site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Waxey Guurkeyga Igu Shuruud Ahaan Iigu Xirtay In Aan u Labisto Sidii Ciyaal " Yow Yowga Oo Kale" Walaalayaal Ila Taliya Sidee Wax Yeela Mana Ka Hari Kari " By : Ciileey10@hotmail.com

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Isbarasho - Current : Waxey Guurkeyga Igu Shuruud Ahaan Iigu Xirtay In Aan u Labisto Sidii Ciyaal " Yow Yowga Oo Kale" Walaalayaal Ila Taliya Sidee Wax Yeela Mana Ka Hari Kari " By : Ciileey10@hotmail.com
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciileey

Monday, April 02, 2001 - 01:19 am
To : Dhamaan Dhalinyaro iyo Gabdho

From : Ciileey

Anigoo ah will lagu magacaawo Ciileey waxaan mudo 3 Sano ah aan xariir la heyn gabar lagu Magacaawo Niini waxaa na dhax maray jaceyl midka ugu dareenka badan.

Markii aan mudo wada soconay ayaa waxaan gabadha aan ka codsaday in aan ka soo doonto reerkeeda. Markaase waxey igu tiri. " Waxaad tahay wiil Shiikh ah mana rabi in aan guursado wiil Shiikh, marka hadii aadan u labisan karin sidii ciyaal Yow Yowga Oo Kale ha isku kee soo ceebeenin waxaana kaaga baxayaa guurka oo dhan hadii aad gurigeyna timaado..

Walaashey iyo Walaakee sidee arintan wax ka yeelaa, Waana u baahanahay iyada,,

Waxaad Waanadiina igu soo hagaajin kartaan e-mailkeyga oo ah :- Ciileey10@hotmail.com

Please Advice me of this matter....

Waana Fiican Ayaan Idinka Sugayaa
--------------------------------------
Good Bye:- Dhalinyaro Iyo Gabdhooshinkiina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hani

Monday, April 02, 2001 - 04:20 am
To ciileey

Aniga ahaantey hadaan talo taas kaasiiyo waxaan u maleynayaa in qoftaas ay kaliya kugu jeceshahay habkaad u labisatit sabab too ah yow yowga mahan dabeecad ee waa wax dhar ah oo la gishato ayadana yow yowga qalad ayey ila fahan santahay sabab ta keentey idinkoo isla socdo 3 sano oo jaceel dareen leh wada jisheen in hadeer ku tiraahdo dhar yow yowga soo xiro aniga waxey ila tahay qof fikirey so ma ahan marka jeceelka ayaa waxaa uu u kala baxaa 2 qaybood oo ah mit maskaxinyan ah iyo mit kali qofka muuqiisa marka muuqa qofka ibna aadam ka mar walbo waa is badalaa ee jaceelka dhabta ah ma ku xerno dharkaat gishatit ama in aad lacag leedahay iyo wax lamit ah marka aniga waxaan talo kugu siin lahaa ka fiirso guur kaada hana ku dag dagin ilaa aad og tahay in qofkaas aad ku jaceelyahay iyo markaat dhibaato ku jirto ama markaat qayaaraat ku jirto in uu kugu jecelyahay marka intaas ayaan ku leeyah walaalkiis.

waa hani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciileey

Monday, April 02, 2001 - 07:55 pm
To : Hani From : Ciileey

Abaayo aad ayaad u mahadsantahay maxaa yeelay waxaa hori loo yiri. Caqligii adiga kaa maqan Walaalkaa ayuu ku jiraa..

Arintan aan kuu sheegayo waa mid loo baahnaa in aan uga fikiro sida aad qoraalkaaga naxariista leh oo kale .

Abaayo jaceyl aan u qaaday gabadhaas waa mid saameeyn ween ku yeeshay qalbigeyga..Laakinse wado kasto ha igu qaadato..

Waa in aan ka fikiraa sidii aan arinta ka yeeli lahaa .. Waana mid nolosheyda anfici doonta waanadaa ,

Waxaan kaa codsanayaa in aad iga waanisid arin ah.

