site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sheekadii lamacbaxday nabsi aduun qeybteedii koowaad ee ahayd jaceylka iyo lacagta ayamaa mudan

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : Sheekadii lamacbaxday nabsi aduun qeybteedii koowaad ee ahayd jaceylka iyo lacagta ayamaa mudan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 25, 2001 - 07:52 pm
Naasir yare wuxuu ahaa wii dhalinyaro ah oo deganaa xaafada Hodan ee magaalada muqdisho , Naasir wuxuu halkaa kula noolaa adeerkii inkastoo reer koodu uusan deganayn magaalada, Naasir wuxuu dhigan jiray iskuulka Janaraal daa uud, Naasir waxay iskuulka isku barteen AMRAN amran waxay iyaduna daganeyd xaafada Hodan ,maalin maal maha kamid ah ayaa Amran waxay ka codsatay Naasir inuu ka caawiyo daraasaadka loo soo siiyo home worka iskuulka naasir wuxuu yiri inkastoo aanan jaanis badan kuu heli karayn waxaan ku caawin karaa waa jimcaha oo kaliya Amran waxay tiri maxaad walaal xiligaynu iskuulka ka baxno kadib qabataa Naasir wuxuu yiri adeerkeey ayaan dukaan u iibiyaa Amran waxay ku tiri misana miyaadan saacad habeenkii ah xitaa ii heli karaynin isna wuxuu kujawaabay mayee waan kuu heli karaa ,maalintaa wixii kadambeeyey Naasir wuxuu amran u tagi jiray marka la gaaro 7 fiidnimo -8da wixii loo gaadho ayuu kasoo noqon jiray.Amran waxay kadhalatay reer qani ah halka Naasir reer koodu uu kadegan yahay tuulo kutaala shabeelada hoose ,mudo dabadeed ayaa naasir wuxuu si lama filaan ah uga helay Amran waaba arin layaab lee naasir jacaylkii wuxuu isku soo taraba naasir wuxuu gaadhay heer uu koontoroolkii kalumo Cabdi yare iyo jamaal oo ahaa naasir saaxibadii ayaa waxay dareemeen in sxbkood lasoo galay waayadan dambe cabdiyare ayaa wuxuu waydiiyay sxbkii waxa iska badalay ayaantan naasir, inkastoo naasir u dhashay nin fur furan hadana hadana wuxuu sxbadii u sheegi kari waayay arintan lasoo gudboonaatay isagoo kabaqay in lagula yaabo jacaylka uu u qaaday amran waayo wuxuu ogyahay heerka ay joogto iyo kibirka kujira amran .wuxuu kawarwareegaba sxbadii ayuu usoo bandhigay arintii sxbdii oo aad ulayaabay ayaa waxay usoo jeediyeen inuu jacaylkiisa u soo bandhigo amran .Naasir wuxuu mudo la aamusnaadaba Amran aabaheed yaa wuxuu u keenay macalin guriga wax ugu akhriya halkaa ayaa lagaga kaaftoomay naasir .amran ayaa habeen kii dambe waxay kutiri naasir waad mahad santahay waan helay wax wax ii akhriya ee nabad gelyo naasir waaba tii ugu darayde markaasuu waayay jaaniskii yaraa ee uu kusoo gaban lahaana naasir ayaa maalin waxay ku kulmeen amran iskuulka markaasuu naasir u sheegay inuu arin kalee yahay amran oo layaaban arinka uu nin kani wato aanse filayn jacayl iyo wax lamid ah toona ayaa waxay tiri galabta xaafada iigu kaalay naasir oo noloshiisu halis kujirto ayaa wuxuu awood u yeelan waayay inuu hadal wax ugu sheego ayaa isla galabnimadii warqad kutaag taag saday uu ugu mujinayo inta ay le'egtahay ahmiyada jaceylkauu u qabo. halkaa ayuu saacadu markii ay ahayd afrtii galabnimo ayuu naasir ka amba baxay gurigiisa isagoo kusii jeeda guriga amran nasiib wanaag wuxuu lakulmay amran oo sxbadeed lataagan guriga hortiisa markuu salaamay dabadeed ayuu kacodsay inay amran gaar igu soo baxdo ,amran oo aan kuqanacsanayn inay usoo dhaqaaqdo dhinaciisa ayaa laba talaabo dhiniciisa usoo qaaday ,intuusan naasir u dhibin warqadii u dhiiban lahaa afkaartiisa ayay amran kutidhi maanta maxaa kuu daraa naasir isagoo aan dhana ufayoobayn ayuu u dhiibay warqadii amran .Amran ayaa ugu jawaabtay yaan u geeyaa warqadan , isla markaa ayuu naasirna ugu jawaabay Amran adaa iska leh warqadan .caajiib Amran oo aad u xanaaqsan ayaa udhaqaaaqday dhinaca gurigeeda .kadib markii amran ay akhriday warqadii ayaa amran oo xanaaqsan oo lagana dareemayo xanaaqa iyo xumaanta ay ka xuntahay jacaylka uu jeclaaday naasir oo ah wiil danyar ah ,waxaa u yimid sxbadeed nasra iyo ister ,nasra ayaa waxay waydiisay waxa lakulmay sxbadeed amran .Amran oo qoslaysa ayaa waxay tiri sxb waxaan lakulmay maanta wax aanan noloshaydii filaynin ,sxbdeed oo yaaban ayaa ku yiri oh sxb maxaad lakulantay maanta, waxay tiri sxbayaal magaranaysaan wiil yar inala dhigta fasalka oo ladhoho naasir ,markaasay dheheen haa naasir!markaasay tiri miskiinkaas shiidka ah ayaa anoo amran ah maanta wuxuu warqad iigu soo qoray waankujeclahay! subixii dambe ayaa naasir iyo amran waxay ku kulmeen iskuulka amran ayaa markay aragtay naasir ayay warqadii indhaha kaga dhufatay ardayda dhex doodii una raacisay miskiin baad tahay noocaagaas anigu hadal daaye candhuuftayda xitaa uma quudho .naasir oo murugaysan sharaftiina kaga dhacday ardayda dhexdoodii ayaa wuxuu iska aaday gurigiisii.Halkaasoo uu naasir iskuulkii uga tagay amran daraadeed .mudo dabadeed ayaa waxaa dalxiis uga yimid dalka ingiriiska oday ay naasir adeerkii sxb yihiin odaygii ayaa wuxuu kusoo dagay gurigii uu naasir joogay ,odaygii ayaa wuxuu kahelay naasir dabci wanaagiisa odaygii ayaa naasir ku yiri waxaan kuu kaxaynayaa dalka ingiriiska .laba todobaad kabacdi ayaa naasir wuxuu u duulay dalka ingiriiska oo ahaa dalalkii markaa aad loogu dhoofi jiray halkaas oo uu naasir kaga degay gegidii diyaaradaha ee magaalada london.Amran iyaduna waxay halkaa kula saaxiibtay wiil ka dhashay reer ladan oo lacag leh ,ileen lacag la'aani waa waxa ay uga carartay naasir oo ahaa ninka kaliya ee jeclaa .

