site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HALISKU ARKO WIXII REER JUUNGALE AHAA

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : HALISKU ARKO WIXII REER JUUNGALE AHAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Thursday, March 15, 2001 - 11:50 pm
anigoo ah c/nuur gureey daganaa D/ y/shiid X/juungale waxaan halkaan kusoo dhaweeynayaa dhammaan reer juungale .
fadlan soo gal aqalkaan haddad tahay reer jnungale.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AHMAD

Friday, March 16, 2001 - 05:02 am
TO; GUREEY waan ku salaamay saaxib anaa daganaa juungal waliba ku,dhashay ee soo faah,faahi meesha aad ka daganeed fadlan aniga waxaan ka daganaa
Zoona taree mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Tuesday, March 20, 2001 - 01:28 am
axmedoow waan ku salaamaey.
haddaan kuu faahfaahiyo waxaan daganaa agagaarka sarta xabbadtafat oo ka tirsaan zoona kuatro.
laakiin zooonahiina waxaa ka imaan jiray ciyaartooydii la magacbaxdey walaalaha ee ciyaaraha koobka ramadaanka ee lagu qaban jirey sportivo jennnyo haddaad xasuuusatid.
ee axmedoow goormaad kuugu dambeysay halkaas.
iyo faafaahin adiga kuugu saabsan so qor.

macasalaamo gureey..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Tuesday, March 20, 2001 - 09:01 am
to gureey saaxib waxaa laga yaabaa magaceeyga in,aad aqoon satid waxaa waaye ahmed cabdule qaanso reer cabdule qaaqnso caan ayaan ka,eheyn xaafadaas waxaa laga yaabaa in,aad i,aqoonsatid adigana sidoo kale xabattafat sifiican ayaan u,aqaanaa iyo waliba sarta cali suuleey faah,faahin halagaa helo saaxib waxaan daganahay holland nabadgelyo saaxib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Wednesday, March 21, 2001 - 01:08 am
to axmed cabdulle qaanso
walaal waan ku gartay oo reer cabdulle qaanso caan ayey ahaayeen waxaana kuugu arki jiray masjidka weyn ee khudbada lagu tukan jirey oo sheekh c/raxmaan khadiibka ka ahaa laakiin waxaan u maleynayaa inaad tahay jiil naga weyn.
aniga haddaan kaaga sheekeeyo waxaan ahay wiilkii lagu dhaawici jiray markii ay weerarka tuuganimada kusoo qaadeen xiligii poliska habeenkii dukaanada dhici jireen bilowgii 1989kii
haddaad wadankii joogtay.waxana daganaa kasoo horjeedka gurigii gudoomiyihii degmada y/shiid cali xasan jimcaale oo ahaa m/muud inji aaabihiis.
haddana waxaan degenahay Sweden...saaxib.
wax war ah maka heysaa will reer jungale ahaa oo degen holland oo layiraa c/llahi odi iiga soo warran.macaslaamo saaxib...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Wednesday, March 21, 2001 - 01:49 am
to: axmed
saaxiib axmed waxaan sidoo kale ku weydiinayaa haddaad war ka heyso wiil holland deggan oo la yiraah c/rizaaq xaashi xasan oo aan isku galaas ka ahaan jirnay dugsiga h/dhexe ee Y/shiid.
kaasoo degenaa masjidka jaamaca agtiisa gurigooda oo lahaa calaamadda S/airline.
haddaad aragtid iigu salaan.
nabadgelyo saaxiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmad

Wednesday, March 21, 2001 - 02:26 am
to gureey saaxib sifiican ayaankuu fahmay laakin
aniga waanyaraa waxaan dhshay 1980 marka waxaa laga yaabaa in,aad walaa laheey istaqaanaan walaalkeey maxamed cabdule xitaa macalin ayuu ka,ahaan jiryay iskool yaaqshid hadii aad xusuusato hadana italy ayoo joogaa intana waxaan isla jooganaa walaalkeey kale oo la,yiraahdo cumar
waxaa laga yaabaa in,aad si fiican uxsuusato walaalkeey kale xaaji oo dogsiga macalin cabaas dhiganjiray. saaxib dadka aad ioo weeydiisay ma,arag aqbaar halagaa helo saaxib

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Wednesday, March 21, 2001 - 11:55 pm
Gureey

