We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Wednesday, January 31, 2001 - 11:49 pm waxaa bogaan loo guray ardadii kasoo baxday dugsiga hoose dhexe maxamuud xarbi iyo webi shabeele, iyo dugsigii sare ee jeneraal daa'uud isla markaana degaankoodu ahaa inta u dhaxaysa saldhiga booliska wardhiigleey suuqa xamar-jadiis xerta sheekh cali muumin, isbatiibo, cuuryaamiinta, iyo agagaarka masaajidka shiikh cabdi shiiqaal.
|
| | Wednesday, February 07, 2001 - 05:27 pm Cali, Waan ku salaamay walaal. Waa Cadnaan oo deganaa waqooyiga dugsigii M/xarbi. Waxaan u soo bedeshay dugsigaas bartamihii fasalkii sideedaad oon ka imid dugsigii la oran jiray hose/dhexe ee Kaasa-bobolare sanadkii 1978kii, oo markii danbe loo bedelay dugsi sare. Dugsigaygii sarena waxaan ka soo baxay Farsamada gacanta sanadkii 1983. Fadlan bal adiguna iska soo waran. Nabadgalyo, Cadnaan
|
| | Monday, February 19, 2001 - 01:24 am to cadnaan iyo cali Waad salaaamantihiin marka hore .waxaan u maleynaayaa magaca CADNAAN waa magac ku yar magacyada agagaarka HOOSE DHEXE MAXAMUD XARBI.. iyo nawaaxigeeda matahay cadnaankii aan aqaaney eela dhashey SHUCEYB iyo TOWFIIQ? Aniga waxaan ka mid ahaa dhalinyaradii yaryareed ee xaafadaas SHUCEYBNA wuxuu ii ahaa macalin iskuul fasalkii sideedaad xiligiisii shaqada qaran. waxaanan jaar aheyn CAGA BARUUR . mr ALI adiga wax faahfaahin ah iskasoo bixi aawey naaneysyadii dhalinyarada. CADNAAN halkeed ku danbeeysay? faahfaahin hala idinka helo liban from FINLAND
|
| | Tuesday, February 20, 2001 - 10:39 pm to. liibaan waan ku salaamay aniga waxaan ahay cali daleel hadii aad cagabaruur deris ahedeen waxaan u maleynayaa in aad taqiin maxamed cunaaye. aniga waxaan deganeyn dukaanka butaaco.
|
| | Wednesday, February 21, 2001 - 02:40 am xaafadaas xamarjaddiiid waa xaafadeeydii agagaaarka misaajidka sheekh cabdi anigaa deganeeyn ma taqaan cusamaan xuseen cusamaan tuure
|
| | Wednesday, February 21, 2001 - 11:14 pm to. muuse madaeey walaal waxaan u malaynyaa cismaan tuure inuu ahaa guuci aabihii oo kasoo horjeeday axmadeey carab. hadii aan qaldayna iisoo sheeg deriskooda koley magacaan cismaan tuure aad ayaan u aqaan.
|
| | Thursday, February 22, 2001 - 12:46 am To ALI Walaal waanku salaamey . Uma baahna inaad sharax dheer iska bixisid .si fiican ayaan kuu xasuustaa .iiga waran calas? aniga waxaan degenaa CAASHO MADAD gadaasheeda. waxaanan deris aheyn KUDKUDE alaha u naxariistee. ii waran maxaad aqbaar heysaa? halkeed joogtaa? Runtii waa wax qaali ah in asxaab ama dad deris ahaa mudo dheer oo qax iyo masiibo kukala dhacey dib iskula xiriiraan taas mahadeedana ilaah ayaa leh iyo kuwa fududeeya cilmiga inuu heerkaan gaaro. Aniga waxaan degenahay finland mudo 10 sanadood ah waxaad moodaa inaan la qabsanay nolosha finland mar dhaw ayaa iskuulka iidhamaanayaa bisha shanaad waxaana laga yaabaa inaan imaado america xiliga xagaaga.iigasoo waran dhalinyaradii xaafada yaad isku meel joogtaan?
|
| | Thursday, February 22, 2001 - 11:34 pm to.liibaan . waan ku salaamay waxaana deganahay sweden waxaana ila degan "jarmal cali daahir",kudkude wiilkiisii maxamed c/laahi wuxuu degan yahay kanada maxamed yuusufna wuxuu degan yahay USA, calasna wuxuu degan yahay USA, liibaanoow aad ayaad ii xasuusataa hadii aad i weydiisay calas, waxaa kale oo degan sweden reer cali jeex, liibaan waxaan ku weydiiyay war maka haysaa asad iyo naasir, iyo cidii kasoo horjeeday magaciisa ma xasuustee.iyo luqmaan, koley maxamed c/le wuxuu degan yahay kanada minashiibiyo london. nabadeey akhbaar halagaa helo.
|
| | Tuesday, February 27, 2001 - 10:21 pm To Ali waanku salaamey markale .aliyoow aniga soomaaliya waxaa iigu danbeeysay 88kii markaasoon waxbarasho u tagey INDIA wixii kadanbeeyay aqbaaro fiican kama helin soomaaliya laakiin waxaan maqlay in NAASIR uu dhintey alaha u naxariistee LUQMAANA uu joogo GERMANY .maxamed cabdulaahi iyo maxamed cabdule labada teleefoon ayaan ku wada hadalney beri hore jarmal cali daahirna swedan ayaan isku aragney oo waxaan tagey gurigiisa iiguna salaan,mar aan london tageyna aqyaar badan ayaan is aragney uuka mid yahay minishiibiyo iyo najiib .saaxiib aniga isma dhaheynin waxaad joogtaa swedan.iiga waran sheeq muqtaar iyo ilma cali jeex aqbaarna halagaa helo.hadaan si fiican u xasuusto wax aliyoow waxaad aheydeen sadex wiil iyo laba gabdhood waxaana kaa weynaa wiil iyo gabar amaba laga yaabo inaad ka weyneyd wiilkaas aan magaciisa xasuusan laakiin uu kaa lafweynaa abdi calas iyogabarna kaa yaraayeen iqabo hadaan qaldamey. nabadeey..
|
| | Friday, March 30, 2001 - 07:11 pm Waad salaaman tihiin reer xamarjadiid, Cali daleel, Fadlan hadaan aragtid Shiikh Mukhtaar sii cinwaankeygan: Email: adnan33@excite.com waa Cadnaan oo idin leh sidaa iyo nabadgalyo. Cadnaan
|