ikhyaareey anoo halkaa idiinka sii wadi doona qeybihii ugu macaanaa sheekadii nabsi aduun
ayaa waxaan jecelahay inaan halkaa idiinku joojiyo qeybteedii koowaad.by mohaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir

Saturday, March 03, 2001 - 08:31 am
Anonymous sxb Marka hore waan ku salaamay

salaan kadib sxb runtii qiso aad cajiib u ah

baad furtay balse waxaan kaacodsanaynaa

inaad noo dhamys tirtid waanad ku mahad santahay

sheekadan aad furtay ee lamagac baxday

(nabsi aduun)ana kuna hadaanu nahay dhalinyarad

danaysa qisooyinka jacaylka waanu kuu mhad

celinaynaa qisan Fadlan noo dhanystir

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabool

Saturday, March 03, 2001 - 09:21 pm
to;anonymous
asalaamucalaykum
saaxiib aad baad ugu mahadsantahay furida aad furtay beejkaan cajaaibka badan,saaxiib waxaan aad u danaynayaa inaan ku soo biiro beejkaan hadi aad ii ogolaatid si aan codsiyadayda u dhiibto hadi kalana waxaan ka noqonayaa korjoogto ama dhagayste sharaf leh,saxiib taa ogolaanshaheeda adaan kaa warsugayaa,waana kaaga mahadcelinayaa marar badan
akhyaarta ha idiin macaanaato