To: axmed

saxib waan ku gartey balse waxaan kuu maleeyey walaalkaa maxammed familkiinuse xaafadda caan ayuu ka ahaa aniga madhigan jirin dufsiga maccalin cabaas ee waxaan dhigan jirey dugsiga macallin Guul oo u dhowaa maaqasiinka dhuxushii ninkii dhagoolka ahaa iigu salaan maxammed iyo dhammaan walaalaha hollan ka warran waxaan maqlay dhallinyarada wey ka kala tagtay maxaa u sabab ah ka warran xaga waxbarashada iyo shaqada maxaa heysaa inkastoo da´daada yartahay waxaan u maleeynayaa inaad weli skool ku jirto.war halagaa helo.iigana soo waran wixii reer juungale ahaa oo aad kuaragtey holland..macasalamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

calas

Thursday, March 22, 2001 - 12:23 am
calas
to: Gureey
Waryaa gureey xageedku dambeysey oo aad ku dhuumatey waan ku aqaan waa sxbkaa calas ex school Y/shiid. aqbaartaada hala helo byyyyy calas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gureey

Thursday, March 22, 2001 - 12:50 am
gurrey
to: calas
waan ku salaamey waa haddad tahay calaskii aan isku galaaska aheen. waxaan joogaa Sverige ee adigu xageed joogtaa.warkaaga hala helo.macasalaamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmad

Thursday, March 22, 2001 - 05:56 am
to gureey
saaxib hadii aan kaaga waramo xaalada holland waa iska liidataa hadii qofku xaas lyo caruurleeyahay
waa dhib waxaan kawadaa caloosha kaliya ayaad u,shaqeeynee oo waxkale maka reeban kartid
laakin qofkii dhalintaro ah wax wuu ka,qabsankaraa
dadka badanaa weey ka,cara raan sawbtoo ah si sharci la,aan loogu shaqeeyo ayaa dhib badan
anigase weli waxbarasho ayaan ku,dhaxjiraa.
saaxib halugu maqlo igala soo xeriir
ahmadqaanso@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CALASOOW

Friday, March 23, 2001 - 06:59 am
KU= GUREY IYO INA CABDULE QAANSO ANIGANA WAXAAN AHEY ILMO XABATAFAD WAXAAN JOOGAA GOOF KU YAALO YURUB QORAXSINKIISA WAXAANA LEEYIRAA CALASOW XABATAFAD MAXAA CABDULE QAANSANO BIRAATO DHAWEED AAN TAALIYO KU ARKEY WAANA IS AQOONSANEY ANIGA WAXAAN JOOGA HOLAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Tuesday, March 27, 2001 - 01:10 am
to alasoow
saaxiib waan ku salaamey kuna soo dhawaaw goobtaan
waxaanse ka xumahey inaan weli si fiican kuu garan xabatafat waa guri magaciis ee ma áha surname balse halagaa helo faahfaahin dheeraad ah oo kugu saabsan halkii aad ka degeneyd xaafadda iyo skoolkii aad dhiganeysey iwm..hana u qaadan si kale ee waan isbaraneynaa haddii aan is aqoonsan weyno.macasalaamo...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Sunday, April 01, 2001 - 10:59 pm
to: axmed c qaanso
sxb waan ku salaamey waxaan kuu soo durey e-mail laakiin iigama soo jawaabin ee maxaa kuugu dhacey..
guud ahaan reer jungale wey hurhurdaan oo wax beejkan soo galaba way yar yihiin ee maxaa ugu wacan. macasalaamo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 11:23 am
To:calas&gureey. Waan idiin salaamay. salaan ka dib, waryaa calas waxaan ku waydiiyay cabdulaahi calas maa tahay? Mase walaalkiis aad tahay? hortase calas cali wardheere maa ku dhalay? bal ii sheeg midka aad Tahay. Anigana hadaan isu kaa sheego waxaa leey yiraahdaa (Dalmar ibraahin) waxaana la dhashay, Diini. waxaa kaloo aan halkaan ka salaamayaa dhamaan reer juungale wixii la socda beeyjkaan. Sidaas&xiriir wacan oo wanaagsan walaalayaal dhamaantiinba. by:Damar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gureey

