site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

I AM SOMALI BUT I HATE TO SAY I AM SOMALI ..!!!!

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : I AM SOMALI BUT I HATE TO SAY I AM SOMALI ..!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAYBE

Tuesday, February 13, 2001 - 10:38 am
Dhamaantiin markaad aragtaan waxaa idin qaadaysa xadaarad. Idinkoo muujinaya jacaylka idinka muuqda,balse ma ogtihiin inaad dhamaantiin hoosta iska necebtihiin.
Haddii aad rabtid inaad ogaatid sababta aan u leeyahay ama aan uga hadlayo dulucdan, waxaan ogahay in qaar badan oo idinka midi aad ila qabtaan nacaybshaha. Laakiin ma rabtaad inaad muujisaan.

ii ogolaada inaan idin waydiiyo su'aalahan intaynaan doodan galin:

1. Maxay tahay sababta kugu kalifaysa inaad sheegatid dad iyagu is neceb?
2. Maxaa kaa dhigaya soomaali?
3. Waa maxay umadi?

Minfadlan ha baqin inaad fikradaada ka dhiibatid, xataa aad tahay reer hebel

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 13, 2001 - 10:52 am
waxwalboo qabtid waxaad u iloowdaa waxaad tahay waxaana tahay soomali taasina mid badalmeyso maa han hadaad nacbaan laheed iyo hadaad jeclaan laheed, bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ZUMAYO

Tuesday, February 13, 2001 - 06:39 pm
Asallmu allykum.

haybe bacda salaan, waxaa kaa keenay eragaa waa argit adugba aad xaqiijiyisay balse intaanan fikaradayda dhiiban aan isku dayo inaan ka jawaabo su aaalahga.

waxaa ka jawaabaya su aasha ugu dambeesee Umadi waa qomiyad isku dad ah islmarkaana wadaagta dhul ama deegan ay markaa asl u leeyihiin, waxaa dhici karta iney kala diin iyo dhaqanba noqdan qomiyadaas balse marwalba waxa kulminaya eee ay ku midaysan yihiin waa dhulka ay u dhasheen iyo sida ay u wadaagan maamulka dhulka aygoo dadkaasi u hadlya iney yihiin umadd jirta kuna abtirsta jirtaanka dhulka ay wadaagan.

waxaa inta sii dheer oo umaddasi ayka middeysan yihiin cid alla iyo cidii isku dayda iney si gardaro ah ugu xadgudbto dhulkooda ama dodkowda ayagoo u xigsanya qawaaninta caalimaga ah ee ay sameyeen qarmada midoobey ka dib markii ay qoreen mucaahidiyoon caalami ah oo aan qofna jabinkarin, islamrakana ayna baniaadmiga ku xad gudbi karin iney xaquudooda lumiyaan.

intaas waxaan uga baxay su aasha umddi ay tahye, hadii aan wax ka iraahdo tan dadk is necb waxaad tilmaameysaa bey ila tahay dadkan soomlida e angi hadda ka har maraan maskaxdayda iska waydiiyey su aalahas oo kale anigoo raadinaya dhibatadani meeshey ka abuurantey waxaan u arkey sidan.

soomlidu waa dad ka abuurmey reer miyi ama dadka dhaqa xoolaha bulsha kasto oo jirta aduunka waxy leedahay xadaarad iyo falsafieyd caanaha oo ay aduunka kale kaga duwantahay hadba soomlidu waadad halkaas ka abuuramey dhaqanka miyiga waxaa uu ahaa mid ay dadku sameystan dhaqamo ay u garteen iney isku maamulan hadii dhibato timado iyo hadii ay qabaan faystooyin gaar ah iyo guurkooda iyo maamulkooda oo dhami wuxuu ahaa fikarado laga soo xigtay suldano, ugasyo, iyo nimaka beesha hogaamiya.

hadaba dadkii waxey dastuur ka dhigeen in ay magac wax ku qaybsadaan ileen soomlidu isku af iyo dhaqan ma aha hadii la sii dabo gali wey kala duduwan yihiin. sidaas ayay ku soo baxdey abtirsiimadan dheer iyo ugaaskan shiikha isku bedelay bey ila tahy.

