waxa uu ka codsaday Hamsa inay ka hawad uga baxdo labadooda,Canab oo aad moodo Inay ogaatay sheekada uu la imaandoono ayaa tiri maxaad iiga reebtay gabadaha,Hassan ayaa yiri maxaa laguu waayay maxaadse isaga kay qarinaysaa sow labadeena balan malhayn hadaadan i rabin maad ii sheegtid,wxaad tahay gabdhii iigu horaysay noloshayda aan jeclaado laakiin ma tahid gabdhii ugu horeysay ee aan ;la sheekaysto,Canab abaayo waad garan kartaa jacaylak iyo waxa uu yahay haddii aadan wax ila qabanayn maad ii sheegtid,Canab oo jeejeesanaysa ayaa tiri maxaa ku iraahdaa, hadaanku iri jaanisku waa igu xun yahay oo walaalkay ayaa i ilaaliya ma ka xumaanaysaa,Hassan ayaa yiri waxaad tahay qof bini,aadan ah haddii aad ku talo gasho inaad ii soo baxdid waa ii soobixi kartaa bilaa sharuud
Hassan wuxuu intaa u raaciyay magaaldaan dirir dhawa naag la,aan ma ka jirto taas mala socotaa.Canab oo kalmadaas ka carootay ayaa tiri raadso kuwaas.Hassan wax uu smaeeyo ayuu garan waayay maxaa yeelay qofku haduu qof jeclaado uma
dhadhmayo qof kale.Waxaana islma markiiba uu go,aan ku gaaray inay laba mid soo gasho inuu sidaas ku ilaawo oo aan waa dambe hadalkeeda laga maqlin xaafadana uu uga guuro iyo inay balanta oofiso,Canab oo talo ku caadaatay ayaa tiri waxaan diyaar u hay inaan balanta oofiyo, sidaas ayaa lagu kal tagay Hassan isla habeenkii dambe ayay is arkeen waxa uuna u sheegay inuu rabo inuu la kalmo caawa, pkey ayay tiri laakiin waa ay u go,asy sidii uu u sugaayay ayaa lagu kal seexday Hassan oo aan wali ka samrin Canad ayaa dhowr mar oo kale la kulamay canab una sheegay inay aad u dayacday jacaylkiisa uuna sugayo maalintiisa,hassan waxa uu soo xasuustay hadaladii markii ay saaxubtinimada caadiga ah uu kula kaftami jiray isga oo amaani jiray waxaan amaantiisii ka mid ahaa
Canab iyo caad caloosha u roon ayaa tahay""""""""
Caleen ubax soo carafayso"""""""""""""""""""""
Caafimaad cudur daawadiisa"""""""""""""""""
iyo Caymiskii Caasahqayga aa tahay """""""""""""'iyadana waxay ugu jawaabi jirtay
Cadow jabiye waa i ciil tirtay""""""""""""""""""""
Cariiri baad iga caymisay""""""""""
EE caashaqayga calankiisa baa tahay """""
Adigaan ku Caleemo saartay"""":O
waa yaab inta uu yiri ayauu iska tiray ilmo ku socotay dhabandiisa waxa uuna naftiisa kula taliayay in maalin uun ilaahay ka qaadi doono jacylakaa uu u arkay inuu jeel ka daran yahay ,Hassan oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo aan qibrad fiican u lahayn jacaylka ayaa waxaa ku habsaday mashaakilkii jacaylka mar walba go,aan ayuu ka gaaraa canab mise waa sidiisii qalbigiisa waa ka bixi la,adahay dhowr mar ayuu damcay inuu xaafad uga guuro hadana waxa uu is yiraahdaa biriti ayay sida iska badalaysaa, Go,aan kama dambays ah ayuu ka qaatay waxaan uu stop gareeyay hadalkeedii wuxuuna isku dayay inuu dib dambe ula hadlin uun iska daaweeyo dhaawacyada ka soo gaaray jacaylkeeda,""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""''''''''''''''''''''''''''''''''''""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""" """HASSAN HE IS CHANCE LIFE""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BROTHER

Thursday, February 22, 2001 - 07:00 pm
SALLAAN QIIMO LEH DHAAAN


MIDBA MIDKA KALE KA XISSO BADDNAA

LONG LIFE HALKAA KAGA HAY TAKE YOUR TIME



SAHRA:THANKS FOR YOUR SUPPORT. GREAT TO HEAR FRM YU


ENYJOY ASXXABTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zak

Friday, February 23, 2001 - 02:31 am
guys where u get all that time u read this •••• ,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long life

Friday, February 23, 2001 - 10:23 am
""""'QAYBTII 2aad SHEEKADII SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
ALa aduunyada nimaan wax arag wax ma sheegi ninkii hassan ahaa talo ayuu meel dhigay waxaan uu hadalkiisii ku soo xiray ninba tabartii ha talaabsado,Canab oo iyada lafteedau jacalayd hassan waxay Amakaag iyo layaab la kulantay markay aragtay inaa looba soo jeedin oo la ilaaway jacylkeeda,Hassan waxa uu ahaa mid qarsanayay jabkiisa laakiin jacaylkaan oo ahaa kii ugu horeeyay ayaa ku kalifay inuu ku sigtay dhowr mar inuu u ooyo Canad waxaana damiirkiisii dhamaa qaatay qalbigeeda wuxuu ka baqi jiray inay ogaato jacaylkiisa heerka uu garsiisanayahay taasoo isaga u ahayd jabka ugu wayn,cuqdad nafsi ayaa ku dhacay siduu isku lahaa waa la gaa ogaaday xaafada dhan wuxuuna mararka qaakood ka baqi jiray inay ugu yeeraa wiilkii jacylku waalay.Hassan markii uu ka kabsaday jacylkii Canab waxa uu isku dayay inuu isga guuro xaafada oo uu u wareego (hotel nile)oo ku yaal magaalada diri dhawa, halkaasoo uu jaclaystay inuu ku soo nasto maalmo,dadkii xafada ay dariska ku ahayeen oo aad u jaclaa kaftankiisa ayaa ka samri waayay Hassan oo ka codasaday inuu mar walba u yimaado,waa la garn waayay wiilk awax awaayadaan ku dhacay waxaa ka muuqday is badal wayn waxa uuna ka baqi jiray in la su,aalo ereyada ay ka midka yihiin,Maalmahaan ma fakartay iyo yaad jeclaatay,maxaa kugu dhacay, iyo waxyaabo badan oo nafsadiisa u qaas ahaa,Hassan waa ka wareegay xaafadii Canab,Todobaad markii ay ka soo wareeggatay ayaa Canab waxay waysay muuqii Hassan iyadoo aad u walwalsan ilayn waa naag qarsanaysay jacaylkeedee,somaliduna waxay tiraahdaa waxaad qarsataa waa ku qarsadaan.way ogaatay inay maanta banaan ku soo dhacaday yaa u maciinaaya miskiinta aydaa meesha is dhigatay waxay u xiistay baryadii badnayd ee Hassan,Hamsa ayay ka codasatay in haddii uu xaafada yimaado Hassan u soo sheegto, waayahay anaa kuu soo sheegi doono ayay tiri .Galabtii dambe ayuu Hassan xaafada yimid isgoo aad moodo inuu ka soo kacay malaariyo kuna guulaystay fikradii uu xaafada uga tagay,lakiin waxaa dhibaato ku hayd hadii uu hadalkeeda maqlo waa naxaa iyo marka uu soo xasuustaba taasoo ay ugu wacnayd jacaylka oo jiro ku noqday,iyo in noloshiisa ay ahayd mid la kulanta jacayl naxariista laga qaaday,aduunyadana haddii aan fiirino waxaa ugu daran qofka kugu eegta adigoo jacel ogna inaad jaceshay waxaan aaminsanahay haddii uu qofku ku jacel yahay inuu ku qiimeeyay,Hasan oo aminsanaa fikaradaas ayaa aad u tiiraanyoon jiray marka uu arko Canab oo og inuu jacel yahay hadan sidii Caruur oo kale ula dhaqmaysa oo aan wax qiimayn ah sii jacaylakiisa horaana loo yiri(Ileen looma sheegoo dumar caashaqaaga shishaykaaga guurtaa adaa dib u shalaayi)Hasan ilaahabeenkii oodhanayuu xaafada ku cawaeynayay waxana markii uu baxayay uu la kulamay Hamsa oo uu u sheegay inuu habeen dambe casumaad u samayn doono,aad bay ugu mahad celisay iydoo ka codsanaysa iany is arkaan Canab wadnaha ayaa booday markaasuu yiri walaal maad iga daysay horaan u dayacmay,taas sheekadeeda ha igu soo qaadin,sidii ayaa lagu kala tagay habeenimadii dambe markii lagaaray ayuu Hassan lakulamay Hamsa laakiin waxaa la socotay Canab oo waqti abdan aan la kulmin Hasan,Aragtidii hore uu indhah ku dhuftayba qac ayuu yiri naxdin oo waxa uu ku sigtay inuu iska fariisto meesha uu fadhiyay hadana waxa uu isticmaalay karti raganimo si aan looga garan waxa qalbigiisa ku soodhacay,war aduun yadu yaab ileen looma dhinto,qofka haddii uu jacayl galo waa cudur aan daawo lahayn waxaan hore u maqlay ""Cudur iyo Caashaq keebaa Culus""'
ilee waxa waaba wax aan shalanayn inta badana dadka waxay wax ka sheegataan jacaylakaan lala wadinwaatii abwaanku yiri "Jacayl aan lagula wadin waqtigaaga yuu lumin""Hassan habeenkaas marna waa naxaa marna waa yabaa marna waa farxaa , marku uu naxo waxaa damqanaysa boogtii uu daweeyay,marka uu yabana waxa uu la yaabaa waqtigii uu u baahnaa wax uu watyay ayauu helay waqti uusan u baahnayn,marka uu farxana wax uu ku farxayay jaaniska uu caawa ku haystao inuu uga aar goosto haddii ay la timaado sheeko jacayl ah waa ku jaclahay iyo nahii nahii kale inuu fara xumeeyo ayuu ku tala galay haddii ay oohin keentana inuu u sheego inuu habeeno badan soo ooyay,"""""""""''""
waa socotaa"""""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Saturday, February 24, 2001 - 08:34 pm
To: Long Life

Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu


Maanta ma wakhtibaad u wayday qoristii sheekada? insha'alaah waxaan rajaynayaa in aad soo qoridoonto, waananu ku sugadoonaa ilaa inta aad wakhti u helayso.

Xidhiidh wacan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, February 25, 2001 - 12:02 pm
""""QYBTII 3aad SHEEKADII SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Hassan habeenkaa si aan caadi ahayn ayuu u xiisaynayay kulanka afar geesood ka ah ee ka dhacay hotel nile)Hamsa waxay salaan ay ku dheehantahay dhoolo cadayn ku salaantay hassan iyada oo u sheegaysa, Inay soo yara daahaday,salaantii labaad ayuu ka qaaday ex gacalisadiisii Canab,halkaasoo ay si wada jir ah ku galeen baarkii ahbeen kaa loo socday, Hassan baarka dhexdiisa waxa uu kula kulamay saaxiibkii qaali ah mahad oo markaa ku balansanaayeen baarka, si ay habeenkaa farxada leh u wada sheekaystaan Hassan waxa uu isbaray Hamsa iyo mahad oo aan hore isu aqoon Canabna waxa uu u sheegay inay haan jireen dad jacayl wadaagay laakiin aan wax guul ah ka gaarin,Halmar ayaa la wada aamusay,Iyadoo sidii loo aamusan yahay ayaa waxaa yimid ninkii dalabka qaadi jiray Wuxuuna yiri walaalyaal maxaan idiin keenaa oo aad dalbanaysaan,nin walba wixii uu xiisaynaya ayuu dalbaday.markale ayaa sheekadoodii bilaabatay iyadoo ay ka muuqato waxoo xishod ah waayo mahad iyo Hamsa waa isku cusbaayeen Hassan iyo Canabna jacaylkoodii ayay la yaabanaayeen qaasatan xasan oo eed xun u hayay Canab,markiiba cashadii ayaa loo keenay nin walbana waxay noqotay hali maalin bay ceel joogataa ye si fiican u casheeya,waayo waa habeen qadarin mudan waana casumaad qaas ah oo loogu tala galay Hamsa kana soo qayb galeen mahad iyo Canab oo dulsaar ah,
Markii cashadii laga kacay,ayaa waxaa la is waydiiyayxagee abaarnaa oo aan caawa ku sheekaysanaa Hassan oo oo casumaada asiga lahaa ayaa waxaa uu ka codsaday inay ku caweeyaan hotelkiisa oo leh meela aad u qurux badan oo lagu caweyn karo.waayahay ayaa la yiri. labadii isku cusbaa meel gooni ah, ayay doorteen inay waqtigooda ku qataan,Hassan iyo Canabna waxaa loogu baaqay inay qolkiisa ku soo sheekaystaan Hassan oo raadinayay jaanis yar oo ay kula sheekaysato ayaa yiri na soo kaxee dadkaan yaan il fuur ku noqone,markii ay soo gaareen qolkii Hasan ayaa waxaa uu furay skatuurada kadibna gudaha ayuu u gudbay waxa uuna fariistay sariirtiisa jiifka, markii ay canab guriga soo gashay ayuu ka codsaday inay albaabka `ka xirto way ka ogolaatay iyadoo aan wax shaki ah is galin .markay soo xirtay albaabkii ayuu intii uu qoslay markale u yiri garbasaarta iska siib markay gabsaarta dhigatayna wuxuu ku sii celiyay inay si fiican isu soo fududeyso,Canab oo aan ku arag dabeecadaan Hassan ayaa waxay ka codsatay inuusan ku xadgudbin oo ay dharkeed bixin doonin,Hassan oo qoslaya ayaa yiri halkaan magaranaysaa halkaan waa qolkaygii waxaana ku qasbantahay wax walba oo aan u baahanahay inaad ii samaysid, haddii aad isku daydidna inaad qaylisana waxaan kuu yeerayaa boliska kuwaasoo aan u sheegi doono inaan lacag badan kugu qarasha gareeya waayo aniga adiga wax casumaad ah oo aan kuu smameeya ma jirin ayuu yiri waxaan markaan ku arkay soo xasuustay in aniga iyo adiga wax asxaan ah uusan naga dhaxayn,waxaana isoo marisay wax aan taariiqdayda isoo marin anigana caawa waa inaan ku mariyaa waxaadan hore u arag si aan labadeenaba uga wada sheekayno dhibaatadii nakal raacday< haka yaabin inaan kaligay ka sheekeeyo dhibaatadii aad ii gaysatay adigana waxaa qasab ah inaad aragtid xanuunka ay noloshu leedahay,Hadaladaas markii uu ku hadlayay Hasan wajigiisa waa doorsoomay ,canabna waxay dareentay in dhibaatada heer kaas gaarsiisay Hassan ay ayadu ka masuul ahay :Canab oo ilmo isku soo taagtay indhaheeda ayaa jilbahiisa qabsatay Hassan iyadoo ka cosanaysa inuusan gabarnimadeeda ku ciyaarin oo uu iska ilaawo danbiyadii ay ka gashay kuwaasoo ahaa Jacaylkii ay ku abuurtay Canab oo hadana aysan waxba kala qaban,oohintii ayaa ka dhamaatay Canab waxayna isku dayday inay sasabto si uusan u far xumayn laakiin waxa uu ugu jawaabay.Ma ogtahay indhaha iyo uurkayga inay in badan kuu ooyayeen kalgacaylkaaga dartii.waxaadna igu noqotay Jisaarkii jacaylka marka caawa wax badan baa kuu dhiman inaad oyso,waayo oohintaan .oohin baa ka horeysay.

sidaas ayay siku hor fadhiyeen habeen kaas ayaa""""""""???????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long _life

Sunday, February 25, 2001 - 12:24 pm
hey.dhamaan sxbaday wiilla iyo gabdho
waad mahadsan tihiin maalmah fasaxa waan awoodaa inaan sheekada idiin sii wado laakiin sheekadaan waa sheeko dheer,oo xikamado kala duwan leh."""
aad baan u jaclahay inaan idiin dhameeyo,

to. sahra
walaal waxaan xiisaynayaa wadanka adiga ayaa jooga maxaa is badalay ma la imaan karaa wadanka aad baan u xiisaynayaa hargaysa iyo gobolo kale ee somalliya hadaan nahay dhalinyarada xamar waxaa soo maray hargaysa muddo dhowrsano ka hor waxaana ku soo dagi jiray hotel togdheer waxaana fiirsan jiray habeenkiina tv ka dambeeyay oo gadaashiisa ku yaalay waxaa kaloo arkay iyagoo ay shaqaynayaa basaskii hargaysa waa cajiib waa meel aad funny u ah i like it"""""""
waan imanayaa haddii ala idmo

have good day
meeye dhalintii kale
sheekeeye jacayloow brother mr love

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeyte

Sunday, February 25, 2001 - 05:55 pm
sxb inkastoo aad tahay sheekooyinkaagu anaay xumay iska daa sheekooyinka aad isku dhex wado waayo waxaan arkay sheekooyin kale oodhacay oo magacyo kale leh oo aad wax kasoo qaadatay , marka taasina waxay wax weyn u geysan kartaa qowlkaaga marka sxb dadku way wada yaqaanaan qisooyinka dhacay oo dhan marka iska ilaali waligaa take care .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, February 25, 2001 - 06:25 pm
TO; JAYTE
Meeshaan maha meel lagu ganacsanayo oo dad la iska hor keenayo laakiin waxaa kuu fiican inaadan dhalinyarada bayka ka wasaqyn. wax cay ah iyo aflagaado kam dhacaan bayjkaan marka sheekooyinka hadaad wax ka taqaan waad ku soo biiri kartaa laakiin u malaynamaayo inaad sheeko waligaa aqrisay qisooyikaana kuwa cayaalka waa ka waawayn yihiin marka lodkaag ma ha ee ka faa iidayso ama ka tag bayka ha wasaqyn""""

raalina haow haday garaafooyin ku gaareen adaa isu keenee
bye bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, February 25, 2001 - 06:50 pm
TO;LONG LIFE
duqa aadaa u mahadsantahay waana kula socnaa aad ayaana u xiisaynaynaa sheekadan macaan
to jayte
macalinka see camal adi goob dumis maa tahay,saxiib bogaan haduu ku anfaco dhagayste fiican noqo oo jooji rabshada haduu ku anfici waayana gambiso,umana baahna beejkaan buuq iyo qaylo waxaana isugu yimaada dhalinyaro akhyaar ah ku dayo ayaga eeyan ahayn beejaj kale oo laguugu talagalay ayaa jira ee yeeyan kaa buuxsamin,macalinka iga raali ahow hadaa hadalkayga ka dhiriftay
to sheekeeye
ayaamahaan xagee ka baxday waaba lagu waayaye duqa is muuji halagu arko,dhamiintiin khayr iyo barako aan isku ognahay
ha idiin macaanaato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Sunday, February 25, 2001 - 11:30 pm
Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato

To:Long Life

Walaalo, Hargeisa aad iyo aad ayay u waanagsantahay marka loo eego wakhtiyadii hore sanadba sanadka ka danbeeya way soo wanaagsanaanaysa, basas iyo gaadhiyo badanba waa shaqeeyaan, Hotal Togdheer wali sidii ayuu u shaqeeyaa, lakiin TV-gii aad fiirsanjirtay wuu ka guuray inkastoo anan garanaynin halka uu u guuray.

Walaalo, waxaan kugu soo dhawaynayaa imaanshahaaga Hargeisa, waana magaaladaadii ee ku soo dhawow gacmo furan.


