Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Sool: HA HILMAAMIN MUSTAQBALKAAGA...........
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Saturday, December 16, 2000 - 06:19 pm
Adduunyada oo kaiya ma aha halka aad ka heleysid nolosha iyo kheyrka aad mar wliba all ka rajeyneysi. Waxaa jirta in geerida kadib uu qof waliba u baahan yahay naxariis, wanaaga , kheyr iyo waxyaabo badan sidaa awgeed inta aadan geeriyoon waxaad shaqeysataa noloshadaada dambe oo lagama maarmaanka ah.
Taasi waxaa ku gaari kartaa adigoo guta wax kasta oo ale kugu farad yeelay kana hara oo ka dheerada wax kasta uu rabbi kaa xarimay.
Isla markaasna sameysid ficilo aad alle agtisa kaga heleysid ajar iyo xasanaad. ogsonow in mustaqbalkaagu yahay geerida kadib rasuulak C.S.W waxuu yiri"BADSADA MACAAN GOOYAHA" waxuu ugula jeedaa GEERIDA waan wax muhiim ah in aad mar waliba xasuusnaatid in nolosha negi ay tahay tan geerida kadib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Saturday, December 16, 2000 - 06:46 pm
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu:

Faisa:

walaal wan ku salaamay salaan kadib waad ku mahadsantahay waanada iyo isxasuusinta aad soo qortay ilaahay ajar iyo xasanaad hakaa siiyo aamin
Waxaana laga wariyey rasuulka scw hadiis macnahiisu yahay <<qofkii u tilmaama dadka wax khayr ah waxuu la mid yahay sidii qofkii sameeyey>>waxaanse wali fahmin sababta aad ugu qortay halakan qaladna hayga qaadan laina qofka halkan soo galayaa waa qof raba in uu ogaado waxa laga sheegay gobalkaas iyo akhbaarkiisa lakiin qabtaas dadka oo dhan ayaa akhrista anigaygan waxaan daa'iman akhristaa qaybta Islam marka mowduucan oo kale waxay aheed in aad ku qorto halkaas wabaraka laahu fik.
walaashaa

Uma Ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QQQQ

Saturday, December 16, 2000 - 07:17 pm
WACDIGA DADKAAGAA LOOGU HOREYSIIYAA, WUUKUSAXSANYAHAY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jamac

Sunday, January 14, 2001 - 01:09 pm
Assalamu Calaykum

Faaisay ilaahay ha kaa abaal mariyo walaal.Qof caqli badan baad tahay oo sharaf leh.