    Anonymous | Wednesday, January 17, 2001 - 05:47 am Waxaan rabaa innaan ogaado waxa iska badaley Borama 10sanadoo ee ugu danbeeyey. Haddi ay jiraan dad xogxogaal ah oo tagey mase rabo warren la soo maqley. Markii iigu danbeysey Borame waxey ahey magaalo dadku badidoodu jaad/qaad uu ku jeedaan. Waxey aheyd magaalo dadka ku noole Somali aad u jecel yihiin taloow maxaa iska badeyley mise waasidii aan ku ogaa. Waxey aheyd magaalo 11 habeenimo horteed dadku seexdaan waxa kale oo cajaa ib badnaa MAQAAXIYUHU ma shaqayn jirin 12 dabadeed ka dib. Waxa ugu wanaagsanaa Warshadii Roodhida oo qayb weyn ka ciyaari jirtey dhaqaana Borame talow wali ma shaqaysaa. |
    MUJAAHID | Thursday, January 18, 2001 - 03:06 pm BROther !!! waxaa magaalada iska badalay waxyaalo aad u badan oo aanan halkan ku soo koobi karin laakiin se kuwa u waawayn aan kuu soo qabto.... 1= waxay magaaladu yeelatay light (laydh) aan hore u jiray ahduu jirayna ay ugu danbaysay markuu ingiriisku dhulka haystay... 2= waxaa kaloo soo kordhay in magaalada airport leedahay aanay diyaarado farabadani soo fadhiistaan ...kuwa dalka gudihiisa ah iyo dibadaba ... 3= in magaalada dhexdeeda laysu raaco taxi ama aad ka soo raaci karto airport ka ilaa magaalada 4= ila magaalada la galiyay shirkad internet ah oo aad isticmaali karto computerka ama aad dirsan karto E-mail ba .... 5= imn magaalada telephone lagaliyay gudaha iyo dibadaba ..... 6= in magaalada biyaha si fiican looga xaqabtiray oo aanay hada jirin booyadihii awal magaalda usoo dhaamin jiray..... 7= in magaalada laga furay dugsiyo islaamig ah oo badan kuwaas oo aan hore u jiri jirin.. sidaa daraadeed inta iyo in ka badan oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa iska badalay imikana brother waa daga dag sanaya ee aniga ayaa in taa iyo in ka badan kuu soo qori doona ee sidaa ula soco wixii su'aal ee aad qabtana waad isoo waydiin kartaa saaxiib.. intaan dib danbe isu arki doona take care of u self.... and have good fun...... wasalaamu caleykum...... |
    qodaal | Tuesday, January 23, 2001 - 10:11 am inay jaamacad tahay camuud miayaad ka ilowday iyo in ay dadkeedii talada gacanta ku haystaan. |
    Anonymous | Wednesday, January 24, 2001 - 06:42 am weli hore mar ma ay gaadhin hadii aynan weli jirin Night Clubs habeenkii lagu caweeyo |
    Sherlaga Madi | Friday, January 26, 2001 - 05:08 am Sallaan Wallaal way mahad tahey Mujaahid. Waxaan kaloon ka odhan lahaa ninkan nightclub sheegayoow naga aamus. Adiguu malaha kula waynyahey rightclubku. Waxaan rabnaa iney dadka dhulkii jooga iyo kuwa xog ogaalka ah aan wax ka faa iideysano. Su'aasha kale een rabaa waxa weeyi waxaan maqley dugsi layidhaahdo Al-Aqsa halkee laga dhisey maxaase lagu bartaa. Somaliga uskuulada borama ma lagu dhigaa |