To: Jayte

Walaalo, horta ku soo dhawaw bogan, waxaan inoo caado ahaa hadii aad ku soo biirto guri dad ku jiro in aad salaanto, markaa walaalo, adoon na salaamin maxaad ku garatay in aad nagu bilowdo dhaleecayn, waxaan ku odhan lahaa ama nala akhriso sheekooyinka hadii kale naga daa dhaleecaynta, ogowna hadii aad hal eray oo deelqaaf ah aad tidhaahdo qoraaga sheekooyinka in uu yahay eray aad wada tidhi inta qolkan kuwada jirta, markaa saaxiib adoo raali ah ama ku soo biir hadii kale booqo qolalka kale.

waxaan ku xasuusinayaa in ay xaaraan ka tahay qolkan in lay is aflagaadeeyaa ee fadlan si sharafle leh noogu kaalay oo nooga tag.

Mahadsanid.


To: Sheekeeye,

Baryahan miyaad ka dhacday, waxaabanu is lahayn marka uu long life daalo ha nasiyee, xagee ka baxday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Monday, February 26, 2001 - 02:09 pm
to; dhamaantiin""""
walaalyaal waan idin salaamey salaan ka dib waxaanidiin soo jeedinayaa amaan gaar idiin ah waxaan islahaa way aamusayaan waxaad i dareesiiseen inaan wax wadaagi karno,waxaan arajaynayaa inaan sidaa oo kale meel uga soo wada soo jeesan doono qofkii isku dayo inuu bayjka naga wasqeeyo waayo bayjkaan waa kulanka dhalin yarada jacel inay ka faa iidaystaan waxaa yaabihii hortood dhacay iyo inay waayo aragnimo ka qaataan jacaylka iyo macnahiisa iyo sidii uu saamayn ugu yeesho qofka bi,aadamka,Runtii waxaan ma aha fikarad ee waa qisooyin dhacay waa laga yaabaa inaan wax ka ilaawo laakiin intii aan maskaxda ku hayo waan idiin soo gudbinayaa,

to" sahra walaal macaan meel ma aadin laakiin waxaa jiraty inaan nastay waxoogaa si aan sheekadaan hal mar idiinku dhameeyo waayo saaxiibkeen jacay loow iyo sheekeeye oo aad u jacel mar walba in laga soo af jaro qisada ayaan siiyaa tixgalin,
marka aniga oo aad ugu farxsan barshadeena ayaan hadana waxaan jeclaan lahaa inaan wadaagno saaxiibtinimo dhab oo by e-mail si aan si fiican isku barano yaa diyaar u ah aniga ayaa idin iri waxaan idin siinayaa e-mailkayag waana idin siiyay ilaa iyo hada wax e-mail ii soo diray malaha.idinka e-mailkayga soo dira aniga ayaa idiin soo jawaabi doonee "mid kale aan isku soo dirno greeting cardrada waayo barashadeena yaysan noqon bayjkaan kaliya. internedkana waxa naloogu furay inaan isbarano meel kasta oo aan kal joogno waxaa laga yaabaa inaan isi soo raadino"""""""

have good day
waxaad ka qabtaan plz ii sheega fikradaas"""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Monday, February 26, 2001 - 03:46 pm
"""""QAYBTII 4aad SOCDAAL IYO SIR JACAYL"""""""""
""""""""""""""""""""""""""'""""""""""""""""""""""
Habeenkii wixii la is hor fadhiyada oo Hassan ayaa markii dambe waxa uu go,aan ku gaaray inuu iska cafiyo markii ay si aan caadi ahayn ugu ooyayasay jilabahaiisa, Canab oo yaaban waxa wiilka caawa ku dhacay ayaa tiri aboowe macaane waxaan mar kale kaa codsanayaa inaad iga raali noqoto waayo waan dareensanahay inaan kuu gaystay dhibaatooyin aad u xun, mana filayn inay sidaan saamayn wayn kuugu yeelatay, oo heer kaan uu garsiiyay jacaylka aad uu qabtay.Hassan waxa uu isku dayay inuu u sheego waxa ay ku samaysay inaysan nin dambe oo dhalinyaro ah u gaysan,waayo ayuu yiri jacaylak aad nin ku abuurtid wuxuu kalfi karaa dhimasho haddii uu qofku kaa heli waayo sida uu doonaayo in wax loola wado.waxaa kale oo Hassan soo gocday in ay iyada kafatan ka ahayd laakiin ay isaga xagiisa meel xun ayay gaarsiisay,tusaale ahaan waxa uu ugu soo qaaday,xayawaanka bulaca layiraahdo.wuxuuna yiri (bulucu caruurta waa ay ku ciyaaraan laakiise isagu waa u dhimasho)
sidaasoo kale ayaan soo maray aniguna, hadaad hal habeen aad i dhukan lahayd waligay waa ku xasuusan lahaa,waayo waxay iiga qaalisanayd wax walba oo la isiiyo markaa,Hadana iska bax waan ku cafiyay maadaama aad iga raysay,Canab ayaa tiri ma baxayo waxaan rabaa inaan cabaar kula joogo adiga hadaad markii hore aad i jaclayd aniga hada ayuu i hayaa kii dhabta ahaa,Hassan oo ka didsan ayaa yiri garaafooyikii hore plz kuwa kale ha iigu darin,Canab waxay qabsatay labadaban Hasan waxayna ku tiri dhukashadii waagii aan ku dhukan waayay ayaan hada ku siinayaa.iyada oo ay ka muuqato muxubo kalcagaltooyo ayay dhukatay,Hassan oo aan xiisahii hore ku jirin ayaa yiri aad baad u mahadsana tahay laakiin dhukasho xiligeedii rabtay miyaa caawa gurigayga iigu soo gashay , habeenkii meeshaa lagu heshiiyay haasaawe dheer ka dib waxaa lagu heshiiyay in dib loo soo nooleeyo jacylkii si boorka looga jafo la iskana ilaawo wixii hore u dhacay Canabna waxay kor u taagtay calankii nabada iyadoo habeenkaa la wada farxsan yahay ayay soo aadeen xaafadhoodii, waxayna qadayeen heestii uu ku luuqeyn jiray sulfa ,oo ahayd (NABAD IYO JACAYL IYO NOLOL BARAWAAQO AH)waxay lamaanihii laban heshiisay laban is bartay habeenkaas waxaa lagu kala tagay in si daacad ah loo sheekaysto lakiin Hassan waxa uu ka cudurdaartay in jaaniska uu ku yar yahay doonayona inuu ka tago magaalada oo uu safar isku diyaariyo,waxaan idnla joogaa waa maalmo tirsan aniga iyo canabna waxan u baahan nahay in naloo arimiyo bal hadda,waxan doonaynaa fikradiina aniga oo waqtiga igu yar yahay iyo canab oo sheeganaysa jacayl ay qarsanaysay in badan una baahan in wax lagala qabto arintaas ,waxayna shaki wayn ka qabtaa in haddii aan ka tago aan ilaawo,bal idinka talo keena, mahad ayaa yiri abaayo Canab niyadaad daji ninkaan wuu kaa cafiyay qaladkii aad u gaysatay xiligii uu ku jaclaa, hadana waxaan filaynaa inaad jaceshahay si daa si la e,eg ayuu kuu balan qaadayaa isgana, koley hassan waa saaxiinkayga qaaliga ah wax badan ayaana badiyaa mana keenaayo wax dhibaato ah Canab oo ka hadlaysa arimaha mustaqbalkeeda ayaa tiri sidee baan isku helaynaa aniga iyo Hassan hadaan kala tagno , taas waa basiid ayuu yiri mahad, waxaa aduunka laga helaa qalab fudud oo lagu xiriiro waan phon, kaas oo sahli kara xiriirkiina ilaa mustaqbal,waxaana idiin rajaynaynaa mustaqbal horumar leh ayuu yiri Mahad,Hassan oo aritaas aad ugu riyaaqsan ayaa yiri Hadaan hada mehersado ka waramo ilayn hore ayay somalidu ugu maah maahday(nina balan baa xirta naagna meher baa xira)hal mar ayaa la wad qoslay oo la yiri waa fiican tahay taasna ee ka soo heshiiya labadiina iyo waqtiga ,Canab waxay soo jeedisay waxaas oo dhan wax ka fiican ayaan aqaanaa in marka hore ay Axdi dhigtaan ka dibana la isu sugo,Hasan oo arintaas ka soo hor jeeda ayaa yiri yaa axdi galaya,Aniga ayaa galaya ayay tiri Canab kolay anigu u malayn maayo inaad axdi ka bixi kartid armuu meherku kuu fiican yahay,Waxaa la isku raacay maadaama ay Canab hore qalad uga gashay Hasan inay Axdiga iyadu gasho waayo ilaa iyo hada anagu Hasan waan ku kalsoonahay ayay yiraahdeen Hamsa iyo Mahad> Canab waxay jeexday kitaab inaysan ninkale la aql galayn Hasan mooyee ee ay sugayso ilaa iyo inta ay iska helayaan.Waana tii hore loo yiri"" Axdigii la xirtaa loo xakaaraa""'
xaaladooduna waxaa lagu heshiiyay inuusan qofna qofka kale sirtiisa bixin sittuna waxay ku koobnayd Mahad iyo Hamsa iyo Hassan iyo Canab"'
waxaa kulmay safar kii Hassan iyo sirtii axdiga Canab.waxayna noqotay Socdaal iyo sir Jacayl"""

Waa socotaa"""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Monday, February 26, 2001 - 09:46 pm
TO:LONG LIFE
akhyaarta waa salaamantihiin,saaxiib aad ayaan u soo dhawaynayaa in lawada xiriiro oo la iska barto intaan in kabadan anaga ayaana kula soo xiriiri doona,saaxiib aad iyo aad ayaad ugu mahadsanthay sida qiimiga badan ee aad u qadarisay codsigayagi malaaigi hakuu qadariso sida aad noo qadarisay waana kaaga mahcelinayaa marwalba dhamaan wanagyadaada oo dhan,waxaan u malynayaa sheekeeye ma dheera ee maalahaan u ku nabanyahay
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Tuesday, February 27, 2001 - 12:22 am
To: Long Life

Walaalo, waxaan aad kaaga raaligalinaynaa in aanaan kula soo xidhiidhin adoo na siiyay emailkaaga, waliba anaan kuna siinan emailadayada. kana raali ahow arintaa dhacday 100%, inkastoo aanay ahayn u kas balse ay wakhtiga uun tahay.

Walaalo, waxaan kaa balan qaadayaa in aan maanta kuu soo diridoono emialkii & greeting cardkii ugu horeeyay.

Aad iyo aad ayaanad ku mahadsantahay sheekooyinka qiimaha leh, wananu la soconaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Tuesday, February 27, 2001 - 10:32 am
Waa salaamantihiin
To: long live

Saaxiib anigu hadda wax aan kuu sheego magaranayo
laakiin waxaan kuugu mahad celinayaa sheekooyinkan
qiimaha badan ee aad noo soo gudbisay waxaana
rajaynayaa in halkaa aad ka sii wadid oo aadan danka gelin kuwa sida jayte oo kale u yimaada in ay pageka wasakheeyaan.

To sahra iyo jacaylow

Saaxiiboyaal runtii waxaad tihiin laba akhristayaal oo aad u sharafbadan marka halkaa
ka siiwada dadaalkiin waadna mahdsabtihiin.

salaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, February 27, 2001 - 02:38 pm
to,dhamaan.sahro jacaylow sheekeeye iyo aqyaarta kale aad ayaan idiinku mahad celinayaa sida sharafta ku jirto oo aan isu ixtiramayno waayo runtii waxaa tihiin dhalinyaro aan u bogay idinka la,aantiina sheekada ma sii wadeen waaayo waxaad igu soo jiidateen dabeecad dahabi ah taasoo i gaarsiisay inaan idinka codsado inaan yeelano xiriir toos ah oo by e-mail, Runtii waxaad ii muujiseen kalsooni dhabah
Remember dhamaantiin
abyjkaan waxaa iska leh anaga iyo wixii naga sooq qayb gala oo macquul ah"
qaas ahaan long_lif sahra jacayloow sheekeeye iyo inta kale ee xiisaysa bayjkeena""'''
waxaa idiin rajaynayaa nolo himilo wanaagsan oo farxad ku dhisan""""""""""""''''''
have good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, February 27, 2001 - 03:48 pm
""""QAYBTII 5aad SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""""""
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Maalmihii uu dambeeya joogitaan ka hassan ayaa la soo gaaray aragtida labdoodana waxay noqtay mid xiriir ah waxaad moodaysay habeenidii dambe Canab gabar yar oo naas la nuujinayo waayo waxay ku nabnaan jirtay hassan,Canab waxaa ka lumay controlkii haddii ay qof lahadlayso waxay leedahay Hassan, xaalada canab oo maalinba maalinta ka dambayso ka sii darayso ayuu ka ambabaxay Hassan magaalada dirir dhawe iyadoo oo uu ku sii jeedo wadmada carabta halkaasoo loogu talagalay in laga dhoofiyo,safarkiisii waxaa sii dhoweeyay sxbkii mahad iyo Canab iyo Hamsa.hassan waa tagay maxaase ka dambeeyay.Canab oo ahayd qof sugaysay viso wadanka Finland ah. ayaa markiiba isku diyaarisay howlaheedii bixitaanka taasoo bilowday inay si aan caadi ahayn ula xiriirtay walaalaheed kana codsatay in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo diro waxay u baahato lagan dhoofiyo wadanka ethoipia,
Hassan waxa uu ka soo dagay imaaraadka carabta,halkaasoo uu in mudo ah ka daba wareegayay dhoofitaan lakiin waa laga daalay ilaa labosano ayay ku qaadatay intii uu joogay imaaraadka carabta halkaasoo uu uga lumay waqtigiisii qaaliga ahaa,Canab iyo Hassan waxaa isugu dambaysay maalmo dhowr ah oo ay wada hadleen laakiin Hassan wax badan ayuu raadiyay ilaa markii dambe loo sheegay inay ka guureen guriga sidaas ayaa lagu kala lumay waa tii hore loo yiri (Lakala Haadyee Hadmaa lays heli)waqtigu wuu si guray ayaamuhunu way is daba socdeen sanadkii sadexaad baa ugu dhamaaday joogista carabta,waxaa halkaa uga qassrtay lacag aad u badan laakiin waxa uu wax ka barta diinta islaamka oo uu si fiican ugu xirnaa waagii dambe,
Hassan waxaa xumaaday nasiibkiisii dhoofitaanka waxaana uu safar ku yimid 3sano kadib magaaladii uu ka tagay ee dirir dhawe sanadku markuu ahaa 1995"" Hassan oo aan ka xumayn dhoofitaan la,aanta ku dhacday laakiinwaxa uu ka xumaa xiriir la,aanta ku dhacday isaga iyo gacalisadissi Canab.Waxaa is waydiin mudan dadyahow maxay isku waayaan dadka axdiga dhigta,maxaase ugu wacan inay kulmi waayaan, aniga a runtii waxaan aaminsanahay inaan la helin wax uusan ilaahay qorin Calaf baan la Cunaa"'Hassan muxuu kal kulmay magaalada uu ku soo noqday,Ilayn dhulkii waa is badalay dadkii horena ma joogaan intoodii badnayd waa la dhoofay,wuxuu la kulamay wiil ay saxibo ahaayen oo magaalada jooga wuxuuna ka waraystay waxa is badalay gadaashii ,wiilkii sheekadii uu u bilaabay waxa uuna yiri, sxb wadankaan markaad ka tagatay,sanad intaan la gaarin ayay ka tagatay saxiibtaa Canab somaliya ayay aaday wayna ka soo noqotay Markay soo noqotay kuma sii daahin, isla markiiba waxay u sii gudubtay magaalada casimada adiss ababa oo uu joogay walaalkeed oo u keenay sharcigii dhoofitaanka ,Laakiinse saxiibow waxaa maqal igu soo gaaray in la mehersaday Canab,Hassan naxdin ayaa ku dhalatay oo waxaa qabtay wal wal fara badan. isagoo aan wiilkii waxba waydiin ayuu yiri saxiibow taas waan gartay maxaa kale oo aad iiga haysaa Hamsa,saxibki waxa uu u sheegay inay joogto Hamsa hadana laga helaayo xaafad halkaan ah. nakeen ayuu yiri Hassan oo xiise u qaba inuu arko Hamsa ayaa soo abaaray xaafadoodii Markii loogu yeeray Hassan, ayay Hamsa inta ay af labadi qaylisay ayay tiri ala waa walaalkay Hassan ,sheeko Gaaban ka dib ayuu Hassan waxa uu ka codsaday inay warbixin ka siiso canab iyo waxa ay u goosteen xariirka, Hamsa ayaa tiri walaal adiga ayay kaa shkisay inaad dabin u dhigayso maxaa yeelay walwal badan ayay kaa qabtay marka aad tagaysay taas waxaa ka sii darnaa markii uu ka lumay phonkaaga iyo addresskaagii waxaan maalmihii dambe oo dhan kugula soo xiriiri waynay arintaas, waxaan la kala garan waayay inaad dhooftay oo iyo in kale,waagii dambe ee aad soo waci jirtay xaafadaas waa ka guurnay sidaas ayaa la isku waayay,Canab waayadii dambe way niyad jabtay markay ku waysay aniga iyo mahad ayaa dajin jirnay waxay markii dambe adis ababa ku mehersatay wiil ay is barteen,sidaas ayay canab ku Dhooftay,
oo ay ku aaday dalka finland""""'