waxay aniga ila tahay soomlidu ku jirto umadah leh cadaardaah dada weyn iyo magaalooyin waaweyn oo ayka abuurman bulsho leh dhaqan magaalo waayo waxaa aad ba u yaraa in ka yar qarni magaalooyinka ay laheyn.
waxa ku caddeynkara soomlidu iney ku maqnaayen miyiga xitaa mayna ka faaiideysan gumaysigii reer yurub ee dalka yime waxna kamy barn xitaa gumastayaashii reer yurb ay ku adkaatey iney dalkii ay ku dansanyeen ay ka abuurtan ilo dhaqaale iyo magaalooyin dhisma waayo waa wadan dadkii sii oo dhami jiro miyag. marka eeg to bariga africa itobia waa waddan da weyn isla markaa leh xadaadard sare oon dhulkooda xitaa al gumaysan. waxaa ku xiga kenya oo ka faaideysaytey ingiriiskii hadii ay noqon la hayd dhismo waddan oo u ka dhisay dhinac walba xag dhaqaale iyo waxbarasho iyo hormar magaalo dadkooduna ay ka faaideysan . soomliya wuxuu u dhisey maleh.

hadaba dhibaatada soomlidu waa mid ay u sabsanyaan miyaga ay ku daaheen ee adigu wax u qabo hadii aad awoodo hana la yaabin dadkan qabiilka xooga saarey waayo kuligood intii dhalatey lat 30yrs marka laga saaro waxna ma qori karin ma na aqriyi karin marka waxey ila tahy inaan mushkilad loo arag dadka ee aan sabsaney miyaga. oo dadkani ay la joogen livestock so they west their time at jungles so let them have time and ingnore foolish ppl.
that is all i said we gone say next too.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdle

Wednesday, February 14, 2001 - 12:49 am
To Zumayo/Heybe
Horte marke hore, hadii aadan kufaraxseneen dadka aad kadhalatay oo aad doonaysid inaad kabaxdid.
Miyaad garanaysaa dad diyaar kuu ah inaad kamidnoqotid, if it is yes, then go ahead,but if it is no then it is a challenge.
Zumayo
Walaal maxaad kaqabtaa hadaan wadaxiirno waxaan kaadoonayaa inaan is dhaafsano figrada kusaabsan dhaqan dhaqameedka soomaaliyeea
if you dont mind My e-mail is abdle200@yahoo.com
see you
abdle

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Username:

Wednesday, February 14, 2001 - 03:53 am
Hadaad qof naceysid, maxaa kuu diideya in aad isnecdid adigu!

Necaybka dadka kale waa xaraam. Markaa isnaceybka maxaa ka fiicun.

Ee sheeg?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Somali

Wednesday, February 14, 2001 - 04:20 am
Waxaan anigu qabaa in soomalinimadu ayaan daran tahay waxaan ka shaqeeya xafis gobol run tiina waxaan aad uga naxaa inaan soomaali ka dhashay aniga oo islamarkaana ilahay ku mahadiya soomali nimadayda walaalayal nacaybkan walalahen dhex yaal waa mid qabqablayaasha dagaalku as aaseen waxayna ka gaareen guul maxaa yeelay in soomali ah oon dadkale wax ka sheegay haduu jiro waa mid iyo laba ilahay bad baadiyay.ee saynu wax uga qabanaa si caruurteenu ubad baado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ZUMAYO

Wednesday, February 14, 2001 - 12:47 pm
HI all.

walaalyal waxaan filayaa haybe wuxuu dhiibtey fikardiisa, hadana wuxuu ina weydiiyey su aallo marka fadlan qof waliba wixii aragtidiisa ha ka dhiibto intii aan isga tiisa ku muduci lahyn.
fikard kasta waa mudnaan so please let's understnd that.

by zumayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAYBE

Monday, February 19, 2001 - 05:11 am
Horta marka hore waxaa mudnaan leh ilaahii ina abuuray ee inagu arsaaqay uunkan aan ku nool nahay. dhamaantiin waad salaaman tihiin gaar ahaan dhalinta ka qayb qaatadatay doodan; Zumaya abaayo waxaad tahay qof aad u fikrad dheer fahantayna falsafada ayka hadlayso.

Dadkeenu waxay u badan yihiin kuwa ka dooda waxayna fahmin. Waxaana fiican inuu qofku ka hadlo waxa laga hadlayo inuutana qofka eedayn.

