site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DOOD MAXAY U KALA DIDAAN GABDHAHA IYO WIILASHA SOOMAALIYEED

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : DOOD MAXAY U KALA DIDAAN GABDHAHA IYO WIILASHA SOOMAALIYEED
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rijaall yare

Saturday, February 24, 2001 - 10:45 am
Maxay kula tahay gabdha iyo wiilasha somaaliyeed
Ay u kala didaan yaana dhibka keenay?
1=in yiraahdaan dumarka soomaaliyeed ragaa qaldan
oo haday shukaansadaan magaalada galiya sheekada
dhaxmartay labadaa qof
waxayba yiraahdaan intii aan nin soomaaliyeed aadi lahayn waxaaba noo dhaama anagoo aadna nin modow ama ajinabi.
2=raguna ayagu waxay qaladka saareen dumarka soomaaliyeed waxay yiraah deen waa mar marsiyo aysamaysteen si ay xor ugu noqdaan ajinibiga?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ILHAAN

Monday, February 26, 2001 - 11:49 am
to; rijaal sxb waan ku salaamay salaan kabacdi aad iyo baan ugu faraxsanahay figrada aad meesha kusoo bandhigtay tasoo dumar badina jecelyahiin inay ka falanqoodaan wax badina ay sugayeen.
run ahaan tii hadaan ka dhiibto figradeyda yar waxaa ay ukala cararaan dumarka iyo ragu waxaa dhibka inta badini keena raga oo marka ay gabar la kulman dabadeed suuqa ugaliya gabadhaas waa ka dhamaystay maya maba taqaan marka xataa haduu ay isku afgarteen inay wada raaxaystaan ileen labaduba waa naflaye ma ahan inuu suuqa gasho magacxumida laakiin raga inta badan ma ahan waa mi mid mooyee dumarkana kaas ayey maqlaan oo carar by kabilaabaan ayagoon hubsan, marka soo maali waxay ku maahmaahdaa [hal kaluun baa bada qurmiya]marka ma ahan inay dumarkana ay kaas xun laxumeeyaan ragoo idil kala fiiriya midka idin qanciya oo aad is fahmi kartaan idinkaa taqaaniin marka hadalkayga waxaan kusoo koobayaa figradaydu way qaldami kartaa bini aadan baan ahay ee hadaan qaldanahay ha li saxo dhalinyaro sidaa aqoon iswaydaar wacan iyo jawaabo deg deg ah byeeeee????
by: ILHAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marjan

Tuesday, March 06, 2001 - 02:40 am
to rijaall-yare

waa ku salaamay marka hore walaal

tan labaad hadaan kaaga jawaabo figradayda ahaan

su aashada waxay ila tahay is aamin la aan .

ka dhaxaysa dadka maanta jooga awadeed waxaan
xag diin laan, xag dhaqan doorsom inagu dhacay,

hadaan nahay dadkii soomaaliyeed oo soo baro kacay,

waayo maanaan ahayn dad markii hore dhisan

xag qabiil oo na baabiyay, intii soo qaxday

waayo waxaad maqlaysaa in ta badan ii raadi inaadeertay iyo iwm,

uma malaynayo sida walaashay in ay tahay arintu

galmo iyo wax lamid ah waayo taa lafdigeeda ayaa ah

diin laanta nahaysata in waiil iyo gabar soomaaliyeed is waydiistaan wax aan ilaah raali ka
ahayn iyo galmo xaaraan ah ,waxaan filayaa in ay

tahay dhaqan xumada nagau dhacaday iyo nasiib xumo
halkaan ka baran lahayn wax ilaah raali kayahay iyo
wax mustaqbal noo leh in aan ku fakarno waxaa oo kaler maraa walaal waxaan oran lahaa diinta alleh

wax halaga barto oo qof wal baaba ha aamino naftiisa iyo wax u fiican ragna yaan la xumayn.
dumarna yaan wax laga sheegin,


sidaa iyo kulan danber

kuli caam wa antum bikhayer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rijaall-yare

Saturday, March 10, 2001 - 07:13 pm
to;murjaan saaxiib aad iyo aad baad umahadsantahay
sida qaaliga ah sharfta mudan xigmadina ku dheehantahay aad fikradaada ugu dhiibatay wooow
saaxiib waxaaban is iri adigaabaa soo gabagabeeyey
laakiin soomaali wayntana ayaan kasugaynaa in wax inagu sii biiriyaan dumar iyo ragba waxy ka qabaan
figradaan sidaa iyo nabadgalyo.
byeeeeeeeeeeeee i wish u good lucky

BY;rijaall-yare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuclear

Saturday, March 10, 2001 - 08:41 pm
Nuclear

Akhyaarta waxaan filli in qof walba fikradiisa dhiiban karo oon aan lii arki doonin nin xag jira, balse jecel runta.

