Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Gobolada - Provinces: Bari: Boosaaso,,, Caasimada Soomaaliya ha loo soo wareejiyo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/casiis

Friday, February 02, 2001 - 05:27 pm
Idinkoo aanan caaytamin Yaa ogol in caasimada loo soo wareejiyo boosaaso, ama magaala kale oo ku taal Bari?

Jawaabtaada fasir oo caddey maxaad u ogoshahay in boosaaso/bari loo soo wareejiyo caasimada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeelaani

Saturday, February 03, 2001 - 10:19 pm
Anigu waxaan odhan lahaa caasimad ha laga dhigo, waayo barigii dagaalada sookeeye ay socdeen gaar ahaan intii u dhaxeysay 1991 ilaa 1994 waxay aheyd magaalada kaliya ay soomaalida oo dhan u soo hoy doontaan. Magaaladu aad bay u kulushahay, ma garanayo waxaad ka sameyn doontaan arrintaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HAWIYE WEYNE

Wednesday, February 07, 2001 - 05:16 am
Waagii hore waan aan diidanaa in Boosaaso laga dhigo caasimadda soomaaliya waayo waxaan u heystey in magaalada ay leeyihiin majeerteen laakiinse maanta waxba kaga qabo haddii Boosaaso caasimadda soomaaliya laga dhigayo waayo waxaan ogaadey in Boosaasada la sheego aysan meelba naga jirin oo ayba tahay magaalo HAWIYE .....Sidaaas darteed waxba kaga qabo haddii Boosaaso caasimad laga dhigo mar haddii aannu awoodikarno in aannu magaalada markaan rabno ka suubinkarno mudhaaharaadyo , markaan rabno magaalada xirikaro..........Maanta waxaan ogadey in awoodeena HAWIYE AY AAD IYO AAD IYO AAD IYO AAD IYO AAD ay u ballaran tahay ....ALXADULLIILAAH .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baracajib

Wednesday, February 07, 2001 - 12:23 pm
bosaaso magaalo madax manoqon karto. ma waxaa ku cajabisay nabadda ay dagaalka sokeeye ka gashay.
magaalada la rabo in magaalo madax laga dhigo waxay ila tahay waa inay leedahay sababo loogu xisho oo fududaynaya hawlaha xiriirka maamulka dawliga, isgaarsiinta, wadooyinka gaadidka, deegaanka, cimilada etc. waxaa jira magaalooyin uga fiican in caasimad laga dhigo haddii xamar laga qaadayo. haduu dagaalka sokeeye dhamaado bosaaso sideedii hore ayey ku soo noqonaysaa waayo waa beled hal qabiil uu dego dadka nabada u soo aadayna waa ka noqonayaa markay nabad imaato. waana sababtaa waxay waagii hore u duntay beledku waa in uu ka kooban yahay dad kala duwan iyo dhaqamo kala duwan.
saxiib bal adigu ka waran haddii laga dhigo kismaayo? dhan kasto way uga fiican tahay bosaaso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/casiis

Thursday, February 08, 2001 - 02:57 pm
Ulajeedo baan ka lahaa su'aasheyda. Waxayna aheyd inaan idin tuso, hadaad soomaali tihiin, khatarta iyo kalsoonid la'aanta ay keenayso dawlad central ah oo xoog leh sida tii hore oo kale. Waa ku mahadsantihiin jawaabihiina.

jeelaani
Nabadgalyada waa laga maarmaan, laakin waa siduu sheegay baracajib magaaladu hadaysan laheyn dhismoyin, jidad, dekado iyo air port oo caalami ah way adagtahay sida looga dhigo caasimad.

HAWIYE WEYNE
Waxaad ka hadashay mashaakilka soomaalida haysata oo ah cudur qabiil, waxaad isleedahay meel aad awood ku leedahay caasimad ha laga dhigo. Waxaad isleedahay toorrayda yaa lagaaga hor marin, taasina wax caqli gal ah ma'aha oo dowlad lagu dhisi karo.

baracajib
Qaybta hore ee jawaabtaada aad bay macquul u tahay. Hase yeeshee inta dambe shaki baa iiga jira. Walaal dawladdii hore waxay u burburtay waxay la xiriiraan arrinta aan hadda ka wada hadleyno oo ah CAASIMAD. Soomaaliya waxay aheed xamar. somaliya=xamar. Xamar markey burburtayna somaaliya oo dhan way la burburtay.