Waxaan jecelahay innaan cabaarka hadlo fikrado fara badan, laakiin wakhtiga oo aan ii saamixin awgeed dib ayaan ka sheegi waxaan rabo inaan sheego. Hadda class ayaan ku jiraa laakiin markaan ka baxo ayaan is arki doonaa haddii alah yiraa sidaa iyo is arag wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAYBE

Monday, February 19, 2001 - 06:02 am
Haddii aan ku soo laabto hadalkayga;waxaan rabaa inaan tusaale iyo aragtiba idiin muujiyo,idiina faahfaahiyo hadalkayga. Sidaan dhamaanteen ognahay soomaalidu waa dad seef la booda,mana ku dhaqmaan hadalkay yidhaahdaan "Intaadan falin ka fiirso". Waxaan ka waddaa taas, kuwiina hordhaca akhriyey ee aniga isoo aadayow;horta fahan waxaan ka hadlayo intaadan qofka wax ka sheegin.Waxaan rabaa inaan idin la wadaago arimo fara badan oo igu kalifay inaan qoro dulucdan.

Horta marka shakhsiyan ha'ii qaadanina inaan necebahay dadkaan ka dhashay,laakiin waxaan idin tusayaa waxaad tihiin. Waxaa ka fikiraa aayatiin ummada soomaaliyeed. Waxaan nahay dad ay u taliyaan odayaal dantooda mooyee aan dan kale ka talin; dannayna danta ubadkooda. Manay is waydiin yaa u aayi doona dalka maykay iyaga toodii u timaada ama ay ka tagaan aduun. Sababtoo ah mid lagu waarayo maaha. Waxay inagu abbuureen wax nacaybsho la yiraahdo, oo ay inoo kala sameeyeen qabiil aan la aqoon meel uu ku salaysan yahay.

Ma rabo inaan wax badan qoro lakiin waan sii wadi doonaa boga kan ku xiga insha allah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAYBE

Monday, February 19, 2001 - 06:31 am
Waxaan rabaa inaad waxyar ka hadlo,aragtidayda waxaan ka qabo qabiilka. Illaahay baa mahad mudan markuu yiri waxaan idika abuuray shucuub iyo qabiil si aad isugu aqoonsataan. Laakiin sida aynu inagu u isticmaalo ma tahay sidaa? ka fikir su'aashaas.

Bal falsafada qabiilka iyo siduu inoogu yimid aan fikradayda ka dhiibto. Markay diinta islaamku soo gaadhay soomaaliya waxaay ka timid dhinaca xeebaha bada cas siiba seylac. Waxaana soo gaadhsiiyay nin la yiraahdo "Siciid barqash". Sida aan taariikhda soomaaliya ku maqlay, laga yaabaa inaan khaldanay, haddii aanay run ahayna waad i sixi kartaa. Odayaasha diinta dadkaa barayey ama meelaha laga doonan jirayna waxaa ka mid ahaa magaalada Herar. Waxaan uga soo socdaa taas sida aan qabiilka u qaadanay.Waxaanan ognahay marka sheekh uu culimo diin barayo inay culimadaasi isku magacowdo waxaan nahay XERTA sheekh hebel. Marka soomaalidu waa dad isku mida oo af wadagaa diin kaliya wadaaga, xataa ha ku kala hadlaan lahjad gobol u gaara, laakiin is fahma. Haddii aan maanta ku waydiiyo ma dhaafin kartaa qabiilka aad sheega naysid meel ka dheer, ama ma ka sii gudbi kartaa kuwaad u ab sheeganaysid sida: Daarood, Isaaq, Hawiye, Maymay, iyo IWM. Waxaad maqashay inay soomaaliya ka jireen dad odhanaya waxaan ahay, Tusaale ahaan haddii aad tagtid Hargeysa waxaad arki dad yidhaahda waxaan nahay Xerta Ibrahim Bilise, inkastuuna soomaali ahayn laakiin waxaan kuugu soo qaadanayaa tusaale. Waxaad kaloo arki Xerta sheekh Xasan rabiic iyo wax kaloo la mida. inkastoon aad ugu dheeraaday waxaan rabaa inaan ku tuso waxan aad qof ku nacayso inaanu ahayn wax jira. Mida kale waxaan ognahay inuu yahay qofka qof kuugu dhawi ka markaa kula taagan oo haddii wax kugu dhacaan ku caawin kara.