Xaqiiqiyan, raga iyo dumarka soomalida waxaa ugu wacan kala didka waa qurbaha iyo dadyowga kale ee ay soo dhexgaleen, qaateena hab nololeedkooda. Gabarta somaliyeed waxay aaminsatan tahay in ninka soomaliga uu danbeeyo, taag daran yahay xag walba, oo jamaykaanka ama cadaanka uusan la mid ahayn amaba fikradiisu gaaban tahay. sidoo kale raga soomaliyeed waxaay aamin san yihiin in dumarkeenu ay juhulo yihiin, oo xataa sawir xun bay ka qabaan, naagaha soomalida waa kuwo buurbuuran baa qaar ku leeyhiin , " ani intee geena naag buuran" "Kuwaan caqligooda wuu siin waayey inay jiim tagaan oo is qurxiyaan" Qaar baa saas ku leh. Marka sheekadu waxay isugu iman inaan dhalan gadoonay oo qaadanay dhaqamo kale markaas aan jah wareernay oo kala cararku halkaas nooga yimid. Bax soomaliya maanta tag, arki maysid waxyaalaha aan ku aragnay qurbaha, dad is ag mari oon xataa soomalinimo isku salaamayn, isla weyni dartiis.

Qofkii dhaha rag kaliya ama dumarka kaliya baan dhibta keenay, waxaan u arkaa inuu qofkaasi xaqiiqda ka fog yahay ee ay cadiifadi qaaday.

Dhibka nahaystaa waa inagoo aan ku kalsoonayn waxaan nahay, meeshaan ka nimid ,rabnana inaan iska dhigno dad aanan ahayn, noqon karina hadii aan iska dhigno xataa. Sidaas iyo nabad galyo. Dhiibo figradaada qof walbow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMAAL&AMSAL

Sunday, March 11, 2001 - 08:41 pm
FROM; AMAAL IYO SAAXIIBTEED AMSAL WAXAAN HALKAAN KADHIIBANEYNAA FIGRADEENA WAXAA DHIBAATADA KEENA NIMANKA MAXAA YEELAY WAXAY SAMEEYAAN INTAY QAAD CUNAAN AYEY CARUURTUU DHALAY WAXBA KA OGEYN HADANA NAAGTII OO MAANTOO IDIL SHAQAYNAY OO REERKA W\BIILKIISA SOO SHAQAYNAYSAY AYUU BUUQ IYO DOOD AAN LOOJIGIN KU FURA ASAGOO DHAHAAYA YAAQAY HABARTAANAA NACAY MIDKALE AAN DAY DAYDO OO GABARA AH MARKA NIMANKAA KEENA BOQOLKIIBA BOQOL.
ANIGA IYO SAAXIIBTAY AMSAL WAXAAN JOOGNAA IMAARAADKA CARABTA WAXAANA JECELNAHAY RAGA SOOMAALIYEED LAAKIIN SIDEE BAANU KII FIICNAA KU HELI KARNAA OO BALWAD LAHAYN KII RABO INUU XIRIIR NALA SAMEEYO EMALKIISA HANOOGA TAGO.
BYEEEEEEEEEEEEEEEEEE ALL I WISH U GOOD AQOON

