    MR TALEEX | Tuesday, January 30, 2001 - 11:20 am WAXAA DHAWAAN QORAAL AY SOO SAARTAY QARAMADA MIDOOBEY LAGU EEDEEYEY SOMALILAND INAY KU XAD GUDUBTAY XUQUUQDA BINI,AADAMKA,WAXYAALAHA LAGU EEDEYNA WAXAA KA MID AHAA DILKII LA DILAY KORNAYL CISMAAN,OO AHAA KORNAYL U DHASHAY BEESHA DHULBAHANTE(NUUR AXMED),NINKAASOO LOO DILAY KADIB MARKII UU KA CODSADAY XUKUUMAD ISKU SHEEGAY JOOGTA HARGAYSA INAY SII DAYSO ODAYAAL MAJEERTEEN AH OO U SOCDAY INAY KA QAYB GALAAN SHIRKII CARTA,WAXAA KALAOO LAGU EEDAY AFUUBKII AY KU SAMEEYEEN GARAAD ABSHIR FAARAX. HADABA SU,AASHA IS WEYDIINTA MUDANI WAXAY TAHAY MAXAA LOOGA WAAYEY NIMANKA MADAXDA SHEEGANAYA EE DHULBAHANTE IN AY KELIYA OO KA HADLAAN,AMABA AY CODSADAAN IN LA SOO QABTO DADKII KA DANBEEYEY DILKA NINKAAS ODAYGA AH,ILAA IYO HADANA NINKII DILAY HARGAYSUU DHEX JOOGAA. ALAHAYOO RAGU HUNGURI JECELAA,WAR NIMANKU DHIIG MIYAANUBA KU JIRIN. FAGADHE KHAMRIYA CAB INKAARI KUGU DHACDAY MUXUU NA BADAY,KAN KALENA HADALKIISABA DAA(QAYBE) |
    Sax-Dheer | Wednesday, January 31, 2001 - 04:04 am To: Mr. Taleex Saaxiib waa runtaa oo waa la yaabayahay sababta ragga dhulbahante ee Hargaysa joogaa uga hadli waayeen Alla ha u naxariistee geesigii Cismaan Dhalac. wxaan filayaa inay yihiin lahaystayaal oo ayan waxba oran karin. Qaybe, Fagadhe iyo kii ka horeeyey ee ina Xaabsade oo markuu waxba ka waayey ka cararay midkoona malaha geesinimadii dhulka lagu yiqiin ee ahayd in rag foodda lagesho oo runta loo sheego. Hadaba saaxiib waa aynu ka warsugi inta ay iyaga laftoodu noqonayaan maydka Hargaysa. Jiridii dishay Mr. Dhalcna weli Hargaysa ayay khamri iyo daroogo ku jaqaysaa. nabad gelyo |
    wiil-dhulbahante | Wednesday, January 31, 2001 - 04:08 am Waxaan filayaa inayan nimankaasi waxba oran karin sababtoo ah iyagaaba ah maxaabiis. Hadaynu nahay dhulka waa in aan hawgelin ku samaynaa komandooska reerka oo ka takhalusnaa gacan ku dhiiglaha aan Ilaah iyo umaddiisa aqoon. Haddii cid kale wax ka qaban wayday waa in aan gacmaheena shaqo kaga qabanaa. salaama |
    Jiiiidaalaawi | Wednesday, January 31, 2001 - 05:20 am Kuwaas idoor Raac lee ahaa. Adeerkey fagadhe waa udhamaatey, isaga iyo Qwybeba. Jidalaaawi |
    Jiiiidaalaawi | Wednesday, January 31, 2001 - 05:20 am Kuwaas idoor Raac lee ahaa. Adeerkey fagadhe waa udhamaatey, isaga iyo Qwybeba. Jidalaaawi |
    nuur | Wednesday, January 31, 2001 - 05:43 am Isaaq halaayeen cidii utagtaba. horaa looyidhi isaaq intey nabada kuguyeelaan colaad kuguma yeelaan. meeyey XABADO, ninkii gobolka sool kubada uciyaarijirey, burco ayaa isaga iyo dhalinyaro kale lagudiley |
    Somalisharaf | Wednesday, January 31, 2001 - 11:47 am Dhammaan War anigu ninkan dilkiisa ma maqlin waxayse u egtahay inay run tahay bacdamaa aad dhammaan sheegteen. Ilaahay horta ninkaa jannadii haka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan haka siiyo. Maxaad u odhan weydeen ninkasta oo dhulkaa Soomaaliyeed deggani haka xanaaqo arrintan, intaad leedihiin jilib keli ahi haka xanaaqo? Soomaaliyi magaca ay doonto ha isku sheegtee sharaf yeelan mayso ilaa ay ka carooto layn dad aan dembi gelin. Aniga waxa la igu sheegaa reerkan aad ku tuhmeysaan dilka ninkan Soomaliyeed. Aniguse wax ma dilin, raallina kama ahi in qof Soomaali ah (ama biniaadamba ah)wax la yeelo. Marka miyaanay qalad ahayn inaad dad dhan dembi ku qaaddaan? Fadlan bixiya faallo intan dheer. Yaa ninkan dilay? Maxay u dileen inta aad ogtahiin? Ma qof tuug ah oo waalan baa xabbad ku dhuftay mise siyaasad cad baa loo dilay? Ballan qaad haddii siyaasad lagu dilay anaa ku raacaya, haddiise ay tahay arrin ama shakhsi ah ama shil ah miyaanay ahayn in la joojiyo isku dirka iyo cayda? Midday doontaba ha ahaatee, ilaahay ha u naxariisto ninkaa Soomaaliyeed jannadiina haka waraabiyo. Sammir iyo Imaan, isku dirkana hala joojiyo. |
    laasa daar | Wednesday, January 31, 2001 - 05:40 pm Waar kuwa aad kahadlaysaan iidoorbaa wada wasa, markaasaad leedihiin maxay uga hadli waayeen halyeygeenii la dilay nin dabada dhigtaa muxuu ka hadli karaa isagaaba lagu guraaye nin dhulbahante inta la dilay ninka ka hadli kari waaya ee dhulbahante muxuu yahay sow khaniis maaha? |
