site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XUBIGII LAXUMEEYEY YAA XAAL MARINAAYA?

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : XUBIGII LAXUMEEYEY YAA XAAL MARINAAYA?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Long_time

Tuesday, February 13, 2001 - 01:23 pm
ASALMAAU/C/CALEYKUM
FROM:ABDIASIS MAHAMED
MPLS MINNESOTA U.S.A.

Waan idin salaamey dhamaan dadweynaha soomaaliyeed meelkasta ee joogaan anoo jecel inee iiga soo jawaabaan su.aasheeda ah <XUBIGII LAXUMEEYEY YAA XAAL MARINAAYA>? waa qiso ubaahan jawaab macquul ah oo kudhisan niyad iyo fakar kana soobaxdey qofka aragtidiisa rasmiga ah ee u kaqabo su.aashan
hadaba anoo dib idiinka sheegi doono sheekada sida ee iiqabsatey fadlan iisoogudbiya aragtidiina anoo og'ineetahey riywaayadii lamagac baxdey'XUBIGII LAXUMEEYEY YAA XAAL MARINAAYA.ayaan hadan ugu magac darey qisada iqabsatey owgeed marka waxaan ubaahnahey jawaabta rasmiga ah <XUBIGII LAXUMEEYEY YAA XAAL MARINAAYA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Wednesday, February 14, 2001 - 03:47 am
to abdiasis mohamed

waan kusalaamay, salaan kadib waan ka xumaaday markaan arkay warqadaadii murugada lahayd, anigoonan ogeen waxa kusoo maray.laakiin ha ilaawin (ILAAHAY) in uu garbkaaga joogo iyo in ay wax walba ay tahay (calaf iyo wax ilaahay kuu qoray). sow walaal waxaan ku layahay ilaahay hakuu fududeeyo hadaad adiga mise gabadhaba qaladka lahaydeen.waana wax laqoray.

BYE''''''''''

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sweetgirl

Wednesday, February 14, 2001 - 07:39 am
To Abdiasis:
xubigiiyow anaa ku xaal marinayo ee isasoo sheeg

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Wednesday, February 14, 2001 - 09:59 am
ABOOWE MARKA HORE WAAN KU SALAAMAY MARKA XIGTA HADAAN ISKU DAYO IN AAN KAJAWAABO SU AASHAADA ANIGA FIKRAD AHAAN WAXAY ILA TAHAY QOF AAD AAD U JECLAYD OO AAD U QIIMAYNAYSAY AMA KUU AHAYD ADIGA QOFKA BINI AADAMKA KUUGU DHOW AMA AAD UGU JECESHAHAY OO KU XUMEEYAY OO YACNI SI AADAN FILAYN KUU GALAY ANI KOLAY SIDAAS BAY ILA TAHAY BAL AAN MAQALNO WALAALAHEENA KALE WAXAY YIRAAHDAAN WAANA SUGAYNAA BAL MARKAAD HESHID ARAGTIYO BADAN IN AAD NOO SHEEGTO WAXAAD KAWADAY BYEEEEEEEEEEEEE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caadil

Thursday, February 15, 2001 - 06:27 am
Xumbo iyo iyo xiiso waa dhacaaneey saaxiibkeey yaa ku soo xooray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Thursday, February 15, 2001 - 09:10 am
ASALAMU/CALEYKUM
FROM:ABDIASIS MAHAMED
MPLS MINNESOTA
U.S.A.


TO:WALAALADEY
MUNA
SWEETGRIL
HUDA.
walaalayaal waa idin salaamey waadna ku mahadsantihiin sida wacan ee aad iigu soojawaabteyn oo qiimaha iyo qaayaha leh horta su.aasha aan idin soo weydiiyey waxeee aheyd <XUBIGII LAXUMEEYEY YAA XAAL MARINAAYA> micnaha ey ku dhisan tahey muna sweetgril huda walaal waxaan umaleenayaa in calafka meeshiisa yahey tankaliya aan aaminsanaheyna ey tahey jaceylka waxa miraha udhaliya ey tahey kalsoonida iyo is aaminka runtii waxaan filayaa qofka daacada ah inuu jabkiisa iska tiro badan yahey horaana looyidhi <SAMRAA SAD HELLA> hadii aad jecleysataana qaladka meesha uu kayimid waan idiin soo gudbinkaraa waxaan sugaa waa jawaabtiina walaallayaal bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kamal

Thursday, February 15, 2001 - 09:05 pm
anigu ma arko sababta aad la calaacalayso. hadii lagu xumeeyey waxaan ka qaban karno ayaa iska yar,ugumanaanad horeyn waana hubaa in aanad ugu dambaynayn,ee saaxiib nolosha meesheeda ha ka sii socotaan ku dhihi lahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Friday, February 16, 2001 - 03:21 am
to long time

walaal waxaan jeclaan lahaa sida ay laguu xumayey in aan ogaado een adaan jawaab kaa sugi.

bye

to kamaal


ma lahid dameer ee dhagax ayaad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lon-time

Sunday, February 18, 2001 - 11:57 am
to kamaal sxb waan ku salaamey salan kadib halkaan waxaan ufurey ma.ahan inaan calaacalayo ee waxaan ufurey inaan dadweynaha soomaaliyeed ee walaaladey ah aan wx laqeyb sado hadaad xumaan u aragtana waa adiga sxb waadna mahadsan tahey thanks bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lon-time

Sunday, February 18, 2001 - 12:44 pm
asalaamu/caleykum
to;muna

walaal waxaan kugu salamaey salaanta islmaaka ee korxusan salaan kadib waan kuu cafimaad qabaa adna waxaan kuurajeenayaa sidaad iyo sikafiican.
muna walaal kamaal horta waxuu kahadley rayigiisa ee layaab malahan anigaana kaxaal marinaaya kalmada ah dhagax ayaa tahey ee damiir malihid.
hadaan intaas kagudbo walaal muna horta qofkii jaceyl soomara ayaa fahmikara dhibaatada iyo xanuunka ee leedahey micnaha jaceylka.jaceylkana ma'ahan wax afka laga sheegto ee waa niyada waana loo dhintaa ama waa loo waashaa qofkii ilaahey usahla ma'ahee.
horaa utidhi fanaanadii hibo nuura.
HAFAKARIN NAFTEYDAAY.
WALIGAA HAFUDUDAAN.
HA'UFIIRSAN WAXA DHACA.
WACADKANA HAFAGALIN.
sababta aan usoo qaateyna ee tahey qofkii xanuun jaceyl lacataabayow waxaan kugula talin lahaa waxa kuu fudud ee aad kudadaashaa waa samir.
<SAMRAA SADHELA>muna walaal waxaan wada soconey gabar soomaaliyeed mudo shansano ah waxaan isku baraney gabadhaas kenya xerada qaxootiga ee utange <1997>ayee waxee soo aadey wadanka <AUSTRALIA> iyadoo markaas kusoo baxdey dadkii laga soo qaadayey xerada qaxootiga ee banaadiri.
waxaa dhacdey in mudo 8 bilood ah ee joogtey wadanka australia aan heley prosses america.
aana imid wadanka <19998> xiligaas ee soo baxeeseyna aan wax prosses ah aanan heyn nairobe iyo shaxaadkeeda aan kunoolaa mudo dhoor bilood ah markii ee joogtey ayee is tidhi aleellehe maxaa waqtiga iskaga lumineesaa oo nin africa jira aad waqtiga iskaga lumineesaa maad kadaneesatid.
waxeena guursatey wiil aan saaxiibo aheyn oo jooga
caasimada dalka australia ee SEDNY.
horaa soomaali ugu maahmaahdey <ALOW NIMAAN WAX OGEYN HA'CADAABIN>waxaa dhacdey in ee isoowacdey habeyn habeenada kamid ah aniga oo jooga gurigeega
uuna lajooga wiilka aan saaxiibada nahey oo aan banooniga isla dheelijirney <UTANGE>nasiib xuma waxa ee uheesataa iyada inaan is aqoon wiilka aan saaxiibada nahey.
waxee tidhi wiilkaan ayaan kubarayaa ee lahadal markii ee iigu dhiibtey aan wada hadalney ayaan magaciisa weydiiyey markaas ayuu iyidhi <MAHAD YARRE> waxaan weydiiyey inuu joogijirey utange iyo inkale wuxuu igu yidhi haa waan joogijirey waayo rag saaxiibo ah oo inbadan iskugu dambeesey ayaan aheyn waan isku sheegey anoo uga danlahaa inuu ku garto iyo inkale markiiba wuu igartey.
waxaana gudo galney inaan isweydiino wixii dhalinyartii iga soo horbaxdey wuxuu war kahayo iyo xaal dhalinyaro waad ogtahey yaaguursadey iyo maguursatey.
markiiba wuxuu iweydiiyey war nin yahow maguursatey mise wali sidii baad u meereesaneesaa.
waxaan ugu jawaabbey mey nin yahow wali maan guursan balse mardhow ayaan rajeenayaa wuxuu igu yidhi haa waan guursadey oo waxaan guursadey qoftii hadeer kula hadleesey ayaan guursadey saaxiib madaacad ayee kaa tahey ayaan idhi wuxuu igu yidhi haa daacad ayee iga tahey oo maxaa dhacey miyaadan irumeesaneyn ayuu iigu jawaabey.
waan kurumeestey ayaan ku idhi waxaan idhi waa inoo markale iyo wadahadal dambe.
marka waxaa dhihi lahaa dhibanayaasha jaceyl waa inee tawakal saartaan ilaahey eyna wadnahooda kala jabey eysan sii dhameestirin.waxaan idin leeyahey noqda kuwii ahaada.
ALLOW ADAA
ALLOW ADAA
DEEQDA BIXIYEE
SAMIR BAAN
DUGSANAYAA
mahadsanid muna walaal iyo dhamaan dhalinta mar walba iisoojawaabta bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil tiiraanyeeysan