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Tuesday, March 13, 2001 - 10:34 am
Soomaliyeey waad wada sallaaman tihiin,
sallaan ka dib, runtii moowduucan ma aha mid ka hadalkiisa halkaan lagu soo koobi karo mana aha dhaawaca jira mid ku eh ragga iyo Dumarka oo keliya ee waa mid dhex galay dhallaanka maanta ka soo baxay qurbada oo dhan. waxeeyna arrintaan salka ku haysaa xaalada soomaaliya oo illaa iyo hadda aan meel u dhicin xaqqiiqdii, haddaba waxaa laga yaabaa ragga in uu eedeeyo dumarka dumarkana siddoo kale ragga, Sida ay wallaalaha qaarkood sheegeen Ragga oo dhami Qaadka ma wada cuno, Ragga oo dhanna Gabdhaha Soomaaliyeed iskama Weyneysiiyo nooc walba oo ay yihiin, Laakiin Cudurro badan ayaa jirra oo aan anaka Soomaali ahaan Qabno kaas uu aabaha u yahay Cudurka Qabiilka,Gabdhaha qaarkoodna ayba ku qasban yihiin in ay Nin aan qabiilkooda u dhalay la aqalgali karin, haddii ay hellaan mid u dhashay qabiil kale oo runtii u dhigma xataa Wey adag tahay si ay ugu bareeraan, Raggana sidoo kale, taas waxeey sabbabtay in rag iyo dumar badan isku dhibtoodaan maxaa yeelay niyadba isuma hayaan oo waa la isku qasban yahay. laga yaabo in ay heli kartay mid asaga ka fiican oo aan Qaadka cunin ya qaano siddii gabdhaha loo ixtiraamo, waa haddii uu yahay mid aan intaas ahayn asagana sidoo kale laga yaabo in uu nasiibkaas oo kale lahaan lahaa,
Haddaba Shabaabkii yar yaraa oo xooggaa Jiilka dambe ahaa waxeey arkeen arrimahaan iyo kuwo fara badan oo waxay ka qaadeen Xummaan iyo Cuqdo, taas oo dhalisay in ay wiilasha Gabdhaha ku eedeyaan arrin aan sal laheyn Ajnabi ayey jeceshahay gabadha iyo waxyaabo kale oo aan sal laheyn Gabdhaha sidoo kale, haddaba waxaa wannaagsan in aan la is xukumin ayadoo aan qofka la baranin wuxuu yahay Qof ahaan laga yaabo haddii aan fursad isa siino oo uu qaarkeen qaarka kale yara dhageysto laga yaabo in aan si fiican isugu qashuucno oo aan ku wada heshiino wax uu Illaahey raali ka yahay kagana badbaadino dhallaankeena soo koraaya Lumitaan ay ku dhumaan Qurbadaan, Illaaheyna hala xusuusto Goor walba.
Sidaas iyo Nabadgelyo dhammaan Soomaaliyeey, Haddii aan Qaldanahay ha la i saxo,

Maca Alfa Sallaam! ya'all.
habiibi@excite.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kulmiye

Tuesday, March 13, 2001 - 04:47 pm
salaan amaal, iyo aswan walayaal waa dheertihiin ee waan idinla soo xiriiri lahaa ee raali noqada
lakiin waxaan idinkula talin laha in aad emailkeena reebtaan hadii ay dacad idinka tahy in aad rabtaan in aad bartaan wiilsha walaalihiina oo somliyeed .waxaa laga yaba in aad bartaan mid fiicn oo imaaradka jooga .ani waxaan ku noolahy usa .mana jecli in aan guursado gabr inta joogto sabtoo ah 100%80. waa is badaleen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdiso

Wednesday, March 14, 2001 - 01:04 am
To Amiin

walaalkiis amiin horta hore salaan kadib.
walaahi waxaad soo qortey waan kugu raacsanhay dhan walba marka hadaan soomaali nahay oona joogno wadan qurba ah waxaa waye in aan is waa ni naa oo mit keena mit kuu ka qaldan yahay saxaa hadaan anaga isku fiirsano xuumaanteena waligeen horu mar magaareyno marka soomaliyey aan is fahno oo Qabiilka iska deyno oo Hadaan wadan qurbo i maaneyna war miyaanan tu saalo qaadayneen oo sida ay hadeer yurub iskugu darsameyso bal firiya ayagoo u qabsamo 16 wadan oona hadeeer hiis la ah oo wax walbo Garab isku siinaayo marka war badan Haan ma buuxshee aan iska "KASHANOO WAX ISLA QABANO".