Maxaa xal ah?
Caasimada meeshii ladoono ha lageeyo, ileen dalku waa dalkeeni. Waxaa loo baahanyahay in tuulo waliba la dhiso, dadka deggana loo geeyo waxyaabaha daruuriga ay u baahan yihiin (caafimaad, wax barasho, koronto, shaqo). Waxaa oo dhan waxaa lagu gaari karaa, marka gobol walba loo xilsaaro fulinta arrimahaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

barcajib

Thursday, February 15, 2001 - 06:56 am
c/casiis: sxb sida aad u dhixstay suaashaada iyo sida aad raadinaysay waa kala labo. in kastoo ay badan yihiin hababka wax loo fasiro, waxaan jeclahay labo ka mid ah in aan ku fasiro micnaha ay leedahay suaashaadii. letteral and logical.
1- xarfaha hadaan micnahooda qaadano waxay na fahan siinayaa micne ah sida ay u qoran ytihiin.
2- waxaan horay u maqlaynay in ay dad badan ku doodayeen in maagalo madaxda meel kale laga dhigo.

hadaba suaashaadu waxay ku haboonayd in aad u dhisto si waafaqsan jawaabta aad raadinaysan.
hadaan anigu adiga ahay waxaan dhihi lahaa(ma u bahanahay magaala madaxdii hore camal oo wax walba iyada hoos imaanayeen mise mid ka duwan oo awooda magaalada la qabsata degmooyonka dalka )

laakiin waxa aad na suaashay iyo waxa aad raadinaysay isma laha. bal fiiri jawaabaha ay dadku bixiyeen waxaad arkaysaa in ay isku si u fahmeen. xataa hadii aad rabtay in aad jawaantaas heshid balse aadan rabin in aad muujiso biyo shubka jawwabta aad rabtay waxaa loo dhisaa raadintaada haka afti qaadka oo ah in aad suaalo kala duwan aad soo bandhigto . ee hab cilmiyeed ka afti doonka ma waa faqsana middaani oo waa hal suaal uu jawaabteeda ay ku xiran tahay fahamka micnaha erayada suaashu ku dhisan tahay.

fadlan marka dame isa soo habee haddii jawaab afti doonayso(survey).

waa ka xumahay sida aad ummadda waqtiga uga qaada. waxay kaa istaahilaan ama kugu leeyihiim raali gelin. waa haddii aad garashadaa leedahay.
nabaday. waa baracajib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/casiis

Friday, February 16, 2001 - 12:53 am
barcajib
waxaan u malaynayaa inaan horay kuugu sheegay in aan su'asha ulajeedo ka lahaa, laakinse haddaan kuu faahfaahsho waa sida soo socda;

1.Daacadnimada aad usoo gudbiseen jawaabihiinu, uma malaynayo inaan idinka heli lahaa( waxaan u malaynayaa taa baad ka caraysan tahay).

2.Boosaaso waa magaalo ay hal qabiil u badan yihiin, marka la yiraahdana caasimad halaga dhigo dad badan ayaa naqdi kulul, oo ku wajahan deegaanka iyo dadka deggan, soo jeedinaya. Taasi oo ku salaysan inay marka kowaad boosaaso tahay magaalo hal qabiil uu dego.

uma malaynayo inaan dad waqti ka lumiyay ee hadal daacad ah baan afkooda ka soosaaray.

Mar labaad u fiirso waxaad qortay: ""haduu dagaalka sokeeye dhamaado bosaaso sideedii hore ayey ku soo noqonaysaa waayo waa beled hal qabiil uu dego dadka nabada u soo aadayna waa ka noqonayaa markay nabad imaato. waana sababtaa waxay waagii hore u duntay beledku waa in uu ka kooban yahay dad kala duwan iyo dhaqamo kala duwan.""

Bal waan garanay inaad ka soo horjeedo in boosaaso laga dhigo caasimad, balse maxaad inoogu saadineysaa inay ku soo noqoto siday waa aheyd??!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baracajib

Friday, February 16, 2001 - 03:53 am
sxb weli maadan garan ujeedada waana sidaanhoray kuugu sheegay RAALIGELIN ayay kugu leeyihiin waayo sidaad adiguba isku cadaynaysid ama qiranaysid waxay tahay in aad la timid jawaab been ah oo aan xiriir meelna kala lahayn suaalsha aad dadka waydiisay.

anigu ma xanaaqsani waxaas oo kale na qiimo agtayda ka ma lah waayo waa ba wax qaldan. hadaan damcay in aan ku toosiyana waaba madax adeegtay oo waaba isu bogtay.

haddaan qof waydiiyo suaal ah dalka ma jeceshay in aad ka guurto? maya haduu ku jawaabo... ma dhihi karaa jawaabtii waan helay aan raadinayey oo waxaan tahay in qofkani uu yahay qof jecel in uu taageero qab-qablayaasha dagaal, waayo haddii kale wuu isaga tegi lahaa.

saxiib taaduna sidaa o kale ayey la mid tahay.