    MR TALEEX | Thursday, February 01, 2001 - 06:12 am KU:DHAMAAN WAXAAN AHAY INANKII BOGAN FURAY,AAD BAADNA UGU MAHADSAN TIHIIN SIDA AAD IIGU SOO JAWAABTEEN. BALSE WAXAAN JECLAYSTAY IN AAN NINKAAS ISAAQ E CODSADAY IN FAALO INTAA KA BADAN LA SIIYO,IYO QOFKII AAN DILKA NINKAAS LA DILAY AAN WAX WAR AH KA HAYN. CISMAAN WAXAA LAGU DILAY BARTAMAHA MAGAALADA HARGAYSA SADEXM BILOOD KA HOR QIYAASTII,GOOBTA LAGU TOOGTAYNA WAXAA TUBNAA CIIDAMADII UU MADAXDA U AHAA,MAXAA YEELAY WUXUU AHAA TALIYAHA CIIDAMADA MADAXTOYADA SOMALILAND,ISLA MARKII LA DILAYNA ISAGOON LA AASIN AYAA WASIIRKA WARFAAFINTA (WARANCADE)QABATAY PRESCONFRANCE UU KU SHARAXAYO SABABTA NINKAN LOO DILAY,MARKAA DILKA LA DILAY NINKAA WAXAA IIGA SII DARAYD NINKAN ISKU SHEEGAYA WASIIRKA HADALADII UU KU HADLAY WAXAANA KA MID AHAA HADALADII NINKAAS WASIIRKA ISKU SHEEGAYA 1-NINKAN LA DILAY WAXAA DILAY ASKARI XANAAQSAN OO KHAMRI SOO CABAY(XAGEE LAGU ARKAY NIN KHAMRI CABAY OO OROD MEEL KU GAADHAY). 2-NINKAN WAX SIYAASAD AH KUMA LUG LAHAYN DILKIISU(MAXAA LOOGU DILAY BOQOLAAL CIIDAN AH HORTOODA,IYO MADAXTOOYADA GUDAHEEDA) 3-NINKII DILAY ILAA IYO HADA GACAN LAGUMA DHIGIN,WAANA LA BAADHAYAA QOFKII DILAY(MAXAY ASKARTA MEESHA TUMNAYD U QABAN WEYDEY) HADABA HADAL IYO DHAMAANTIIS INTA NIN EE DHULBAHANTE EE AHAAN JIRAY RAG SHARAF BADAN EE SHARAFTII IYO KARAAMADII ISKA QAADAY OO MAGACII QABIILKANA CEEBEEYEY OO MAALINBA MID LA UGADHSANAYO AAD BAY U BADAN YIHIIN,MARKAA WAXAAN LEENAHAY FAGADHE IYO QAYBE IYO INTA LA HAL MAASHA WAR HOOY INTAAD NOOSHIHIIN REERKII KU SOO NOQDA. HADII KALE WALEE CIDLAA DHURWAA IDINKU CUNI SIDII CISMAAN,XABADO IYO KUWO KALOO BADAN. WAXAANA LA YAABANAHAY DADKA LEH MA OGIN GORTA NINKAN LA DILAY MIYAANAY ADUUNKA WAXA KA DHACAYA WAX KA OGEYN |
    Anonymous | Friday, February 02, 2001 - 09:14 am waxan halkan ugu jawabaya wiilka yar ee reer talex waxana odhanlahaa horta halkan waxa ka cad labo masalo in aad midun tahay.@ nin dayar oo dhashay mudo sadex bilood laga joogo. @ iyo in aad tahay nimankii reer talex ee aan ogayn wixii rag soo maray xiligii dagaladu ka socdeen somalia. Hadaba odaygii u wayna reer talex waa kii ku mahmahay nuur axmed waxan u taliyaa inta ay noolyihiin iyo inta ay Qawlo jogan. marka anigu waxan ku odhan lahaa inadeer ma hadad ogatay colada Ihidoor.waa garta oo n/axmed waa kii ugu horayay ee ka dhinta. ISTAQFURANLA`WAR waxa ka horayay kii ka dhacay gadhigi ina Langadhe ilahay ha unaxariste hadaba hadad ogate inader RAGBA MEE. MIDA KALE WAXAD XAAL U CELISAA FAGADHE IYO KOOXDISA WAYO KAD UBOROOOORANYSABA LA MIDBUU AHAYE ma xooga dhiga ku dhaqaqay. Mida kale Nuur axmedka ayaba hada waxlayee mad u artan inataa waa idinka dhulbahantahaba ka arsanaye. ABOOW KAYAR IGA CELI OO KA WAYN SOO DA;AAAAA. KU INANKA REER tALEEX. |
    Kala-Baydh | Friday, February 02, 2001 - 05:58 pm to:anonymous; sxb jooji aflagaadada oo dhulka hakala saarin. u malaynmaayo inaad waxba ka taqaanid Nuur Axmed. Dagaaladii sokeeye nin walba waa taabteen ee malaha waxaadanba ogayn si wax u dhaceen oo ama waad da' yar tahay ama caqli saa u wayn ayaan kugu jirin. Maxaase keenay Nuur Axmed? waxaa laga hadlayey nimanka dhulbahante ee u shaqeeya Somaliland maxay uga hadli waayeen arinta xun ee lagu dilay Alla ha u naxariistee Mr. Dhalac. dadkana adaan aqoon u lahayn lama weeraro. nabad gelyo |
    Halyey | Monday, February 05, 2001 - 08:47 am Dhammaan Raalli iga ahaada inaan idin soo dhex galo. War horta anigu ma ogayn in ninkaas la dilay. Ilaahay naxariis haka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan haka siiyo. Haddii qof Soomaali ah lagu dilo xaq darro, giddigeen reerkaynnu doonnaba aan ahaanee waa inaynnu caroono, oo halganno oo ogaanno wixii keenay dilkaas, cidii dishayna waa in lasoo qabtaa oo la xukumaa. Reerkan meesha lagu tuhmayo ayaan kasoo jeedaa, macnese ilama leh qabyaaladi. Waxaa qiimo ila leh basharnimo, Soomalinimo iyo biniaadminimo(aan sidaa ukala horreyn) Labada nin ee aad maageysaan mid baan aqaan. Waa fagadhe. Waa nin sharaf iyo aqoon leh laakiin madax adag. Markii uu ka shaqeynayay Jaamacadda Carabta waxaa loo yaqaannay inuu yahay nin aan kasoo noqon waxa uu aammino. Qaybe anigu ma aqaanni. Waar maxaa inoo diiday inaynu dhammaan diidno cadaadis, dil, dhac, xaqiraad iyo wixii la hal maala oo qof Soomaali ah lagu hayo, innagoo aan qabiil eegayn? Maxaynu qabiilka uga dhigaynaa wax sidaa u weyn? Weligeen sharaf iyo qiimo yeelan maynno ilaa aynnu iska dayno caadifaddan gaaban ee reerka ah. Fadlan feker, sidaa ma u caroon lahayd hadii ninkaa Soomaaliyed ee Islaamka ahi ahaan lahaa reer kale? Waar meeday sharafi? waar meeday biniaadminnimo? waar meeday basharnimo? Halla koro. |