Sunday, February 18, 2001 - 07:02 pm
lon-time
oooooooh bro aad ayaan uga xumahay waxa kugu dhacay waana arin aad u qalfsan,saaxiib aritaas kugu dhacday oo kle ayaa isoo martay waa jab aan laga kaban karin oo aan wali la dhutinayo inkasta oo ay taydu kaa danbaysay,waxaan is iri gabdhaha soomaliyeed ma loo dardaarmay inay na xumeeyaan laakiin saaxiib waxaad iga dul qaaday culays badan oo aan dareemayay aad baad u mahadsantahay bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Sunday, February 18, 2001 - 08:42 pm
to lon time aboowe aad iyo aad ayaan uga xumahay qisada kugu dhacday walaahi. waxaan ilaahay kaaga baryayaa in uu kuu sahlo aboowe qofkii wax jeclaaday oo si dhab ah wax u jeclaaday ama yaqaana qiimaha jecaylka ayaa ku fahmaya horaanay saynab cige u tiri
dhibta laguma waaroo dhaxal
looma yeeshee waalaga dhamaada
naftan dhiiri galiyoo
ruuxii dhab kuu jecel
waalala dhadhamiyaa
marka walaalo ilaahay hakuu sahlo hortaada mid khayrqabta ha keeno oo dhibtii jaeclayka aad u martay gabadhaa alaha kuu sahlo iyadana horteeda ayay kahelaysaa nabsigay kaagashay aboowe ogaada gabdhaha soomaalida oo dhan sidaa mawada ahee dad qaran ahna wax walbaa laga heli walaalo niyada qayr u sheeg macsalaama huda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Monday, February 19, 2001 - 01:52 pm
TO;WIILTIIRAANYEESAN.
saxiib waad mahadsnatahey sida wacan ee aad iigu soo jawaabto runtii hadaan nahey dhibanaayasha jaceylka ama dadka uu katan badiyo jaceylka.
waxaa nala gudboon samir iyo tawakal ilaahey.
horaa seenab labo dhagax utiri.
NAF WAX JECEL.
NAF WAX JECEL.
SEE NOQON KOLEYBA.
SINABA KUMA SAMAATEE.
NIYADEEDA MA'OGTAHEY.
hadii gabdhaheena walaaladeyn ah ey garteyn inee naxumeeyaan mar uunbaan anigana aan faa'iideynaa.
iyagana yeenaan lacoloobine aan ula dhaqano sidii qof eysan wadnahooda eysankala jabin ookale.
waxaan jeclaan lahaa adoo ii sheega magacaaga rasmiga ah waxeena iga tahey barasho mahadsanid bro waxaan kuu rajeeyaa waa qeyr.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Monday, February 19, 2001 - 02:08 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.W.W.
TO;HUDA.
Abayo waan kusalaamey waxaan kugu salaamey salaanta islaamka ee kor kuxusan eyna tahey nabad galyo iyo naxariisi korkaaga ha'ahaato.
salaan kadib aad ayaa igu mahadsantahey abayo macaan jawaabtaada qiimaha iyo qaayaha badan ee aad iigu soojawaabtey.
waana qaatey waanadaada dadka walaalaha ahna wey isku leeyihiin wixii saxsan inee isku sheegaan.
abayo macaan jaceylkuna waa cudur cudurada aduunka kajira kamid ah waana wax ilaahey uu kugu abuuro.
waxaana niyadeeda kudajiyaa walaal anoo wali sii gocanaya dhibtii aan kawaaqsan waayey.
ALOW ADAA.
ALOW ADAA DEEQDA.
BIXIYEE SAMIR BAAN.
DUGSANAYAA.
waxaana aaminey hada hadii qofka aad isleedahey noloshaada ku aamin inaad ogaata wuxuu yahey aadna ku dagdagin dabeecadiisa muhiimada ugu horeesa waa taas ladhaqanka qofka diintiisa iyo iimaankiisa.
qof mustaqbal uqalma mayahey oo wax walba kula sheergareynkara,dhibtaada eytahey dhibtiisa,dhibtiisa eytahey dhibtaada,inkastoo ey jirto hadana
NAFTEYDU NAF BEYRABTAA.
NAFTUNA NAFKALEE RABTAA.
WADNAHA NABAR BAA KUYAAL.
JACEYKANA WAAN UNUGLAHEY.
eysan kaa tan badin jaceylka aad qofka uqabto kana fiirso marka ugu horeesa aad leedahey qofka <I LOVE U>si dhaqso lehna haku dhihin.
adoon qofka iska hubin ama ku guuldareeso ama kuguuleeso,<HUBSIIMAA HAL'LASIISTAA>huda waxaan rajenayaa abayo macaan aqoon isweydaar sigeena inuu halkaas nooga sii socon doonto waadna mahadsantahey walaasheyda muslimada ahey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Tuesday, February 20, 2001 - 11:58 am
to long time
walaalo adigaa mudan waxaana kuu rajaynayaa khayr in ilaahay dhibkaaga dheef kuugu badalo wax walabana waqti bay leeyihiin iyo dhamaad iyo bilow arinta ku soo martayna qof jacayl dhab ah soo maray un baa dareemi kara marka walaalo samirka sidaad sheegtayba wax dhaama maleh ee isaga ku dadaal oo dugso iyo aayaadka ilaahay waxwalba oo fiican hortaaday i maanee walaalo garabkaaga alaha galo macsalaama huda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Tuesday, February 20, 2001 - 12:50 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
TO;HUDA.
Huda walaal waan ku salaamey salaan kadib walaal macaan aad iyo aad ayaa ugu mahadsantahey jawaabaha qiimaha iyo qaayaha leh ee aad iigu soo jawaabtey runtiina waa jawaabo aan u riyaaqey.
walaal waxaa is weydiin leh gabdhaheena soomaaliyeed ma waxeesan aqoon dhibta ee leedahey weydhaan <JACEYL.AMA.LOVE>mise waxee u heestaan wax afka laga sheegto.
walaal waxaad arkeesaa hadaad dhahdo maanta gabar ajnabi ah<WAAN KUJECLAHEY>inee isheenba weyso.
waayo qiimaha ey kalmadaas ku fadhido ayee ogtahey.gabdhaheena maxaa udiidey inee see wax ujiraan kuula qabtaan.waxaadna ogaata walaal hadeesan meesha kalsooni oolin inuusan jaceyl oolin.walaal mida kale maxee gabdhaheena uga hormariyaan wax walba quruxda qofka.halka qofka tan ugu horreesa ee lagu doorto ee tahey dabeecada.huda waxaan kuu rajeyyaa waa qeyr bash bash iyo badhaadhe iyo caafimaad aad kuwaarto jawaab wacan walaal.
waadna mahadsantahey.bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Wednesday, February 21, 2001 - 08:47 am
to long time
walaal horta waxa aad sheegtay waa runtaa oo inta badan hadaan nahay soomaali manaqaan qiimaha jacaylka ma o ranayo soomaali gabdhaheeda oo dhan ma yaqaanaan jacaylka wayo walaalo waxaa jira kuwo badan oo yaqaan qiima ha jacaylka wiilashuna waa lamid laakiin waxaad moodaa eeda in ay saarantahay adiga xagaaga gabdhaha waayo gabar ayaa ku xumaysay soomaaliyeed.aan mid kaaga sheekeeyo waxaa jirtay gabar aan is naqaanay waxay joogtay kenya waxay is barteen will soomaaliyeed way is jeclaadeen wiilkii wuu soo dhoofay wuxuu galay yurub wiilkii ayaamo ayuu gabdhiilaxiriiray kadib war danbe wey kaweysay 3 sanokdib baa gabadhii usooro gashay in ay meeshii wiilku joogay tagto waxay kawerheshay isaga oo reer aabe u ah oo caruur yeeshay runtii gabadhaa wiilkaa aad bay u jeclayd isna siuduu u sheegay wuu jeclaa laakiin aniga ahaan beentiis bay ka hayd baan u malaynayaa waayo haduu jeclaa mid kale kumba uusan fakareen right marwalaalo su aashaada jawaabteeda wey adagtahay waayo hadaan iraahdo gabdhaha soomaaliyeed mayaqaanaan kalmada jaecayl waxay noqon in aan gabdho badan oo ah walaalahay oo yaqaan jacaylka xeerkiisana mariya aan ku xad gudbo sidoo kale hadaan iraah do wiilasha mayaqaanaan jacayl wiilaal badan baan danbi kagali adiguba u gu horee oo mrka anigu waxaan hadalkaga
kugaba gabaynaayaa jacayl qofkii uu soo maro baa yaqaan macnahiisa iyo jidkiisa soomaali hadii anaynu nahayna rag iyo dumar waxaan u badanahay in aay naan daryeelin jacaylka
hadaan kaaga waramo inta qiso kadhacday qurbaha oo kusaabsan dad is jeclaa oo aan axdigii kawada bixin waad yaabi lahayd marka qofwalba oo laxumeeyay ilaahay ha u sakhiro salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil tiiraanyeeysan

Wednesday, February 21, 2001 - 12:23 pm
to long time
saaxiib aad ayaad ugu mahadsantahay beejkaan qiimaha badan ee aad noo furtay aad ayaana u xiisaynayaa beejkaan wax badan ayaana ku soo noqnoqdaa maalin walba,waxaadna moodaa inaan daawo ka dhiganayo taladi wanaagsanayd ee aad na siisay oo ahayd sabur waana saburayaa inshaa`alaah,walaal magacayga dhabta ah waa(SALMAAN)saaxiib barasho wanaagsan waana kaaga mahadcelinayaa mar labaad dhamaan waanigi aad noo qabatay

to huda
walaal waad ku mahadsantahay jawaabihi sharafta badnaa ee aad na soo siisay iyo sida tooska ah ee aad ula soo xiriiraysid beejkaan,walaal waxaan u malaynayaa waxaa nagu soo aaday aniga iyo saaxiibkay gabdhaha kuwi ugu aqoonta gaabnaa xaga jacaylka maxaa yeelay waxa ay na dhigeen banaan cidlo ah anaga oo jecel ayna ogyihiin jacaylka aan u qabno laakiin dhib malaha oo waa wax qoran
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Wednesday, February 21, 2001 - 03:42 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
TO;HUDA.
Walaal macaan waxaad iga hanataa salaan aad uqiimo iyo qaayo badan taas oo aam filayo inee kudheehantahey kala faa'iideesi waayo aragnimo.
iyo dhibta loomaro jaceyl.
horaa fanaan soomaaliyeed uyidhi.
DADKU WEYCOLOOBAAN.
DABADEED HESHIIYAAN.
SIDA LABA CADAAWAA
LAMAKALA CADGOOSTEE.
waayo waxaa kawadaa inaan dhibta ee labo qof isku geestaan eesan xumaan isku qaadin hadii ee mid waayan in ey walaaltinimada kudadaalaan.
sidii ee uxoojinlahaayeyn. walaal dhibta labada dhinacba wey kadhacdaa gabdho iyo wiilalba.
kuma lihi gabdhaha ayaan qaladka saarayaan balse tan kaliya ee jirta eytahey <SAMRAA SADHELA>walaal
waa runtaa wey jiraan gabdho iyo wiilal siiya mudnaanta iyo xaquuqda uu leedahey jaceyl.dhibta uu jaceylka lee yaheyna walaal.waxaa lagu gartaa calaamado badan.oo waxaana kamid ah.
1-naxdin iyo gacmo dhidid.iyo waxaad rabtey inaad qofka usheegto aad kala baqeeso.
2-marwalbana waxaa jeceshahey inaad aragto wajigiisa haduu kula joogo saacado aad moodo inuu kula joogo secono.
3-markasta waxaad jeceshaey inuu waxqti kula qaato.
4-qofkaas jecleed oo isbitaal lajiifey ma'aragtey adoo utagey kadibna aad halkii kusuuxdey.
5-qofkii aad jecleyd wali maku tidhi kalmad xun isaga oo aan kaafileyn mana kanaxdey oo makaqiirootey.
6-wali madareentey dhaxan ama jarees meeluu kaaga yimid aadan aqoon.
walaal waxaan jeclahey kala faa'iideesigeena inuu halkaas nooga sii socondoono waad mahadsantahey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Wednesday, February 21, 2001 - 04:42 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
TO;SALMAN.

Saaxiib waan ku salamey waxaan kuu rajneynayaa niyad fiican iyo kalsooni dambe oo aad latimaado.
runtii ma odhankarno gabdhaheena aan wada xumeeno.
hadii aan saas suubinana anaga ayee jiqnagu tahey bro'sida aan sheegeyna wax samirka kawanaagsan malahan oo lacuskadaa.sida aad sheegetyna wax walba waa wax qoran waxa kugu dhacayana habeynkaad caloosha hooyadaa kasoobaxdey ayaa laguu qorey.balse waxaan odhan lahaa anigu hadaan samirno aaqirka anaga unbaa guuleesaneena.
waayo annaga oo ujeedna gabdho walaalaheyn ah mahaboona inaan mid ajnabi aan hunguriga utaagno.
waxaana rajeynayaa inee doodeena noosiisocondoonto. waadna mahasantahey walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Thursday, February 22, 2001 - 01:05 am
to long-time
asalaamucalaykum
walaalayaal waad salaamantihiin,runahaanti saaxiib aad ayaan ugu qanacsanahay taldaada waana dhaqan galinayaa haduu ilaahay idmo mahadi hakaa gaadhee,walaal waligay ma haweysan inaa gabdh cadaan ah ama ajnabi ah aan guursado waana ka fogaadaa inta aan ka fogaan karo iyada oy waliba magaalada an joogo ay soomaalidu ku tahay faro tiris,inti aan gabdh ajnabi ah isfahmi lahayn oo aan nolol fiican wada qaadan lahayn waxaan ka doorbidaya aniga oo la noolaada gabdh soomilyeed oo maalina aan isdilno maalina aan isfahano,horaa loo yiri shinbirba shibirkiisa ayuu la duulaa,walaal waan la socon doonaa faaiidooyinka badan ee aad adiga iyo walaasheen huda aad is waydaarsanaysaan maadaama aan anigu aqoon saas ah u sii lahayn howlahaan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Thursday, February 22, 2001 - 09:58 am
ASALAAMU/CALEYKUM.
TO;SALMAAN.

Walaal waan ku salaamey.salaan kadib waxaan kuu rajeynayaa qeyr iyo cafimaad aad kuwaarto iyo nimco ilaahey runtii aad ayaa ugu mahadsantahey jawaabaha qaaliga ah ee aad nasoo siisid.
weyna haboontahey in wax walba laga wada hadlo.
waxaana rajeynayaa dad badan oo qiimaha iyo jaceylka yaqaan ee nagu soobiiri doonaan hadii ey arkaan bagekaan.waxaana kuleeyahey.
RUUXAA JECLAATA.
AMA'AAD GACLOOTAA.
JINI KAAMA CELIYEE.
waadna mahadsantahey walaal doodeena hanoo siisocoto waxaadna kuu rajeynayaa adoo kudambeeya badhaadhe iyo marwo fiican oo aad nola lawadaagto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bidhiidh

Thursday, February 22, 2001 - 10:25 am
Gabadha Soomaliyeed waa taa....
Markaa meesha ay joogto uunbay ka fekertaa....
Diin iyo caqli, iyo baniaadanimo iyo akhlaaq midna ma leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Thursday, February 22, 2001 - 10:54 am
ASALAAMU/CALEYKU.
TO;HUDA IYO SALMAAN.

