    khaled | Friday, December 22, 2000 - 06:58 am Dhamaan dadweynaha reer gedo waad salaaman tihiin waxaan Raadinayaa dadka ka yimid Baardhere waad salaaman tihiin..Ciid Wanaagsan |
    DHALO | Monday, December 25, 2000 - 03:57 pm WAR BAARDHEERE ANAKAA KA NIMIDE KUMAAD AHAYD WARKAAGA KEEN |
    Osman | Saturday, March 10, 2001 - 02:49 am Dhalo waa kuma ma kii ÅRHUS joogaa? |
    canjeex yare | Tuesday, March 13, 2001 - 11:31 am Walaala yaal waxaan ahaan jiray ex reer baardheere laakiin hada majoogo waxaanan u ciyaari jiray qaama 94 hadaad xusuusataan wali qaama majirtaa mase waa baa ba day yaa war kahaya waxaa abti ii ah CABDI DHAGAX TUUR cidii taqaan oo isna u ciyaari jiray teamkaas magacayguna waa canjeex waxaan xusuustaa ciyaartooydii markaas jirtay sanka oo keeper ahaa CADE C/RISAAQ JARERE XANDAL INDHO C/DHAGAX TUUG CUSMAAN GURAY AXMED GURAY FAARAX ODAY HAYBE CAWIL YARE HAJI JIIR MACAANE QADAR intaa ayaan hada xusuustaa hadaad dad kaa wax kataqaan ila soo socod sii halka ay joogaan mahadsanidiin |
    Dhalo | Friday, March 16, 2001 - 07:59 am osmaan arhus waligey ma maqal, waligay ma arag A O dulsaarantahay maanta ka hor. canjeex yare dadka aad magacyadooda sheegtay. magacyadii reer baar dheere ma leha, marka waxaan u malaynayaa tuulo baardheere la yiraa oo waqooyiga soomaaliya ku taal baad ka hadlaysaa, anaguse waxaan ka hadlaynaa magaalada baardheere oo ku taal gobolka gedo. Abdi Aden Warsame(tiboole) magacaygu wakaa |
    canjeex yare | Saturday, March 17, 2001 - 03:15 am WAR BA AA war maxa ina tiboolihii london joogay ayuu ladhashay war halkaan waxaa jooga ilmo jiifcabee anigu waxaan kahadlayaa baardheere gedo united BGU adigaa laga yaabaa inaad kahadlayso meelkale dadkan waa dadkaan fotballka wada ciyaari jirnay 96 kahor laga yaaabo inaad adiga xili kale kahadlayso dadkaasna waadad jira ee yaad adiga war kahaysaa reer baardheere war ma adeerkay cali tiboole oo london degan ayaad wax isu tihiin mise tiboolahaa badan sidaa iyo nabadeey |