site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TUMAA DIYAAR U AH INEY NOQOTO XAASKEYGII LABAAD

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : TUMAA DIYAAR U AH INEY NOQOTO XAASKEYGII LABAAD
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU-BAKAR

Tuesday, March 27, 2001 - 04:29 am
WAXAAN AHAY WIIL SOOMAALIYEED OO DEGAN YURUB MUDO 14 SANO AH WAXAAAN RAADINAYAA XAAS LABAAD,OO U DHAXEYSA 25-30 QABIILKAAD DOONTO AHOW WAXBA IGAMA GALIN WAXAA KALIYA OO SHARDI AH INAAD DIINTA KU DHAQMEYSO DHIRIRKEYGUNA WAA 1.78 MIDABKEYGUNA WAA CASAAN XIGEEN,WAXAAN AHAY WIIL WADAAD AH KUNA DHAQMA DIINTA SIDAY NA FAREYSO,GABADHII DANEYNAYSO HA ILA SOO XIRIITO RUNTII WAXAAN AHAY QOF KAFTAN BADAN RUNTANA JECEL DAACADNA AH
NB:HA WALWALIN XAASKEYGA WAA RAALIYAD TAA MACNAHEEDA MA'AHA INEY TAHAY DOQON,LA SOO XIRIIR
MAXAMED7@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

leylo

Wednesday, March 28, 2001 - 12:01 am
To Abu Bakar walaal waa ku salaamay

waxaad doonaysay xaas labaad. laakiin aniga waxaan ahay gabar guurdoon ah wayna igu adag tahay inaan guursado nin naag leh laakiin hadii aad naagta furtid waan ku guursanayaa.
waxaan ku waydiiyay dhiriirkaagi waad soo qortee maxaad usoo qoriwaysay dadaada? mise waxaad tahay oday gaboobay?waa kaftan ee ha ubixin walaal.

nabadeey walaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Wednesday, March 28, 2001 - 01:48 am
waxaan radinaya gabadh soomaaliyeed diinta taqan alleheeda kabaqaysa oo guurdon ahoo daadeedu tahay 28-32.inaan ama carmal. waxaa qaali ah qof shakhsiiyaad le sida daraadeed muhim maaha inaay bikiir .haddan fahfaahin waxaan.maarin.dada 29 jir waxaan dageenay (yurub)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Bakar

Wednesday, March 28, 2001 - 03:27 am
To:Leylo- Waan ku salaamay leylo waana ku farxay kaftankaagii odey gaboobay ma'ahi waxaa jiraa 29 sano,adiguse ma'habar guurkii ka daahday baad tahay raali ahow kaftanka waan isku leenay,waxaad i tiri naagtaada fur aan is guursanee ma'daacad bay kaa tahay mise waa kaftan, teeda kale hadaan furo naagtayda maxay tahay faa'iidada aan helay,
waxaa la yari miro gacantaada kugu jiro looma daadsho kuwo geed saaran,walaal Leylo waxaan is lahaa wax badso'e is ma lahayn wax iska badal
waxaan u maleynayaa aniga ma'aha ninkaad raadineysay,walaaleey sidaa & nabad gelyo.
walaalayaal wali waxaan raadinayaa gabar noqota xaaskeygii labaad la soo xiriir maxamed7@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOYARKA DUMARKA

Monday, April 09, 2001 - 01:06 am
TO: ABU-BAKER

ALLA INDHA ADKIDAA, NAAGTU MAXAY KU FALAYSAA NIN NAAG LEH OO WELIBA AANAY ARAG, INTA RAG FREE AHI JOOGAAN ADUUNKA. ABOOWE ISLAANTAADA ISKA AG JOOG
GABADH KU RABTA MALEH. IS MERJI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moosa

Monday, April 09, 2001 - 02:43 am
TO ABU-BAKER.
war wanaagsan ayaan kuu hayaa.
waxa la ogaaday in ay dumarka somaliyeed jecel yihiin in ay noqdaan ta labaad (min-yaro) oo ay ka baqaan in ay noqdaan naagta hore,aya'goo ka warwaraaya in la la guursado.sidaa daraadeed loo ma baahna in la yidhaah ha ka warwarin naagta hore waa raaliyee iyo iwm..
anigu waxaan raadinayaa tii seddexaad,markaa tii rabta in ay noqoto tii seddexaad albaabku waa u furan yahay...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-bakar

Monday, April 09, 2001 - 04:49 am
To:mosa waad mahadsan tahay jawaabtaan bixin lahaa adigaa bixiya.
To:Loyarka dumarka waxaad ka hadashay caqlihaaga intuu gaarsiisan yahay, laakiin wax kale ku oran maaye,waxaa suuro gal ah inuu Rabi kuuba qoray in lagula guursado ee seed yeeli,armaad adigu is marjisaa.
NB:adiguna sakiin laq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOYARAKA DUMARKA

Monday, April 09, 2001 - 08:56 pm
TO ABU-BAKAR

ADIGAA, BAL ARAG CID KU DHAHDA GAROORTAADA MEEQA WAAYE.

