Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Sanaag: Degmada Xarshow ee Xeebta Sanaag>>>
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wise Man

Tuesday, January 23, 2001 - 11:53 am
Degmadii Xarshow meeye dadkeedii ma waysan netka soo gelin mise halakan baysan imaan.
Nimankii Muuse ismail woqooyi meeye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabaydh

Friday, January 26, 2001 - 06:51 am
WISE MAN HORTA XARSHOW MIYAAD U JEEDAA SISSE XARSHIN.
waxaan u malaynayaa in aadan ahayn nin yaqaan meeha aad ka hadlayso,haddaba aan ku saxo:
xarshow waxaa weeye meel badiye ah oo xeebta bada cas ku taal kanna tirsan degmadda ceerigaabo e iyaddu degmo ma aha.
xarshaw waxaa ay la mid tahay tuulooyinkii laga guurray bwaqti aan dhowey sida waqdariya ,shalcow iwm.
deegaanka xarshow waxaa la degaa waqtiga dayrta sababtoo ah waxaa ku biya fura tog weyn oo ka soo dhaca xagga buuraha,biyaha togaasi ma' galaan badda sababtoo ah waxaa ka sokeeya bacaad aad u dheer halkaa ayaa noqota harro ku meel gaadh ah in muddo gaaban ah.
dooxaddaa waxaa wada dega jilibadda kala ah:
1.nuux cumar oo warsangelli ah.
2.cabdi xaamud oo muuse ismaaciil ah.
3.gahayle oo majeerteen ah.
4.bahriig haye oo dhulbahante ah.
marka uu dhulku kululaaddo waxaa loo hayaamaa xagaas iyo banaanka.
intaa wax ka si faah faahsan haddii aad rabto annigaa kaala tallinaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr. Xarshow

Friday, January 26, 2001 - 08:20 am
Cabaydh/Calaydh or whatever your name is.

Waad riyoonaysaa abti. Warsangeli baa xarshow dega markaa tidhi waan qoslay, markaad bariighaaye tidhina waan anfariiray oo is iri, this guy needs help.
Maxaa Xarshaw geeyey Qurjiile. YAAB.YAAB

Xarshaw waxay noqonaysaa degmo waxaana dhul badan looga soo goyn doonaa LaasQoray ee sidaa ku bushaarayso. Afweyne carriga ma joogo oo dadkii lahaa baa haysta ee dream on dabaal waaxid.
LaasQoray baan rabaa inaan degno oo kaa didinno adna Xarshaw baad u hanqal taagaysaa.
Gobolka sanaag 80% waa deegaan Isaaq, 90% dadka degaana waa Isaaq.
Tan kale, Gahayle goormuu noqday majeerteen....40 sano ka hor midgo la yaqaan bay ahaayeen sida MUXUMUD. I guess you are MUXUMUD or Gahayl...

Inan gumeeeed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qabiil-ka-maarme

Friday, March 23, 2001 - 05:20 am
war hoy kuwiinana qabiilku der deray waad habsaanteene dad iska dhiga.

Weli ma magacyadii beenta ahaa ee dadka loo kala bixiyay baad rabtaan inaad naga iibisaan.

dadka reer Sanaag meeshay doonanba ha joogeene waa dad walaalo ah, is dhalay, is guursada oo aan kala maarmi karin; inay is caayaana waa wax laga yaq yaqsoodo.

Markaa qabiilooyinkan(annigu qabiil magacii afkayga laga maqlimaayee) aad magacyodooda tirinaysaan naga daaya.

Hana wasakhaynina ilahii idin abuurayna ka baqa qabiilku waa xune.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

beerta nuura

Friday, March 23, 2001 - 10:24 am
ku dr. xarshaw
reer ceergaabo baan ahay oo weligay ku noolaa ,maalin keliya ma maqal wax la yidhaahdo xarshaw ee iska hubi?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NIN QABIIL KARHAY

Wednesday, April 04, 2001 - 02:12 pm
walaal qabiilak iska daaya oo ha isugu faanina wabaan kaa dhacayaa iyo waxbaad iga dhacday.

Qofkii wax dhacay xaguu ilaahay ka marayaa?

war dadyahow walaalaad tihiine sidii dad u wada noolaada.

Ilaahii idin abuurayna ka baqa.

Qabiil idiin shafeeca qaadayaana ma jiro aakhiro ee waxba qabiil ha isku daalinina.

sharafta dhinaceeda ka xiga; aakhirona u shaqaysta.

Haddii waxyaabo hore la kala tabayona ilaahay u daaya ilayn ilaahay kama weynidin kama aqoon badnidine.

QABIIL WAA CUDUR IYO NOOC MINA WAALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IDINLA -YAABANE

Wednesday, April 04, 2001 - 02:17 pm
WAR NIMAYAHOW MAAD WADDO LAAMI AH DHISATAAN INTAAD WAX BAAS IYO QABIIL ISKU HADLAYSAAN.

ILAAHAY HA IDINKA DAWEEYO CUDURKA QABIILKA WAAD KU HABSAANTEENE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qabiil-ka-xoreebe

Wednesday, April 04, 2001 - 02:20 pm
Walaalayaal bal adduunku halkuu marayo iyo waxaad ka hadlaysaan eega.

Isla yaaba oo qabiil aragte hadduu faa'ido leeyahaye meesha wax naf leh keena.

Qofkii qabiil ku hadlana ha u jawaabina.