TO Kulmiye

Walaalkiis Kulmiye waxaan ku waydiiyey ma is weydiisay Gabdhaha aad ka tagey sid oo aad ka dooraneysit in asalkoot ay ka i madeen soomaaliya eey halkaan hawada qaadey marka aad Gabar xun aragtit waa in aad wax u sheegtit ma han in aat katagtit.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Wednesday, March 14, 2001 - 02:28 am
From Amiin,
Thanxs Wacdiso,
Waad sallaaman tihiin dhamaantiin,taas ka dib,
Waxaa wannaagsan runtii Qof walba in uu naftiisa ka billaabo sidii uu u sixi lahaa qalad walba oo jira Rag iyo Dumarba haddiise la is tiraahdo qeyrkaaga ayaa wax saxaaya sidaas ayey arinta faraha oga baxeysaa,
Peace ya all!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kulmiye

Wednesday, March 14, 2001 - 07:40 am
ku, wacdiso; walaashiis waa ku salamy salaan kadib
aniga ma dhihin gabdha somaliya ma ka imaan lakiin marki ay soo galeen qurbaha ay tuureen dhaqankii awoowa yaasheen iyo ayeeyooyinkeen.teeda kale maxaad wax u sheegtaa aygaba wax kuu sheegayo oo markaad ku soo qaado dhaqankeenee macaanaa waxay ku moodayaan in aad rer baadiye tahay.marka ha i moodin in aan caayayo gabdhaha walaalhey ah ee sida dhabtaa oo ka jirto meesha aan ku noolahy.
inta aan ka warqabo waa usa iyo canda waana ka xumahy in ay ka tagaan dadkeena soo maliyeed dhaqankoodii siiba gabdhaha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdiso

Thursday, March 15, 2001 - 03:55 am
To kulmiye

aboowe waxaan ku dhahay Gabdhaha jooga usa oo dhan hal fiican lagamaway nin marka waxaa waye Gabadha aad ka doonan dootit Carabta ama soomaliya waxaan u maleeyeen in uu ilaah soo hanuuniyo ma ahee ayadaba waxaa laga yabaa in ay sanadka ugu horeeyo in ay dhaqan keeda ama diinteeda ku dhagnaato ayaa laga yaabaa marka waxaan kuu rajey naa in aad heshit qofkaad radinneysit oo diinteena iyo dhaqankeena hooyo wada ta marka walaal kiis hakuu macaato meelkasto oo aduunka ka joogtit.

bye bro
and take care.c.ch ya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RIJAALL-YARE

Saturday, March 17, 2001 - 02:29 pm
TO;DHAMAAN DADKA SOO XUSAYBEEJKAN KULMIYE, WACDISO,AAMIIN NUCLEAR, ILHAAN,AMAAL&AMSAL
Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanaha sida deganaanata xushmada isfahanka iyo dulqaadka aad ukala faa idaysanaysaan waxaana layiri talo kaamaqan walaalkaa ayey ku jirtaa marka aqoon iswaydaarsigu waa wax bulshadu u baahantahay si loo helo xal wax kasta oo u keeni kara shacabka taas ayaana horamar
lagu gaari karaa.
waxaan qaas ahaan wax ugu sheegi lahaa kulmiye iyo wacdiso walaalayaal waan jeclahay sida degan aad wax isku waydiinaysaan laakiinse idinkoo iga raali ah ma iswaydiiseen beejkan maxaa loo furay
ma,han in wax ka baxsan moowduucaan laga hadlo kama inaan xoriyada idinka qaadayo laakiinse waa wax inoo roon maxaa yeelay hadaan kahadalno mowduucyo kale aan na qusayn waxaa dhici karaa in dadkii midba midka kale mowduuc u furto dabadeedna aflagaado iyo waxaan loo baahnayn yimaadaan meeshana ay noqoto ,sida beejajka kale ayfurteen dadka kale la isku caayo marka waa su'aalee ma inoo fiicantahay taasi hadaan ku qaldanahayna wax waa la ii sheegi karaa.
BY;RIJAALL OO IDIN LEH SIDAA IYO ISFAHAN WANAAGSAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amiin

Saturday, March 17, 2001 - 02:55 pm
Sallaan ka dib, Aniga oo raacaya sida wallaalkeen (RIJAALL) sheegay,oo illaalinaya macduuca meesha loo furay, Waxaan ognahay in runtii dhibaato jirto oo dhinaca Isfahamka ama wada xirriirida ah oo Raggeena iyo Dumarka kala haysata, Hadabba anaka oo Illaalineyna dabcan Diinta iyo Dhaqankaba, siddee suurto gal u noqon kartaa in aan is dhageysano oo midkeena midka kale fursad u siiyo si la iso fahmo?