Walaalayaal waxaan idinku salamaey salaanta kor kuxusan oo ah tan islaamka isku salaamaan meelkasta hajoogaane,waxaan jeclahey inaad cafimaad qabtaan waana ilaahey mahadiis.
walaalayaal waxaan idiin soo gudbinayaa sheeko jaceyl ah taas oo aan jeclahey inaad qiyaastaan dhalinyarteena soomaaliyeed inee suubinkaraan iyo inkale,inoo jecel inaan dhexda idiinka qabto.
ANWAR'wal wal waayadaan kusoo furmey aawadiis waxaa kalumey kantaroolkii mararka qaarkood wuxuu is arkaa isagoo kaligiis isla hadlaya,sida isaga oo jiniyo lasheekeesanaya ama dad kasoo horjeeda lasheekeesanaya,ama ladoodaya falkasta uu sameeyo wuxuu noqonaayey mid qabyo ah,waxaa marar badan canaani uga timid maamulka shaqadiisa,oo uu dhowr jeer dayacey sidiii larabeyna uu ufulin waayey jaceyl owgiis,isagoo horey loogu yaqiin karti iyo qalad yari,su'aalo ayuu isweydiiyaa wuxuu garan waayey halkii uu katalaabo qaadi lahaa,go'aan wuxuu ku gaarey inuu arintiisa u bandhigo saaxiibadii.
kuwa ugu waayo aragsan dhinaca<JACEYLKA>uguna dagan uguna waayo aragnimo dheer,wuxuu kaloo qoraalo gaarsiiyey laanta ila taliya ee idaacada.
wuxuuna rayi ahaan ugu tagey dhaqaatiir,wax kayaqaana cudurada nafsiga qolo kasta waxa uu kabaarey inee wax ku kordhiyaan qaar saaxiibadii kamid ah uu latashi ugu tagey waxee sifudud ugu tusaaleeyeen ineesan ugu muuqan inuu gabadhaas aaya tiin guur kasugo,marba hadii cudurkaani hayo waa <QAAXADA>inuu cudurkaan nafsadiisa kala badbaado maadama uu cudurkaan halisyahey.
raga saaxiibadii ah ee rayigaas usoo jeediyey ANWAR'mayareyn lakiin ujeedadiisu ma'aheyn inuu ku dhaqmo balse fikrad uruuris iyo xikmad garasho ayee ka'aheyd wuxuuna caado ulahaa inuu dadka latashado markii dhibaato soofoodsaarto.
wuxuuna kasoo horjeedey fikradaha kalitaliska ah.
iyo gooni daaqnimada ee dadka qaarkiis ku dhaqmaan,wiil saaxiibadii kamid ahaa ayaa wuxuu ku waanin jirey inuu dulqaad uyeesho wax walba cudurna uusan qofka uu jecelyahey kunicin.
maadama xanuun iyo cafimaad intaba uu ilaahey keeno,oo mid hada caafimaad qaba xanuun ukeeni karo'mid xanuunsana cafimaad siinkara,wuuna ku yidhi ANWAR.hadiise aad saaxiibtaa cilado ku tuhunsaneed waa adiga,koleyse waxaan anigu kugu adkeenayaa inaadan kabixin axdiga aad gabadha kaqaadey iyo nabsi kasbasho waayo adiga ayaa ilaahey cafimaadka kaa qaadikaraa oo iyada ilaahey cafimaad qeyr qaba siinkaraa,talada saaxiibkiisa waxaa sii adkeenayey dhaqaatiir aqoon garad una leh jaceylka,waxaana tallo kale usoo jeedshey dhaqtar magaciisa ladhaho <DR'YUSUF> waxeyna ula muuqatey <ANWAR>wax ku ool aanan la'iska indho tirikarin waanooyinkaas.
ANWAR.nafwalba ilaahey ayaa leh ayuu niyada iska yidhi kadib markuu dhameystey dhageesiga uu usoojeedshey dhaqtarka kaas oo uu kaheley faa'iidooyin aan lamaleynkarin,aad ayuuna jaceylkiisa usii xoogsadey isagoo mahad gaar ahaaneed u celinaya dhaqtarka DR'YUSUF iyo saaxiibkiisa qaaliga ah wuxuuna niyada iska yidhi nafta yaa leh?ruuxa yaa igaliyey?itaalkaan yaa igu abuurey? wuuna isku jawaabey oo wuxuu yidhi dhamaan waxaa leh ilaaheyga dhulka uumey cirkana taagey noolahana ku dhex abuurey,cidtiisaas kula tartami kareesaana majirto wax uusan go'aamin oo fulayaana maleh,sidaas owgeed waa in aan xoojiyo axdigii aan horey uqaadey una cadeeyo inuusan isbadal dhicin gacalisadeeda AYAAN,aana ahey sidii aan horey u ahaa,niyadeeduna waa bir,go'aankeegana waa dhagax.
hadafkeygana waa fulin, wax kasta oo yimaadana dusha ayaan saaranayaa.
SALMAAN IYO HUDA WAAN SII WADAYAA WALAALAYAAL INSHA'ALAAH IGA RAALI NOQDA IDINKOO RAALI AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Thursday, February 22, 2001 - 12:00 pm
to long-life
asalaamucalaykum
walaalyaal salaantaas sharafta badan kadib,saaxiib aad ayaad ugu mahadsantahay sida aad noogu bilowday sheekadaan qiimiga badan waxaana rajaynayaa inaan la socon doono haduu ilaahay idmo waana kaaga mahad celinayaa mar labaad furitaanka aad noo furtay beejkaan sharafta iyo qadarinta mudan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Thursday, February 22, 2001 - 12:35 pm
asalaamu calaykum walaalayaal marka labaad long time maanta wan soo daahay ee iga raali noqo marka labaad walaal aad ayaad umahadsantahay sheekada aad noo soo gudbisay waxay leedahay nuxur insh alaah waxan sugaynaa dhamaytirkeeda markaad waqti hesho
mida kale sidaan horaan uga wada hadalnay jacely qofkii uu soomaray ayaa yaqaan qiimahiisa iyo sharcigiisa jacaylkuna waa cudur aan dawa lahayn da wadiisa waa adiga oo hela qofka aad jamatay sow mamaqal wixii ku dhacay cilmi boodhari .oo ah ninka soomaalida kasheekayso ilaa maanta ninkaas oo jeclaaday hodan jacaylkii uu u qabay cilmi hodan iyo rafaadkii uu kasoomaray hadee waa tuu ladhintay inshalaah marbaan idiin soo gudbinyaa .
mamaqashay qisadii kale ilayn boog jacayl ma bogsato?waxaa jira qisooyin badan oo dhexmaray dad isjeclaaday ama qof wax jeclaaday in shalaah dib baynu uga wada hadli hada waqtigaa igu yar salaamu calaykum huda

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Thursday, February 22, 2001 - 02:28 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
QEYBTII 2AAD.

dhowr habeyn kadib wuxuu yimid ANWAR,gurigii AYAAN,wuxuu arkey iyadoo sariirta korkeeda buug ku aqrisaneesa,wuxuu yidhi gacaliso iskka waran caawa,waxey ku tidhi AYAAN,aboowe xaley iyo galankii dambe waan ladnaa,inkastoo hurdadu igu yartahey hadana sidii waayadii dhoweyd fiicnahey 50% oo waa anigan sariirta caawa buuga ku aqrisanaya,waxaa uu ku ydhi ANWAR,daawooyinkii dhaqtarku kuu sooqorey maqaadatey?waxey ugu jawaabtey AYAAN,haa waan qaatey oo sifiican ayaan u isticmaaley,lakiin waxaa aad ii dhibaya cirbadihii waayo waxaa ibararey miskihii,oo kiimikadii daawadu fariisatey,waxaase si aad ah uqaata sharoobooyinka iyo kaniiniyada,ANWAR,isaga oo naxsan wuxuu usooojeedshey waanadan.
ANWAR,I dhageyso macaaney,qofweyn baad tahey oo ilmo caruur ah matihid oo caano lagu habayo,isla markaasna waxaad leedahey aqoon kugu filan,waxaana laga maar'maan ah, inaad siwanaagsan uraacdo talooyinka dhaqaatiirta kusiiyaan, kana dheeraato wixii lagaa reebey nooc kasta hanoqdaane,waxaa kaloo AYAANEY,laga maar'maan ah, raashin aad u wanaagsan,waxaadna ogaata inaad daawooyin tiro badna aad qaadato gacaliso,hadii aadan raashin dheelitiran aadan ku cuneyna wax kuuma tarayaan.
ogowna inaad waxa kuu wanaagsan iyo waxa kuu daran aad kala garan karto,waxaana rajeynayaa inaad wax ku qaadato waanooyinka aan kuu soojeedinayo.
waana arimo anoo wada dan ah labadeena,ANWAR,inta uu sariirtii gees uga fariistey ayuu dhabankeeda bidix kasaarey gacantiisa midig,markaasbuu gacantiisa bidix inta uu garabka kasaarey barkintii jiifiyey, gacanteedii bey inta dulsaartey gacantiisa kana shumisey ba'baca sare.
kuna tidhi.
AYAAN,wahalkeygiiyow waxaa ii tahey daawo naruura ah markaad ila joogto wuxuuse wal walkeega yimaadaa markaad iga dhaqaaqdo,waayo markaan ku cidloodo sariirta iyo qolka waxaa moodaa inuu xanuunka saa'id, igu noqonayo,siiba markaad iga maqantahey,markaan aragaaga iyo muuqaaqana aan arkana wixii xanuun ihaayey waxaa modaa inuu iga baa ba'ayo,oo la'iga siibayo xanuun farabadan oo igu taagnaa,mana ogu naftu meel ey gaareyso,waxaana rajeynayaa inaan cafimaad qeyr qaba aan dib uhelo,waxna ilaahey agtiisa kama'ahan isla saacadbaa <SHIMBIR DUULAYA SAMADA LOORAACINKARAA XANUUNKA IHAYA>laakiin iska saar wal walka iyo dhakafaar <JACEYLKA>ee jiradeedu kuu darsantey,anwar oo dajinaya gacaladiisa wuxuu ugu jawaabey isaga oo markasta jecel inuu niyada u wanaajiyo.
ANWAR,gacaliso niyada gasho markasta in libaani kuu dambeyn doonto,ana balan baan kaaga qaadey in aan kuguursado,hadii eysan naga hor imaan wax awoodeyna dhaafsiisan,kana kalsoonow inuu hadalkeega runyahey,waayo horey baa loogu maah maahey <RAG AXDI BAA XIRA DUMARNA MAHER>inkastoo uusan maher iiaa sameyn kalamdaasna kugu foorarto,
waxaan kaa rajeynayaa inaadan hadhow noqon.
<KAS DUMAR OO KADALOB RAG KAAGA DAMBEEYO KAAD KU'OGEYD MA'AHAN>macnaha dhowro sumcadaada ereygaasna inuu kugu rumoomo iska ilaali,AYAAN oo ereygaas loogu maah maahey aad uga xumaatey,ayaa tidhi.
AYAAN, dadku isku mid ma'ahan qof walibana wuxuu leeyahey dabeecad iyo dooq iyo qaab uu ilaahey u abuurey,mana ahan in qof xun dadkoo dhan isku mid looga wada dhigo,micnaha hadii gabadh balan kabaxyo taqaan horey loo soo arkey, ama adiguba lasoo kulantey,anigu waxaan leeyahey dadnimo iyo damiir mana filaayo in cidi is hortaagikarto,
dadtaan leeyahey,aana doonayana inaan natiijo kagaaro basle abiga oo aan isfaanineyn waxaan isku heestaa in aan ahey qof aan axdiga kabixin,rumeysana aqidada diinta<ISLAAMKA>sidaa darteed waxaan qabaa inaadan anwarow aan kaa muteysnayn inaad kalmadaas iigu maah maahdo,ama aad iigu xad gudubto.
ANWAR,gacaliso gaf kuguma sameenin falkasta oo lasoo tilmaamana horeybaa loosoo'arkey,gaar ahaan maah maahooyinkeena soomaaliyeed,waxey ku dheehanyihiin duluc asalkeedu run kasoo jeedo.
mana jirto mid beyn ahaan loosoo alifey,waayo wax kasta oo yimaada waxey wataan maah maahdii ey kutimid arinkasta,waayo waxaan ognahey in maah maahooyinkeena ey ku baxeyn ficilo loogu talagaley
magacyo waa fasaqsan ujeedada maah maahda,run ahaantii ceeb iiga kaa muuqataa maah maahdaas kuguma maan soo halqabin,lakiin waxaan ku xasuusinayaa,ineysan ku duufsan daruufaha waayaha
waliba dumarku hormaadka uyihiin,hadiise aad leedahey dumar waxba ha'iigu halqaban shaqsi baan ahey waxaan kuleeyahey jogaaba la'arkidoonee,<KAS DUMAR WAA KADALOOB RAG KAAGA DAMBEEYE>ayaan iyadoo dhibsaneysa maah maah daas uu kusoo celcelinayo ayaa waxey tidhi.
AYAAN,gafafka aad waayadan dambe aad ila baratey
wax la xisaabikaro ma'ahan,waxeyse iigu muqdaan kuwa aad ii hoosgalineyso ceebo aad igu ogtahey.
balse hadii adiga axdi kaa xirmo aadana dhabarka ixajin doonin waxaan balan ku qaadayaa in aan fuliyo dhankeyga hadii aan iilka la'idhigin,anwar oo niyadiisa u muujinayo ayaa ku yidhi.
ANWAR,gacaliso sidaan horeyba kaaga qaadey axdiga waxaan leeyahey hal carab,hal af,iyo go'aan kusoobiyo shubta fulin abuur geed jaceyl aan harsano,marna ha'iiqaadan inaan wato eedeyn dhalateed ah,taas oo aad ku ogaankartid wax yaabo badan oo aad adiguba soo saarikartid iyo aqoonta dheer ee aan isku leenahey.
waxuuna niyada ugu dajiyey,hees uu lahaa fanaanka caanka ah oo lawada yaqaan,bashiir cali hussein,
OGOW NAFTAN KUU,
OOMAN ADIGEE,
IMiSAA ADOOKALE,
ARJI IILA TIMIDOO,
OOFIN MAAYO AAN IDHI,
AAWADAA UJOOJEE,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Friday, February 23, 2001 - 12:07 am
tolong-life
Asalaamucalaykum
walaalyaal waan idin salaamay,run ahaanti aad ayaan ugu faraxsanahay barashadiina iyo booqashada beejkaan qaaliga ah waxaana tihiin inti aan arkayay dhalinyaro beej isugu tmaada kuwi ugu wanaagsanaa waxaana rajaynayaa inay ku soo biiri doonaan dhalin kale oo wan wanaagsan marka ay arkaan qiimaha uu leeyahay beejkaan saaxiib aad ayaad ugu mahadsantahay furitaanka bogan
to huda
walaalo waan ku salaamay walaal waxaan aad u xiisaynayaa inaad noo soo gudbiso sheekooyinka aad haysid marki u dhameeyo walaalkeen long-life sheekadiisa qaaliga ah,waxaana ku hami waynahay inay nagu soo biiraan gabdhaha soomaaliyeed
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Friday, February 23, 2001 - 01:04 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
QEYBTII 3AAD.