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mona

Tuesday, March 06, 2001 - 01:48 am
To Anonymous

waa salaaman tahay walaal runtii waa qiso yaab leh aad baa ula dhacay sheekadaan laakiin walaal hadii aan ku waydiiyo ma adigay kugu dhacday qisadaani? mise waa maqashay? aad baan ujeclahay qisooyinka jecaylka waayo waa aaminsanahay inuu jiro jecayl mahadsanid walaal byeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nafiis

Tuesday, March 06, 2001 - 10:32 am
to Anonymous

walaal waad mahadsan tahay sida wanaagsa oo

aad noogu soo qortay sheekadan qof ahaana aad,

ayaan ula dhacay ma noo soo qori kartaa qayb

kaler haday jirto walaal maaday kugu dhacday

qisadani siday walaashii iga horaysay tir

waxaan filayaa in aad noo soo dayso qaybaha kaler

waad mahadsan tahay walaal byeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHAHAH

Wednesday, March 07, 2001 - 09:59 pm
MACALINKA INTAAS MAYKAAGA EKEED SHEEKADI MARAX MARAXIIS,WAXA HADI AY GOOGOOS KUGU YIHIIN DADKA LOOMA SOO GUDBIYO,WAANA KUGU DAASANTAHAY DUQA OGOW ADAA ISKU FIRDHIYAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 12, 2001 - 11:46 am
KHYAAREEY WAXAA BARI LAYDIIN SOO BANDHIGI DOONAA QEYBTII KALEE NABSI ADUUN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 12, 2001 - 11:46 am
KHYAAREEY WAXAA BARI LAYDIIN SOO BANDHIGI DOONAA QEYBTII KALEE NABSI ADUUN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 09:05 am
Kusoo dhawaada qeybtii kale ee sheekadii lamagacbaxday NABSI ADUUN>ikhyaareey waan kaxumahay anoo shalay idiinku soo bandhigay qeyb kamid ah sheekadan page kale hadaanse idiin soo bandhigi doonaa qeybtii labaad ee sheekadan. qeybtii aan shalay kusoo daabacay page ka kale iyo qeyb kaloo aan hada kudari doono.
ikhiyaareey sheekadaan NABSI ADUUN waxay bilaabatay 1987- waxayna socotay ilaa 1996.

