We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 11:55 am This is Bahai district....ha ha
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, January 23, 2001 - 08:23 pm waar kan bahay sheegayow horta ma aragtay dararwayne mise waad riyoonay dararwayne waa tuulo ama baho sii ama sacad yoonis iyo wixii kal ee dega sii adiga ayaa xukumidoona bye ninbari
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 25, 2001 - 09:48 am To: Nin Bari Tuulo tuulo ma dhaanto oo tii horeen ogaa iyo Tani waa isku jaad. Laascaanod waa tuulo, Tuulona tuulo ma dhaantee maxaa tuulada bahai-ga ku tusay. Dararweyne will be the capital of the new "Nugal Godan" province of Somaliland.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 25, 2001 - 11:19 am to Bahia-land we can have our dream Bahia-land, but why don't we make the capital ceel efweyn, instead of darerweyn? ceelka is much bigger then darerweyn, we have many different biciide tribes, and sacad yoonis, but bahia been the majority.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 26, 2001 - 08:22 am Dararweyne should be the capital of Bahai. Waxan rabaa inta gobol ka dhigo in aan Xiingalool iyo badhan soo goosto ka dibna dego.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, January 27, 2001 - 03:49 am i still think that ceelka is most elagent and cool place, and derarweyn can be second capital. not bad idea get hingalool and badhan, let's do it. and make ceelka the place to be. viva bahia-land
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, February 01, 2001 - 12:44 am waar ninka bahai land isku magacaabay miyaanad ogayn in darar-wayne leedahay laba berkedood oo kiliya kuwaasna ayan leeyihiin maxed jamac xagar iyo xasan saleebaan markaa idinku xagee ka cabtaan ma ragaas ayaad baridaan mise cirka ayaad roob ka sugtaan dhulka eed yar jooga yaan cashuur laydin ku soo rogine.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 02, 2001 - 06:02 am saaxiibayaal salaan marka hore waxaan ahay asli ceel afweyn waanku dhashy waxna waan ku soo bartay sida lawada ogsoon yahayna waa magaalo barakaysan taas waxaa ka markhaati kacaya dadka ka yimi oo aah dad aad iyo aad u wanaagsan markaa aniga igama aha faanin aan faaninayo magaaladaydii ee waxaa ka markhaati kacaya qof kasta oo la macaamilay reer c/afweyn markaa saaxiibayaal aniga u jedada halkan i keentay maanta waxaay tahay waxaan dusha ka aqriyey waxyaabo ku salaaysan qabyaalad waxaana hubaa waxaa qortay gacan shisheye oo aan ahay reer c/afweyn markaa anaga oo isku duuban oo aan kala lahayn waxaa naloogu yeedhaa reer c/afweyn qabiila makala lihin sidaa haloola socdo Arinta dararweyne iyana halbaan ka idhi dararweyne waxaay noqonaysaa waxaay u qalanto sidaa iyo ismaqal danbe oo xiiso leh
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 02, 2001 - 06:14 am Ku biciida yaqaan Saaxiib waa runtaa oo maxamed jaamac xagar iyo xasan saleeban iyo hadaan kuugu daro ragbadan baad iloowdey e oo uu ka mid yahay salaad huruuse, mursal iidle dhegjar iyo kuwa kaloo badan e saaxiib maxaad dhulkaa u gaadhey ileeyn belaayo waa tan aanu aragnay. waxaan dareemayaa wadankii waxaad ka timi waqtigii aay ka qodnayeen baraagaha yari balse waxaa kaa danbeyey riig biyaha soo tuura oo mishiinkiisina hadh cad magaalada xoog lagaga qaatay markaa aniga waxaa ila toosan waxaaynu nahay dad walalo ah ma kala lihin qabiil waar ninkani waxaan filayaa waa nin yar miyaad iloowdey HABAR LAMAAN inaga daaya kala gurka intaasi waa talo nin weyn waxaan kaga baxayaa ayaan qofna yuu isku deyin inuu i maleeyo bes ka qaado ku dhashay oo ku bar baaray ceel afweyn