    MR TALEEX | Wednesday, February 07, 2001 - 09:21 am TO:HALYEEY saaxiib waan ku fahmey,waxaadna tahay nin si fiican u fekeraya,hadii aad camal ku darsatana kaba sii fiican,balse saaxiiboow waxan aan ka hadlayso iyo sida aan ku furay bogani waa kala gedisan yihiin,waxaana sidaas u leeyahay ujeedadaydu ma hayn in aan reer shiikh isxaaq wax ka sheego ma ahyn ujeedadaydu,balse waxaan doonayaa hadii la doonayao in nabad iyo xasilooni lagu wada noolaado waxaa wanaagsan in qof waliba qofka kale tixgeliyo,balse sida hada ka muuqata maamulkan hargaysa waxaay isku deyayaan inay sida ay doonaan ka yeelaan qabiilada kale ee la degan dhulka. ilaa iyo hada waxaan ahayn dil,iskudir la isku diro dadka degan gobolada sool iyo sanaag,cunaqabatayn dhaqaale,bahdil lagu samaynayo siyaasiyiintayadii madaxda u ahayd soomali oo dhan. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii markii hore taageersanaa somaliland,laakiin hada markii aan arkay sida wax lagu wado,oo weli colaadii iyo dhibaatadii qabiilada dhextaalay ay weli taagan tahay,colaadii weli taagan tahay,markii aan arkay in aanu si sharaf leh aanu ugu noolaan karin nin u dhashay goboladaasi Hargaysa (anigu waxaan tegay hargaysa 99,maalin waxaan joogay inta la banaanbaxay magaalada gudaheeda lagu dhawaaqayo faqashta qab qabta,faqashta laaya iyo waxyaalo ka siidaran,naftayadii baanu u yaabnayn,oo nin waliba dhuumashuu bilaabay). Markaa saaxiiboow nin hadii la waayey wanaag iyo derisnimo aynu kala gurano. |
    halyey | Wednesday, February 07, 2001 - 11:53 am Mr. Taleex Mahadsanid. Weligay anigu Hargeysa ma tegin. Sidaada oo kalese waxaan filayay mar haddii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed burburtay oo socon weyday in bal la eego in intii Soomaali isku dhaqan-dhaqaale xigtaaba israacdo. Ujeedaduse waa inay ahaato in Soomaliyi mar isu timaado iyadoo heshiis, xorriyad iyo cadaalad dadku raacsan yahay isugu timid. Marbase haddii aad tiri Hargeysaa dadku qabiil u bannaan baxayeen iyagoo handadaya Qabiilooyin reer S/lan ah, anigu ka baxay! Wax la aqbali karo tani ma aha. Walaalow been ha ii sheegin. Ma waxaad i leedahay dad reer S/lan ah ayaa intay soo urureen yiri ha la maago dad kale oo reer S/lan ah? Waan fahmi karaa jilibo yar yar oo sidoodii ay taariikhda u lahaayeen biyo ama xoolo ama daaq isku qabta, laakiin ma fahmi karo in dad Dowladi taageersan tahay(sida aad mooddo)ay odhan karaan qabiil hebel oo reer S/lan ah wax halla yeelo! Xaqiiqadu waa tan. Ummad (magacaynnu doonno aan sheeganno e)noqon maynno ilaa aynnu fahamno in qofka Soomaaliga ah la ixtiraamo, la qiimeeyo noloshiisa iyo xorriyadiisa, lana sharfo. Aan ka korno qabiil. Waa heerka ugu hooseeya ee bashariyaddu isu qaybiso. Ii soo hel ninka Soomaaliyeed ee la dilay ciddii dishay, iyo wixii ay u dileen. Ma qof waalan baa iska dilay? Ma siyaasad baa loo dilay? Mase arrin shakhsi ah? Maxkamad cid ma loo soo taagay? Baadhisi ma socotaa? Fadlan aynnu si deggan u fekerno, laakiin yeynaan aqbalin dhammaanteen xaqdarro, haddii kale ummad ma nihin, sharafna ma lehin. Nabadgelyo |
    Halyey | Wednesday, February 07, 2001 - 12:14 pm Mr. Taleex Waxaan illaaway inaan ka hadlo xiristii garaadka. Tan sida aan u arko ku farxi maysid. Waxaan rabay in garaadka la xiro, maxkamadna lasoo taago. Sabab: Garaadku wuxuu ahaa dadkii saxeexay dhisidda S/lan. Sharciga dalkaasina waa in qof kasta oo isku daya inuu dumiyo jiritaanka dalka maxkamad lasoo taago. Garaadku taa wuu ogaa. Haddii uu ahaan lahaa qof caadi ah oo beeshan ah, aanna saxeexin jirista dalkan, aaminsanna Soomaalweyn, xaqdarrey ahaan lahayd in la xiro. Arrintuse sidaa ma hayn. Sidaa darteed waxaan aaminsanahay in isaga iyo Buubaa iyo Galayrba hadday dalka yimaadaan la qabto oo la xiro oo maxkamad lasoo taago. Waayo intuba waxay aqbaleen iyadoo aan cidina ku qasbin gooni isu taagga S/lan. Sidaad haddana uga soo noqon kartaa oo weliba dalka uga soo degi kartaa sidii aan waxba dhicin? Sidaasay ku kala duwan yihiin iyaga iyo ninkan la dilay oo ahaa qof muwaadin ah oo ay u egtahay inuu ahaa geesi rayigiisa loo dilay. Doodi furan. |
    abdi | Friday, February 09, 2001 - 08:30 am goooookkk |
    maragmaal | Friday, February 09, 2001 - 08:42 am Marka u horeysa waxaan u mahadcelinayaa (mr Taleexi) marka labaad waxaan jeclahay inaan u jawaabo ninka isku magacaabay (anonymous),markii aan eegay qoraalkaagii matihid nin loo jawaabo sababtoo ah nin wax garad ah uma ekid ama mudan in loo jawaabo,arinta aad tiri nuur ahmed ayaa dhulbante laaya ma jirto mana jirayso balse waxaanu laynaynaa wixii jiri ah, hadii marka aad leedahay maxaa jirida loo laayey waxaan filayaa inaad adigu jiri tahay, maahmaahaha aad sida khaladka u isticmaaleysidna waxaan ku oran lahaa soo baro afsoomaaliga,hana ku fakarin inaad wax ka sheegtid dad aadan dhaqan iyo dhalashotoona ku gaareyn. |