Kadib markii uu Naasir kadegay gegida diyaaradaha ee magaalada london waxaa halkaa kusoo dhaweeyey qoyskii odaygii uu lasocday,qoyskaasoo kakoobnaa xaaskii odayga iyo gabadh uu dhalay. gabadha magaceeda waxaa layidhaahdaa maariya. maariya waxay dhigataa college kuyaala magaalada london ee dalka ingiriiska.Naasir markii uu mudo joogay waxaa ka codsayday inuu lanoolaado qoyskii odaygii keenay dalka ,maariya oo ah gabadha uu dhalay odaygu ahna gabadh kudhalatay dalka ingiriiska waxa ay leedahay saaxiibo farabadan oo ay isku college yihiin . mudo yar markii uu joogay Naasir waxaa naasir uga helay si isdaba joog ah gabdho farabadan oo ay maariya sxb yihiin weydiiyayna inay naasir barto .Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa maariya utimid gabar sxbadeed ah kana codsatay inay naasir barto maariya waxay tiri waayahay iyadoo maariya mudo maariya si isdaba joog ah loo weydiinaya naasir ayaa waxaa maalin ay maariya kukulmeen wadada gabdho badan isla markaana waxaa maariya kacodsatay inay barto naasir gabadh kamid ah gabdhihii maariya oo yaaban kana xun ayaa waxay tiri waayahay .maariya ayaa waxay waydiisay gabadh ay sxb yihiin waxa gabdhuhu ay had iyo jeeraale u waydiiyaan naasir waxay ugu jawaabtay sxbadeed naasir waa inan aad uwanaagsan gabdhuhuna ay jecelyihiin waxay misna uraacisay aniguba waan jecelahay naasir laakiin waan ka xishoodaa maadaama aad wada nooshihiin.Maariya ayaa misana waydiisay waxa ay ku jeclaatay sxbadeed naasir waxay ugu jawaabtay aniga hayla yaabine miyaadan arag dumarka had iyo jeeraale doonaya naasir.maariya oo yaaban ayaa waxay tiri maye waan arkay.maariya ayaa waxay ku mashquushay waxa ay gabdhuhu naasir ku arkeen ee yada ilaahay ka qariyay ,maariya waxay aakhirkii gaadhay inay tiraahdo marka lawaydiiyo naasir anaa sxbadiis ah iyadoo markaa aan waxba kadhexeyn iyada iyo naasir yare ,waaaaw waaba yaabe tolow miyaa lasoo galay maariyana!!!!!!!!!Mudo yar dabadeed ayaa naasir wuxuu go aan saday inuu sii wato wax barashadiisii mudo yar dabadeed naasir wuxuu ku biiray college kii ay dhigan jirtay maariya halkaa naasir waxay isku barteen gabdho fara badan .Naasir wuxuu ahaa inan aad u wax barasha jecel ,sida aynu ogsoonahay naasir wuxuu hada ka hor u ga tagay iskuul kiisii AMRAN>daraadeed iminkase way adagtahay inuu wax barashadiisa kuseego jaceyl daraadii.mudo yar dabadeed naasir wuxuu noqday ardayga ugu fir fircoon ardayda xaga tacliinta islamarkaana naasir wuxuu noqday arday ka sheegan ardayda college ka. naasir isagoo iskuulkiisii iska dhigta ayaa naasir waxaa layla oo ah gabadh ay naasir college ka wada dhigtaan ahna maariya sxbteed ayaa si lama filaan ah u jeclaatay naasir .layla waxay aamusnaataba waxay gaadhay heer ay kamaarmi waydo inay usheegato jaceylkeeda sxbadeed si ay uga caawiyaan baqdinta ay ka baqayso inay dareensiiso jacceylkeeda naasir.Kadib markii ay layla usoo bandhigtay arinkii sxbadeed ayaa waxay go'aan ku gaareen in naasir loola hadlo loona sheego dhibka jira oo dhan ,iyadoo misana ay kawar la'yihiin dhibka uu Naasir kasoo maray jaceylka iyo heerka uu ka taagan yahay .Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxay go aan kugaareen gabdhihii layla sxbadeed ahaa inay lakulmaan naasir iyagoo lakaashanaya maariya oo ah qofta ay wada noolyihiin ee la hadli karta gabdhihii ayaa waxay kula balameen maariya inay u imaan doonaan maalinta axada si ay ula kulmaan naasir waxayna ka codsadeen inay naasir u balamiso maalintaa iyada ah kalana qeyb gasho dadaalka ay ugu jiraan sxbadood layla oo aad u ildaran kana dhaadhiciso naasir arinkaa isaga ah, Nasiib daro iyagoo aan iyaguna u war hayn dhibka iyo xaalada iyadana haysata sxbadood maariya. waxay isla markaa ku dhaqaaqdo ayay garan wayday maariya iyadoo iyadana qudheeda damac kaga jirey naasir. waxaa sidoo kale dhibaata ah in gargaar la waydiisto qof isaguba gargaar ubaahan .maariya waxay dantu ku khasabtay inay sxbadeed warkooda qaadato maadaama aysan ogayn dhibkeeda .maariya waxay u tagtay naasir una sheegtay in loo imaanayo oo kaliya iyadoo aan usii guda galin hadalka .shan gabdhood oo aanay ku jirin layla ayaa waxay u yimaadeen maariya maalintii axadii halkaa oo ay ku balansanaayeen inay arinka sxbadood layla ugu gudbiyaan naasir. cajiib tolow maxaa kala qabsan doona naasir iyo xertii war maqabtada ahayd .kadib markii ay u yimaadeen maariya gabdhihii ayay aad maariya usoo dhawaysay sxbadeed iyadoo iyada lafteedu dhiban laakiin aysan sxbadeed ogayn in iyada lafteedu ay gurmad u baahan tahay dib u dhacna kutahay dadaalka loogu jiro sxbadeed layla. oo iyaduna sidoo kale u il daran naasir .soomalidu waxay ku maahmaahdaa <NIN NOLOSHIISU NIN BAY GEERIDIISA TAHAY, NIN GEERIDIISUNA NIN BAY NOLOSHIISA TAHAY> marka layla guusheedu maariya ayay geerideeda tahay .isla mar ahaantii laysugu yimid gurigii ayaa qolkiisii naasir loo sii gudbay isagoo isaguna halkaa ku sugayay .naasir isaguna halkaa ayuu si wanaagsan gabdhihii ugu soo dhaweeyey . salaan iyo iswaraysi dabadeed waxaa loo gudbay xiligii laga hadli lahaa arinkii meesha loo yimid, gabadh gabdhihii kamid ah ayaa maariya kutiri golihii oo lafadhiyo naasir ma usii sheegtay arinkan maariya way qososhay waxayna kujawaabtay ANAA KAYGII UMEEL U MEEL WAAYAY >maxaan mid kale xusuustaa maariya hadalkaa ay tiri hadal wayn buu ahaa lamase garan gaftan baa loo qaatay .Isla mar ahaantii gabdhihii waxay usoo bandhigeen naasir arinkii ay ugu yimaadeen waxayna usheegeen in gabadha layiraahdo layla ay aad ugu ildaran tahay loona baahan yahay inuu wax kala qabto ,Naasir markuu aamusnaa mudo shan daqiiqo ah dabdeed. Isgaoo naasir ahaa nin jacaylka wax ka yaqaan dhib farabadana kasoo maray ayuu xusuustay xanuunka iyo dhibka uu kasoo maray jaceylka .ayuu naasir wuxuu uga sheekeeyay gabdhihii qisadii jacelkii ee soo dhex martay isaga iyo AMRAN dhibkii uu ugaystay noloshiisa iyo wax barashadiisaba iyo sida uu sas uga qaaday aaminaada dumarkaba .runtii inkastoo ay gabdhihii aad ula yaabeen arinta naxdinta leh ee uu kala kulmay jaceylka naasir yare waxay hadana u sheegeen in uu haysto sxbadood layla dhibkii uu soo maray oo kale ayna kudhici karto ta isaga horey ugu dhacday oo kale .Naasir runtii wuxuu ahaa nin aad u qalbi jilicsan wuxuuna uga xumaaday arintaa iyada ah waayo wuxuu dareen sanyahay dhibaatada haysata qof wax jeclaaday .xaqiiqdiina Naasir isagoo aan raali ka ahayn inuu wax barashadiisa khal khal galiyo aana diyaar u ahayn inuu jaceyl hada faraha lagalo kana baqaya in uu noloshiisa dib ugu seego ayaa waxay duruuftu ku kalifatay inuu iska ogolaado inuu wax laqabto gabadhaa dhibku haysto. Maariyana maxay kala kulantay meeshii .maariya oo golihii fadhiday ayaa aad uga xumaatay ogalaanshahaa uu ogalaaday naasir inuu wax la qabto layla sababtoo ah waxay aad uga xumaatay in iyadoo maariya iyadoo jecel naasir gurina ay kuwada nool yihiin in loo qalqaaliyo gabadh kale maariyaa halkaa ayay colaad ugu dhamaan sxbadeed iyo naasirba . nasiib daro naasir iyo sxbadeed midna ma aanay lasocon inay maariya iyana jeceshahay .maariya ayaa maalin maal maha kamid ah waxay kutuurtay naasir hadal sarbeeb ah waxana ku tiri ILEEN NAASIR AAD BAAD U QALBI JILICSANTAHAY HADUU QOF QALBA KU DHAHO WAAN KUJECLAHAY HAYAA AAD ISKA DHAHAYSAA wuxuu ugu jawaabay qorshaha iiguma jirin inaan jaceyl jilo waayadan ee madaama ey sxbadaa tahay aadna adiga iyo sxbadaana ii timaadeen oo aad iga codsateen inaan aqbalo waxaan ku haddlo ayaan garan waayay qiimayn aan aduga ku qiimaynaayo ayay duruuftu igu kaliftay inaan wax walba usameeyo adiga wajigaaga! maariya waxay tiri OOOOOOOOOH MADARAADEEY AYAAD WAXAAS OO DHAN U SAMAYSAY! .naasir wuxuu yiri dartaa ayaan u aqbalay .hadaba maariya waxay go aan satay sidii ay uga qaadi lahayd layla .