Ma rabo fariin waliba inay noqoto aniga bal idinkana aan dhagaysto doodiina.Mar labaadka waxaan rabaa inaan idin maqashiiyo dhacdo aniga i khusaysa dood dhex martay aniga iyo saaxiibaday iyo kuwa ila sheeganaya inay qabiil ila wadaagaan iyo waxay ka qabaan qabiilada kale. sidaa iyo is maqal danbe oo xiisa leh
Wasaalu Calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xeydar

Thursday, March 01, 2001 - 06:10 am
Waxaad moodaa in meesha ayku sheekay sanaayaan zumayo iyo heybe,Heybow waxa aad soomaalida ku arkeysid, waxkafoolxun ayaa aduunku qabaa illaa heerkaasna isma nacaan,oo isma karaa hiyaan,soomaalida oo ah dadka aduunka ugufiican,ayaa hadii ay nasiibdaro jireyso aytahay
qof adiga ookale ah "searching only bad things"
dhinaca fiican maad arag tid? Waxaan kaa codsanayaa inaad nex time cinwaanka ku qortid af
somaali si aduunku uga nixin!qofkii soo booqda
somalinetka/boga aad furtay. raali ka noqo wixi
qaladaad ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaloon and barado

Friday, March 02, 2001 - 12:14 am
hoyadin waasa come with some ENGLISH some of us can't read somali.


and do not reply!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AJJ

Saturday, March 10, 2001 - 09:44 am
To kaloon and barado if you can't read somali then who teach you (hoyadiin wasa) crezy ass !!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAASHAYARIIS

Monday, March 12, 2001 - 09:03 am
SALAAN HAYBE

WAXAAN KU WAY DINAYAA HADAAN SOMALIDA NACEB TAHAY HADABA YAAD DOONAYSAA MARKII HORE INUU ILAAHAY KAA DHIGO.FUTOXUMAYDE(HA IGA XANAAQIN) YAA KA FIICAN SOOMALIDA ILAAHAY DIIN BUU SIIYAY WAA DAD INTA BADAN QURUX U DHASHAY.QABIIL OO INA BAABI IYAY MOO YAANEE DHIBAATO NOOCEE AH AYAAD KALA KULMATAY.ANIGU AAD BAAN UGU FARAX SANAHAY INAAN SOOMALIYAD AHAY OO ILAAHAY JAHUUDIYAD IGA DHIGIN.
MARKAA WAXAAN KU ORAN LAHAA ISKA AAMMU OO WAAN OGHAY INAAD HOOSTAA KA FARAXSAN TAHAY INAAD SOOMALI TAHAY E

SIDAA HAINOO AHAATO

SEE YOU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAYNE

Tuesday, March 13, 2001 - 12:55 pm
Horta dhamaantiin waad salaamantihiin. Mar labaad waxaad moodaan sidaad u dhan tihiin inaydaan waxba fahmin. Ninbaa waxaa laga hayaa inuu yiri"In illaahay lagu barto waan hoos joogay" marka in soomaali seef laboodnimadooda la barto waan aqaanay.Horta waxaan idin waydiiyay wax ma akhridaan mase fahan taan waxaad waxaad akhridaan.

Xeydar--Minfadlan fahan waxaan ka hadlayo
Caashayariisay--Haddaad ogtahay inay sidaa u fiican yihiin, maxaa cudurkan haya looga daawayn waayey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

caashayariis

Wednesday, March 14, 2001 - 04:17 am
haybe

aniga maxaad igu dartay dadka aan waxmin miyaa.
cudurka aad sheegaysina waa maxay wadanka kasta nibaato way taalaa ee.


a/calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaran

Wednesday, March 14, 2001 - 08:54 am
Waan idinsalaamey marka hore:
Markaan u gudo galey walaalkeen heybe arinkiisa SOMALINACEEB OO KU DIIDAYO SAMALINIMO MAAHA ee waxaa weeye waxa uu ka xun jahay FOOLXUMADA AY KU KACAYAAN SOOMAALI MEELKASTOO AY JOOGTO.
Hadaii dalki layiraahdo amaba dibada.taasi waan laqabaa aniga.Waayoo waxaa lagu hirtaa dad tiisa yaqaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAYBE

Friday, March 23, 2001 - 10:58 am
Dhamaantiin waxaan idinku salaamay, salaanta mustlinka isku salaamo: SALAAMU CALAYKUM

Bacda salaam: Caashayr: Kuguma darin ee qoriinka ayaa iga galay: Maxaa looga daawayn waayey cudurka haya. iska daa kuwa isku cunaya wadanka gudihiisa ee kuwa bannaanka jooga ayaa ka daran.

Dadkeenu maaha kuwa ka fikira aayaha dadkeena. Waxaa had iyo jeer walwal iyo walaac igu haya, mustaqbalka ubaddka soomaaliyeed ee meel walba firirrsan adduunka guudkiisa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DANAB

Thursday, March 29, 2001 - 04:30 am
ZUMAYO.

Walaal waxaan kaa codsanayaa inaad prvt message ii soo dirto.

shucaac@hotmail.com

Danab.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.