    Ciidagale | Friday, February 23, 2001 - 10:37 am mr. taleex, sxb raga soo tey weligood is wada leyn jireen, waa maxey baroordiiqdan aad somalinet-ka la timid. miyaadan weligaa maqal askari diley taliyihiisii. hadeynu kii dhintaba sabab ugu dhigno waxaa loo diley reer hebel ina adeer weligeen hore u socon meyno...addunkan hore hore marey wuxuu u hore marey waa isku dulqaadasho iyo iyadoo la is cafiyo la iskana ilaabo wixii hore dhacey. hada ma waxaad leedahay, markii SNM dalka qabsatey waxey aheed iney dhulbahante ka aargoostaan sababtoo ah waxey raaceen siyaad bare?.....sxb waa tii la iska ilaabey, lana heshiishey wadankana waa kaa hore u marey...ma waxey kula tahay in maanta haddii colaadii dhextiiley haber-jeccllo iyo dhuloos socon laheed in dalka sidaa nabada u ahaan lahaa?. ..adeer ninkaa dhintey raga dhalin yaro ah oo mustaqbal wanaagsan leh ayaa ka danbeeyo ee reerka dab ha dhex gelin..........imisey dhuloos dileen oo liska aamusnaa?.......ma sida hawiye ula dhaqmey daarood markey xamar qabsadeen ayaa dooneysaa oo kale iney waqooyina ka dhacdo?...ma halaagii kismaayo oo kale ayaa saadaalineysaa?... umada hadey soo wada dageen oo nabad isagu yimaadeen ha la daayo...nin iyo labo iyo ka badan weligeed waa tii la iska dili jireyee. good luck guys... lets unite and build this devastated country of ours and forget what our forth-fathers did for once and forever for gods sake.....let move forward......... |
    Ali | Saturday, February 24, 2001 - 08:28 am waar meesha walawayn ayaa ku dhex jirta ee taa ha la ogaado.walawayn,walawayn,WALAWAYN. |
    Qudhac dhallaan | Tuesday, February 27, 2001 - 01:56 am Saaxiibayaal waan idin salaamay marka ugu horraysa marka xigana waxaan u malaynayaa in aan arrintan anigu idiinku xog-ogaalsanahay. Ma ogtihiin in markii marxuumka xabbadda lagu furay ay isla fadhiyeen isaga iyo Ina Ibraahim Cigaal iyo Waliba Siilaanyo. Ka dibna indhahooda oo shan ah oo xitaa ilaaladii kale ay joogto inuu derbiga ka booday oo uu suuqiisa galay. Waxaa mudaharaaday maalintii xigtay gabdhihii dhulbahante ee joogay magaalada Hargeysa iyadoo aan waxba la yeelin baabuur badanna way jebiyeen. Waliba arrintii dadka oo dhan ka yaabisay waxay ahayd markii ay dawladdu tidhi nin cabsan ayaa dilay. Waxaadse ogaataan in ayna ahayn dhulbahante keliya waxa Hargeysa ku dulman ee qabiilooyinka oo dhami way ku dulman yihiin xitaa Garxajiska oo mahadli karaan. Dawladduna waxba kama qabanayso ee Dhulbahante ayey u taallaa wixii uu ka yeeli lahaa. |
    BBC | Wednesday, February 28, 2001 - 01:19 pm To: talex saxiib ma waxaad u buktaa isaaq oo kaliya waad hurudaaya isaaq waligii bay dhulbahante colaad iyo dagaal dhexe mari jiray mana aha shay la yaab leh nin hadduu dhinto oo la dilo si kastaba ha u timaado xaq iyo xaqdaro labadaba waa wax dhici jiray oo dhaca maalin kasta , ragadn aad leedahay waxay u shaqeeyan somaliland , adeer ma ah calooshood u shaqaystaysha xamar punland fadhiya ee dad baa diratay , dhulbahante waa somaliland marxuunkana dalkiisii iyo degaankiisii ayaa lagu dilay waana shay caadi ah in madaxda dunidoo dhanaba waa la dila waana sababta gaadhka loogu sameeyo, marxuunkan degaan kiisii baa lagu dilay xaq iyo xaqdaraba kaydoonto ha ahaato , ragan aad sheegaysana waa madax reer somaliland ah oo dalkoodii xukumaya dhulbahante oo dhan baa somaliland jooga oo deegaan ku ah oo xoog iyo xeer iyo xaqsoorba ku leh ulana diyaar ah marxuunka gacan ku dhiiglihii dilay reer kooda iyo dadka ay kasoo jeedan in ay ka dowmariyaan dilka foosha xun waxaa kale oo u heegan ah dowladdii uu u shaqaynaya , waxaa marxuunka loo aasay si heer qaran ah marxuunku waxa uu ahaa wadani lagu kalsoonaa oo ay umadda reer somaliland jeclayd mabda adeg . waxaan layaabana hay ninkaagan illaway godbta ay hawiye ka galaeen dhulbahante oo ay ka midho midhaysteen xamar waa ninmankii dilay Prf. Abyan walahaay isaaq ma dileen abyan hawiye is maya qoonan dhulbanahte oo colaadi ma dhexe oolin hadan waxay galeen waa la wadda ogyahay dil , kufsi ,dhac iyo in xataa la dilo birimagaydda iyo maatadda isaaqna waxaa uu ahaa kaand magaciisa ku baxaysay walaow aad is dishaan hadana ma samamayn waxa uu inagu smayay hawiye oo aan waligii colaadi aanay ina dhexe marin somaliland waxaan ku fadhiyaa cudud iyo raggnimo mana i hi la hayste , madaxda somaliland ee dhulbahante ma ha sida caada qaatayaashea u dhoofay xamar iyo pland ee waxay ka talinayaan dalkoodii , isaaaqna uga tagi maayan kagan baqi maayan kana hadhi maayan wixii godob ah ee ay ka galaan. fagadhe baarlamaaanka markii uu ka tirsana tooray ayuu labixi jiray oo rag isaaq ahoo reer hargeysa ah dhunta kaaga qabaty qadiyad dhulbahante aweed , halka ina gakaydh la kaadigeeyan . |
