We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 01, 2001 - 05:12 am CIID WANAAGSAN IYO SANAD BARWAAQO WAXAAN HALAKAN KA SALAAMAYA DHAMMAAN DADKA REER BOON MEELKASTA OO AY JOOGAAN GAAR AHAAN CABDI MAXAMUUD GUUDAAL (BIGAYS) AXMAD MAXAMAD SACAD CABDIQANI YUUSUF CAATEEYE CABDULAAHI FAARAX SIGAD(FARXAAN) ANNIGU WAXAAN AHAY CALI IBRAAHIM DIIRIYE WAXAAN JOOGAA LIIBYA,WAXAAD IGALA SOO XIDHIIDHI KARTAAN :E-MAIL:zaila1965@yahoo.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 01, 2001 - 10:25 am CIID WANAAGSAN IYO SANAD WANAAGSAN WAXAN HALKAN KA SALAMAYA DHAMMAAN DADKA REER BOON MEELKASTA OO AY JOOGAAN. FAYSAL DAHIR BARKHADLE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 10, 2001 - 11:57 am TO:Boon Halkan waxaan ka salaamayaa dhamaan asxabtii reer Boon. Anniga oo ah cayaartooygii Kubbada cagta ee Gobolka Awdal. kooxdii kubbada cagta ee wang computers in djibout.Mahdi farah Aden waxaa kale oo salaamyaa dhamaan cayaartoygii reer Awdal,reer Boon, reer xalanel. reer Axmed Gurey Gobolka woqooyi Galbeed Togdheer,Sanaag, iwm Waad Mahadsantihiin Mahdi farah Aden ( Mahdi Ghandi ) Holland, Zaandam
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 19, 2001 - 07:00 am Assalamu calaykom saaxiib mahdi waad salaamantahay addiga iyo dhammaan asxaabtii reer boon rag iyo dumarba xagee ku kala nooshihiin ,aan wada xidhiidhno ciwaankaygu waa e-mail:zaila1965@yahoo.com mahadsanidin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, January 24, 2001 - 07:00 am waan idin salaamay reer boon ma ahi reer boon waxaan ahay reer borame lakiin in badan ayuu gaadhi ila maray boon oo aan ka cunay hilib solan lakiin way dhaxan weyneed boon reer boon waan idin salaamay dhamaantiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 03, 2001 - 05:09 pm MACAL CIIDEED dhamaan halkan waxaan ku salaan tahniyada ciida CARAFO, dadka reer BOON oo dhan meelkastooy joo- gaan, waxan lee yahay ciid wanaagsan ku ciida ciida barakaysan ee ciidal CARAFO, ILAAHAYNA waxaan idiinka rajaynayaa inaad ku ga- adhiin, NABAD IYO BARWAAQO.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, March 07, 2001 - 04:14 am Boon waxaa iigu dambeysa 1968 halkey ku dambeeyenn dadkii caanka ahaa. Ali TuTe Ali Qaro Sarow eega Cago Dira MaYdalo Bisadeeye Aqbalimaayo Cige Subagle Indhadoon Yoolac Arabey Iyo qaarkaloo badan...... Abdisalaan Fuji island
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 05, 2001 - 02:00 am waxan halkan ka salaamayaa dhammaan reer boon ,waayo Boon waa jecelahay oo magaaladii aan ku dhashay,waxa la i yidhaahdaa suaad cali maasheeye aniga iyo caruurteyda iyo odeygeyga Mahdi muuse si kal iyo laab ah ayaan usalaamayaa Boon iyo cidii ka timid.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 01:37 am axyaa reer Boonkii hore aad baan u aqaan reer aw cali maasheeye reer mumumed sacad reer hassan sacad reer aw hassan andaad reer aw aaden djamac reer rooble barre reer cilmi camir reer ibrahim guray reer cige jani reer farax aaden reer huufane reer jamac walah reer caynaan cogori reer abdi muse reer cilmi wayrax reer yuusuf wayrax reer miishaar ilma shalmaal reer hoseen barkhalde reer muuse barkhadle reer haadla goley reer aadhiqaad reer irije reer aw daahir reer ismail aare jalaf jar iska xoor xaaji kurbad reer roble xoosh reer caateeye fahiye reer cige dixood reer muuse dixood casa joogo caasha digaagleey reer nuur sugaal reer a/hi alaale waan ooyey maanta markaan arko ama xasuusto meelihii aan ku cayaari jirrey 1962-1968 malcaamadihii iyo xoogagii Boon ee fiicnaa Fiji island
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, April 06, 2001 - 09:27 am marka hore iga gudoon salaanta islaamka marka xiga waxaa halkan kaa soo salaamaya nin reer boon ah oo layidhaa cali ibraahin diiriye adiga iyo dhamaan dadka reer boon. dadka aad halkan ku xustay dhamaan waan garanaya intooda badana way dhinteen waxaanan leenahay alla ha u naxariisto. by/ zaila1965@yahoo.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 01:19 am Asalaamacalykum waq raxmatullaahi wabarakaatuh. Bacda salaan ninyahow la yiraahdo cabdisalaan kher Alla ha ku siiyo ,waxad na xasuusisey gurigii aan runta u laheyn iyo dadkiisii oo intoodii waa -weyneyd ay dhinteen Alla ha u naxariisto.Walaal waxan odhanlahaa reer Boonow sidan ha loo dhaamo gurigii aad ku dhalateen oo iska warhaya waxna u qabta oo dhisa gurigiinii.taasi waa iga talo. Teeda kale ha la isa soo siiyo cinwanadda e-mailka si aan iskaga war heyno .Ilaa imminka waxan aqaanaa cinwaankiisa ninka la yiraahdo cali ibraahim oo aan aad u garanayo. wasalaamacaleykum waraxmatuilahi wabarakaatuh.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 09:52 am Woow, maxaad walaal oohinta iyo murugada aad iigu abuureysaan. waxaan xasuustaa maalin maalmaha ka mida oo geedkii hadhwanaag ee abse lagu arkey Libaax. dabadeedna uu xidhamay jidkii Boon loo soo marayey oo dadka degan Abase Gaagaab iyo abase dhaadheer maalintii aya magaalada caano keeni waayeen. waxaan xasuusta xoogii lafata jiiska dixdii gobka macaaneeyd alaa yacisak Qurux bihiyii aftooxeed dhoobadii cadeeyd ee timaha aan ku qurxin jirney. Waxaad i xasuustay Jani gudhiye dhabi dhanaantii, dhabi madawdii iwm dacartii, gobkii, mudhacaskii. waxaad i xasuusiseen. 1968 maalin aan u baxney ardey reer boon iyo reer boorame reer quljeed Amoud ,libaxley ooy ku taalo goob ingriisku dhisay ardaydana loo geeyn jirrey Dalxiis. shimbiruhu cod macaanaa, cabsi badanaa kaymaha aradka ku yaal. dabiici wanaagsanaa oh my god way oo way ihi oo ihi idaaya idaaya waan ooyee, iga bi,iya lilmada walian ma aan iloobin halkii aan ku wada cayaari jirney ardaydii reer Boon Xidigta iyo aashacado .
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, April 12, 2001 - 10:07 am Hurdo kama bogtoo Barkin baa ku tiirshaa boga iyo caloosha. Boon baan u bukaa u barooranayaa i bogsiiyoo ha i baylihina Biyaha balayadiyo iyo barbaarta reer Boon ninkii buka way bogsiin jireena maxaad ii baylihiseen ood bahdey iiga reebteen. Boon baan u bukaa u barooranayaa i bogsiiyoo ha i baylihinina Fiji-island
|