    FARXAAN | Friday, February 09, 2001 - 09:47 am walaalayaal waadsalaamantihiin waxaan rabaa inaan ogaadi Banaadir loolajeeday maxaayeelay waxaan maqlay inla odhan jiray banaan Direed. |
    2MA | Saturday, February 10, 2001 - 10:39 am sxb hab fasirkaadu iguma cusba waxaa la mid tahay kuwo badan oo wax u fasira sida ay rabaan iyo sida dhawaaqa eraygu ugu dhowaan karo luuqada somaaliga iyo micnaha ku haboon oo lala raadisado. dad badan ayaad arkaysaa oo eray aysan garanayn markay la kulmaan kala jiidaya eraygii ama soo yaraynaya dhawaqii erayga ama kala goynaya dhawaqii erayga. erayga somali waxaad arkaysaakuwa badan oo siday rabaan u micnaynaya sida somaal xoolaha, balse haddaa taariikhda isirka dadka iyo so jiritaanka baartid waxaad la kulmaysaa in erayga somali uu micno badan oo dhab ah lee yahay iyadoo laga fiirinaayo dad badan oo kala duwan balse xirrio kala duwan la lehaa somalida . sida hindida oo aan ka soo qaadanay xarfo badan waxay somali u yaqaanaan maroodiga. arintaada haddaan u soo noqdo erayga inta aanaan u guda gelin horta aan doono waqtiga uu soo baxay hadii la heli karo iyo ciddi waagaa meesha deganayd. erayga banaadir waxuu diiwaanka taariikhda joqoraafiga soo galay waqtigii boqortooyadii cumaanka ee qarnigii 17 naad, ahayad reer boqor saciid, oo somalidu si fiican u taqaan wiilkiisii shanaad ee saldanada ku dameeyey oo la dhihi jiray saciid barqash. magaca waxaa loo yaqaanay deegaanka ka bilowda magaalada Laamu ee hadda kenya hoos tagta illaa xeebta warshiiq oo ka tirsan somalia. dhulkaas ayaa la isku dhihi jiray BANAADIR. KA DIB QABSIGII AFRIKA 1884 Ayuu kala goay dhulkii loo yaqaanay banaadi oo uu kala noqday somalia iyo kenya. kadib xornimadii somalia markii la helay dawladdii ugu horaysay waxay magacii banaadir ku magacawday gobol wayn oo u dhexeeyey jubada saer iyo hiraan. kacaankii ayaa ka bid ku soo koobay magacii banaadi magaalada xamar. intaasi waa hab taariikhdii iyo heerarkii deegaan ee uu soo maray magaca BANAADIR. runtii anigu mahayo macnaha dhabta ah ee banaadir balse waxaa haboon in laga raadiro ereyga wadamadii xiriirka iyo dhaqanka ay la lahayd boqortooyadii reer saciid oo cumaan ta u dhalatay. matalan erayga zanjibar oo ah jasiiradda wayn ee ka mid ak midowga TANZANIA waxuu ka soo jeedaa erayga (zanji) macnihuusuna waa madow waxuuna ka yimid luuqadda reer IRAN. marka banaadirna waxaa haboon in dhan walba la doono oo aan la dhihi ma BANAAN DIREED baa. HADABA WAXAAN U MALAYNAYAA IN AY INTAANI IF(SOURCE) KUU NOQONAYSO AAD WAX KU BAARTID. WELIGAA ISKA JIR HAB FASIRKA AAN CILMIYEYSNAYN OO AY SOMALIDU CAQLIGOODA KU CABIRAAN IYO DANTA MARKAA AY LEE YIHIIN. RAADI QORAALADA GAAR AHAAN SOMALIDA TAARIIKHDEEDA SI FIICAN WAX UGA QORAY SIDA(LEWIS OO AHAA NIN MAR DHOW DHINTAY OO KU TAQASUSAY AF SOMALIGA BUUGAGTIISA) AMA LA XIRIIN XIDII KUGU XIRIIRIN KARTA MAXAMED SACIID SAMATAR OO DHEGENAA DALKA FARANSIISKA OO KU TAKHASUSAY JIRITAANKA SOMALIDAIYO HAB SOCODKA TAARIIKHEED EE ISIRKEEDA. WAXAA KALOO KA BAARI KARTAA ISLAAM IN EAST AFRICA, BOOGAAGTA WAX KA QORA TOBIGAAS. SLAVERY IN EAST AFRICA ISNA FIIRI , IYO WIXII KU TAXALUQA INDIA,IRAAN ,IRAQ,ARABIA,ETHIOPIA ETC. NABADAY. |