ANIGA KA LA II QORAY ALLAH, GARAN LAAKIIN BUSTIHIISU WAA BANAANKA HAHUU TOO KALE ISKU DAYO MARKAA WELII LABA MA HELAAYO. WAA KUGU DHACDAY EE ADIGU MEESHAAN MAAD KA CARARTID

MOOSA. ADIGA WAXAA KUGU FIICAN IN QOB NOOS AAD WAX U DHIGTAA HADDII KALE WAX MEESHAN AAD KA HELAYSAA MA JIRAAN. MID BAAN IDIIN SHEEGAA, HADAAD DHAHDAAN XAAS MA LIHI OO KELIYA AYAA WAX KU HELAYSAAN EE ADINKOO AAN BARAN HABKA GODADLE SEE UGU BAREERAYSAAN. WAX IDINLA TALIYA BAAD U BAAHAN TIHIIN MASAAKIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moosa

Monday, April 09, 2001 - 11:35 pm
TO: LOOYARKA DUMARKA.
HORTA ADIKU LOOYAR WANAAGSAN MATIHID,SABABTOO AH SHQADAADA MA GARANAYSID ,WAXA SOO SOCDANA MA OGID,MISKIINA WAXA LAGA YAABA IN AAD CID WAYDI HADDII AAD KA HA DHID ABUBAKAR BASKIISA AMA BASKAYGA.....MIYAANAD OGAYN IN LA SOO DHAAFAY LABADII KUN OO LA MA RAAYO 2001.WAXA SOO DHAWAATAY MARKII DUMARKA DHIRTA LAGA KORAAYEY..HADABA TASHO ,DUMARKANA LA TALI INTAAN WAKHTIGU KA DHACIN.
TO ABU BAKER.
HA LA YAABIN LOOYARKA DUMARKA..MAR'MAR AYEY SIDA DUMARKA U HADASHAA...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

raxeye

Tuesday, April 10, 2001 - 12:00 am
salamu caleykum
nimanyahw waxaad qadeen sharafta
waligeey ma arag dhalinyaro waxaa kuhadlaysa
iyo habllo saas kuhadlayo
waxaa mardanbe hakuqorinina enternetka
dhaqan iyo diinbanulenahayee
sidaas iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moosa

Tuesday, April 10, 2001 - 12:26 am
raxeye.
wax aad iska dhex fariisatay daadkii oo socda.
waxaa meesha ku qoran dib u khriso si aad xooq ugu fahimtid
somalida ayaa ku maahmaada..
Afna waa iska hadlaa ayey noolina waa ciyaa .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOYARKA DUMARKA

Tuesday, April 10, 2001 - 05:47 am
TO. QOB MOOS

LABADEENA ADIGAA U HADLAAYA SIDA WARYAA-NAAYAAGA
DUMAR UGUMA METELI KAREE, NIMANKA SOO BAXAY BERYAHAN DAMBE EE QALBI-CARUURKA MIIDHAN AH.

ADIGOO KALE XATAA HAL MID MA DHAQAN KARO, NIN NAAG KU FILANI NAAG KALE MA RAADIYO EE MID MARMARSIINYO DOON AH OO ADIGOO KALE AH OO TIISIIBA DAYRISAY AYAA ISCAAJ RAADIYA OO AAN AQOON SIDA LOOGU NOOLAADO NOLOL DEGGAN OO IXTIRAAM IYO JACAYL KU DHISAN.

ADIGU BASKA DAMBE SOO RAAC ANIGA KAYGU WAA FIYOOW YAHAY OO MAR HORUU GAARAY MEESHUU U SOCDAY.
OH POOR QOB MOOS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moosa

Tuesday, April 10, 2001 - 12:51 pm
ku: looyarka dumarka.
waad salaaman tahay walaal marka hore,mar labaad waxaan kuu sheegayaa in ann laba idinka dilay oo aan hada raadinaayo tii seddexaad(two down and the third one is to go),haddaba igama cabanayaan oo raali ayey yihiin,si fiican waa loo daryeelaa oo intaa way ii duceeyaan ee adigu waxaad ugu tahay inaad gabadh wanaagsan tahay ee ma kuu boog-gareeyaa ta seddexaad,mise waad yara xishoonaysaa..
waa kaftan ee ha xanaaqin,waxaana layidhi somaalidu kaftanka ayey runta isugu dhameeyaan :)

ku:abubaker.
waryaa abubaker ma hurdo ayaad u qarisay mise mashquul baad ku noqotay sidii aad u dooran lahayd tii labaad oo telefoonada iyo emailka ayaa kugu batay..
mida kale looyarkii waan eryaday oo meel baas baan kaga soo hadhay,waligay ma arag looyarkaa looyar ka orod badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUURA

Tuesday, April 10, 2001 - 01:12 pm
TO ABU BAKER
DIYAAR BAAN U AHAY IN AAN NOQDO TA LABAAD EE ADIGU MA U TAHAY TIYAAR IN AAD GUURSATO TA SEDDEXAAD LAMO SANO KA BACDI.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOYARKA DUMARKA