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 02, 2001 - 06:29 am Ku bahai land iyo ceelka Marka hore waad ku mahadsantihiin figradihiina qaar, qaara waa ka kac iyo kooraha u taag aan sii saafee waxaan hubaala in ceelafweyntahy meel fiican oo taas shaki kama jiro waxaana sababay wanaageeda dadka dega oo ah dad is jecel oo wax wada qabsada intaa markaa taa kaga gudbo Waxaad sheegteen in magaalooyin aay ka midyihiin xingalool iyo xoog lagu soo qabsanayo si dararweyne aay u hesho degmo. Saaxiibayaal dagaal iyo xoog iminka waa lasoo dhaafay arintaasina maaha mid aydin taagero nagaga helaysaan hadaanu nahay reer ceelafweyn iyo dararweyne waayo waxaa na soo kala gaadhey dhibaato aan dareensanahay in aaydin ka maqnaydeen waxaan filayaa waxaan u jeedo nin ragina waa garanayaa nacasna loo sheegi maayo. Waxaan ku soo koobayaa labaadiina nin ee akhyaarta ah oow saxiibayaal weligiin waxa dantu inoogu jirto ka taliya maanta intaa iyo waryaridaa waaynu isu soo noqon doonaa nabad gelyo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, February 02, 2001 - 09:15 pm waxay ila tahay qolkan dadka ku jiraa inay " freaks". iiihi aaha.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 03, 2001 - 05:09 am Dararweyne is a small ceel WELL, and is occupied by Bihi Dareys.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 03, 2001 - 07:04 am To all of you ppl in the house Put your hands together for the king of yufle, godmo biyocas, kal sheikh, bixin,dararweyn and ceelka. yeah you guest it right Mr piece and joy. and party ppl remember the simple eqaution in life; unity=prosperity.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 03, 2001 - 12:08 pm TO GARAAD THANKS FOR THAT BRO AND I DECIDED TO GIVE U CREDIT LEVEL three THAT IS THE TOPEST NOBEL PRICE I PAY
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 05, 2001 - 11:54 pm ku ceel-afwayn walaal waad ku mahadsantahay fekrradaada caafimaadka qabta, tan kale dadka meeshan wax ku qoraa way hilmaamsan yihiin in dhulka ceel-afwayn iyo nawaacigeeda ay ku nool yihiin dad wada dhashay oo is dhalay laskuna yidhaahdo HABAR-LAMAAN markaa walaalayaal waxaan taageerayaa ninka ceelka isku magacaabay in aan dadkeen iyo dalkeen wax u qabano oo iska dhaafno colaad iyo is xaqiraad aduunkuna nabad iyo wax wada qabsi ayuu ku hore maraa nina keligii meel kama soo bixi karo hadi aanu walaalkii wax la qabsan. dhulkuna waa dhul ilaah oo maanta lama kala sheegan karo meel kasta oo somaali degto waad degi kartaa daaro ayaad ka dhisan kartaa nabaduna dadka oo dhan ayay dan u tahay waa in aan ku fekernaa sidii aan iskuul ugu samayn lahay darad-wayne, bohol, fadhigaab, kalshiikh yufle, iwm. markaa walaalayaal hadii aynu nahay reer bari waan ka ladanahay dhul kala sheegasho iyo suuq bari iyo suuq galbeed sida burco ka jirta yaan dad cudurka ka soo qaaday meelo kale ina qaadsiin waynu caafimaad qabnaaye!!!.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 06, 2001 - 08:58 am to naaleye sxb marka waad mahadsantahay marka xiga waxaanu gacmo furan ku soo dhowweynaynaa cid kasta oo jecel inaay soo degto daraweyne iyo ceel afweyn marka sxb sidaa ula soco
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 06, 2001 - 09:03 am to sacadyoonis saxib ugu horayn waan ku salamay ka bacdi waxad ku mahadsantahay sidii fiicnayd ee aad u soo gudbisey wanada iyo talooyinka saaxiib waxaan shaki ku jirin in reer ceel afweyn aay yihiin dad is jecel oo wax wada qabsada meel kasta oo aay joogaan markaa balanteenu waa ilaalinta magaceena iyo magaalooyinkeenaba sidaa iyo nabad gelyo waxaan 100% kugu taagerayaa figradaada caafimaad ka qabta hadaba saxiib aan bilaawnee hawshaa aad kaga sanqadhisay ee iskuul dhisida e bal waxaad marlabaad ka soo talisaa sidii aaynu hawshaa u bilaabi lahayn iyo meesha aad ku nooshahay inta qof ee reer ceelka ah ee kula joogta sidaa iyo jawaab deg dega
