site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ILA TALYA OO MA ISAGA TAGAA QOFTAAN MISE??????CLICK HERE

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : ILA TALYA OO MA ISAGA TAGAA QOFTAAN MISE??????CLICK HERE
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSAL_NAAJI

Saturday, February 17, 2001 - 10:34 am
My Name Is Faysal_Naaji
c/o mpls
Aslaamu aLaykum dhamaan waxaan halkaan idiin kusoo gubinayaa qayb ka mid ah calaacalkayga oo aan rabo inaad wax igala qabataan wixii talo iyo tusaale ah
Waxaa xiriir kalgacaltooyo oo ku dhisan jacayl na dhex maray gabar u dhalatay dalka Jarmany ka dib markii ay ii shegaty inaysan la ,aatay noolaan karin oo haddii aan diido ay is dilayso, reer koodana ma doonayaan inaan xiriir yeelano so that taas waxay igu noqotay caqabad xun marka waxaan u baahanahay inaad igala talissan waxa ila gudboon oo aan samay lahaa
hava good day"""""""""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saamiya

Monday, February 19, 2001 - 03:19 am
To faysal naaji
walal waad mahadsantahay sida aad talo u doonayso
qof ku jacel hawga dhaqaaqin cidlo gaal ioy islaamba
maxay reerkooda ku gu diray haday gaba dhu ku
jace shahy ku dadaal in aad reerkooda qanciso
waxay diidayaan aad ogaato laakiin ha ka tagin
wax ku jacel ama aad jaceshahay saba laan
waxan kuu rajaynayaa nolol wacan iyo jacay
midho dhala bye bye faysal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA

Monday, February 19, 2001 - 04:47 am
walaal walaalkey waxuu guursaday gabar finland u dhalatay oo aabaheed aad ugu diidanaa ilaa iyo hadda way wadda nool yihiin isna sidii ay uu u diidan yahay guurkooda alle waxuu ugu deeqay saddex ciyaal ah. haddaba ugu horeeyn haddey diyaar u tahay in ay muslinto oo ay is asturto sina ha uga dhaqaaqin cidlo haddii ay kaa diido hawada raaci waayo caruur waa hooyadood.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAYSALNAAJI

Monday, February 19, 2001 - 12:43 pm
To;saamiya.
walaal waad ku mahadsantahey sida wacan ee aad iigu soojawaabtey iyo rayigaaga qiimaha iyo qaayaha leh ee sharafta mudan.
walaal sida aan kugu sheegey qoftaan aan isjecelnahey waxa na dhexyaala waa mushkilad qoyskooda ah ee ma'ahan wax aniga iyo iyada na dhexyaala weyna iga aqbashey hadii reerkooda raali ey kanoqdaan ey muslimidoonto.
balse waxee dhibaato kataagantahey sidii looqincinlahaa qoyska ey kadhalatey oo ah gernmany
ama wadanka germany waxeyna kunoolyihiin sidaan horey kuugu sheegey magaalada aan daganahey.
hadii aan lafakan lahaana waxa iqabanaya waa sharciga mareykan waayo waxaan ahey ninmadow.
waayo dadka germany ah waxee aaminsan yihiin madowga uu yahey daanyeero.marka horaa loogu maah maahey<NO WAY TO RUN NO WAY TO GO>
meel la'aado malahan meel loo ciirsado malahan jaceyl ajnabina waa iigu darsadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 19, 2001 - 05:43 pm
aboowe jecayl waa heli kartaa marwalba laakiin dignity waligaa ma helaysid. ee kadaba har gabar ku rabta ma waayeeysid.ee qabkaaga u nax racistyaashas yaysan ku dilin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saamiya

Tuesday, February 20, 2001 - 01:13 am
to faysal naaji.


walaal faysal waad mahadsantahay sidaa aad ii gu.

soo jawaabtay waana ka xumahay xaalkaaga sida uu.

u xunyahay ilaah haku caawiyo adna dadaal bro.

tanlabaad walaal miayna ogolaay hadayku ku jacesha.

hay fakasho aad isla og tahiin. walaal xaakaagu waa

labo talo tee ii roon ,hadayku ogolaato waxaad ogaataa in aadan madaw ahay ama daanyeer toona.

jacaylka qof ku raba ma laha cadaan ama madaw

naatona ku qaban mayso ayadaan gabar jarmali isku

haysa besteemaha ee wax ha kaa ogolaato bro

waxaan kaaga tagayaa in ilaah kuu fudu deeyo waxa.