    Qudhac dhallaan | Thursday, March 01, 2001 - 03:57 am Adeer ninka BBC la baxay waxaad meesha kusoo qortay waxaan qaadan karo maaha. Fagadhe ama budh ha qaato ama tooreey wallee adiga iyo hawiye inaydnaan isku meel istaagi karin wax kasta hadday sameeyaan diin baa celinaysa adiga maxaa ku celinaya caqlina malihid Allena ka cabsan mayside. Dilkii Dhalac haddaad is leedahay si sahal ah ayaa lagu illaawayaana iska illow. |
    Burcaawi | Thursday, March 01, 2001 - 12:08 pm BBC Runta ayaad sheegtay, laakiin ummad miyaynnu nahay haddaynnu dadkeena laynno sababtoo ah waxay sheegeen ra'yigooda? Anigu waxaan kasoo jeedaa reerkan la leeyahay waa Isaaq, laakiin haddi ninkan loo dilay ra'yigiisa ayuu sheegay(sida aan maqlay qabiil shaqo arrintu kuma lahayn) dal ma nihin magaca aynnu doonno aan sheeganno e. Halse reerka dhulbahante ha ogaado, gaar ahaan nimankan ka qaylinaya. Dhulos waa reer woqooyi, haddii Isaaqoo dhammi isugu tagano(weligeed may dhicin) lagama saari saro dhulkiisa. Xamar iyo koonfurse saacad baa looga soo eryi karaa, xataa Galayr. Horay u dhacday. Waar ma beenbaa! Xaq dheh inaanay weligood colaad kasta oo dhacda nin Isaaq ahi xabbad u quudheen Abyan. Waa dhaqan ummadeed oo reer woqooyi leeyahay. Taariikh yar. Nin gabyaa ahaa oo H/yoonis ahaa oo la oran jiray Yowle ayaa beri H/jeclo dishay. Ceebtii reerkaa ka raacday dilka gabyaagaa weli reer woqooyi ma illawin, reerkiina sidii ay gun yihiin ayaa loo arkay. Ninkii ku yaqaan baa ku qiimeeya. Waar maxaynnu been isugu sheegi. |
    Cidagale | Thursday, March 01, 2001 - 01:32 pm burcaawi, raga afkaaga ka duw. halyeey iniga dhinta haweenkana kama ooyaan, yawle dagaal buu ku dhintey rag asagoo kale ah ama ka gabayo wanagsan dagaal bey ku go'een.....raga soo tan la is wada caayayo, maxaa edebtii iyo dhaqankii heleyna? |
    BBC | Friday, March 02, 2001 - 07:20 am Waar yaad imooday aniga ma waxaad imooday adoo kale oo dhulbahaante afka ka ah oo tilmaan lagu baray cida uu yahay anigu waxaan ahy dhulbaante asal ah waxan adeer ahay M/ garad jamac siyaad ku dhashay lascaanood walina in yar oo aan haddeer qurbaha joogay mooyane aan mee kale ka biyo cabin , wiil yahoow anigu dagaalo aan isaaq lagayna waan ku dhaawacmay oo wwa u dhitiya , adigu se midhay waad maqashay uun isaaq ma kale jeceli oo waa iimid midhaay adigay inaan tiina qabaane Garxajis, Hawiye diinta aad ku sheegtay waa mid la layaabay soomali way ogtahay inaan diin iyo maladi toona xidhayn waa mooryaan aan milga ah dadka iyo dhaqanka aqoon oo aan gar iyo garowshiiyo toona lahay waana adoono mayaqaano ragaba haddii xadhiga laga furo , TO: BUrcaawi waar nacasbaad tayhay ee burco raga baa dega e magac ha ka dilin , waxaa tidhi reer kan la leeyahay isaaq adeer hadda tahay ragan dayrada isaaq isga tuuray iyo kuwa anaga naga waashay ha sheegan raga magacooda ,taariikhda aad sheeyaso Yawle waxaa awaadhay SAMATAR ILWO OO AH NIN DHULBAHATNE AH OO KU YIDHI , MAGLIGAAD AFAYSAA KUGOOYN MURUQA YOWLOW MAANTIIBAY GOOYSAY OO H?JECELO OO UU AMANAY AYAA WALIBA DILIY . |
    MR TALEEX | Friday, March 02, 2001 - 02:09 pm DHalinyarada ka dhiibatay fikradooda bogaan dhamaantiin waad salaaman tihiiin balse waxaan rabaa inaan xasuusiyo wiilkaas BBC la baxay oo hadana sheegtay JAAMAC SIYAAD. Ugu horeyn waxaan leeyahay nimankan igula soo wareegaya Habarjeclaa beri sidaas samaysay iyo habaryoonis baa halkan ka soo booday,saaxiibayaal hadii aad leedihiin colaadii meesheedii ha ka sii socoto waa hadal la yaqaan,balse hadii la sheegtay dawladnimo oo meesha Hargeysa ah uu maamul fadhiyo (sidaan ku maqlay),ma waxaad i leedihiin ninkaas dilkiisii waajib buu ahaa wuxuu la mid yahay dadkii ay iska dili jireen qabiiladu,markaa micnaheedu ma waxaa weeye Ina Cigaal waa wiil isaaqoo dagaal buu Daarood kula jiraa. Ta labaad wiilka isku magacaabay Jaamac Siyaad sida wedkaygaan u hubaa inaadan Jaamac Siyaad ahayne,hadaad tahayna sidaas daciifnimada ah umaad hadasheene,ma fahansan tahay ugu horeyn meesha laga hadlayo,oo ah dadkan lagu xasuqayo Hargaysa iyo Burco iyadoo hadana la sheeganayo inay nabadi jirto,hadii aadan qaadanayn warkayga oo aad jeceshahay inaad ogaato xaqiiqda dhabta ah ee Somaliland akhriso maqaalkii uu dhawaan ka qoray wakiilka UN-ta soomaaliya taasoo lagu sharaxayo sida maamul ku sheega ina cigaal u taliyo ee Isaaq sida uu ugu xadgudbay xaquuada bini,aadamka,gaar ahaan Dhulbahante. Aniga iyo sida aan aaminsanahay badankiisa dhulbahante wax taageera ah oo ay u hayaan maamulkaas ka dhisan hargaysa haba yaraatee ma jiraan. Anagu waxaa nalagu yiqiin in aan la dagaalanao gaalada iyo wixii dabada ku wata,in aan ka hor tagno qof walba oo isku daya inuu diintayada waxyeeleeyo,inaanan weligayo xaqdaro qaadan. Anagu waxan taageero buuxda u haynaa