Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Nugaal: Eyl
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Tuesday, January 16, 2001 - 03:09 pm
As.C,

War meeye ragii iyo dumarkii Eyl, oo dadka wax dheeraa. Eheladii Eyl oo Soomaaliyoo dhan lahayd. Dadkii ku dhashay, ku barbaaray amaba ku abtirsada Eyl; magaaladii ilaahay nimceeyey xagwalba.

War umadaasi meeday, maxaa loo maqli waayey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Curious K

Wednesday, January 17, 2001 - 09:34 am
asalaamu calaykum

Darwiish, walaalkiis ma kasee tuulo la dhaho Godobjiran meesha & inta ay u jirto Eyl? or Xasbahalle?

Curious K

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Thursday, January 18, 2001 - 06:50 pm
Curious K:

I do enjoy answering these kind of questions really!!

Godobjiiraan is appr. 65Km SW of Eyl. Xasbahal is about 120Km almost West of Eyl.

Just don't hesitate to ask me more...feel free!!

Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Curious K

Thursday, January 18, 2001 - 07:35 pm
and the direction between Xasbahale and Godobjiran?

Curious K

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Friday, January 19, 2001 - 02:37 am
Roughly South-East my friend. Next time be thank full OK!!

Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, January 23, 2001 - 02:59 pm
hey my mother was reer eyl and now she lives in USA. just to give you a hint how far reer eyl have gone.i bet you know her family couse evryone kows them but sorry i can not tell you over the internet

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahamed

Tuesday, January 23, 2001 - 11:06 pm
Dawiish
Marka hore iga gudoon salaanka timid ee Garoowe salaantaas kadib Adigu ma reer baddey ayaad tahay mise reer eyl baa tahay? walaal kiis Imisa ayeey eyl ujirtaa tayaag iyo bacaaban? sunajiif iyo ely na maxaa u dhexeeyah?
waadna mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Wednesday, January 24, 2001 - 04:01 am
Maxamed waa lagaa qaaday salaanta walaal. Eyl iyo Baday wax la dhahaa horta majiraan. Malaha waxaad doonaysaa inaad tiraahdo Daawad iyo Baday, oo ah labada xaafadood oo Eyl ka kooban tahay.

Tayaag iyo Bacaabane, waxay ka mid yihiin dhululka ilaahay sameeyay kuwa ugu quruxda badanleh. Certainly, Somaaliya wax ka qurux badan ma arag. Waxay ku yaalaan dhulka Afaafka loo yaqaan oo Hawd iyo Eyl u dhaxeeya. Waxay leeyihiin, Waraqyo, Dhabiino, Xaysimo iyo Lugoba. It is just unbelievable world!! Qaylawayne se miyaad waligaa maqashay iyaga?

Sunijiif iyo Eyl waxaa u dhaxeeya maasha' alaahiye, a breathtaking landscape!! waa dhulka loo yaqaano Dhuun. Marka laga bilaabo Hillindiraac iyo Biyo Cado ilaama lagu dhawaanayo Sunijiif; waa Kalis Daaraale iyo Qabaale - waa dhul wada durduro iyo biyo soconaya ah.

Hey, if you never go there you'll never..never know!!

Baro dhulkaaga saaxiib.

Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahamed

Thursday, January 25, 2001 - 01:09 am
Darwiish
Waad mahadsantahay saaxiib runtii aniga waad ba igabadisaa, inkastoo eyl aytahay magaalo nolo sheyda taariikh dheer ku leh laakiinse halmar ayaan nasiib u yeeshay in aan tago, sxb Darwiish waxaan kuu qirahayaa in aad dalmareen tahay, waxaa laga yaaba in aad ahayd baaruurley, ismaba lahay qofkaabadiyah ayaad melahaan oo kale ku arki doontaa.
Haddii Ilaahay idmona wadankii ayaan ku laaba nahayaa si aan u soo barto meshaan kabilaabi lahaana adiga ayaan ku weydiinahayaa
Waadna mahadsan tahay walaalkiis

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Thursday, January 25, 2001 - 02:53 am
Maxamed,

Adaa mudan saaxiib. Dhulka jeclaan aan uqabaa ibartaye, waxaa laga yaabaa inaadba adigu igabadsatay joogistiisa. Anigu baabuur kuma wadi jirin dhulkaa xoolana kuma raacin (just ilaaxad!), laakiin waa tagay, ehelkaygoo dhan baa ka soo jeeda meeshaas. Three generation of my parents were born about in and around Eyl. Marka waan ku khasbanahay, aniga dareenkayga inaan dhulkaas barto - welina waan usii ciil qabaa inaan sifiican u barto.

Nice talking to you Mohamed, and talk to you later.

Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahamed

Sunday, February 04, 2001 - 08:36 am
Darwiish
Waad salaamantahay saaxiib runtii waydhici kartaa in aan kaa badsaday joogista dhulkaa maxaa yeelay Gaaroowe ayaan intii noloshayda igu badneed oo somaliya ku noolaado halkaa oo aan arday ku haa oo na kaba bixijirin markii school-ku xiranyahay ayaan marmar caano u doonan jiray Xasbahale iyo Garoowe nawaaxigisa.
Wada sheeykeysi wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nugaalboy

Monday, February 12, 2001 - 12:02 pm
Saaxiibayaal waad salaamantihiin, salaantaas kadib aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dadkayga halkan kula sheekaysto,nasiib darro aniga waligay ma arag nugaal, laakiin ilaa intaan yaraa waligay waxaan reerkeena ka maqli jiray magaalada Eyl iyo sida ay u qurux badantahay, marka waxaan jeclahay inaan wadankii soo booqdo sanadkan dhaxdiisa aniga waxaan ku noolahay Ingiriiska, inta ka horaysa bixitaan kayga ma iga siin kartaa wax information dheeraad ah oo ku saabsan nugaa gaar ahaa Eyl, I'm really proud to hear from you guys.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Tuesday, February 13, 2001 - 07:51 pm
Nugaalboy;

Welcome brother, waa loo baahan yahay dadka noocaaga oo kale ah inay dhulkoodii soo arkaan, aad ayaana ugu faraxsanahay inaad taladaas hayso.
Walaal waa lagu caawin intii awoodu saamaxdo. Caawimaad nooceeya ayaad ubaahantahay?

If you thinking about maps and stuff like that, we've not got them yet:)

However, you wont need them if you end up with good hands!!

Talk to you later,
Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mudug

Friday, February 16, 2001 - 03:36 am
saxiibayaal, waxaan daawaday, cajalad Eyl laga soo
duubay 1994, waxaan aad ula yaabay magaalada qurux
deeda, wallaahi baan ku dhaartay magaala kasta oo
puntland ku taal ka qurux iyo barwaaqo badan,
laakin nasiib darro cidna barwaaqadaas kama faaiidaysato, waayo biyaha faraha badan ee deegaankaas waxay si toos ugu darmadaan badda.
dadka dagana waa kalllumaysato ama xoolo dhaqato
beerana waxba kama yaqaanaan, waxaan wanaagsanaan
lahayd meesha garoowe caasimadda laga dhigay in
eyl inta laami loo sameeyo caasimada loo wareejiyo


waa mahadsan tihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nugaalboy

Sunday, February 18, 2001 - 12:15 pm
To: Darwiish

Thanx for Your reply, the kind of information i need is if u have any video tapes about Ayl, i also need to know about the best seasons to go there,becouse i would like to travel and film all puntland major cities and specially Ayl.
Thanx again bro Darwiish.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garadeen

Tuesday, February 20, 2001 - 10:16 am
NugaalBoy,

The weather is good at all times in Somalia. If you don't like the rainy season, avoid going there in the months of April-June.

Make sure to videotape Il-dabey. In case you don't know Il-dabey is natural stream running in the heart of the town.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Friday, February 23, 2001 - 04:19 am
Nugaalboy;

Sorry my brother, I don't have video tapes of my own. I've seen couple of them during my time in where I live now, however, I can't locate their sources right now. But, insha'alah I'll make attempt to find them.

Anyway, if you're going there and trying to vedio tape the beautiful scenery of Eyl and Nugaal valleys, I bet you gonna have wonderful time. And don't forget to send me my copy after the trip!!

Yes, Mr Garadeen's advise is hot. In case you visit Eyl, Il-Badey is worth filming as well as Igal-Hayr (a huge rock in down the stream in between Daawad/Badey).

Take care,
Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Sunday, March 04, 2001 - 12:40 pm
Waan idin salamay ragiina sheekada wacan,
waqtigaanu waa goor ninka dad ugu dhabar adagi uu dhabanka dhigay,kalaho arooryo ayaa isugaysa hadii alla yiraahdo,waxaan qadar aan ka yarayn sacaad ku dhaygagay dhulka quruxdiisa aad ka sheekaynaysaan oo waxaa anigaba idaar daaray boholyooga aan u qabo dhulkaan anigoo yar aan dalxiiska ku tagi jiray,walaalayaalow dhulka aad sheekaynasaan ma ka quruxbadan yahay jiinka Toga la yiraahdo dhoosaali oo biyuhu ceegaagaan ama Bataladii Bilcil Quraan iyo badal Eero go oo xalay inta roob xoog lihi ku da'ay barqadii Geel dhalay lagu soo ekeeyey? What a great land we have!God bless you all
Thanks
Jama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nugaalboy