Wednesday, April 11, 2001 - 02:14 am
TO. MOOSKA

Salaanta kaa qaaday, laakiin ha ina habaarin aboow, anigu hambada ma cunee!!!
sida raggu ay u raadiyaan gabadh aan la taaban ayaan aniguna u raadiya wiil dhawrsanaan jirey, iskaba daa mid dhawr islaamood soo mareene.
Saaxiibkaana waa la soo ogaaday oo waxaan u malaynayaa in islaamihiisii ay ka war heleen oo madaxa la qaaday ee bal ninkii amuu dhakhtarka yaal adiguna waxaan ka baqayaa in aad ku xigto oo ay kugu noqoto, wax badso waxbeel bay leedahay ee is ilaali dumarku wayska wada war hayaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moosa

Wednesday, April 11, 2001 - 08:38 am
To looyarka dumarka.
waad salaaman tahay marka hore.
mar labaadka abaayo nimanku isku mid ma aha oo waa kala duwan yihiin ,khibrad dooduna waa kala badan tahay,ninka khibrada badan sidaydoo kale waxa uu raggii ku dhaafay sida fiican ee uu u yaqaano sida dumarka loo la dhaqmo iyo sida loo rali geliyo.
hadaba nin yar oo aan khibrad la'hayn waxa ka fiican nin khibrad leh,ee bal hadalkaa u fiirso.
:)Ta labaad wax kasta waa dhici karaa,lakiin waxaan u malaynayaa in saxiibkay aroos yahay oo aanu dhakhtarka ku jirin,xaaskiisii hore na waa ka raali in uu tii labaad raadiyo sidii uu inoo sheegay isagu,anigana hay ii baqan waan is hubaaye,mar labaad wax kastaa waa dhici karaa ee haddii aad i waydo bal isoo raadi waaban shakiyee:) :) eemailkaygu wax weeyey soodhawaw_s@hotmail.com
soodhawaw_s.
jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NUURTO

Thursday, April 12, 2001 - 02:47 am
to:moosa iyo gabadh la baxday looyarka dumarka.
ha raadinina aboobaker anaa ila joogaaye,oo waa i shukaaminoo haayaa.laakiin shuruud aan ku reraa noo ...ma isaga gabar soo qaadi kara inta anigu ku noolahay ifka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luul caday

Saturday, April 14, 2001 - 11:32 am
aar waa mahay meeshan lagu sexaaday,ninkoo raadinaayey xaaskii labaad mee,aboowe abuubaker intee ka dhacday ,hee waxaad qoraysid lama arkaayo noo.
marka tii oo ladhahay looyarka dumarka iyo kii wax moosaayay ayagana waa iska seexdeen.
waxaan idin dhihi lahaa ..toosoo wax qora noo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-bakar

Saturday, April 14, 2001 - 04:23 pm
Waad salaaman tihiin dhamaantiin gaar ahaan saaxiibkay moosa,aniga ma'seexan mana jiifo dhakhtarka xaaskeygana ima quudho dil laakiin waan mashquulayoo waxaan ku mashquulay wax akhris oo waxaa ii soo dhow imtixaanaad.
Intaa ka dib hadaan usoo noqdo sheekadeenii xiisaha laheyd aan ka bilaabo looyarka dumarka ma'waxaa dunida jooga nin kuu noqda adoon aad leedahay oo aad saad doonto ka yeelaysid,waxaad yeeshaa ku dhaqan diintaada, xaq baadna u leedahay inaad qiirooto oo Rabi baa idiku abuuray laakiin adiga hakugu koobnaato maxaa yeelay daka Ilaahay abuuray isku mid ma'aha khasabna ma'aha iney dadkoo idil qaataan fikradahaada teeda kale Qur'aanka dib u akhri hadaad akhrin karto waxaa ku qoran u guusada sidan soo socota, mathnaa, wathulaatha, warubaaca,oo ay macnaheedu tahay (labo-labo sadex-sadex afar-afar)markaa ka dib ayaa waxaa la yiri hadaad ka cabsataan inaad cadaalad sameyn weydaan ku ekaada hal xaas,marka hadaad ku doodeyso cadaalad ma'sameyn kartaan waa wax la fahmi karo, hadaadse leedahay ma'banaana in la guursado afar oo waa wax waayihii hore la sameyn jiray soo cadeyso warkaaga anigu waxaa ku oran lahaa ha noqon haaheey raac oo warka mareykanka iyo reer galbeedka marna ha'qaadan maxaa yeelay dad aad u fara badan ayay maskaxda ka dhaqeen oo diintoodii laga shaki galiyey,marka walaaleey warkaaga soo cadeyso.
NB:Qofkii raba inuu ila sheekaysto si khaas ah dusha sare ayuu ku qoran yahay emailkayga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moosa

Monday, April 16, 2001 - 08:02 am
To abubaker.
saxiib waad salamantahay marka hore.
marka xig'ta waxaan kuu sheegayaa looyarkii dumarku in uu is casilay oo uu shaqdisii ka
soo bixi kari waayey,sida muqaata looyarkii
waxa uu noqday "looser",ka bacdina waxa ay
tidhi waa iga guulaysateen oo waan is dhiibay.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.