Thursday, April 05, 2001 - 12:33 am
to: Dalmar
saaxiib waan ku salaamey waana ku gartey sida ay ila tahay waxaana u maleynayaa inaad degeneyd agagaarka masjidkii yaraa ee ku yiilay waddada dheer e tagta spotivo jeenyo waxxadna u dhaweydeen gurigii odaygii carabka (YASLIM).
waxaadna dhigan jirtey muddo yar dugsigii quráanka ee macallin GUUL ee sxb haddey sax tahay iiga soo jawaab halka aad joogtid iigana soo warran walaalkaa DIINI sidaas iyo xirrir wacan
by A/nuur Gureey....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciileey

Thursday, April 05, 2001 - 12:49 am
To : Gureey Iyo Dhamaan asxaabta reer Jungale

From: Ciileey

Marka hore waxaan halkan ka salaamaya dhamaan dhalinyarta reer Jungale,salaan ka dib.

Hadii aan iska kiin baro waxaa magaceyga la dhahaa Ciileey waxaan deganaa Xaafada Shibis , laakinse waxaan xasuustaa in aan maalin aan wada ciyaarnay koox ka socotay xaafada Jungale, waxaana kooxdaasi hormuud u ahaa Gureey,

Saaxiib hadii aad xasuusitid waxaan maalintaasi aan idin kaga badaniya 2 iyo 0 , waxaana ahay wiilkii watay nambarka 10, oo maaliyada Juventus watay,,..

for More details contact me on this e-mail:- Ciileey10@hotmail.com

good Introduction,,by all the youth of Jungle

bye bye bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AXMAD QAANSO

Thursday, April 05, 2001 - 03:36 am
TO GUREEY saaxib marka hore iga raali ahoow
sawabtoo ah waan xanuunsanaa maalmahaan laakin waan kuu soo jawaabay saaxib adigaan arkin ayaan umaleeyaa saaxib aqbaartaada hala maqlo ayaan ku,dhahaa wax hurada majiraan waalawada soo jeedaa
ee adiga halgo maqlo saaxib
waana salaamay dhamaan reer juungal oo.dhan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Thursday, April 05, 2001 - 09:47 am
To: ciileey:
Saaxiib waxaaan u maleynayaa inaad is qarineysid oo aad tahay reer juungal asal ah waa haddaad tahay ciileeygii daganaa agagaarka sunshine private school or Garaad school.
Ciileey murqa ha isku qarin qiiqee daboolka iska qaad ee saaxibadaa yaa ka nool iiga soo warran inta aad ka warqabtid xageedse ku dambeysey.
saxib warkaa hala helo
by Gureey.------

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Thursday, April 05, 2001 - 10:03 am
To: axmed
Saaxib waan ka xumahay inaad xanuunsatay waxxana kuu rajeeyey caafimaad. naso dib ayaan u wada sheekeysan doonaa macasalaamo...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Saturday, April 07, 2001 - 04:44 am
TO CIILEEY soo maahid ciileeygii shaleemada ijaari jiray oo agdaganaa garaad aktiisa iyo reer cadaawe aktooda waryaa si,fiican ayaa laguu yaqaan saaxib ee waxba ha,isqarin ee aqbaartaada hala helo saaxib gureey xitaa wuu ku,fahmay nabad gelyo
saaxib ha;lugu maqlo nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Saturday, April 07, 2001 - 04:45 am
to gureey mahadsanid saaxib ciileeyna muxuu isku qarinaa saaxib ????///

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gureey

Tuesday, April 10, 2001 - 04:44 am
to: Axmed
Saaxib waan ku salaamey waxaan rajeynayaa inaad caafimaad qabto.
saaxiib ninkaan ciileey leynkiisaa qarxay ee warkiisa iska daa beejkastuu ku jiraa mar uu gabayo gabdho u tiriyo mar uu yiraahdo towfiiq silliga agtiisa ayaan deganaan jirey bla bla
ayuu meelaha la wareegaa.
Sxb ninkaan kale ee dalmar ma garatey ee ah diini walaalkiis?
macasalamo soo caafimaad sxb.
gureey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmad

Friday, April 13, 2001 - 08:47 am
to gureey saaxib waan ku,salaamay salaan walaaltinimo salaan aad baa u,ladanahay adigana sidoo kale ayaan kuu rajeeynaya.
saaxib teeda kale aniga ma,garan ninkaan dalmar ah
laakin magaciise waan maqli jiray laakin ma,xusuusto saaxib. laakin waxaan layaabanahay CIILEY maxuu isku qarinaa saaxib ??
saaxib aqbaar halagaa helo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.