ANWAR,sabata uu AYAAN,heestaan ugu sooqaatey waxee aheed,isaga oo horey usoo diidey labo gabdhood,oo magacyadooda lakala oran jirey,FARHIYO IYO AAMINO.
gabdhahaas oo aad uu uga fiirsadey ladhaqan kooda dadnimo iyo qoosaska ee kakala dhasheyn,mid walbana uu daraaseed kusuubiyey,sababta uu kunacey ee aheed cilado uu kukala arkey owgeed,ha nqoto dabeecad iyo qoosaskooda,ANWAR,wuxuu lahaa dabeecad ah inuu isku wado naago badan oo waayo AYAAN,wey kujirtey gabdhahan, sadex doona wuu lawada sheekeesanjirey kama aheyn naago jaceyl balse waxee ka'aheyd inuu kala baxo miduu mustaqbalkiisa ku aamini lahaa,waxeyna laqumanaatey inuu ayaan ku ekaado oo uusan naagokale fiirin,ANWAR,FARHIYO,aad ayee ujecleyd waayo jaceyl xad dhaaf ah ayee u qaadey,sababtoo ah marnaba kama fileyn inuu uga baxo sheekada waxeyna mar walba ladaba joogtey wax ila qabo,waxey aheyd gabar aad uquruxbadan dabeecadna ilaahey kumaneestey,balse tan kaliya uu kunacey waxey aheyd qoyska ee kadhalatey oo aad uxumaa uuna daraasaad kusuubiyey,wuxuu aamin sanaa maah maahda ah<INTAADAN FALIN KAFIIRSO>.waxeyna niyada iska oranjirtey.
ALAHAYOW NIN DHOOFIYO.
NINKII DAGAN DHULKII HOOYO.
ANA DHAAWACEYGII.
JACEYL DHIDIBTA AASTAAN
LADHADHEELIYAAYEE.
wuxuuna ahaa ANWAR,qof go'aan adag oo aan marnaba kanoqon go'aankiisa wuxuuna ahaa qof qunyar socod ah laguna tilmaamo dadka aamuska badan,halka iyada cilada kaliya uu ku'arkey AAMINO eytahey dabeecad xumo iyo shaki eyqabtey markasta uu lakulmana ey jeclaan jirtey inee raacdo ama shaqada hanoqoto ama dano kale uu lahaa hanaqotee inee ogaato waxa uu qabanayo,wuxuu sir hoosaad ku heley inee gabdho saaxiibadeed ah ey dhahdo iisoo ogaado meelaha uu galo kalsooni la'aan owgeed.sababahaas owgeed ayuu labadaba uga gaabsadey una leexdey dhinaca AYAAN.
nasiibkaase qornaaye waayo wax xag alle.
ka'imaanaya cid celinkartaaba iska yar,waxaana ku dhacey cudurka <QAAXAD> wax shakina iskuma uusan abuurin oo ilaahey xagiisa ayuu uga yimid cudurkaan,wuxuuna muujiyey dulqaad aad ufarabadan,
iyo kalsooni iyo aaminaad uu ku qabey waayo hadeesan kalsooni iyo aaminaadi jirin jaceyl majiro,AYAAN,xageeda wuxuuna mar walba ku duceesanjirey allow si un uga yeel xanuunkaan gacalisadeeda,wxuuna jeclaa inuu mar nolosha raaxadeeda laqeyb sado uuna arko caruur uu aabo uyahey iyadana hooyo utahey gacmahana ee wada qabsadaan,qadar ilaahey waxaa qornaa inee cafimaad hesho AYAAN,xanuunkii hayeyna ilaahey kaqaado uuna ugu badalo cafimaad taam ah,AYAAN,waxaa dhaley hooyo iyo aabo aad uqiimeeya ANWAR,waayo had iyo goor wuxuu jeclaa inuu unoqda wiil ee ayaga dhaleyn oo kale wuxuuna ka keynsadey kalsooni buuxda iyo inee ka dhigtaan wiilkooda oo kale.
waxaan hooyo iyo aabo aheyn ma odhanjirin,wuxuuna caado ulahaa inuu mar kasta uu shaqada kasoo rawaxayo uu soomaro guriga qoyska gacalisadiisa.
AYAAN,waxaa sii taakuleeyey waanooyinkii ANWAR,uusiinjirey iyo dhaqaatirta iyo iyadoo daawooyinkii sidii larabey uqaadatey,galab galbaha kamid ah ayuu ANWAR,isaga oo shaqada kasoo rawaxey yimid gurii qoyska gacalisadiisa wuxuu salaamey hooyo <SAREEDO IYO AABE HAASHI>salaan kadib wuxuu ugudbey qolkii ee jiiftey AYAAN,mise maba kujirto qolkii gadaal ayuu usoolaabtey wuxuu weydiiyey waalidkii dhaley,waxey ku dhaheyn guriga ayee kashaqeeneysey maantoo dabcan mushkusha inee kujirto ayaan umaleneynaa ee kusug qolka fadhiga ama qolkeeda,ANWAR,waxa uu fadhiistey qolkii fadhiga si uu ugusugo gacalisadiisa,dhowr daqiiqadood kadib ayee kasoo baxdey mushkushii waxeyna gashey qolkeedii cabaar markii ee qolka kujirtey ayee usoo baxdey banaanka iyadoo rabta inee neecowda banaanka kadhaceesa xoogaa isku soo leedhiso waayo waxee dareyntey cafimaad taam ah.waxeyna ku tidhi hooyo iyo aabo banaaka ayaan xogaa neecowda qabow soomarayaa waana soo laabanayaa hooyo SAREEDO,ayaan ku tidhi.
SAREEDO,hooyo macaan ayaaney anwar ayaa qolka fadhiga fadhiyee oradoo utag,waxey ku tidhi,
AYAAN,oo hooyo goormuu yimid awal qolka ayuu iigu imaanjiree sidee bee ku dhacdey caawa qolka fadhiga kaligii inuu fadhiisto markuu yimaado guriga adiga ama aabo ayuu lasheekeesanjiree intuusan ii imaan kahor.
SAREEDO,hooyo macaan magaranayee utag wiilka wuu kusugayaaye oo in cabaar ah ayuu fadhiyee qolkee.
AYAAN,waa yahey hooyo macaan.
waxeyna soo aadey qolkii fadhiga uu fadhiyey anwar
ANWAR,waxee ula ekaatey gacalisadiisa qof aad iyo aad u cafimaad qabta waxuuna kuyidhi.
ANWAR,gacaliso iska waran galabta sidee buuyahey cafimaad kaaga.
AYAAN,wehelkeegiyow waan cafimaad qabaa waadna iijeedaa galabta inaan sidii hore aan dhaamo waana ilaahey mahadii.
ANWAR,aad ayaan ugu faraxsanahey inaad cafimaad taam ah aad hesho waxeena iitahey murug iga guurtey iskuna badashey farxad.
AYAAN,macaane wax walba waxee kaqoran yihiin xag rabbi oo rabbi wuxuusan qorin masoconayaan waxaan rabaa hada inaan banaanka ubaxoo aan leedho sooqaato.
ANWAR,waayahey macaan ina wad aan soowada qaadanee waqtiga iyo fursadan qaaliga ah aan galabta wada helney.
AYAAN,waa yahey wahelkeegiyow ina kaxee.
waxey kasoo wada baxeyn qolkii fadhiga waxeyna uyimaadeyn hooyo SAREEDO IYO AABO HAASHI,waxeyna yiraahdeyn hooyo iyo aabo banaanka ayaan sooyara mareenaa ee sidaas ula socda,waxeyna soo qaateyn socod dheer iyagoo ku nas nasanaayey marba geed.
socodkoodii markii ey soo dhameysteyn waxey fadhiisteyn jardiin kuyaal guriga hortiisa,waxeyna ku noqotey 70;00pm oo fiidnimo ayaan waxey ku tidhi.
AYAAN,anwarow gacaliye waxaan umaleenayaa inaad daalantahey oo aad maantoodhan aad shaqo kujirtey adigoon nasana wal'wal aad iga wal waleeso aad iigu timid waadna aragtaa inaan maanta soconayo oo aan sariirta aan dul jiifin gacaliye oradoo meesha kahoyo barina shaqo ayaan leedahaye.
ANWAR,gacaliso dhib malahan wax walba waxaa iiga qiimo iyo qaayo badan lajooga aan adiga kula joogo mana qiyaasi karo wax aan ku tilmaamo dareynka aan kuu qabo iyo rabitaanka ee nafteyda kurabto oo waad ogtahey cilmi boodhari baa udhintey qeys iyo leylo waad maqashey ana inaan maanta kusifoobo ayaan kabaqayaaye macaaney ogsoonow taas.
AYAAN,anwarow waxaad ogaataa dhab ahaan aduunyada inee tahey sil silad wareegtoo aanan marnaba laga fakaneyn waxba niyada ha'iska dilin horaan axdi ugaley hadana waxaan kuleeyahey waxa aniga iyo adiga nakala wadaa waa wad iyo calaf waxaana kuleeyahey macaanow.
CALAF WAA HALKIISEE.
CAASHAQAN ISKEYB BAREY.
HA'IGU CARININ ANIGUYE.
KU CURTAYE MANABADBAA.
ANWAR,ayaaney macaaney tee nafteydu doorataay waxaan kugula dardaarmayaa inaad iska ilaaliso sadexeeyahey jecel inuu kala dhantaalo labo qof oo isku wadna ah dhugna uyeelo hadaladan aan kuleeyahey iskana ilaali shakiga waxaadna ogaataa inuu yahey cudur xun oo halis ku'ah jaceylka jiritaankiisa.
AYAANEY DARAADAA.
MAXAA SALALEY HABEYNKII
HURDADII SEEGAYOO
QABAN WAAYEY BARKINTA
AYAANEY DARAADAA
INDHAHA MAANAN SAARINEE.
SUURADAADA OO KALE.
WAXAAD IILA SIMANTAHEY.
SAXADA ROOOBKIYO
SUBAXDII EEBAA KEENAA
DADKU FARXAD ISKU
SALAAMAAN.
SAKIIN WEEYE CAASHAQU.
SAG HADUU KUSIIYANA
SEE DUHUU KU GOOYAA.
AYAAN,macaanow dhibta adba ku heesataa anba wee iheesataa dhibtaadana waa dhibteeda hadii niyada bini'adamka ama qalbiga bini'adamka la'istusinlahaa keega ayaan kutusinlaha sida aad ugu xidideesatey geedkii aad ku beerteyna uu kusameeyey jirido waa weyn aanan lagoynkarin ee macaane kahoyo meesha basaskan waa waqtigii ee joogsan rabeene.
ANWAR,waa yahey gacaliso iigu noolow abidkaa nolol raaxa leh aaya tiin wanaagsan waana ku jeclahey gacaliso ee taas niyadaada gali.
wuxuuna ka shumiyey labada daan isaga oo ilmo ka'daadaneyso jaceyl uu uqabo dartii wuxuuna soo abaarey meeshuu baska karaaci lahaa wuxuuna lajoogey 30:00pm ilaa habeynkii 10:00pm waxeyna ku noqotey isaga lajoogo secano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Friday, February 23, 2001 - 02:03 pm
to long time and salmaan waan idinsalaamay marka hore marka xigta long time walaalo sheekada waxay maraysaa meel aad u fiican waana sheeko fiican oo xiisad leh marka ilaahay hakaa abaal mariyo lana soco walaalo khayrku wuu danbeeyaa wixii daaha ayaa khayrku kujiraa insha alaah sheekada sifiican baan ula soconaa waad mahadsantahay walaalo macasalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Saturday, February 24, 2001 - 03:04 am
TO;LONG-TIME
CUDAR DAARASHO
SALAAN QAALI AH KADIB,WALAAL IGA RAALI AHOW QORAALKAYGI HORE WAXAAN KHALDAY MAGACA OO AAN KA DHIGAY long-life WAXAANA QADAR YAR KA HOR INTI AAN QORIN QORAALKAAS AAN AKHRIYAY SHEEKO UU QORAY long-life MARKA SIDAAS AYAAN U KHALDAY MAGACA EE IAGA RAALI AHOW WALAAL WAA KHALD U DHACAY SI KAMA`
MAHADSANIDIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONKOD2020

Saturday, February 24, 2001 - 06:05 am
Salaama Aleykum,

Long_Time, Huda and Salmaan:

Walaalayaal aad iyo aad ayaan ugu helay waanooyinkii iyo sheekadii murtida maacaaneed ee Anwar iyo Ayaan. Runtii waa sida aad wadatiraahdeen jaceel waxaa dhabtiisa garanaayo qof ku jira ama horey uu u soo maray. Anigu runtii waxaan ka mid ahay raga la xumeeyay. Sida horey loo yiriba “QOFKII SABRAA SADLEH” taas ayaan aad u aminsanahay. Maantana waxa ay u badan tahay inaan mar dhow guursado gabadh 100% ka wanaagsan tii xumeesay kuna faraxsan in aan nolasha wada qeebsano haddii Alla yiraa. Gabadhii u xumeesayna runtii waan cafiyay oo Ilaah uma keeno xanuunka ay igu beertay mid la mid ah. Maxaa dhacay kaasi waa mid nolasha QATAR u ah. Qofkii Alla yaqaan diinta Islaamkana ku dhegan uun ayaa ka badbaadi kara. Marna suurtagal igama ahan in qof kale dhibtiisa aan ku farxo iskabadaaye qof aan jeceel u heen jiray. Ilaah ha ka badbaadiyo danbiga ay iga gashay. Inkastoo marnaba aan hilmaameen jaceelka aan u qabay, hadana waxaaa lagama maarmaan ah inaan nolal maalmeedkeyga ka raacdo si aan u dhisto nolal farxad leh. Waa wax dhab ah in uu adag yahay sida looga caafimaado jaceel aan lagula wadin laakiin waad inaad ogaataa jaceelka qaadhkiis in uu naftaada u daran yahay. Waa mid muhiim ah inaad isku daydaan sidaad ugu kaaftoomi laheedeen gabdhaha idin xumeeyay haddii kalese adduunyada inta idinka dhimin ayaa silic iyo saxariir ku dhameesan doontaan. Markale ayaan soo qori doonaa qisada igu dhacday. Ilaah baan ugu baryay inaysan ku dhicin cid kale.