aad jacesha hay khayrna kuu gu jiro sidaa iyo

maqal danber oo wacan bye bye bro faysal naaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal_naaji

Tuesday, February 20, 2001 - 03:25 pm
TO SAAMIYA
Walaal saamiya aad baan kuugu mahad calenayaa adiga iyo gabdha kale ee aadka iila soo taliyay
waxaana mar walba ku soo toosaa taladiina taasoo aan filaayo inay wax wayn ka badeli doonto fikradayda aan awalqabay waxaan maqli jiray cagliga adiga kaa maqan walaalkaa ama walaashaa ayaa laga helaa,laakiin waxaan ilaa iyo hada dhibaatad aan ka baqayaa ay tahay gabadha oo habeen kasta iigu timaada guriga oo igu oysa iyadoo oranays ma inaad i nacdid baad doonaysaa mise inaad iga dhuumatid waayo mar walba oo aan kuu imaado waad fakaraysaa aboowe ha i nicin aniga waan ku jaclahay jacaylkaagana waxaan uga tagi rabaa waxbarashadayda wax kale kama fakaro markaan schoolka joogo,la aantaa ma noolaan karo,aniga laftayda waxaa ka baqaa inaan uga tago colege ka
waxaan u baahanahay talo macquul ah
oo u baahan in laga fakaro sidaan u fakirayay waa dhamaaday,ee waxaa idinka sugaaya waxaad igula talisaa idinka oo fiirinaaya hadaladayda meesha uu ku socdo
have good night sis and bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal_naaji

Tuesday, February 20, 2001 - 03:32 pm
hey.faiso
arintaan oo kale walaakaa ayay ku dhacday laakiin guul ayuu ka gaaray
midaan waa ka duwana tahay xaaladeeda waa barka maleh waxaan u malaynayaa inaan ka tagi doono
waayo dhowr sano ayaa jacyl baaxad leh naga dhexeeyay lakiin waxaan u malynayaa ianay i haysato "no where to go" and no where to run" and no where to rest
aad baad u mahadsantihiin wiilal iyo gabdho"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saamiya

Wednesday, February 21, 2001 - 01:02 am
To faysl naaji.

walaal waan ku salaamay marka hore marka labaad

ma u sheegtay in aad ka wada tagtaan wadanka.

maadaama aan xalkaler jirin dhibka reerkooda.

awgeed gabadha mise waxaad ka baqaysaa in ay reer.

kooda u sheegto oo aad dhib kala kulantid,

ha fakarin hadaad tahay dhalin yaro,ee labo talo

mid kuu roon raac dhibku ha dhamaado hadaj ku

ku jacesha hay muslimi oo guurso hadii kaler,

ilaah talada saaro oo maskaxdaada ka saar gabadha.

hadayna ogolayn in ay reerkooda qaladka ka qabato

walaal faysal waxaan kuu rajaynayaa marka kasta.

in aad ilaah talo saarato ood raacdo talada ilaah.

raali ka yahay ee toosan hadaad tahay wiil muslin ah.sidaa iyo ku lan daber oo kan kaaga wacan.

ayaan kuu rajaynayaa walaal bye bye waa inoo iyo

kulan daber,,,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal_naaji

Wednesday, February 21, 2001 - 01:59 pm
to.saamiya
walaal saamiya aad baan kuugu qanacsanahay laakiin waxay dhibaatada maanta ihaysa ka bixi lahaa meesha ay iyada iga jaceshahay haday gabar somali ah iga jaclaan lahayn waana mida aan mar walba ka fakaro waayo wax dhibaato ah kalama kulmayn hada waxaa isku hayaa inaan magaalada uga tagao oo aan college ka meel kale u badasho laakiin taas waxaa ka daran marka aan ka dhuunto oo ay iga daba imaato waxaa laga yabaa inay mishin ii dhigto marka xaaldayda somali wayn baan rabaa wiilal iyo gabdho inay u fariistaan maxaa yeelay iyaga ayaa garb ii ah"""""""
have good day
ila taliaya waa iga jajaban tahay""""

