Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Bari: Maxaa dan inoo ah?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warfaa Geeddi

Saturday, December 16, 2000 - 08:47 am
Waad salaaman tihiin dhamaan waase iga su'aale
Reer haddaan nahay maxaa inoo dana haddii loo kuur galo wacdiga maanta jira guud ahaan dalka iyo gobol ahaan labadaba hadday noqon lahayd xag maamul iyo hadday noqon lahayd ganacsi,waxbarasho
iyo horumar intaba, bal qof waliba wuxuu aaminsan yahay halkan ha ku sheego oo aan is dhaafsano fikradaheenna.
Ramadaan wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khaled

Saturday, December 16, 2000 - 10:22 am
Illaah aan U noqono,Somali wayn aan midayno
gobalaysigana aan iska dayno,danta Umadda waa
In hal meel laga soo wada jeesto.
markii aan taa xalino baan xalin karnaa wax
walba.

khaled

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xamardaye

Saturday, December 16, 2000 - 02:15 pm
Isku duubni, sidi Ul iyo Diirkeed.

nabad iyo caano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bari-bari

Saturday, December 16, 2000 - 05:53 pm
Hadii aan nahay dadka ku abtirsada Gobolka Bari waxa moodaa in dad kayimid gobolo kale nafaragelinayaan. Iyagoo ka faaiidaysanaya khilaafkeena, Marka waxaan ubaahanahay inaan noqono dad isku duuban oo deegaankooda maamusha.Dadka naga dhex shaqaynaayana aan iska qabano. Sidaad la socotaan Ninka isu magacaabay Madaxweynaha Buntiland wuxu heshiis lagalay shirkado kaluumaysi ah kuwaasoo isticmaalaaya shabaagaha waaweyn ee aan bada waxba ku reebin xataa wexey qaadayaan ukunta taasina waxay keentaa nabaadguur kuyamaada badda, xataa wuu qariyey heshiiskii uula galay si aan loo ogaan wuxu kaqaato.Marka ninkaasoo kale masuuliyad maloo dhiiban karaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Sunday, December 17, 2000 - 07:01 am
asalaamu caalöykum


qabiil waa wax qurun waxaa kaliya oo la isku jeclaadaa waa diinta diinta diinta diinta SOOMAALIYEEY DIINTA ISKU JECLAADA QABIL WAA QURUN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHALED

Sunday, December 17, 2000 - 10:49 am
Walaal Khadija
waan kugu Raacsahay Diinta ayaa keliya
Maanta lagu Badbaadi Karaa.
Mahadsanid '

SOOMAALIYEY DIINTA U NOQDA QABIILKANA
SIDII UU RASUULKA UGU TIRTIRAY REER
CARBEED ISAGA DAAYA .OO IN LA ISKU
GARTO KELIYA LAGU EKEEYO.
YAANA QABIIL LA ISKU JECLAANIN YAANA LA
ISKU NECBAAN. DIINTA HALA ISKU JECLAADO.
KHALED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

libaax

Monday, December 18, 2000 - 02:43 pm
KHADIIJO ORAD CARAB IYO BAKISTAN DIIN HAKUGU JECLAATO.QABIIL WAAN AAMIN SANAHAY WAANA ISKU JECEL NAHAY DIINTANA WAAN HAYSANAA.SOMALIYA QABIIL AYEEY KU KALA TAGTAY NINKII SHALAY WAXAAN OGAA II GEYSTAY SIDEE DIIN UGU JECLAADAA MA MAANTUU SOO MUSLIMAY? SHALAY MIYUUSAN MUSLIM AHAYN?.PEACE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Monday, December 18, 2000 - 07:23 pm
Asalaamu caalykum

malinta qiyaamo marka alaah hortiisa tagantahay qabiil wax u ku tarayo malaha malintaas waxii qabiil isku jeclaado iyo baadil waxay isku yihiin cadaw ilaa mutaqiinta mooyee. marka alaah u ugu yeerayo awaye kuwiii dartay isku jeclaadaa maxaad ku jawaabaysaa ilaahay ma oranayo awaye kuwii qabiilka isku jeclaa. marka walaal iska cafi cidii wax ku gaysatay dadkana Allaah dartiis u jecloow waa iga talo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sharmarke