    Memeber of AL-Aqsa | Sunday, January 28, 2001 - 03:21 pm To: Mr Sherlaga Madi wuxuu dugsiga Al-Aqsa kuyaala halkuu ahaan jirey dugsigii dhexe ee dhayga ee kuyaalay dhakhtaraka agtiisa hadaad xasuusantahay wuxuu dugsiga Al-aqsa hayaa in kabadan 2500 ama laba kun iyo shanboqol oo arday waxaana wax kadhiga in kabadan 30 macalin oo badidoodu Alle daraadii wax ugu dhiga ardayda walaalahooda ah ee soo koraya. Xaga waxbarashada waxaa lagu dhigaa luuqadaha af-carabiga, af-soomaaliaga iyo luuqada ingriisiga ood intoodaba aradayda ka arki karto hadaad u baahan tahay faah faahin intaa kabadan soo sheeg emial kaaga waa lagula xiriirsiin heerkay marayso wax baradhada dugsiga Al-Aqsa wuxuuna hada marayaa heerkii ugu fiicnaa aradayda ka baxday waxay u qalmaan arday ka baxay isguulaadka private ka ah ee ku yaala wadamada carabta ugu heersareeya. Waxaa kale oo isna magaalada ku yaala isguul layidhaa Ubaya ibnu kacab oo isna ku yaalah beerihii reer sumal hadaad magaalada kala taqaano waxaa isgana dhigta arday dhan kun iyo shan boqol arday lagu qiyaasi karo dhinaca waxbaradhada waxa uu lamid yahay kan Al-aqsa macalimiinta dhigta tiradooda waxaalgu qiyaasi karaa 20 macalin labada dugsiba waxay tarram ugu jiraan siduu midba kan kale uga badin lahaa waanay tartamaan dhexdooda oo waa lakala badiyaa koobab baana loodhigaa oo ay ku kala badiyaan sanad dugsiyeed kastaa marka uu dhamaanaayo. Labada dugsiba galinka hore waxaa dhigta wiilasha galinka danbana waxaa dhigta gabdha waxaa aroortii labilaabaa 8:00AM ilaa 1:00PM galinka danbana waxaa labilaabaa 2:00PM ilaa 6:00PM taas oo kutusaysa heerka ardaydu gaadheen hadaad u baahan tahay more infromation please past your E-mail in here then i will send you all the information oo ah cajalado fiidyoo ah ood toos u daawan karto siday yihiin waad mahad santahay |
    to member of Al-Aqsa | Monday, January 29, 2001 - 06:22 am Wallaal marka hore iga gudoon salaan wallaalnimo sida aad iigu faahfaahisey waxyaalihii aan ku soo waydiiyey. Intaakatib wallaal hadii illaahey yidaahdo anigub waan ku soo soxdaa Borame with in 6 months Insha'Allaha; therefore, I will see everything for my own eyes. The reason that I want to come to Borame is that I want to participate in these schools by given for at least 5 weeks. The other reason is that some of my family live there. Thank you member of Al-Aqsa and keep up the good works because many people like me are heading to Borame in the future. |
    Member of Al-Aqsa | Monday, January 29, 2001 - 06:42 pm To: Mr SharLagaNaadi Adaa mudan waxaanan kuu rajaynayaa inaad wax badan oodan hore ugu aqoon magaalada lakulmidoonto, Hadaba waxaan kugula talin lahaa inaad caawimaad ama garagaarkaaga dhinaciisa buuxiso si horumar loogaadhsiiyo masaakiinta aan cidlake u maqnayan waxaa hada qore ah oo larabaa in lafuro hoy lagu koriyo dhalinta agoonta ah een cidlahayn kuwaas oo baryahan danbe aad ugu soo badanaaya magaalada cid caawisaana iska yar tahay hadaba walaalkay waxaa lagaa codsanayaa adiga iyo aniga iyo dhamaaneen inaan meel kasoo wada jeedsano si aan horumar u gaadhsiino bulshadeena aan cidina u maqnayan ceela uuna u qodnayan sidaa daraadeed hamoogaan inaad wax tarto adiga iyo inta aad meel wada joogtaanaba. Waxaanan kuu rajaynayaa guul iyo barwaaqo dhamaan reer boorama meel ay joogaanba inay isku duubnaadaan. Sidaa iyo nabad gelyo brother member of Al-Aqsa school |