Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Banaadir: Naadiyadii Kubadda cagta ee Soomaliya (Calcio Somalo)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Saturday, December 23, 2000 - 10:54 am
Aqyaarta codkaaga la bax, tifoosanimadaadii intaas sano duugneyd soo bixi, naadigaaga sheego, ciyaartoydii Soomaliyaa yaa tifooso u aheed, ciyaartooygee aad siin laheed MVP (Most Valuable Player):

Naadiyada:
Badda
Badroolka
Gaadiidka
Horseed
Jeenyo (LLPP)
Madbacadda
Munishiibiyo
Waxool
Isnaay

Aqyaarta hal kooxood aan soo qaban waayay, maskacda xoogaa waa duqoowday hala i caafiyo, Kuligiin nabad iyo caano aan idinku ogahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baashi

Saturday, December 23, 2000 - 10:58 am
Naadigeeygawaa Madbaccada, laakiin waxaan MVP siin lahaa MUQTAAR CUTI.

Bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

COOK

Saturday, December 23, 2000 - 06:03 pm
Da best team was Minishiibiyo

MVP:
1-Cuti
2-Muriidi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 27, 2000 - 05:02 am
naadigeyga waa LLPP jeenya kajeen6ya abaa niga waxaan siinlahaa maxamade xaaji uurey ma iloowdau ama macalinikii kubada cagta nuurgaab ninkii yaqaano ayaa yaqaan
laakin gadaal kagaar mayaqaano nuurgaab .
saaxibayaal maxasuusataan cayaartii layaabka badneed ee labada goor lacayaaray soonmaliyoodhana lala yaabay ee ay cayaareen LLPP iyo madbaca lhabeen kaas uureey ama maxamed xaaji maxuu kubad haniday ala maxaa madbaca ku dhacay habeenkaas laakin garab ayaa koobkii lagu siiyaya
ragii cayaartooyda jenya oo dhamina cayaarta wey kafiirsteen waxeyna go aan sadeen iney wadanka katagaan anigana habeen kaa ayaa iigu danbeysay ,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad beeleey

Monday, January 08, 2001 - 03:36 am
cawo&maalin HORSEED

Ma iloowdeen sxb jeenyo cacweeyn iyo minishiibiyo iyo madbaco eenoow ragii ka cabaadsiin jiray:saciid ducaalle,mohammed ismail,cafiifa,xasan xamaama,shaash. lol.

sxb waxaan u malaynaa kooxda kuu goysay waa wagad ama fiat xasan neero iyo cali mire iyo cabdulaahi cabdi oo markii danbe gaadiidka lagu mideeyay ama otto barka.

Ciyaaryahanka B.V.P waxaan siiyay:
a)saciid ducaalle
b)Shiiqaaloow (minishiibiyo)
c)cabduqadir senigal(isnaay)
d)joorje (badda)
f)cutti (batroolka)
g)yuusuf shaqaaq (jeenyo)

waa idiin salaamay bahda kubbada cagta lol.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/xakiin

Monday, January 08, 2001 - 08:41 pm
the best time is [mbc-clab]
the best blayer is
1-muriidi abati-madbacada
2-muqtaar cuti-batroolka
the best golkebar is[xamaama]horseed
the best devender is [sinigaal]batrool

sxb arag waa-karaama dhagey-cabey-nuur amiin -muriidi-cali mire-eenow-wiikey-shukri shilin-shiikha-


to-salaad beeley
sxb sinigaal wuxuu u ciyaari jiray naadiga batroolka iyo qaranka labadaba
waanad ku mahad santihiin dhamaan inti fortay bogaan iyo inti wax ku qortay
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omaraani

Tuesday, January 09, 2001 - 06:27 pm
Kooxdeyda waa Batroolka
MVP waxaan siin lahaa:
Khaliif Shire Riiko (Badda)
Muqtaar cuti (Batroolka)
Binshaakir (Munishiibiyo)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirashid

Wednesday, January 10, 2001 - 01:10 am
To: Omar, ninkii bayjkan furay horta naadiga aad illawday waa naadigii Wagad, oo ay u cayaari jireen Cali muuse Yoonis, Cali Mire iyo qaar kale oo badan.