Monday, March 05, 2001 - 03:41 am
Garadeen & Darwiish thanx for your information, i hope i'm going to see that beautiful land sooner rather then later.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muuse

Saturday, March 10, 2001 - 08:05 am
Waxaan jeclahay in aan waydiiyo Darwiish iyo raga kale yaa daga magaalada eyl, waxaan maqlay qolyo badan oo sheeganaya sida,carabsaalax,cumarmax'ud iyo ciise, yaase daga baadiyaha eyl.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Monday, March 12, 2001 - 05:06 pm
Salaan dhamaan akhiyaarta,

Meeshaani waxay noqotay meelaan soo aado mar ala iyo markii aan dhulkeenii soo xasuusto. Runtiina waan ku xasiloobaa markaan imaado oo stresska ayaa iga dega!

Jama,

Saaxiib dhul xiiso leh baad ka hadlaysaa, mana hubo inaan aqaan ee wadanka maad nakala barto? Waa xagee baliyadaas quruxda leh?

Nugaalboy,

You're welcome bro!

Muuse,

Magaalada Eyl waxay ka mid tahay magaalooyinkii hore ee Soomaaliya. 1905 Eyl waxaa Daartii ugu horeysay (Daawad) ka dhisay Sayid Max'ed, waa waxa kaliya oo la dhihi karo Alla cadaabku dadka halkaa degan wuu taray, inkastoo xoolohoodii iyo dhiigoodii ku dhisay. Ilaa xornimadiina (1960)Eyl waxay ahayd magaalada ugu weyn Majeerteeniya. 1930-60s, Eyl waxaa laga lahaa ugu yaraan labaatan doonyood oo carabaha aada. Marka Eyl waxay ahayd magaalo ganacsi oo balaaran, waxaana isugu timid Soomaaliyoo dhan - just like Mogadshou. Sidaas darteed dad badan oo qabaa'ilo badan oo Soomaaliya ayaa Eyl ku dhashay kuna koray. Qaarkood Sayidkii bay ka hareen, qaar ganacsi bay u yimaadeen, qaar Talyaanigii baa keenay; kuwa badan xeebtaaba keentay sida baajuun iyo barawaaniyiinba.

Marka waxaa lama huraana inay dad badan ay sheegan karaan magaalada Eyl. Hadana taasoo jirta, degaanka Eyl, baadiyihiisa iyo dhamaan nawaaxiga Eyl waxaa dagan qabiil ahaan Ciise Max'ud. Qabaa'ilada kale oo Majeerteena dagaan ahaan Cumar Max'ud baa ugu soo dhow. Carab Saalax waaa reer magaal oo degaan baadiye oo la tilmaami karo kuma laha dhulkaas.

Waxaan u malaynayaa haday su'aal dhibloow kaa ahayd jawaab xaqiiqa baan ku siiyey. Saas meel ku qoro.

Wa bilaahi towfiiq,

Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garadeen

Wednesday, March 14, 2001 - 05:39 am
Darwiish,

Intaas ku dar in Eyl ( gaar ahaan Bedey) la dejiyay dadkii soomaliyeed oo xooluhu dhaafeen, 1974-kii. Taasi waxay keentay in dad badan oo aan degaan ahaan u lahayn Eyl, ay halkaasi degaan, inkastoo waayihii danbe badankood ka noqdeen, haddana dad baa kusii haray.

Jawaab waafi ah baad siisay ninka su'aasha ku waydiiyay, inkastoo aanan fahamin ujeedada su'aashiisa. Anigu Ciise Mahammud ma ahi, reer Eyl baanan ahay, dhowr generation, aan hubo inaan cidi iga lahayn, haddana waa xaqiiq in Eyl tahay magaalo la oran karo Ciise Mahamuud baa leh, marka loo eego tirada dadka deggan Eyl iyo nawaaxigeeda.

NugaalBoy,

Have a safe trip, Bro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Wednesday, March 14, 2001 - 09:33 pm
Garadeen;

Rabi og, runtaa weeye saaxiib. Taariikhdaasna waa jirtay, waana mid muhiima mana aan xasuusan.

Thanks,
Darwiish

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL LLKSE

Monday, March 19, 2001 - 04:08 pm
WARYAA MA LEELKASAN WAX KU LAHAYN AYL,MAXAAD DADKA HORTA U QARISAAN INAAD SHEEGTAN NINYAHOW ISKU XISHOOD,QABAA'ILADKA EYL LAGA SOO DOORTO WAA KUWA UGU WAAWEYN HADANA KURAASTI PUNTLAND WAY KA SOO GALEENE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Darwiish

Friday, March 30, 2001 - 05:33 am
Dad wanaagsan baa ku nool Eyl wax wanaagsan oo kaliya bayna maqlaan.

Nabad
Darwiish