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, February 27, 2001 - 05:02 pm
"""""QAYBTII 6aad SOCDAAL IYO SIR JACAYL"""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Hassan Habeenkii oo dhan ayaau la joogay Hamsa iyadoo ka codsanaysa inuu la xiriiro,Hassan oo qaldkii hore uu ugu darsmay kan labaad ayaa habeenkaas waxa uuba go,aan ka gaaray naag dambe oo somali ah inuusa aaminin waayo ayuu yiri mar ayaan u sheegatay inaan jaclahay si xun ayay dhulka iigu jiiday tana waa tii labaad,Dib ayuu u goday habeenkii uu jaaniska iska lumiyay waxana uu niyadiisa kula dagaalamay waxay ugu dabacday habeenkii uu faro xumayn lahaa,Hamsa oo la tiiraanyootay hassan ayaa mar labaad ku tiri walaal macaaniska dulqaado qoftaasna iyda kaliya ma aha naag somali gabdhuhuna way kal fiican yihiin haday Canab ku xumaysay gabdhaha oo dhan kuma xumayn"" nin rag ayaa ilaahay kaa dhigay iska dulqaado ayay ku waanisay Hamsa, Hassaan oo ka xun arintaas ku dhacday ayaa isku dhiiri galiyay inuu waraaq u diro taas oo si tifaf tiran loo qoray waxaan warqadaas uu ugu sheegay inay tahay qof aan aqoon AXDiGA IYO MACNIHIISA waxa uuna yiri horaad ii qiyaantay tana waa tii haadaantii labaad ee aad uu qoday niyadayda waxaad ka dhigatay garoon kubada lagu ciyaaro anigana waxaan kaa xissabay xubigayga inaad tahay?/ Aniga oo in yar ka soo qaatay warqadii uu diray Hassan ayaa waxaa dhacday inay markii ay Canab warqadii heshay soo raadisay si ay vioce to voice ula hadasho Hassan
5maalmood oo xiriir ah ayay soo wacaysay Canab iyada oo sheeganayso in uu dhacayay baraf xun lakiin nasiib daro lama aysan kulmin waayo waxa uu ka tagay magaaladii isagoo caradii la soo aaday somalia oo uusan mudo dheer ugu dambaysay,Hassan wuxuu soo gaaray magaalada garoowe oo uu maalmo joogay ka dib ayaau gudbay halkaas iyo boosaaso markii uu soo nastay ka dib ayuu jaclaystay inuu ku noqdo qurbo nacaskiisii uu joogi jiray, laakiin hooyadii ayaa u diiday oo ka dalbatay inuu la sii joogo ayaamo sanadka markuu ahaa 1996dii ayuu Hassan oo aan dhulakaas si fiican u aqoon u soo aaday magaalada gaalgacyo halkaasoo ay ku lahaayeen guryo waawayn oo ka badbaaday dagaalkii oo cidlo iska ah ayuu dagay, waxaad u malaysaa Hassan inuu hilmaamay xasuusahii jacaylka Hadana mararka qaarkood waxaa maskaxdiisa ku soo dhacaya dumarka iyo dhagartooda . Hassan magaalada gaalkacyo markii uu yimid waxa uu jeclaa inuu daawado filimada marka habeenku madoobaado marka uu dhamaadana waxa uu toos u soo abaari jiray gurigiisa, Hassan waxa uu u xiisay dhula somali waxa taas ugu wacnayd isagoo ka tagay xili hore dib damabana aan u arag, magaalo somali leedahay,ala xiiso waynaa markaad dhowr qurbe oo kala nooc ah aad soo aragto waxaa ka helysaa waayo aragnimo dheeri ah, iyo hilow aad wadankaaga u hilowdo.Hassan jacayl ma isku dayi doonaa markii uu ka bogsady dhawacyadii is daba jooga ahaa ee ay u gaystay, Canab.Habeen habeenada ka mid ah Hassan oo daawanaya filim aad u macaan shineemada wayn ee ku taal gaalkacyo ayaa waxaa looga yeeray banaanka gabar raadinaysa waxayna u sheegtay in ay u sido warqad ay u soo dirtay gabar ku nool dalka finlanad magacedana la yiraahdo Canab,inta uu naxay ayuu yiri haa isagoo layaaban naagtaan ka daba hari la, hadaan iska dhaafayna oo aan ilaawayna mar walba ma taariiq madow bay dib iigu bilaabaysaa. warqadii ayuu ka qaaday gabadhii wax uuna u sheegay inay ku mahadsan tahay,
warqadii ayuu iska aqristay wax sidaas u wayn kama aysan hadlayn kaliya waxay ka hadlaysay waxa uu uga soo tagay dirir dhbe iyda oo tellfon usoo diraysa iyo waxa uu warqad ugu soo diri waayay. inta uu qoslay ayuu yiri aduunyada nin dhoofiyo ninkii dagan dhulkii hooyo""am war bay iska hayaan????
Hassan niyadiisa si kama dabaysah ayuu uga gooyay Canab oo sidii luubaantii ugu dul wareegi jirtay.
riyadiisiina waa u rumoobi wayday. Hassan gabdhihii oo dhana shoog ayuu ka qaaday tii sheeka la soo adana waxa uu ugu jawaabi jiray (waxaad ka soo jawaabtaa sadex su,aalood kuwaasoo kal ahaa
1)Waa maxay jaceylku""?
2)sidee buu saamayn ugu yeeshaa qofka bin,aadmiga?
3)sidee buu u eg yahay jacaylku???
muxuuse taraa?
Hassan su,aalahaa waxay u noqdeen hal xiraale uu isaga dhiciyo dumarka ama gabdhaha la soo doonta sheekooyinka jacaylka ,Gabdho badan ayaa isku sheegay Hassan kuwaasoo ku xaman jiray waa wiil kibir badan dhowr sano ayuu qurbo joogoo maba qoslo) iyo waa ma naxaan gabdhaha aan u kal furin iwm. muddo laba bilood ah ayaa ka soo wareegatay joogitaankiisii magaalada gaalkacyo,Maalin yaab leh buu soo toosay Runtii jawiga magaaladu aad buu u daganaa dhulakas oo logu yaqiin in ddaku aroortii u jarmaadaan ganacsi iyo qaadka diyaaradaha keenayaan .Hassan waxa uu soo maray dariiq uu aad u jaclaa maritaankiisa Yaa maanta Fadhiya Jidka waa Gabar fadhida Gurigooda
hortooda waxay dhabta ku haysaa gabar yar oo ay walaasheed dhashay .sidee by u eg tahay faalo dheer isag oo aan u galin waxa uu yiri Waa tii abeaanku yiri (My dhiman suleeqooy dhulkeenay ku nooshahay waa midii dhaxashay Canab ee hanaan loo dhmeeyay"" Hassan maalintaas markii uu arkay gabadhaas waxaa dib u soo noolaaday rajooyinkiisii jacaylka taasoo uu mar hore is ka ilaawey"
lakiin maalintaas waa cusub baa u baryay,waxaadba moodaa inuu si u fur furmay.wuxuuna dib u bilaabay kafatankii dhalinyarada ay is barteen oo uusan sidaa u dhex gali jirin si uu war bixin uga helo magaalada in qoftaan lagu lamaan yahay iyo in kale Gabar ay baryahaa is barteen oo dagnayd magaalad ayuu ka codsaday inuu wax warbixin ah ka hayso gabadhaas,gabdhaas si fiican ayaan u aqaan ayay tiri waa gabar aan wali la shukaansan waana nooc dhaylada loo yaqaan ayay tiri hadaad u baahantahayna aniga ayaa ku baraya ayay tiri"""''""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
BARSHADII XAMDI IYO HASSAN""""""""""""""""""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Wednesday, February 28, 2001 - 12:19 pm
""""QAYBTII 7aad SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""""""
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Hassan waxa uu isku diyaariyay sidii uu u soo dhoweyn lahaa barashada Xamdi Maqribadii ayuu katagy guriga asigoo ku sii fool leh cinemo galkacyo halkaasoo lagu balamay,Hassan waxa uu sii diyaariyay tgadhadii sadexdooda waxaana uu usii istaagay dukaan ay marka hore ku talagaleen in laga wad duulo,nusaac ayay dib u soo dhaceen waayo waxay Xanmdi oo sheekadu ku cusub tahay u soo labisanaysay sida boqorada oo kale,wax yar ka dib ayay dukaan kii soo gaareen halkaasoo lagu balan sanaa in la isku barto kadibna shineemada gudaheeda lagu sheekayt,waaaaaaaw ayuu yir Hassan markii uu indaha ku dhuftay Xamdi oo aad moodo qurash yar oo meel ku huursanaan jirtay, aad ayaa hamigiisu u riyaaqay,waxaan la isku bartay si fudud oo qashuuc,Hassan ayaa ugu baaqay inuu tigidhadii filimka sii diyaariyay cinemadii ayay galeen Habeenkaas waxaa socday filim jacay ah oo hindi ah magaciisana la, oran jiray (YAH FATER) Waxaana jilayay boqorka jacaylka hindia rish kapoor""Hassan iyo Xamadi habeenkaas aad ayay ugu riyaaqeen filimkaas wuxuuna ku beeray dhiiri galin saa,id ah, Xamdi oo aan hore u arag shukaansi laakiin sheeko ku maqli jirtay iyo Hassan oo ah nin jacayl hore u soo dilooday ayaa waxaa dhex martay sheekadaan cajiibka ah,Hassan ayaa waxa uu su,aalay Hamdi su,aalo dhowr ah waxaan ka mid ahaa.abaayo Xamdi wax xiriir saaxiibtinimo mala smaysay qof intaad joogatay magaaladaam mase jaclaatay waligaa qof. Xamdi oo wajiga hoos u roganaysa ayaa tiri maya waligayna nin ma jelaan maba aamin sani inuu jacaylka la sheegayaba jiro,Hassan si hoos ah ayuu u yiri (Ilaahow nimaan wax ogayn Ha cadaabin)maxay jacayl ka taqaan waa boojaal yaroo bootin baraadaan u malaynayaa.Hassan oo hadalkiisii sii wata ayaa hadana yiri, hamdi sidee u aragtaa hadaan aniga iyo adiga samayno xiriir kalgacaltooyo kaasoo ku dhisan jacayl.Hamdi waxay tiri aniga waligay nin ma shukaansan waxaa kaa doonayaa hadaan kula wado xiriir jacayl sidee u dhowraysaa, I mean aad u ilaalinasaa.Hassan oo aad u qanacsan gabadhaan qaab dhismeedkeeda hadaladeeda ayaa ku yiri,sidee u malayn kartaa inaad balanta u oofin karto haddii aan ku balamiyo
mase heli karataa jaanis aan ku kulano, taas waxaan ka wadaa wax dhibaato ah miyaa kuu imaanayo hadaan is aragno habeen ,Maya ayay tiri waan kuu soo bixi karaa habeenkii,lakiin hooyaday aniga ayaa ciidan u ah marka ay seexato ayaan kuu soo baxayaa iga raali noqo hadaan kaa soo daaho ha u arkin in aan kaag baxay balanta.good ayuu yiri Hassan oo aad moodo Xamdi inuu nabsi bax u helay Habeenkaas wuxuu u haa Hassan intii uu gaalkacyo joogay habeen uu la yaabay nasiib kiisa9 wuxuuna niyadiisa ka yiri (Cayn gooni Cayn gooni Calafkayga ha kaa dhigo Caadilkay Xamadiyay caradaan dhamaan adigaan kugu cayntaaye mala ciilo ninkii ku caashaqa waa la ciseeyaaye cindigaaga ha iigu ciirine cuudi iiga caawinee caawinee cuudi iiga caawinee, iyo waxyaabo kale oo uu ku amaanayay Xamdi,lafteeda habeenkaas aad ayay waxay u noqotay habeen ay ku dartay taariikh nololeedkeeda waayo waa ninkii ugu horaysay ee ay shukaansato waxayna ka heshay sheekooyinka hasan oo xikamad u badanaa,waxayna ku sigatay dhowr mar inay ku tiraahdo aboowe abwaan miyaa haan jirtay halkee hadala soo jiidashada leh ku baratay,waayo miyirkeedii waxaa la tagay sida taxadarka leh ee uu ugu shekaynayo,Kulankii Xamdi iyo Hassan waxa uu noqday mid aad u xiisa galiyay labadoodaba Hamadi oo jacaylku ku cusbaa ayaa waxay ku tiri walaal habeenadaan is baranay ayaa habeen ka mid ah waxaa igu dhacay inaan subaxdii soo toosay aniga oo doonay inaan quraacdii sameeyo markaan soo qaatay birtii canjeerada ee aan dabkii saarya ayaa meeshii aan cajiinka ku shub lahaa ayaan tarmuuskii shaaha ahaa ee aan kariyay oo agtayda yaala intaan soo qaatay ku gadiayay birtii canjeerad loogu talagalay.Waxaan ogaa oo kaliaya inaan adiga kaa fakirayay koley way maqnayd maskadayda Hassan inyta uu qoslay ayuu yiri yaa is gaaray hadaad ogaan lahay jacayla macaan kiisa waad la yaabi lahayd laakiin waa goorma ayuu yiri Hassan waa marka lagula wado lakiin haddii aan jacayl lagula wadin waqtgaaga iyo noloshaada ayuu luminayaa,Hassan waxa uu jacaylka ka qaatay hal shahaado taasoo ku dhigtay cashar lama ilaawaan ah,taxadarka Hassan uu naagah ka taxadarayay waxay isku seegeen gabdho badan isgoo sahruudo ku xiri jiray waagii dambe gabdhii ula timaado xiriir jacayl,waxaana marka qaarkood lagu dacaayadayn jiray saxiibadii riwaayadii Dab Jacayl kari waa)
HAMADI IYO HASSAN waa isugu baxaday waa la isku waashay,Habeen habeenad ka mid ah Hassan oo shineemo ka soo baxay iyo Xamdi oo xaafadeeda hor fadida ayaa la kulmay habeenkaa balan sidaa u sii wayn lama lahayn laakiin xiisahooda ayaa mar walba waxa uu ahaa mid saa,id ah Xamdi inta ay ka hortagatay ayay ku tir hassan aboowe caawa balan malahayn laakiin waxaan rabaa inaan kula joogo ee xgee u socotaa Hassan oo markaa sitay waxoogaa jaad ah ayaa yiri waxaan rabaa caawa inaan awliyada xuso Imean wuxuu ka waday waa soo jeedayaa caawa maalmahaan ma qayilin waxaana doonayaa ayuu yiri inaan dib u baaro buugayga xasuusta,Xamdi oo farxasan ayaa tiri guriga koley kaligaa ayaa ku nool baan u malaynayaa waan kuu imnayaa ayay tiri hooya ayaa u soo goynayaa okay iyo okay ayaa lagu kala tagay xamdi markii dharkii ayay iska badashay waxayna ku soo labisatay dharkii gacaltooyo iyadoo ku hays (Waxaa aniga ii roon Aragaaga weeyaan_ ayay guriga Hasan oo barxad wayn lahaa albaabkiisa iska soo riixday.waa xaafad wayn oo leh geedka raqyga la yiraahdo waxaa ku nool hassan kaligii markiiba waxa uu isku diyaariyay inuu soo dhoweeyo gacalisdiisa asiga oo u diyaariyay firintijeerkiisa cabitaano kala nooc ah.hamdi intii uu hassan uga imaanayay waxay u sii diyaarinaysay gogosha uu ku qayili lahaa oo ay ku wada gorfayn lahaayeen arimahooda mustaqbal.
Habeenkii oo dhan ayaa la sheekaysanaya oo la is dhaafsanayay wixii fikrado ah iyo sidii wax loogu kordhin lahaa jacylkooda u baahan in la koriya inta uu ka qaan gaarayo,Habeenkii markii uu labo qayb tagay ayuu Hassan wuxuu ka codsaday inuu Xamd i dhoweeyo, laakiin aritaas xamdi waa ku gacan sayrtay oo waxay tiri caawa waa habeen xasuus mudan waan habeenkii iigu horaysay oo aan gacaliayahaga si kalinimo ah ula jooga naigoo aan wax biniaadam ah ka baqayn ii oglow inaan qaato good time.
waaga markii uu baryay maxaa dhacay
ileen qoraxdii dhacdaba xiisay subaxii keentaa"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jiir

Wednesday, February 28, 2001 - 06:12 pm
marax long life

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rashhid

Friday, March 02, 2001 - 09:39 pm
Salaamu caleykum dhalinta halkan ku sheekaneysata oo idil. waxaaan ahay nin caawa si gadis ah u soo galay pagekan xiisaha badan.War kolkaan soo galyba waxaan bilaabay in aan hal mar wada akhriyo sheekooyinkii i dhaafay oo dhan, anigoo ka soo bilaabaya tusaale aduun, ilaa laga soo gaaro tii ugu dambeysay. oo ilaa laba saac iyo bar ayey igu qaadatay inaan wada akhriyo sheekooyinkan cajiibka ah ee uu soo qoray walaakeena Soomaaliyeed ee long life. war nin yahoow saaxiib waxaadba tahay nin sheekooyinka xariif ku ah ee maad buugaag sheekooyin ah diyaarisid si aad magac iyi dhaqaaleba u sii badsato. war nin yahoow sidaan USA u imid labo sano ka hor maba akhrininba sheekooyinka jaceel een weligeba jeclaan jiray,aad baadna uga mahadsan tahay. oo maba is laheyn inan aad walaalo tihiin ayaa wakhti badan u huraya in u soo qoro sheekooyin cajaa'ib ah walaalihiisa ku nool dacalada aduunka. waar nin yahoow kun jeer mahad iga hoo. war nin yahoow in laguu mahadceliyo uun baad xaq uleedahay maadaama adigoo shaqeeya oo hadana waxbarta aad noo hurtey wakhtigaagii qaaliga ahaa si aad noo raali galiso. War waxaan la yaabay hal nin oo mar damcay in uu naqash qashaado si pageka loo xiro. war walaahi waa iska cadaan in ninkaasi yahay xaasid doonaya in jahawareer nagu rido. waar isaguba inta uu sheekada si fiican u akhristo ayaa halkii mahad laga dooneyey ayuuba iska ciyey sida xoolo oo kale. walee kaas oo kale in caws la siiyo mooyee wax kale uma baahna. war saaxiib long life noo sii wad sheekada oo waxaad ogaataa 100ba 99 in walaalahaa soomalliyeed ay adiga ku taageersan yihiin, ee iska dhagatir kuwa wax magaratda ah ee raba in ay af qurun nala soo dhex galaan.

Sidaa iyo is barasho wanaagsan dhamaantiin.
Waa walaalkiin Rashiid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lon_life

Saturday, March 03, 2001 - 09:42 am
to; rashiid
aad baan kuugu mahad celinaynaa sida sharafta leh ee aad nooga soo mid noqotay waxaana kuu rajaynaynaa inaa noqono dad isku bayj ah sida
SAHRA
sheekeeye
jacaylow
brother
iyo dhalinta kale waxaan dhamaantiinidiin rajaynayaa nolol farxad leh ayatiin fiican iyo mustaqbal horumar leh
aniga oo ah long_lifena waxaan idin leeyahay
EID wanaagsan""""""""""
waa idin waayay saaxibaday maxaa ku dhacay waa kala dhunay bussy ayaan noqday.
have great day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Saturday, March 03, 2001 - 02:04 pm
"""QAYBTII 8aad EE SOCDAAL IYO SIR JACAYL"""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Waaga markii u barayay ayay Xamadi waxay ka soo baxday guriga hassan ayaa ku sii jeeda xaafadeedii ay ka xalay ka baaday,Waxay dareentay markii ay guriga usoo dhowayd in maanta aysan xaalada fiicanayn waayo hooyadeed ayaa ka dhex buuqaysay guriga iydoo oo layaaban waxa ku dhacay gabdheedii yaray oo aan waligeed isku dayin inay soo baado I mean soo dhaxdo,Xamdi iskama waalin ee xaafadiiba way baastay waxayna aaday xaafad saxiibteed halkaasoo ay iska seexatay ileen waa qof xaloo dhan soo jeeday,Hassan oo isgu aan ogayn inay Xamdi xaafad kale aaday ayaa waxaa uu la kulamay iyada oo la scota saxiibteed markaasuu waydiiyay wax ku kalifay inay guriga aadin,Xamdi oo ka baqaysa ayaa tiri aboowe macaan waxaan aaday xaafad kale oo aan alaabo ka rabay laakiin hada waa waqti dambe ma tagi karo guriga waa inaan iska joogaa xaafadaad okey Furihiisii ayuu siiyay waxa uuna kala dardaarmay inaysan qofna is tusin si aan loogu arag gurigaxaaldu si kastaba ha ahaatee XamdiHabeenkii labaadna ma aysan aadin xaafadeedii Waa wax cajiib ah ileen ciyaal jacayl galay ma fududa ayaa hore loo yiri,waxaana intaa ka sii daran iyada oo hooyadeed ay meel walba ka raadinaysay habeenkii sadexaad ayay ka soo baxday guriga Hassan,isaga oo casho ugu maqan magaalada ayaa la arkay Xamdi oo waxaa arkay abtiyaa sheed oo raadinaayo markaas ayay isku dayday inay ka baxsato laakiin waa awoodi waysay Xamdi waxaa loo geeyay hooyadeed halkaasoo lagu waraystay meesha ay ku soo dhaxday waxaase la soo xaqiijiyay inay xaafadaas ku dhex jirtay maalmahaan uun iska haystay wiil maalmo fog ka yimid Imaaraadka carabta, Hassan laftiisa talaa ku cadaatay waayo wax uu galay dambi u keeni kara in loo qabsado gabdha oo si sharci daro ah ula joogtay laba habeen,Hassan oo runtii u dhashay dabeecad wanaagsan iyo xaq dhowrka xuquuqda qofka ayaa si insaanima u xaq dhowrayay gabadha yar ee jacylku ku cusub yahay.taas ayaa kalifatay inay aaminto oo la joogto Xamdi Hassan.waana dareemi karnaa qof walba waxa uu aad u xiiseeyaa qofka xaqdhowra oo tusa dabeecad dahabi ah.Xamdi marka ay aragtay sida sharfta ku jirto ee uu ul dhaqmayo Hassan isagoo aan ku xad gudbayn ayay waxay u qaaday jacayl aan xad lahayn kaa soo hada ay marayso heer ay ka dhaxdo gurigooda.isla habeenkaas, ayaa xamdi la qabtay ka dib markii ay soo ogaadeen inay wiilkaas la noolayd maalmahaan ayaa waxaa u yimid Hassan labo wiil kuwaasoo u sheegay inay doonayaan inay iska waraystaan arintaas sida ay u dhacday lakiin Hassan oo aan lagaban wax hadal ah ayaa yiri saxiibayaa waxaa naga dhexeeyay oo kaliya waa jacayl garb ma nagu siinaysaan jacaylkeena mise waad dhibaysaan gabadhaas.plz waxaan idnka codsanayaa maadaama aan aniga qaladka lahaa aniga hooyadeed ha ciqaabto laakiin gabdhaas yarta ah yaysan ciqaabin waayo qof wax kal og ma aha laakiin qaladka anigaa iska leh. Wiilashii mid ka mid ah oo magaciisa loogu yeeri jiray saddaad oo ahaa nin aad u fiican gabdhan abti u ahaa ayaa si fiican ula hadalay Hassan una sheegay inay halkooda ka sii wataan jacaylka laakiin aan habeenkii aysan soo daahin Halka uu kankale ee walaalkiis afka buurayay kana xumaaday jacaylak la sheegayba ilayn waa nin waligiis meel aan la isku jeclaan joogaye, Maxaa yeelay waxaa jacaylka u garaaba ninka macnihiisa yaqaana,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Sunday, March 04, 2001 - 12:42 am
To: Rashiid

Ku soo dhawaaw gacmo furan page-kan waa page-kaagii waxaanan rajaynayaa in aad u xiisayndoonto sidaanu ugu xiisayno si la mid ah, walaalo, aad baan kaa mahadnaqayaa sida sharafta leh ee aad u soo booqatay page-kan, waxaanan kaa filayaa in aad meel nagala istaagi doonto kuwa isku daya duminta page-kan sida Jir & Jayte.