maamulka cusub ee loo sameeyey soomaaliya,ujeedaduna maaha waxaa ka mid ah madaxda nin dhulbahante ah(Galaydh),balse waxaan aaminsanahy qadiyada ah midnimada soomaaliya. Mida kale hawiye waa niman soomaaliyeed,colaada dhexmartay hawiye iyo daroodna waa wax si fudud lagu xaliyi karo,sababtoo ah waa dad taageersan midnimada soomaaliya,waa niman gaalada neceb,waa niman dagaalna yaqaan colaadna yaqaan,balse sida hargaysa iyo burco maalin walba loogu laayo xataa kuwii calooshood u shaqaystayaasha ahaa ee u galay ina cigaal,sida ninkan la dilay ee boga lagaga sheekaynayo,Xabado oo ahaa nin reer burco oo dhami jecel yihiin,iyo kuwo kale oo badan. Anigu waxaan sugayaa goorta la soo sheegi doono waxaa la dilay Fagadhe iyo Qaybe iyo dhamaan calooshood u shaqaystayaasha huteelada hargaysa jifa. |
    Burcaawi | Saturday, March 03, 2001 - 01:35 am Ciidagale/BBC Dhaqanka aad uma taqaaniin. waxaan filayaa inaad da' yar tihiin. Waxaa jiray dhaqan kawada dhexeeya reer woqooyi markii dgaal dhaco. Waxaa ka mid ahaa cunsurka la yiraahdo Magaynno. Taas waxaa ka mid ahaa inaan wax la yeelin maxas, la kufsan haween, lana farosaarin oday hadduuba cirroole noqdo. Waxaan idhi Yowle magayno ayuu ahaa sida Abyan. Hawiyese ma yaqaan magayno, waa addoon dagaal baratay, sidaa darteed bayna wax u xeerin. Boob, kufsi, dhac waa u caadi. Taleex Waar cidi ma odhan cid baa meel kasoo boodaysa iyo cid baa cid wax yeeli midna. Ninyahow fidnaad waddaa ee dadka reer woqooyi nabadbuu kuwada noolyahay ee belo sheegga aan macnaha lahayn jooji. Xasuuqid? Weligay wax waxaa ku hadla ma maqal. War halkee dad reer S/land ah lagu xasuuqay? Dab baad ololisaa kumana gubo daayin abidkaaye! Adeerow armaad Gabyaa Cali Dhuux isxigteen oo aad isku dirka hiddo u leedahay? Waa kaftane ha caroon. |
    Wiil-Dhulbahante | Saturday, March 03, 2001 - 06:20 pm To: dhamaan wax garadka, saaxiibayaal gidigiin waxaad hadasheen caqligiin ninba si ha ku ahaadee. Taleex, isha ayaad ka riday runtana waad taabsiisay si kasta ha loo qaatee. Anigu waxaan u fahmay hadalkaagii inuu ahaa sidan: haddaanu nahay dhuloos waxaanu ka talinaa kana talinaynaa kana talindoonaa midnimada ummadda Somaliyeed. Waxaad raacisay taasi maaha iaan u taageersanahay nin Dhulka ah ayaa ka madaxa. Saaxiib ninkii wadani ah ayaa ku fahmayee nin meeli u cadahay ma oga runta. Markaa ha isku daalin warkooda. BBC ama Jaamac siyaad sheegte, :Dhankaan ka hadlay waa kaa Qamaan dhaafay hadalkiiye". Ninkaasi wuxuu u egyahay nimaan noloshaba fahmin khaasatan ta ka jirta Somalida WAQOOYI. Wuxuu kaloo sheegtay inuu ku dhaawacmay dagaal qabiil dartii uu u galay. SUBXAANA LAAH. Wiilka Jaamac Siyaad labaxo nin Dhuloos saa uma hadlee xaggee ku noolaan jirtay? Alla ha kuu sahlo. hadda iyo dhamaan, aniga waxay ila tahay 1)in beelaha waqooyi nabad kuwada noolaadaan oo aan rabsho lagelin. 2) In ninkii Cismaan Dhalac aan arintiisa la ilaawin ee meel lagaga soo haro iyadoo weliba nabadda la door bidayo. 3) In nimanka dhuuni qaatayaasha dhulka ee Hargaysa jooga la ogaado inayan Dhulka metelin. 4) In dawladda somaliyeed dhiskeeda la is garabtaago hiil iyo hooba. Wixii kaloo dhan waxay ani ila yihiin hal bacaad lagu lisay. Nabad gelyo. |
    BBC | Monday, March 05, 2001 - 12:33 pm To: Mr Talex Saxb xabada iyo dilka ba waxaa halis u ah kuwa moorayaanta umaganta ee la kaadi geeyo , ana adiga kaa baryimayo kuna warsan maayo reerka aan ahay , habaarka aad hurgufatay habar duqa sideedii adiga kuugu noqoyaa sa xaqba kuma aad lihid rag aad habarayso , waar marxuunkuu ma aamin sana mabadan somaliland mise waa maya ? haa waa uu aamin sana oo uu ku dheera . hadaba siyaasada loo dilay teedi baa laga raba in aad ugu arato oo dhigaalkii u haleesho adoon qaylo iyo muusanow aan daacad kaa ayane wadin oo ay ku hoos jirto siyaaddadii ina galaydh ee kabaqaadnimoda hawiye iyo mooryanta xamar uraysay adiga oo aan dal iyo dad toona garanay haka sheegin waxaan jir dhulka . To: nacaska wiil dhulbahante la baxay waxaay tahay curuurtii hawiye ee algu sheegay dhulbahantaha adeer waan u dhaawacmay oo udhimanaya kuna dhaadanaya nin aan ahay , adeer si liitana uma hadal oo soamliland waa layga yaqaana , cigaal iyo waxay UN tu ka qortayna wax imag khuseeyan , ninka layga dilana waann aqaan sida aan ugu cadgooyo . midnimo somali , nacas in aad tahay gurigaagiina rag baaad uga cararysa dhul aanad lahayna waad u baryo tagaysa oo habaynkkiina lagu kadi gaynaya . MEEL AAN TOLKAA JIRIN WAA LAGU TASOOBA . |