Long_Time waad mahadsantahay inaad bogan inuu furtay. Runtii waxbaan idinka kodhodhsaday saxiiibayaal ee Ilaah ha ina wada siiyo calafkeenii kitaabka noogu wada qoran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Saturday, February 24, 2001 - 10:06 am
TO:ONKOD2020
salaan dabadeed,walaal aad ayeey noo faraxgalinaysaa soo biiritaankaaga waana ku faraxsanahay qoraalkaaga wanaagsan waana kaaga mahad celinaynaa gacmo furan ku soo dhawoow,inkasta oo aan hormuud ka ahayn beejkaan qaaliga ah laakiin waxaan cabirayaa fikradayda waxaana ku niyad samahay inay ila qabaan fikradaan walaalkeen long_time oo noo furay beejkaan kana ah maamulaha iyo walaasheen huda oo iyaduna qayb libaax ka qaadatay habsami u socodka beejkaan,onkod soo dhawoow bro minanka minkaa waaye ha is martiyaynin
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Saturday, February 24, 2001 - 10:40 am
ASALAAMU/CALEYKUM.
TO;ONKOD2020.

walaal aad ayaan ugu faraxsanahey soobiiritaanka aad nagu soobiirtey iyo aqoon isweydiirsiga aan isweydaarsaneeno aniga walaaladey huda iyo salmaan
runtti waxaan bagekaan ugu tala galey dhibanaayasha jaceylka ee daacada kahadla.
kuna talla jira inee baalkii madoobaa ee soomarey taariiqaha noloshooda ubadalaan,baal iftiin leh.
waxaan jeclahey anagoon iska indho tireyn dhibta jaceylka loosoomaro,inaan kawada hadalno wax yaabaha sababa ama keena kala fogaansho ee kala fogaadaan labo qof oo isjecel,waxaana rajeenayaa in qof walba xaqiiqda dhabta ah ee jirta uu kahadlo, waadna mahadsan tihiin,huda salmaan iyo
onkod

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Sunday, February 25, 2001 - 10:51 am
ASLAAMU/CALEYKUM.
QEYBTII 4AAD.

ANWAR,iasaga oo waqtigu kuyaryahey ayuu sooraacey baskii guriigsa keeni lahaa,wuxuuna caado ulahaa inuu waco gacalisadiisa markuu guriga tago si'uu ugu sheego inuu nabad tagey eysanna kawal walin waayo umuusan ogoleyn inee haba yaraatee wax shaki ah ama niyad xumo iyada ee lakulanto jaceylka uu uqabo oo aad uga tan batey owgiis,wuxuuna caado u lahaa inuu had iyo goor dhanbaalo geeraar ah uu uqoro isaga oo umuujinaya jaceylka uu uqabo wuxuuna ku qiyaaso uusan garaneyn.
SIDII DHOOL GUNYOO DA'EY.
AMA DHEYDA CAANAHA.
MIDABKAAGA DHIINKA AH.
QALIBIGEYGA DHAAWACEY.
MARKAAN KUDUL IMAADAAN
NAFTEYDA UMAHAD CELIYAA.
WANAAGII AAN KUGU BARTEY.
INDHAHEYGA KUMA ARAG
RUUX ADOO KALE AH.
AMA AAN KUU DHIGO.
DHUUNIGAAN CUNAAYIYO.
ADAA DHIIGA KALA HAGA.
DHAB UQAADO DHAWAAQYADEEDA
DHIBAATADA IHEESANA
HA'UMALEYNIN DHEEL DHEEL
HAKA DHIGAN WAXAAN JIRIN.
OO HA DHAAFSAN QOFKALE
MARKA IILKA LAGU DHIGO
ABOOR KAAMA CELINKAREE.
markuu uqorey geyraarkii ayuu ugu riday bash qad wuuna xirey wuxuuna jeclaa inuu gacanta kasaaro mar walba,habeynkii dambe ayuu guriga yimid wuxuuna salaamey hooyo SAREEDO iyo aabo HAASHI waxaana lafadhiyey labadooda AYAAN adeerkeed MUUMIN wuxuuna caado ulahaa inuu markasta uu guriga imaanayo inuu wareysto AYAAN hooyadeed iyo aabaheed markuu salaamey kadib ayaa hooyo SAREEDO ku tidhi anwarow eedo utag wataas qolka kujirtee
ayaane wuuna soo dhaqaaqey wuxuuna soo abaarey qolka ee kujirtey ayaan wuxuuna usoo galey iyada oo kashaqeysaneysa homework iskuulka looga soodirey wuxuuna ku yidhi.
ANWAR,gacaliso iska waran caawa
AYAAN,wadnaheygiiyow waan kuu cafimaad qabaa adna naftaada iiga waran.
ANWAR,gacaliso waan kuu cafimaad qabaa anigana wax dhib ahna majiraan oo aan Jaceylkaaga aan kuu qabo aheyn.
AYAAN,macaane anba waan kula qabaa oo kaligaa ma'ahan taas niyadaada gali waxaadna tahey lama huraankii nafteyda,waxaana gacaliye kuleeyahey goortii lajoogaba waan kugu dhadhabayaa ee ha'iga dheyraan dhabta isaar.
ANWAR,macaaney tii lama huraanka aheydey hablaha aduunyada jira tii aan kadoortaay waxa aan kabaqayaa inaan kuu waashoo wow aan iraahdo mana garanayo wax aan ku qiyaaso dhibta iheysata goor aan kabogsoon doono.
AYAAN,gacaliyaheygow waxba niyada ha'iksa murjin waxaad ogaataa inaan god gallo ma'ahee inaan sikale aan kuu ilaawi doonin kalsoonidii buuxdey ee aad igakeynsatey naftuna waxaa uqaali ah qofka ee jeclaato waxaadna ogataa nafta qofka ee jeclaato ilaa ey heshana ineesan siloonaaneyn niyadaadana gali inaan marwalba aan dhinacaaga taagnahey.
ANWAR,waa tahey gacaliso waan ujeedaa inaad homework aad kashaqeyneyso maxaa kuu adag oo aan kaa cawiyaa.
AYAAN,wadnaheygiiyow xisaabta ayaa igu adag ee iga caawi.
ANWAR,waayahey xabiibteediiyey.
wuxuuna uga shaqeeyey xisaabtii intii u dhinneyd isaga markasta lajeclaa wanaag xag wax barasho hanoqoto iyo xag kale naftiisana uga hormariyey sidii ey iyada hormar ugaari laheyd markuu uga shaqeyyey xisaabtii ayuu ku yidhi.
ANWAR,gacaliso waan siiyara soconayaa ee iska seexo baritana waxaan filayaa inaad imtaxaan leedahey ilaaheyna hakuu fududeeyo.
AYAAN,anwarow waxaad ogaataa inee xiliyada kale igala duwanyihiin markaad adiga ila joogtid waayo waxaan dareemayaa waxyaabo badan oo niyadeeda kujirey inaan kabaxayaan.
ANWAR,macaanto waxaad ogaata inaan maalin maal maha kamid ah eynaan kala daali doonin aragtideena
eyna noqondoonto mid aan 24 hourska isla joogno ilaaheyna hanoo kaso saan wada jecelnahey.
AYAAN,aamin macaane ee ana madhi waqtiga yuusan kugu dhicine.
weyna soo baxeyn wuxuuna anwar caado ulahaa markasta uu guriga imaanayo iyo markasta uu kabaxayo guriga inuu ayaan labadeeda waalid labada daan kakala shumiyo wuxuuna uyimid hooyo SAREDO iyo aabo HAASHI labada daan ayuu kakala shumiyey
wuxuuna ku yidhi malaa'igi garabkiina ha'ahaato.
gacalisadiisa ayuu ku yidhi gacaliso iska laabo caawa gaari saaxiibkey uu leeyahey ayaan wataa.
wuxuuna gacanta kasaarey warqadii geeraarka aheyd
ee uu usooqorey,dib ayeena ugu soo laabatey qolkeedii jiifka waxeyna furtey bashqadii uu udhiibey gacaliyaheeda anwar waxaan kala soobaxdey waraaq aad uqurux badan oo waraaqaha jaceylka la'isku diro ah,waxeyna aqrisey geyraarkii iyada oo ilmeyneysa ayaa waxa ee uqortey geyraarkaan.
INTAAN DUNIDA KUNOOLAA.
ADIGA OO KALE INDHAHEYGU MEE QABAN.
ABIDKEYNA MEE ARAG.
WAXAANSE KULA ALA TUUUGAA.
INAAN OORI KUU NOQDOO
KUU ADEEGO WALIGEY.
DHIBKANA KAA ILAALSHAAN
AXDI KUUGU MARAYAA.
UBAXAAN ABUURNANA
INUUSAN QALALIN OO
AAN KA'ILAALSHO CADOWGA
AYAAN AXDI KUUGU MARAYAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Sunday, February 25, 2001 - 01:35 pm
markii ey geyraarkii dhameysey ayee ku riday bashqad ey heesatey weyna seexatey,subaxnimadii aroorta aheyd ayee sookacdey iyadoo isku diyaarineysa inee aado iskoolkeeda waayo waxa ee laheyd imtixaan,waxeynaaadye iskoolkii iyada wadata warqadii ey kuqortey geyraarka markii ey albaabka guriga kasii baxeysey ayee lakulantey wiil ey daris ahaayeyn oo iyada oo yar iskugu dambeysay,wuuna kaweynaa isla markiiba wiilkaas ayaa gartey oo yidhi ma ayaanbaa markaasbe kutidhi haa kumaadaheyd ima xasuusankartid ayuu ku yidhi waa sharmaarke waxey tidhi alla ma sharmarkiihii ee dhaleyn eedo caasho iyo adeer daahirbaa,haa abayo macaan miyaa igaranweysay,haa waayo mar hore ayaa iskugu kaayo dambeysay waxaan filayaa inaan yaraa waagii aad wadanka kadhoofeysay,waa runtaa ayuu ugu jawaabey abayo macaan waad yareyd,waxeyna kutidhi sharmaarke aboowe macaane iskoolka ayaan ku ordayaa oo imtaxaan ayaa leeyahey markaan iskoolka ka'imaado ayaan kuugu imandoono guriga oo markaas ayaan wada sheekeesan doonnaa hadii allaha awooda lihi idmo,weyna baxdey iskoolkeedii ayee horey usii aadey galabnimadii markii ey iskool kii kasoorawaxdey ayee toos usoo'aadey gurigii sharmaarke iyadoon iska dhigin buugaagtii,waxaana albaabka kafurey wa'ardiyahii guriga weyna soogashey waxeyna lakulantey sharmarke iyo hooyadiis oo kuwada sheekeesanaya geed ku dhexyaaley gurigooda,wey salaantey maamo caasho iyo sharmaarkaba maamo ayaa caasho sikaftan ahaan ugu tidhi oo waad soo dheeraatey ayaan galabtee see wax ujiraan,waxey ugu jawaabtey eedo macaan walaalkey ayaan soosalaamayey oo saaka ayan is aragney markaan iskoolka usocdey waana kuu imanayaa ayaan ku idhi,wey wada gudbeyn ayaan iyo sharmaarke waxeyna ugudbeyn dhanka qolka fadhiga
maamo caasho shamrmaarke inteysan maamada u imaan waxey kawada hadlaayeyn inee ayaan isguur sadaan oo uu dhoofsado sababtoo ah intuusan ka'imaan dibada ayuu usheegtey hooyadiis inee uweydiiyaan
reerka ey kadhalatey ayaan,balse maamada ayaa kutidhi imow hooyo macaan si'aad gabadha uwada hadashaan,in cabaar ah markii ey kuwada jireyn qolka fadhiga eyna kamuuqato reyn reyn iyo farxad ayee kasoo baxeyn qolkii fadhiga,wuuna soo dhaweyey oo dibada ganjeel;ka ayuu uga harey,sharmaarke umuusan bandhigin wax hadal ah waayo wuxuu is yidhi waa markii kuugu horeesey waxba haku dagdagin ee waalid udir,waalidka sharmaarkana waxey aamin sanaayeyn inee marka hore labadooda ey wada hadlaan taas oo ey kunoqotey buur sharmaarke,marki ey banaanka usoo baxeyn ayee waxa ee aragtey anwar oo garaacaya ganjeelkii gurigooda,isla markiiba anwar waxaa niyadiisa kusoodhacey maah maahdii aheyd <KAS DUMAR OO KADALOOB RAG KAAGA DAMBEEYO KAAD KU O'GEYD MA'AHAN>ayuu niyada iska yidhi wey dareynta isla markiiba inuu anwar shaki waadey,weyna soomacsalaameysey oo ku tidhi wiilkaas ayaan albaabka kafurayaaye nabadey markale ayaan is arkidoonaa hadii alla idmo,weyna kasoo dhaqaaqdey
oo usoo dhaqaaqdey dhinaca anwar iyo ganjeelka gurigooda,albaabkena uga furtey fure ey wadatey oo kutidhi sogal macaane,guriga ayuu horey usoogaley.
wuxuuna salaamey maamo sareedo dabeecad u aheyd anwar markasta uu guriga imaanayo ama uu baxayo inuu salaamo oo uu labada daan kashumiyo,wuxuuna ugudbey qolkii ayaan oo oo sida caadadu u aheyd inuu kula sheekeeysto qolkeeda ama sariirteeda dushiisa,waxeyna ku tidhi macaane ii waran nafta kawaran galabta,wuxuu ku yidhi waan kuu cafimaad qabaa gacaliso ee adigu ii waran,waxee ugu jawaabtey aniguna waa kuu cafimaad qabaa ee maxaa ku dhacey galabta wajigaaga sibaad uyara murgeesantahee,waxba macaan waan caadi ayuu uguy jawaabey,iyada oo hadalka kudureysa ayee waxee tidhi,miyaa maseyrtey macaan maseyr laguguma ogeyne,maya maan maseerin macaan ee waa daalanahey oo shaqadii ayaan kusoodaaley mida kale maxaan kamaseyraa anoo shaki kaa qaadaya miyaa aragtey wali,waxee ugu jawaabtey maya gacaliye maan rag oo adiga ayaan dhakiga igala dagaalami jirey,gacaliso sida caadada ii aheyd waxaan ku qasbanahey inaan markasta aan shaqada kasoobaxayo aan kusoomaro ama aan daal naado ama yaan daalnaanine,wuxuuna weydiiyey imtaxaanki eylaheyd maanta inuu ufududaa iyo inkale,waxey ku tidhi haa wuu ii fududaa waxaan rajenyaa inaan ku baasi doono,wuxuu ugu jawaabey waad kubaaseysaa ee niyada galitaas hadana waan siiyara baxayaa,waxey ku tidhi waayahey gacaliye niyadaadana qeyr u sheeg iyada oo dareynsan inuu wax ku dhaceyn,wuuna soobaxey wuxuuna soo'aadey dhinaca gurigiisa,waxaana niyadiisa kusoodhacey geyrarkaan.
ILEYN DUMAR LAMA AAMINO.
DOOQAAQII HABEYN QURA
DUSHA LAGAM SAAROO
JACEYL LOOMA DANDOORTEE
RUUXII KU AAMINA
DABIN LOOMA QADA OO
NABSI WAA MADAALEE
BARRI KAA DAMBEYSEE
SIDAAN DAMACSANAA
ILEYN DOOQIYO JACEYLKUBA
HADII EY ISDOORTAAN
DABIN WEEYE ARAGOO
ANA DOOXAN CAASHAQA
ISAGAA IIGU DARANOO
MARKUU DAADKA ILA TAGEY
DURBO IIMA REEBINE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Sunday, February 25, 2001 - 02:05 pm
oo uu ugu tusaalo qaatey wax walba filo waayo aduunyada waa harka laba diisa galin oo adoo maanta heystaa kaa ordeysaa adoo maanta heysan wey kusiineysaa,sharmaarke aabihiis ayaa yimid guriga qoyska ayaan maal maalin maal maha kamid,isag oo usocdey in wiilkiisa loogu daro gabadha reerka,
wuxuuna lakulmey ayaan aabaheed haashi,wuuna usoo bandhigey aragtidiisa iyo wax yaabah uu uga damacsanyahey wiilkiisa,duq haashi kama uusan diidin oo waayo waxee ahaayeyn dad inbadan isyaqaan isna dabeecad fahmey,isla markiiba waxa uu uyeerey ayaan oo gabadhiisa aheyd wuxuuna usheegey inuu jecel yahey inuu kudaro wiilka uu dhaley adeer daahir oo ah sharmaarke aabihiis.
wey kayeeshey oo waxey tidhi aabo qofka igu soo dhibtooday waa adiga la'aantaana aduunka ma imaadeyn wax kasta aan damacsanaana inaan joojiyo ayaa ku qasbaanahey aabo iyo waayo hadaan amarkiina diido habaar waalid inaan helayo shaki kuma jiro,duq haashi iyo daahir waxey go'aan ku gaareyn intuusan wiilka laaban inee kumeriyaan sida ugu dhaqsaha badan,ayaan waxaa ku adkaatey sidii ey arintaan ugu bandhigilaheyd anwar,oo waayo waxee kabaqdey inee dhahdo aboowe raali noqo amar iga weyn ayaa yimide,isla markiiba waxee u bandhigtey go'aankii hooyadeed sareedo,oo ey ku tidhi arintaan sidaan anwar ugu sheegi lahaa ayaa igu adag hooyo ee adiga usheeg,maamo sareedo aya tidhi hooyo waxaad dhahdaan iga soodoono waalidkey kadib aabe aye is arkayaan oo usheegaya,ayaan waxey ku tidhi waayahey hooyo macaan,galabnimadii dambe ayaa anwar sidii caadadu aheyd soo abaarey gurigii ayaan waxaa albaabka kafurey shamrmaarke wuxuuna kuyidhi soogodub walaal,waad mahadsantahey ayuu ugu jawaabey wuxuuna salaamey hooyo sareedo sidii caadadu u aheyd horaa looyidhi <ALLOW NIMAAN WAX OGEYN HA CADAABIN>isla markiiba waxa uu abaarey dhanka qolka ayaan wuxuuna lakulmey ayaan bustaha ku hoosjirtey,wuxuuna kuyidhi macaan miyaa xanuunsantahey caawa markaasbey ku tidhi xoogaa madaxa ayaa iyara xanuunaya ee waan ladnahey ee adiga iska waran,anniguna waan kuu cafimaad qabaa
ee maxaa cusub maanta,waxba ma cusbo macaane oo aan aheyn in nin la'igu daro,oo muxuu ahaa wiilka ayuu ku yidhi,waxey tidhi waa kan hooyo lafadhiya hada,wuxuu ku yidhi sow yarkii ma'ahan aad lataagneyd maalintii dhoweyd,haa macaane ayee ugu jawaabtey,oo hooyo aabo miyee ogyihiin arintaan mida kale adigu malguu soo bandhigey,haa waa la'iisoobandhigey oo waxaan ka'odhankaro ayaaba iska yar waana amar aniga iga weyn,adigu miyaa kuraacsantahey mise waad ksaoo horjeedaa,anigu hadii ey go'aan ku gaaraan arintaan hooyo iyo aabo waan ku qasbanahey inaan warkooda qaato oo waayo madoonayo inaan habaar xanbaarsado anwarow,waxeyna ugu dartey hooyo lahadal bal inee isbadalaan ayaa laga yaabaaye,waa yahey ayuu ku yidhi,banaanka ayuu usoobaxey wuxuuna arkey maamada oo kaligeyd fadhida,wiilkii uu katagey,maamada markuu lahadleyna waxa ey kutidhi haa hooyo macaan wiilkaan ayaan kudareynaa adiguna raali noqo,isla markiiba niyadiisa meel ey joogto ayuu garan wuxuuna usoo am baxey dhinaca gurigiisa isla markiiba dhambaal geeraar ah ayuu usoodirey ayaan wuxuuna ku yidhi.
CADHO KAAGA MAAN TAGIN.
KULAMA CELLOOBIN.
WAA JIDKA CAASHAQA.
CEYNKAA IGU WEYRTEE
HAYEESHEE CAWEYSTAGEY
IYO WIDHKAAN CADHADA KUU IDHI
ADIGANA COLAADIYO SIDA LABO CADAAWA
LAMA KALA CAD GOYSTEE
INKASTOO CODKEYGU KUGU YAHEY
CADAAB KULUL,CARABKIYO DAANKIYO
LABADABA IS CELIYOO
WAA CAD IYO ISKUJIIREE
DADKU WEY COLOOBAAN
MARNA WEY IS CISEEYAAN
ADNA CALOOL HAWEYNIYO YAANUN
CIRIQI KULA TAGIN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheikh cabdi sheelaweyne