Naadigaygu wuxuu ahaa Jeenyo(LL pp), waxaan siin lahaa ciyaartoygii qarniga ee dalkeenna Maxamed Xaaji Aadan oo runtii maskaxdayda aan marnaba ka guureynin waxyaabihii uu samayn jiray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Horseed

Monday, January 15, 2001 - 01:49 am
Foofbal somalia wuxuu ahaa mid xiiso geliya dadka ciyaaraha xiiseeya .Aniga waxaan nominate garan lahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan
Sheekhaaloow
Muqtaar Cuti
Muriidi Abanur-ABATI
Sadexdan ciyaartooy waxaa la oran karaa waxay ciyaari jireen footbal aad u horumarsan oo u dhigma kan caalamka laga ciyaaro.
waxaa kaloo soo raaca ragga kala ah:
Ahmed cabaas-minushibiyo
Nur Amiin-Madbacadda
Mohamed Xaaji-Janyo
Yusf shaqaq-Janyo
iyo qaar kale oo badan ....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISmaiil

Friday, January 19, 2001 - 11:15 am
naadigeyga waa munidhiibiy
1 ahmed cabaad
shiiqaalow,
looloow

dhinca kale jeenyo waxaan ka xasuuusta maxamed xaaji.

horseed
1 shaash

laakiin mvp somalia all time waxaan u magcaabi lahaaa
Muxiyadiin cambar KHamiiis
Waxoool

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISmaiil

Friday, January 19, 2001 - 11:15 am
naadigeyga waa munidhiibiyo
1 ahmed cabaad
shiiqaalow,
looloow

dhinca kale jeenyo waxaan ka xasuuusta maxamed xaaji.

horseed
1 shaash

laakiin mvp somalia all time waxaan u magcaabi lahaaa
Muxiyadiin cambar KHamiiis
Waxoool

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHiKalow-#2

Monday, January 22, 2001 - 08:57 am
Kooxaha somalia muddo dheer
bay soo jireen cayaartooy
kale duwan oo ah kuwo
qaran iyo kuwa u dhigmana
waa na soo wada mareen.
Anigoo muddo dheer u ahaa
die hard fan for Horseed,
Ayaan haddana waxaan u qirsanahay
in Shiqaalow, cayaartoy la mid ah
uusan wali soo marin taarikhda kubadda
cagta ee somalia. inta aan ka xasuusto
Ilaa 1973 oo ahayd markii ugu horeysay
oo aan fariisto Katanga(stadio conis)
Waxaan kale oo aan aad iyo aad
iyagan ugu yarasan.
Saciid Cabdalla,
Axmed Saqiir,
Mukhtar Cuti,
Muriidi Aba nuur,
Cabdullahi cabdi(dheemanka madow),
Khaliif Ricco,
Maxamed Ismaciil, (Siteey)
Eenow,
Cafiif, Shaash,
Abukar George,
sharkeey, shaqaaq,
khaliif Jeylaani,
Bashiir Jeenyo,
Maxamed Xaaji,
Muxyadiin darbo dheere,
Iskot
Cabdi kuus,

iyo cayaartoy kale oo aan halkan ku soo koobi karin. Waxaan aad ugu faraxsnaan lahaa in arkale aan aragno Kooxo soomaliyeed oo u dhigma Kooxihii hore u jiray nolosheenana muddo dheer farax galiyay...magac dheerna noo soo hooyay muddo badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Tuesday, January 23, 2001 - 04:49 am
Omar, waa ku mahadsantahay maqaalkaan aad noo furtey.

Aniga, waxaa Most Valuable Player aan siin lahaay ragaan hoosta ku qoran:

Qeybta hore waxaa waaye:

Axmed Saqiir, Saciid Ducaale, Ismaaciil Griile, Cafiifi, Iskot, Jeelaani Khaliif, iyo Budiiste.


Qeybta labaad waxaa waaye:

Muqtaar Cuti, Shiikhaaloow, Muriidi, Eenoow, Khaliif Rico, Mad-uureey iyo Axmed Cabaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Tuesday, January 23, 2001 - 11:19 am
Badagal wuu mahadsan yahay wax ii cad inaad akhyaartii hore tahay dadka aan qurbaha aan ku aragnay maga ranayaan cayaar tooyda aad tirisay ninkan waa Hassan Ataroos ama H-Hiiraan ama H-jigta.oo Madbacada u ciyaarijiray 1977-1983.waxay ila tahay S SHiino ina uu yahay ninka ugu wanaagsan.ninkii qabtan furay aad baad iiga farxisay daka inta badan waxay kahadlayaan wax aad u foolxun cayaartii iigu wanaag sanayd een daawado waxay ahayd Horseed iyo Jeenjo 1976.Waxa badiyay Jeenyo 4-3 Qalocow ayaa Goalka guusha dhaliyay dad yar ayaa xasuusta waa Koob loodhigay DHigay Boqorka Imaaradka Abuu Dabay.halkaa kisii wada igu salaama dhamaan caartoydii meelkasta oy joogaan.S.shiino hala ii soo raadiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

