    Omar | Sunday, December 24, 2000 - 04:19 am Ku: qofkasta oo xamar ku dhashay ama ku soo koray, Aan isku duubnaano, ilaah aamino, meel kasoo wada jeesano, danteena guud fiirino, dan qabiil gaar u ah waa ku jabnay mana rabno, dadka waxbartay iyo inta waayo-araga ah ee experience badan leh meesha halagu noqdo, barnaamijyo dadka maskaxdooda ka dhaqaaya qabiilka iyo dagaalka aan qorsheyno kadibna hirgelino. London, Newyork ama Cairo mid walba waxaa kaligeed ku nool wax ka badan 10 million, marka 7 da million ee Soomaalidan dhibka badan leh meelkale iska daayee Xamar aaba qaadi karta, waxaan ka wadaa dhul waa naga badan yahay, cunto iyo qeyraad inaga badana wadanka yaaliin, balse waxaa maqan caqligii lagu qeybsan lahaa iyo damiirkii midkeena qaldan aan yac isaga oran laheeyn. dadkeena qurbaha jooga koley wax badan waa noo kordheen. Just markaan wadanka ku noqo oo aad aragtid dad sida ay baska u koraan is xaglinayo oo kii ugu xoogaweyn uun karayo baska ayaa waxaa kugu so dhaceyso inaad tiraahdo war bal jooga baskan idinka badan feyl gala kiinii soo horeeyay ha bilaabo baska galidiisa si ay caruurta iyo dumarka inoogu badbaadaan. Runtii tusaalahaas oo kale ayeey arrimo badan oo xamar lagu xalinkaro siyaasad ahaan rabtaa........... Wallaalayaal warka yaanan idinku badine waxaan sugaa waa fikradaada dhaxalgalka ah Omar |
    gabar-xamar | Friday, December 29, 2000 - 03:31 pm hi mater isku sheeg adigoo kale oo badow oo qabiil ka hadlaya oo narrow mined ah adigoo kale waxuu ku fiican yahay inuu baadiyihiisa ku noqdo mayeelay aad baad u xarareysay lol hadii qof dameer awot qofka waa geel jire or ari raag so dameer so so waryaa nacas yahow master waligaa ma noqon badow yahow is aamus hadii adan hayan wax kale oo sheegtid maskaxdana aad by kuu yar tahay. adigoo lake waa kuwii badow dii dhulka qaribay. |
    ahmed | Friday, December 29, 2000 - 10:31 pm kan kore waa nin raba in uu isku diro dadka soomaaliyeed cadowna u ah muqdisho kuwaas waa la ogsoon yahy tuulooyinka iyo magaalo ku sheega ay ka yimaadeen waa maseersan yihiin.walaalkeyga fekrad fiican keenay ee in leys ka qaado meesha oo xamr cadee la dhiso ku taliyeey fekredeyda waxaa waye in aynaan cidna ku tashan mar hore in dowlada abdiqasim la taageero iyo somali ween policy tan kale oo shaqsi ahaan waxaa waaye cidii ka soo horjeeda in an lag gabn oo aad ka qeebqaatan mudaahardka intenetka lag waddo oo amxarad hubka ku soo daladaleyso somaliya unta lag dacweeyo . shaqsi ahaan aniga waxaan oran lahaa ha loo shaqeeyo xamar hal maalin extra a week markaasna waa ilaa 100 dollar lacagtaas ha la dhaqaaleeyo oo dalkii markey xogaa kumaan dollar gaarto halagu dhisto shaqsiyan. teeda kale barnaamijka soomaaliya toos in lal socdo maskaxdan lagu hayo in muqdisho horumar sameeysay xitaa jahwarer ayadoo uu ka jirey. dadka wax bartay waxaa loo baahn yahay siyaasad ween oo xagga dowlada ka timaado sidi the brightest somalis loo soo shaqo sin lahaa dalkan logu soo celin laha aniga waxey ila tahy in ay nabad muhum tahy iyo oppurtunity dadka soomaaliyeed dhinac kaluumeysiga ha loo batto.i love mogadishu god bless my homeland forever you just wait and see mogadishu will comeback. |
