site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxaan raadin Gabar reerkoodu uusan yarad iga rabin oo free aan ku kaxaysto, Yaradka waxaan u arkaa baad sharaf loo yeelay,suurto gal matahay taas?

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : Waxaan raadin Gabar reerkoodu uusan yarad iga rabin oo free aan ku kaxaysto, Yaradka waxaan u arkaa baad sharaf loo yeelay,suurto gal matahay taas?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 27, 2001 - 06:01 am
DHAQANDIID
axaan kasoo horjeeda dhaqamada soomalida qaar ka mid ah, sida yaradka, sooryada,Gogol dhigashada oo odoyaal huuro layaal marqaansan inta meel la isku keeno la waydiisto gabar, kuwana ay wax weydiistaan iyagoo matalin ninka wax loo raadin. Waxaan aaminsanahay in wiilka isagu uu la xaajoon karo odayga dhalay isagoo fulin shareecada islaamka oo sidaaas qabta, laakiin maya inuu soo kaxaysto nahaab yaal kacbo iyo madiino gubi hadii ay chance u helaan, kana horgeeyo kuwo iyaguna sidaas lamid ah. Xoolaha ama lacagta lamagac baxday soorayada waan ku xajiimoodaa, oo waxaan u arkaa baad sharaf loo yeelay. Gabartii ilbax ah oon rabta inay ila ciribtirto dhaqmada soomaliyeed ee aan macnaha sameyney, way ila soo xiriiri kartaa, marka kale baan ku siin emailkayga bye


qof walba oo soomaliyana waa u furantahay inuu dhiibto fikradiis, xataa hadii ay xuntahay. take care

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Tuesday, February 27, 2001 - 09:16 am
anon sidee u rabtaa inaad guursato gabar aad aaminsantahay adeeradeed inay huuro iyo nahaabyaal yihiin.aboowe sharaf waaye in gabar la waydiisto ehelkeeda umana malaynayo gabar bilaasha inay jirto.sidee baadse u caynaysaa adeeradaa.waxaan u malaynayaa inay ku matalaan maadaama aad adiga waydiisatay inay reerkaas kuula tagaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

crazy-boy

Tuesday, February 27, 2001 - 10:18 am
anon ..lol.. bro waxaad sheegtay maleh iska aamus horta caqli lixsaac aad tahaye.. ilaahay in tuu nin kaadhigay ma aha inaad hoos u soo noqotid oo hoos u fiirisid.. mana aha sooryo iyo waxyar oo aad siisay reerka gabadha dhalay inaad ka hadhashid...mana aha wax wayn oo wax kudhimaya dhaqaalahaaga waa xaflad yar iyo dhaqan aynu leenahay qofkastana waa ku faraxsan yahay ..haddii aadan awoodin sooryada u sheeg reer gabadha inay kaa caawiyan ayaa dhicikartea..Yarad labixiyaana ani maan arkin taas reer badiyaha ayaa isticmaala kuwa bixiyaana waa qofkii awooda ee mid adi kutaal ma aha

peace n luv!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasan

Tuesday, February 27, 2001 - 01:07 pm
asalamu calaykum ,dhaqandiid walaal marka hore iskuday adigoon qafna aflagaadayn inaad figraddaada dhiibatid,midda labaad yaradka diintu wax dhiba uma aragto haddaan condition laga dhigin waana wax loogu tala galay in laysku sharfo maaddaama aad qof dhan reerkoodii ka kaxaysanaysid haddii aad shakhsiyan uga soo horjeeddidna adigoon isdhibin raadso gabar aad isku figrad tihiin intii aad hadhow xididkaag isku ceeboobi lahaydeen.wasalaamu calaykum waraxmah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, February 27, 2001 - 04:12 pm
From dhaqandiid

To Yasmiina iyo Akhyaarta kale.

Waxaa laga yaabaa inaad ii aragtaan nin raqiis ah oo u arka big deal bixinta Yaradka iyo Sooryada. laakiin sidaas xaalku maahan, ee waxaan arkay Rag soomaaliyeed dhibaato weyni kasoo gaartay, Qaarkood awood uma aysan lahayn lacagtaan, inay naftooda dulmiyaan oo isku dhibaan waxaysan awoodi mooyee.Qaar dumarkii baaba laga kaxaystay oo aabihii baa gurigiisii ku celiyey gabadhii ilaa ninka qaba uu baxsho yaradka, kawaran dumarkaas guriga loo celiyey hooyooyin bayba noqdeen wakhtigaas. Ma waysan foolxumo ahayn? Aabaha sidaas falay?