Sunday, February 25, 2001 - 05:13 pm
to answer the question "xubigii la xumeeyay yaa xaalmarinaaya" . waayahaan lifeka waa iska dhibe laakiin jawaabtu waa "ilaahay" ha isa siinin lifeka. cuz "kulu man calayhaa faanan" everthing on earth will perish bro. keep things in perspective , otherwise you would be chasing the amazing "x" which will never be. i feel your pain , but you have to get up after you stumble. yesterday is a history , tommorow is a mistery and today is ... hope you heal and find a new budding flower peace n love bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Sunday, February 25, 2001 - 06:30 pm
TO:LONG_TIME
Assalaamucalaykum
salaantaas sharafta badankadib,saaxiib xaaladu qabna ayeey ka sii daadagaysaa waxyna marysaa meel xasaasiyad ah,run ahaanti markaan akhriyay sheekadaan meeshi ugu danbaysay ilmo ayaa igu soo istaagtay waxaana ogaaday geedki rag ahaa waligiis inuu saas u soo jabayay oo rag naga horeeyey ay waxbadan qoraxda tidceen,saaxiib meeshaas ka sii wad waxaa sheegaysaa arin murugo lehe,waana kaaga mahdcelinayaa wakhtiga aad na siisay iyo sheekada macaan ee aad noo soo gudbisay waana salaamayaa walaalahy huda and onkod2020
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Monday, February 26, 2001 - 12:28 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
QEYBTII 5AAD.