Mahasanid


To: Long Life & Asxaabta kale.

Dhamaantiin waad mahadsantihiin, walaalo, waxaan aad uga xumahay in aanan soo galin page-kan mudo dhow cisho, wakhtiga oo igi yaraa awgii balse maanta ayaan isku dayayaa in aan dib u wada akhiyo sheekada intii i dhaaftay.

Aad & Aad ayaad u mahasantahay.


CIID WANAAGSAN DHAMAANTIIN, KUNA GAADHA CIIDAN CIIDEED BADHAADHE IYO BARTWAAQO, AAN KALA GO'LAHAYN.

AAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, March 04, 2001 - 07:19 pm
CIID WANAAGSAN
waan idn salamayaa dhamaan saaxibadaeyda isugu timi bogaan sharafta badan,ciid wanaagsan ku ciida dhamaantiin,waan ka xumahay inaan ayamahaan soo galin bejkan firaaqo la`aan darteed walina hada uu igu yaryahay jaanisku waxaan idiin rajaynayaa ciid barakaysan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Sunday, March 04, 2001 - 08:10 pm
to Sahara, waad mahadsan tahay abaayo, waxaana aad uga faraxsanahay in aan halkaan ku arko gabar weli dalkanagii joogta oo haddan si joogta ah ula socota walaalaheeda ku dhaqan gaar ahaan dadka sharafta leh ee bogaan ku caweys qaata, uuna hogaaminayo saaxiibkeena qaaliga ah ee long life.

Haye abaayo sii wad da'daalkaaga weligaana hanaga harin ee soo soco.

Intiina kale oo idil waa wada salaaman tihiin.
Ciid wanaagsana ciida.
By waa R
ashiidka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAYSAR

Sunday, March 04, 2001 - 10:44 pm
TO : DHALINTA

SLAMA CLYKUM
WAAN IDIN SALAAMAYAA DHAMAANTIIN WAADNA KU MAHADSANTIHIIN SIDA WANAAGSAN EE AA AAD BEYJKAN NADIIFKA UGA DHIGTEEN. RUNTII MA WADA AKHRIN SHEEKOOYINKA OO DHAN LAAKIIN INTA AAN DUL MAREY AAD AYEY U XIISO U LEEYIHIIN WAXAANA IN MAHAD LOO JEEDIYO MUDAN BROTHERKA LONGLIFE IYO WAQTIGIISA QIIMAHA LEH. LONGLIFE BROTHER KEEB THE GOOD WORK INTIINA KALENA WAAN IDIN SALAAMAYAA WAXAANA RAJEYNAYAA HADII AAN WAQTI U HELO IN AAN IDIN SOO BOQAN DOONOO HADII ILAAH IDMO.

SLAMA CLYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long__life

Monday, March 05, 2001 - 09:30 am
hey;Dhamaantiin EID MUBARAK""""""
Waxaan aad ugu farxsanahay in ay nagu soo biiraan dhalinyaro aad u dabeecda macaan kuwasoo mar walba jacel inay nagu qanciyaa hadaladooda caraamada ka muuqato. adinkan aad baan idiinku soo dhowynaynaa,
wallaayaal Eid WANAAGSAN
Tan teeda kalena laha hangu gaarsiiyo cimri khayr qaba iyo caafimaad iyo wax walba oo ay nafsadeenu u baahan tahay oo khayr ah
ilahow nolosha khayr nooga dhig
AAMIIN AAMIIN aamiin"""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Monday, March 05, 2001 - 10:26 am
""QAYBTII 9aad EE SOCDAAL IYO SIR JACAYL"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""" Xamdi waxaa laga dhigay maxbuus jeel ku jirta Hassan wax uu aritaa ka qaban karay oo aan ahayn dhambaalo jacayl ah oo uu u diri jiray mooyee.Waxay ahayd ayaamo faro ku tiris ah,Xamdina waxay noqotay mid laga ogaaday xaafada dhan,mararka qaarkood markay soo doonto inay ceelka biyaha ka dhaansato ayaa gabdhaha ay ssxiibada yihiin waxay ku oran jireen nayaa maxaad ku falaysaa wiilkaas tumshda badan koley birito ayuu ku nici doonaa waxa su,aalahaa waydiinayan waa gabdhihii uu hassan hada ka hor diiday.Xamdi oo u dhlatay geesinimo hadana maalmihiidambe xikamadaha ka faa,iidaysatay hassn ayaa waxa ay ku tir gabdhihii
Naa anaa doonay Hassan doorka biday
Dareen ii gaaray weeye iyo diiranow kalgacal
Dartiis anigaa u nacay wiil waxaad ogayd
Naa sidii dayax soo buxuu dunida ii ifshaa
Naa sidii dayr dhalatay baan ku doogsadaa
Naa sow daymadiisu daawo iima noqon
Cidii ii diidanay Caro soo dilaac
Cidii ka caraysanay Dacda ceelka quus;;I mean waxay ka waday dacda biyaha ceelka hortiisa yaala;
Xamdi oo aad moodo wixii Hasan hadalkiisa soo qaado inayba ku siganayso inay ku sooboodo ayaa meesha laga kaxeeyay,Xamdi xoriyad ayay hoyadeed siisay waxaana loo sheegay inysan habeen dambe soo dhixin,labo habeen ayay guriga isku sii celisay habeen sadexaadkii waa is hayn wayday oo waxaa ka adkaaday nafsadeeda halkaasoo ay soo raadisay Hassan oo ay u bukto kulankiisa, Hassan oo aad ayuu ula socday arimaha Xamdi waayo waxay saaxiibo qaali ah noqdeen Saadaad oo ahaa Xamdi abtigeeda
Xamdi oo kacasan ayaa habeenkaa aragtay Hassan oo dhalin yaro ku dhex jira sheeko macaan u socoto kor markii uu ka arkay ayay si aan la fahmi karin isugu baaqeen kadibna dhalinyaradii ayuu ka codsaday inuu u soo noqon doono.okey bye ayay yiraahdeen wiilashii, Markiiba waa soo gaaray Hassan Xamdi waxayna isgu duubtay sidii ubad uu dhalay oo kale iydoo ilmaynaysa una sheegaysa wax ka qabsday habeenkii xaafadiisa iyo in xaafad oo dhan ay ku ceebaysan tahay oo isga lagu caayo,waxaana inta badan ka baqaa ayay tiri inaan qofkii ku soo hadal qaado la dagaalo,aboowe macaane aniga magaaladaan waji iima yaalo waan isga tagayaa waxaa hayn ayaa suuqa iigu jirto Hasan Inta uu ilmada ka tiray ayuu yiri abyyo macaan ha walaacin nafataada ha wareerin nafatayda adiaga iyo aniga waxaa nahay ul iyo diirkeed mana kal tagi karno waxaan doonayaa inaad iska dulqaadatid waayo adakaan waa layaqaan intay wax caynayaa waa maalmo tirsan waxaana waa inta xadaaradu socoto,Habeenkaas waqtiga ayay mar walba eegtaa mise saacadu orod badanaa waa xiligii ay seexan jirtay Waa yaab ayay tiri waxaan xoriyad u la, ahay inaan si qaab ah aan u helo waxa ay nafasadaydu doonayso oo ah dreen jacayl oo si xad dhaaf ah iila soo darsay,Udgoon badanoow ku iloobi maaye aduunka dhan adiga ayaan kaa amanaa,ee amarkaan la imaado hadaad oofin wayso aaqiro waa ku haystaa ogow ayay hasan habeenkii ku tiri,Hassan hore ayuu u arkay jacayl iyo walidii wuxuuna maraka qaarkood ku fakiri jiray haddii gabar walba si Xamdi oo kale jacaylka daacad ugu noqon lahay wax halaabi lahaa malahan. Xamdi oo ahbeenkss xiiso gaar ah u haysay la joogitaanka hassan ayaa ka codsatay inuu fasaxo maadamo ay qatar u tahay inla xiro maxaa yeelay ayay ku tiri hooyaday waxay ii samaystay katiinad wayn oo quful leh waxayna iga balan qaaday hadaan soo daaho habeenkii inla iga dhigo maxbuus,Fashilkii aan fashilamay wax uu ii soo jiiday dhibaatooyin fara badan,Hassan oo ka naxsan dhibaatada la soo gudboonaatay Xamdi ayaa soo ka xeeyay ilaa uu keenay xaafada agteeda,Xamdi inta ay labada dhaban ka dhunkatay ayay ku tiri hassan saan miyaa jacaylka,waxayna u qaaday heestii ahayd ""Sida waaxyaha jiirka haya jiirka Wadnaha iyo beerka Halbowlaha is waraabshaan u wadaagna jacayl"""
Hassan wuu xukumi wayay dareenkiisa qalbiga waxuuna isku duubat Xamdi Cabaar daqiiqado ayaa la isku duubnaa ka dib ayay xamdi waxay qoorta ugu xiratay katiinad ay ayadu lahay taas oo ay ka codsatay inuusan waligii hilmaamin kuna qoro maskaxdiisa isgana waxa uu lahaa faraanti qaali ahoo uu kala yimid markii uu qurbaha joogay halkaasoo la isku waydaarsaday hadiyado kala duwan kuwaasoo calaamad u ah jacaylka sii xididaysanaya.
HAMDI IYO HASSAN waa lakal hoyday iyadoo laisku xiiso qabo. War la helaba talo lahelo auu leeyahay
maxaa imaan doona""""
Waa socotaa""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaysar

Tuesday, March 06, 2001 - 05:39 pm
to: longlive
war saaxiib meesha ka kac oo buugaag iyo wax qor. sheekooyinkaan iyo kuwa kale oo aad dabcan heysoba waa sheekooyin aad loogu baahenyahey in wiilasha iyo ghabdhaha soomaliyeed u baahan yihiin in ay bartaan. sxb "never kneel down" isku taxaluji in aad ururiso sheekooyinkan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, March 06, 2001 - 06:47 pm
to' kaysr
walaal aad baah kuugu mahad celinyaa sida sharafta badan ee aad iigu dhiirri galinayso inaan qoro sheekooyin badan lakiin waxaan haystaa nolol igu filan iyo iyo waxbarsho jaaniska aan helana idinkaan idiinku soo gudbiyaa dhacdooyinka dhabta ah so brother barnaamijkaan xiishaha lehna idinkaan idiin ku tala galay inaan ka wada faa iidaysano si ahaddii berito arimahaan oo kale u yimaadaan aan xal ugu helno. waayo sheekooyinkaan waa Xalinta Furaha Mashaakilka jacaylka''''""""
have good day bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, March 06, 2001 - 07:51 pm
"""Qaytii 10aad SOCDAAL IYO SIR JACAYL'"""""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Habeenkaas waxaa la is waydaarsaday hadiyado qaali ah horaana loo yiri Nafba waxaa ku qaali ah qofkii ay jeclaato,waxayba habeen habeen u dhiibto kulankoodana uu sii badanayay ayaa habeenkii dambe Hassan iyo Hamdi sidii Habeenkii hore oo kale ayay u daahday,oo inta ay is hilmaantay ayay iyda oo aan cago la qabto lahayn ayay ka soo baxday xaafada Hassan wuxuuna Hassan ku yiri aniga ayaa ku kaxaynaya ee sug, maya ayay tiri aniga ayaa aboowe macaan tagay ee adiga ii naso,waxaana kulmi doonaa habeen dambe, sidii ayay habeenkii ku tagtay gurigii,waa ay badbaaday habeenkaas waayo haday ku darsan lahayd daqiiqado kale kabteeda ayaa kor loo tuuri lahaa, xamdi hooyadeed iyda ayaa yaraan u ah caruurtii kale ee la dhaltay oo wiilal iyo gabdho isugu jiray kuwa hargaysa ayay daganaayeen kuwa kalena dibadaha ayay kala joogeen,waxaa Xamdi loo ilaaliyaa sida Ukunta oo kale,midaas ayaa keentay in kontaroolkeedu uu bato,Hamdina waxaa xabsi uga darnaa hady Hassan halhabeen waydoniydeeda dhan isga ayaa dagay waxayna mar walba jaceshay inay la kulanto si ay habeenkaa ugu seexato,Habeen habeenad ka mid ah ayaa la isla soo gaaray waqti dambe xamdi iyo hassan waxaana dhexmartay dood dheer oo ka dhalatay muranka yimid xagga maamulka hoose kaasoo Xamdi dhiigeeda kaciyay,Xamdi oo u dhalatay qurux ayaa waxay habeen kasta hoosta uga jiri jirtay Hassan,shaydaan baase habeenkaas soo kal dhexgalay waayo Hassan damac ayaa galay oo waxa uu is yiri gabdhaan habeen kasta inta ku dhunkata dreenkaaga kicinaysa hadan a aadan waxba ka helayn maxay ahayd,is fahan la,aan xun ayaa dhacday Xamdina xanaaq dartii ayay guriga uga baxday iyadoo oranaysa wax walba way imaanay I mean sida ay ku haboon yihiin baa loo helayaa maad iska dulqaadatid,Hassan oo xanaaqsan ileen waa nin shaydaan wax tusaye,wuxuu xamdi ku yiri hadaan maamulka hoose ku heshiin waynay maxaa kale oo aan kaa sugayaa, Xamdi yaab iyo amkaag ayaa ka soo ahray waayo Hamdi dhinaciisa iyo dhabtiisa ayay habeen dhan fadhin jirtay laakiin Hassan waligii kuma xad gudbin isaga oo ilaalinaya xadka u dagan jacylka labadoo oo markii hore wax shuruud ah aan ku xirin jacaylkooda,Hmadina waxay markale u sheegtay in balantii ay dhigteen waligiis uusan beenayn barshadii kalgacaylkoodana uusan bilaash ka dhigin,Hassan oo laga gar lahaa hadan waxa uu isku adkeeyay hadaad i jaceshahay ii muuji jacaylkaaga, Xamdi maxay ku muujisaa jacaylkeeda waa gabar yaar oo aan waligeed nin arag aman garanayso hadalada waaweyn ee uu Xassan ku hadlayo,Xamdi waxaa ku dhacday laba kala daran kala dooro,haday diido waxay ku qasbantahay ianay iska ilaawdo jacaylkiisa haday ogolaato waxaa lumays gabarnimadeeda,saacadu waxaay isla soo gaartay 6;30pm habeenimo,wax natiijo ah oo ka soo baxday labadoona ma jirto,Xamdi meel ay aado ayay garn waysay waxaa soo dhowaaday xiligii ay guriga aadi lahay mar waxay isku canaanataa ala maxaa ku baray, Hassan iyo maxaan caawa ugu imid,aboowe macaan waan ku jaclahay waxaan kaa doonayaa inaad i xaq dhowto waayo waxaan ahay gabar maxaa iga faa, iidaysaa waxaa laga yaabaa in waxaan wax ka fiican aan wada doonayno,ilaahay ka baq, aniga wxaan ahay gabar yar oo nafsdeeda kugu amintay,madaama aan wanaag isku baranay Xumaan ha iigu badalin,waxaan ahay gabaryar oo ku jacel hadana rabta inay nolosha kula qaybasto miyaadan igu cafinayn xataa halhabeen oo aan si naxariisi ku jirto kuu dhunkaday, miyaadan igu cafinayn dhibaatadii iga soo gaartay jacaylakaaga oo aan adiga madaxaaga xafad ugu ceeboobay,aboowe macaane honeyow,Xamdi ilmo kulul ayaa ka soo hoortay dhabanadeeda iyada oo oyaysa ayay tiri ala tan maa iidambaysay Hassan inyta ya Xamdi baryayso oo dhan waxa uu noqday sanam waxaa soo noqday dareenkiisii dadnimo waxa uu ogaaday inuu caawa ku qaldamay qof nafsadiisa ku qaali ahayd,Xamdi inta ay meeshii ay fadhiday iska fariisatay ayay iska oyday , hassan inta uu is hayn wayay ayuu isku duubay is goo si aan caadi ahayn u raali galinayaa mudo dhowr daqiiqo ayay ku qaadatay inuu amusiyo,Xamdiwaxay Hassan ku tiri wax ma kuu sheegi karaa,Hada ma dareemi kartaa wax aan la ooyay Haa ayuu yiri waa qaladka aan kugu sameeyay iyo sida aan kuugu xadgudbi rabay intaasna shaydaan ayaa igu kaa waday lakiin ma u dulqaadan karo adiga oo ilmanay markaan ku arkay waan iska ilaaway wixii qalbigayga ku jiray,lakiin Xamd i maxaa intaas oodhan u aamusi wayday hadaan ku raali galiyay,Xamdi ayaa ku tiri,Waxaan kugu arkay hadalo aan aad u nacbahay kuwaas kala ah
wlaalnimada hanag dhaxayso ,waa ereyga naftayda argagixisad ku abuura caawana waa habeenkii labaad ee aad igu tiri Hadaad ogaan lahayd meesha ay nafsdaydu kaa joogto hal mar ima oran lahayn,Mida labaad waxaa caawa taas iiga daran,Wali ma is waydiisay Xamdi gurigaa ayay kuugu timaadaa xaggee ka soo baxdaa,Ma iga rumaysanaysaa Waxaam kaaga soo baxaa Dariishada guriga marka laka seexdo
Taasna waxba kama ogid Jabkayga aniga ayuu igu kooban yahay waayo markaan kaa tago habeenkii waad iska seexataa xataa waxaan kuu diidaa inaad banaanka ii sii dhowaysid,anigana Kashka iyo laabtaan ka karay ma kasyn jacayl kulaylkiisa kadisuu igu soo galay,
hadaanogahay in jacaylku sidaan u kulul tahay shukaansi kaama yeeleen, marna waa malab iyo macaan waa marka aan kaadareemo indhahaaga oo ii ilmaynaya,Caawa waxaan kaa rabaa inaad ii kal cadayso inaad mar dambe igu xadgudbayn,Hassan oo ka xun arinta caawa dhacaday ayaa yiri waxaan diyaar u ahay inaan mar dambe aadan ooyin.';';';'
habeenkii sidii ayuu ku dhoweeyay iaydaoo ku farxasan balanta uu ka qaaday inuusan mar dambe wax qalad ah ku samynay inat ay labad dhaban ka dhunkatay oo hug siisay ayay gurigooda gashay
isagan dib ayuu u noqday
waa socotaa


,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Wednesday, March 07, 2001 - 09:54 pm
to;long life
asalaamucalaykum
salaan qiimobadan kadib,saaxiib aad ayaad ugu mahadsantahay sida aad wax walba uga hormarinaysid inaad noo soo gudbiso sheekooyinkaan qaaliga ah mana garanayo waxaan ku iraahdo oo aan ahayn mahdasanid,walaal marlabaad iyo marsadexaad iyo marar badan ayaan kaaga mahadcelinayaa waanaagaan aad noo galaysid marwalba,waxaana kuu rajaynayaa khayr aduun iyo mid aakhiro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Wednesday, March 07, 2001 - 10:51 pm
To: Dhamaan Asxaabta Pagekan

Waad salaamantihiin dhamaatiin, Kaysar ku soo dhawoow Page-kan qaaliga ah waxaanu kugu soo dhawaynaynaa gacmo furan, anagoo kaaga mahad naqayna sida sharafta leh ee aad ugu soo biirtay page-kan.

