Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Hiiraan: Beesaani oo dhan maxaas ama Baledweyna ugu dhashay ama uu shaqo ahaan ugu noolaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omareey

Monday, December 18, 2000 - 01:04 pm
Aqyaarta reer Iridda aamin, reer Xaawa taako, Buundaweyn, Howlwadaag, Kooshin iyo intii gadaal laga dhisayba yaan loo kala harin, magaalada magaalo beesaani waaye..
Ani schoolka Talyaaniga ee Lamagalaay ku dhagnaa aa ka soo baxay, isbitaalkii alaab alaabta noo ahaa weli ma jiraa?, Aqyaarta aqbaarta hala isoo siiyo, waqti badan aa magaalada ka soo maqanahee..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hibo Mohammed Nuur

Thursday, December 21, 2000 - 06:17 am
Haa aboowe inkastood sheegin magacaaga laakiin
Magaaladda sidii ayeey wali u shidan tahay.

Waxaad i dhahdey inaad Iskoolkii Talyaaniga ka
baxdey oo ku dhaganaa Lamagalaay waa yaab!
aniga xitaa waxaan ka baxey isla iskoolkaas balse
waxuu ahaa markaan Dugsi Sarre Sh.Ali Jimcali,
Hadeerna waxaan Joogaa isla B/weyn ayadoo naloo
sameeyey Internet Provider kaasoo laga xukumo
Xamar.

Isbitaalka wali wuu iska dayac xunyahay oo uu wuu
shaqeeyaa laakiin sidii hore oo kale uma shaqeeyo
aboowe.

Dadka ka yimid Hiiraan oo ku nool Aduunka waan
idin salamey dhamantiin waxanan idin leeyahay
Ramadaan kariim ilaaheeyna halaga cabsado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

camaloow ka cusub

Thursday, December 21, 2000 - 08:07 am
waayaab reer B/weyne internet maad qabtaan war magaaladii wey dhisantay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasteex

Sunday, January 07, 2001 - 02:29 pm
walaalayaal waan idin salaamayaa waxaana idin leeyahy sanadwanagsan walaalayaal waxaan jeclahay
dadka reer baladweyne waxaana u rajeynayaa barwaaqo iyo bash bash qayr aan dhamaan
walaalayaal aniga kuma dhalan magaaladaas qiimaha
badan laakiin aabaheyga ayaa ku dhashay iyo reera
heena oo idil runtii mahan magaalo qabiil lagu
dhaqmo kaba soo qaad aniga waxaan u dhashay
qabiilka dega cabudwaq laakiin runtii aniga
waxaan ku dhashay xamar baladweyne waxaan
imaan jiray lixda bilood oo iskuulka inoo xiran
yahay runtii maantana masiisteen meesha aan ku
dhashay ee xamar iyo meesha aanka soo jeedo qabiil ahaan ee caabudwaaq,marka barwaaqo ayaan
u rajeynayaa baledweyne iyo inta degta oo idil.

sidaa iyo nabadgelyo walaalayaal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burcaawi

Monday, January 08, 2001 - 02:26 pm
Baladweyne meeye hablihiinii qurxoonaa eed caanka ku aheeydeen iyo dhalintii xirfadaha badneeyd ee kaftanka badneeyd, walee leydiin xiis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nasteex

Friday, January 12, 2001 - 01:18 pm
walaal hibo waanku salaamay runtii waxaan aad u
xiisaynayaa qof jooga beledweyne oo barnaamijka soogala runtii aad baan ugu faraxsanahay ee
walaalee waxaan kuu rajeynayaa adiga iyo inta
kula joogta magaaladii bilicsanayd qayr iyo barwaqo. e mail waa faraxsiyad@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dahir

Tuesday, January 16, 2001 - 10:58 am
I love Hiiraan and specially B/wein,,,
Irida-aamin.

Who can tell me where can i find mr.Abdi Hirey Barre ex-reer B/weyne.
Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 29, 2001 - 06:53 am
hi dhamaan reer B/weyne waad salaamantihiin anigoo
ku dhashay magaalada B/weyne xaafada BUUNDO WEYN gaar ahaan gaalshiraha agagaarkiisa wad taqaaniin ayaan u maleynayaa DAQALEEY ka soo hor jeedka BUULOXAABLEEY aqayaarta meeshaas ayaan waqtigeeyga badan ku qaadan jiray hadaana waan u xiisay wabigii calowga badnaa aan ilaa iyo BUUNDO WEYN aan ku tagi jiray dabaasha waxaan jeclaan lahaa qof iigaga soo waramo magaaladii wax walba u dhameyd thanks? iyo waliba iskoolkii aan dhigan jirey oo ahaa H/DHEXE BUUNDO WEYN suuqa xoolaha xaafada fiiltare u dhawaa HIBO M NUUR waad mahadsantahay nala soco abaayo maadaama aad wali joogto magaladii B/WEYNE CAUZE I LOVE B/WEYNE 4 EVER. PEACE AND LOVE REER B/WEYNE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

high st

Monday, January 29, 2001 - 08:28 am
anigoo ku dhashey buule burte hiiraan. meel aan ku dooranaa ma jirto waa meel hawadeda la heli karin. most waxaan ugu xiisey caano, hilib iyo muufo.
balad weyne alahayow buurlula alahayow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MURIDII

Tuesday, February 20, 2001 - 06:17 am
WAA IDIN SALAAMAY REER HIRAAN IYO INTA XIISEEYSA HIIRAA

DHIIGII AANJECLAABAA
DHEEF IIGU MAQANOO
WARQAD IIMA SOO DIRIN
DHIMATAANA MOOYEE
B/WEYN DHINACYADIISII
IYO DHAGAX TUURKII
SOKEEYE AYAA INAKALA DHAQAAJ SHAY
DHAN BAANLKAA UDIRAY WALI
JAWAABTIISA MAANHELIN
BALSE WAXAAN TALO UGA BAAHANAHAY AQYAARTA LEH
RAG IYO DUMAR EE HALKAAN SOOGASHA MAXAAD IGULA TALISEEN AQYAAREEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamud F shirwa

Thursday, March 08, 2001 - 01:18 pm
Asalaamu caleykum, War warrama ma la nabad qabaa reer horumarkow ninkaan waa laale waxaan idin leeyahay dhamaantiin
ka baqa allaha idin abuuray meel kasta oo aad joogtaan ogaadana in qof kasta la xisaabin doono
(xaasibuu anfusakum qabla an tu xaasibuu),yaa arkay saaxiibkey sheekh Aadam shariif(aaney shariif) wa salaamucaleykkum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bedeley qoone

Wednesday, March 14, 2001 - 12:43 am
Dhamaantiin waad salaamantihiin reer Hiiraan qaasatan reerB/weyne isbishali FIILTARE
Intaas ka dib yaa meel kusheegey CUSMAAN SHEEKH AADAN.IYO SAAXIIBKIIS ABDULLAAHI CALI(abdulahi madaxey)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamud F shirwa

Friday, March 23, 2001 - 06:24 pm
TO Hibo Mohammed NUR
Asalaamu caleykum yaa ukhtii fil islaam amaa bacdi,fadlan haddii aad joogto Belet/Weyne fariin iiga keen Aadam Shariif Axmed (Aaney Shariif)
Abuu Cabdalla(Maxamuud Faarax Shirwac)oo loo yiqiin waqtigii hore(LAALE) wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamud F shirwa

Friday, March 23, 2001 - 06:27 pm