Gabar aan daris nahay oo aan weligee u tixgelin jiray ..Sidii gabar walaasheeda oo kale ah ayaa waxey ila imaaday in aan jaceyl la wadaago ..

Aniguna arintaasi wey igu adkaatay ..Marka ila Tali sidee wax yeelaa..


By : Runsheegahaagii Ciileey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tuure

Tuesday, April 03, 2001 - 02:49 am
to ciileey sxb sida ila tahay xadiiskaada waa la ciif ee mid soconaayo la imaad meesha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

pure-black-girl

Tuesday, April 03, 2001 - 03:09 am
ciiley su'aasha danbe ee aad tiri gabar baa rabta in aan jacayl la wadaago dee maad la wadid walaal?
kaligaa waalo wareer waaye.
halaguu waasho wareer waaye.
isla waasha wanaag waaye.
marka gabadha walaashaa ah ee soomaaliyeed ha dayicin ee dhulka ka kici.
adba gabadh in adoo jecel eey ku diidi ma'aad jeclateene.
saas baan anigu koley ka oran lahaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciileey

Tuesday, April 03, 2001 - 08:05 pm
To : Walaalayaal From : Ciileey

Arinta sida aad moodeen ma'aha ee waa mid aan dadnimadeeda iyo damiirkeyga iisin waayay

..By :--Ciileey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hani

Wednesday, April 04, 2001 - 03:00 am
To ciileey

Arinta danbe ee aad i soo waydiisey oo aheed Gabar adiga aad u haysatey walaaltinimo oo kuula timit jaceel aniga waxey ila tahay midaas suaal adag lakiinse waxey ila tahay aniga midaas mit aan anigaba raadinayey qof iiga jawaabo lakiinse aniga isku dayaayo in aan waxey ila tahay ka dhiibto.

waxey anig ila tahay in Gabadhaas ee kaa cosatay in aad jaceel la wadit in aad ka fiir satit qofkeey tahay aadan is dhihin hadaad dhahdo maya way kaa xumaan ee wax la qabo taas waxey ila tahay mit aadan naaftaada qadarin sabab too ah waxaad u samey sey taas mit aad naf kale caawiney sit ee mahan mit aad naaftaada waxa u qabaneysit sababtoo ah mar walibo wax kasto oo jira ama dhaco waxaa ugu horeysa naftaada.
naftaadana waa in ay garataa waxey u bahan tahay oo ah in aad u raadisit oo isku deydit in aad u hasho qofkey rabto naaftaada ee ma ahan in aad qofkale waxe rabto aad u sameysit oo meeshaas naftaada ku ilaawdit marka adiga waaba iga suaale miyey san ogeen Gabadhaas in aad Qofkale Jeceshahay oo aadan wad nahaaga meel kaga banaaneen?
taas iga soo jawaan walaalkiis.
waa hani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ciileey

Thursday, April 05, 2001 - 12:22 am
To : Hani From : Ciileey

Abaayo arinat sidaa sheegtay weeye, laakinse dadka oo idil isku mid ma noqon karaan waxaa jiro dad, aan arimahaasi aan waxba la eheeyn.Marka sidee ayaan xiriir u la sameeyaa gabar aan cunto iyo isla cuno.

Marka waxaan jeclaan lahaa in aadan fikradan oo kale aadan dad sideeda oo kale oo dhibaatan soo qabsatay ha u la talin ayaan ku dhihi lahaa,

Mar hadii aan waayay gabadhii aan jeclaa waa in aan nolosheyda aan ku dhameystaa riyadeeda oo kaliya,...

Aad ayaadna ugu mahadsan tahay waanadaada.

Balse waxaan jeclaan lahaa in aad iiga jawaabtid, hadii aad wiil kale aad jeceel baaxad wey leh u qaadit , oo aad wiilkaasi xumaan idin soo kala , dhaxgashay,,

Mudo ka dibna hadii uu afaaro jaceyl kuu la imaado wiil aad isku meel aad ku nooshihiin sidee ayaan wax yeeli la heyd...

By :- Ciileey10@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.