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 06, 2001 - 09:48 pm ku ceel-afwayn walaal salaan aad u qiimo fiican ayaan kuu soo gudbinayaa, salaan kadib waad k mahdsan tahay taageerada aad soo gudbisay waana mid laysku leeyahay, sida aan iskuulaka u bilaabaynaa aa in aan u bilaynaa sida aan kii ceelkaba u bilawnay o aan kordhinaa dhaqaala aan siino degmooyinkeena waayo inaga u dowlada sidaad u ogtihiin. markaa anigu dadaalkayga waan wadayaa eee idinkuna xagiina ka wada. wasalamu calaykum magacina waan bedelay waayo waxaan ku hadlaayey magac reer iminka waxa lay yidhaa DADAALE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 07, 2001 - 06:12 am waryaadha nimankiinan reer celefweyn xagaad kala joogtaan?? ceelkii cawimo ayuu ubaahanyahay xag waxbarasho iyo dhismaba waayo riigii wali lama rakabin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 10, 2001 - 10:39 am ku dadaale sxb waad mahadsan tahay imtixaankaana rabi hakuu aqbalo ujeedadaad u gashay sxb su ashaydii ahayd halkaad joogto dad intee leeg ayaad ku joogtaan waxaan u jeedaa reer c/afweyn iigamaad soo jawaabin waxaan filaya waad iloowdey ku true ceelka sxb waxaanu ku kala firidhsanahay aduunka ileeyn waa inagii 88kii noqonay dab dhagax lagu dhuftaye mida kale adigu ma cidbaad baafinaysaa oo kaa maqan sxb ma jacaal raageybaa kaa lumay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 10, 2001 - 09:45 pm Salaamu calaykum: waxaan idinku salaamay salaanta muslimku isku salaamo. Salaan ka dib waxaan jecelahay in aan idin waydiiyo su'aal ah yaa degan dhulkan hoos ku qoran: Buq,Dayaxa,Dagaar,Sheydalho, Ufle,Gal shiikh, Banka karamaan, Hudun, Bur Anod. Salaamu calaykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 10:38 am to ahmed walaal waa lagaa qaaday salaantaa islaamka wadna ku mahadsantahay su aalahagan balse waxaan rajeeynayaa inaanay wax cilada ama murana dabda ku hayn dhulkaa aad sheegtay waxaa dega dad islaama oo soomali ah hadaba adigu maxaad u jeedaa bal so sheeg u jeedadada? i hope you bro you don't get me wrong by 4 now ku dadaale sxb bal nafta ka waran indhoweyd waad aamustay e ma afkaa kuu buuxa waxaan kuu rajeynayaa sxb khayr wa bilaahi tawfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 07:00 pm Salaamu calykum: Beel waliba waxay degtaa meel. Wadanka somalia beel waliba degaan ayay degtaa, taasina waa arin ilaah. Aniga waxay iga tahay su'aal. igama aha dira diraalanimo,ama dad isku dir ama qolo u jeed, ama munaafaqad, oo ilaah igu og yahay waxay iga ahayd su'aal aan doonayo beesha ama beelaha degaanka degaan u degta in aan ogaado. Aniga waxaan ahay nin beri hore wadanka ka tegay 20 years ka hor anoo gacanta lay hayo, Waxaan arkay khariidado badan oo Somalia, markaa walaalayaal, Suaal caafimaad qabta ayay iga ahayd. Wa salaamu Calaykum.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 11, 2001 - 10:00 pm salaan dhamaan reer ceelka aad ayaa loo fiican yahay xagiina maxaa beryahan war ah ku ahmed walaal dhulku waa dhul ilaahay dad soomaaliyeed ayaana dega wixii kula dega wax la qabso hadii aan ku laabano STONE AGE wax inoo kala soconaaya ma jiraan sheegashaduna ma dhamaanayso waxayna dhalisaa colaad iyo dagaal kaasna waa kii qaxoontiga inaga dhigay markaa walaa ahmedow noqo nin danta guud ka fekera oo aan casbiyadu qaadan waad salaaman tahay. ku ceel-afwayn saaxiib afku waa ii buuxaa oo waxaan maalin kasta la seexdaa fekredo wax qabad laakiin markaan arko in aan waxba ka qabsoomayn dadkay´ga