JEENYO

Tuesday, January 23, 2001 - 12:30 pm
Jeenjo LLPP waa naadigeeygiii, waa mahadsan thiin xasuustaas aad na xasuusiseen..
laacabitiintii uga ama xulka qaranka somalia waa sidan

Weerarka=

Shiiqaaloow
Maxamed ismaaciil
Shaarkeey
Muqtaar cutti
cabdulaahi cabdi
Axmed cabaas
muriidi abati abanuur
Eenoow


DHEXDA
muxudiin cambar qamiis
MAxamed xaaji
KHaliif riico
DR,Shaqaaq
Nuur amiin


Difaaac=

Shaash
qaloocoow
DIINI
Ajeeloow
xamsa

boortiyeeri

jeylaani qaliif
goerge
sacad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ISNAY BIYASO

Tuesday, January 23, 2001 - 10:18 pm
sallaan ka dib,
saaxiibayaal ISNAAY ma illaawdeen,
inkasta oo ay xooggaa boonlo iska ahaayeen, haddane kooxda keliya ee gobol ka dhisan ayey ahaan jirtay and (WE'VE BEEN VERY PROUD OF THEM) AS A REER JOWHARS.

SALLAAMO KA DHEH,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Thursday, January 25, 2001 - 05:03 am
Mahad Turbashaash ayaa ku soobiiray waa Hassan walaalkii aniga waxa aan siinlahaa cayaar wanaaga Abdi Adan Abaar iyo Daahir Gacamay dad yar baa garanaya ayaan umalaynayaan reer Waabari wexay dhihi jireen aryaa Beeley iyo Daahir yaa fiican mana kaftamayo waxa aan kahadlayaa 1976-79.Daahir waa nin aad edab dulqaadleh.waxa ugu xumayd cayaar ay wada ciyaareen Horseed iyo Badroolka oo dagaal ka dhici jiray 11by11.Waxa kale oo yaab lahayd Horseed-Waxool oo u dhacday 1-0 Horseed Abdi Ladiif ayaa Goalka dhaliyay daqiiqadii 90.haday barbardhac ku dhamaan lahayd waxaa qaadilahaa LL.PP.WAA CAYAAR AY AAD UGA NAXAAN . dad ka reer Jeenyo waa 1979. Gadaal kagaar magaran karo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LLPP

Friday, January 26, 2001 - 12:44 am
mahad brother ciyaartaas aad ayaan u xasuuustaa.
sabatoo ah waxaan ahaaa tifoose jeenyo, maalintaas waxaan si fiican u xasuuustaa
waxool difaaceeda muxidiin xaaaji oo aad u difacaay horseed weerakeeda, ciyaartoo dhamaan rabto ayaa gool qasab ah laga dhaliyey waxoool,
ma hilmaamayo ciyaartaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Friday, January 26, 2001 - 04:13 am
Waxa aan idin xasuu sinayaa so laaba shadii Said Duale uu ku soo laabtay Dalka wax aan u malay nayaa in Horseed iyo Fiat-ama Batroolkaay wada ciyaarayeen Boortiyeerigii reer Siigaale magaciisaa iigooyay,hala icaawiyo habeen kaas labo darbo oo cajaaib leh ayuu ka qabtay Ducaale kadib dhulka ayuu is dhigay si loobadalo.Ducaale waxa aan uma laynayaa ina uu yahay nin ka ugu dhamaystir fiican Somalia.Ducaale cayaar tii ku xigtay waxay ahayd kontro Ugaandha oo uu Goal cajaaib ah ka dhaliyay.ilaa ahada Goalkaas xayaysiinta ayaa la iska tusaa wax uu is dhaafiyayn labada lugood nin kii xasuusta ayaa xa suusta.Inkastoo S\Fanalkii nanaga badiyay Godfaray Jiitaalow waa Malaawi ayaa qaaday cayaar wanaaga.waa mahad san tihiin halkaa ka sii wadada Mahad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Badgal

Friday, January 26, 2001 - 08:47 am
Hassan Hiiraan,

waa ku salaamay walaalkiis, waana ku mahadsantahay in adi oo cayaartooydii hore ah aa ii qirto in aan dadkii hore ee cayaartooydii Calci-ada si xasuus ah aan u haayo qaarkood.