Ikhiyaar waxaa halkaa inooga sii socon doonta qeybtii labaad ee sheekadan iyadoo inooga bilaaban doonta waxa dhex mari doona maariya sxbadeed iyo naasir xageese kudambeeyn doonaa jaceylka maariya ma u malaynaysaan inay maariya ku kuulaysan doonto jaceylkeeda dulqaadkeeda awgii?ikhiyaareey waxaa qeybta kale inoo soo gali sheekada Amran oo ah gabadhii xumaysay naasir oo ka hoos martay heerkii ay taagneyd markii hore ileen waa aduune .
sidoo kale saaxiibayaal sheekadani waxay ka kooban tahay <12page>hadana waxaynu ku guda jirnaa page keedii 2baad .sidoo kale waxaynu wali kujirnaa qeybihii hore ee ay ku timid qisadu ee wali lama gaarin qaabkii ay u dhacday .nabsigu waa ka amran hoos keeni doona naasir oo sidii la ogayd u gashay
bye bye .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 13, 2001 - 09:22 am
ANIGOO AH QORAHA SHEEKADAN NABSI ADUUN WAXAAN DHAMAAN U SHEEGAYAA DHAMAAN DHALINTYARADA SOOMALIYEED RAG IYO DUMARBA INAY KUSOO BIIRI KARAAN PAGE KAN AAN UGU TALAGALAY INAAN IDIINKU SOO BANDHIGO DHACDOOYINKA ADUUNKA EE KU SAABSAN JACEYLKA KUWA IGU DHACAY IYO KUWA KA KADHACAY DHAMAAN DUNIDA OO DHAN .
IKHIYAARAY WAXAAD KAGARAN DOONTAAN CIDA AY KU DHACDAY QAABKA AY U DHICI DOONTO WIXII SU AAL AH WAY FURANTAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nafiisa