Tan kale Gabadha in aabaheed oo kaliya uu bixiyo baan u arkaa sax, laakiin maya in labaatameeyo odoyaal oo afar jeeblayaal ah la shiriyo. Qaar salaadaba sifiican uma yaqaanaan sida loo tukado oo cilmiga qura ee aduunka ay ka yaqaanaan waa isku dir, dab huris, qabyaalad iyo qurun oo dhan. Waxaa laga yaabaa inay abuuraan fidmo inta lagu jiro waydiisiga gabadha iyagoo shirka la imaan wax aan loo joogin oon khusayn arinta meesha markaas taal. Oo gabadha aabeheed laga dhaadhiciyo fulaan inuusan siin gabartiisa maadama uu reerkoodu ay bari si xun faleen. Fulaan iyo waxa reerkoodu faleen kol hore maxaa iska galay?

Waxaan sharaf u arkaa in labada family ee gabadhu iyo wiilku kakala yimaadeen (Hooyo iyo aabe)inay fuliyeen howsha waydiisiga iyo siinta,lagana saaro meesha odayaal xigto kore ah , ama magac qabiil huwan.

Soomalidu waa inay ilbaxdaa oo iska ilowdaa dhaqamada gaboobay ee macnaha ku dhisanayn,lana timaadaa hab nololeed cusub oo mar walba u cuntaba nolosha dhabta ah ee umadu ku nooshahay waqtigaas. We dont have to be stuck one postion for ever, there is got to be change in our way of living pple

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yasmiina

Tuesday, February 27, 2001 - 04:58 pm
anon magaalada kama dhacdo gabar la ceshado marka la guursado ka dib.waalid dhaha intaasaan rabaa oo magaalo joogana hada ma jiro ee intay u gartaan reerka ayey baxshaan yacni ramsi xushmada waaye. labaatanka odayna waa adeeradeed ee dad qalaad ma aha yacni kuwii dhinac istaagi lahaa markay dhibaato imaato. waxaana u malaynayaa qof walba inuu adeerkii ama abtigii u arko sida aabihii oo kale. gurkana wax fudud ma aha oo aabaheed wuxuu u baahan yahay inuu la tashado walaalihii.odayaasha gabadha waydiisanaya ama kuwa bixinayana waa kuwa ugu sharaf badan qoyska dhexdiisa yacni dibjiro maahan.why baan dhaqankeena uga tagaynaa haduusan xumayn?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

labo_talo

Thursday, March 01, 2001 - 12:24 pm
to' dhamaan
hablow guurku waa dan waxaaba taas ka sii darn yaradka laka qaataaba roon kuwa aan laguursan oo aan yarad laga qaadan baab hada lala dagan yahay I mean aan wada noolaano sida gaalada
adna wxaad ka hadlaysaa yarad gabadha haday ku jceshahay oo aadn waxba haysan maalinta aad wax hesho wanaaji reerkooda inta ka horeysana cida igu salaama dheh.reer kaaga iska dhaqo laakiin haday xujo timaado adigoo aan wax hay aad hindia oo jacayl soo jil waad helaysaa gabar hindiyad ah oo dhaqan kale wadato kadib markay dhimato waxay kaa sugaysaa in aad gubtid,
adaa rabiagay rasaas ka baryee ku raaxayso ruunka taangiga
have great day hadaan qalad sameeyay i cafiya
maca alfi salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 01, 2001 - 05:56 pm
Dhaqandiid
to labo dalo

Adi firkaradaad ma xuma,laakiin hada bahashu ay iga badatay oo xitaa meel aan kala dhigay waayo wali waan ka soo horjeedaa lacagta la siin gabadha reerkooda, waaajib miyaa? maya. Hadii iyada lagu soo tiir iyo tacab beelay, ani jidka maa la iga helay? Aniba waalid aa i soo koriyey soo maahan? Guurku waxaa wax labada qof ay siman yihiin oo midba mid kale waa u baahan yahay. Dumarkaan soomalida iyaga horta xoolo miyaa? xoolaha la beec geeyaaye. Waatan kaliya oo la yaabo.

Aniga warkay waa cadyahay, naag diyaar ah oo bisil nolol oo meel iska dhigtay dheel dhoobayda soomalida waan soo dhaweeyn , tii aaminsan sheeko raqiis laga tagay iyo aabeheey qanci gudcurka ay indhaha ku cadayneee
see ya folks, am out of here

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.