    Abdulla | Monday, March 19, 2001 - 11:24 pm Walaal waad salaaman tahay. Magacan Banaadir waxa uu asalkiisa ka soo jeedaa oo uu ka yimid Bender oo afka pershianka amma iraaniga loogana hadlo dalka iiraan. Micanihiisu waa deked,Waxaad tusaale u soo qaadan kartaa magaalada bender abbas ee dalka iiraan oo ku taala meel dekad ah . Iiraaniyiintu xiriir wanaagsan ayay la lahaayen soomaalidii hore. Waxay deganaayeen xeebaha soomaalida waxayna saameyn weyn ku yeesheen dhaqankeena iyo caadooyinkeena. Wixii faahfaahin ah ka raadi buugta taariikhda. |
    Turbashaash | Tuesday, March 20, 2001 - 09:57 am 2MA iyo Abdula aad baad u mahad santihiin ninkan odayga ah markii hore fikradiisu way fiicnayd hasa yeeshee waxad moodaa cilmigu ina uu ku yaryahay waxa ay iila muu qataa Abdula ina uu ila saxsan yahay hasa yee shee banaadiri waxay kaloo tahay ama ku jirtaa afka Burtqiiska. sidaad u la socotaanba dadbadan oo maynoorati ah ayynu leenahay waa dadka la oran jiray muuqshabeel oo u badan inay dagaan Baraawe dadkaas ayaa Banaadir ku soo horeeyey oo ganacsato ahaa oo ka ganacsan jiray xeebaha. waa dadkii ugu ilbax sanaa geeska Afrika sida ay ii lamuuqato.waad mahadsantihiin. |
    Caalin Yuusuf | Thursday, March 22, 2001 - 09:41 am Salaan ka dib, Cabdula si wanaagsan ayuu isku dayey inuu u fasiro "Banaadir" waxa loola jeedo. Kelmadda asalkeedu wuxuu ka yimid Persia ama Iiraan, waana jamac. "Bender" waa meel deked ah sida Bender Bayla oo bariga Soomaaliya ku taal. marka laga dhigo dekedo(jamac) waxay noqonaysaa "Benadir." Midda kale, Banaandir majirto sida uu ninka cilmiga yari uu doonayey, sababtoo ah waxaa ka khaldanayd higaada. Sida uu isagu u higaadsaday way u muuqan kartaa "Banaan Dir." Laakinse, sidaas sax ma aha. Luqada Pershiga, kelmadda Bender waxay kaloo noqon kartaa meel wax lagu kala gato. Sida aad la socotaan, dadyowgii hore waxay wax ku kala gadan jireen dekedaha markay doonleydu keenaan badeecad. |
    Anonymous | Tuesday, March 27, 2001 - 06:42 pm farxaan waa sidaa aad sheegtay micnaheeduna waa sidaas banadir micnaheedu waa dhulkii dirta hadaan tusaale ku siiyo anigu naftirkaygu aad ayaan u xiiseeyaa taarikhda soomaaliya ,aad na waan isku dayey in aan ogaado labadan magac ee is raaca in aan marna isko daro marna kala jaro waxayna noqotay 1 ban iyo 2 dir 1 micnaheedu waa banaan ama dhul. 2 waxa weeye qabiilka layirahdo dir ee ilaa waqooyiga ilaa koonfur ku kala nool reerka dir ee waqooyiga soomaaliya sida, gadabiirsiga iyo isaaq. dhulkooda hadaad tagto, waxaad arkaysaa ban, ban, ban micnaheedu waa dhul waana hadalka dirta. dhulka isaaq dago ilaa hada waa laga isticmaala oo waa bankatuuyo boorame aktiisan waxa jirta,meel caana oo layiraahdo banka walba waxaas hada ma xasuustee,runtu waa sidaas. soomaaliduna hoos ayaynu isku dhignaa,waxaan u cararnaa carabiyo iiran uraya walaalkooda maskaxdiisa,isticmaalana waxaa la oranayaa waa beentii,taasana keentay ilaa hada in aynu shisheeye dabasocono taasina waa nasiibdaro qabiilooyin soomaali kamidina xitaa ilaa maanta oo wax la bartey ay ku oranayaan carab ayay kasoo jeedan,magac yadii soomaaliga ahaan ku badalney magac, carbeed,diinta markaad eegtidna ku oran mayso badal mac iyo dhaqankaaga. nimanka walaaladen hamiye dhulka la idinkuma hasto idinkaa iska leh waliba abgaal, laakiin sida aduunku ku hormarey waa in atnu wax is weydiinaa iyo taariikhdii hore, farxaan waan ku raagey meesha laakin arinku waa sidaas. banaa dir banaa dir wax aynu kala faa iidaysano runsheege jaaw |