Rashiid, walaalo, aad iyo aad ayaad u mahadsantahay, walaalo waxaan aad ugu faraxsanahay in aan barto inamo walaalahay ah kala jooga dacalada aduunka, anan si dhib yar ula xidhiidho maalin kasta anoo jooga Dalkaygii Hooyo.

Walaalo, lagama yaabo in aan idinka hadho shil mooyee shil la'aan, subaxkastana waan soo galayaa page-kan qiimaha leh.


To: Long life

Walaalo, aad iyo aad ayaad u mahadsantahay, walina waan la socdaa sheekada, waxanan filayaa in ay soo badanayaa asxaab xiisaynaysa sheekooyinkan qiimaha leh ee aad soo qorto.

Mar labaad long life waxaan kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee aad u samaysay page-kan kulmiyay Asxaab Walaalo ah oo somaliyeed ayna isku barteen & Waliba sheekooyinka xiisaha leh ee aad soo bandhigtay.

Kulu caam wa'antum bikhayr.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Thursday, March 08, 2001 - 01:05 pm
to; dhamaan
haye sidee la yahay bacdal ciidkii waxaan rajynayaa in la soo wada tukaday maalmihi farxad iidii hore meel ciriiri ah ayaan ku tukanay dadwaynheena somaliyeed eereer mpls laakiin Edii waynayd waxaan soo kiraysanay hol wayn oo dadkoo dhan qaaday' bal aan wax yar is waydiinee
Mr jacaylow saaxiib sidee poland looga ciiday
sheekeeye ilaa iyo hada nooma sheegin meesha uu ku nool yahay. shugri hargayso ka waran iyada sidaabaa looga dabaaldagay.
dhmaan aad baan ugu farxsanahay asxaabta bayjkaan uu ka dhexeeyo.
waxaan idiin rajaynayaa khayr iyo barwaaqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Thursday, March 08, 2001 - 02:03 pm
""""QAYBTII 11aad ee SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""'
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Habeenkii oo dhan Xamdi waxaa hor imaanayay filim yaab leh kaasoo ay ka daawanaysay qalbigeeda arintu si kastaba ha ahaatee,waagii markii uu baryay ayay isku diyarisay inay xaafda ka shaqayso,xiligii balantooda markii la gaaray ayay waxay soo abaartay halkaas iyo meshii ay ku
balami jireen Hassan maqribkii hore ayuu sii tagay xaafadiisa waxaa habenkii oo dhan la sheekaysto Hassan wax uu Xxamdi u sheegay inuu doonayo inuu ka tago magaaladaan waayo dhoof ayaan rabaa mustaqbalna ma laha somalia maxaaa yeelay
waad aragataa ayuu yiri ahddii la is guursado wax la iska faa ,iidayo ma jiro anigana waxaan ahay nin dhaqaale u bartay ima celinayso meel iska fadhi Marka sidee bay kula tahay arintaas ayuu yiri hassan, Xamdi oo aad uga naxsan hadalka Hassan ayaa tiri qof walba waxa uu ku qanacsan yahay inuu la noolaado qofkiisa isagoo aan lagu xirayn wax shuruud ah kolay waxaan u malaynayaa in aad ka tashatay magaaladaan, laakiin ma u malaynaysaa inaad aniga iga tashanaysid,Habeenkaa doodii dheerayd oo socotay darteed waxaa la ilaaway waqtigii Xamdi ay aadi lahayd guriga saacad dambe ayay noqotay sidii looga sheekaysanay Hassan oo sheegtay inuu ka tago magaalada iyo Xamdi oo ku doodaysa hadii ka tago inay rajadeeda meesha ku baa,ba,ayso.waqti dambe ayuu ka xeeyay iyadoo aan wax go,aan ah lagaarin,Xamdi oo arjo xumo ka muuqato ayaa dhukatay Hassan halkaasoo ay ku kal hoydeen .waxayna ahayd habeenkii labaad ay dood dhex marto, Xamdi markii ay gashay guriga,waxay damcaday inay dariishada ka soo gasho laakiin maxay kala kulantay,waxaa jiifa sariirteedii hooyadeed oo ku gaadaysa inay qabato waqtiga dambe ay socoto Xaggee la seexana ayaa ka dhacaday dib ayay tartiib uga baxday dariishada waxayna ku noqotay Hassan Muxaa ka qaban karaa arintaas markii ay hassan u timi ayay u sheegatay meel xaalku marayo,aad buu u kurbooday,meel uu wax ka bilaabo ayuu garan waayay,wuxuuna ku yiri magaraysaa gabdho saaxiibadaa ah oo an caawa kula soo seexiyo waayo hadaan guriga ku seexiyo waa laguu imaana taas ayaan ka sii daran oo waxay noqonaysaa inaad gabar xun tahay.Xamdi oo awalba ka cabsi qabtay in loogu yimaado guriga Hassan ayaa tiri, aboowe waxaa aadayaa saaxiibtay oo aan daris nahay kaligeedna nool ee kaalay i dhowee ,Hasan wax uu soo dhoweeyay Xamdi ilaa uu keenay gurigii isla markiiba waa laga furay guriga saaxiibteed ayaana kal wareegatay, Xilkeeda Hassan oo madaxa haysta ayaa ku noqday gurigiisii
wuxuuna is yiri dambi aad gashay miyaa soo daahhiray.mise da,yartaan aan dooraty miyaa la iga dilaa,aduunyadu waa ayaanba ayaan nin abaarsaday waa la arkaa nin arwaaxsana waa la arkaa nin aroos galay oo istareexana waa la arkaa ana waxaan ku uursameeyaa Xamdi oon arko iyo ehel dhalay.aduunyadu waa ayaanba ayaan nin inkaar qaba waa la arkaa qofkaa aamino waa la arkaa 'ruux abaal u gashoo kaa ordaayana waalarkaa.
Hasan habeenkaas labo meelood markii ay tagtay ayuu gam,ay isga oo ku riyoonaya maxaa ku dhici doona Xamdi.Diiqa markii uu yeeray ayaa xamdi Hooyadeed iyo abtiyaasheed baadi goob ugu dhaqaaqeen lakiin waa la soo waayay, goor ay fiid tahay ayaa la soo ogaday inay gadar sxbteed ah la socotay saacad kadib ayaa laga helay iyada oo la socota gabdhii saxiibteed ahayd,Markiiba guriga ayaa la keenay iyada iyda oo aad uga xun dhibaatada nolosha ka haysata, Hoyadeed oo qof aad u kulul ahayd ayaa tiri hadala aad u xun oo ay ka mid yihiin tan ma noola oo waa laga soo dhamaystay waxaana iska haysta wiil xun oo xaafada dagan, Xamdi oo hadalada hooyadeed ka xumaatay ayaa tiri waxaan diyaar u hay in la kontrolo waayo aniga ayaa og waxaan ahay inaan ahay gabar is hubta oo iska adag,Xamdi hadaladeeda waxay noqdeen kuwa aandhag jalaq loo siin waxaana lagu xiray katiinadaha lagu xiro muderada,laba quful ayaana labada dhinac looga soo kal xiray halkeeda ayaa firaash iyo cuntada loogu keenay,Xamdi hooyadeed oo ka shakisay in la isticmaalo gabadha yar ayaa waxay ku xukuntay ilaa ay ka soo hanuunayso inay sidaa haan doonto oo ay ka harayso wiilka yar ee aan waxba u tari karin.Hassan habeenimadii ayaa loosheegay in xamdi la xiray,waxaana u soo sheegay Sadad oo gabadha abtigeed ah wuxuuna ku yiri Hassanoow gacalisadaadii xabsiga ayay ku jirtaa ee maxaan kaa gaarsiiyaa
Hassan waxa ay isku yaqaanee hadalo sarbeeb ah isga iyo Xamdi marka broplem dhacowaxaana ka mid aha markii uu fariinta u dhiibayay qoraal yar oo uu u qoray oo ahaa.
Gamuuntii kagacaylka qorf ay wadnaha goysay
oo galgalanya sideed Xamdiyay ugu garaabi lahayd?""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Thursday, March 08, 2001 - 08:05 pm
Salaamu caleykum yaa Long life. War haddaanba ogaadey in aan isku gobol wada deganahay. war nin yahoow waxaan ka qayb galay ciidii farxda laheyd ee Minnepolis lagu qabtay waloow aan waayey meel fiican oon gaariga dhigto. saaxiib Minnepolis baan deganaan jiray balse hadda waxaan deganahay Burnsville oo 15 daqiiqo keliya looga socdo Downtown Minnepolis.

Insha Allah weynu isbaran doonaa ee ha ka caajisin oo mar walba wax uun nooqor maadaama aynu ku daalnay afkan gaalada iyo aragtidoodaba. saaxiib wax walba noo soo qor ama run ahaato ama fiction ha ahaato.

Asxaabta kale oo idil gaar ahaan Sahra yareey oo ka socota dalkanagii waxaad iga gudoontaan salaan marxabo leh. waxaa nala gudboon inaynu pagekan markaan sheekada akhrisano kadib in aynu isku barano oon is wareysano maadaama uu yahay page ka nadiif ah wasakh iyo af lagaado laga yaqaano meelaha kale. Haye long life wax kaloon ku idhaahdo oon aheyn kun jeer mahadasanid garan maayo ee intaysan sheekadan dhamaanin sii diyaari midii nooga xigta. war nin yahoow kolka ugu horeeysa een computarka shidaba waxaan toos u soo abaaraa pagekeenan wax kalana dib baan u dhigaa.

sidaa iyo nabad galyo.
Waa walaakiin Rashiid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Thursday, March 08, 2001 - 08:47 pm
to;long-life
asalaamucalaykum..
saxaaiib salaan qaali ah kadib,aad ayaan ugu faraxsanahay in laga ciiday wadamo badan oo ay gaaladu leedahay sifiicana looga ciiday,laakiin nasiib xumo iima suuragalin inaan anigu ka qayb qaato ciidaas oo maxaa yeelay ma`aan helin cid aan la tukado,wax islaam ahna waxaa jaamacada ila dhigta wiil ah reer romania magaaladaana way ku yaryihiin islaamku oo magaaraan 10qof,waxaa ii qorshaysnaa inaan ciida aado holand si aan ugu soo tukado hlkaas laakiin fasaxi ayeey ii diideen iyaga oo iyiri hadaa duruustu bilaabatay fasax ma bixin karo,laakiin walaal waxaan la faraxsanaa dadka ciidaya oo farxad kaliyaan meesha ku hayay iyo anoo sifiican ula xiriirayay meelaha ay joogaa asxaabta kala duwan kana waraysanayay qaabka ay u ciidayaan una sheegayay in aan maanta dhex joogo meel ay gaalo isku urursatay,
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Friday, March 09, 2001 - 02:14 pm
to'jacaylow rashiid iyo dhalinyarada kale
aad baan ugu faraxsanahay sida dhabta ah ee aan isugu soo gudbinayno waxyaabaha kala duwan ee ka dhacaya magaalooyinka kal duwan ee aduunka sxbkeen mastar jacaylow aad baan u qoslay marna waan naxay waayo waxaan ku qoslay adiga oo ah nin fany ah hadan waxaan ka naxay salaada EIda oo kaa baaqatay
waxaana ilaahay kaaga baryaynaa in snadkaan sanadkiisa khayr iyo barwaaqo kugu gaarsiiyo waayo anaga ayaa soo tukanay marka waa inaan sxb kuu ducaynaa;
have good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Friday, March 09, 2001 - 07:10 pm
To:Dhamaan Asxaabta pagekan

Salaamu calaykum,

Hargeisa Caday waxaa loogu iiday si aad u wanaagsan aadna u fiican dhamaan dadka ku nool magaaalada oo dhamaantood wada muslim ah waxaa ka muuqtay farxad iyo raynrayn, aniguna waxaan ka mid ahaa dadkaa faraxsanaa soona gutay salaadii Ciidul Adxa.

Walaalo, rashiid salaanta aad ii soo dirtay mid la mid ayaan kuu soo diray ee iga gudoon.

Walaalo, Long life & Rashiid, waxaan aad ula yaabay magacyada cusub ee aad ii bixiseen, miyaad ila jeclaateen in aad iigu yeedhaan, ma magacaygii ayaa sidan idinla noqday, mise cidkale oo magacyadan leh ayaa timid page-kan, Bal adba?

Walaalo, dhamaantiin waxaan idiin rajaynaya in aad maalintan maalinteed ku gaadhaan badhaadhe iyo barwaqo. AAMIIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Friday, March 09, 2001 - 09:59 pm
Waad salaaman tahay abaayo kolka hore,salaan kadib majirto Sahro cusub oo meeshan joogta oon adiga aheyn, laakiin gabar walaashey ah ayaa la yiraahdaa Sahra Yarey, dee waxaan Sahra yareey uun baan mar walba isticmaalaa waxaana jeclaaday inaan sidaa kugu yeedho, haddii kalena iga raali noqo. Waxaan abaayo ku idhi sidee bay kugu suurto gashay inaad kol walba isticmaasho internetka adigoo wadankii jooga maadaama aan maqlay in isticmaalka interneku uu halkaasi qaali ka yahay.

Waxaan Sahra kaa codsaneynaa dee inaad asxaabta kale ee kula degan inaad na soobarto,soo ma aadan garan, sida iyo nabad galyo dhamaantiin.

Haye Long life, caawa wwad na qadiseye waa maxay. war nin yahoow caawa weynu gaajeysan nahay ee pageka noo soo buuxi.

By By. waa Rashiidka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Saturday, March 10, 2001 - 01:11 am
To: Rashiid

Walaalo, aad ayaad u mahadsanatahay Rashiid hadii aad magcii walaashaa iigu yeedhay, sababtoo ah waxaa magac walaal loogu yeedhaa qof aad qiimaynayso, walaalo, waxaba iimaad gaysan ee wax ayaabad ii tartay, waanad iigu yeedhi kartaa markasta magacaa qiimaha leh ee walaashaa, ana waan ku farxidoonaa.

Walaalo, waxaa ii suuragaliyay in aan isticmaalo Enternetka markasta, bilaash ayaan ku isticmaalaa, waana run oo waa qaali Somalai, Saacaduna waa $6 (lix dollar), lakiin wakhtiga ayaa ii saamaxay in aan soo galo markasta.

Su'aal, caawa wakhtigaad soo gashay meeshaan waa maxay waa saqdhexe, maxaa ku saamalayliyay, ninyow ma jaadbaad cuntay oo mirqaankii ayaad seexan wayday, bal adba Rashiid? (WAA KAFTAN WALAALNIMO)


Rashiid, gaajada Page-ka maanta haysa waxaan u malaynaayay in aan anigoo kaliyii dareemooyey ee ma ila qabtay?


To: Long Life

Long Life waxaa filayaa in aad noo soo nasanayso, ee markaad nasashada soo dhamayso waa in aad noo soo gudbisaa dhowr qaybood maadaam weekend-kaagii uu yahay, adiga asxaabta kele ee page-kan, kolay anigu weekend-kaygii waan dhamaystee.

Mahadsanid Long Life

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Saturday, March 10, 2001 - 08:59 am
To Sahra Yareey. Waad salaaman tahay abaayo, intaa kadib aad baan ugu raaxeeysatay hadalad macaan eed ii soo qortay, basle sidaad ogtahay abaayo anigu Waxaan joogaa USA wakhtiganaganu aad buu ukal fog yahay ood hal maalin baad naga horeysaan. Wakhtigaad xalay fariintaas soo qorayna waa sax waa 3 am ee salaada subax soo dhoweyd laakiin abaayo hadaan runta kuu sheego anigu waxaa jaad la cuno iigu dambeysay dhow sano kahor kolkaan joogay Nairobi Kenya. Halkan in kasta oo laga helo qaad ama jaad hadana sida aan u imid halakn afkeyga jaad iyo sigaar masaarin. Waayo waxaan mudo badan wakhti bada iiga khasaariyey waagaan joogay Africa, hadana waxaa la joogaa wakhtigaan ka faa iideysan lahaa oo waxaan ahay nin aad u mashquulsan oo waxbarsho adag oo cologe ah iyo shaqo isku dhex wada. sidaa daraadeed wakhtigu salaadu subax soo dhowaato ayaan seexdaa balse 3 ama 4 saac kama badna waxaan hurdo, oo 7 dii subaxdiiba inta aan boodo ayaan u kacaa waxbarashadii kadibna waxaan u leexdaa dhinaca shaqadii hlkaa baana sadex meel labo meel wakhtigaayga ku dhameeystaa.

Abaayo waxaad doonto waad i weydiin kartaa waa caadi in la iswada barto maadaama ay pagekan degan yihiin dhalinteena iknta ugu fiican.

Saaxiib Long life kuuma ogolaaneyno innad hal maalin fasax qaadatid ee fadhiga ka kac oo walaalahaa waraabi oo wax sii inta aysan oon u dhiman.

Saaxiibkeen reee Poland, bal waran wax Soomalli ah mikyaa laga helaa Plonad waxabarshaduna soo mafiicana.
By dhamaantiin hana ka daalina inaad taageertaan walaalkiin Long life si uu sheekada noogu wado.
Mar labaad by, Sahra cadeey ama Sahra yareey by. oogow Sahar cadeey iyo Sahra Yareer waa magacyada walaaashey ee africa degan aadna u jeclahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Saturday, March 10, 2001 - 04:53 pm
TO DEAR FRIENDS...
waxaan idiinsoo gudbinayaa amaantayda mida ugu qaalisan hadana waxaan jeclahay inaan mar walba idin salaamo waayo maanta waan idinka daahay waayo gaari ayaan ka doonay suuqa dealarada halkaasoo aan uga soo iibinayay wiil aan abti u ahay' oo dhowaan wadanka yimid marka iga raali ahaada waan ka xumahay inaan idin kala daaho qoraalak sheekada.
waxaan jeclaan lahaa inaan e-mail isu soo dirno oo aan is xariirino si barshadeenu u dheeraato qofkii diyaar u ah aniga ayaa siinaya e-nmailkayga ha igala soo xiriiro si magacyadeena runta ja aan u kal qaadano waxaa laga yaabaa inaan is caawino maalin maalmaha ka mid ah.
saaxiintinimada iyo barshada waa wax qaali ah. Runtii waan idiin baahanahay inaan wad xiriir no diyaar ninkii u ah e-mailkayga waa idn siiyay saaxiibayaal xiriir wacan'
sahro abaayo macaan waxaad tiri e-mail ayaan kuu soo dirayaa waxaan u malaynayaa inaan dhamaanteen wax aan isku barnayno ay tahay walaalnimo oo aan wax dano oo gaar ah aysan jirin marka qofkii ila soo xiriira waxaan ku caawinayaa sawirkayga inaan by'coputer ugu soo diro'
have good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Saturday, March 10, 2001 - 09:24 pm
TO; Long Life

Salaamu calaykum,

Long Life, maan fahfihim hadalka ah(waxaynu isku baranaynaa Walaaltinimo ee ma jirto dano gaar ah), walaalo, yaa sheegay dano gaar ah ma ani mise qof kale, bal ii cadee hadalkaa, wuxuu noqday mid maskaxdaydu iska waydiisay dhowr su'aalood.