Anwar waxee kunotey mucjiso arintaan ey ku kacdey Ayaan,oo waayo marnaba kamuusan fileyn waxyaabahan oo kale qoftii naftiisa u hurey oo waqtigiis kulumiyey,inee maanta markuu sugaayey beyrtii uu beeraayey mudada badan mirihiisa kasoobaxa inuu cuno, ey siiso waraabe,wuxuuna niyada iska yidhi alahayow jaceyl dhaqaalo kuxiran iguma ogid,waxuuna niyada iska dhaadhacsiiyey inuusan gabar dambe aaminin ilaa uu gaaro isku filnaansho,go'aamadii uu kufakareyna waxaa kamid ahaa inuu wax barasho ama dibada hanoqoto ama wadanka gudihiisa hanoqotee uu hello,isla markiiba wuxuu tagey wasaarada wax barashada oo odey adeerkiis ahaa kashqeynaayey dad aabihiis kaweyn ah Anwar aabihiis waa uu dhintey alla ha'unaxariistee,,wuxuuna ka codsadey inuu udiro waxbarasho dibada si uu wax usoobarto,waayo Anwar horey ayuu ugu yidhi adeerkiis aan waxbarasho dibada ah aan kuu diro si'aad dadkaaga iyo dalkaagaba aad wax ugu soobarato balse wuu ku gacanseerey oo wuxuu islahaa noqo nin reer leh oo meel loogu hagaago leh, wuuna usheegey adeerkiis inuu damacsanyahey guur maantana uusan usoojeedin
inuu wadanka kadhoofo,balse maanta daruufta ayaa ku kaliftey inuu doorbido rayigii uu adeerkiis kadiidey,horaa loo yidhi<BIYO KAA BADAN IYO DADKAA BADANBA WEY KUHAFIYAAN> waayo wuxuu is yidhi hadii ey isku raacsanyihiin Ayaan iyo reer kooda maxaa isku murgineysaa ilaaheyna wuxuu kabaryey inuu dhibta heesata ugu badalo farxad iyo nolol aaya tiinleh,Anwar adeerkiis waxa uu uga sheekeeyey jaceylkii kaqabsadey AYaan,wuuna ka dhaadhac siisyey waxyaabihii karaacey Ayaan,Anwar adeerkiis aad ayuu ujeclaa oo waayo markii hore asaga ayaa kadiidey hadana wuu kayeeley inuu dhoofiyo waxaana lagu soodarey ardey schoolshipka,laga siiyey europe iyo North America,Anwar markii uu flightkiisa usoo dhawaa ayuu soowacey Ayaan,wuxuuna usheegey inuu ambabaxaayo Canada uuna jecelyahey inuu wax kabarto sababta uu uwaceyna ee aheyd inee is cafiyaan wax xumaan ahna eysan kukala tagin,hadana ey yihiin walaalo isjecel oo aanan kala maarmin wuxuuna usheegey inuu sooxiriirin doono waligiis inta uu aduunka kunool yahey uusanna ilaawi doonin jaceylkii macaana kaas oo uu uladhignaa isaga oo abuurey geyd Camba ah uuna sugaayey markuu dhallo inuu cambahaas macaankiisa cuno,balse uu geydkii uu kunoqdey inuu qalalo jiridiisii dibna uu unusqaamo,wuxuuna kula taliyey ineesan waxba niyada iska dilin oo ey kunoolaato nolol waarta uuna urajeynayo guur barwaaqo leh,ilaahey uu waa fajiyo wadada toosan,kalmadahaasna markuu ku odhanayey isaga oo telefone kula hadlayey wuu ilmeenayey xasuus owgeed waayo horaa looyidhi<WAXAADAN FILEYN FILLO> Anwar markii uu ladardaarmey Ayaan waxaad uyimid adeerkiis si'uu ugu kaxeeyo airportka weyna isa sooraaceyn isaga oo lasocda saaxiibkiisa qaaliga ahaa Anwar ee markii hore kula taliyey inuusan kunacin Ayaan xanuun uuna usamro isagana lama filaan kunotey arintaan dhacdey ee mucjisada ah,waxeyna yimaadeyn airportka magaalada madaxda soomaaliya ee Mogadisho,si'uu usooraacey ardeydii isaga lamid ahaa ee lasiiyey schoolshipka,wuxuuna flightka ku qornaa 12:30am ee habeyn nimo wuxuuna kumacsalaameeyey airportka adeerkiis iyo saxiibkiisa qaaliga ah,waxeyna diyaaradu transet ku aheyd dalka Holland ee caasimadiisa Amsterdam.
Anwar ardeydii diyaarada lasaarneyd waxee ahaa yeyn dhalinyaro soomaali ah oo markaas wajiyadooda kucusbaa,waxaa kaloo diyaarada saarnaa dadkale oo iskujirey ajnabi iyo soomali markaas wadanka kadhoofeysey oo ukala socdey Canada iyo dalka Holland, diyaarada ey sooraaceyna waxaa laga lahaa dalka Holland shirkada KLM kursiga uu ku fadhiyey ayaa labada kursi ee dhinaca daaqada kaxigey ayaa waxaa fadhayey labo gabdhood oo soomali ah mid kamid ah gabdhahaas waxey usocotey dalka Holland oo waxey aheyd gabdhihii schoolship lasiiyey gabadha kalena waxey kusocotey dalka Canada,Anwar waxa uu lasoobaxey joornaal kujirey kursiga kahoreeyey dhabarkiisa si'uu waqtiga uu iskaga lumiyey uusan udareymin fakar iyo walbahaar isaga oo ula'dan lahaa inaan laga dareemin murugada wajigiisa kamuuqata,markii ey diyaarada sii mareesey meel dhexe ayaa waxaa bilaabatey in shaqaalaha ama gabdhihii kashaqeynayey diyaarada ey dadka cuntada ugey geyyaan gabadh gabdhaha shaqaalaha kamid ah ayaa weydiisey waxa uu cunayo wuxuu weydiistey biyo cad weyna ukeyntey gabdhihii kale ee ag fadhiyeyna waxey dalbadeyn cunto fudud,in cabaar ah markii ey kasoowareegety eyna sheekesanayaa labadii gabdhood ee diyaarada kuwada kulmey waxeyna uwada sheekeesanayeyn si soomaalinimo ah oo waayo diyaarada ayaa iskugu horeyseyba meel ey kuwada kulmaan,in door ah markii ey diyaaradu socotey ayaa darawalkii diyaarada wadey usheegey inee suumanka xirtaan eyna diyaarada usoojirto 50ml Airportka caalamiga ah ee dalka Holland,gabar kamid ah labadiii gabdhood ee soomaalida ahaa oo usocotey dalka Holland ayaa lahadashey Anwar oo tidhi,walaal ma somaali ayaa tahey,wuxuuna ugu jawaabey haa walaal soomaali ayaan ahey sida aad ii jeedo,waxeyna weydiisey magaciisa,wuxuu ku yidhi Anwar walaal adiguna ayuu isla markiiba weydiiyey walaal,
waxey ku tidhi Amaal gabadhana waxaa layidhaahdaa
Leyla,wuxuu ku yidhi barasho wanaagsan walaalayaal
barasho wanaagsan ayee kutidhi,waxeyna weydiisey inuu kamid yahey ardeyda diyaarada saaran iyo inkale wuxuu kuyidhi haa walaal ardeyda ayaan kamid ahey waxey kutidhi aniguna sidoo kale ardeyda ayaan kamdi ahey oo waxaan kaheley schoolship wadanka Holland adigu xageebaad usocotaa ma holland mise Canada,anigana Canada ayaan usocdaa walaal,ayuu ugu jawaabey,waxeyna diyaaradii soo cago dhigatey daqiiqado kadib garoonka airportka ee Amsterdam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Monday, February 26, 2001 - 02:07 pm
waxeyna diyaarada fadhidey garoonka mudo afarsaac ah si ey ugu nastaan dadka rakaabka ah ee diyaarada saarnaa, qaarna ey uga harilahaayeyn magaalada Amesterdam,waxaana airportka ey kasiiraacayeyn dadka qaarkii diyaarad kale oo geyn laheyd magaalada caasimada ah ee dalka canada ee Ottawa,Amaal iyo dhalinyaro kale oo soomali ah iyo dad xamuulka diyaarada sidey kamid ahaa ayaa kuharey dalka Holland qaarkale uu kujirey Anwar iyo Leyla iyo dadkale oo kasooraacey dalka Holland waxey sooraceyn diyaaradii kale ee lagu wareejiyey ee geyn laheyd dalka Canada,Anwar iyo Amaalna waxey isku macsalaameeyeyn Airportka Amesterdam.
markii sookoreyn diyaaradii kale Anwar iyo Leylo isku boosmeysan fariisan,Anwarna waxa uu lafariistey wiil soomaliyed iyo gabar cadaan aheyd oo kamid ahaayeyn dadkii kasoraacey diyaarada dalka Holland,Leylana waxey lafariisatey labo gabdhood oo cadaan ah,markii diyaarada hawada sare gashey ayaa hadana gabdhihi diyaarada ka shaqeynayey ey bilaabeyn iney dadka ugey'yaan raashin,sidoo kale Anwar waxa uu dalbadey biyihii uu markii hore dalbadey,wiilkii kalena wxuu dalbadey raashin fudud isagana,waxaana dhexmartey sheekadan Anwar iyo wiilkii kale,Anwar wuxuu ku yidhi walaal ii waran wuxuuna ugu jawaabey qeyr walaal ee adigu iska waran,Anwar waan ficnahey ma Canada ayaa usocotey walaal?,haa walaal adiguna?,Anwar aniguna sidookale Canada ayaan usocdey magacaa walaal,daa'uud walaal adiguna magacaa,aniguna Anwar ayaa la'iyidhaah,Daa'uud oo walaal ma horey ayaa ujoogijirtey Canada mise waxaa kamid tahey ardeyda diyaarada saaran?,Anwar maya walaal horey uma joogijirin ee waxaan kamid ahey ardey wax barashada usocota ee ma adiga ayaa dagan Canada miyaa?Daa'uud haa walaal Canada ayaan daganahey in mudo ah ayaan daganaa waxaan iminka ka'imid dalka Holland aniga iyo gabadhan cadaanka ah waana xaaskeyga,Anwar oo walaal ma muslimad baa gabadhu?Daa'uud maya walaal waa gabar gaalo ah,Anwar oo walaal adigoo gabar muslimad ah oo walaashaa oo kale ah ujeeda ma cadaanka ayaa kadoorbidey adoon iga xumaanin?Daa'uud walaal waa runtaa oo mahabooni in aad gabar ajnabi ah aad guursato adigoo muslim ah balse daruufo awgeed ayaa igu kaliftey inaan guursado gabadh ajnabiga ah balse waxaan kugula talinayaa hadaad rabto inaad guursato gabadh soomaliyed inaadan ku dagdagin,Anwar walaal ma dhib ayaa kaa soo qabsadey gabdhaha soomaaliyed?Daa'uud walaal ma dhihi karo waa wada xunyihiin gabdhaheyna soomaliyed kuwa xunna waa kujiraan kuwa fiic fiicanna wey kujiraan lakiin waxee ubaahantahey kafiirsasho iyo waqti,Anwar walaal ma gabadh soomaaliyed ayaa kusoo xumeysey?Daa'uud walaal haa
taas ayaa igu kaliftey inaan maanta gabadh ajnabi ah aan guursado,Anwar walaal aniguba waan kula qabaa jabka ee kaligaa ma'ahan inkastoo hadana loo baahanyahey samir mahabooneyn inaad ku dag dagto gabadh cadaan ah mar unbaa helilaheyd gabadh tii hore kafiican oo niyadaada dajisa waxaadna ogaata inuu dulqaadku sidiisaba uu yahey furaha kaliya ee lagu xalinkaro dhibkasta ee kusoomarta,Daa'uud waa runtaa walaal oo waxkasta oo kusoomara waxaa loobaahanyahey dulqaad waana qofba siduu ufakaro iyo daganaanshihiisa mana umaleynayo qof soomali ah tan isoomartey inee soomari doonto waxaanse rajeynayaa dhalinta jaceylka ubukta inee waqtiga ku xisaabtamaan,Anwar waa runtaa walaal waqtiga waa fursad qaali ah ubaahan in laga faa'iideysto
aniga xitaa waa kula qabaa awal majecleyn inaan wadankeygii hooyo aan kasoo dhoofo balse waxa igu kalifey inaan soo dhoofo waa hagar daamo jaceyl oo la'iigeystey hadeyrtaana waxaan jeclahey inaan heli doono tii dhibkaan ii geysatey mid kawanaagsan 100% taas oo aan isku dhaqan iyo isku af iyo iskudiinba aan nahey,Daa'uud walaal ilaahey riyadaada iyo waxa aad jeceshahey hakuu sahlo waxaana waa wax xag ilaahey kaqornaa in qof walba uu kudhacdo dhibaato taas uu isaga lugihiisa uu kukeynsado ma'ahee ee sikale ugu imaan,Anwar walaal waa runtaa taasi qofka waxa uu isaga isku keyno ma'ahee dhibkale uma timaado,lakiin waxaad ogaataa in qofka markii hore uusan islaheyn waxaan dhib ayaa kaaga imaneysa waayo haduu ogyahey in waxaan ey dhibi uga imaneyso muusan galeyn waana wax xag rabbi ka qornaa arimahaas oodhan qof walbana ey utahey taariiq noloshiisa sootaabatey
iyo baal madow oo soomarey taariiqdiisa una baahan in laga gudbo taariiqdaas madow loona gudbo baalka cad oo nadiif ah,Daa'uud waa lama huraanka nolosha in loobaahanyahey baal cad si looga gudbo taariiqdii madoobeyd ee soomartey qof walba oo wax jecel waxaanse rajenynayaa in murug kasta ey udambeyn doonto farxad iyo guul wuxuuna tusaale ahaan usooqaatey heys uu lahaa abdiqaadir juba oo aheyd"HADII UU LUG GO'AY BARRI LIB GUDOONSEY IYO GUUL WUXUU LAGAC KASIIYAA LAAF YAHA LAAF YAHA XARAGA WATEE" sheeko dheer kadib markii xasuusti gubatey ee labadoodaba soomartey ee kawada sheekeesteyn waxaa indhahooda soo wada buuxisey ilmo oo kasoodaatey baalkii madoobaa ee soomareyn xasuustii ey soo xasuusteyn,waxeyna diyaarada usoosocotey hawada udhaxeysa Amesterdam iyo Ottawa mudo 8 saacadood ah,Daa'uud waxa uu usoogudbaayey magaalo madaxda labaad ee Canada uu daganaa isaga iyo xaaskiisa,wuxuuna barey Anwar xaaskiisa,diyaarada markii ey hadana 50ml usoo jirtey airporta Ottawa waxey rakaabkii saarna usheegtey inee suumanka xirtaan diyaarada xiligii ey dagilaheydna lagaarey,waxeyna diyaaradii ku cago dhigatey si nabad galyo ah iyada iyo rakaabkii saarnaa,Leylo oo aheyd gabadhii markii hore lafadhidey kursiga markii mogadisho ey kasoo baxayeyn ayaa waxey fadhidey diyaarada kuraasteyda hore waxaana hoolka diyaarada lagu sugo kusugaayey aabahed oo ahaa ninkii soo dhoofiyey iyo wiil walaalkeed ah,Leylo aabaheed iyo walaalkeedna waxey daganyihiin caasimada Canada ee Ottawa,ardeydii waxbarashada usocoteyna intii Ameserdam ku hartey ma'ahane intii kale waxaa banaanka kusugaayey heeyada wax barashada ee canada ee markii hore soo siisey wax barashada dibada ah,Leylo waa ey kasoo hor dagtey diyaarada isla markiiba waxa ey aragtey aabaheed iyo walaalked weyna ku boodey waxaana isku dambeeyey mudo dhowrsano ah aabaheed wiilkana inteysan soobixin wax kahor ayuu kasootagey,waxeyna ka codsadey aabaheed inuu wax yar sugo intuu kasoo dagaayo diyaarada Anwar,daqiiado kadib waxaana kasoodagey diyaarada Anwar,wuxuuna istaagey meel gees ah oo ey wada istaagayeyn ardey markaas diyaarada saarneyd,waxeyna utimid awanr oo waxee ka codsatey inuu raaco,wuxuuna ku yidhi abayo waad mahadsantahey ardeydaas waxee qabaan ayaa laqabayaa,Leylo alow iyo ilow inuu raaco ayee ka codsatey,wuxuuna weydiiyey waxa ey isku yihiin ninka sugaya iyo wiilka,waxey ku tidhi waa walaalkey iyo aabahey oo wadanka ikeeney,isla markiiba waxaa uyimid aabaheed oo magaciisa ladhaho Muumin wuxuuna ku magac dheeraa Muumin Taajir,wuuna salaamey oo kuyidhi adeer iska waran.
waan fiicnahey ayuu ugu jawaabey,magacaa adeer ayuu weydiiyey,wuxuu ku yidhi adeer Anwar ayaa la'idhahaa wuxuuna ku yidhi anigana Muumin ayaa la'idhaa waxaana ku magac dheerahey Muumin Taajir.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Monday, February 26, 2001 - 03:22 pm
ASALAAMU/CALEYKUM.
TO:SALMAAN.

walaal waan ku salamey waxaan kugu salaamey salaanta kor kuxusan ee islaamka ah,waana kuu cafimaad qabaa adna waxaa kuu rajeynayaa qeyr iyo badhaadhe,waxaan sugnaa waa sheekada halkee ku dhamaato,maxaa ku dhacey walaashey huda maal mahan maan arkinee iyadana waxaan urajeynayaa qqeyr iyo cafimaad qab,dabcan inee cafimaad qabto ayaa filayaa waadna mahadsantahey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Monday, February 26, 2001 - 09:51 pm
TO:LONG_TIME
Assalaamucalaykum
saaxiib salaantaas sharafta badan kadib waxaan kuu rajaynayaa inaad wanaag ku noolaato goorwalba aad ayaadna ugu mahadsantahay sida joogtada ah ee aad noogu soo gudbinayso sheekooyinkaan heerka sare ah walaal waan sugaynaa meesha ay ku danbayso sheekadaan muragada badan,waxaan u malaynayaa walaasheen HUDA inay mashquushay oo ay busy tahay waxaana u rajaynayaa nolol farxad badan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONKOD2020

Tuesday, February 27, 2001 - 07:55 am
Long-Time & Salaam & Huda,

Salaama caleykum walaalayaal. Long Time aad ayaad walaal kaaga mahdinayaa waqtigaada qaaliga ah ee aad sheekadan inoogu soo gudbisay. Meelo badan sheekadan waxa ay u eg tahay mida igu dhacday mid la mid ah. Maadaama aan gabadhii i xumeesay aan cafiyay maantana la jeclahay in ay hesho wiil dhaqdaa ana Alxamdulilaahi rajadeeda guurka aan la wada gabadh iyada 100% ka wanaagsan oo aan is leeyahay midani mid ka wanaagsan in aysanba adduunka ku noleen amaba aan la abuurin weli maadaama dabcigeeda, xishoodkeeda, asluubteeda, caqligeeda, iyo quruxdeedaba gabadh isku wadataa aan horey u arkin. Taasi aayaa iga keentay inaan idhaahdo waa gabadh 100% aniga igala wanaagsan mida i xumeesay oo aan runtii niyad jaceel u hayay. Sabraa sadleh, taasi ayaa i rumowday. ALXAMDULILAAHI. Sheekadan gaaban waxa aan u soo hadal qaatay waa inaad mar walbaa Ilaahigii ku abuurtay aad ku aamintaa naftaada oo wixii aad calaf u leedahay inaad heli doonto haddii aad sabirka badsataan.