gaard yaridiisa dartiis ayaan iska seexdaa!!!! waxaan hadh iyo habeen ku fekeraa sidii tuulooyinkeena yar-yar looga hirgelin lahaa waxbarasho xataa ha ahaato mid ku eg dugsi hoose-dhexe, waxaa intaas iiga sii wayn sidii dadkaygu mid debed jooga iyo mid gudo joogaba ay ugu fekeri lahaa yeen in ay wado laami ama dhagax tuur ah ay u samaysan lahaayeen taas oo ku xidhaysa walaalahooda kale si wax is waaydaarsigu u fududaado waayo hadii aan wax las waydaarsan wax hir gelaaya ma jiraan. walaalyaal ree ceel iyo nawaaxigiisa waxaan la sheekaystay rag badan kuwaas oo aaminsan in aan meesha lagu noolaan karin oo u guuray meelo kale sida buroc-hargaysa iwm, markaa hadii adigaagi wax gahmaayay aad ka guuro yaa ku soo hadhaaya meesha ubadka dhalanaayana yaa wax-baraaya maanta nin waliba waa ku degaankii ee bal maskaxdii ayaa i waynaatay sidii aan u fekeraayey in aan wax qabsanee maxaa inoo talo ah H/JECLO iyo H/YOONIS bariyow fekradihiina ii soo qora waad salaaman tihiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 13, 2001 - 05:52 am To all idors: aad baad u khaldan tihiin inaad sheegataan dhul aydaan lahayn,waxaan filayaa inaydaan taariikhdiina aqoon,sababtoo ah aabayaashiin idiinkama ayen sheekeyn.Dhulka aad sheegaysaan waa dhul dhulbahante iidoor iyo cidkalena malaha mana yeelan karto.taariikhfuna waxay dhigaysaa ineydaan buur mooyee meel kale sheegan kartaan,way jirtaa dhulka aad sheegaysaan inaad qaybo ka mida degtaan balse waxay naga aheyd magangelyo anagoo bini'aadanimada eegayna una aragnay inaydaan ku noolaan kareyn buuraha guban,markii aadse tiraahdeen somaliland baa nala yiraahdaa waa idinkala noqoney dhulkii,markaa anagu dhul idin siin mayno'e waxaad dhul u doonataan eithopia ama england.waxaan idinka sugayaa jawaab wacan oo aan cay iyo edebdaro laheyn.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 10:38 am to father in low Hi man, better to spend your energy something else the reson is sxb halkan muran iyo wax fadqalalo abuuraya loogama baahna hadaad tahay dadka dhibaatada iyo xumaanta ka hela waa mid adiga kuu taala alena abaal gudkeeda ayaad ka heleysaa teeda kale murankan aad wado anigu ma fahamsani waxaad uga jeedo cid dhul isku haysaa ma jirto dhulka waxaa cida cidii camiraysa ee wax kala soo baxaysa (that is all) hadal iyo dhamaantii orod oo shaqo yeelo dadkani uma baahna wax colaad iyo dhibaato danbe ka dhex abuura waay kasoo daaleen waxaa iga wale inaanad fujaan shaaha ku cabayn ee lafahaaga u xishood oo ilaahay ka baq oo toobad celi To ahmed, sxb waanku salaamay marka hore marka xiga si fiican ayaan kuugu hambalyanayaa inaanad ahayn dadka xumaha ka shaqeeya sida ninka kore ee la baxay (father in low). marka xigta sxb mapska aad aragtay koley waxaa qoray qof biniadama wuuna gefi kara markaa ha u qaadan 100% inaay sax yihiin waxa mapska lagu qoraa koley anigu shaqsiyan waxaan taaganahay dhulka waxaa leh ilaahay dadkuna ma kala laha waa runtaa oo qaarba meelbaay degaan oo ilaah ayaa makan siiyey markaa waxaan kugula talin lahaa dhulkii mudaad ka sokeeyesey ee bal dib ugu noqo oo si fiican u soo mar iyadoon cidina kaaga sheekayn# wabilahi tawfiiq waxaan dhaafo waxaa kuu bal balaadhin doona walalahaga kale ee aanu xaga figrada iskaga midnahay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 10:44 am heloow dadaaale, sxb raali ahaw jawaabta ayaan kaala raagey e intaa ka gadaal waxaan ku faraxsanahay in magaaladii aay ka dhasheen dad adiga oo kale ah oo hadh iyo habeen ku fekeraya waxqabadkeeda iyo horumarinteeda. sxb waxaan jeclaanlahaa inaad ii dhaaftid e-mailkaaga si aan kaagala soo xiriiri aana ku soo weydiiyo bal ajandaha aad hayso wuxuu