Walaalo, waxaan kuu soo diray greeting card 27/02/01, waxaanan kuugu soo diray emailka halkan ku qoran ee ah Farxaan14@yahoo.com,markaa ma emailka aan kuu soo diray ayay ku jireen waxyaabo dano gaar ah? aniguna kuuguma soo qoran wax dano gaar ah kaliya salaan iyo mahad naq ayaa ku qoranaa, si kastaba ha ahaato arintu ee ma ii sheegi kartaa oo kaliya danta gaarka ah ee ku jirta erayadaada halakan ku xardhan.


Iga raali ahow long life hadii aan kuula hadlay si deelqaaf ah ama aan kugu haboonayn, markale raali ahow walaalo.

Mahadsanid Long Life,


To: Rashiid


Walaalo, waad salaamantahay, waxaan kugu Hambalyaynayaa sida wanaagsan ee aad wakhtigaaga qaaliga ah uga faa'idaysanayso, wakhtigu waa waxa ugu qiimaha badan ee la ilaaliyo, walaalo, waxaan kaloon kugu hambalyaynayaa in aad tahay nin aan Sigaar & Jaad cunin, aad ayay u adagtahay in la arko nin aan jaad iyo sigaar cunin Somaliya waxaanan ku leeyahay dadaalkaaga halkaa ka sii wad, hana noqan nin ka caajisa in uu ka faa'idaysto wakhtigiisa qaaliga ah, walaalo, inaad ka sii kordhiso dadaalkaaga intaa mooyaane marna ha ka soo gaabin.

Rashiid waa walaaashaa Sahra yaray oo ku leh dadaalaa X. Cabaas waa gaadhaa, dhamaan dhalinta kele ee page kana waxaan leeyahay sidaa si la mid ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Saturday, March 10, 2001 - 09:59 pm
Mahadsanid Sahra, waad aragtaa walaalo in uu saaxiibkeen nagala daahay sheekadii sidaa daraadeed waxaan jeclaadey in aan labadeenu halkan si walaaltinimo ah iskaga sheekaysano oon bal iska wareysana wax alla wixii macquul ah.

Waxaan ku idhi abaayo waan maqlay in xaalada Hargeysa degan tahay oo aniga oo aad u yar kol tagay halkaasi oon waxba ka garaneynin, balse ma iisheegi kartaa in ay jidadka waaweyn wada furan yihiin oo meel walba si nabad ah loo maro.

Mida kale meehan aan joogno in kasata oo ay tahay meel nabad galyo leh oo qof kasta ka heli kara waxa uu baahdo hadana waa dhul gaalo oo waxa saacad walba ku hortaagan gaalo
dhaqan iyo diinba kala fognahay oo waxaan aad u jeclaan lahaa kolkaan wax barashada dhameeysto inaan Soomaaliya booqosho ku imaado oo dano gaar ah ka fushado.

War Long Life waa ku sidee ma waxaad rabtaa inaad pagekan naga xirto waa adiga iska aamusaye. War nin yahoow gaari baan soo gadayey wakhi badan uma baahna ee bal hal sadar alaaha kadhigee wax uun noo soo qor. Diyaar baan u ahay in aan E-makeyga halkan ku qoro oon ka qeybqaato isbarasho nooc kasta ha ahaatee. E-malikeygu waa kalifyusuf@hotmail.com aad baana ugu mahadcelinayaa cidii ila soo xiriirta aniga oo ubalan qaadaya inaan kasoo jawaabo isla daqiiqada aan helaba.

Haye Sahara Yareey, bal kawaran hadaad noo sooqorto e-mailkaaga mise abaayo waad naga xishoonaysaa. waan kuu hambalyeeynayaa abaayo hadaadba hesho internat bilaash ah, ee hanaga caajisin in aad nal soo xiriirto kol walba.
Waa walaalkaa Rashiid oo ku leh ha dhicin ee gaashaanka hay.

Waad wada salaaman tihiin dhamaantiin, aad baana uga xumahay in aniga iyo Sahra mooyee intii kale la waayey sheeko la'aan daraadeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAYSAR

Sunday, March 11, 2001 - 02:51 am
TO: DHALINTA DHAMAAN
SLAM CLAYKUM

SALAANTA ISLAAMKA EE KOR KU XUSAN KADIB WAXAAN IDIIN RAJEYNAYAA KULIGIIN CAAFIMAAD IYO BARWAAQO. RUNTII WAXAA MAHAD MUDAN ILAAHEY IYO SAXIIBKEEN LONG LIFE OO AAD IYO AAD ISUGU TAXALUJIYEY IN UU BOGANI NOQDO "ACTIVE" WAXAA KALOO IYADUNA TAA MID LAMID AAN U SOO JEEDINAYAA DHALINTA KALE EE RUNTII AAD IYO AAD AAN UGA HELAY IKHYAARNIMADODA. DHINACA DUMARKA SIDOO KALE, WOW SAHRA, "SHE IS SUPER LADY" WAR SAAXIIBAYAAL INANTU"SAHRA" HADII AANEY ODAY LAHEYN QAARKEENA AANEY XASAS LAHEYN WAXAAN IDINKA CODSANAYAA IN AYDINAAN INANTA SII DEYN EE AAD BARASHADA KU DARTAAN DHINACA WANAAGA. RUNTII SAHRA WAA QOF AAD ACTIVE U AH OO TAQAANA SIDAAN KA ARKO LA DHAQANKA MUSHTAMACA.

SAHRA ABAAYO WAAD MAHADSANTAHEY' KEEB THE HARD WORR WALAAL" I HOPE IN AAD WIILASHA MEESHAN HAWADA AAAD ISKU BARATEEN AAD MID LIVE KU KULMI DOONTAAN GURINA AAD WADA GELI DOONTAAN ANIGUNA KAYSAR AHAAN WAXAAN BALAN QAADAYAA AROOSKAA IN AANAN KA MAQNAAN SI KASTABA HA IIGU DHEERAADEE!!!

SIDAAS IYO XIRIIR WACAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAYSAR

Sunday, March 11, 2001 - 02:58 am
TO: :( DHALINTA DHAMAAN:)
SLAM CLAYKUM

SALAANTA ISLAAMKA EE KOR KU XUSAN KADIB WAXAAN IDIIN RAJEYNAYAA KULIGIIN CAAFIMAAD IYO BARWAAQO. RUNTII WAXAA MAHAD MUDAN ILAAHEY IYO SAXIIBKEEN LONG LIFE OO AAD IYO AAD ISUGU TAXALUJIYEY IN UU BOGANI NOQDO "ACTIVE" WAXAA KALOO IYADUNA TAA MID LAMID AAN U SOO JEEDINAYAA DHALINTA KALE EE RUNTII AAD IYO AAD AAN UGA HELAY IKHYAARNIMADODA. DHINACA DUMARKA SIDOO KALE, WOW SAHRA, "SHE IS SUPER LADY" WAR SAAXIIBAYAAL INANTU"SAHRA" HADII AANEY ODAY LAHEYN QAARKEENA AANEY XASAS LAHEYN WAXAAN IDINKA CODSANAYAA IN AYDINAAN INANTA SII DEYN EE AAD BARASHADA KU DARTAAN DHINACA WANAAGA. RUNTII SAHRA WAA QOF AAD ACTIVE U AH OO TAQAANA SIDAAN KA ARKO LA DHAQANKA MUSHTAMACA.

SAHRA ABAAYO WAAD MAHADSANTAHEY' KEEB THE HARD WORR WALAAL" I HOPE IN AAD WIILASHA MEESHAN HAWADA AAAD ISKU BARATEEN AAD MID LIVE KU KULMI DOONTAAN GURINA AAD WADA GELI DOONTAAN ANIGUNA KAYSAR AHAAN WAXAAN BALAN QAADAYAA AROOSKAA IN AANAN KA MAQNAAN SI KASTABA HA IIGU DHEERAADEE!!!

SIDAAS IYO XIRIIR WACAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAYSAR

Sunday, March 11, 2001 - 02:59 am
TO: :(:) :) DHALINTA DHAMAAN:)
SLAM CLAYKUM

SALAANTA ISLAAMKA EE KOR KU XUSAN KADIB WAXAAN IDIIN RAJEYNAYAA KULIGIIN CAAFIMAAD IYO BARWAAQO. RUNTII WAXAA MAHAD MUDAN ILAAHEY IYO SAXIIBKEEN LONG LIFE OO AAD IYO AAD ISUGU TAXALUJIYEY IN UU BOGANI NOQDO "ACTIVE" WAXAA KALOO IYADUNA TAA MID LAMID AAN U SOO JEEDINAYAA DHALINTA KALE EE RUNTII AAD IYO AAD AAN UGA HELAY IKHYAARNIMADODA. DHINACA DUMARKA SIDOO KALE, WOW SAHRA, "SHE IS SUPER LADY" WAR SAAXIIBAYAAL INANTU"SAHRA" HADII AANEY ODAY LAHEYN QAARKEENA AANEY XASAS LAHEYN WAXAAN IDINKA CODSANAYAA IN AYDINAAN INANTA SII DEYN EE AAD BARASHADA KU DARTAAN DHINACA WANAAGA. RUNTII SAHRA WAA QOF AAD ACTIVE U AH OO TAQAANA SIDAAN KA ARKO LA DHAQANKA MUSHTAMACA.

SAHRA ABAAYO WAAD MAHADSANTAHEY' KEEB THE HARD WORR WALAAL" I HOPE IN AAD WIILASHA MEESHAN HAWADA AAAD ISKU BARATEEN AAD MID LIVE KU KULMI DOONTAAN GURINA AAD WADA GELI DOONTAAN ANIGUNA KAYSAR AHAAN WAXAAN BALAN QAADAYAA AROOSKAA IN AANAN KA MAQNAAN SI KASTABA HA IIGU DHEERAADEE!!!

SIDAAS IYO XIRIIR WACAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAYSAR

Sunday, March 11, 2001 - 03:04 am
TO: ALL
PLEASE EXCUSE MY FAULT CAUSE I MISTAKENLY POSTED SAME MESSAGE FOR MORE THAN ONCE!!!

MAHADSANIDIN


BROTHER LONG LIVE XAGEE AYAAD DEGANTAHEY?

SEE YOU GUYS LATER

KAYSAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rashiid

Sunday, March 11, 2001 - 08:36 am
War Kaysar Waad salaaman tahay, salaan dabadeed, hadaad adigu walaalow gabdha dooneysid adiga lee waaye cid kaa hor taagana ma jiraan ee walaaoow si toos ah ula xiriir Sahra kaama dheere.

Waan ognahay in Sahara Yareey ay tahay gabar wanaagsan, balse weli ioonma cada in ay guur diyaar u tahy iyo in kale.Waxaab laga yaabaa in ay tahay gabar guri leh oo si walaaltinimo noola socota. Hadaba saaxiiboow waxaan kaa codsanaayaa inaadan gabdhan walaasheen ah aadan ka xanaajinin oo aadan halkan ku soo qorin wax aysan filaneynin.

Ninkii saaxiibkeen ahaa ee Long Life wuu naga goosanayaa oo maalmahan lama hayo, hadaba pagekan xiisahiisii wuu sii dhamaanayaa markaa waxaa fiican in aynu pagekan iska xirno oon kala dareerno inta aan aflagaado iyo caay na soodhex galin. oo ilaa laba maalmood ayaan bal sii fiirin in uuu soconayo pagekan waa hadii kale waan iska gambisan. Sidaa iyo nabad galyo
Waa Rashiid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JALAMQALAM

Sunday, March 11, 2001 - 11:07 am
to:all dad kaa soo ka soo qeyb galay tusaale aduun
waah waah waxaa saa jeceyl lagaa yiraahdaa minuu jalam qalam soo galo dad badan jaceyl waa la ooyn doonaa jabsii jilbahaaga isaar jamaad badaneey joog dheeray dhilinta caashaqaa i jaba jabisee waan jiboodee markaan maq lo jamaad so jees jeestee aan is ku jabajab nee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, March 11, 2001 - 11:13 am
TO'DEAR FRIEND"'
Dhamaan waad salaaman tihiin'
aad baan idiin kal soo daahay shhekada laakiin waxaa qasab ah inaan idiin wado maanta oo aan jaanis fiican haysto okey'


to'Sahro yarey.
Abaayo raali ahow hadaad qalad u qaadatay hadalkayga waxaa dhacday hadal nin si u yiri nina si u qaaday''
sidaa umlama aan jeedin abaayo macaan ma jacli inaan qalad kaa galo waayo waxaan nahay dad walaalo ah Mida kale E-mailka aad ii soo dirtay walaahi ma heli hadaan heli lahaa waanba kuu soo jawaabi lahaa, abaayo arintaas dib ugu noqo, walaahi haddii aan heli lahaa mar walba waan kula soo xiriiri lahaa
Runtiina waxaad noo tahay wehelka bayjkan,
Sidee baan kuugu quuri karaa hadal waxaanse hadalka ka waday inaan si qalad ah la ii arag maadaamo aan jaclaystay inaan si fiican isku barano waan markaan arkay inaad tihiin dad waawayn oo wax garad ah ayay ila noqotay inaan e-maildana kal helno sidii aan u kala qaadan lahay wixii talo iyo tusaale ah' ama wixii fikrad ah ee aan ku qaldanahay si aad iiga qabataan'''
Sahro caday macaan raali ahow I mean hadaad qalad ii qaadatay.e-mailkaagiina abaayo ma helin waxaan kuu soo diri lahaa jawwab dagadag ah
markaan arko
have a good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JALAMQALAM

Sunday, March 11, 2001 - 11:21 am
SHEEKO QISO LEH
BERI AYAA WAAXAA DHACADEY DIIF AYAA AFRIKA KASOO SAFAR WEXEY JIDKA KU KUL MEEN BARANBARO KA SOO SAFARTEY YURUB MARKAA SEEY IS WA REEYSTEEN BAR BARO AYAA TIRI WAR DIIFOOW MAXAA KU GUDHACAY OO AAD LA SOO CARARTAY MARKAA SOO YIRI AFRICANKA SEY DARBE II LA DHACAYEEN AYAAN KA SOO CARARAY MARKEY ISKA DIIFINAAYAAN BA WAXEY IGU DHUFTAAN DARBIGA MARKAA WAAXAAN RABAA IN AAN AADO YURUP MAXAAYEELAY MARKEY IS KADIIFIYAAN MARO AYEEY IGU TIR TIRAYAAN YAAN KA DIBNA JEEBKA AYEEY IGA SHANAA YAAN SAAS AYAAN UGU SOCDAA YURUBTA. DIIF KII AYAA WAREYSTEY BARANBARO NAA MAXAA UGA SOO CARAR TAY YURUBTA MARKAA SEEY TIRI SEY SUN IIGU BUUFINAAYEEN AYAAN KA SOO CARARAY OO WAAXAAN RABAA IN AAN AFRIKO AADO MAXAAYELEY MARKAAN CAANO HOODA KU DHEXDHOCO AA YAR BEY ISKA KEYSAARAYAAN KA DIBNA CAANA HOODA AYEEY CAABAA YAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaysar

Sunday, March 11, 2001 - 01:05 pm
to: rashiid

sxd waad salaamantahey salaan ka dib aad ayaad ugu mahadsantahey talada aad soo jeedisey. marka hore meeshan wax aflagaada ah kuma aanan qorin ee marka hore taas la soco. hadii aaan aflagada meesha jirina wax dhib ah ma leh oo waa nin walba fikradiisa ayuu cabiri karaa mana rajeynayo in ay aflagaado meesha marna imaato. walaasheen SAHRA runtii ma filaayo in ay wax dhib ah u aragto hadalkayga ama codsiga aan ku qorey meesha hadii ay dhacdo laakiin waxaan jeclahey in aan walaasheey u celiyo raali gelin 100%. tan kale ha ghabadhu hadii ay nin leedahey sxb taas waan ka cudurdaartey oo qoraalka ayaan ku bilaabey. marka sxb waxaan dhib aheyn dhib yeynaan ka dhigin aniga oo waliba og in aad u yeelayso taxadar. ugu dambeyntii aad baad u mahadsantahey sahrona inkastoo aynaan wali war ka heyn laakiin hadii ay ka xumaatey qoraalka oo aan waliba ogahey in aanan wax dhib ah in aanan meesha ka arkin laakiin hadii ay walaashey sahro dhibsato whatsoever waxaan dhahi lahaa raali iga noqo 100%

seee you later.
thanks every body here

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, March 11, 2001 - 01:23 pm
"""""QAYBTTI 12aad SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""""
""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""
Warqadii fariinta aheyd markay gaadhay ayay aad ugu farxaday Xamdi waxayna mahad wayn u celisay Saadaad oo ahaa ninka kaliya oo siiyay kalsooni ay aqbaaraha uga hesho,gacliyaheeda Hassan,waxaa Xassan soo hareereey noocow cidlo ah taas oo uu u adakaysan waayay waxan ka lumay majirihii uu maalmahaas ku socday waxa uu na dareemay cilo fara badan marka cirku madoobaado.fakirkii Hassan ayaa bilowday wuxuu la yaabay sida waayaha iyo waqtiga uga soo horjeedaan
Xmadi waxay u hayd wehelka kaliya ee uu ku haystay magaaladaas uu ku noolaa taas oo hilmaamsiisay uurkutaaladii uu kal kulmay jacaylkii gacalisdiisii hore ee uu ku guuldaraysatay,hamiga hassan dhamaantiis wax uu siiyay Xamdi oo uu u arkay inay tahay qofta kaliya oo xalin karta, broplemka jacaylkiisa waayo wax uu kala kulmay jacayl daacad ah oo ku dheehan kalsooni,warqdii markii loogeeyay Xamdi. islma markiiba jawaab ayay u soo diyaaraisay iyada oo ka jawaabaysa su,aashiisii ahayd"'Gamuuntii kalgacaylka ruux ay wadnaha goysay oo galgalnaaya sideebaad xamdiyay ugu garaabi lahayd,
Xmdi oo ka jawaabaysa su,aashaas iydoo qoraal ahna waxay tiri"""
gamuuntii kalgacaylak
ruux ay wadnaha goysay
oose galgalanaay waxaan
ugu garaabi lahaa
1""Marka hore garbahaan qaban lahaa
marka xigana gogolbaan u fidin lahaa
marka xigana Garuub caana leh baan siin lahaa
markasaa gamuuntii kalgacaylkana ka
goyn lahaa sidaasaan ugu garaabi lahaa"""""
Hasan Runtii aad buu ugu kalsoona Xamdi/
waxaan lookeenay jawaabtii xamdi goor ay fiid tahay aad ayuu u qoslay wuxuuna la yaabay gabadha sida ay u yar tahay iyo sida ay wax garad u tahay,wuxuuna markiiba ku halqabsaday hadalkii ahaa (walee dhabeel iyo naag dhaliil leh dhab loo wada dheehan maayo)Xamdi waxay xabsiga guriga ku xirnayd mudo ku siman BIL''maalintii dambe ayaa xabsiga laga soo siidayay iyada oo xiisaynaysa banaanka ayay waxay meel kore ka aragtay Hassan inta ay carartay ayay guriga uga dhuumatay waayo waxaa xamdi galay xishood kaasoo ahaa is arag la.aanta mudo waxayba u qaadatay in ninkeedii oo mudo safar ku maqnaa inuu yimi,Hassan Runtii waa dareemay qofta guriga gashay inay tahay xamdi ayaa isna waxa uu ku leexday xaafadii uu daganaa oo aan in door ah ka sii fogayn Xaafada xamdi"
Hamdi iyo Hassan, waxaa labada la isku diyaariyay sidii loo kulmi lahaa, Hasan wuxuu wanted ka noqday agagaarka xaafadaas xamdi. wuxuuna inta badan badashay maritaan ka xaafadaas oo xadaarad miiran noqotay waayo marka uu jidka soo maraayo dadka xaafad ayaa si aan caadi ahay u daawan jiray waxaan lagu xaman jiray waa kaa wiilkii gabadha waalay.Hassan marka uu wadada maraayo yax yax ayuu ku mari jiray,isaga oo ku fakaraya maxaa ku soo marsiiyay jidkaan inkaarta qaba.
Waxaay hayd subax dadkuna teel teel ayay wadada u socdeen Hassan iyo xamdi waxaa la iska dhex arkay meel ilaa waxoogaa u jirta guriga xassan Xamdi oo dhag la qabto lahayn ayaa Hassan salaan ku boobtay markii uu salaamay ayay u sheegtay inay rabto inuu u sheekeeyo.oo ay habeen jaanis lahayn
Hassan dib ayuu ugu noqday xaafadiisa isagaoo u sheegay inay iydu dadka iska qariso oo aan la ogaan in ay gurigiisa joogto. Xaafadii markii la soo gaaray ayuu albaabka ka furay isaga oo geesha iska fiirinaaya,Waxaa la wada fariistay sariirtii
KA dib waxaa la bilaabay in la isku ooyo''
Runtii Hassan oo hore wax badan ula kulmay dhibaato jacayl soona maray jacayl kan ka horeeyay ayaa mar walba waxa uu is ku dayaa inuu samarsiiyo Xamdi oo jacaylku bilow u yahay.Xamdi oo ilmo kulul ka socoto ayaa qaaday hees reer xamar ahoo ahay(Dadka kii aan ka dootee dareenkay jiitay maxaa laygu diidaa Dooqay wuxuu rabin maxaa laygu doonaa?
waa socot

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Monday, March 12, 2001 - 12:34 am
To: Long Life

Walaalo, aad iyo aad ayaan ugu xumahay in aan si khaldan u qaato hadalkaagii, walaalo, aad iyo aad ayaan kaaga raaligalinayaa isfahamla'aanta aanan ku fahmin ujeedadaad ka lahayd hadalaka, kana raali ahow 100% erayadaydii.