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lajecel

Thursday, February 22, 2001 - 04:22 pm
walal feysal naaji waaba yaabe intaad guursaneysaan naag cadaan maxaa idiin diidey walaasheen oo muslimad ah.
waxaa idin haya nabsi aad ka geleysaan gabdhaha somaliyeed meel kasta ha joogeen.
koley naaji waa kula joogtaa gabadh somaliyeed.
miyaan u jeedin guruxdeeda iyo wanaaga hablaheena
waa nasiib daro waad u eegi weydeen gabdhaheedna somaliyeed.intaad gaalo iska yeeleysaan ayaa dantiina ilowdeen macal asaf.
waa maxay xiirka idin ka dheexeyn kara adiga iyo qof gaal ah?
waa maxay wax ay sidato gabadhaa cad oo aan ay sidan mida somaalida?
waa maxay danta aad ka leedahay naagta gaalo?
waxaan filayaa inaad adigu dhimantahay oo ay wax ka si yihiin?
intaad idin ku dab iyo baasiin isku shubtaan ayaad misna calaacal idiin dheeryahay.
xaajada xagee ka qaloocantahay naaji.
haddii aan fiirshey waayahay aduunka,haddii aad nimanka samaaliyaad meel xun ayaad ku dameyneysaan runtii ee inta goori goori tahay dhib isu ceshaa oo hablahaa xaq darada ka daaya.
dhaqankiina u soo laabta.
ileyn diin ayaan wadanaa iyo hal luuqada ah.
marka sidaa ula soco.
salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Feysal_naaji

Sunday, February 25, 2001 - 09:05 am
To Lajecel
Hadaan isku dayo in aan kaaga jawaabo su'aalahaaga
aad iweydiisay sxb ha'isoranin ninkani waxa uu lamaqanyahay hadalkaaga ayuu ka gabaday maya
I was busy for really believe it or not!!
sxb waa runtaa gabar walaasheyna ah in aan ka orodno ma'aha waana guursandoonaa haduu allah yiraahdo that is it. lol laakin mid waad inaad garataa waa hadaad ku noo shahay qurbaha gaarahaan
North America waalawad arkay gabdhihi somalida sida ey isku wada badaleen I mean ninka iyo
naagtiisa hadey isku yara xanaaqan waxeey markiba
ku ordayaan phone ka si ey ugaracaan 911 you know what i am siad!!! marka makula wanaagsantahay nin
ilmahiisa ifka ku nool gaarahaan hal magaalo aana
booqan karin caruurtiisa waa nasiib xumo sxb
laakinse mawada simno hablaha soomaaliyeed waayo
dad wanaagsan ayaalaga helayaa sida Saamiya iyo Faisa... sxb Take Your Time hafaragashanin nin kala wadanayo howlihiisa ma'iisheki kartaa sababta
iidiiday in aan kuursada naag gaal ah I mean nasaara ah waa hadaa diinta waxkaraneyso nacasyahoow Take Care Bro..
To saamiya
waanku salaamay marka hore waadku mahdsantahay talada aad ilatalinjirtay xagee gashay waan ubaahanay taladaada wali Still I am Waiting You!!
LOl lolo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAysAL_NAAJI

Sunday, February 25, 2001 - 11:11 am
to;inta ila talisa????????
dhamaan waad salamantihiin aqayaarta ila talisay
marka xigta waad ku mahadsantihiin ra,yida kala
duwan ee aad ii soo gudbiseen runtii hadii aan
idinka taabto marxaladaha kala duwan aan een soomaray hadba waqtiyada kala duwan yacnii walaalayaal maantay marxaladii ugu xumayd ayaan maanta la kulmay taas ah gabadha reerkooda oo aan maanta ay ii gaysay taasoo ay tiri waan in aan ogaanaa xumynta ay reerkayga kuu xumaynayaan waxa
sababay taasoo mowqifka uu yahay xaga diinta ayaga
uu hadafkoodu yahay in aan diintooda soo gala waa hadii aan rabo in aan la xidido taasoo runtii maanta waxka badashay figradii aan horay qabay amaba igu noqotay lama filaan .
walaalayaal waxaan ubaahanahay inaad si fiican igu kala dhigtaan caqli cilinta ama wacyi cilinta aad
isiinaysaan waana ku mahadsantihin dhamaantiin.
waxaan gaar ahaan wax ka oron lahaa MR;LAJECEL
SAXIIB RUNTII BINI AADANKU ISKU FIGRAD MA AHA
FIGRADAADANA MA XUMA EE MARKAAD QOF FIGRAD AMA AAD U WACYI CELINAYSID LAMA AFLAGAADEEYO SIDA QOF JIRAN OO AAD ITIRI MARKA SAXIIB KUMA QALDANID EE XIGMADAADAA INTAA NOQOTAY WAANA MAHADSANTAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saamiya

Thursday, March 01, 2001 - 01:11 am
To faysal naaji

waxaan kugu salaamay salaanta isalaamka

aslaamu calaykum my bro

tan labaad ii waran naaji xageer ku dan beysey.

arintaadii? wax makuu suura galeen?