Hassan, waa ka xumahay ma ka war-haayo Salaad Shiino xaaladiisa meesha ey ku sugantahay.
-------------------------

Mahad, Daahir Gacameey waa cayaartooy aad u fiicnaa, qof ahaana waa isku naqaanaa Daahir-Gacameey, waana qof aad u dagen, edeb aan lahi karin ilaaheey siiyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Salaad-beeleey

Sunday, January 28, 2001 - 11:36 pm
Horseed#Almuqaawanuun al carab

Asxaabtii isbortiga Somalia gaar ahaan bahdii HORSEED waxaan idiin xusuusinayaa waqti ka mid ah waqtiyadii ugu qaalisanaa Horseed uguna adkaa.

Maalintu waxay ahayd maalin jimce ah,waxaa jirta ciyaar ay iskaga horimaanayaan kooxaha HORSEED(SOMALIA)#AL MUQAWANUN AL CARAB(MASAR)oo ka mid ah tartankii horyaalada Africa,waxa 7&0 ku soobadisay al muqawanun gurigooda masar(SABCA WA SAFIR)oo halhayska reer masar ahaa qofkii xusuusta baa xusuusta.

Ciyaartii baa bilaabatay iyadoo garoonkii istadiyo muqdisho buuxdhaafay,waxaa halkaas wacdaro ka dhigay Muqtaar cutti 10(anteeno) iyo Eenoow 9 Shaarkeey 8 oo ku ciyaarayay magaca horseed,sawaxankii iyo xamaasaddii waxa laga maqlayay xaafadihii muqdisho,maalintaas xamaasad darteed Somalidii gacmaha is wada qabsatay oo la qaaday mar kaliya heestii caanka ahayd ee calanka "SOOMALIYEEY TOOS"muqaalkii halkaa maalintaas runtii waa mid ku beeran guud ahaan bahwaynta isbortiga somaliyed gaar ahaana bahda difoosayaashii horseed xusuus wacan saaxiibayaal "NAADIGEENII HORSEED"qoraalkan waxaan u hibaynaa TAAGEERAYAASHII waynaa Madaxeey iyo Cali "hudheey"ee Horseed sidaas iyo nabaadiino guulaysta.bye beeleey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 31, 2001 - 12:42 pm
aad baan ugufaraxsanahay beejkan saaxiibayaal sheekooyin badan ayaan ka hayaa cayaaraha laakiin ha iloobina xiisihii goboladdu lahaan jireen bal halaga sheekaysto taariikhdii ciyaarahaas oon anigu kolay sheeko dhan ayaan ka soo diyaarinayaa,waa walaalkiin ,

Hassan Hiiraan.Oslo Norway.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Washafateyn

Sunday, February 04, 2001 - 01:42 am
Waa mahadsantihiin kuligiin nin walbana waxuu ka hadley aqoontiisa ku adan balse wax muuqato waqtiyada iney kaladuwanyihiin waxana arag cayaartooy waa ween oo magacoodna marna laxusin waxaan huba in lahlmaamey balse aan idin xasuusiyo cayaartooy ween dabeecadna leh xushmad qaali ahna leh mar aan jid wax ku weydiiye habeen asoo ka soo dagayo buski naadiga waa xaafad madiino aan iri ka waran cayaarti maanta markaasuu igu yiri bug leen ciyaareyney BOm ANB BOM waana dhaamti lee isagoo iska sii luudaayo.

Waa cayaaryahan ka weeyn ee qaranka ka dhem muuqdey '' BOORKA'' WAXOOL, mana arag cayaaryahanki caan ka ahaa Awees idar(horseed)

Guul dhalinyaro waa biloow fiican oo xusuus leh.