Tuesday, December 19, 2000 - 08:39 am
Jawaab.
libaax kugu fikrad ayaan ahay, waxaanse ka xumahay khadiijo iyo khaled dadka isku magacaabay diin lagama hadlayo dad soomaaliyeedna aan dhibaateynto lama oran ee walaalayaal waxa kaliya oo la yiri -maxaa inoo dana ?taas haddaad dood ka qabtaan ma tihiin dad u dhashay reer bari amase aan iraahdo reer puntland.
Marka walaalayaal waxaa la yaab leh goor walba ee laga hadlo danaha gobol ka mid ah goboladda puntland amase maamulka puntland waxaa soo dhexgalaaya mowduuc kale oo aad moodo reer puntland oo kaliya inuu quseeya kaas oo ah Diinta islaamka ah ee sharafta badan oo soomaaliyoo dhan amase aan iraahdo dunidda inteeda badan ay heystaan .
Walaalayaal khadiija iyo khaled waxaan idin leeyahay haddii aad tihiin runtii dad u dhashay gabalka bari ka hadla waxa dan ugu jira gobolka bari haddii kale iskaga baxa meesha .Dadka degga Puntland intoodda badan ma aha dad jecel iney dhibaateeyaan dad kale waana dad ilaahey ka baqa kuwa boobka iyo dilka muslinka xalaasheystana ma aha .
Marka walaalayaan jawaabteyda waa taas sheekadda inoo wadda anagoon marna u gafin dad muslin ah amase beelo soomaaliyeed toona .
Wa bilaahi towfiiq
sharmarke reer bosaaso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qardho xergoble

Wednesday, December 20, 2000 - 03:51 am
walaalayaal waad salaamantihiin dhamaantiin
waxaan fahmi la ahay dadka bari udhashay iyo dadka aan udhalan meeshan waxaa loogu talagalay
dadka asalka reer bariga ah oo donaya horumarka
gobolkooda eedadka daciifka ah eemagacayag ku
gabanaya raali naga ahaada

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qandala_Boy

Wednesday, December 20, 2000 - 04:44 am
Asalaamu Calaykum...
waan idin salaamay..
Aniga inkasta oo aanan gobolka bari sidaas u kala aqoon, hadana maadaama aan ahay nin u dhashay gobolka, fikradeyda ayaan rabaa inaan halkan ka dhiibto.. Horta aniga gobolka bari waxaan tegey sanadkii hore 1999.. waxaanan soo arkay waxyaabo badan oo gobolku u baahan yahay in laga horumariyo.. siiba xagga wax barashada, Technologiga iyo caafimaadka..Waxa keliya ee aan si aad ah ugu faani karno waa nabada ay ku noolyihiin dadkeena..
Aniga waxay ila tahay in haddii la rabo in gobolka wax loo qabto ay dadka u dhashay isku duubnaadaan oo ay dhexda u xirtaan.. siiba dadka ku nool dibadaha.. Waa in Maalgelin lagu sameeyaa goblka si dhaqaalaha uu u kobco..
waxaa kale oo fikrad iga ah in la sameeyo ururo arimahaas u qaablisan.. oo dadka reer Bariga wacyi geliya..

wa bilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khadija

Wednesday, December 20, 2000 - 06:09 am
Asslaamu calaykum


waan ka xumahay waan ka xumahay waan ka xuhay waan ka xumahay in soomaali ay qabiil saas u qadariyeen kuma qaldani hadaan iraahdo aan isku jeclaano diin cidii diinta nacdana alaha naco . Diinta waa mustaqbalka aduunka iyo akhiraba. Sorry laakiin suaal ama diidantihiin inaan diinta isku jeclaano iyo muslinimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qardho xergoble

Thursday, December 21, 2000 - 02:51 am
walaal waan kusalaamay
salaakabacdi waxaan kuu sheegayaa inta looga baahanyahay koonfurta khaasatan muqdisho
waayo meeshaas gabdhaha lagu jirdilay ama lagu kufsaday oodad islaama xaqdarro lagudialy
marka bari dad islaama xaqdarro laguma dilin
reer koonfur baaka buuxa cidina qabiil maweydiiso
wayna kashaqaystaan waana alle mahadii
waxaan kale kuusheega in boosaaso caanku ahayed
xaga diinta waayo marka salaada lagaaro dukaamada oofuran ayaa lagategi jaray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaliye

Friday, December 22, 2000 - 01:39 pm
To:Sharmarke
War yaa maxaad ku halaysaa war nin yahaw waxaan ku leehay fadlan baldib isugunoqo oo is fiiri saaxiib waxa aad ku hadashay waxa aan anigu kugu diidanahay arinta aad tidhi ee ah diinlaga mahadlayo, waynu wanu wada arkeynaa inaa laga hadlayo danaha bari(ama soomaali oo dhan)xataa arintani makhusayso kaliya bari ee waxay khusaysaa dhammaan soomaali oo dhan:
mida kale ingu ayaan nahay miyaynaan ahayn dad muslim ah jawaabtu waa "HAA!":

Marka waxaa lagama maarmaan ah inaan isxusuusino
sida ay diintu ina farayso. haddii kale wax haggaagaya malaha,adigu maddiidanid diinta laga hadlay lakiin ma'aqaan waxa aad diidantahay:

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jibriil

Monday, January 01, 2001 - 01:47 am
Waxaa inoo dan ah in aan fara galinta ka dhaafno gobolada kale ee walaalaheena dad noogu sokeeya ay degaan, sida jubbada hoose/dhexe, oo aan si sharaf iyo kalsoonaan mudan wax ula qabsano, ileen aragnay in hawiye aan lala noolaan karinee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeedad

Friday, January 05, 2001 - 06:31 am
walal dhamantiin wa salamantihiin.gobolka bari ama
putalnd waa u bahantahay islam iyo horumar labadaba oo waa labo aan kala marmin,hadada moden islamku inuu yahay gadaal u socde.
1) ini ugu horeyey ee wax qala wuxuu ahaa nin muslim ah.
2)isbilakii ugu horeyey adduunka waxaa laga furey bagdad.
3)jamacadaii ugu hreysay addunka waxaa laga furey bagadad.
islamku waxaylaha uu adunka ku soo bireyey waa wax aan halkaan anan ku soo koobi karin.
islamku waxuu wataa xadarat cusub haddii si fican loo qato.nigoo taas amisan ayaan haddana jeclahay in la sugo xudad gobolka lagana shaqeeyo
horumerinta gobolka,hadey haan lahad waxbrashada iyo cafimaadka.dawalda keligeed wax ma qaban karto
ee waxaa loo bahanyahay in dadka gobolka uu dhashay inay ka qayb qataan dhisida gobolkooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Akhyaar

Saturday, January 06, 2001 - 09:22 am
Asalamu Claykum.
Dadka gobolada bari ayaan ka mid ahay, waxaana idin dhihi lahaa danta waxay noogu jirtaa sidan.
Inaan iska qabano ninka beerka ka jiran ee badiina gaalo ku sii daayay, Ithiopia-na kala shaqaynaya siday Soomaliya ula wareegi lahayd,Islaamkana wuu la dagalamaa oo ma jecla. Qoraalo badan oo waxaa la arkay uu C/laahi Yuusuf hishiis kula galay Soomaliya diinta kasoo socota kulala dagaali lahaa, Ithiopia-na balamo badan ayuu u qaaday inuu dalka qeybo ka siin doono. Marka bilaahi calaykum ninka saas ah wax layska qabto miyuusan ahayn? Ninkaan reerkiisa iyo caruurtiisa dibaday jiraan, Soomaliyana inuu baa,ba,sho ayuu usoo jeedsaday ee aan iska qabano. Ninkan waa diktator midka ugu xun oo xitaa joornaladii ayuu hadal u diiday waana nin reer baadiye ah oo aan caqli badnayn. Danta waxay kaloo noogu jirtaa inaan dowladaas cusub ee Somaliya ka dhalatay aan taageerno oo sida reer waqooyiga oo kale aan is faquuqin.
Wasalmu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 08, 2001 - 10:13 pm
From: Bosaaso:

Anigoo ah gabadh reer bari kuna nool yurub bari waan tagaa waqtigaan jaanis u helo dadka reer bariga talana uma baahma waa dad isku filan caqli leh isku toosan waxa kaliyá u baahan yihiin lacagta ay hestaan siday u galin laheyeen gobalka taasna waa wadan aan dowlad jirin la ku qarash gareen kareen wadankooda meel dowlada jirin markaa dadka reer bariga waa dad tagay adduunka oo dhan dadk reer meel walba ay daganyihiin ayaaga ayaa u caqli badan , dadkiina qurbaha jooga gobalka waxaad ula tagi lahaeydeen sameysta talo talo intaad iska deysaan . Nabaday--