miser wali waad qasantahat?

waan helay fariintaadii salaantii waanad ku .

mahadsantahay my bro runtii waxaan xiisaynayaa.

waxa kuu qabsoomay mudadii aan kala maqnayan.

ii soo war waxaad talo ku gaartay ?

sidaa iyo kulan daner oo xiiso laher

bye saamiya

to my bro faysal-naaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 01, 2001 - 03:33 am
SALAAN FAYSAL IYO SAMIYA

SHEEKADADA WAAN AKHRISTAY , MARKA HORE WAAN ARKAY DAD BADAN OO AAN ISKU DAL AHEYN OO HADANA ISLA JOOGA MAARKAA WAXAAN KA ARKAY INAYN DADKA KA WADANKA AH IN AY WAXTI BADAB ISLA JOOGIN TAASI WAA RUN EE WAXAAN ANIGU KUGULA TALIYAY INAAD ADIGA IYO SAMIYA IS RAACDAAN.LOOOOOOOOOL

BYE
P.S KAFTAN WAAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareedo

Thursday, March 01, 2001 - 03:47 am
Haa! adigiyo saamiya waad is doonaysaane is raaca.
WAXAAN MAQLI JIREY REER XAMARKU WAXAY GABDHAHA KU SHUKAANSADAAN HEBLAA II DHIMANAYSA, ilayn waa run!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 01, 2001 - 04:44 am
Nuclear,
To Xareedo
Haye adi beertaa wali yaambo lama galin miyaa igaarteey? warka keenbo wambar dheer aad oo noogu fadhiisati alaseey. Samiya iyo naaji iska ilow dheel dhoobeeydooda, adi iyo ani iskeen sii har cad aan feeraha iska dhowaynaa, waa baashaaleynaa aan ku dhahay ilaa iyo intii ood qirtid reer xamar dad wanaagsan waaye. Soo soco hee, gacanta isiibo
take care

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal_naaji

Thursday, March 01, 2001 - 03:17 pm
to;saamiya
abaayo macaan waxaan u arkaain gataalo lanagu soo ridaayo haday sheeko baahdo
boholyow ay abuurto
bogga kaga maqan tahay
wacad kuma bogsiiyee
Gabdhayohow Maxaa la isku baantaa??????????????????
waa idin jacalahay dhamaantiin taladiina aad baan ugu qanccsanahay anaiga iyo saamiyona ahaadn jaanis is ku helno naag cadaan ahba kuma wareeriyeen.
haddaan helaayo gabar somali ah oo dhibaatada waxigala badasha ama qaab la isaga farsmaeeyo reerkaan cad cad waa ka guuri lahaa habeen
ee duli maan noqdaa
duurka maan galaa
dugaata maan la darsaa
daawadyda waaye"""""""""
ila taliya walaal
wax alaale war iyo
waxaad ii haysaan
walaalayaal isoo waydiiya
jawaabtoodan iga war sug??????
have great day

saamiya i like inaa ka helay taladaada macaan ee xambaarsan xikamadaha, hadaad jaanis heshid waad igala soo xiriiri kartaa faysal_144@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saamiya

Tuesday, March 06, 2001 - 02:16 am
to faysal naaji.

salaamu calaykum my bro

kuli caam wa antum bikhayer

walaal faysal ciid wanaagsan thanks igen my bro

sida fiican oo aad ii siisay e mailka waxaan

filayaa in aan kuu soo diri caar ciid mubaarik ah


sidaa iyo kulan daber NB,, xasuusanaw in aad

iiga soo waranto xaaladaadii waxii kuu qab sooma

runtii waxaad tahay sxb aan ku jeeshay qaybtan

intarnadka bye bye my dear bro faysal naaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal_naaji

Wednesday, March 07, 2001 - 02:48 pm
to'saamiya
aad baan ugu riyaaqay taladaadii waxaan tahay qof macquul ah talan laga qaadn karo waxaan ii noqotay wehelka sheekadaan welwelka igu abuurtay,taasoo igu ahayd murugo kaligay igu kooban waqtiyada qaar aad bay iigu adkaadeen inaan dadka u sheego broplemkayga laakiin jaanis ayaa u helay aan internedka kaga soo dayn karo wixii qalbigayga ku jira, si uu iiga yaraado walwalka oo aan u helo wehel wax ii sheega;
waxaan ahay '
saamiyoy 'Gamuuntii kalgacal
qof ay wadnaha goysay
oo galgalanaay
Gaalana jeclaatay
sigee ugu garaabi lahayd""???"?"?"
ha la ii soo jawaabo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.