    Salah | Sunday, December 31, 2000 - 12:08 pm Asalaamu caleykum Ciid wanaagsan Ku: Omar iyo Axmed Walaalayaal waa salaaman tihiin, waana ku mahadsan tahay Omar mowduucan aad furtay. Run ahantii anigu waxaan qabaa in Soomaaliyoo dhan la dhiso oo aan Muqdishu keliya xoogga la saarin. Waayo Sidaan la soconno Muqdisho waxay aheyd magaalada ugu weyn Soomaaliya uguna cammiran ayadoo Soomaaliyoo dhan oo qabiil kasta leh ay wada maalgashatay, dowladihii jirayna ay ku koobeen waxii adeegga bulshada ahaayoo dhan xamar iyo agagaarkiisa, haddii ay ahaan laheyd isbitaalo, jaamacado, warshado iwm waxaa lagu koobay xamar ayadoo la iska hilmaamay gobaladii iyo magaalooyinkii kale ee Soomaaliyeed. Maanta nasiib xumo waxyaalahaas oo dhan wax ka yaal oo howlgal ah xamar waa ku yar yihiin oo waxay noqdeen wax la bililiqeystay iyo wax la burburiyey. Sidaad la socotaana xamar waxaa u haray dad ayagu maanta sheeganaya ineey ayagu leeyihiin oo ay dadka kale ka xigaan kuna qasbay in Soomaalidii kale nin walba gobolkii uu awoowgiis kasoo jeeday uu ku noqdo oo uu maalgashado, taasi waxay keentay in magaalooyin markii hore tuulooyin ahaa in ay cimirmeen kadib markii dadkii ku abtirsanayey ay dhisteen oo malgashteen. Haddaba waxaan dhihi lahaa Xamar dadka u dhashay ha dhisteen oo yeey ku tashanin in soomaalida gobalada kale ka timid ay sidii markii hore u dhisteen u dhistaan. Anigu xamar waan jeclahay waayo waa meeshaan ku barbaaray waxna ku bartay Dugsi hoose illaa heer jaamacadeed ayaan uga baxay, Laakiin ma qabo maanta mana ku talinayo in Soomaaliyoo dhami ay xamar dhisato waqtigaan la joogo. Tan kale waa fiican tahay in Soomaaliyoo dhan ay heshiiso oo is aaminto, laakiin waxay u baahan tahay waqti iyo wacyi gelin ballaaran. Waxaana Ilaah ka rajeynayaa in la gaaro waqti ay Soomaaliyoo dhan is aaminto. Nabad iyo barwaaqo Soomaaliyoo dhan Salah |
    Ghost City | Tuesday, January 02, 2001 - 02:17 am You Guys are dreaming, Who the hell you telling to rebuild Mogadishu. The Ghost City, The city of Death, and the city of the ignorant suckers.Ghost City will never be the capital of Somalia Again. Its over guys, mind your own business, nad dont wait for us to rebuild it. |
    M-yare | Tuesday, January 09, 2001 - 04:24 pm to G-city, Bro, I think you are a one angry somalian. no matter where you from, you need to look back about the history of somalia, and especially the one of Mogadishu...there were always disputes, conflicts all over Somalia. cities were destroyed and rebuilt again and people of Somalia as they always said " Dadku waa dagaalaa dabadeedna waa ku wii hiishiiya" you want to be remain angry? for what? do you think you can bring back the dead? I don't think so. those of us who survived through this unfortunate times will be like those who did in the past picked up the pieces and made mogadisho or any other city in somalia what it was like before the civil war. |
    Munye | Monday, January 15, 2001 - 02:45 pm Xamar nin ay dhismo ugu baahantahay ma jirto waqtiga ay rabto ha qaadato mar alle yiraahdo wey dhismee laakiin dadka ku dhashay oo ka guuray yey u soo kala dhuumanini.aad baan u taageersanahay dadka naftooda ka badbaadsady oo ka guuray. Ha xasuustaan waa meeshii ay ku dhasheen oo ay wax ku barteen only...... |
    Anonymous | Friday, February 09, 2001 - 03:27 pm xamar cadde qiimeey lahaan jirtay laakiin waxay gacanta u gashay hogaamiyayaal kala adkaan waayay dadkiina kala qaybsaday laakiin waxaan shaki ku jirin in maalin uun aay xasili doonto. hassan |