    Burcaawi | Monday, March 05, 2001 - 01:29 pm WiilDhulos Ma hadal xumid, cayse kuma lihid madaxda S/land cidday doonaanba ha ahaadeene. Run haddii ay kaa tahay magaca aad sheegatay waxaad ogaan lahayd waxyaabaha hoos ku qoran: 1. Dhulos waxay deggan yihiin woqooyi. Dhaqaalahooda, dhaqankooda iyo noloshoodu waxay ku xiran tahay dadka ay la degaan. Xoolahooda iyo tijaaradoodu waxay ka dhooftaa kana soo degtaa Berbera iyo Bosaso ee kama soo degto Xamar iyo Kismayo. 2. Ninka marxuunka ah ee dhintay haddaanad muusanow aan ragganimo iyo daacadnimo midina ku jirin aanad wadin, waxaad ogaan lahayd inaan qabiil iyo siyaasad midna loo dilin, ee askari waalani dilay. Belo sheeg raganimo ma leh. 3. Taageeridda Soomaliya wadaninimo kaama aha, waxay kaa tahay Galayr baa la doortay. Ma taageeri haddii berri la eryo? 4. Madaxda Dhulka kasoo jeedda ee S/land dalkoodii ay awoow ka awoow xukunkiisa ka qayb geli jireen ayey joogaan, waana laga dambeeyaa oo la ixtiraamaa aqoon iyo xoog ay leeyihiin darteed. Galayr wuxuu magan u yahay Hawiye oo og hadduu berri eryo inaanay waxba yeelayn. Run ahaan waxaa loo doortay inuu S/land kala jebiyo. Haddii Isaaqaan aad ku kacsantahay berri ku biiro Soomaaliya qiimo dambe oo Siyaasadeed yeelan maayo Galayr. 5. Ogow galayr wuu saxeexay goosashada S/land. Maxaa ku kallifay? Hadduu waddani daacad u ah Somali weyn yahay muxuu u aqbalay in dalka lakala gooyo? Intaa kaddib xaq baad u leedahay ra'yigaaga, laakiin daacad iyo run u sheeg naftaada iyo dadka kaleba. Nabadey. |
    Wiil-Dhulbahante | Monday, March 05, 2001 - 04:46 pm To Burcaawi, Sxb waad kumahadsan tahay hadalkaad soo qortay. Sxb anigu ma diidin in Waqooyi lagu wada nool yahay ee waxaan diiday kala go' a qaranka Somaliyeed. Kumana taageersani dawladda sababtoo Cali Khaliif Galaydh ee waxaan u taageersanahay waxay iga tahay wadaninimo. Haddii Cali beri la eryo oo dawlad aan haysto waxba igama maqna. Aniguna ma ihi nin colaad dhex dhigaya dadka waqooyi wada dega oo waxaan taa ku sheegay qoraalkaygii hore. Dekedaha aad tiri Dhuloos ayaa isticmaala sida Berbera iyo Boosaaso waxay ani iigu muuqataa ganacsi ka dhexeeya dad Somaliyed oo aan ana ka qayb qaato weliba qayb libaax kaga jiro. Markaa taasi sxb noqon mayso wax saa usii ridan. Arinta aad tiri Cali Khaliif ayaa saxeexay kala go' ii Somaliyana waxaan kaa iri waadan fahmin waxa Cali saxeexay. Cali wuxuu saxeexay nabad ku wada noolaan shaha beelaha waqooyi oo aan anba aamin sahay. Taa macneheedu maaha dalka kala goyntiisa. To: ninka labaxay BBC/Jaamac Siyaad, Saaxiib jawaab ma mudnid ee hurdada ka toos. Nabad gelyo Wiil-Dhulbahante. |
    Burcaawi | Tuesday, March 06, 2001 - 09:48 am Wiil-dhul Mahadsanid. Marba haddaad tiri mabda' waddaninimo ah ayey iga tahay taageerada Soomaliweyn ceeb ma lihid. Ra'yigaaga xaq iyo nus baad u leedahay sida aan aniguna kayga xaq ugu leeyahay. Aan in yar ku saxo: Cali Qaliif Galayr wuxuu saxeexay ma ahayn heshiisiin beelo(ismabay dilayn goortas) ee wuxuu saxeexay Goyntii iyo ku dhawaaqidii Soomaliland ee Burco 1991kii. Soo hubi oo soo jawaab. Sax weeye inay arrinta dekeduhu tahay arrin ganacsi. Waxaan uun muujinayey in dadkaa dhulkaa deggan ka dhexeeyo arrin dhaqaale oo aan ka dhexeyn iyaga iyo kuwa koofur deggani. Tani ma aha wax muran leh. |
    Wiil-Dhulbahante | Tuesday, March 06, 2001 - 04:21 pm Burcaawi, Waad mahadsan tahay marka hore marka xiga arintii Cali Galayr ma soo baadhin laakiin haddiiba uu saxeexay kala go'a Somalia waxay aniga ila tahat in uu arintaa ku deg-degay oo uu san ka fiirsan. Qofkuna ra'yigiisu ayuu leeyahay mar walba inkastoo ay fiican tahay in meel laguugu soo hagaago. Khalad dhacayna waa laga laaban karaa oo maaha kitaab muqadis ah. Saan hore kuugu sheegayna ma ihi nin Cali Galayr si gaara u taageersan oo weliba haddii uu wax ka saxeexay kala go'ii Somalia, taageeradii iyo sharaftii aan u hayey waxbaa iska bedelaya. Si kastaba ha ahaatee hadaynu nahay beelaha waqooyi dega xil ayaa inaga saaran nabad gelyada geyigaa. Dadkuna waa wada dhashay oo dhib iyo dheefba waa ka dhexeysaa laakiin qaybinta dalku waa midaan meesha ku jirin ee inagoo gobol ahaan usocona aan dhismaha qaran wayn somaliyeed ka qayb qaadano. Nabad gelyo |