Walaalo, long life waxaan is lahaa labada cishee fasaxa ayuu qaybo badan oo sheekada ka mid ah qoridoonaa lakiin may dhicintaasi, walaalo, waxaan kaa codsanayaa in aanad ka caajisin qorida sheekada.

Waanad ku mahadsantahay wakhtigaaga qaaliga ah ee aad noo furtay.


To: Rashiid

Walaalo, Hargeisa aad iyo aad ayay u wanaagsantahay, waana nabad meelkasta oo ka mid ahna si xornimo leh ayaad u mari kartaa 24saacadood, walaalo, hargeisi nabadgalyo tan ugu qiimaha badan ayay maraysaa,waxaad dareemi kartaa nabadeed hadii aad timaado oo kaliya, ee sheeko lagaaga sheekeeyaa waxba kagama ogaan kartid.


To: kayser

LOOOOOOOOOOOL, waaryaa Kaysar sheekadaadu aad ayay iiga qoslisay, lakiin kaysarow pagekani wuxuu u furnaa walaalnimo ee tirada kumay jirin sheekadaa aad soo dhexgalisay, adiga iyo Rashiidna idin dhexgalimooye,walaalo, wax aad igu raaligaliso oo aad ii gaysatay ma jirto kaliya fikrada ayaad soo jeedisay, waana kaftan dhalinyaro, oo wax dhibaato ah uma arko.


Long life & Rashiid waxaan ku Hambalyaynayaa sida geesinimada leh ee ay u soo badhigeen emailadoodi inkastoo dhamaan dadka kale qarsadeen anigana ku dhehoo, lakiin maanta ayaan soo bandhigayaa eamail-kayga, waana sahrahayder@yahoo.com

Mahadsanidin dhamaantiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Monday, March 12, 2001 - 01:14 pm
""""QAYBTII 13naad SOCDAAL IYO SIR JACAYL""""""""
"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""'
Hassan oo aamusin la.a Xamdi ayaa waxaa la soo gargaraacay albaabka Xassan ayaa Xaga albaabka tagay mise jiq ayay ku noqotay,waxaa albaaka soo istaagatay islaan ilmo adeera ay haayeen xamdi Hassan inta uu dib u soo noqaday ayuu ku yiri Xaaladu ma fiican,Maxx cusub ayay tiri Hamdi.waxaa uu ugu jawaabay eedaada ayaa albakayga soo istaagatya oo soo gargaraacaday waliba kamna furin ee maxaan yeelnaa,Xamdi intay naxday ayay. albaaka jiirtay iyadoo aan laba hadlin ina adeerteed ' islaantii qaylo ayay dhaga qabsatay qabta qabta, iyo sawaxan kale ayay isku dartay,
xamdi oo qof karti u dhalatay ahayd cagaha ayay wax ka dayday iyadoo aan ku leexan xaafadeedii ileen hadii ay ku leexato xaafadeeda maxaa uga horeeya waa katiinadii,jeelka lagu xiri jiray ,waxayna abaartay xaafada gabar aya saxiibo ahayeen halkaas oo ay maciin biday Aritu waa ay qasantay Xamdi hooyadeed ayaa xaaladii gaartay waxaa loo sheegay in gabdheedii lagu arkay nin iska haysta oo ay maalinimo gurigiisa ugu gashay,ala dadkeenu hadal badanaa bal may xaalad dajiyaa, maxaa imaan doona, Xamdi waxay iyada oo daalan ka kor dhacaday xaafadii gabadhii saaxiibadeed, Saxiibadeed oo aan xamdi arag ayaa ku soo booday waxayna ka codsatay ianay biyo qubays ah u shubto meel ay seexatana u diyaariso, Xamdi oo aad moodo inay qandho xun hayso ayaa iyada oo aan saxiibteed u watramin isk a seexatay.Hassan isaga oo la yaaban ibtilada meesha ay ka haysto ayaa yiri( Walalkiyo Walaaciyo kama baxo wareeroo qurbaan waayo joogoo dhamaantay ku waashee, Wadankaan jeclaaiyo Gacaladii wacnayd iyo
waalidkii i dhalyba, kama helo waraaqaha waydiimahaan diro jawaabtoodi waayay''''
iyo waxyaabo badan oo markaas maskaxdiisa ku shirayay,dadow yaan wakiishaa iga soo warmoo ana iga wargeeyoo jana laga waraabshaa""
Saacado badan ka dib ayay ku qaadatay intuu ku dhex fakirayay gurigiisa dhexdiissa,waxaan uu go,aan ku gaaray inuu ilaahay u samro wax walba oo soo gaaro.wuxuun hoosta ka yiri rabi talo ku filan''Galabnimadii markii lagaaray ayaa xamdi hooyadeed waxaa la tusy Hassan waxaana la yiri wiilka gabadhaada haysta waa kaas ee lahadal,
Hamdi hooyadeed oo qof aad u kulul ahayd waxay u timid hassn waxay ku tiri Hooyo ma adigaa Hassan
haa ayuu ku yiri,waxay ku tiri gabadhaan xamdi ma qabtaa mise oo ma kugu mehersan tahay Mise saaxiibo ayaa tihiin, oo xiriir bes baa idina dhexeeya,Hassan oo su,aashaas ay ku noqotay halxiraale ayaa isga oo aan wax kale oran yiri
haa waan qabaa Xamdi hooyadeed ayaa tiri ma ilaahbaa kugu og Hassan meel uu u baxo ayuu garn waayay markaasuu yiri haa,maalintaas been cad ayauu sheegay Hassan lakiin waxay arintaas ceeb astur u noqotay Xamdi waayo Xaafada dhan waxaa laga aaminsan yahay inuu wiilka gabdha iska haysto oo ay sidii xaaskiisa oo kale guri ugu tagto. wax walba oo jira ilaah baa garnaya,laakiin dadku ma fiirinayaan intee kalsooni ah ayay iska haystaan karaan labadaas qofood maxaa ka dhexeeya gabadhu gabar is ilaalin karta ma tahay, waa in wax yaabo badan aad ku fakartid,ma ha kaliya dadku inay ku fasirtaan dhinaca xun'
Hamdi hooyadeed oo yar dagtay ayaa waxay soo abaartay xaafadeedii iydoo kal dardaarantay inay labadooduba caawa u yimaadaan' Hassan talaa ku cadaatay waxa uu sameeyo ayauu garan waayay. Habeenimadii markii lagaaray ayay Xamdi iyo gabadhii saaxiibteed hayd oo isla socda la kulmeen Hassan. aad ayuu u farxay markuu arkay xamdi oo u soo dhoola cadaynaysa sidii laba qof oo dhowr samo kala maqnaa ayaa la isku qaabilay'
Hassan oo u mahad celiyay Xamdi saaxiibteed ayaa
ka codsaday ianay xaafadeeda cidlo tahay oo uu doonayo inay tashtaan isga iyo xamdi' waa la is wada raacay. markii la soogaray xaafadii ay fariisteen ayuu Hassan shseekadii galabtii ku dhacaday bilaabay sheekadaasoo dhex martay xamdi hooyadeed iy hassan,Xamdi markay sheekadii dhex maraysay ayay tiri aad baan kuugu kalsoonahay waayo waxaan kuu maray dhibaatooyin far badan hooyaday haddii aad maanta ku dhihi lahayd ma qabo waxay ii haysan lahayd gabar xun,
Hassan oo ka naxsan beenta uu dhoodhoobay ayaa
xamdi ku yiri waraa xamdi kolay aniga waan dabaashay been ee sidee looga baxaa gacaliso
Xamdi oo kaftamaysa ayaa tiri waa moodaa hadii la moodi waayana waa la moosaa""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""''''''''''''

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Tuesday, March 13, 2001 - 08:36 pm
To: Dhamaan Asxaabta Page-ka

Salaamu calaykum

maanta miyaa laga wada baxay hawada maxaa dhacay ilaa shalay maan arag wax soo galay page-kan.

Long Life maxaad qisadii qiimaha lahayd u soo gudbin wayday maanta, balsoo gudbi meel qiimo leh ayay maraysaye.


Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Thursday, March 15, 2001 - 10:28 am
waad salaamantihiin
waxaan u malaynayaa sheekooyinkii hore oo dhan
si fiican ayaan ula socday lakiin socdaal iyo
sir jacay in door ah ayaa idhaaftay intaana wax
ay igu qaadataba waan dhamaynayaa haduu alla
yiraahdo.

take care

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long-life

Friday, March 16, 2001 - 05:12 pm
to; dhamaan dhalin yaro
waan idin salaamay saharo sheekeeyeye,jaceel,kayser,iyo inta kaloo soo booqata beyjkan xigmad iyo xeelad ay ku dheehantahay.
marka xigta sheekadii oon sii wado sidaa iyo aqris wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long-life

Friday, March 16, 2001 - 06:12 pm
Hasan oo aad umurugaysan ayaa waxaa uu yimid aqalkii xamdi jiiftay asagoon markaa xaalkiisu caadi ajhayn ayaa waxa uu irida kasoo galey aqalkii xamdi,xamdi oo aad ula fajacsan ayaa waxa ay waraysatey hasan ayadoo su'aalo is daba joog aha way diinaysa maalin kaas waxay ahayd maalin cadceedu aad u kulushahay dadkyuna ay ka muu qato markaad eegtaan wajiyadoodu xanaaq iyo xuurtayn hasana waxaa usii dheeraa sheekadii saxiibtiisa hore ayadoo marugudu ay mar walba ugu siidaeysay
yaanan war idinku daalinine hasan waxa uu usoo gudbay aqalkii hurdada asagoon jawaab cu celin xamdi, xamdi oo markaas maro qoyan madaxa kasaartay hasan oo jiifa sariirteedii xiligu waa uu sii soconayey waxay isku badashey habaan xamdi markaa kadib hurdo qabatey ayaa usoo kacintan aqlkii hurdada halkaas uu hurday ayey dhinac ka jiifatey ayadoo hasan kalsooni ka qabta markii lagaaray saqdii dhexe ayaa ileen nin waa dhurwaayee wax la isku haleeyena ma ahee ayuu daba gur ugu soo jeestay ayadoo sheekadii meel dhexe mareysa hasana macdantii lugta lahelay xoogeyna ay socoto ayaa xamdi ku kacday ayadoo dhahaysa tolbeeleey saan ma moodeyn hasana dhag jalaq umasiinee howshiisii ayuu gutay asagoo aad moodo sidii nin xil gutay ayuu irada kabaxay asagoo dhahaya walaalo waan riyoonayey xamdi ee maanana is ogayn ee iga raali ahaw xamdina maxay raali noqotaa waa mar ay xeero iyo fandhaal kala haadeen hasana uu hooshiisi dhamaystay xamdi oo u dhaqaaqday dhinaca baytulmaydka ayaduu rabta in ay isfarsameeso kana baqeysa in ay uur qaado laakiin nasiib wanaag uur ayey qaadey
halkaas ayey sheekadu noogu joogtaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAIL

Friday, March 16, 2001 - 08:53 pm
Asalaamu calaykum

Waqtiga oo aad igu yar waxaan ka cudur daaranayaa anigoon sidaan jeclaa inaan idiinku mahad naqo ama aan u qaadaa dhigo falanqayn cajaa'ib leh oo ka turjumaysa dareenkayga dhabta ah aanan haysan hase ahaatee aan soo gali doono dhawaan INSHA ALLAH.Waxaa isku heley bogan dad aqoonta iyo xilkasnimadu udheer tahey is ixtiraamka oo baryahaa dambe ku yaraa soomaali meelay joogtaba, waana lagusoo hiran doonaa bogan,waxaan deganahey magaalada LONDON, magacaygana waxaa la yidhaa ISMACIL-KHADAR, barasho wanaagsan dhamaan FARXAAN(LONG-LIFE),SAHRA,SHEEKEEYE,JACEYL,RASHIID,KEYSARIYO INTA AAN ILAAWEY EMAILKAYGUNA
GADIIDSOMLAND@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISMAIL

Friday, March 16, 2001 - 08:58 pm
Asalaamu calaykum

Waqtiga oo aad igu yar waxaan ka cudur daaranayaa anigoon sidaan jeclaa inaan idiinku mahad naqo ama aan u qaadaa dhigo falanqayn cajaa'ib leh oo ka turjumaysa dareenkayga dhabta ah aanan haysan hase ahaatee aan soo gali doono dhawaan INSHA ALLAH.Waxaa isku heley bogan dad aqoonta iyo xilkasnimadu udheer tahey is ixtiraamka oo baryahaa dambe ku yaraa soomaali meelay joogtaba, waana lagusoo hiran doonaa bogan,waxaan deganahey magaalada LONDON, magacaygana waxaa la yidhaa ISMACIL-KHADAR, barasho wanaagsan dhamaan FARXAAN(LONG-LIFE),SAHRA,SHEEKEEYE,JACEYL,RASHIID,KEYSARIYO INTA AAN ILAAWEY EMAILKAYGUNA
GADIIDSOMLAND@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KAYSAR

Saturday, March 17, 2001 - 01:42 am
to : ismail
brother soo dhowowo ha is martiyeeynin! ka qeyb qaado sheekooyinkan iyo kulanka dhalinta ee bogga longlive waxaan rajeynayaa in aan dhamaanteen ka wada faa'iidaysano sheekooyinka iyo wax isu sheegaba. waxaan rajeyneynaa in hadii ilaahey idmo aan beyjkani noqdo mid wax ku oola xitaa hadii walaalkeen LONGLIVE uu sheekooyinka dhameeyo . waxaan insh-allahiuy isku deyeynaa in dhalintu isku barato Talooyin IYO BARAARUJIN wax ku oolana ay bogan ka soo baxaan!

dhamaantiin waan idin salaamayaa dhalinyaro, longlive, sahro, rashiid,iyo aniga ruuxeyga kaysar ilow ma aha in aan salaanra iska reebee..joke

dhalinyaro see you later
salama clykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Saturday, March 17, 2001 - 09:58 pm
To: Isamial

Walaalo, waad salaamantahay, ku soo dhawow gacmo furan, Laab fayow & Page qiimo leh oo ay isku bartaan dhalinyaro Somaliyeed oo walaalo ah kalana jooga, wadamo aad ukala fog.

Walaalo, waxaan kaaga mahadnaqayaa sida ixtiraamka iyo tixgalinta leh ee aad noogu soo biirtay aad ayaan ugu farxaa markaan arko qof cusub oo walaalkay ah oo ku soo biiray page-kan, waxaanan kaa rajayanayaa in aad si joogta ah noola soo xidhiidhidoonto.

To: dhamaan Walaaladayda qaaliga ah.

Salaamu calaykum,

Walaalo, waxaan u malaynayaa in uu caajisay saaxiibkeen long life, sababta oo ah waxaynu ka daynay dhiiri galintii aynu dhiiri galinjirnay, maxay tahay sababtu? waa in aynu aad ugu dhiirinaa in uu saxiibkeen inoosii wado shekada, wana in aynu is maaweelinaa maalimaha aanu inoo soo qorin walaalkeen sheekada.


Dhalinyaro Su'aal? Page-kan waxaa ku soo biira wiilal oo kaliye ee Hablihii xagay mareen, miyaad ka eridaan hablaha meeshan, kali ayaan dareemayaa, mid kalana aan idiin sheege Somalida waxaa dhaqan u ahaan jirtay meesha inankaliyii ku jirto dhagax ayaa loo gunti jiray ee yaanu pageku baabi'ine ii gunta dhagax, INTAASI WAA KAFTAN WALAALNIMO.

Waa walaashiin oo idin leh ku waar badhaadhe, hana ka caajisina sidii uu pagekani inoogu dhismilahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaysar

Sunday, March 18, 2001 - 02:22 am
to: sahra
ahahah war qofyahey qosol aanan mudo qoslin ayaan qosley ! sahro walaal caadooyinkaas waxaan u maleynaayeny in ay ina daayeen ee ilow wali waa la isticmaalaa waxaanse filaayey oo kaliya markii la safrayo kaliya in la isticmaali jirey in hadii hal dumari la socota baabuur ama dooni, adiga wax lagu safro oo dhan in hal dhagax loo gunti jirey haweenta. laakiin waxaa isweydiin leh dhagax maxuu celinayaa oo aan culeys ka aheyn? waxaan filayaa runtii caado jaahili badan in laga gudbey khaas ahaan waqtiyadii burburka wadanka. runtiina waxaad arkeysaa markii aad u sii fiirsato caadooyin badan oo soomalidu taqaaaney oo suuley.
si kastaba ha ahaatee SAHRO dhagax kugu xiri meyno kumana aanu quurno walaashiis

to : dhalinta

sxb longlive waad mashquushey ayaan filayaa waana hawl aduunyo iyo waqtigeede marka sxb waan ku salamayaa si habsami leh. dhalinta kal, rashiid iyo dhamaan asxaabta xagee ka dhacdeen warkiiniiba la waaye.

ok everbody body, good night!
slama claykum

brother kaysar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sister

Sunday, March 18, 2001 - 08:36 am
To: long Life

Walaalo so far i read TUSAALE ADUUN. brother, well done, that was very intersting and imotional story. i very much belive that this story can atach some of our bersonal stories and we can all feel the pain.

agian thankx for sharing with us

Ur sister

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, March 18, 2001 - 09:40 am
hi'dhamaan
waxaan aad uga xumahay in ciyaal sheekada dhexda ka soo galaan si ay bayjka u dudumiyaa laakiin waan ka xumahay taas intii aan maqnaaa baa magacayga mid huwan uu ku ciyaaray bayjkii sheekada macaanayd'
aniga oo ah farxaan waan ka xumahay dhalinyaro sorry waan idinka xaal mariyay sheekadiina waa idiin sii wadi doonaa isla maanta'hana dhagaysanina kuwa isku dayaya inay ka faaiidaystaan duduminta bayjkaan okey
have a good day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Tuesday, March 20, 2001 - 11:38 am
hello' dhasmaan saaxiibaday waa farxaan waxaan aad uga xumahay inaan sheekada idinka kal joojiyo waayo waxaan Noqday nin jacayla ka sheekaynayay oo uu laftiisii jacayl isga laftiisii ku dhex dhacay. waa dareemayaa inaad aniga i sugaysaan laakiin wali waqtiga ayaan ii saamixin inaan idiin soo gaba gabeeyo sheekada,
laakiin maalinta aan jaanis soo helo waan idiin soo gabagabayn doonaa""""
ciyaalka sheekada dhexda ka soo galay waa midka magacayga soo qaatay oo yiri xamdi intay musqusha tag tay ayay is farsamaysay iyo wax aan loo joogin
taasna ka raali ahaada waa qaladka cayaalka
waana idiin dhmayn doonaa sheekada raalina iga ahaada asxaabta bayjkaan iska leh
i am long life farxaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-LIFE

Tuesday, March 20, 2001 - 01:35 pm
to;dhamaan dhilinyarada sida qaaliga ah igu dhiirigalinaysa ayaan aad ugu faraxsanahay ileen farkiliya fool ma dhaqdee marka saaxiibayaal waadku mahadsantihiin kuwii hore ee la socday sheekada iyo kuwa hada ka soo qayb galy. marka walaayaal sahro,sheekeeye,jecayl,rashiid kaysar zak,iyo kwa kale ee aan kusoo xusinn dee sidaa iyo
lasocod wanaagsan tusaale aduun mahadsanadiin.