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sheerbi

Monday, January 29, 2001 - 02:42 pm
dhamaantiin wan idin salaamay dhalinyaro
Runti waxaa iga qoslisay gabadha reer bariga ah meeshaan ugu danbeysa in kastoo aanay magaceeda soo qorin hadaba runtii waa sey u sheegataye dadka rer bariga ahi runtii waa dad aad u macquul ah waxaan ka wadaa waa dad ilaa xad xishooda yaqaana ixtiraamka qofku ka mudan yahay taasna waxay ka shabahaan adka reer galbeedka ah taas waxaa daliil u ah sida ay ula dhaqmaan dad kale ee soomaalida ah ee aan u dhalan BAri ee ku nool gobolkaas runtii waa meesha keliya ee maanta somaliyi ku wada nooshahay iyadoo aan qofna masuul laga hayan qof walbiina uu ikhtiyaarkii u nool yahayTaasina wa ilaahay mahadiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqa

Monday, January 29, 2001 - 11:31 pm
Waxa kaliya oo aan idinku darsanayo waxeey tahay, Ilaahey in uu nabada noo sa idiyo, Is maqal iyo iska wada dambeeyn, iyo wadankii oo wadajir wax loogu qabto; Ileeyn wada jir beey labo gacmod wax ku qaban karaanee.
Aan is waheshanoo walalayaal
Aan wada jirno walalayaal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baribaalooto

Saturday, February 03, 2001 - 05:43 am
anigoo ah bari baalooto ayaan waxaan ku tali lahaa
in dadka ku abtirsada ay isaga kaashan lahaayee
kaligi taliyahaan ku tumanaya horu markoodii.
maxaa yeelay wuxuu kasoo hor jeedaa qaranimada
somaaliyeed. iyo diintayada sharfta badan.taana
waxaa kuu cadayn karta in uu cabdullahi uu ku
dhiiran yahay ama uu u ololaynayo in soomaaliya
laga dhigo daabiyado aykataliyaan cabiilo hoo
yimaada itoobiya marka cabdullahi wuxuu ilaaway
qaranimadii soomaaliya oo uu ku badashay lacag.
hadaba waxaa iga talo ah in laga haro cabdullahi
oo lataageero nin kasta oo figtadiisu ay wanaagsantahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 29, 2001 - 01:52 pm
kuwa leh aanu iska qabano kaligii taliyaha Cabdulahi, walaalayaal ma tihidin dadkaad isku sheegaysaan, ma waxaad u qaadateen in reer Bari uu sidaas ku nacayo madaxweyne Cabdulaahi,
mase waxaad u qaadateen in dadkaas laysku diri karo, waxaad ilowdeen in dadkasi ay gobanimo u dhasheen yaqaanan waxay isu yihiin,
waxaan idinkula talin lahaa inaydinaan waqti isaga lumin isku dirka reer Bari, reer nugaal, reer mudug, say waxaas aad sheegaysaan 1800 ayey soo gudbeen ma ahan dadka hadda cusub oo sida sahlan laysaga horkeeno. waxay leeyihiin xeer 500 oo sano ka hor jirey oo ay buugiisa soo bixiyaan markii khalad dhaco. ee hawlaha isku dirka ah u sheega dadka aan buugta lahayn ee aan wax qarin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cirbiye

Thursday, April 05, 2001 - 02:38 am
salaan kadib walaalayaal waxaan udhashay buntland waana wada akhriyay aragtiyihiina oo dhan waxaan mahad ucelinayaa walaashay khadiija oo diinta ina ku baraarujisay waana wax fiican waxaan kaloo leeyahay dadka uarka in khadiijo khaldantahay ma khaldana mana xuma ee waxaa xun kuwa caayaya madax waynahooda waxaana idin leeyahay walaalayaal idinkoon waxba caayin dhiibta figradiina iyo sida wax idiin lamuuqdaan hadaadse caydaan madaxdiina waxaad noqonaysaan dameer ciyay iyo wax lamida waana danbaabaysaan sidana isu dhaama >bey cirbiye>