    ahmed | Saturday, February 10, 2001 - 09:55 pm waa mawduuc aad iigu ween fekergeyga waxaa waaye waxa maanta jira waa laga baxayaa ee positive ahoow hana isku mashquulin wixii hore u dhacay oo ka feker mustaqbalka qof waloow dhaqaaleyso waxaad shaqeesato si aad xamar aadan marti ugu noqon. lacagta dowlada ku meel gaarka loogu deeqay waa in muqdishu lagu dhisaa laguna soo celiyaa hay'adihii adeega dadweynaha ee burburay sida isbitaaladii baanadir,mediino,digfeer ,martini iyo kuwa kale in dowladu dib u dhis ku sameyso gurigii ummada kan baxdo hoteelada xamar iyo wasaaradahi qaranka in geel jiraayasha qoryaha watta laga gado si ay u shaqeestaana wax la baro sida fuundinimo iyo biyoo gelin iyo buliketi sameen iyo farshaxan kale oo ay ku sameesan karaan dhaqaale sida kuushiin dhisid,maarbal sameen ,jardiina qaabeeyayaal iyo warshado shaqo laga helo iyo weliba baritaanka dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka kuwa yaryarna iskuulaad la geyo si ay dhaqtar kalkaaliyaal cafimaad u noqdaan ummadan nolashaooda inteey burburin lahayeen wax u qabtaan waa in good samaaratan lag dhigaa dadkaas waayo waxaan aaminsanahy in dad wanaagsan ay ku jiraan waxaan ka hadlayaa dhaliyarada careysan ee hubka wadatda mustaqbalkaoodan mugdiga ku jira iyagana duduminya waxii fiican waa inla dhaqan celiyaa ama geeloodii ku noqdaan lana soo celiyo meelahii dhaqanka lagu fidin jiray sida tiyataradii,museeamyadii,maktabadahii,machadyadii,ciyaarahii,farshaxankii,dhar toladii iyo faashankii,aartiistayaashii maqaayadahii heerka sare ahaa weliban multicultaral waa in midel claas hor leh la helaa oo expoort iyo impoot sameeya dhismayaal shirkado qaabilsan,informatinka ,warshado,caymiyiyaal iyo weliba maal qabayaal hanti xoog leh heesta la helaa kuwaas ayan u baahan nahay maanta oo dowladii guulo ku talaabsaneyso iyagan daacad u noqdaan sharciga dalka iyaga ka fadiseestaan anaga noo faaideeyaan waa shacabkee .clubyadii shisheeyaha iyo soomaalidu leheed oo la fura lana ogolaadaa shisheeye in hoteelo waa ween ka furtaan muqdisho dowlad ay attracratif ka dhigto muqdisho oo dib u habeyso water front hantida ah ee xeebta u dhow iyo magaaladaii qadiimiga aheed ee shangaani,xamar weyne iyo kuwa kaleba si loo maal galiyo dadka reer muqdishana shaqo ugu helaan halkaas waa in pravite sectorka la xoojiyaa.xeebta liido la xayeeysiiya si dadku u raaxeystaan una nastaan maalmah jimacaha laguna dhiiriyaa caruurta iskuuleyda iyo dhalinyarada in ay ku nastaan kuna ciyaraan xeebtaas bilicda san kuna dabaashaan dowladuna amniga ay qaado sida ka ilaalinat nibiriga oo kale oo shabaq lagu xiraa dadkan la baraa in aysan qashin ku redin xeebtaas qurxan oo ah meel dadka ka waadda dhaxeyso lagu sheekeysto lagu qadeeyo leysku barto caafimaadka nolashan ay ku jirto taas waxyaabo badan baa muqdisho shaqo ahaan looga abuuri karaa einstein waxuu yirri"imigination is better than knowledge qof walba oo muqdisho jecel waa in uu maskaxdiisa isticmaala siiba dhinaca dhaqanka iyo hurumarka dhaqaale iyo nabada iyo wax barshada iyo shaqada iyo nadafadana loo badiyaa xaga dhismaha fekerka halka tuugada xabsiga laga dhigayo dadkeenii ku dhintay dagaalka sokeeye ee macno darada ahaana aan ugu aargudno in muqdisho aan succesfull ka dhigno fountain biyo ka daataan oo weligeed istaageyna aan taalo ahan ugu dhisno waayo biyuhu waa nolasha iyo nabada ..mogadishu waxaa mar kale ka dhici doona maad iyo qosol iyo jeceel you just wait and see.aqristoo howshaas nala gal wey nagu filabtahaye aan muqdisho muraayad ka dhignee jiilka danbe u ayaan tolaransina an barno halka cadaawada ay na geysan weynu garneynaaye |