Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Gedo: Baaq uu kasoo saaray Wasiirku xigeenka W/arimaha gudaha gado
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeq

Thursday, February 01, 2001 - 11:39 pm
Baaq uu kasoo saaray wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha weerarada ay itobiya ku hayso gobolka gado.

Dr. abdi ali hasan ayaa waxa uu ugu baaqay beesha caalamka,Qaramada Midoob-ay, IGAD & J/carabta in wax laga qabto fara-gelinta qaawan ee ay dowlada itobiya ku hayso gobolka Gado.

Dr abdi ali oo intaas ku daray dowlada itoobiya oo ku xadgudubtay xushmadii darisnimo.
kana faa iidaysatay burburka soomaaliya.
ayaa qalalaaso ka wado koonfurta soomaaliya.

Dr.abdi ali ayaa sheegay in ay waxba ku noqon shirqoolkii ay u oogtay amxaarada waftigii ay dowlada kumeelgaarka ku marayeen magaalada garbahaaray ee xarunta gobolka gado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suldaan

Monday, February 05, 2001 - 01:02 am
deeq sxb waan wada maqalnay arintaas lakiin u malayn maayo in ay dunidu ka war la ayd in itobia ay faragalin ku hayso somaliya.

dunidu 10kii sanoo lasoo dhafay dhibka iyo colaada waynagu fiirsanaysay.
kuwana markay nooyimaadeen yaan inta sixun ula dhaqanay yayba dhibkeena ku qoslayaan. marka saaxiib ilaahay yaan qayr waydiisanaynaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saciid

Monday, February 05, 2001 - 11:14 pm
wararka ka imaanayo gobolka gado ayaa waxa ay sheegayaan in ay amxaaradii ka guurtay luuq iyo baladxaawo. kadib markii la sheegay in ay qaramida midooway wafti soo booqdo gobolka gado usoo dirayso.

kuwaas oo la sheegay in ay buundada doolow shalay dageen. lakiin waxaa is waydiinleh amxaaro faragalinta ayku hayso soomaaliya intaas maku ekaan doontaa..

baaqii dr cabdi cali iyo dadaalka ay dowlada ku meelgaarka ugu jirtay ka bixida amxaarada dhulka soomaaliya ayaa lagu guulaystay ilaa xad.

lakiin waxaa is waydiin leh amxaaro makala bixi doontaa faraha arimaha soomaaliya??

aniga ma qabo in amxaaro marna horumar noo ogolaan doonto..