yahay iyo suaalo private u baahan sida iyo n/gelyo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 02:45 pm Bahai, Dhuusada iska du.Badhan iyo Xingalool bir ayaa kaaga gudban.....Damala Xagare ma xasuusataa....Xingalool se ma xasuusataa heestii caanka ahayd eed ka trisay (Ragii Xingalool xanuun arag xisaabina waw danbaysaa).Horta maxaad intaa u faanaysaan...one inch oo dhul ah aniga iguma soo durki kartid hadii aad isku daydid na walaahay Futa Biciide iyo Futa Yoonis ba waa lawaayayaa..... Hana faanin aabahaana si fiican u warayso hadaanu ku dhiman Damala Xagare iyo Xingalool.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 17, 2001 - 10:11 pm Waxaan salaamayaa dhamaan dadka reer somaliland ah ee meeshan isugu yimi. Nin caytamay afkiisa ayuu ku yaalaa. Waxayduna ogaataan internetka qof waliba waxii uu doono inuu iska dhigi karo. Dadka ku leh waxaanu nahay qabiil hebel iyo qabiil hebel laga yaabaaba in aanay ahayn qabiilooyinka ay sheeganayaan in aanay ahayn. Oo ay yahiin dad dadka isku diraya. Taa nin ragi waa og yahay nacas na loo sheegi maayo. Somaliland for ever will be in our hearts, minds, and blood. This will live for a thousand years. I repeat, hearts,minds, and BLOOD.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, February 18, 2001 - 09:09 am to bahigayslabe, waxaan aad iyo aad uga xumahay dagaaladii ka dhacay dhamaan gobolada dalka guud ahaan gaar ahaana gobolkayga sanaag iyo nawaaxigiisa intaa ka bacdi. waxaan kale oo tacsi u dirayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii dadkii ku dhintay goobaha aad sxb soo tirisay anigu sida ku cad maqalkayga sare ma jecli in dagaal wax lagu xalin karo dhula lakala qabsan karo markaa sxb waxaan kugula talinayaa adiga iyo ninka aad maqalka u qortayba arimahaa ka waantooba oo joojiya qabyaalada iyo is boox booxa waxaadna ka talisaan sidii wadanka hore mar loogaadhsiin lahaa wabilaahi tawfiiq. ku ceerigaabo, sxb 100% waxaan kugu raacsanahay fegradaada cafimaadka qabta waxaan rajeynayaa inaay daweeyndoonto dad badan oo buka nabadeey alaa weeyn ninkii aaminaa awood leh
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, February 19, 2001 - 07:04 am ku ceel-afwayn sxb waad salaam tahay mar ka hore, tan labaad waad ku mahasantahay sida fiican ee aad u hadasho mar walba oo aad fikradada dhiibanayso anigana sidoo kale ayaan ugu farxaa in dad adiga oo kale ah laga helo nawaaxiga ceelka iyo ceeri. walaal waan ku soo siin doona e mail privet ah hadii ilaah idmo iminka wan degdegaaya ee waa inoo mar kale jaw ku nimanka dagaal doonka ah walaalyaal dagaal wakan qaxoontiga idinka dhigay dhulkana ilaah ayaa iska leh, cidii wanaag wada ayaa taakulay mudan wixii fikradihii dagaalka dhaliyey wadaan in laysaka qabto ayaan ku talin lahaa oo aan loo gargaarin markaa cid iminka dhul kala haysata ma jirto dadka iminka wada degan aagaas na waa dad wada dhashay biyahan si ka fiican sidii horeayay u wada cabaan xoolahoodana u wada ilaashadaan markaa ordaya soo eega oo soo booqda dhulka wax badan ayaa iska kiin bedeli lahaaye....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 20, 2001 - 01:17 am To ceel afweyn: saaxiib marka u horeysa waad salaaman tahay marka labaad aad baan kuugu mahad celinayaa sidii sharafta laheyd ee aad u soo jawaabtay.jawaabta aad soo bixisayna waa wax jira xaqiiqdii,waxaana jeclahay adiga iyo inta kale ee aan ku gefeyba inay iga raali noqdaan, hadii aan dembi ilaahay ka galeyna waa ka toobad keenay,xaqiiqdiina waa markii u horeysay oo aa oo kale aan qoro waxaan eegayey garaadkiina iyo qaabka aad u soo jawaabtaan.runtiina waad iga rayseen waxaan jeclaan lahaa inaad sidaas aad wax u fahmaysaan dadkuna idiin la fahmo aad bay u wanaagsanaan lahayd.ugu dambeyntii gobtii reer shiikh isxaaq baad tihiine hadii la idinku gefo dulqaata iley gobta waxaa lagu yaqaanaa dulqaad.f