(centralization of power) ayaa jeclayd in aad jawaabteeda heshid. waxaad na dadka wadiisay ( location. future site for the capital city). martka sidaa ma aha habka afti qaad. waxyna ku siiyeen jawaab toos ah. marka ma is leedahay waxaa doonaysay iyo waxaa heshay. awood(power & location) iyo meelna waa kala labo.


tan kale arinta aan ka sii saadiyey bosaso waa mid ku eg aragti shaqsiyeed. anigaa na sidaa u arka waayo waa run hal deegaanka hal qabiil oo keliya uu degan yahay waxaa ka horumarsan deegaanka qabiilo badan ay degan yihiin. sidaa darteed markaad fiiriso hab maamulka puntland waxuu ku salaysan yahay hal qabiil. dad jareerah golaha maamulka gobolka ma ku jiraan(matalan), mise ma loo ogol yahay dhab ahaantii. waa maya sidaa darteed qof walba waxuu ku noqon doona halkii uu lahaa si uu fursad uga doonto illeen halkaan fursad uga ma banaana.

sxb warkaygii halkaa ayaa ku gooyey. hadaa rabtid in lagula sheekaysto waa inaad dad waynihii ka raali gelisaa qaladka ad ka gashay. ilaa aan arko anigu qof baan ahaye kuma soo noqonayo bogaada. nabaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/casiis

Friday, February 16, 2001 - 11:49 pm
Waxaad leedahay ma caraysani hadana soo noqon mayo baad leedahay!Forumkan qofna ma iskalaha oo dadka oo dhan buu ka dhaxeeyaa. Balse xaal qaado haddii aan su'aasha kuu qariyay.

waxa aan ka hadleyno waa somaliya ma'aha USA, (power iyo location) waxay ahaayeen laba isku duuban oo isla xiriira 30kii sano ee ugu dambeeyey.Power(dhaqaale iyo hoggaan) waa moqdisho(location).

Tan puntland inaan ka hadlo ma doonayn,balse hadaad soo qaaday waxaan ka oran lahaa, uma malaynayo inay jiraan dad la xaqiro oo dulmi lagu hayo tusaalena waxaa kugu filan;
dadka jareerta aad ku tilmaamtay waxay la noolyihin oo la qaybsadaan nolosha dadka kale, waxayna ka tirsan yihiin cidaha(waa xaqiiq, soo booqo puntland). magaalooyin magacyadooda aan rabin inaan sheego waxay xaqiraada ka gaareen inay cunnada xita aysan lacuni karin dadkaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gaalkacyood

Sunday, February 18, 2001 - 06:59 am
VIVA PUNTLAND
VIVA PUNTLAND
VIVA PUNTLAND
VIVA PUNTLAND
VIVA PUNTLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL QADHO

Thursday, February 22, 2001 - 02:59 pm
WAR YAA ISLAAM AH BOOSAASO MAXAYTAHAY WAXA LAGA SHEE GAAYO NAAGAHA IS GUURSADAY IYO WAXBAA IS QANIISAY IYO WAXA LASHEEAYO !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!CAJIIB LAYAAB LAYAAB CEEB CEEB CEEB CEEB CEEEEEEEBBB CEEEEB WAXAABA IIGA SIIDARAN KUWA IDAA CADAHA USHEEGAY ALLOW CEEBTAYADA ASTUR TII BOOSAASO ALLE MA ASTURINE WAR BOOWE MABIDAAD NOQOTEEN CCCCEEEEEEEEEEEEEEBBBBBBBEEEEEEEYYYYYYYYYY BOOOOOOOOSSSSAAAAAAASSSSOOOOOOO AGJOOG

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baracajib

Thursday, February 22, 2001 - 04:12 pm
hada ama markaan waxay ila tahay in aan ka doodi karno in boosaaso laga dhigo caasimad. anigu qof baan ahay waa ka dhigi lahaa, waayo caasimad waxaa loo baahan yahay in laga helo wax walba oo fiican iyo wax walba oo xun. sidaa darteed marba haddii ay joogaan dumar is aroosaya anigu waan u dooran lahaa caasimad waayo waa magaalo haqab tiri karta baahida aadamiga si kastaba ha ku timaadee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/casiis

Thursday, February 22, 2001 - 11:15 pm
baracajib doodii waad ka leexatay oo meel kale ayaad dhex boodaysaa, balse waxaan kasoo qaadayaa inay kaftan kaa tahay. adigu kaftan ha kaa ahaatee bal maqal ninka labaxay wiil qadho, waxaad moodaa in ay neef ka soo baxday marka boosaaso war xun oo been ah laga sheegay. anigu cuqdada kugu jirta dawo uma hayo ee quraanka badso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baracajib

