    Ayman | Thursday, February 08, 2001 - 01:15 pm Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabaraakaatu walaalayaa yeynaan wakhtiga isaga dhumin waxaan ina anfacayn aakhiro iyo aduun Ilaahay halaga baqo halaga yaabo maalin Ilaahay loo noqon oo qofwalba la xisaabin wuxuu shaqaystay markuu aduunka joogay hala baqo habeen qabri aad kaligaa u haoyan doonto hala baqo maalinta qiyaama Ilaahay ha ina asturo |
    ceelboy | Sunday, February 11, 2001 - 10:44 am waa run ee ilaahay ha laga baqo aigana ajar ilaahay hakaa siiyo wacdigan. waxaanse la yaabay maxaay dadkii halkan qoraal ugu soo darsan wayeen ileeyn meelaha kaleba waay buuxiyeene ilaahoow na soo hadee dhamantayo adigana qofkan bilabayoow wiil iyo gabadh kaad tahayba ilaahay haku siiyo denbi dhaaf aamiiiiiiiin |
    Muslim-bilaa-qabiil ah | Thursday, March 22, 2001 - 10:02 am RE: Aymaan iyo ceeboy walaalayaal aad baa u mahadsan tihiin waxaa fiican ee aad daka u sheegteen. Ilaahay halaga baqo nin ku yirina hadal kuu dhamay. Ilaahay ha idinka dhigo kuwii ummada qabiil ka daween lahaa. Halkaa ka sii wada; wacdigana noo badiya. Waa idin garab taaganahay.Ha niyad jabina ee howsha wada. wa salaama calaykum. |
    Aqoon-doon | Thursday, March 22, 2001 - 10:38 am aniga ayaa walaal raba inaan if iyo aakhiroba libaano ee wanaada noo fur oo waxaad nagu dhaanto noo sheeg diyaar baanu u nahay inaanu ku dhegeysano. Ilaahay jahli ha naga saaro. Aamiin. |
    Anonymous | Friday, March 23, 2001 - 04:44 am Aymaan: Sheekhow ummaddii waa walaataye bal soo daliili xadiiskii ama aayadii qabiilka xumaantiisa ka sheekeenaysay. Dadkii wadadii naarta ayaad moodaa inay cagta kuu hayaan ilaahay hanag nabad geliyee. |
    Akhii filaah,,,, | Saturday, March 31, 2001 - 05:40 pm A SALAAMU CALAYKUM DHAMAANTIIN AAD BAAN UGU FARAX SANAHAY GOOBTAN LAGAGA HADLAAYO WACDIGA IYO DANTABA, HADABA waxaan soo jeedin lahaa in qolka lagaga hadlo arimaha dacwada islaamiga ah ee kasocota sanaag bal qof walbow isku dey inaad war kahesho dalkeenii siiba sanaag maanta soomali waxay isugu faan taa horumarka dacwada ee bl howshaash inoo gala qabiil wadena qolalka kale udaaya oo how joojinina wasaalamu calaykum |