    jaamac. | Wednesday, March 07, 2001 - 09:46 pm anigoo ah nin H/jeclo ah aan kelmad ku darsado. haddaan kubilaabo su'aasho mawduucan loo furay, waa arrin xun dilkaa ladilay mr.cismaan,iyo xabado(ilaah ha unaxariistee)xabado aqoon baan uleeyay,nin reer burcaa buu ahaa dhuloos keliya kama dhiman reer burcoo dhan ayuu ka dhintay nin caan ka ah ayuu ahaa burco,dilkiisiina burco iyo yiroowe mudaharaad baa ka dhacay ayna BBC sheegtay,taasi waxay kutusaysaa dilkaas foosha xun inaan raali ka ahayn dadku. waxaan ogahay in XABADO ilaah ha unaxariistee dhallinyaro badan oo H/JECLO iyo reer burco ahi ay wax u ururiyeen xaaskiisii iyo wiil uu ka tagay. TO BURCAAWI; ma fiicna taariikho hore oonad weliba aqoon badan ulahayn aad si leexsan usheegtid, waxaad tiri H/jeclo waxay gun ku noqon gaadhay dilkii yawle??? taariikhda ma haysaa yawle sida loo dilay iyo cidda loogu aaray. H/yoonis miyaanay dilin nin kamid ahaa nimankii gabayada badnaa ee ILMA NUUR FADAL, OO AHAA GABYAA. NIN IYO NIN ayay kala dileen taasi maahayn mid aad qabiil farta ku fiiqdid saaxiib. NIMANKIINA MAAGAYA BBC, aniga waxay ila tahay inuu yahay nin reerkaa uu sheegtay ah siduu sheegayna ku dhaawacmay colaadaa sokeeye, taasi ceeb maaha raggii islayn jiray waa ragga heshiina kara, yaqaan colaad iyo nabadba. dhulbahante nimankan hargeysa ka jooga waa rag waaweyn ma filayo waxaan wanaag ahayn in ay katalinayaan. midda maamulka cigaal waan kudhaliilsanahay sida uu u ilaabay sool iyo sanaag, waana mid inala gudboon in aynu wax ka qabano. |
    DHULKA | Thursday, March 08, 2001 - 05:33 am "faruurow maxaa berbera kukeenay" faduul. ninka hargeysa lagudiley isagoo ushaqaynaya isaaqa iyo kuwakaleba nagadaaya hadalkooda. iidoor waligood qofkii utaga ee ayka awood badanyihiin waadilijireena. dhulbahante isaaq mabarto miyaa? nimankan waxba mailaawaan, sheekadooduna madhamaato. MR TALEEX adigu iyo dhulbahantihiina bari markahore anaga nagawareysta iidoorka. iidoorku xabad uunbay fahmaan, naxariisna loomagalo. cali khaliif iyo garaad baasaxeexay soomaaliland? yaa idinku yidhi xornimaa lasexeexaa. cidna masaxeexi karto inay soomaaliya kalagodo. isaaq hadayrabaan iney go aan way yaqaaniin meeshay degaan. |
    Burcaawi | Thursday, March 08, 2001 - 12:09 pm Dhulka Dhib aanay Soomaaliyi u baahnayn ayaad waddaa. Sharaf ma leh ninkii yiraah reer hebelow reer hebel iska celi, taasi waa waxa halkaa Soomaali geeyay. Armaanad ahayn reerkan aad sheegatay? Mise waxaad tahay ma sabre aan ka dembi dhaafi karin colaad hore oo dhacday? Aan ku tilmaamo. WELIGOOD Isaaqanaad sheegayso iyo Dhulbahante isma dilin. Waxaa is dili jiray jilibo. H/jeclo iyo Dhulbahante, HY iyo HJ, HY iyo Dhulbahante iwm. Colaadoodu waxay ku xidhnayd abaarta iyo biyo la'aanta arlada ay degaan ee ma ahayn mid siyaasadeed ama qabiil nacayb. Muddo kaddibna way ka heshiin jireen oo masii fogaan jirin. Nacaybkan aad "iidoor" u qabtaa ma fiicna waxna kuu kordhin mayso. Belo ha wadin oo dadka ha isku dirin hakaa noolaadeene. Tan kale. Anigu xumaan aan u qabaa ma jirto Raiisul Wasaare Galayr. Runi se in la sheego way ku fiican tahay. Wuxuu saxeexay goosasho. Adiga kuulama eka inay taasi qiimo leedahay. Aniga waxay ila tahay inuu qalad weyn oo siyaasi ah sameeyay. Siyaasi aan mabda' lahayni ma aha siyaasi fiican ee wuxuu u ekaanayaa Daneyste. Adeerow wax tari maysid cidna, ee sharaf la'aanta iyo isku dirka aan macno lahayn ee dadka Soomaliyeed jooji. Alle haku soo hadeeyo. Jaamac Waan ka xumahay inaad hadalkayga u qaadatay cay reerka HJ. Raali ahow, waayo sidaa ulama jeedin. Waan ogahay sida gabyaa Yowle u dhintay. Ma ahayn aaris ina fadal. Ceebse kuma hayso reerka HJ, ha yeeshee waxaan tilmaamayey sida ay ceeb ugu tahay dilka duqeyda iyo magaynadu dhaqanka reer woqooyiga. Sida aad uga xanaaqday eedaynta aan HJ ku eedeeyay dilka Yowle waxay ka marag furaysaa arrinta aan sheegay. Nabadey. |
    wiil-xudun | Friday, April 06, 2001 - 12:50 pm To: Doodayaasha Waad salaamantihiin dhamaantiin bacda salaan hadaan ninba gooni ugu jawaabo Burcaawi waxaan oranlahaa iidoor wadani nimo kaaga dhow ma arag, Cali baa kala go' somaaliyeed saxeexay baad la taagantahay xitaa haduu saxeexay wuu ku khaladanaa,reerkuna wuxuu isku raacsanyahay kasoohorjaadka insoomliya lakalagooyo,waxaana aaminsanay in laraadiyo soocelinta Jabiti,NFD,iyo Somali-Galbeed.Mr-Taleex waxaan leeyahay Cismaan u aarkiisu ninkasta oo dhulbahante ah ha yaroodo ama hawaynaado u aarkiisu waa huranyahay,ninwayn oo odaya oo beel ka soo jeeda intay xabad ku dhufteen inay dhahaan nincabsanbaa dilay nama qabato ilaa iyo inta lga soo qabanayo ninkii dilay oo sharciga la hor keenaya colaada isaaq hala wado ayaan aaminsanahay. BBC/Jaamacsiyaad ninka isku tilmaamow hadaad tahay iyo hadaadan ahayba nin sidaa usii ridan matihad. Wiil-Dhulabahante waxaan leeyahay isku afkaar baynu nahay marka laga reebo inaadan Cali ku taageersanayn qabiil, Cali waa nin dhulabahante ah ana nin dulbahante ayaan ahay wixii wanaag ah ee uu ka shaqaynayo waan ku raacsanahay,hadana wuxuu ka shaqaynayaa isukeenka somaali wayn. waxaan lahadlayaa ninka magiciisa qariyay(Anonymous)umalynmaayo inaad dhulbahante tahay hadaad dhulbahante tahayna Nuur Ahm |