Friday, February 23, 2001 - 04:46 am
c/casiis: sxb waa sidaa sheegtay oo waan iska kaftamayey, wax lagu farxo ma aha haday run tahay iyo haday been tahayba. ka raali noqo kaftan kaas.

tan kale waxaan jeclahay in aan tobiga bedelo oo aan ba kawada doodn ama isku rayi bedeleno. waxaan jeclaan lahaa tobiga ah QABIILKA.

madaama uu yahay qabiilku wax aan la iska indha tiri karin sidee u aragtaa in lagu dhaqmo iyo in aan lagu dhaqmin?

qabiilku ma loo adeegsan karaa in dalka lagu dhiso?


sxb suaalhaas oo dhan dadka intooda badani way yaqaanaan jawaabahooda balse ma rabaan in ay afka ku dhiftaan jawaabta oo waxay door bidaan in ay ku sifoobaan laba wajiile nimo, oo an kawado inay iska soo hor jeedo jawaabta ay ku siinayaan iyo hab dhaqan kooda.


waan wadi doonaa. adigana way kuu furan tahay in aad aragtidaada soo ban dhigtid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 25, 2001 - 10:32 am
Anigu waxaan oran lahaa,hadii nabadgalyo buuxdda laga heli karo magaaladda ,haday deked leedahay,hadii taariikh ahaan dadkii usoo cararay ay badbaadisay ee ayna ku dhicin sidaa xamar ka dhacday.etc waxaan aminsanahay in ay u qalanto caasumad somaliyeed fasiilatiga ah mustaqbilka waa heli doontaa.
Nabaday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeel yare

Sunday, February 25, 2001 - 10:36 am
Anigu waxaan oran lahaa,hadii nabadgalyo buuxdda laga heli karo magaaladda ,haday deked leedahay,hadii taariikh ahaan dadkii usoo cararay ay badbaadisay ee ayna ku dhicin sidaa xamar ka dhacday.etc waxaan aminsanahay in ay u qalanto caasumad somaliyeed fasiilatiga ah mustaqbilka waa heli doontaa.
Nabaday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/casiis

Monday, February 26, 2001 - 12:12 am
baracajib
waxba kama qabo inaan ka hadalno QABIILKA, runtii waa topic aad u balaaran ee maxaad ka qabtaa haddii aan page cusub u furno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeel yare

Saturday, March 03, 2001 - 07:59 pm
Waa talo fiican,laakiin waa hadii la kala garqaadanayo oo qolo walba ay qiranayso waxay gaysatay,oo waa tii la yiri sedex waryaalood ayaa rag kala dila
1.ASARAAG
2.EEX
3.ABAAL KA DHAC

MARKA MIDI MIDI KU TAAG WAXBA XAL NOQON MAAYO UUN WAA LAGU KALA FOGAANAYAA
nabaday
Shabeel yare

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QABOWSADE

Friday, March 30, 2001 - 06:19 pm
BOOSASO CASIMAD WAAN U OOGOLHAY HADII GUDMISKA TALADA LAGA ILAASHO###

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 11, 2001 - 10:19 pm
BOOSAASO HADDII CAASUMAD LAGA DHIGAAYO LOOMA WAYDIINAAYO WAX MAGARTADA EE WAXAA LOO WAYDIINAAYAA WAX GARADKA SOOMALIYEED WAAN A U OGOLYIHIIN IN LAGA DHIGO MAXAY YEELAY WAXAY BUUXINAYSAA DHAMAAN SHURUUDAHA AY CAASIMAD LEEDAHAY MARKA KII NAXAW NAFTA WAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL SOMALI

Thursday, April 12, 2001 - 10:30 am
TO MAJEERTEEN PPL


HADAAN NAHAY HAWIYE IYO MAREEXAAN MA'OGOLIN TAAS

WAXAAN WALI OGOLNAHAY INEY WALI SII NOQOTO CAASIMADA XAMAR

MA'OGOLIN IN LAGA DHIGO CAASIMAD
JOWHAR
BAYDHABO
KISMAYO
CEELBUUR
BUUL BARDE
BALAD XAAWO
MARKA
JAMAAME
HARGEYSA
BALADWEYNE
MAGAALOOYINKAAN WAA KUWA UGU WAAWEYN MANA AANU OGOLIN INEY NOQDAAN CAASIMAD
SEEN KU OGOLAANAA BUUSAASO BOOR DABAN IN LAGA DHIGO CAASIMAD MAR HADII AANU DIIDNEY IN MAGAALOOYINKII KAWAAWEYNAA AANU HOREY U DIIDNEY