Thursday, March 15, 2001 - 02:11 am
To Anonoumous

salaamu calaykum my bro

salaan kadib waxaan kaaga mahadnaqayaa sida aad,
noogu sooban dhigtay sheekadaan sugaynay.
tan labaad waxaan aniga jaclahay in aad noo dhamayso,waxay ku danbayso layal iyo sxbadeed,
iyo waxa uu samayn doon naasir yare?
waxaan filayaa in uu naasir u hadhi doono mariya
adigu walaal hanoo danbeeyo xaaladahaaga jacayl
iyo waxaad ka soo martay waayo waxay nagu noqonaysaa laba sheeko isku mar waxaan sugayaa
qayntii sadexaad ee sheekada

byeeeeeeemy bro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED

Monday, March 19, 2001 - 08:29 am
To; Nafiisa
salaamu calaykum

abaayo waan ku salaamay salaanta kor ku xusan salaan kadib abaayo waxaan u malaynaa sida qisan aan kafahmayba gabdhaha soo maaliyeed badankooda in aysan jacayl waxba ka aqoon balse waa laga yaabaa in qaar wax ka yaqaan abaayo runtii saaxiib keen waa ku mahadsanyahay qisan oo inoo soo bandhigay balse suaal? adoga waligaa jacayl maku soomaray????? mida kale abaayo suaashaas kadib abaayo hadii uu ku soomaray waxaad tahay qof jacayl wax katqaan marka kawaran hadaan labadeenu sheeko wadaagno iyo waliba jacayl oo run ah iyo daacadnimo

sidaas iyo ismaqal danbe oo xiiso leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nafiisa

Tuesday, March 20, 2001 - 02:05 am
to mohamed
salaamu calaykum

aboowe waadku mahadsantahay salaanta iyo waliba.
su aasha la socotay, balser waxaan kuu sheegayaa
in gabdhaha kaliyaa ayna jacaylka wax ka aqoon ee
wiilasha laftoodu ay la wataan aqoon laanta jacaylka iyo waliba ka been sheegidiisaba.