Long Time, Salmaan iyo walaasheen Huda meesha inooga sii wada shekooyinka iyo talada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bulsho doon

Tuesday, February 27, 2001 - 09:05 am
kuligiin waad salaamantihiin

to long time
saaxib sheekadada aad iyo aad ayaan u la dhacay,hadii ay noqoto murugo,qosol,farxad ama suugan intaba.intaan
sheeko and fan ka aqrinay internetka, waligay taadoo kale ma arag.sidaa daraaded ayaan waxaan ku dhihi lahoo,
lugahaada hoos madaxaadana kor& mahadsanid

nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Wednesday, February 28, 2001 - 01:34 pm
wuxuuna kasoo kaxeeyey airportka isaga iyo kabadhiisii Leyla oo markii hore tidhi ilow iyo ilow waa inaad naraacdaa anwarow wuuna ka aqbaley wuuna soo raacey,Leylo aabaheed wuxuu ahaa dhaqtar wax kadhiga jaamacada ottawa univetsity walaalkeedna wuxuu ahaa ardey isagana dhigta jaamacada naftirkeeda,Leylo aabaheed wuxuu ahaa mid aad ucaaiya dhalinyarada wax barashada jecel oo waayo sababta uu gabashiisa ukeeney ayaa ah inee wax kabarato qurbaha hadhowna ee noqoto mid reerkeeda iyo dadkeeda iyo dalkeedaba ancfacda.
anwar isla markiiba isaga iyo leyla waxaa lageeyey jaamacada uu wax kadhigo muumin,waxaana qol laga siiyey guri uu daganaa muumin,maal maal maha kamdi ahaa ayaa leyla ugu soogashey anwar oo qolkiisa kujira waxeena aheed leylo qof aad ula dhacdey habdhaqanka uu udhaqmo anwar,iyo daganaan shihiisa asluubta lagu daahey ee ilaahey kumaneystey waxeyna ku tidhi anwar aboowe mad fadhiga soo fariisatid maxaa kaligaa qolka cidlada ah kugu kalifey inaad dhex fariisatid,abaayo waxba iguma dhicin ee buugaagtan ayaa yara aqrisanaayey,waxeyna ku tidh hadaan qolka fadhiga aan fariisano maxaa kaqabtaa aboowe,wuuna ka aqbaley oo wuu lasoofariisatey,waxeyna ku tidhi anwarow markii diyarada lasaarnaa aniga iyo amaal nalamaadan hadlin sidii qof ajnabi ah oo kale ayaa naga aamusneyd anagana waan sheekeesaneeney,magaraneyn wax kugu dhacey runtii,
markii dambbane amaal ayaa kula hadashey,wiilashada soo maaliyed lagu aqoon hadii ey lafariistaan gabdho walaalahood ah inee ka'aamusaan oo waliba soomaali ah'runtiina aad baa iiga cajabisey aniga,anwar abayo macaan waa runtaa
oo waa idinka aamusnaa xumaan aan idinkga aamusnaa na majirin ee idinka ayaan islaha haka qash qashaadin sheekada gabdhaha,leylo oo ma waxee kaa aheyd walaal xuhsmad aad naxushmeyneyso,anwar haa walaal ee xumaan igama aheyn,anwar oo walaal wiilasha soomaalieyd waxeeba ahaayen hadii ey gabadh jaanis ku helaan inee lahad laan ayaaba jirtee miyad kaduwantahey adiga wiilasha soomaaliyed,anwar maya walaal kama duwani ee lamid baan ahey diin iyo soomaalinimo balse waxaa ogaataa in ilaahey dadka wada simin,leylo waad mahadsantahey aboowe hadaad naxuhsmeeneesay anigana waxaan islaheyn wiilka muxuu noola hadliwaayey,anwar walaal adaa mudan waadna ku mahadsantahey sida wacan ee aad isoodhaweysey,leylo aboowe waa la'isku leeyahey aboowe in wax la'istaro iyo in wax la'isku sheego inataba,anwar aabahaa ma wax badan ayuu daganaa wadankan canada,leylo haa aboowe oo wuxuu daganyahey 28 sano,anwar oo hada abaayo ma waxbarasho ayaa utimid wadanka oo uu kuu keeneey
leyo haa aboowe wax barsho ayuu iikeeney oo sida aad aragto waa anigan aan kula dhiganayo jaamacada
anwar oo waxbarasho un inaad hesho miyaa uga soo carartey wadankii hooyo abaayo,leylo maya walaal arimo kalena waa uga soocararey balse awalba go'aan keegu wuxuu ahaa inaan wadanka aan kasoo baxo waxaana hadana igu siikalifey in aan sii joogin dhibaato iqabsatey owgeed,anwar oo waa maxey dhibaatadaas abaayo ma family baa mise waa midkale inkastoo ey qalad igu tahey inaan kuweydiiyo anigoon kaa codsan,leylo aboowe waxba habaqin waan isku leenahey inaan rayigeyna aan is dhaafsano dhibna malahan wax walba waad iweydiinkartaa,anwar waad mahadsantahey abaayo m hagardaamo jaceylbaa marka,leylo haa walaal wiil soomaaliyed ayaa isoo xumeeyey hadana marabo inaan xumeeyo wiilasha soomaaliyed oo waayo mar un baa helayaa kaan nolosha lawadaagi lahaa,anwar abayo aniguba waan kula qaba jabkaas waxa halkaan ikeeneyna waa hagaraamo iyo dhaawac jaceyl ee la'iigeystey waxaana rajeynayaa qeyr inaan ku dambeyn doono markaan waxbarashadeyda aan dhameysto,leylo hadii aad hesho mid tii hore kaaga fiican ma aamineysaa walaal mise waxbarashadaada ayaan sii wadaneysaa,anwar abayo macaan markasta wey fiicantahey in la'is aamino aaminad la'aantana waa dhey aad uxun qofkii ku dhaqmaana uusan waligiis faa'iideyn dabcan waan ku kalsoonaanaya hadaan hello mid aan kafursan waayo oo iqancisa xag diin iyo xaq kaleba,marki ee sheekada halkaas umareysey ayaa waxaa soo galey guriga aabo muumin
iyo walaalkeed,wuuna salaamey wuxuuna ugudbey leylo aabaheyd qolkiis wiilkiina wuxuu lasoo fariistey anwar iyo leylo waayo wuxuu ahaa wiil iska fur furan jecelna inuu dadka dhexgalo waxna ka faa'iideysto,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONKOD2020

Friday, March 02, 2001 - 04:35 am
LONG TIME:

Salaama caleykum walaal. Sheekadani waa sheeko runtii aad u macaan horeyna uma uguma aan aqrisan internetka mid la mid ah. Halkaada inooga wad adigoo aad ugu mahadsan waqtigaada qaaliga ah ee kaaga lumay sheekadan. Su'aal ayaan ku hayaa marka aad sheekada inoo dhameeso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONKOD2020

Friday, March 02, 2001 - 07:09 am
WAA IGA TALO:

In kastoo ay qalad iyo gaf tahay in gabadhna ay tiraahdo wiilashoo dhan waa ay xun yihiin mise wiilna eedeeyo gabdhahoo oo idil hadana waxaa lama hilmaamaan ah xanuunka ku dhaco inan mise inan la qiyaameeyay. Waxaana xanuunkaasi dareesan ogna dadka dhibtaasi loo geestay. Dadka kale ee uun sheekooyinka maqlay waa ay la fududahay in ay yidhaahdaan wiilasho ama gabdhaha oo idil mawada xumee ee mida mise midka ku xumeeyay ha burburin nolashaada inteeda kale. Taasina waa mid xaqiiqa ah. Raga iyo gabdhaha dhibta gaadhayna ma ahan dad wada niyad adag oo dadka qaadhkiis waxa ay arkaan uun xanuunka haya ee ma ee gaan arimaha kale. Marka, taledeedu waa, si walbaa oo laguu xumeeyay iyo dhib walbaa oo laguu geestay marna jamac haka wada dhigin umada oo qof walbaa qaladkiisa ayuu leeyahay ee si aad nolol farxad leh ugu noolaataa, albaabada niyadaada waa inay furnaadaan oo aad lumin jaaniska fiican ee beri ku soo mari kara.

Waa idin salaamay walaalahay halkan fikradaha aan isku dhaafsano sida walaaltinimada ku jirto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaand

Saturday, March 03, 2001 - 07:52 am
Assalaamucalaykum
to;long time
akhyaarta dhamaan waad salaamantihiin,waxaan filayaa ayaamahaan akhyaarti way mashquushay,anigu waxaanba waayay firaaqo aan ku soo booqdo beejki afartaan bari waxaan ahaa busy kii ugudarnaa,sababta oo ah waxaan ka daba wareegayay howlihi xajka laakiin nasiib xumo way ii suuroobi wayday,maanta laga bilaabo waxaan haysataa jaanis wakhtigi shaqadana 5saac ayaan iska dhimay,akhyaarta yaan beejka la cidlayan
long time huda&onkod salaama
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Saturday, March 03, 2001 - 12:57 pm
asalaamu calaykum dhamaan walaalayaal
waan idinsalaamayaa waxaan idinka codsanayaain laiga raali ahaado waayo ayaantaan waan iska xanuunsaday hargab xun baa igu dhacay oo aaan lasakaraaday hada waan roonahay marka sidaasaa la ii waaayay insha alaah waan is maqlaynaa siduu aboowe salmaan sheegay yaan la cidlayn qolka macsalaama walaalayaaal waad mahadsantihiiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ONKOD2020

Saturday, March 03, 2001 - 08:52 pm
Ciid Wanaagsan saaxiibayaal. Huda, walaal Ilaah caafimaad ha ku siiyo. Walaalahay kale ee Long Time iyo Salmaan halkeedii sheekada inooga sii wada. Mar labaad iyo CIID WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Sunday, March 04, 2001 - 07:11 pm
CIID MUBAARAK
Dhamaan walaalahyga soomaaliyeed waxaan usoo gudbinayaa tahniyad iyo bogaadin ku aadan maalintan barakaysan ee ciidul-adxa,waxaana ilaahay ka rajaynayaa inuu aqbalo camaladeena wanaagsan noona dhaafo xumaheena,BAARAKAT CIIDUKUM,waxaan ilaahay waydiisanayaa inuu wadankeeni nabad nooga dhigo isuna soo dumo qalbiyada walaalaha ku diriraya garansiiyana maslaxadooda iyo tan wadanka naguna gaarsiiyo ciidaan ciideeda wanaag iyo baraare,ciid wanaagsan ku ciida dhamaan akhyaarta isugu timi beejkaan,huda caafimaad wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa walaalo,long-time wakhti wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa,onkod ciid wanaagsan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LONG-TIME

Monday, March 05, 2001 - 11:28 am
ASALAAMU/CALEYKUM
TO:WALAALADEY.

waan idin salamey walaalayaal waxaan idinku salaamey salaantra islaamka ee kor kuxuxsan salaan kadib waxaan idin leeyahey ciid wanaagsan onkod huda salmaan,huda walaal waxaan kuu rajeynayaa cafimaad suuban inuu ilaahey kuugu badalo hargabta
waligaana aad kunoolaato niyad qeyr qabta.
walaalayaal sheekadii waxa ee kudambeyneysaa inee isku guursadaan Leylo iyo Anwar aaqirna eyna noqdaan labo qof oo wahel isku ah,maantana waxey dagan yihiin dalka canada ee ottawa,waxaana leenahey kuwuu isku waara ilaahey haka dhigo.
onkod waxaan kaa sugnaa waa sheekadaadii iyo huda oo noosoo gudbisa sheekadii boog jaceyl,waadna mahadsan tihiin walaalayaal cafimaad qeyr qaba ayaan idiin rajeynayaa bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huda

Monday, March 05, 2001 - 05:58 pm
to dhamaan walaalahay
aan isku baray shaashada long time salmaan onkod waxaan idin leeyahay ciiid wanaagsan meel kasta oo aad joogtaan dhamaantiin waadna mahadsantihiin sida aad iigu ducayseen inshalaah waan idiin soo gudbin doonaa sheekadii aan idiin sheegay in kasta o hada imtixaano ay iisocdaan oo waqtigaygu xun yahay hadan inshalaah wan iskudayi in aan idiinsoo gudbiyo marlabaad ciid wanaagsan walaalahayga qaaliga ah isma dhaafno macsalaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salmaan

Wednesday, March 07, 2001 - 09:49 pm
CIID BARAKAYSAN
ASSALAAMUCALAYKUM
walaalayaal waan idn salaamay,ayaamahaan waxaad moodaa in mashquul iyo ciid isu kaaya raacday oo aan beejki cidlaynay,onkod bro hadi aad jaanis heshid waxaan kaa sugaynaa sheekadi,huda sis waxba ha isdhibin markuu imtixaanku kuu dhamaado noo soo gudbi sheekadi,waxaan sugnaaba waa sheekadiini
mahadsanidin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.