Aniga waxaan qabaa in ay wannaagsan tahay in aan iska dhaafno xukmidda aan xukmino ama go'aanka ka gaarno qofka kale intii aan haddalkiisa ama fikradiisa maqlin in ay sabbab weyn u tahay in aan kala didno oo waxaa dhacda mar walba in la yiraahdo qofkaas wuxuu soo wado waan ogahay ama wuxuu taas oogala jeedo waan ogahay intuuba qofka kale afka kala qaadin.

Haddii aan taas ku qaldanahayna waa la iga sixi karaa.
Siddaas iyo nabadgelyo Wallaalayaal.

Peace ya'all! Amiin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WACDISO

Sunday, March 18, 2001 - 11:31 pm
TO RIJAAL

WAXAAN KU LEYAHAY WAAN KUGU RAAC SANAHAY FIKRADAADA OO AH IN LAGA HADLO WIXII BEEJKA LOO FUREY MARKA MEESHEENA AAN KAWANO.

MARKA KULMIYANA WAXAAN U MALEYNA IN UU SU ALAHA KALE ISKA DHAAFO OO KA BAX SAN BEEJKAAN.


HADAAN IDIN DHIBEYNA HALA I LA SOO SOCOD SIIYO MARKA SIDAAS IYO NABAD GALYO FIICAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

rijaall-yare

Tuesday, March 20, 2001 - 03:07 pm
to; dhamaan waad mahadsantihiin sida wacan ee aad igula ilaa linaysaan beejkan cusun una baahan in la dhowri iyo in xafido sidii looga ilaa linlahaa wixii doonaya in uu aflagaado iyo xushmad la,aan layimaado marka aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay sida aad waajibka is kasaaraysaan ileen anigu kaligay iskuma aanan furinee sidaan iaku qeexi lahaa ee waxaan u furay shacabka soomaaliyeed ee u baahan in laga muraajocoodo waxyaalo badan oo ubaahan in lasaxo ku waasoo beryahan cusub ku soo biiray sioda single mother iyo ruubaa raqe taasoo laxariirta dhaqankii oo laga tegey iyo diintii oo si wacan loo qaadan marka waa su,aale sidee waxaan ka yimaadeen?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARHOYO BINIAADAN

Saturday, April 07, 2001 - 01:24 pm
to;dhamaan dhalinyarada meeshan iskugu timaadey jecelna in ay wax kala faa idaystaan wixii xuna aysaxaan si kuwa soo koraya iya inta aanan guursan ay ka foojignaadaan qaladka halka uu ka imaankaro
waana ku mahadsantihiin figradan qaaliga ah aad keenteen siiba rijaall-yare oo noo soo jeediyey mowduucan mudan in laga wada hadlo taas oo horomar qoys ama deegaan ah lugu gaari karo.
hadaba anigoo farxiyo ah waxaan halkan ka dhiiban lahaa figradeydan yar sida aan aniga ahaan farxiyo u arko runtii dumarka iyo ragu waxay u kala didaan ama ukala cararaan mida hore waa raga oo kacabsada in ay wax u sheegtaan dumarka danahooda tasoo ka cabsanayaan in hadii ay u sheegtaan wax uga socon waydo ayagana ay u arkaan sharafxuma iyo in magaalada ay u gasho gabadhaasaa ku daadisay islamarkaana ragii dumarka ay ugu sheegan la,yihiin figradoodas
dumarkana laf ahaantooda ay ka xshoonayaan si ay raga u fahamsiin lahaayeen in ka xishoonayaan in ay wax u sheegtaan raga ileen waa dumaree ragaa looga baahanyahay in hadlaan horaa soomaali u tiri(nimaan hadlin hooyadii qadisay)marka ragoow hadla, dumarku had iyo gooraba waxay isku dayaan inay ficilo tusaan si ay ugartaan in dumarka ay ubaahanyihiin raga maah maah soomaali ayaa tiraahda (buda qabe iyo biya qabe way isku baahanyihiin)????????????????????????

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.