tan labaad haa waa i soomaray aboower
adiga ma ku soomaray jacayl?
xaga xidhiidhka ma xuma balser maxaad isku haysaa.
soo daar walaalka sheekada qoray ayaa filayaa in uu
nacaawen doono haday dhan kaa tahay waayo soomaalidu waxay ku maah maahdaa
mar i dager aller hadago laba goor i dager anaa isku dahay.

sidaa iyo qorqql daber oo xiiso leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hanadyare osman

Thursday, March 22, 2001 - 05:26 am
to qoraha sheekada waan ku salaamay salaan kadib sxb maxaad magacaaga dhalinta ugu sheegi wayday kolla anigu waan ku aqaane.miyaan laga yaabin in aad kusoo caan baxdin qorida sheekooyinka oo aad noqotid qoraa somaliyeed oo layaqaan (magacleh)
sxb waxaad qortaa qisadii sheekadii lamagac baxday (sanka nalaga wadajaray)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED

Thursday, March 22, 2001 - 08:55 am
To; nafisa abaayo waan ku salaamay salaan ka soo goaysa wadnahayga salaan kadib abaayo waxaan kuu sheega runtii sidaad sheegtay run waaye wiilal baden oo aan jacayl wax ka aqoon way jiraan gabdho baden oo aan jacay wax ka aqoona way jiraa runtiina soomali waxaaba ladhihi karaa in baden jacaylka wax baba kama yaqaanaan marka abaayo suaashaad i waydiisay hadaan kaaga jawaabo aniga runtii jacayl aad u sareeya ayaa isoo maray balse jacaylkaygii waa laxumeeyay qofkaan isjeclayna muuxumayn runtii ee dadkale baa xumeeyay sheekadaana hada ma ka hseekaynaayo balse abaayo anigu waan kasoo bixi karaa kaalintayda waana lahubaa ee dadka hada aaminaadoodu yartahy siiba dumarka abaayo marka anigu dadka ma dago maxaa yeelay waxaan aqaanaa micnaha jacaylka abaayo marka hadii aad daacad tahay waan isfahmaynaa
marka abaayo wixii siyaasad ah waxaad igala soo xiriiri kartaa Emailka ah


liibaan31@hotmail.com

sidaas iyo ismaqal danbe oo xiiso leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kaboy

Thursday, March 22, 2001 - 10:08 am
war sxb waa lagu salaamay xaalku waa dhag dhag cabdiwaaxid take care sxb.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdiwaahid yare

Friday, March 23, 2001 - 11:29 pm
to kaboy sxb waan ku fahmay waana take keerayaa
sidaas iyo wada shaqayn wacan. take care you too
jaaaw

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMRAN

Saturday, March 24, 2001 - 08:29 am
ABOOWE MAXAAD SHEEKADII NOOGU DHAMAYS TIRI WAYDAY FADLAN ABOOWE NOO DHAMAYS TIR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sabriye

Monday, March 26, 2001 - 02:44 pm
TO QORAHA SHEEKADA

WAAAN KU SALAAMAY MACALINKA SHEEKADA JACAYLKA
QORAY,RUNTII WAA SHEEKO JACAYL NOOCYADA
UGU WANAAGSAN SIDA AAD U DOOR BIDAY INAAD
ULA SOCODSIISO SOOMAALIDA WIIL IYO GABARBA.
QAASATAN KUWA UU RUNTII JACAYLKU IMINKA
SAAMAYNAYO,KUWA AQOONTA DHEERAADKA AH U LEH
WAXUU YAHAY JACAYL.
WAXAANSE LA YAABANAHAY SABABTA AY INTA BADAN
DUMARKU AY U WAXYEELEEYAAN JACAYLKA MIRIHIISA,
IYO WANAAGA DAMBE UULA IMAN DOONO.
BALSE WAA CAJIIBE MIYEY DUMARKU MARKA HORE
JACAYLKOODU ADKAYNIN,WAXAAN KA WADAA WAXAA
DHACDO INTA BADA INAY DUMARKU KA SOO BIXI
WAAYAAN KAALINTOODA.
WAXAAN HALKAN KU WAYDIINAYAA QOF KASTA INUU
KA DHIIBTO FIKRADIISA WAXA UU QABO.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.