Washafateyn(Ex madiino) hadana London

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REER KISMAAYO

Thursday, February 08, 2001 - 12:50 pm
ARINTA KUBBADDA MARKA LGA HADLAYO, WAXAA FIICAN IN LA FIIRIYO WAX QABADKA LAACIBKA IYO HORUMARKA UU GAARSIIYEY KOOXDIISA. LAGAMA HADLO QOFKII AAD JECESHAHAY AMA AAD DIFOOSE U TAHAY.

LAACIBKA WAA IN LAGU QIIMEEYO HEERKA UU GAARSIIYEY KOOXDIISA.

WAQTIGII DHOWAA ANIGU WAXAAN SOO QAADAN LAHAA :
1- KHALIIF RIIKE OO WAQTIGUU CIYAARAYEY KOOXDA BADDA GUULO WAA-WEYN U SOO HOYIYEY SIDA KOOBAB IYO ISKUUDIYABA.WAXAUU AHAA #10 KII UGU FIRFIRCOONAA QARANKA SOMALIA. INTUU U DHEELAAYEY QARANKA DHOW MAR AYEY KOOXDU HEERFIICAN GAARTAY.
CIYAARTIHII CARABTA WAA TII SACUUDIGU KHAYAANO NOGU REEBAY.
TII BARIGA IYO BARTAMAHA WAA TII BARUNDI SEMIFINALKA NAGU REEBTAY.

WAXAAN KA WADAA LAACIBKA WAXAA LAGU QIIMEEYAA HEERKA UU KOOXDA GAARSIIYO.


BAL FIIRI LAACIBIINTA ADUUNKA. LAACIBKU WAA IN UU KOOXDIISA HORYAALKA U KEENO KA DIBNA KOOBKA QAARADIISA KA DIBNA KOOBKA ADUUNKA.

MARKA AAN ISKA DAYNO NIN JECLAYSIGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahad

Saturday, February 10, 2001 - 12:19 pm
Reer Kismaayo,difoosa walba waxa uu taageeraa Tiim ama laacib kubada noocuu rabo ha ciyaaree ceeb uma arko inaad laacib taageerto.KHaliif Riiko waa laacib aad u wanaag san wakhti yadii danbena soo baxay waliba waa laacib shaqsi fiican waxa iigaga sheekeeyay laacib layiraa Wali oo ay Bada u wada ciyaari jireen.Xaq baad u leedahay inaad laacibka aad doonayso taageerto qasab ma aha ina uu koob soo qaado hadii uu cayaar tiisu ku qanciso waad kaheli kartaa. Cayaaraha hadii aan koox ama laacib la taageeri lahayn qiimo maylahaa teen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

reer kismaayo

Thursday, February 15, 2001 - 06:18 am
to Mahad. sxb ima aadan garan waxa aan ka hadlaayo. waa runtaa qof walba xaqbuu u leeyahay in uu taageero laacibkii uu ka helo ciyaartiisa. anigu midaa kama hadlayn. waxaan ka hadlayey marka la yiraahdo hebel ayaa ugu laacibsanaa ama hel oo kale weli nama soo marin.

markii ay dhacdo arintaas oo wali waxaa laacibiinta lagu kala saaraa oo lagu ka qiimeeyaa wax qabadkooda. matalan maradona markady napoli soo gadatay, sanadkii koowaad waxuu keenay kaalinta afaraad naadigaas uu maarkaas qarka u saarnaa in uu dib ugu noqdo kooxaha heerka labaad(serio b). sanadkii labaadna waxuu qaday horyaalkii Italiya, koobkii yurub, iyo dalkiisa oo uu uqaaday kii aduunka. fiiri gulet waxuu milan u soo hoyiyey horyaalkii Talyania iyo koobkii yurub balse ma ku guulaysan kii aduunka. sidaa darteed guled la qiimo ma aha maradoona marka laga hadlayo lambarka 10ka. maradoonana la qiimo ma aha Belle marka laga hadlayo koobka aduunka.


marka sxb arintaas ayaan ka hadlayey ee kama hadlayan xaq iyo xaq la'aan ma u leedahay in aad taageerto laacib? daasin badan oo ka ciyaarta lambarka 10ka aya dalka soo martay sidee lagu kala qiimayn karaa. arintaas ayaan ka hadlayey.
nabaday,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

UNAA

Saturday, February 17, 2001 - 02:35 pm
INTEE KU HILMAANTEEN SHIIQ UNAA, WEENKEY, AND SHABEEL, THE GOAL KEEPER