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, February 20, 2001 - 06:44 am ku ceel-afwayn saaxiib iska soo waran hawshii iyo sheekadii halkee ayay maraysay,arimihii ceelka iyo dararwayne si aan uga wada hadalo waxaad i soo waydiisay e mail si aan u sii amba qaadno arimaha deeganka markaa saaxiib igala soo xidhiidh e mailka hoos ku qoran. bancade@hotmail.com wixii war ah markaas ayaan is waydaarsan doonaa.waad salaamantahay adiga iyo wixii ree ceelka ah. To father in law saaxiib sidii laguu sheegayba meeshan rag akhyaar ah ayaa ku sheekaysta oo arimaha dantooda iyo deegankooda isku waydiiya wax cay ah loogama bahanayn markaa ninka ceel-afwayn ayaa warkii kuu dhameeyey adiguna waad qirtay in si wanaagsan laguugu soo jawaabay markaa saaxiib gobtii reer shiikh isxaaq ayaanu nahay oo cayda iyo gefkaba ma gayno cidkalena raali ugama nihin dulqaadkana waanu kuu dul qaadanaynaa ee wiixii wanaag ah nala soo wad hadii aad u dhalatay degaankan aanu ka hadlayno. wasalamu calaykum
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 24, 2001 - 01:32 am ku dadaale sxb waxaan kuu soo gudbinayaa maanta hambalyo iyo inaad iga saamaxdo mudadii aan kaa aamusnaa runtii waxaa ila soo yare dersey xoogaa jiilaala dabadeedena waxaan ahaa shaqo raadis waqtigan xaadirka ahna waan fiicanahay oo ilaahay mahadii ayaan taaganahay sxb waan hayaa e-mailkaagii waana kuu soo qorayaa insha alaalh . waxaad soo yarehe carabaabtay $30,000 inaay lacag yar tahay o hal qof qaadan karo malaha xagiina waa lagu jimcoonyahay waxaanse hubaa inaad tahay shaqsiyad wadankeedii u quuraysa waxaay kari karto waadan sxb ku mahadsanatahay dedaalka aad wado waa n kuu soo qorayaa sxb e-mail faah faahsan ee sidaa iyo nabad gelyo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, February 24, 2001 - 01:36 am to father in low sxb waad ku mahadsantahy sida fiican ee aad u qadatay taladii iyo waanadii laguu soo jeediyey waxadna ogataa inaanu hoogin qofka sidaa yeelaa if iyo aakhiraba mar labaad balanteenu waa wax wada qabsi meel kasta oo aynu kala jogno waxaadna ogaataa aduunkan wax kaa raacayaa ma jiraan aan ahayn laba qaayd oo cad cad markaa sxb aabahaana ha ahaadee weligaa cidna gardaro ha ugu hiilin waana hubaa oo waxaad tahay nin ilahay siiyey cilmi ku filan waxana kuugu ducaynayaa inaad uga faaiideysato sida fiican ee khayrku ku jiro nabadgelyo walaal
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, March 01, 2001 - 12:31 am waa laydin salaamay waar ragii maye mayaa la caajisay ceel-afwayn waan kuu soo qoray e mail kii kuma hayo weli lol....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 05, 2001 - 08:50 pm ciid wanaagsan reer ceelka iyo darar-wayne waa dadaale oo idin leh soo dadaaala oo soo qora fekradaha iyo haasawahaba
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 12:11 pm Waa cabdi fataax
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 12:16 pm Waxaan iddin waydiiyey maxaa tihiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, March 10, 2001 - 12:18 pm Cabdi fataax
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, March 11, 2001 - 09:52 pm waar ma ina faatax sugule mise mid kale isa soo cadee sxb nabaday beryahan reer darar wayne waa aamuseen wax dhacay garan maayo....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, March 12, 2001 - 11:03 am war waa kuwii u guurey ceel afweyn oo ceelkii loo dhisay. lol orodoo soo fiiri, and see the grass is greener on the other side of the road.
|