BY;LONG- LIFE OO IDIN LEH AQOON KARORSI WACAN?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lon-life

Tuesday, March 20, 2001 - 02:40 pm
sheekadu waxay noo maraysay waala moodaa hadii lamoodi waayey waala moosaa.
hasan oo xaalka xamdi ku ahaa mid wayn ayaa waxaa ugu darsantay xamdi hooyadeed oo aan larabin hasan
oo ay u aragtay wiil yar ah oo aan waxba haysan
laakiin yaa u sheega hasan uun doorbiday waxa nin jooga dunidee yaanan war idinku daalinine hasan oo markaa ku howl jira xamdi sheekadeeda iyo uurka durbadiiba qaade ayaa waxaa markaa galb cadceedu sii dhacayso u yimid ali xasan oo gecmaha madaxa haysta ali oo ahaa hasan saxiibadiis ninka ugu macquulsan ayaa waxa uu waydiiyey hasan waxa jira hasan oo kor u eegay ali ayuu kor ugu soo boodey asoogoo dhahaya war ilaahbaaba ku keenee kalay fadhiiso aan kuu waramee xasan oo u dul marey sida sheekada u dhacdey iyo waxa jira ayaa ku sii darey in uu ubaahanyahay gaari si musaafaysto gabadhan
xamdi oo markaa uur bil aha leh ali markiiba isku sii daayey halkii uu garigu yaaley asgoo dhahaya isii sog aan gaariga ku qaadnee ali iyo hasan iyo xaaskiisa ayagoo u kacitimay hakaa iyo shiiq waxay sii socdaanba waxay soo gaareen buurta dowga shiiq
halkaas ooy xamdi iyo xasan madaxa isgashadeen ayagoo ilaah ka baryaya in nabat ay ku gaaraan ilaah wuu soo dhafiyey dowgii shiiq waxay usoo dhaadheceen hakii magaalada ayagoo raadina nin wadaad ah oo isku ,meheriye waxayba heleen ninkii magaalada ugu shiiqsanaa asogoo halka ku soo dhaweeyey hasan iyo xaaskiis iyo ali shiiqii ooba ladhacay quruxda iyo edaabta ka muuqata gabadha xamdi ayaaba wuxuu yiri hasan anigu waxba kaama qaadanayo xamdi madaxaada iyo xasan oo leh waad mahadsantahay laakiin waxbaanu kusoo tala galay
shiiqii oo diidayba inuu wax ka qaato hasan iyo saaxiibkii ali ayaa is kacan qaadeen ayagoo midkood midka kale dhahaya waad mahadsantahay iyo adigaa mudan, ayaa xasan go,aansadeen inay kasoo gaaraan magaalada intana gaarin fiidnimo habeenkii
xasan iyo xamdi oo ku soo laabtay magaaldii
waxuubu soo abaarey xamdi aqalkoodii xamdi ayaa waxaaba ka horyimid hooyadeed ayadoo dhahaysa moontoo idilbaa ku goobayey ee intee ka baxdey ayaa xamdi oo ugu jawaabtey inankaygaan la caaweenayey hasan yare hooyadeed oo fajecsan ayaa waxay xasan waydiisay miyaad gabadheyda qabtaa xasana waxa uu ugu jawaabay haa hooyo xalaalbaan ku qabaa cadeyntiina waa tan ee aqri
xamdi hooyadeed oo aad moodeyso qof geeri loosheegay ayaa xasan ku tiri orodoo reerkiina inoo keen xasana waxa uu yiri sharci baa kayaal ee waa hagaag gabadhaadina waa taa xamdi oo ku soo boodey xasan ayaa tiri inteed iiga tageysaa ayadoo hoos ka leh ma xabsigii iyo katiinadii buu iigaga tagayaa ayaa xasan ku yiri xamdi huuno waan kuu iminayaa ee isii sug gacaliso ayaduna way ka yeeshay ayadoo ley waa hagaag hasanoow waa inoo biritoole.
sheekadiina halkaa ayey inooga sii soconaysaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Tuesday, March 20, 2001 - 08:37 pm
Waaryaa yarkan yar ee magaca Long life la soo baxay maad showga & walaaqida aad page-kan walaaqayso ka daysid, Nin sharaf leh ayaa magacan lahaa ee maxaa kuu keenay u daa magaca inanka sharafta leh, waxaan filayaa in aad tahay Cunug yar oo ka hela xumaaanta hablaha iyo in la fara xumeeyo hablaha.

Aan midna ku xasuusiyo marka aad beenta sheegayso waxaa la sheegaa been u dhow waxa aad ka been abuuranayso, maxaa isku keenay Dowga sheekh & Gaalkacayo, ma qiyaasi kartaa masaafada u dhaxaysaa inta ay leegtay, walaalo, aad ayaan ugu xumahay in adoon ka fakarin sheekada meesha ku qoran aad iska dhexjibaaxday.

Waxaan kaa codsana lahaa in aad ka dayso sheekada qashqashaada aad ku wado kuna dayso halkii uu ku dayay Long Life-kii dhabta ahaa, walaalo, marlabaad ayaan ku leeyahay ka daa shekada walaqaa & been abuurka.

Please for the sake of this young generation, quit messing up this fine story.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_lifr_farxan

Wednesday, March 21, 2001 - 12:00 pm
HEY'DHAMAAN SXB SORRY
aad baan uga xumahay waayo waxaa na soo dhex galay cayayaan meel uu ku hoydo wayay laakiin sheeka kasto aa aan idiin wado waxay lahaaan doontaa horu dhac' ninkan yarkaan waa dad ceebays malaha waxaan arkaa inuu yahay nin raba inuu ku ciyaaro bajka laakiin anga oo dulqaad muujinayna ayaan sheekada halkeeda ka sii wadaynaa
haddi rabi idmo ee waan yar nastay iga raali ahaada.
have good day
is me farxaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG LIFE FARXAAN

Thursday, March 22, 2001 - 12:14 am
to;HEY'SXB DHAMAAN WAAN IDIN SALAAMAY SALAAN KADIB WAXAAN USHEEGI LAHAA INANKA YAR EE HOYADII TIRI ORODAA QABO MAGAALDA DEE MAGAALADA SAAS MA,EHEE HORTA KA FIIRSO MEESHA AADKA CAGTA DHIGAYSO IYO WAXAAD ORONEYSO MIDA HADAAD U DAN LEEDAHAY HABLAHA MEESHAN JOOGA WAXAABA NAGU JIRTA SAHRA UUN AYADUNA KU DOONI MAYSO EE WIIL YARBAAD TAHAYEE CAGA DHIGO DHULKA KUMA TAAG NIDEE.
TO; SAHRO WAAD KU MAHADSAN TAHAY SIDA AAD UGA QABATEY QASHIINKAN YAR EE DOONAYA IN CARQALADEEYO WAXAA LAYIRI BEEN SHEEG LAA KIIN MID RUN U EG SHEEG HADII MARKA INANKAN YAR BEENTII IYO RUNTII BUU KALA GARAN WAAYEY ALA YAA USHEEGA MEESHAN DAD KAA WAA WEYN BAA KU JIREE.
SAHRO IGA RAALI AHOOW WAXAAN KUGU SOO QAATEY MASALAAT EE IGARAALI AHOW MEESHAAN MAGACAAGA KU SOO QAADEE.
YAANAN HADAL IDUNKU DAALININEE DEE IDINKAA KA MUUSUULA BEEJKAN INTAAN NASANAYO .
SAHRO ABAAYO MAXAAD UGALA JEEDAA EMAILKII AAD ISOO DIRTAY AAN KU IRI MAHELIN EE WAXAAN U QARINAYEY WAXAAN HALKAAN KUSOO BANDHIGI KARO MAHAN TASAANA IGU KALIFTAY INAAN NAFTAYDA IYO TAADA BEEN USHEEGO WAXAANA LA,AAMUSI WAAYEY SIDA DADBAN AAD HADALKAA IITIRI ILAA IYO HADANA WAXAAN KASOO FIKIRIYEY MALAHA ANAA UQAATE SIDII XUMAYD IYO SIDAA BAY AHAYD.
BYEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEE ALL HAVE NICE DAY&NIGHT
JAWAAB DEG DEG AH HADAA AWOODO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Friday, March 30, 2001 - 03:31 am
Assalaamucalaykum
akhyaarta dhamaan waan idin salaamay,dhalinyaro see camal see wax u jiraan maxaa ku dhacay beejkii qiimiga badnaa ee aan mudada ka ilaalinaynay kharibaada,waan ka xumahay inaan ayaamahaan soo galin beejka maxaa yeelay waxaa soo dhawaa wakhtigi imtixaanka diyaarinti duruusta ayaan ku mashquulsanaa,akhyaareey fadlan dhibka naga daaya beejki sidiisi hore ha loo daayo,aaway kaabihi beejka mr long-life,aaway sheekeeye,yaan la banayn beejka,khayr aan isku ognahay
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Friday, March 30, 2001 - 09:21 pm
Assalaamucalaykum
long-life saaxiib ku aaway baryahaan waalagu waayay xagee ka dhacaday duqa,macalinka ha lagu arko saan si ma`ahan nin shalay yimi dartiis maan beejkaan qaaliga ah u xiri karnaa,macalinka xaal qaado yaakhay waxaas oo dhan anagaa kaa xaalsiinay

Sheekeeye
geesiga ku aaway xagee ka baxday akhyaarta yaan beejka la cidlayan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JACAYLOW

Saturday, March 31, 2001 - 10:10 pm
BOG QIIMO LEH OO XIRMAY IGA DHEH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUSSEIN-HALDHAA

Sunday, April 01, 2001 - 09:44 pm
TO;DHAMAAN AQYAARTA BEEJKAN XIISAYSO.
WAXAAN HALKAN KARAALI GALINAYAA DHAMAAN ASXAABTII
BEEJKAN LASOTAY SIIBA LONG-LIFE OO BEEJKAN FURAY
IYO SAHRO AAN MEEL UGA DHACAY IN AY I CAFIYAAN ANIGOO LA IYIRAAHDO HUSSEIN MARKAASNA AAN HUWANAA MAGAC AANAN LAHAYN SI SAAXIIBKAY FARXAAN AAN UNASIYO WAA SIDA ANIGA FIGRADEYDA AY IIGU MUUQATEY SIDA KALIYA AAN SAAXIIBKAY U NASIN LAHAA LAAKIIN WAXAAN FIIRIYEY DIB IN AAN QALADWAYN KA GALAY AQYAARTII BEEJKAN XIISAHA LEH ISKU MAAWEELINAAYEY
TAAS AYAA IGU QASABTAY IN AAN IDINKA XAAL MARIYO
WAXKASTO OO AY IGU QAADATO BINI AADAMKUNA WUU QALDAMI KARAA EE I XUKUMA WAAN IDINKA QAADANAYAA
WAXAAS OO DHAN WAXAA IGA KEENAY IN AAN IDIN XAAL MARYO MARKAAN ARKAY NIN AAD ULA SOCDEY JECELNA IN BEEJKAN SIDIISII HORE KU SOO LAABTO MR; JACEELOOW
EE GABDHO IYO RAGOOW IGA RAALI AHAADA

BY; HUSSEIN-HALDHAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Monday, April 02, 2001 - 08:59 am
hi;dhamaan
aad baan ugu faraxsanahay sida caafimaadka qabta ee uu sxbkay xuseen inoo raali galiayay raali galintaas oo uu xataa igala ssoo xiriiray qadka telfonka ee sanfaransiisko markii hore waan dareemayay sxbkay inuu isga ciyaarayo laakiinay dhimasho u tahay bayjkaan ciyaarta waayo waxaa bayjkaan ku qornaa sheekooyin dhab ah oo xitaa la iga codsaday inaan ka qoro buug taas awgeed aniga oo waqtigayga qaaliga ah u luminaya sxbaday somaliyed ee aan is barnay ayaan sidaa u sameeyaiyo si aan aduunka ugu yeesho dhalinyaro somnali wiilal iyo gabdho.si ahddii aan barito u muto dhalinyada aan is barnay haddii aan wadankooda imaado ay iigu soo dhoweeyaan.
waana haboon tahay in la kasbado sxb waliba somali ah,waan idiin sii wadi doonaa sheekadii aniga kama caajisin ee qaska ayaan diidayay
ama bur burka bayjka sxbkay waa kaftamayay haloo dulqaato.
idinkana raali ku ahaada
waa farxaan aqyaarta
sheekadii oo idiin ssii socotana waa tan
have great day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, April 08, 2001 - 11:41 am
LONG-LIFE
BRO AAD BAAD U MAHADSANTAHAY,MANA MALAYN KARTID MARKAAN MAQLAY WAAN IDIIN SII WADI DOONAA SHEEKADI SAAN U FARXAY WAANA KAAGA MAHAD CELINAYAA MARLABAAD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Sunday, April 08, 2001 - 12:18 pm
waa salaamatihiin
saaxiibayaal aad baan uga xumahay in aanan paygkan
in badan soo booqan,waxaasina wax kale ma ah e
waxaan mashquul ku ahaa waxbarasho iyo hawla kale
dartood.
Ta 2baad waxaan u mahad celinayaa sida long live, uu wakhtigiisa qaaliga ah u siiyey una ilaaliyey paygkan iyo sheekooyinkiisa,waxaan kaloo u mahad celinayaa saaxiibaday jacaylow iyo sahra
sida ay u taageereen bogan una ahaayeen akhristayaal qiimo badan, ana waxaan rajaynayaa in aan idinku soo biiro sidaan awalba idiinla socon jiray wixii i dhaafayna aan soogaaro,
waxaana kale oo sharaf mudan dhamaan dhalinyarada
kale ee bogan soo booqata, ugu dambayntiina waxaan
long live markale ka codsanaynaa inuu halkaa ka
sii wado sheekooyinka oo uusan danka gelin wixii
meesha qash qashaad la yimaadda.

WAADNA MAHADSANTIHIIN DHAMAAN

waadna mahadsantihiin dhamaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

long_life

Sunday, April 08, 2001 - 12:47 pm
HI'WAAAAAAAAAW
Waxaa yimid rag qaali ahaa oo aan aad u xiisaynaya inaan arko hadalkooda iga raali ahaada hadaan soo daahay mar walba waxaa jaclaystaa inaan idiin bilaabo sheekada hadan waxaa jeclaystaa inaan u nasto madaama ay dheertahay
sorry aqyaarta waan ku qasbanahy taas
kuligiin salaan qaas ah
have great day

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, April 08, 2001 - 10:04 pm
HUSEN HALDHAA
WALAAL SALAAN KADIB,BANII AADAMKU WAY WADA KHALDAMAAN WAXAANA UGU FIICAN NINKI KHALADKIISA QAATA,WAXAANA KAAGA MAHAD CELINAYAA SIDA WANAGSAN EE AAD UGU DADAASHAY INUU BEEJKAAN MEESHIISI KA SII SOCDO,WAXAANA SAAS SAMAYN KARA AKHYAARTA KALIYA,WAXAAN DIB U XASUUSTAY BUUGI LA ORAN JIRAY (SAAXIIBO KASBO)OO ORANAYAY (DHALIIL NAFTAADA INTA AAN LA DHALIILIN)BRO WIXI HORE XALAY DHALAY AYAAD KA NOQOTAY MAADAAMA AAD KHALADKI HORE GADAAL KA SAXDAY WAXAANA KUGU SOO DHAWAYNAYNAA GACMO FURAN
MAHADSANIDIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, April 08, 2001 - 10:09 pm
SHEEKEEYE
SXB AAD AYAAN U XIISAYNAYAA INAAN ARKO MAGACAAGA MAXAA YEELAY WAXAAN DIB U XASUUSANAYAA WAAYO WAAYO IYO BARI UU BEEJKU SAAFI AHAA OO UU SAN LAHAYN WAX DEEL QAAF AH,AKHYAARTA YAAN BEEJKA LA FAARUQIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jacaylow

Sunday, April 08, 2001 - 10:15 pm
LOMG-LIFE
BRO WAXAAN KUU SOO DIRAYAA SALAAMAHAYGA OO DHAN,SXB MARWALBA WAXAAN KAAGA MAHAD CELINAYAA SIDA WANAAGSAN EE AAD NOO SIINAYSO WAKHTIGAAGA WANAAGSAN IYO SIDA AAD UGU DADAALAYSO ILAALINTA CODSIGAYAGA MANA GARANAYO WAX AAN KUUGU ABAALGUDNO,BRO WAXAAN KAA CODSANAYNAA INAAD NOO SII WADAID SHEEKADI,WAXAAN FILAHAYAA HADA KADIB IN AY DHAMAAN DHALINTU KANOQON DOONAAN BEEJKAAN DHAGAYSTAYAAL WACAN
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sahra

Tuesday, April 10, 2001 - 10:46 pm
Salaamu Calaykum Dhalinyaro

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in uu marlabaad soo noolaaday Page-kii, page-kan oo aanan soo gelin ilaa maalintii qashqashaada lagu bilaabay, waxaanan rajaynayaa in ay sheekadii & xidhiidhkeenii wacnaa halkii inooga sii socondoonan.

Sheekeeye, soo noqod wanaagsan Walaalo waxaanan rajaynayaa in aad adna soo qori doonto wixii sheekooyin ah ee aad hayso.


Hussein, walaalo, cafis ayaad ka tahay xagayga, lakiin mid ayaan kaa codsanayaa in aanad dib noo qashqashaadin, waxaanad ku xukumantahay madaama aad adigu tahay kii baabi'iyay page-kan in aad hadana dib u soo noolayso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUSSEIN-HALDHAA

Friday, April 13, 2001 - 07:50 pm
Dhamaan asxaabta beejkan dhidibada u aasey sahra,sheekeeye,jeceeloow,iyo long-life oo asaga naf ahaantiisa abaabulay ama sameeyey beejkan.
aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee aad isula hadlaysaan iyo sida aad aniga aad wax iigaga dhaadhiciseen taasoo markii hore ka indhasaabnaa in ay muhiimtahay guri ladhisay si dhaxanta iyo cadowga jecel in dadku kala faa,idaysan aan aniga oo hussein-haldhaan dumdumiyo taasina waxaa igu kaliftay jahilnimada horey ii haystay laakiin hada indhahaad ii furteen
sahro oo igu xukuntay in dib usoo nooleeye beyjkan
qiimaha badnaa aan isku dayo sidii aan kusoo celinlahaa intii aan karo saaxibayaal.
waana mahadsantihiin dhamaan waxaana idiin rajeynayaa cimridheer aadkula socotaan sheekadan
caafimaad iyo cibaado suuban ood isla kula kulantaan mar hadii ilaah nafta idiin daayo.
byeeeeeeeeeeeeee and have nice joking.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.